Maarso 02, 2012
Dagaalyahaniinta al-Shabaab ayaa weerar ku soo qaaday magaalada koofur-galbeed Soomaaliya ku taalla ee Garbaharey habeen hore (Khamiistii 1-da March) iyagoo halkaa ku diley labo sarkaal oo sarsare kuna dhaawacay dhawr kale BBC-da ayaa werisay.
Al-Shabaab ayaa isticmaalayey hub culus oo ay hoobiyeyaal ku jiraan iyo gawaarida gaashaaman iyagoo isku dayayey in ay magaaladan muhiimka ah oo ay sanad ka hor iyagu haysteen dib u qabsadaan. Garbaharey ayaa hadda waxay ciidamada DFKMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya u isticmaalaan saldhig ay ka weeraraan al-Shabaab.
Dagaalku wuxuu gaaray subixii Jimacada ahaa, laakiin ciidanka Soomaaliya ayaa magaalada u haray. “Garbaharey waxay ku jirtaa gacanteenna,” ayuu yiri xildhibaan gobolka ka soo jeeda oo la yiraahdo Maxamuud Sayid Aadan. “Laba nin ayaa dagaalka inooga geeriyootay, kuwa dhaawacmayna halis maahan dhaawacoodu,” ayuu yiri.
Shan ciidanka al-Shabaab ah ayaa dagaalka lagu diley ayuu yiri Jamaal Xasan Sarey oo ah taliyaga ciidamaga DFKMG ah ee jooga Garbaharrey, sida uu sheegay Radio Bar-Kulan oo Soomaaliya ku yaal.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo