Bilayska Kenya oo digniin argaggixiso ku sheegay been-abuur

Jannaayo 11, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Farriin kuwa tilifoonnada lagu qoro ah oo dadka reer Kenya uga digeysa weerarro argaggixiso oo daqiiqad walba dhici kara ayaa Talaadadii (10-ka January) waxay bilayska Kenya ku sheegeen mid been-abuur ah.

Farriinta ayaa ku billabatay in laysugu gudbiyo tilifoonnada gacanta habeenkii Isniinta, “QM ayaa caawa soo saartay digniin bambaano Nairobi lagu qarxinayo caawa. Fadlan taxaddar qaraabadaada iyo saaxiibbadaana u sheeg in ay is jiraan.”

"Digniinta laga hadlaayo kama iman xafiiska QM ee Nairobi, inta aannu og nahayna wax xog sirdoon ah oo arrintaa ku saabsan oo laga hayo ilo lagu kalsoonaan karo ma jiraan,” ayuu yiri afhayeenka bilayska Eric Kiraithe.

Kiraithe ayaa dadweynaha ku boorriyey “in ay hawlahooda iska wataan oo ay dhawraan taxaddarradii nabadgelyo ee caadiga ah ee aannu horay ugu sheegi jirray ama ay bilayskooda maxalliga ahi ugu sheegi jireen,” sida ay ka werisay Capital FM News oo Kenya ku taalla.

Bilayska ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo meeshii ay farriintu ka soo billaabatay.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad