Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay Midnimo Soomaaliyeed

Febraayo 26, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa Soomaalida ku dhaqan dalka iyo dibbadaba ugu baaqay inay midoobaan ayna maal-galiyaan mustaqbalka dalka, sida ay Sabtidii (February 25-keedii) ku warantay Shabakada Wararka Soomaaliyeed ee Garowe Online.

Madaxweyne Faroole oo la hadlaayay dad Soomaali ah oo dibbada ku nool oo iskugu soo ururay goob ka dib soo gaba-gabayntii Jimcihii ee shirkii London isagoo ku baaqay taageero joogto ah oo ka timaadda Soomaalida dibadaha ku nool.

"Madaxda Soomaalida ee shirka ka qayb-gashay ayaa xaqiijiyay iyagoo leh madax ahaan waxaan diyaar u nahay Soomaalida oo middowda. Laakiin madax ahaan ma midayn karno dalka haddii aanay ka immaan dadka," ayuu Faroole yiri.

Kulankaasi waxaa wacay bulshada Soomaaliyeed ee London deggan, halka ay mas'uuliyiin Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Dawladda Federaalka Ku-Meel-Gaarka ah, Sheekh Shariif Axmed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Nuur ay hadal u jeediyeen dadkii goobtaasi fadhiyay oo Soomaali u badnaa.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad