Hoggaamiyeyaasha Soomaalida oo isku raacay qaabka ay yeelanayso dawladda mustaqbalka

Febraayo 19, 2012

  • 9 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa Sabtidii (18-ka February) soo saaray heshiis muujinaya qaabka ay yeelan doonto dawladda beddeli doonta Dawladda FKMG ah ee Soomaaliya, markii la gaaro August, AFP ayaa werisay.

Madaxweynaha DFKMG ah, madaxweynaha dawlad-goboleedda Puntland, kan Galmudug, iyo hoggaamiyaha kooxda Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee dagaalka kula jira xarakada al-Shabaab ayaa heshiis ku sixiixay Garoowe ka dib markii ay saddex beri meeshaa ku shirsanaayeen. Somaliland halkaa uma aanay dirsan wax wakiillo ah, Idaacadda Bar-Kulan ayaa werisay.

Heshiiska ayaa wuxuu farayaa inla sameeyo baarlamaan laba aqal ah, oo 30 boqolkiiba ka mid ah aqalka hoose loo meel-dhigay haweenka. Puntland iyo Galmudug ayaa loo aqoonsan doonaa in ay yihiin dawlad-goboleedyo ka mid ah habka federaalka.

225-ka xubnood ee aqalka hoose ayaa waxaa soo xuli doona “odayaal dhaqameed ay caawinayaan xubno caan ka ah bulshada rayidka ah”, sida ku qoran heshiiska. Aqal sare oo 54 xubnood ah ayaa isagana la magacaabi doonaa, oo laga kala keeni doono qabaa’ilka iyo gobollada kala duwan.

Wakiilka gaarka ah ee QM ee Soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa sida ay Bar-kulan werisay ammaanay heshiiska. Mahiga ayaa dadkii badnaa ee shir ka ka qaybgalay ku ammaanay sida ay isugu dabceen oo isugu tanaasuleen waxna isugu raaceen, waxaanu sheegay in heshiiskani yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday qoridda dastuurka Soomaaliya.

Cali Maxamuud Raage oo ah afhayeenka al-Shabaab, ayaa dhaleeceeyey heshiiska. “Mujaahidiintu ma aqbali doonaan shirarka caynkaa ah iyo natiijooyinkiisa – bal e waannu la diriri doonnaa, Eebbe idankiina dagaalka waannu ku guulaysan doonnaa,” ayuu yiri sida ay sheegtay AFP-du. Raage ayaa waxa kale oo uu sheegay sida ay al-Shabab uga soo horjeeddo saamiga dumarka, taana waxay ku sheegeen isku day lagu doonayo in shareecada Islaamka la ciribtiro.

Heshiiska ayaa dhacay wax yar ka hor shirka London ee furmaya Khamiista oo loola gol leeyahay in lagu abaabulo beesha caalamku in ay ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka aadamminnimo iyo kuwa siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 6)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • charmake cabdiraxman
    March 18, 2012 @ 04:16:41AM

    umada soomaaliyeed maaha ku wa DIIN IYO WALAALTINIMO qodobka kaliya ee soomali kala kaxeeyey waa SIYAASAD waxana rajaynayaa mustaqbalka dhaw in soomaalidu midow awoodi iyo quwadii ay lahaayeena soo noqdo insha allah

  • mustafe xasan
    March 16, 2012 @ 03:47:46AM

    asc aad ayaan ugufaraxahay soomaaliya oowada fadhiisata ookashata aayaheeda waaan laahay kabaryay naa inuusoomali nabad noogadhigo saan qooxintiga ugabaxno laakiin waxaan kayaabanahayay somali oohan nabad bay donaysaa maxaa hortaagan waayaab halaga jawaabo su aashaa

  • galaydh farax axmed
    March 13, 2012 @ 12:52:26PM

    kkkkkkkkkk somalidu meelkasta hajoogtee waa faqiir musta kibir, mid waliba waxa uu leeyahy tayda uun ayaa soconaysa, siyaad bare ayaa hore usheegay dadkan wuxuuna yidhiu waa dad jeel kujiroo haday kabeen weligoodna cidkucelinaysaa majirto.

  • maxamed
    March 13, 2012 @ 12:05:48PM

    CIDLAY FADHIYAANOOO MARKAASAY KU LEEYIHIN SHIR BAANU QABANAY SOMALIDIIBA WAA MAQANTAHEEEE WAAA WADAA HABSANKAAAA DULI KU BAXA HALKAA WAXAY KA CADAYEEN IN SOMALI LAND DAWLAD MADAX BANAAN AY TAHAY KKKKKKKK

  • PEISE MAN
    March 12, 2012 @ 04:08:01AM

    WADANKASTA WAXA UU XAQ ULEEYAHAY INUU KATASHADO AYAHIISA HADABA SOOMAALIYA WAXAY XAQ ULEEDAHAY INAY KATASHATO AYAHEEDA EE HALAGADAACO FARAGELINTA

  • awil ahmed kabadhere
    March 10, 2012 @ 12:26:36AM

    waxaan leeyahay anigoo ku hadlyaa afka dhalinyarada soomaliland m aha watkan war soo soconaaya umana baahnin soomaliya marna lagama yaabo inaan dib ugu laabano waayo waxaan nahay maanta dawlda horumar leh is ku kalsoon reer xamar uma baahnin soomalilan ahaan mana doonayno somalind waxay taagan tahay yar iyo wayba gooni is taag qadiyad midaysan waa is ku wada MAWquf walal lahayaga soo maliyana waxaan leeyahay ku raasidiina isku fileysiiya waxaabanan garanan si day ugu heshiinayaan hawiye iyo mareexAAN iyo majeertanee oo dawlada aad u jecel waligoodba

  • Cawil Cali Cumar
    February 25, 2012 @ 12:46:50AM

    waxaan ku farax sanahay in Soomaali shir ay abaabulato isugu imaan karto, haddana waxaan ka xumahay waxaa badan in ta Soomaali aaminsan in aysan isu imaan karin taas macnaheedu waxaa weeye waa lakala fogeeyey oo waxay kala joogaan meel sida ari iyo dhurwaa aan laysku xarayn karin, waayo? haddii qayb isu timaado qaarbaan ogolayn intaa isu timid ilaahay haysu soo uruuriyo, laakiin inta wax loo yeerinayo, qarashka laga bixinayo, meel dalka ka baxsan loogu yeerayo oo ay magan ku yihiin ajandaha shirkana loo sheegayo in yar maahee Soomaali waa maxaabiis, ajnabi u xirxiran alaw soo uruuri

  • pkw
    February 20, 2012 @ 09:34:54AM

    Alle mahaddii waxaan arki doonna dhammaadka dhibaatada walaalaheena Soomaaliyeed. Aanu ku mintidno hogaamiyayaasha isla gaaray heshiiskan hana iska illaawaan kuwa ku dhagan ka shaqaynta colaadda waana in ay mustaqbal wanaagsan u dhisaan carruurtooda. Mararka qaarkood waxaan la yaabaa kuwa ka soo horjeeda wax kasta ee loola jeedo in lagu dhiiri-galiyo haweenkeena. Waxay la mid tahay in aysan na dhallin oo ayan nasoo barbaaranin isla haweenka. Wahome

  • abdilaahi
    February 20, 2012 @ 05:43:29AM

    waaaaaaaaaaaar ma soconaayo warkani waayo milixdii somalidu meeday ( BEESHA ISAAQ)

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada