Dekedaha Tansaaniya oo $70 milyan ku maalgelinaya casriyaynta shildaalka

Jannaayo 27, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Maamulka Dekadaha Tansaaniya ayaa billaabay casriyayn ay ku kacayso $70 milyan doollar kaasoo ay ku dhisayaan dhuumo la soo mariyo saliidda iyo marso ay ku soo xiran lahaayeen maraakiibta sidda saliidda, saliidda, sida ay Khamiistii (26-ka January) warisay jariidadda Tansaaniya ka soo baxda ee The Citizen. Marsada ayaa la rajeynayaa in ay wax ku dhaw afar lab ku kordhiso awoodda rar-dejinta.

Mashruuca ayaa waxaa ku jiri doona marinka laga soo galo dekadda koonfur bari ee Daarusalaam waxaana ka mid ah dhisidda labo dhuumood – oo mid ay qaadi doonto shidaalka ceeyriin, oo dhumucdeedu yahay 28 inji—iyo mid kale oo badeecadaha kale sida batroolka, naaftada, iyo gaaska qaadi doonta oo dhumucdeedu yahay 24 inji.

Dhismayaashaa cusub ayaa waxay kordhin doonaan awoodda rar-dejinta oo haatan ah 40,000 oo tan lana gaarsiin doono 150,000 oo tan oo shidaal ah 20 kii saac, sida uu sheegay maareeyaha dekedda Cassian Ng'amilo. Mashruuca ayaa wuxuu khafiifin doonaa ciriiriga dhinaca gaadiidka ee dekedda iyadoo shidaalka laga dejin doono dhuumaha, oo ay maraakiibtuna ku xiran doonaan marso-duleedda ee aanay ku xiran doonin dekedda weyn, ayuu yiri.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad