Maarso 06, 2012
Wasiirka Beeraha iyo Xoolaha ee Jabuuti, Maxamed Axmed Cawaale ayaa kormeer ku maraya baaddiyaha dalka si uu u soo arko xaaladaha nololeed ee dadka reer miyiga ah, La Nation-ta Jabuuti ayaa Isniintii (5-ta March) werisay.
Cawaale wuxuu sheegay in uu doonayo in uu isagu idhihiisa ku arko in ay dadka deegaanka ahu biyo heli karayaan iyo in ay xoolahoodu caafimaad qabaan. Wuxuu sheegay in kormeerkiisu uu awood u siin doono in uu cabbiro jawaabna u raadiyo dhibaatooyinka ay wajahayaan bulshooyinka reer miyiga ah, tanuna waa qayb ka mid ah go’aanka ay dawladdu ku doonayso in ay hagaajiso nolosha reer miyiga.
Meel ka mid ah meelaha uu istaagay, ayaa saraakiisha Medeho waxay Cawaale u sheegeen sida ay abaarta iyo xaaladaha nololeed ee qallafsan u saameeyeen dadka deegaanka, waxaanay wasiirka ugu baaqeen in uu baritaaro wax soo saarka beeraha. Cawaale ayaa markaa ka dib kormeeray ceelasha tamarta qorraxda ku shaqaynayey ee tuulada oo markaa jabnaa, ka hor intaanu u sii gudbin Waddi, ayay jariidaddu sheegtay.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo