Madax reer Kenya ah oo is casishay xukunkii Maxkamadda Dembiyada ee Caalamiga ah ka dib

Jannaayo 27, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Uhuru Kenyatta oo ah Wasiirkii Maaliyadda ee Kenya ayaa Khamiistyii (27-ka January) is casilay saddex beri ka dib markii ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada (ICC) go’aamisay in ay tahay in uu maxkamad soo istaago oo ka jawaabo doorkii uu ku lahaa qalalaasihii doorashada ka dameeyey ee dhacay 2007-dii, AFP ayaa werisay.

Madaxweyne Kibaki ayaa aqbalay is casilidda wasiirka. Si kastaba ha ahaatee, "Kenyatta ayaa sii hayn doona xafiiska ku xigeenka raysal wasaaraha, sida uu sharcigu qabo,” ayuu Kibaki ku yiri warmurtiyeed. Wasiirka Horumarinta Nayroobi, Robinson Githae ayaa loo magacaabay in uu sii hayo wasaaradda maaliyadda, ayuu yiri Kibaki.

Francis Muthaura oo ah madaxa shaqalaha dawladda oo isaguna wajahaya dacwo ay Maxkamadda Caalmiga ah ee Dambiyada ku soo oogtay ayaa isaguna shaqada ka tegay, waxaana beddeli doona Francis Kimenia, ayuu yiri madaxweynuhu.

Kenyatta iyo Muthaura ayaa wajahaya eedaymo ICC-da oo ku saabsan dembiyo aadaminnimada laga galay, iyadoo uu dacwadaa isaguna ku wehliyo wasiirkii hore ee tacliinta sare William Ruto iyo saxafiga idaacadaha lagu yaqaan ee Joshua Arap Sang.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad