Maarso 06, 2012
Madaxweynaha Tansaaniya Jakaya Kikwete ayaa Axaddii (4-ta March) carrabka ku adkeeyey sida ay dawladdiisa uga go’an tahay sinnaanta ragga iyo dumarka, waxaannu markaa ka hadlayey isu soo bax caalami ah oo ay dad ku korayeen buurta Kilimanjaro si ay dareenka ugu soo jeediyaan xad-gudubyada haweenka lagula kaco, The Citizen-ta Tansaaniya ayaa werisay.
"Ka xagal-daaci mayno dedaalkan isaga ah; waxaan diyaar u ahay in aan jaallayaashayada waddamada kale kala shaqeeyo in mabda’aan wanaagsan uu ka hanaqaado Afrika,” ayuu Kikwete ku yiri wakiillada 36 dal oo Afrika ah, isagoo intaa ku daray xad-gudubyada ku salaysan jinsiga in ay bulshooyinka ka hor istaagaan in ay horumaraan.
Kikwete ayaa hoggaamiyeyaasha gobolka ku ammaanay sida ay ugu midoobeen la dagaallanka xadgudubyada jinsiga ku salaysan, waxaanu daliishaday Borotokoolka Axdiga Afrika ee Xuquuqda Insaanka iyo Dadka ee ku saabsan Xuquuqda Haweenka ee Afrika oo si wanaagsan loogu yaqaanno Borotokoolkii Maputo, oo ay sixiixeen 46 dal oo Midowga Africa ka mid ah 28 ka mid ahina ayba ansixiyeen.
"Maanta, borotokoolaasi waxaa loo isticmaalaa sidii aalad muhiim ah oo dawladaha lagula xisaabtamo si ay u fuliyaan ballamadii ay galeen,” ayuu yiri Kikwete.
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
Shan qof ayaa lagu xiray Daarusalaam Khamiistii iyaga oo haysatay walxaha laga sameeyo qarxyada, ...
Madaxwenaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyay sharci-dajiyayaasha in ay dhinac iska dhigaan ...
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa gobolka Bakool ku dilay sagaal ka tirsan dagaalyahannada al-Sh...
Rag hubeeysan oo aan la garaneeyn ayaa fiidnimadii Sabtida (18-kii Maajo) waxa ay waqooyi-bari ke...
Xisbiga talada haya Kenya ee Isbahaysiga Jubilee ayaa hoggaanka u qabtay laba guddi-barlamaan oo ...
Rugta Ganacsiga Jabuuti iyo Hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ayaa ilaalada xirmo...
Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Tansaaniya Filiberto Ceriani Sebregondi ayaa ku boorriyay saxaf...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo