Febraayo 28, 2012
Shirkadda dawooyinka samaysa ee Jarmalka ah ee Merck ayaa Isniintii (27-ka February) ku dhawaaqday in ay shan shaybaar oo kuwa gacanta lagu qaadan karo ah ugu deeqday Wasaaradda Caafimaadka iyo Wacnaanta Bulshada ee Tansaaniya si loogu isticmaalo in lagu garto dawooyinka been-abuurka ah.
"Shaybaarradan la qaadi karo keligood ayaa dunida laga helaa, waxaanay awoodaan in ay dawooyinka la macmalay degdeg u gartaan, waa qiime jaban, waana waxtar,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Caawinta Bulshada Haji Mponda oo ka hadlayey xafladdii deeq-bixinta, sida ay sheegtay jariidadda The Guardian.
"Dawooyinka macmalka ahi waa khtar weyn oo caafimaad. Haatan shaybaarradan yar yar waxaannu si toos ah dadka uga difaacaynaa wax noqon kari lahaa halis disha,” ayuu yiri Dr. Karl-Ludwig Kley, guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Merck, oo si rasmi ah deeqda u guddoonsiiyey Mponda.
Ururka Bilayska Caalamiga ah ee Interpol ayaa qiyaas ku bixiyay in 30% ka mid ah dawooyinka Afrika lagu isticmaalo ay yihiin macmal ama kuwo tayadoodu ay liidato. Shaybaarradan waxaa la dhigi doonaa baraha xudduudaha ee Tansaaniya.
"Dawooyinka been-abuurka ahi waa dhibaato caalami ah…, sidaa darteed waxay in wax laga qqbto uga baahan tahay dadka arrintan ku shaqada leh oo dhan, dawladohooda, shirkadohooda gaarka loo leeyahay, shakhsiyaadka, iwm, haddii aannu doonayno in aannu suuqa ka saarro dawoyinka been-abuurka ah,” ayuu yiri Charys Ugulum oo ah agaasimaha adeegyada shaybaarrada ee Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Tansaaniya
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo