Febraayo 26, 2012
Michael Kipkorir Kipyego oo u dhashay dalka Kenya ayaa ku guulaystay orodkii maaradoonka ee Axadii (February 26-keedii) ka dhacay Tokyo, kaasi oo soo af-jaraaya rikoorkii uu horre u haystay orod-yahankii u dhashay dalka Ethiopia ee Haile Gebrselassie.
"Aad baan ugu faraxsanahay inaan isku-daygaygii ugu horreeyay ku guulaysto orodka maaradoonka ah ee ka dhacay Tokyo," ayay Kipyego oo sidaasi leh ka soo xigatay AFP.
Kipyego wuxuu isla markiiba ku dhaafay Gebrselassie markii la gaaray calaamada 38-kiiloomitir, isagoo ku guulaystay wakhti dhan 2 saacadood, 7 daqiiqo iyo 37 il-biriqsi. Gebrselassie wuxuu galay kaalinta afraad isagoo ka dambeeyay Arata Fujiwara oo u dhashay dalka Japan iyo Stephen Kiprotich oo ka soo jeeday dalka Uganda.
Helena Loshanyang Kirop oo u dhalatay Kenya waxay kaalinta saddexaad ka gashay tartankii haweenka iyadoo ka dambeysay Atsede Habtamu iyo Yeshi Esayias oo labbadoodu u dhashay dalka Ethiopia.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo