Maarso 07, 2012
Madaxweyne Mwai Kibaki ayaa Talaadadii (6-dii March) billaabay mashruuc 3-bilyan shilin ah ($32-milyan) oo lagu horumarinayo isku-raranta Kibera, Capital FM News-ta Kenya ayaa werisay.
Mashruuca Horumarinta ee Dejinta Dadka Kibera ayaa waxaa ka mid ah dhismaha 912 sakadood, 230 bakhaar oo tafaariiqda ah, dugsi xannaannada ah, hooso bulsho, xarun dhallinyaro, iyo meelo lagu maareeyo wasakhda oo nadaafadda lagu dhawro.
Mashruuca ayaa ah wejigii labaad ee horumarinta isku-raranta oo uu Kibaki billaabay 2004-tii, sida ay wakaaladda wararku werisay.
"Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay in barnaamijkii aan daah-furay October 2004-tii uu noqday bog kale oo ka mid ah himilada dadweynaha ee lagu xaqiijinayo halbeeg sare oo guryaynta ah oo ay dadkeennu helaan,” ayuu Kibaki ka yiri xafladdii dhagax-dhigga, isagoo tilmaamay in 30% ka mid ah dadka magaalooyinka ee Kenya ay ku nool yihiin deegaanno aan rasmi ahayn, oo ay ka maqan yihiin waxyaabaha asaasiga ah ee loo baahan yahay.
"Dawladdu waxay sii wadi doontaa in ay fuliso siyaasadaha dhayaya faqrinnimada dalkeenna ka jirta,” ayuu yiri.
Kibaki ayaa Barnaamijka Dejinta Bani’aadamka ee Qaramada Midoobay uga mahadceliyey caawinta ay ka geysatay maal-gelinta mashruuca, waxaa kale oo uu u mahadceliyey Baanka Adduunka, Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee reer Sweden, iyo Hay’adda Horumarinta Faransiiska oo iyaguna caawin ka geystay barnaamijyo kan la mid ah.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo