Kenya oo billawday ol-ole qorshaynta qoyska ah

Febraayo 15, 2012

  • 4 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Golaha Qaranka Kenya ee Dadka iyo Horumarinta ayaa billaabay olole qorshayn qoys ah Talaadadii (14-ka February) ololahaas oo logu talaggalay in la dhimo xaddiga dhalashada dadka oo haatan ah 2.9% oo la gaarsiiyo celceliska caalamiga ah ee 2.1 sanadkii, Business Daily Africa ayaa werisay.

Ololaha ayaa “rajeynaya in uu xaqiijiyo in qorshaynta qoysku ay noqoto dabeecad ay qoyska iyo shaqsiguba leeyihiin”, ayuu yiri Wasiirka Qorshaynta, Wycliffe Oparanya.

Sida ay qortay The Star-ta Kenya, dadka Kenya ayaa kordhi doona afar jibbaar haddii uu ku socdo sida uu haatan yahay, taasoo halis gelinaysa degganaanshaha dhaqaale iyo bulsho ee waqtiga dheer.

Hindisaha ayaa qayb ka ah qorshaha istraatijiyadda shanta sano ah eelagu xakamaynayo kordhidda dadka waxaana ku kici doona $19 milyan. Mid ka mid ah yoolasha ololaha ayaa wuxuu yahay farriimo saxaafadda lagu baahsho iyo hindiseyaal tacliimin ah si loo ballaariyo istcmaalka dawooyinka dhalmada ilaaliya ee hadda ay 46% haweenka ka mid uhu qaataan oo la gaarsiiyo 56%.

Ololaha ayaa diiradda saari doona barnaamijyada bulshada ku salaysan iyadoo hawsha laga qayb-gelinayo ururrada haweenka si ay farriinta iyagu u baahiyaan, ayuu yiri George Kichamu oo ah ku-xigaanka agaasimaha NCPD ee dhinaca xiriirka iyo u-doodidda ah.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 4)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • nailantei
    April 12, 2012 @ 06:41:59AM

    Waan ku raacsanahay, in rabitaanku uu jiro balse habka lagu gaarayo ilaa xad way adag tahay. Marka hore aragtida beesha meesha aan ka shaqeeyo waa arinta ugu weyn, marka labaad waxaa jira farqi u dhaxeysa xirfadaha bixiyeyaasha daryeelka caafimaad gaar ahaan hababka joogtada ah iyo kuwa sida waqtiga dheer wax u tara, iyo ugu dambeyn ilaha dhaqaale ee lagu fulin lahaa ololeyaasha way iska xaddidan yihiin. Baahida aanan la daboolin sida maaraynta qoyska ka dhex jirta dadka qaba fayraska HIV sidoo kale waa baahi sii kordheysa.

  • Dominic Rotich
    March 28, 2012 @ 03:12:02AM

    Ragga aan ka qaybgalino ololaha sidaas awgeed waxaa laga yaabaa in aan ku guulaysano yarreynta dadka sababtoo ah waxay saameeyn weyn ku yeelanaysaa mustaqbalka fog haddii aan sii wadno in aan sii dhalno carruur ilaha dhaqaalena ay yaryihiin. Markii horeba waa lala soo daahay balse waxaan aamin sanahay in aan aad loola soo daahin. Jiilka da'yarta ah waa in ay baddelaan bulshada. Waxbaridda bulshada waa habka loo baahan yahay waqti walba oo ay qaadanasyo balse way u qalantaa.

  • Zubeyr
    March 21, 2012 @ 07:40:41PM

    Kenya waxa ka taagan qalalaase dhaqaale, awoodda dhaqaale ee Kenya ee sannadkana waa kii ugu xumaa tan iyo intii ay qaadatay xornimada sannadkii 1963-kii, ayadoo sarrifka shilinka Kenya uu marayo meeshii ugu hoosaysay, isla markaana qiimaha cunnada iyo korontadu waxa ay gaareen heer ayan suurtagal ahayn in ay awoodaan dadka intooda badan. Inkasta oo uu jiray heshiis siyaasadeed oo hormuud uu ka ahaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, oo uu taageerayay Midowga Afrika iyo reer galbeedku, kaasoo qeexayay in loo qaybiyo awoodda madaxwaynaha hadda jooga ee Kibaaki iyo ninkii loolanka kula jirey Odinga oo hadda ah Raisal Wasaaraha waddanka Kenya, oo la sameeyey dustuur cusub, laakiin arrimahaas oo dhan waxba kamay tarin inay dhaqaalaha Kenya kor uqaadaan, dhaqaalahaasoo inta badan ku tiirsan deeqda iyo kaalmada dibedda ah, waxaana jirta cabsi in ganacsiga waddanku burburo.

  • valerie
    March 19, 2012 @ 08:48:51AM

    Waxaan u malaynayaa inuu kani yahay hawlgalkii ugu wanaagsanaa hadduu guulaysto. Haddaynnu Kenya nahay, waxaynnu ku soconnaa waqtiyadii hore ee dadku duur joogta ahaa maxaa yeellay waddamo kale ayaan dhaqaalahooda dhiseynnaa, innaguna waxaan isu keenaynaa cunno la’aan, shaqo la’aan, dhaqaale xumo iyo waxyaabo kale oon fiicnayn waxaasoo dhanna waxaan isugu keenaynaa innagoo isku dayaynaa inaan magaca ilaahay u dagaallano. Markuu ilahay israailiyiintii la hadlayay wuxuu kala hadlayay dhul malabku iyo caanuhu dareerayaan, wuxuuna ilaahay rabay inaay kuwaasi maskaxdooda adeegsadaan oy shinnida iyo xoolaha caanaha leh dhaqdaan, wuxuuna ilahay kuyidhi, socda oo dhulka buuxiya. Ragow indhihiinna fura, adeegsada maskaxda wanaagsan oo ka duwanaada lo’da iyo bakaylaha.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad