Maarso 01, 2012
Muddada sharciga ah ee DFKMG ah ee Soomaaliya waxay ku eg tahay August 20-keeda, lamana sii kordhin doono ayuu Arbacadii (29-ka February) war-saxaafadeed ku sheegay Raysal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali.
"Beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyaba waa ay ka go’an tahay in la soo afjaro xilliga ku-meel-gaarnimada ah bisha August 2012-ka si ay Soomaaliya u samaysato dawlad cusub oo u adeegta dadkeeda. Qorshaha xaaladdaa kala-guurka ah waa diyaar waana tub khariidadeedka iyo Heshiisyada Garowe I iyo Garowe II,” ayuu yiri Cali, isagoo tixraacaya heshiisyadii ay sida wadajirka ah dhawaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ugu gaareen in la sameeyo dawlad federaal ah oo dadka oo dhan metesha.
Heshiisyadii Garoowe ee November iyo February ayaa sharxaya mabaadii’da lagu sameeynayo dastuur iyo baarlamaan labo aqal ka kooban oo ay yeelan doonaan maamullada mustaqbalka. “Shirarka Garoowe waxay isu keeneen Soomaalida si ay jiho midaysan uga wada qaataan ansixinta dastuurka, iyo weliba in ay samaystaan baarlamaanka,” ayuu yiri Cali.
Cali wuxuu sidoo kale ammaanay horumarka laga gaaray dhinaca ammaanka, isagoo xusay xoraynta Muqdisho, Beledweyne, Baydhaba iyo aagag kale oo laga saaray al-Shabaabka, waxaanu intaa ku daray in “dawlad wanaagga” Soomaaliya uu soo jiitey dareenka caalamka.
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
Dab qabsaday suuqa weyn ee Gaarisa ayaa burburiyay in ka badan 100 buqcadood habeeynimadii Isniin...
Xoghayaha Dawladda ee Midnimada Qaranka Jabuuti Zahra Yuusuf Kayad ayaa Isniintii (17-kii June) w...
Guddiga barlamaanka ee miisaaniyadda ayaa diiday qorshe xafiis cusub loogu iibinayo madaxweynihii...
Gubato ka kacday magaalada Balbala ee Jabuuti Axaddii (16-kii June), ayaa burburisay 11 guri iyad...
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo