Maarso 09, 2012
Madaxweynaha Tansaaniya Jakaya Kikwete ayaa Arbacadii (7-March) muujiyey horumarka ay dawladdu ka gaartay dhinaca dimuqraaddiyadda iyo dawlad-wanaagga, Daily News ta Tansaaniya ayaa werisay.
Kikwete oo ka hadlayey Aqalka Madaxtooyada Daaru Salaam isagoo joogay xaflad uu warbixinta horumarka Tansaniya ku guddoonsiinayey Nidaamka is-qiimaynta iyo isla jaan-qaadidda ka dhaxaysa waddamada Afrika (APRM). 21 ka xubnood oo ka socdaa guddi-farsameedkaa ayaa Tansaaniya joogayaan saddex toddobaad si ay dib-ugu-eegaan waxqabadka dhawr hay’adood, waraysiyana ay u sameeyaan.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay dawladdu daacad ugu tahay guddiga APRM, iyadoo dhiirri-gelinaysa is-qiimayn Afrika dhexdeeda ah. Tansaaniya ayaa ahayd xubnihii ugu horreeyey ee ku biiray APRM oo iyadu haatan ka kooban 31 ka mid ah 54 ta dal ee Afrika.
"Waxaannu leennahay dhawr hay’adood oo u xilsaaran in ay ilaaliyaan dawlad-wanaagga iyo awoodda sharciga, waxaana ka mid ah Xafiiska Xisaabinta Qaranka, Guddida Anshaxa hoggaamiyeyaasha bulshada iyo Guddiga Xuquuqda Aadamiga iyo Dawlad-Wanaagga iyo weliba kuwo kale,” ayuu yiri.
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Bernard Member, ayaa sheegay in ay dawladdu ku bixisay 5.5 bilyan oo shilin ($3.5 milyan) in la isku duwo warbixintan oo la marti-geliyo weftiga APRM.
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
Shan qof ayaa lagu xiray Daarusalaam Khamiistii iyaga oo haysatay walxaha laga sameeyo qarxyada, ...
Madaxwenaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyay sharci-dajiyayaasha in ay dhinac iska dhigaan ...
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa gobolka Bakool ku dilay sagaal ka tirsan dagaalyahannada al-Sh...
Rag hubeeysan oo aan la garaneeyn ayaa fiidnimadii Sabtida (18-kii Maajo) waxa ay waqooyi-bari ke...
Xisbiga talada haya Kenya ee Isbahaysiga Jubilee ayaa hoggaanka u qabtay laba guddi-barlamaan oo ...
Rugta Ganacsiga Jabuuti iyo Hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ayaa ilaalada xirmo...
Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Tansaaniya Filiberto Ceriani Sebregondi ayaa ku boorriyay saxaf...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo