Febraayo 07, 2012
Tansaaniya ayaa furtay xarun lagu kaydiyo laguna faafiyo xad-gudubyada jinsiga ku salaysan, Daily News-ta Tansaaniya ayaa Isniintii (6-da Febriary) qortay.
Xaruntu waxay “qaban doontaa cilmi-baaris gobollada ku salaysan” waxanay xogta xuquuqda dumarka iyo sinnaanta jinsiyada ku saabsan la wadaagi doontaa waddamada deriska ah, ayuu yiri Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Horumarinta Bulshada, Jinsiga iyo Carruurta, Anna Maembe.
Xarunta cilmi-baarista waxay qayb ka tahay dedaalka ay dawladda iyo kuwa asxaabteeda Harooyinka Waawynba ku doonayaan in ay sare u qaadaan qaddiyadda haweenka iyo carruurta ku nool gobollada uu qalalaasuhu ka jiro, ayay tiri Maembe. Waddamada kale ee furaya xarumo kan la mid ah ayaa waxaa ka mid ah Kenya, Ugaandda, Ruwaanda, Zaambiya iyo Angoola, sida ay jariidaddu qortay.
Agaasimaha Horumarinta Jinsiga, Meshack Ndaskoi ayaa sheegay in xaruntu ay u dhabba geli doonto xogta ku saabsan xadgudubka lagula kaco haweenka, oo ay ka mid tahay gudniinka fircooniga ah. Wuxuu sheegay in 80% ka mid ah haweenka ku nool gobolka Manyara iyo 70% ka mid ah kuwa gobolka Caruusha ku nool lagu sameeyo gudniinka fircooniga ah.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka maamul-goboleedka Somaliand ayaa Talaadadii (18-ki...
Bilayska Tansaaniya ayaa Talaadadii (18-kii June) Arusha ku xiray afar xildhibaan oo ka tirsan xi...
Rag hubeeysan ayaa Gobolka Wajeer ku dilay askari ka tirsan kaydka bilayska habeeynimadii Talaada...
Japan ayaa oggoolaatay in ay siiso Tansaaniya $49 milyan o doolar (80.4 bilyan oo shilin) oo isug...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa si kalinimo ah u magacaabay soona gudbiyay 1...
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Talaadadii (18-kii June) waxa ay Madaxweyne Ku-xi...
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
waa ra'yi wanaagsan, fadlan haddaad u baahataan mutaddawac diyaar baan u ahay.