Maarso 02, 2012
Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki iyo Raysal Wasaaraha Itooobiya Meles Zenawi ayaa tibaaxay sida ay u taageersan yihiin hawlgallada milliteri ee ka socda Soomaaliya ee dhanka ka ah al-Shabaab ka dib markii ay Khamiistii (1-da March) Nairobi kulan ku yeesheen.
"Labada hoggaamiye ayaa sheegay sida ay ula dhacsan yihiin hawlaha wadajirka ah ee ay Ciidanka Kenya iyo kuwa Itoobiya, iyo kuwa Soomaaliyeed ee la kala shaqaynaya ay u yareeyeen halistt ay al-Shabaab ku haysay, waxaanay sheegeen in hawlgalladaasi ay waxtar yihiin” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Kenya, Moses Watangula oo hadlayey shirka ka dib, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua.
Labada hoggaamiye waxa kale oo ay soo dhaweeyeen go’aankii Golaha Amaanka ee QM ay ku ballaariyeen tirada ciidanka AMISOM oo horay u ahaa 12,000 haatnna laga dhigay ilaa 18,000 oo ciidan. Kordhinta tirada ciidanka, ayay yiraahdeen, waxay oggolaan doontaa in ciidamo hor leh la geeyo meelaha la xoreeyey si loo sahlo in maamullo ay meelahaa ka samayso dawladda Soomaaliya, in gargaarka la qaybsho, iyo weliba in dadkii gudaha ku barakacay ay ku soo laabtaan guryahoodii.
Kibaki iyo Zenawi ayaa sida la sheegay carrabka ku adkeeye in marka ay beesha caalamku caawinayso Soomaaliya, in ay tahay inay dadka Soomaaliyeed dalkooda dib u dhistaan, hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeedna ay xallistaan khilaafaadkooda iyagoo dalkooda u danaynaya.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo