Maarso 07, 2012
Madaxda dawlad-goboleedda Puntland ayaa muujiyey sida ay uga walaacsan yihiin sida ay khataraha al-Shabaab ugu soo kordhayaan gobolka, Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa Arbacadii (7-da March) werisay.
Maamulka Puntland ayaa sameeyey horumarro dhinaca amniga ah, balse xagjiriinta xulufada la ah al-Shabaab iyo al-Qaacida ayaa ku gooddiyey in ay gobolka ka abuuri doonaan xaalad ammaan darro iyo colaad, ayuu yiri afhayeenka Puntland, Axmed Cumar Xirsi.
Sabtidii, ayay Dableyda Buuraha Golis ee al-Shabaab xulufada la ahi waxay weerarro isxig-xiga ku qaadday ciidamada amniga Puntland, iyagoo halkaa ku diley afar ka mid ah saraakiisha amniga.
Ciidamada ammaanka ee Puntland oo dhan ayaa la geliyey heegan buuxa si loo ilaaliyo weerar kale oo ay soo qaaddo kooxda aregaggixisada ah. Xirsi wuxuu sheegay in dawlad-goboleedka Puntland ay ka soo horjeeddo in ciidamada Midowga Afrika la keeno gobolka, isagoo sheegay in aanay dawlad-goboleedku haatan weli diyaar u ahayn faraggelin shisheeye.
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
Bilayska Tansaaniya ayaa koox khaas ah u diray Arusha Axaddii (16-kii June) si ay baaritaan ugu s...
Wafdi ka socda Yemen ayaa fasixii todobaadkan booqday Jabuuti si uu u soo saxiixo heshiisyo xirii...
Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa booqday Jabuuti Sabtidii ...
Toban qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Jowhar Sabtidii (15-kii June) kadib dagaallo ay ku lu...
Hay'adaha la-dagaallanka musuqmaasuqa Kenya ayaa u midoobay si ay u sameeyaan xarun kaliya oo lag...
Ugu yaraan saddex qof ayaa looga cabsi qabaa in ay dhinteen 20 kalena uu gaaray dhaawac halis ah ...
Shan iyo toban dal iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka qayb-galay shir khuseeya kacs...
Weerar loo adeegsaday walxaha qarxa ee la macmalay oo ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shab...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
puntland waa muqadas in ay difaacdo wadankeeda cidnana gorgortan kula gali mayso mana doonayso in wadankeeda ay yimaadaan ciidamo shisheeye oo hada carqalad u abuura iyada oo ciidankeedu kor u dhaafay 10,000.mahadsanidiin