Cumaan oo shixnaddii labaad oo gargaar ah u dirtay Soomaaliya

Maarso 07, 2012

  • 3 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Koox gargaarayaal reer Cumaan ah ayaa toddobaadkan 1,000 tan oo agab dawo, cunto, iyo hoy ah u diray Soomaaliya, sida uu sheegay Ururka Khayriga ah ee Cumaan.

Bishii hore ayuu ururkaa Cumaaniga ah diray 1,000 tan oo gargaar ah si looga qaybiyo waqooyiga dalka, oo ay ku jiraan Hargeysa iyo Burco, The Times of Oman ayaa Arbacadii (7-da March) weriyey.

Shixnaddan cusub oo sahayda ah ayaa loo qoondeeyey gobollada koofurta oo ay ka mid yihiin Gedo, Kismayo iyo gobollada Jubbooyinka, ayay jariidaddu werisay.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Abla Safi
    March 11, 2012 @ 09:25:15PM

    Sababo la xiriira biyo la'aanta ka jirta waddanka Soomaaliya abaarta iyo macluusha waxay noqdeen wax caadi ku ah waddanka. Dadka waxaa ay noolaan karaan illaa laba sano ayagoon heli dhibic biyo ah oo dhulka ku soo dhacda, taasi waxay ka dhigtay mid ka mid ah meelaha ugu kulul geeska Afrika. Maadaama ku dhowaad dhammaan dadka ku dhaqan Soomaaliya ay yihiin xoolalay, waligood kuma fekarin in ay beeraha fashaan, sidaas-darteed waxay ka dhigtay noolashooda noolal adag. Soomaalida yar ee fursada u heshay in ay abuurtaan dalag waxaa carqaladeeyay Al-shabaab, sababtoo ah kooxdan waxay la wareegtay wax kasta oo ay aragtay in ay faa'iido lee yihiin ama ay manfacyo ayaga u leeyihiin. Inkastoo Soomaaliland ay ayaduba tahay waddan qalalan, waxay wali heshaa roob marmar, oo haddii si fiican loo xajiyo uu faa'iido u lahaan lahaa waddanka, waxayna awood u yeelan lahaayeen in ay si habboon u quudiyaan dadkooda, inkastoo halista argagaxisada ay saameyn ku yeelatay daciifida dhaqaalaha muddo waqti ah. Xukuumadda Soomaaliya waa in ay xaqiijisaa in la helo mashruucyo biyo waraabid dalaga ah kadib marka ay xaqiijyaan gacan ku haynta waddanka. Waa in sidoo kale dadka ku dhiiregelisaa in ay beeraha fashaan. Habkani, waxay awood u helayaan in ay soo saartaan dakhli badan dadka Soomaalida ayagoo sidoo kale ka dhigaya abaarta iyo macluusha wax taariikh ah.

  • Kafeel
    March 8, 2012 @ 03:08:27AM

    Ciidamada Midowga Afrika hawl weyn ayey qabteen oo meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah ayey nabad ku soo dabaaleen, gaar ahaan magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, inkastoo aysan ku gulaysanin in ay gebi ahaan wada tirtiraan kooxdas argagixisada ah, lwaxay awood u yeesheen in ay caasimadda ka caabbiyaan dhowr weerar, inkastoo marmar ay dhacdo in laga gacan sarreeyo ama ay guul dareystaan markaas oo ay dhacdo in ciidamada Midowga Afrika ay dib uga soo gurtaan meelihii ay joogeen amaankooda dartii, maxaa yeelay marmarka qaarkood Al-shabaab ayaa ka awood roonaada. Laga soo bilaabo markii ciidamada Xooga Kenya iyo kuwa Soomaaliya ay Soomaaliya ugu soo galeen hawlgalka loogu magacdarar “Hawlgalka Ilaalinta Waddanka”, waxaa qassab ku noqotey kooxda Argagixisada ah in ay cabsadaan oo ay gudaha Kismaayo u cararaan. Inkastoo dad Kenyan ah iyo kuwo ka tirsan ciidamada xooga kenya ay naftooda ku waayeen dagaalkan, kuwa farabadan oo ka mid ah taageerayaasha Alshabaab iyo maleeshiyaadkeeda ayaa la laayey qaar kaloo badanna waa la dhaawacay. Laga soo bilaabo intii ay ciidamadaasi Soomaliya galeen, nabad ayaa ka dhacday magaalooyin badan oo Soomaaliya ka mid ah, maxaa yeelay ciidamadaasi waxay u dagaalamayaan xornimo iyo badbaado.

  • Haji
    March 8, 2012 @ 02:56:02AM

    Inkastoo hay’adaha gargaarka ay wali ku hawlanyihiin isku dayga ah inay kaalmeeyaan dadka Soomaaliya ku sugan, waxay hay’adahaas kala kulmeen is-hor taag ururka Al-shabaab, sidaas awgteed hay’adahaasi way u suuroobi waysay inay dadka soomaaliyeed gaarsiiyaan gargaar. Ma dhihi karno dadaalladaasi way fashilmeen, laakiin waxaan ognahay in saraakiisha iyo xaafisyada hay’adahaasi ay in badan soo weerarayeen ururka argagixisada ah ee Al-shabaab, wuxuuna ururka hay’daha ka qaataa gargaarka iyo cunnooyinka hay’aduhu waddaan ayaga leexsada. Haddii hay’adahan gargaaka ay kaashan lahaayeen ciidamada Midowga Afrika, ama ay haysan lahaayeen ciidan ilaaliya marka ay hawsha gargaar gaadhsiinta ay ku jiraan, waxaa hay’adahaas u suurto gali lahayd inay dadka tabaalaysan ugu yaraan wada gaadhi lahaayeen oo ay gargaarka gaadhsiin lahaayeen. Dhalliisha kale ee ay hay’adahan leeyihiin waa inayna u codsan waxcaawimaad ah waddankan, hadday saa samayn lahaayeenna waxay bad baadin lahaayeen dadka ku hoos nool oo wajahaya khatarta Al-shabaab.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Al-Shabaab ma ku badbaadi doontaa hoggaanka Axmed Cumar iyadoo isku xiran kadib dhimashadii Axmed Cabdi Godane?

Fiirso natiijada