Febraayo 26, 2012
Kenya wax wadahadalo ah la gali mayso al-Shabaab si ay u sii daayaan laba masuuliyiin ah oo ay af-duubeen, Gaashaanle-sare Cyrus Oguna oo ka tirsan Ciidamada Difaaca ee Kenya ayaa sidaasi sheegay Sabtidii (February 25-keedii), sida ay soo werisay Idaacadda Wararka ee Kenya ee Capital News.
Hadallada Oguna waxay ka dambeeyeen cajalad muuqaal ah ay al-Shabaab Jimcihii soo bandhigeen taasi oo muujinaysay Yesse Mule Edward oo ah masuul degmo oo u dhashay dalka Kenya oo bishii la soo dhaafay la af-duubay iyadoo uu wehelinaayay shaqaale ka tirsanaa waaxda socdaalka Fredrick Irungu Wainaina, kuwaasi oo dawladda Kenya ka codsanaayay inay gebi ahaanba joojiyaan hawlaha millatari ee ay ka wadaan Soomaaliya si markaa iyaga - waa kuwa afduubane- loo sii daayo.
"Mawqifkayagii ka KDF ahaan waxba iskama badalin," ayuu Oguna yiri isagoo ka hadlaya xarunta ay ciidamada bilaysku ku leeyihiin magaalada Nairobi. "Wada hadal la yeelan mayno kooxda dambiilayaasha ah. "Oguna wuxuu cajaladda muuqaalka ah ku tilmaamay "mid dacaayad ah" wuxuu sheegay in Edward "lagu khasbay inuu sheego waxyaallo uuna rabin inuu yiraahdo".
Sidoo kale Oguna wuxuu xaqiijiyay in Kenya ay si buuxda uga mid noqon doonto Ciidamada Nabbad Ilaalinta ee Soomaaliya ka dib markii Golaha Ammaanka QM uu oggolaaday Arbacadii.
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
Saami dhinaca DNA-a ah oo laga qaaday caday ku jiray boorso wayn oo ay rasaasi ku jirtay lagana h...
Todoba iyo toban Kenyan ah ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen nabaddii, rabshado iyo in ay si arxa...
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda in Isniintii (20-kii Maajo) ay madaafiic hoobiyayaal ah k...
Askar ka tirsan guutada Koox-dagaaleedka 9+ ayaa ku noqonaya dhulkoodii kadib 13 bilood oo ay ka ...
Ciidanka Bilayska Kenya ayaa bisha soo socota bilaabi doona xulid buuxda oo lagu kala sameeyo sar...
Isku day dhac oo la fashiliyay oo ka dhacay xafiis ammaan oo uu Wells Fargo ku leeyahay Mombasa a...
Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama ayaa ballan-qaaday taageerada dalkiisa ee ku aaddan xillig...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Alshabaab waa cida ugu wacan, mana ka adkaan kartaan, waayo ilaahay ayaa ilaalinaya, reer Kenya iyo gaalada kalena waa ciidamo duulaan dalka ku ah, dalkay ku duuleena waa dal islaam ah, markaa waa inay gaalado debeda u baxaantttttttttttttttttt.
CIMRIGII ALSHABAAB WUU TAGAY SOOMAALINA WAXAY NOQONAYSAA MEEL NABAD AH.. OGUNA (KDF) WAXAAN LEEYAHAY WAAD MAHADSANTIHIIN!
Hala wada xaajoonina Al-shabaab ururka dambiilaha ah, Ku adkaysta sharaftiina idinkoo baabi'inaya ama meesha ka saaraya qowlaysatada dambiileyaasha ah. Waqti yar un baa u haray, qiyaastii waan ku dhownahay……