Al-Shabaab oo hoggaamiyayaasheeda u muujinaysa kuwo 'fulayo' ah

Waxaa diyaariyay shaqaalaha Sabahi

Maajo 24, 2013

  • 82 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Al-Shabaab ayaa 18-kii Maajo sii daysay warqad furan oo ay soo marsiisay barteeda Tuwiterka taa oo ku tiimbareeynaysay "qas-wadayaasha diinteena" -- oo ah kalmad loo isticmaalay in lagu qeexo hoggaamiyayaasha sare ee al-Shabaab ee ka soo horjeeda hoggaamiyaha sare Axmed Cabdi Godane -- laguna tilmaayay "fulayo" isku dayaya in ay marin-habaabiyaan xubnaha hoose ee ururka iyagoo shaki galinaya hoggaamintiisa.

  • Sawir oo filayo in uu yahay kii ugu dambeeyay ee dagaalyahaniniinta al-Shabaab oo kasoo muuqday Tuwiterka rasmiga ah ee ururka bishii Abriil 30-keedii. [Keyd]

    Sawir oo filayo in uu yahay kii ugu dambeeyay ee dagaalyahaniniinta al-Shabaab oo kasoo muuqday Tuwiterka rasmiga ah ee ururka bishii Abriil 30-keedii. [Keyd]

  • Garabka warbaahinta al-Shabaab ee al-Kataib ayaa sii daayay warqadan ku taariikheeysnayd 18-kii Maajo iyagoo soo marsiiyay Tuwiterka rasmiga ah ee ururka. [Keyd]

    Garabka warbaahinta al-Shabaab ee al-Kataib ayaa sii daayay warqadan ku taariikheeysnayd 18-kii Maajo iyagoo soo marsiiyay Tuwiterka rasmiga ah ee ururka. [Keyd]

Warqadda, oo cinwaan looga dhigay "Muslimiinta oo Looga Digayo Khiyaanada Gaalada", ayaa waxaa qoray garabka warbaahinta al-Shabaab ee al-Kataib, oo iyaguna si lamid ah barta Tuwiterka, aalad borobogaando u ah Godane, oo inta badan loogu yeero Mukhtar Abu Subeyr.

"Waxaa nagasoo dhex baxay kuwa doonaya in ay kala dhantaalaan midnimada Muslimiinta guud ahaan iyo gaar ahaan Mujaahidiinta," ayaa warqadda lagu sheegay. "waxay doonayaan in ay weeraraan mujaahidiinta iyo hoggaamiyayaashooda oo ay shaki galiyaan tayadooda iyo qaab fikriyeedkooda. Waxa ay sidoo kale doonayaan in ay ruxaan kalsoonidooda iyo sido kale khidadahooda iyo siyaasadahooda iyagoo shaki galinaya Islaamnimadooda iyo Jihaadkooda."

Marka wax laga soo qaado in hoggaamiyayaal sare oo ka tirsan al-Shabaab ay weerarayeen Godane todobaadyadii lasoo dhaafay, sii deeynta warqaddu kadiso ma noqon, waliba gaar ahaan tan iyo markiifarriintiisii maqalka aheyd ee uu bishan bilowgeeda usoo diray taageerayaashiisa ay ku guul-darreysatay in ay ha hadasho khilaafka sii koraya ee ka dhex jira madaxda ururka.

Iyada oo ah Isku day lagu doonayo in la isku sii hayo xubnaha al-Shabaab, ayay warqaddu sii taraaraysaa illaa iyo ay gaarto heer ay soo xigato xadiis dhidibbada loogu adkeeynayo xilka hoggaamineed ee Godane.

"Haddii aad bayco la gashaan hoggaamiye, aadna siisaan aqoonsigiina, waa in aad addeecdaan inta aad awoodaan. Haddii nin kale uu u yimaado si uu ula dagaalamo hoogaamiyahan, gooya madaxa kan kale," ayuu leeyahay xadiiska lasoo xigtay.

Warqaddu waa ay sii socotay iyada oo ahayd isku day lagu doonayo in lagu dhaawaco hoggaamiyayaasha kale magacoodana lagu ceebeeyo.

"Dad juhalo ah ayaa bilaabay in ay ka hadlaan caqiidada ayna soo saaraan xukuno," ayaa warqadda lagu sheegay. "Fulayo ayaa bilaabay in ay ka hadlaan arimaha jihaadka, halka dad quuri-waayayaal ahna ay bilaabeen in ay dhalleeceeyaan hoggaamiyayaasha qaranka. Tani waxaaka dhashay in Islaamka la gaarsiiyo xanuun jaahilnimo, gaalnimo iyo nifaaq."

"Haddii aad jaha wareerto, weydii culimada iyo hoggaamiyayaasha mujaahidiinta, oo waano u raadso kuwa wax ka yaqaana taariikhda jihaadka," ayay warqaddu ku dartay, inkasta oo kuwa sida aadka ah u dhalleeceynaya Godane ay yihiin culimada iyo hoggaamiyayaasha Mujaahidiinta.

Warqadda oo ku andacooday in 'mareego qaar' ay xumeeynayaan muqaalka jihaadka

Warqadda ayaa sidoo kale sheegatay in hay'adaha warbaahinta ee gobolka ka jira ay marin-habaabinayaan xaqiiqda si ay u xumeeyaan sawirka Godane iyo sheegashadiisa ku aaddan "jihaadka dhabta ah".

"Halkan, waxaan ku caddaynaynaa in wararka laga sii daayay mareegaha qaar si loogu xumeeyo sawirka dhabta ah ee jihaadka ka jira Soomaaliya ay aad uga fogyihiin runta; waxaa ka buuxay been abuurasho, shakiyo iyo in macluumaadka loo adeegsado si aad uga duwan xaqiiqda," ayaa warqadda lagu sheegay. "Waxaa lagu saleeyay wax aan jirin, xaasidnimo, xaqiirnimo iyo iyagoo hadallada ka rogay xaqiiqda."

Warqadda ayaa ula jeedday mareegaha warbaahinta isa soo taraya ee gobolka oo hadda doonaya -- kadib sannado laga baqayay in si toos ah looga hadlo arrimaha al-Shabaab -- in ay daabacaan maqaallo lagu durayo ururka al-Qaacidda la jaalka ah, sida falanqeeyn lagu sameeyay warqado xiriir ahaa oo ay qoreen hoggaamiyayaasha al-Shabaab ee kasoo horjeeda hoggaaminta Godane.

Tusaale ahaan, 6-dii Abriil, ninka wax ka aasaasay al-Shabaab Ibrahim al-Afghan ayaa warqad furan u diray hoggaamiyaha al-Qaacidda Ayman al-Zawahiri taa oo si weyn u dhaleeceysay Godane isagoo al-Qaacidda ka dalbaday in ay soo faragaliso si ay al-Shabaab uga badbaadiso "godka mugdiga ah". Al-Afghan, oo magaciisa dhabta ah uu yahay Ibrahim Xaaji Jaamac Meecaad, oo sidoo kale loo yaqaano Abu Bakr al-Zaylici, ayaa warqaddiisa ku faahfaahiya sida Godane uu u noqday kaligii taliye, isagoo abuuraya jawi ka maran fikrado cusub, qof walba oo su'aal weydiiyana ku tilmaama khaa'in.

Labo todobaad kadib, hoggaamiye sare oo al-Shabaab ka tirsan oo la jaal ah dagaalyahanada shisheeye, al-Zubayr al-Muhajir, ayaa isaguna warqaddiisa furan ku baahiyay internetka, isagoo taageeray farriinta al-Afghan, kuna faahfaahiyay sida Godane uu u cayriyay dagaalyahanada shisheeye ee Soomaaliya jooga, isagoo kula dhaqmaya si ixtiraam darro ah.

Isagoo xaaladda kusii xumeeyay Godane, ayuu Omar Hammami, jihaadiga Mareykanka u dhashay ee loo yaqaano Abu Mansour al-Amriki, ku eedeeyay taageerayaasha Godane in ay isku dayeen in ay dilaan bishii hore.

Iyagoo taa ka jawaabayay, ayay al-Afghani, al-Muhajir, iyo hoggaamiyaha sare ee al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo, hoggaamiyaha Xisbul Islam Sheekh Xasan Daahir Aweys waxay 30-kii Abriil si wadajir ah u faafiyeen fatwo ay ku xaarantimeeynayaan dilka al-Amriki.

Haddii wararka aan la xiqiijin ee tilmaamaya in dagaalyahanno daacad u ah Godane ay dileen al-Amriki 7-dii Maajo ay run yihiin, waxa ay taa caddeyn u tahay iska indha tiridda Godane ee fikradaha diineed iyo arrimaha kale, ee ka imanaya hoggaamiyayaasha al-Shabaab ee fatwadan soo saaray.

Su'aal: Ilaa intee ayaad u malaynaysaa in Godane uu sii ahaan doono hoggaamiyaha ugu sareeya ee al-Shabaab iyadoo kala qeybsanaantan ay jirto? Fadlan fikraddaada la wadaag santuukha fikradaha ee hoos ku yaalla.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Dully
    October 31, 2013 @ 05:52:13PM

    Mareegtani waa mid ay reer galbeedku leeyihiin waligoodna runta sheegi maayaan, waligayna yaan la ii sheegin in yuhuuda iyo maraykanka iyo xulufadoodu ay yihiin nadiif oo aysan waxba galabsan, alshabaab sidaad moodaysaan maaha, ee aad wax u baadha

  • mullah omar
    September 27, 2013 @ 03:50:38PM

    fulayaal laynaya carruurta iyo dadka kale ee aan waxba galabsan fulayaal aan muslim ahayn

  • kenanitrizah
    August 10, 2013 @ 12:09:09PM

    Waa run boqolkiiba boqol, sababtoo ah waxaanu ku guulaysanay inaanu halkaa ku jabino…

  • Cabdi nuu cali
    August 9, 2013 @ 12:50:03AM

    Al shabaab ilaahey ha baabiyo gebigoodba sxb ilaahey aan kacabsano sxbayaal

  • Muhamed Emi
    August 8, 2013 @ 04:10:17AM

    Al-Shabaab iyo xulufadoodu waa cadawga dadka iyo horumarka. Bal eega halka ay Soomaaliya maanta marayso. Maxaa u diiday inay xukuumadda hadda jirta wakhti siiyaan si ay Soomaaliya u horumariso.

  • Xasan shiibaa axmed
    August 7, 2013 @ 06:10:27AM

    Al shabaab waa gaalo madow cad oo ilaahey aan aqoon

  • dulmi
    July 28, 2013 @ 07:08:19PM

    dhamaantood waa daalimiin necebna nolasha umada soomaaliyeed ilahayna hanaga soo qabto dhamaan tood waana kaaafiriin

  • manuel widege
    July 28, 2013 @ 12:28:19PM

    Waxaan jeclaan lahaa in dadka nabadgalyada xumeeya la laayo oo gabigoodaba la baabiiyo.

  • ابو عبد الرحمن
    July 28, 2013 @ 02:21:43AM

    Al-Shabaab markii hore waxay la midawday dad la midawgoodu uu kasoo horjeedo mabda’yada diimeed. Waxay xubno ka ahaayeen dhagarqabayaashii faashilka ahaa ee Midawgii Maxaakiimta. Sidaa awgeed, shirqooladii ay wadeen iyaga ayay dib ugu soo noqdeen. Ilaahay wuxuu yidhi: (dhulka ayay kibirkooda iyo dhagartooda xumaanta ah ayay ka dhex muujinayaan, laakiin dhagarta xumi cidii samaysa ayuumbay hareeraysaa, markaa ma waxay sugayaan waxaan ahayn sidii loola dhaqmay dadyowgii qarniyadii hore?). ilaahay ceeb ha ku rido.

  • Cadka
    July 28, 2013 @ 01:55:55AM

    Asc sahabab waa galo waa musrikin

  • Mnunguli
    July 27, 2013 @ 01:49:38PM

    Durbaanka marka xoog loo garaaco wuxuu ku dhawaadaa in uu dilaaco.

  • Naziabi Salem
    July 27, 2013 @ 06:28:44AM

    Al-Shabaab waa iska budhcad, ayaamohooduna way tirsan yihiin. Aduunku wuu ka daalay dhiiga ay iyaga iyo walaalohooda al-qaacida ay daadinayaan.

  • Murenga Farjallah
    July 27, 2013 @ 05:43:37AM

    Warwarka ugu wayn ee I hayaa waxa weeyaan maxay al-Shabaab diinta islaamka uga dhiganaysaa geed ay ugu soo gabato fulinta falalkeeda xun-xun, ee ay sidoo kalena ay weeraradooda uga dhigayaan kuwo ay ku rabaan inay ugu dagaalamaan xuquuqda Muslimiinta. Maya! Way khaldan yihiin. Diinta Islaamku waa diin nabada ku baaqaysa, iyo inay bina’aadamku is jeclaadaan iyagoo aan la eegayn inay Muslim yihiin iyo inaysan ahayn. Maxaa wanaag ah ee ay u qabteen dadka Soomaaliyeed, ee aan ahayn inay wax dilaan oo ay dadka maalkooda iyo sharaftoodaba ka boobaan. Waxaan ilaahay ka baryayaa inay iyaga iyo dhaqankooda nacaybka ku salaysaniba ay baaba’aan.

  • salaan darabi
    July 27, 2013 @ 02:55:01AM

    waaa salaam skusocota dad waynaha fikirkodaka dhiibtay

  • cali cawaale caynaashe
    July 27, 2013 @ 02:48:20AM

    waxa aan waxaba ahayan yooyo waykalabaabaday oo waytaag daraysay sikastbaha ahaatee isna waalaridayaa

  • musa ausi
    July 25, 2013 @ 05:21:48PM

    Bahdiina saxaafada waxaa idinku waajib ah inaad noqotaan dhexdhexaad oo aad sumcad wanaagsan u yeeshaan jihaadka iyo kooxda al-Shabaab. Maaha inaad bulshada marin habaabisaan idinkoo raadinaya danaha dalalka reer galbeedka ah.

  • xasiina
    July 25, 2013 @ 12:21:30AM

    wuu sii ahaanayaa ilaa awood ka saraysaa ay gacanta ku dhigto ama awoodaa oo ka baxsado waayo maaha nin isugu wax xeerinaaya

  • abdulrazaq mohamed
    July 23, 2013 @ 09:52:12AM

    Alaahu akbar

  • Adam A/kadir
    July 23, 2013 @ 08:43:58AM

    Waxa ay u egtahay in jiritaanka Godane ee hoggaanka Alshabaab uu yahay mid dhammaanaya, balse waxa ay ila tahay in uu inyar ka soo hormari doono guud ahaan burburkooda. Haddii inta aanay kooxdani Udbaha iyo dhagaha sii kala raran ay iska qabtaanna, khilaafka ka sii dhex dhasha ayaa sii baabi;in doona, haddii uu sii joogana iyaga ayaa isku madhan doona oo labada wajiba Shabaab iyo Godane way aakhirsadeen.

  • abuu umama
    July 21, 2013 @ 12:31:47PM

    Macluumaad sax ah raadiya, oo ha ka been abuuranina kooxda al-Shabaab hadii aad rabtaan inaad noqotaan wariyayaal wanaagsan oo dad wacan adeegsanaya.

  • diwani konzi
    July 21, 2013 @ 04:38:26AM

    Al-Shabaab way saxsan tahay, waxaanan leeyahay na tusa wadada aanu idiin soo mari karno si gaalnimada dunida ku baahday aan u dabar goyno.

  • abu Mahamed
    July 20, 2013 @ 05:29:09PM

    Godane allihii abuurtay ha ka qabto ummadda

  • atach
    July 20, 2013 @ 12:37:06PM

    Maraykanku waa cida alshabaab maamusha.

  • sheekh jimcaale axmed cali
    July 19, 2013 @ 07:22:09AM

    hadaan faaladayda ka idhaahdo arimahan ka soconaya magaalada muqdisho siiba xaalada cakiran eey al shababa u sugantahay waqtigan xaaliga ah waa xilliigii uu sheegay pr ismaacil samatar ee lahaa ( iyagaa is dili doona ) maxaa yeelay wax eey heshiis ku yihiin ma jirto taasaana keenaysa had iyo jeer in uu dhoco khilaaf aan xad lahayan oo hada gaaray ineey in gawracaan dadkii halka saf lahaa waan ka wada jihaadaynaa waxaan is leeyahay waxaa ku dambayn doonta dawlada s/land sida caqli daradaa ah ee ee u socdaan sida khilaafka is tuhunka is aflagaadaynta

  • MAGAMBADE Alshabaab ii soo sheega meesha ay joogaa
    July 19, 2013 @ 06:45:46AM

    magambada muwaadin soommaali ah

  • ahmad
    July 19, 2013 @ 05:15:54AM

    Anigu waxaan qabaa Raymond waa nin waalan. Maaha caqli gal in la yidhaahdo muslimiintu dhamaantood waa gaalo. Miyaad fahantay mawduuca meesha kasocda? Teeda kale, miyaad garanaysaa macnaha kalmada kaafir? Dabcan qofka wax uusan micnihiisa garanayn dadka hortooda kaga sheekeeyaa waxa uu ka dhigan yahay xayawaan. Ilaahay ka ku caawiyo.

  • عبدالله
    July 17, 2013 @ 10:46:50AM

    Alaahu akbar Alaahu akbar

  • salman hashi dhoore
    July 16, 2013 @ 08:44:56AM

    cidamada kenya waa in lagasaro kismaayo laguna wareejiyo jabuti iyo burundi waayo dhex dhexaad kama ahan arinka kismaayo

  • may kubaaki
    July 16, 2013 @ 06:59:24AM

    gudane waa nin an ugasha kisanahay in olasha qeeyo sii ay eda mareekan iyo sirdoon ka israa ill ee muusaadka waana arki doon tiin

  • سووومة شرف
    July 16, 2013 @ 05:42:52AM

    Ilaahayoow caawi dadka Soomaaliyeed.

  • Allaha rakha
    July 16, 2013 @ 05:07:52AM

    Waa in kooxdan arxanka daran ee waalan ee doqoniimadu hayso ee bilaa maskxada ah ee argaggixisada ah ee al-Shabaab ee muslimiinta lagu xidhiidhinayo waa in si aan loo kala aabayeelayn loo laayaa. Dadkani waxay ceebeeyeen magacii muslimiinta, ilaahayna si bilaa naxariis ah ayuu u ciqaabi doonaa.

  • cyril kumaryo
    July 16, 2013 @ 02:58:29AM

    Al-Shabaab waa inay joojisaa dagaalka. Ilaahay miyaysan xushmaynayn mana aha kuwo aaminsan kitaabka muqadaska ah. Kuma qorna kitaabka inaynu dhexdeena is layno.

  • cabdi
    July 15, 2013 @ 12:43:58AM

    alshaab way qaldan yihiin allaha soo hanuusho illahey baa hanuunka iskaleh

  • garaad
    July 14, 2013 @ 11:21:36PM

    aniga waxay ila tahay alshbaab waxy ilaalinayan wadanka somaliya waxayna ka ilaalinyaan kuwa soo duuly ee galada waxaana kamida dadka laga ilaalinaayo dhulkka itoobiya iyo kenya iyo ugaandha iyo brundi mgrteen dadka waxba fahmynoow

  • abuseifdiin
    July 14, 2013 @ 10:17:44PM

    Shabab dambigii ay umada kagaleen iyo diintii ay kaben shegeen yaalaga abaal Marin. Tanina was burburkoodii oo biloowday insha alah

  • olekodoom
    July 13, 2013 @ 08:22:59PM

    Al-Shabaab waa koox fulayaal ah oo aan ilaahay iyo quraanka midna aaminsanayn, waxaanay rabaan inay majara habaabiyaan dadka oo ay laayaan boobna u gaystaan, sidii oo ilaahay iyaga usoo diray inay waxaa sameeyaan, dadkani waa dad nacladan.

  • sumba maurice
    July 13, 2013 @ 02:36:21PM

    Waa inaan ilaahay ka yaabnaa

  • mohomed
    July 13, 2013 @ 02:24:33PM

    xallus waa mid uurwayn

  • baklo
    July 11, 2013 @ 11:10:04AM

    Waa in nimankan la baacsadaa.

  • maxamed
    July 9, 2013 @ 03:41:51PM

    alshabaab oo doratay iladilo madaxwaynaha somaliaya oodonaya inladilo wasiirka soomaaliya o saasqodayaashaa qaadkacunaeebananka borama halootagao dababaded haladilo qudhan ka abahaood warrq lakaulan ka aduunaka ee magalada borama habeen ka fayruuska wadaanka qaraan kadhibaatada hurtada dhibaatada wadan ka o lagaysta dad ka oladhiba waqaran ka adun ka ha

  • raymond
    July 8, 2013 @ 11:19:49AM

    Muslimiintu waa wada gaalo

  • Mustafe yuusuf xasan
    July 7, 2013 @ 12:50:54PM

    Waa ray wacan dhamaan markan akhristay uu ii cajabiyey hadaba ila soo

  • محمد عبد القادر
    July 7, 2013 @ 03:52:11AM

    Salaam. A-Shabaab way jabtay. nabadeey

  • Mujahi n
    July 5, 2013 @ 04:05:41PM

    Ilaahayoow dadkaas al-Shabaab ka badbaadi. Shaydaanku wuxuu rabaa inuu burburiyo dadka jidkaaga ku adag, waxaana taa u sabab ah dhibta hor taala dadkaas, dhibtaasoo ah ta ka haysata Bariga Afrika iyo dadyowga faafiya diinta kiristaanka. Dumarka reer Kenya waxay raga reer Kenya la rabaan xumaan, laakiin anaguna guursan mayno. Waa in la laayaa munaafiqiinta dhamaantood, dilka qofka munaafaqa ahi wuxuu ka dhigan yahay oo kale dilka qofka gaalka ah.

  • edwardkaberia
    July 3, 2013 @ 09:47:15AM

    Waa run in kooxda al-Shabaab ay sidoo kale jaahiliin yihiin.

  • Geedishambow
    July 3, 2013 @ 04:10:47AM

    Waa ariin la yaable markasto in waxwalbo in fashil ku dhaamadaan waa wax walbo somali faar saarta faashilba ku dhaamada

  • michael gabriel
    June 28, 2013 @ 05:35:08PM

    Iska hor-imaadyadani waxay saamayn ku leeyihiin muwaadiniinta ee saamayn kuma laha hogaamiyayaasha. Sidaa awgeed waa in la helaa hab cusub oo loo mudaahraado intii dagaal la gali lahaa.

  • waa beri
    June 27, 2013 @ 01:33:09PM

    waa war cusub arintaasi waxaa sodhawaaday waqtigii fursadu ay iman lahayd

  • m
    June 27, 2013 @ 07:59:19AM

    al shabab wa dad qaldan waxaasna diin ma ahan ee ilahay ha ka cabsadano waxaa aad sameysana malin ayA laydiin waydina

  • xasan
    June 26, 2013 @ 02:32:10PM

    wallaalayaal alla halaga cabsado sidi adiga oo arkaayo haddii adan arkeyn asaga ayaa ku arkaayo kelmedaha lagu hadaayo halaga fikiro inta ayaan afka kasoo bixin hana lagu xisabtamo safarka lagu socdo waa qabri iyo qayaamo macshar iyo miissaan iyo alla hortiis wax ku difaacana malahan maalintaas ee qofwalba halla socdo

  • Dayow
    June 25, 2013 @ 08:41:25AM

    Markaa ninka la dhaho Lema ma nuurkii ayaa u iftiimay oo wuxuu aqbalay in cidii uu waligii u haystay inay tahay ilaahay aysan ilaahay ahayn balse tahay qof bini’aadam ah siduu hoos ku xusay. Waxaa iga yaabisay indha la’aanta intaa lee gee ninkaas haysata iyo sida uu arrinkani uusan muhiimada u lahayn. Xageebuu Nabi ciise naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee doodan kasoo galay.

  • محمود
    June 24, 2013 @ 03:33:17AM

    Hadan ku bilabo faladeydan sidatan al-shabab ma ahan dad qaldan o wa dad saxan o dintuna dhab ka thy lkn dadka qaldan dowlada ridada somaliya waliged lama arkin nin muslin sheganaya o gal ka barbar dagalamaya o hadana muslim sheganaya ilahay wuxu yiri{‎ومن يتولهم منكم فانه منهم}‏

  • carraabo cabdirahmaan axmed
    June 23, 2013 @ 05:12:33AM

    waxaan leeyahay amiirul muumminka kudaba fayla ookhilaafka iska daaya cadawgiinu yaanu idinku farxin cadawgiina illaahay hajabiyee

  • Somali-boy
    June 21, 2013 @ 12:17:28PM

    Aniga waxay ilatahay war labuunbuunshay inuu yahay. qasatan, war_ baahinta fekrada rer galbeedka xambarsan,iyo sido kale sahyuuniyada callamiga ah. Hadaba anigu wxan uran musliminta qasatan dadkena somaliyed inneysan ku katsoomin warbaahinta iyado aysan mesha kamarneyn inay dhici karto. Mahadsanidin

  • salman mata
    June 21, 2013 @ 01:32:32AM

    waxay ila tahay in godane uu qaldan yahay khilaafka hala jojiyo jihadka hala wado

  • أبوسفيان العدادي الصومالي
    June 20, 2013 @ 03:30:12PM

    Ilaahay ayaa mahadleh, ilaha nusqaan oo dhami ay ka reeban tahay ee diinteenana inoo dhamays tiray. Naxariis iyo nabadgalyo nabi maxamed, kaasoo shareecada afkiisa iyo adinkiisaba ku nooleeyay. Waxaan jecelahay inaan khaayimiintaas ku dhaho ilaahay ka cabsada. Ilaahay subxaanahuu wa tacaalaa wuxuu yidhi: {(waxay sheegayaan) waa wax aysan cilmi u lahayn, oo aysan aabayaashoodna cilmi u lahayn, kalmadaa afkooda kasoo baxaysaa waa mid aad u xun. Waxay ku hadlayaana waa been}. Waa inaad ogaataan in aanu anagu dariiqaas raaci doono oo aanaan waligayo ka leexan doonin hadii ilaahay idmo. Ilaahay isagaa kitaabkan noosoo dajiyay, hanuunkiisa ayaanan ku noolaan doonaa, ama waxaanu dhiman doonaa anaga oo daafacayna. Taariikhduna ha ka marag kacdo in aanaan waligayo is dhiibi doonin ama aqbali doonin dulinimo.

  • Murshid
    June 20, 2013 @ 01:01:18AM

    Alshabaab hadee isqarxintu ee fiicantahay, maxaa carurtoodha iyo ayaga kaceliyay. maxaa ku egeeyay ciyalka masaakiinta iyo kuwa maskaxdha ka xanunsan? wa ayadee in nin waxba galabsanin la dilo? ugu danbeen Alshabaab wa rag Dinta Islamka ceebenteeda calanka u qaatay ee Muslimin ma aha, soo Islaama Alshababyahey.

  • lema
    June 17, 2013 @ 08:12:42AM

    Wax kasta hadii ay sameeyaan, waxaa jira qof aysan waligood ka adkaan karin, kaasina waa “Nabi Ciise”.

  • mohiedin khalief Abdurahmanmohiuedinkhalief
    June 17, 2013 @ 02:06:59AM

    waxaan ka mid ahay bulshaddaaaminsan in mowqiciinu yahay mid xaqiiqadda u dhowaada oo maahidiin sidii Waxaan u dhowaan oo ah sida dhurwaa dharaar ciyaye waxaan idinkugu hambalyaynayaa adeega hufan ee aad u haysaan ummadda hor u sii wada asxaabeey

  • khadija masoud
    June 16, 2013 @ 05:01:49AM

    Waa inaan ilaahay ka cabsanaa.

  • ALI
    June 15, 2013 @ 02:30:46PM

    Aniga waxay ila tahay waa inay kooxda al-Shabaab sii wadaa xoraynta dalka, hadii ay suurto gal tahayna waa inay caawiyaan dalalka kale, kuwaasoo ay ku jiraan dalalka Bariga Afrika.

  • Farrah
    June 13, 2013 @ 01:06:53PM

    Suurtagal maaha in ilaahay taageero doqmaha al-Shabaab oo kale.

  • xasanbooba
    June 10, 2013 @ 02:45:49PM

    Xasan boobe Waxey ku dhamandoontaa ingodana utanasulo Mujaahidiinta si loo badbaadiyo jahaadka Una soo noqota kalsoonoda mujaahidiinta

  • david joramu
    June 10, 2013 @ 12:31:37AM

    Anigu maan jeclaysan qaabka ay dadku arrimaha diimeed u faragalinayaan ilaa heer ay nabadii khalkhal galiyeen. Ma jirto diin qofka dambigiisa dhaafta. Nabi ciise isagaa cid walba jawaab u ah. Markaa waxaan dadka kula talinayaa inay raacaan isaga, waayo isagu ma jecla colaadaha.

  • yaquut
    June 7, 2013 @ 01:01:20AM

    waamaxay waxanaadkusamayinaaysan maasakinta

  • Abdulkadir
    June 5, 2013 @ 09:59:43AM

    Maaha wax lala yaabo in qofka horjoogaha u ah koox xagjir ahi uu dilo ama uu eryo qaar kamida dadka tartanka kula jira. Waxaa dhici karta in arrintaas ay sabab u tahay in dadkaa tartanka kula jira uu ogaaday inay faraha kula jiraan falal cajiib ah, waayo sidayno ognahay kooxaha jihaadiyiinta ahi waxay hayaan shaqo khatar ah, taasoo ay ka buuxaan dad basaasiin u ah sirdoonada dawladaha aduunka ee kala duwan. Waxaa xusid mudan in Al-Amriiki uu yahay nin dhaqaale ahaan saamayn ku leh kooxda. Sidoo kale wuxuu yahay qofka isku xidha kooxda alshabaab iyo shabakadaha sirdoonka ee caalamiga ah ee dahsoon. Waxaa jira xitaa hogaamiyayaasha kooxda qaarkood, kuwaasoo ku andacoonaya in hawlaha la xidhiidha sirdoonka ee ay qabtaan Al-Amriiki iyo dadyowga kaleeto ay ka culus yihiin hawlaha sirdoon ee dhamaan dalalka mandaqadu ay qabtaan marka la isku daro. Sidaa awgeed, arrinkaasi wuxu muujinayaa in hogaamiyayaasha kooxdu – gaar ahaan kuwa ajnabiga ahi – ay xidhiidho la leeyihiin dhinacyo kala duwan, oo aan ku koobnayn uun jihaadiyiinta. Anigu sidaan qabo, dhinacyadaas waxaa ka mid ah xukuumada aduunka u talisa ee dahsoon (waxa loo yaqaano maasooniyiinta xorta ah ee caalamka)

  • kimtai
    June 5, 2013 @ 02:31:39AM

    ciidamada difaaca kenya waa dabka ay ku guban doonaan. Kenya waligeed u dulqaadan mayso inay dadka noocaasi agteeda joogaan…

  • Zubeir hassani ali
    June 4, 2013 @ 07:22:34AM

    Waa inay wada fadhiistaan oo ay heshiiyaan si diinta Islaamku u xoogaysato. Sidoo kale waa inay cod midaysan ku hadlaan oo aysan munaafiqiin noqonin.

  • josaa elme douun
    June 4, 2013 @ 04:53:47AM

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkk waa alla mahadii in ay allashaabaab ay kalaq jabto waa guul weyn oo u soo hoyatatay umada soomaaliyeed iyo dhalinyaraii dalka oo la maskax badalay wa cusub ayaa umada udhalatay waana guul weyn waa alla madiii alaahu akbar walilaahi xamdu waa bishaaro bishaasaaro

  • Nuurdiin maxamuud
    June 4, 2013 @ 04:21:10AM

    Anigu waxan oran lahaa al shabaab wiligiis masax neen hadana ha is saxo umadana qaladka haka daayo

  • MFAMAO MASOUD
    June 4, 2013 @ 03:00:13AM

    Waxaan rabaa inaan arko mushkilada dalkan

  • Hussein
    May 30, 2013 @ 01:48:17AM

    Guusha waa la wada leeyahay, lakiin guuldarada qof ayaa loo aaneeyaa, taasi waxay ku tusaysaa inay ALshabaab jabtay.

  • maxamed abdukadir
    May 30, 2013 @ 12:07:48AM

    walaalayaal al-shabaab horay ayay uburburtay.........allaha hasoo hanuuniyo walaalahayo muslimiinta ah..........aaamiiin.... teeda ninka ayaga nairobi ufadhiya ayaga ayaa u fatwooday in la dilo wixii godane ka soo horjeeda..... waxaan sh.xassaan xuseen usheegayaa in uu ka ddayo dadka uu marin habaabinayo mar walbana u fatwoonayo waxaan diinta sal iyo raad toona ku lahayn saasna ku kadinayo.......... mideeda kale waaba yaabe maxay al-shabaab ka rabtaa xasan daahir aweys.........

  • Maslax
    May 29, 2013 @ 11:40:52PM

    Umafilayo in godana uu xilka iskaga tago, waayo waxa lawada ogsonyahay tariqdana kujirta in ey godana hoos tagaan gungska alshbb i mean dadka dhuumaaleysiga wax kudila iyo kuwa bumbska adegsada o ay uyaqaanan amniyaad, marka waxan huba hadi godane lakaraariyo inu awooddaas adegsanayo isago hogamiyayaasha kaso horjeda kabixinaya meesha sidi fusul cbdala fusul iyo almansor alamriki iyo rag kale. Mhdsndiiin

  • Abdallah dege
    May 29, 2013 @ 09:36:32PM

    Salaamu calaykom. Alshabaab waxaan leeyahay joojiya colaada oo dib ugu laabta kitaaka quraanka iyo sunnaha nabiga. Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu idin hogaamiyo anaguna waanu idin garab taaganahay. Laakiin markaad dhexdiina dagaalantaan ayaanu cadhoonaa.

  • Xasan deeq cabdi
    May 28, 2013 @ 11:19:31PM

    Asc dhaman umada muslimka ah salan kadib intow heey kara godane xilka ugu sareya al shabaab ani waxey ila tahay hada oo la joogo godane ma haayo xilka ugu sareya lkn waxow madax u yahay dad yar oo asaga taabacsan intas ayan kuso kobi lahay-

  • maxamed cali wadani
    May 28, 2013 @ 11:43:04AM

    mujahidintu macbsda mana gariran guul xarakatu shabab mujahidin

  • Abukar
    May 27, 2013 @ 02:07:18AM

    Godane iyo dadka isaga raacsani aad ayay ugu saxsanaayeen inay dilaan Al-amriki, waayo wuxuu ahaa basaas u shaqeeya maraykanka. Wuxuu iska dhigayay inuu yahay muslim sax ah, laakiin muusan ahayn. Waxaa soomaaliya usoo diray xukuumada maraykanka, si uu usoo basaaso kooxda alshabaab iyo arrimeheeda, taasina waa sababta uu kooxda ula joogay. Waxaan sidoo kale ina godane iyo dadka raacsan ku boorinayaa inay gawracaan dadka kale ee ajaanibka ah iyo soomaalida kale ee iska dhigaya inay mujaahidiin yihiin, kahor intaysan gudbinin wararka kooxda al-Shabaab.

  • cali nuur duqa magaalada
    May 26, 2013 @ 07:40:28AM

    abuu talada waa siin heyn doonaa abid maxaa yeelay waxa hadda lagu eedenaayo maxaa mar hore loo sheegi waayay ,wareega ayaa iyaga hadda ku yimid ayaan u arkaa waxaanan leenahay haddii rag wax isku ogyahay cidda ka baxday wixii la isku ogaa ayaa khaldan , qayladhaantu waxay timid dilkii la isku dayay amriiki ka dib . suaal amriiki ka hor shabaab wax ma dili jirin miyaa.

  • c/ qani
    May 26, 2013 @ 07:10:13AM

    wxn doonaya inan alshabab kusoo biiro ee xagan usoo mara

  • Mwamajinja
    May 25, 2013 @ 11:10:40PM

    Waa in al-Shabaab la garaacaa ilaa intay dhimanayaan. Anagu waanu ka daalnay maalinkasta inaan soomaaliya warkeeda maqalno. Nimankan xagjirka ah waa in la laayaa.

  • cumar yuusuf cali
    May 25, 2013 @ 07:13:46AM

    alshbaab waa falaagooyin ka dagaalama soomaaliya marka gaalao la dagaalamayaan waa saxsanyihiin lkn marka ay muslimiin dilayaana waa qlad

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Illaa iyo xadkee baad ku kalsoon tahay in xukuumadaha Bariga Afrika ay tallaabooyin waafi ah u qaadayaan ka hortagga dillaacidda Ebola?

Fiirso natiijada