Maarso 06, 2012
Askari kuwa ciidamada Midowga Afrika ayaa Isniintii (5-ta March) degmada Dayniile ku dhintay mid kalena waa uu dhaawacmay ka dib markii ay ku qaraxday miino la macmalay oo ay xabaaleen dagaalyahaniinta al-Shabaab, AMISOM ayaa sidaa sheegtay.
Iyadoo miinada laga saarayey tuulada T-da oo ku taal waqooyiga galbeed ee Muqdisho, sifo qarxiyaha looga saaro si ammaan ah, ayay al-Shabaabku sheedda ka qarxiyeen, sidaasna ku dishey askari reer Burundi ah.
Taliyaha ciidamada AMISOM, Jeneraal Fred Mugisha ayaa weerarka cambaareeyey. “Waannu sii wadaynaa in aannu la dagaallanno xag-jiriintan shaqada ka dhigtay in ay qalalaase la beegsadaan dadka aan waxba galabsan ee rayidka ah,” ayuu yiri. “Dadka Soomaaliya ayaa dhinaceenna soo jira, iyagaana soo sheegay ilaa 70% ka mid ah miinooyinka la xabaalay oo aannu hawl-gabinnay oo meeshii ka saarray.”
"Waxaan ku dhiirri-gelinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee nabadda jecel in ay digtoonaadaan oo ay soo sheegaan wixii falal ah oo ay ka shakiyaan ama alaabihii ay ku arkaan aagaggooda,” ayuu yiri.
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
Shan qof ayaa lagu xiray Daarusalaam Khamiistii iyaga oo haysatay walxaha laga sameeyo qarxyada, ...
Madaxwenaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyay sharci-dajiyayaasha in ay dhinac iska dhigaan ...
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa gobolka Bakool ku dilay sagaal ka tirsan dagaalyahannada al-Sh...
Rag hubeeysan oo aan la garaneeyn ayaa fiidnimadii Sabtida (18-kii Maajo) waxa ay waqooyi-bari ke...
Xisbiga talada haya Kenya ee Isbahaysiga Jubilee ayaa hoggaanka u qabtay laba guddi-barlamaan oo ...
Rugta Ganacsiga Jabuuti iyo Hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ayaa ilaalada xirmo...
Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Tansaaniya Filiberto Ceriani Sebregondi ayaa ku boorriyay saxaf...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo