Febraayo 15, 2012
Ammaanka ayaa la adkeeyey iyadoo ay saraakiil maxalli ah iyo kuwo heer qaran ahiba billaabeen in ay ka soo degaan garoonka caalamiga ah ee Garoowe iyagoo u imanaya wejigii labaad ee shirweynaha manaadii’da Garoowe oo loo qorsheeyey in uu billowdo Arbacada (15-ka February) Idaacada Shabeelle ee Soomaali ayaa sidaa werisay.
Raysal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali iyo weftigiisa ayaa waxaa soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Madaxweyne ku Xigeenka Cabdisamad Cali Shire, dhawr wasiir iyo xubno baalamaanka ah, iyo dad badan oo sheedda ka fiirsanayey, sida ay qortay jariidadda Garowe Online.
Madax kale oo ka socota DFKMG ah, Midowga Afrika, iyo hay’adaha samafalka ee caalamiga ah ayaa laga rajeynayaa in ay shirweynaha soo xaadiraan.
Shirka ayaa wuxuu is-waafajin doonaa dastuurka federaalka ah iyo kan Puntland, waxyaabaha khuseeya tubta khariidadda (roadmap) ee looga gudbi lahaa ku-meel-gaarnimada haatan ay ku jirto dawladda Soomaaliya. Shirku wuxuu socon doonaa saddex bari illaa 180 ergayna waa la filayaa in ay soo xaadiraan, sida ay qortay Garowe Online.
Shirkii koowaad ee mabaadii’da Garoowe ayaa la soo gebagabeeyey 24-kii December, 2011.
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
Shan qof ayaa lagu xiray Daarusalaam Khamiistii iyaga oo haysatay walxaha laga sameeyo qarxyada, ...
Madaxwenaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyay sharci-dajiyayaasha in ay dhinac iska dhigaan ...
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa gobolka Bakool ku dilay sagaal ka tirsan dagaalyahannada al-Sh...
Rag hubeeysan oo aan la garaneeyn ayaa fiidnimadii Sabtida (18-kii Maajo) waxa ay waqooyi-bari ke...
Xisbiga talada haya Kenya ee Isbahaysiga Jubilee ayaa hoggaanka u qabtay laba guddi-barlamaan oo ...
Rugta Ganacsiga Jabuuti iyo Hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ayaa ilaalada xirmo...
Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Tansaaniya Filiberto Ceriani Sebregondi ayaa ku boorriyay saxaf...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo