4 qof oo u dhashay Kenya oo wajahaya dacwooyin ay Maxkamadda Dembiyada ee Caalamiga ahu ku soo oogtay

Jannaayo 23, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee Hague ayaa Isniintii (23-kii January) xaqiijisay in ay dacwado la xiriira hurinta qalalaasihii dhacay doorashada ka dib bishii December ee 2007-dii ay ku soo oogeyso afar qof oo Kenya caan ka ah.

"Ka dib markii aannu si dhamaystiran oo hufan ugu fiirsannay caddaymaha ay xeer-ilaalintu inoo soo gudbisay, ayay maxkamaddu go’aansatay in ay xaqiijiso dacwada ka dhanka ah afar eedaysane ee reer Kenya ah,” ayay tiri Ekaterina Trendafilova oo ah garsooraha ICC-da ee guddoonka haysa.

Maxkamadda ayaa xukuntay in dembiyo ka dhan ah bani’aadamnimada la xaqiijiyey in lagu soo oogayo raga uu damaca kaga jiro madaxweynannimada ee kala ah William Ruto oo ahaan jiray wasiirka waxbarashada iyo wasiirka maaliyadda ee haatan, Uhuru Kenyatta. Madaxa shaqalaha dawladda ee Kenya, Francis Muthaura iyo agaasimaha idaacadeed ee la yiraahdo Joshua Arap Sang ayaa iyaguna maxkamadayn waajihi doona.

Dacwooyinkii loo haystay wasiirkii hore ee warshadaynta Henry Kosgey iyo taliyihii hore ee bilayska Maxamed Xuseen Cali ayaa la tuuray, sida ay maxkamaddu sheegtay.

"Waxaan cid kasta ugu baaqayaa in ay degganaansho iyo nabad la timaaddo. Dalkayaga weyni way soo mareen waqtiyo qallafsan oo ku filan," ayuu warmurtiyeed la shaaciyey ku yiri Madaxweyne Mwai Kibaki, shaacinta maxkamadda.

"Waxaan haatanba faray xeer ilaaliyaha guud in uu isku duwo koox sharci-yaqaanno ah oo u dhabbaggala xukunkan kana soo taliya wixii aannu yeeli lahayn,” ayuu yiri.

In ka badan 1,100 reer Kenya ah ayaa ku naf-weyday qalalaasihii doorashada ka dambeeyey, sida ay sheegtay AFP-du.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada