Golaha Ammaanka QM oo meel-mariyay kordhinta ciidamada AMISOM

Febraayo 23, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Golaha Ammaanka ee QM ayaa 15 cod si loo dhan yahay ugu ansixiyay Arbacadii (22-a February) in ciidamada AMISOM lagu kordhiyo 5,700 oo askari taasoo ka dhigaysa ku dhawaad 18,000.

Qaraarka oo uu golaha soo hordhigay dalka Ingiriiska, ayaa ciidamada siinaya dhaqaale dheeraad ah iyo awood intii hore ka badan si ay ula dagaallamaan kooxda al-Shabaab.

AMISOM “waxay u igmantahay in ay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama-maar-maanka ah” iyada oo la shaqaynaysa ciidamada ammaanka ee Soomaaliya “si ay u yareeyso khatarta ka imaanaysa al-Shabaab iyo kooxaha kale ee mucaaradka hubaysan sifo ay u taaba-galiso duruufo suura-galin kara in Soomaaliya ay yeelato dawlad sharci ah oo shaqayn karta”, ayaa lagu sheegay qaraarka.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ku amray AMISOM in ay horay ugu socoto qaybaha kale ee Soomaaliya ee ay al-Shabaab haysato. Ciidamada Difaaca Kenya ayaa ka hoos-shaqayn doona kuwa dallada AMISO, halka kuwa Itoobiya ay ahaan doonaan kuwa ka madax-bannaan.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 4)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Sidee baa loo dhisi karaa dawlad-goboleedyada federaalka Soomaaliya iyadoo maanka lagu hayo khilaafka ka taagan Jubbaland?

Fiirso natiijada