Qarax Al-Shabaab oo 15 ku diley Muqdisho

Febraayo 09, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Tirada geerida ka dhalatay weerar argaggixiso oo Arbacadii (8-da February) lagu qaaday meel shaaha laga cabbo oo ku taalla Muqdisho ayaa gaartay ugu yaraan 15 sida uu sheegay Duqa magaalada Muqdisho, Maxamed Cali Nuur.

Qof is qarxiyey oo xiriir la leh ururka al-Shabaab oo al-Qaacida la ollogga ah ayaa meel ka mid degmada Xamarweyne oo u dhaw aqalka madaxtooyada ku qarxiyey gaari ay qaraxyo ka buuxaan.

"Waa fulayo beegsanaya bartilmaameedyada jilicsan – dad aan waxba galabsan oo iska shahaya,” ayuu yiri Nuur. Labaatan qof ayaa dhaawacantay oo ay labo xildhibaanno yihiin, ayuu yiri.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa iyagoo sheegay in miinada loola gol lahaa in lala beegsado saraakiisha dawladda ee jooga Hudheelka Muna, halkaa oo ah meel ay xildhibaannada iyo saraakissha amnigu deggan yihiin.

"Waannu sida ugu ba’an u dhaleecaynaynaa weerarkan waxshinnimada ah,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta, Cabdulqaadir Xuseen Maxamed oo oraah jeediyey. “Ma ay laha ujeeddo aan ahayn in ay argaggixiyaan dadka Soomaaliyeed oo la xarbinaya noloshooda. Waxay tani muujinaysa xaasidnimadooda iyo sida aanay xushmo ugu haynin bani’aadamnimada.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • leonardgmaina
    February 10, 2012 @ 08:29:13AM

    Al-Shabaab waa koox argagixiso ah waana in la ciribtiraa.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad