AMISOM oo weerartay meelo ay al-AShabaabku xoog ku lahaayeen oo Muqdisho ku yaal

Maarso 02, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ciidamada AMISOM ayaa aroornimadii saaka Jimcadii (2-da March) weeraray meelo Muqdisho ku yaalla oo ay al-Shabaabku hore u haysteen, sida ay sheegeen saraakiihu.

Ciidamada Midowga Afrika ayaa sheegay in dadka rayidka ah ee ku noolaa degmada dhada waqooyiga-bari ee Muqdisho ay goobta isaga guureen ka hore aan halkaa lagu garaacin madaafiicda isla markaana ayan goobta galin taangiyada iyo ciidamada cagtu.

"Waxaannu ku durugnay meelihii ugu dambeeyey ee ay ka joogeen degmada Suuqa Xoolaha innagoo baro muhiim ah kala wareegnay,” ayuu yiri taliye ciidan oo Soomaali ah oo la yiraahdo Cabdullaahi Cali Caanood. Xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa ah meeshii ugu dambeysay ee Muqdisho ku taallay oo ay al-Shabaab awoodda ku lahaayeen, AFP ayaa werisay.

"Hawlgalladu way soconayaan inta aannu haraadiga argaggixisada ee iminka sii firxanaya ka takhallusayno,” ayuu yiri Caanood.

Weerarradani waxay argagixisada ka saari doonaan dulal muhiim u ah oo ay shacabka ka soo weerarari jireen,” ayuu yiri taliyaha AMISOM Major General Fred Mugisha oo war-murtiyeed soo saaray.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • saed Mohamed Ali
    March 3, 2012 @ 10:40:07AM

    Waa arrin aad u wanaagsan in xukuumaadda soomaliya ay qabsatay magaalooyin waawayn oo Alshabaab haysteen. Waxaan leenahay sii wada dagaalka ilaa iyo inta soomaaliya laga wada saarayo kooxdan argagixisada ah.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Tacaddiga ku saleeysan jinsiga ee Kenya waa:

Fiirso natiijada