Febraayo 23, 2012
Saraakiil ka kala socda 50 dal iyo urur ayaa Khamiista (23-ka February) waxa ay ku kulmeen London sifo ay uga arrinsadaan tubta khariidada (roadmap) ee dawladda Soomaaliya.
Ra’iisul-wasaaraha Ingiriiska David Camoron, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Hillary Clinton iyo Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon ayaa ka mid ahaa saraakiishii ku baaqay in wax laga qabto arrimaha Soomaaliya, iyaga oo ka digay in “caalamku ay ugu kici doonto kharash” haddii lagu fashilmo in wax laga qabto jahwareerka siyaasadeed, argagixisada Islaamiyiinta ah iyo burcad-badeedda, sida ay warisay wakaaladda wararka ee AFP.
“Dhibaatooyikaa ka jira Soomaaliya kaliya saamayn mayaan Soomaaliya. Dhammaanteen way na saameeynayaan. Haddii inta yada kale aan halkaa iska fariisano oo iska daawano, taasi waxa ay nagu kallifi doontaa wax badan,” ayuu yiri Cameron markii uu shirka furayay. “Haddii aynu dhammaanteen inta isku nimaano oo qof walibana uu qaaraankiisa yar bixiyo, waxaan si buuxda ugu qanacsanahay in Soomaaliya ay xallisan karto dhibaatooyinkeeda ugu dambayntana ay gaari doonto istaahilkeeda iyada oo door muhiim ahna ka cayaari doonta arrimaha Afrika iyo caalamkaba.”
Clinton ayaa sheegtay in dawladda Maraykanku ay ka shaqayn doonto in ay soo rogto cunaqabatayno ay kamid yihiin, xayiraad dhinaca safarrada iyo hantida ah, kuna soo rogto kuwa “ka hor yimaada” horumarka ay samaynayso dawladda ku-meel-gaarka ah iyo sharciyaddeeda oo ku eg bisha August.
“Tobaanaan sano, ayuu caalamku diiradda ku hayay wax laga maagan karay in ay ka dhacaan Soomaaliya…ha ahaato colaado, macaluul iyo musiibooyin kale. Hadda waxanu diiradda saaraynaa waxa aannu dhisi karno. Fursaddu waa mid dhab ah” ayay tiri Clinton.
Sidoo kale waxa ay ballanqaaday $64 malyan dheeraad ah oo lagu bixinayo arrimaha gargaarka bini’aadanimo ee gobolka, si loo wanaajiyo nolosha Soomaalida caadiga ah, ee ay ragaadiyeen macaluusha iyo colaadaha 21 kii sano ee la soo dhaafay.
Ban waxa uu caalamka ku dhiiri-galiyay inay bari-taaraan hormarrada dhawaan la gaaray, kadib markii ay QM isku raacdayin kor loo qaado tirada ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ee ku sugan dalka lana gaarsiiyo 17,000 oo askari iyo waliba iyada oo al-Shabaab Arbacadii laga saaray magaalo muhiim ah.
“Waxanu furnay daaqad lagu gaari karo nabad iyo xasillooni ka dhaca Soomaaliya. Waa daaqad yar, laakiin waxa ay na siinaysaa fursad aynaan sinnaba u lumin karin,” ayuu yiri Ban.
Muqdishana, dadka degaanka ah ayaa ruxayay calamada Ingiriiska iyaga oo taageero u muujinayay shirka, sida ay ku soo warantay AFP, inkasta oo laba qarax laga soo sheegay in ay ka dhaceen Baydhabo, magaaladaas oo Arbacadii laga qabsaday al-Shabaab.
Shirka ayaa isku keenay madaxda qiyaastii 40 dal, oo ay ku jiraan hogaamiyayaasha itoobiya, Uganda iyo Kenya iyo sidoo kale madaxda Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta.
Cameron ayaa sheegay in caalamka ay hadda hor taal saddex waajib: In Soomaaliya laga caawiyo xoojinta ammaanka, in gargaarka bini’aadanimo la gaarsiiyo meelaha looga baahan yahay iyo in la caawiyo dadaalka Soomaalida ay ku doonayaan in ay ku dhistaan dawlad matasha.
Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa habeeynimadii ka horaysay shirka sheegay in dalkiisu uu haatan “u guurayo marxalad ammaan, xasillooni iyo caadiyayn” ah.
Madaxwaynaha Soomaalya, madaxwaynayaashaa dawlad-goboleedyada Puntland iyo Galmudug iyo taliyaha kooxda dagaalka kula jirta al-Shabaab ee Ahlu Sunna wal Jamaaca ayaa Sabtidii saxiixay heshiis qeexaya hannaanka ay yeelan doonto dawladda cusub ee baddali doonta tan ku-meel-gaarka ah bisha August.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Ujeedada la shaaciyey ee shirka London laga leeyahay waa in laysku afgartaa talaabo lagu kaalmaynayo siyaasad cusub oo la samayn doono, ayadoo isla markaana kaalmo la siinayo gobaha kala duwan ee Soomaliya, dhaqaalena la siiyo ciidamada Migowga Afrika, in la helo qaabab fiican oo lagula dagaalamayo budhcad-badeedda iyo argagixisa iyo in lasii badiyo habaynta wadashaqaynta gargaarka binaadamnimo. Laakiin arrintan waxay soo baxday markuu yimid loolan lagu loolamayo kheyraadka saliidda taasoo laga helay mardhaw Soomaliya iyo waliba Yuuraniyaam. Arrintan waxyaabo badan baa daba yaalla, waxaana ka mid ah waxa daba yaalla kordhinta ciidamada ajnabiga ah, in la xakameeyo inay soomalidu isticmaasho kheyraadka baddooda ayadoo isla markaana ugaadhsiga sharci darrada ah ee kalluunka soomalida uu sii socdo suntana lagu dhubo badda. Soomaaliya waxa ay la burburtay oo ay la kuftay colaaddo ay sabab u yihiin tartan loogu jiro khayraadka iyo awoodda.
Waxaa ka jirta xaalad xun Soomaaliya dhexdeeda meesha lagu qiyaasay in ay jiraan sagaal (9) malyuun oo dad ah kuwaas oo gaajaysan oo si buuxda aan u heli Karin cunadooda. Dad weynuhu waxay ku nool yihiin xaalad murugo leh wadanka dhexdiisa oo leh oogu yaraan khayraad la cuni karo si loogu taageero laftirkiisa. Arintan kore, jahmada xagjirka ah ayaa dadka ku khasbay dagaal wadanka dhexdiisa kaasoon ka dhamaanaynin dil soo noqnoqda qof ogna majiro goorta uu dhamaayo. Biyaha la cabo ee nadiifta ah qaybintodu way yartahay; waxaa jira adkaan dawo ku filan in lagu caawiyo dad weynaha kasoo ay ka dilaaceen cuduro iyo jeermis oo keenay xaalad noolaleed oo murugo leh. Sidaa darteed, dadaal kasta oo suurto gal ah waa in la qaado si loogu caawiyo diin ahaan Soomaaliya ee dhanka bini aadnimada, si loo xaqiijiyo heer sare oo macquul ah, in ay ugu yaraan awoodaan in ay si haboon u quudiyaan naftooda biyo iyo cunno taasoo ku haboon isticmaalka. Xaaladda hadda taagan way roontahay waa la maareen karaa ooga mana baahna cadad badan oo dhaqaala ah haayadaha deeqda. Waxaa kali ah oo dardaaran iyo xal ah taasoo ay tahay in loo hibeeyo sidii looga saari lahaa Soomaaliya macaluusha xanuunka badan, abaaraha iyo rabshadaha.