Maarso 02, 2012
Dawladda Kenya ayaa bilaabaysa qorshe ay ku kici doonto 1.8 bilyan oo shilin ($22-milyan) oo dib loogu noolaynayo meheradda dhar samaynta oo dib-u-dhacyo ay ku yimaadeen sanadihii dhawaa ka dib markii ay badatay helitaanka dhar horay loo soo isticmaalay, Business Daily Africa ayaa Khamiistii (1-da March) werisay.
Lacagta oo ka imanaysa deyn uu bixinayo Baanka Adduunka ayaa loo isticmaali doonaa in la kordhiyo soo saaridda cudbiga, in la casriyeeyo warshadaha dharka miiqa, waaana lagu dardargelin doonaa meheradda dharka oo hadda ku shaqaysa in ka dhigan 30% oo awooddeeda caadiga ah ka mid ah, ayay qortay jariidaddu.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Warshadaynta, Karanja Kibicho, ayaa sheegay in ay wasaaraddu billaabi doonto olole loogu magac daray “Gado wax soo saarka Kenya oo Dhis Kenya" kaasoo lagu xayeysiinayo dharka gudaha lagu sameeyey. Tani waxay dadka ka niyad-jebin doontaa iibsiga kordhaya ee dharka mitumbaha [hudhey] ah oo haatan alaabo ku soo qubaya Kenya,” ayuu yiri Kibicho oo ka hadlayey Machadka Dharka iyo Saamaha ee Thika ku yaal.
Maamulka Canshuuraha Kenya ayaa December wax ku dhaw laballaab sare u qaaday canshuurta laga qaaado konteenarrada alaabaha keena, waxayna sidaa iyada ah ku laballaabeen qiimaha dharka hudheyda ah, sida uu qabo Xiriirka Ganacsadayaasha Gikomba.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Shaqa la’aanta ragaadisay dalka Kenya waxaa ugu wacan dharka huudhayda ah ee baaliyoobay ee dalka lagu soo gurayo, markaa waxaan ku talinayaa inaynu fadhiga ka kacno oo aynu warshadeheena dib usoo noolayno, oo aynu taa kaga dayano jaamacada Mooy ee Kenya, oo iyadu sidaa yeeshay.