Loo-shaqeeyayaasha Kenya oo ka digay tayada qalin-jabiyayaasha jaamacadaha

Waxaa qoray Rajab Ramah oo Nairobi jooga

Maajo 22, 2013

  • 2 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Waddooyinka ku yaal daafaha Nairobi, ayaa waxa sahlan in aad ku aragto xayaysiin jaamacad ama xarun xayasiinaysa barnaamijyo kala duwan iyo fursado waxbarasho.

  • Arday joogta xafladd qalin-jabin ah oo ay lahayd  Technical University of Kenya oo sannadkii 2012-kii ka  dhacday Nairobi. Iskuulka ayaa horay loogu yiqiin Kenya Polytechnic University College waxaana jaamac laga dhigay January. [Rajab Ramah/Sabahi]

    Arday joogta xafladd qalin-jabin ah oo ay lahayd Technical University of Kenya oo sannadkii 2012-kii ka dhacday Nairobi. Iskuulka ayaa horay loogu yiqiin Kenya Polytechnic University College waxaana jaamac laga dhigay January. [Rajab Ramah/Sabahi]

in kasta oo laga yaabo in ay tani tahay calaamad tusaysa in uu horumar ka jiro helitaanka waxbarshada ee Kenya, ayaa haddana loo-shaaqeeyayaasha qaarkood iyo madaxda waxbarshadu ay ka walwalsan yihiin in jaamacadaha soo badanaya iyo ganacsiyaynya waxbarshada sare ay dhalisay iskuullo soo saaraya arday jaamiciyiin ah oo aan tayo fiican lahayn kuwaas oo aan ka soo dhalaali karin baahida suuqa shaqaalaha.

"Waxaan su'aal ka qabnaa tayada waxbarshada ay bixiyaan jaamacadaheennu," ayay tiri Maamulaha Guud ee Xiriirka Loo-shaqeeyayaasha Kenya Jacqueline Mugo. "Qalinjabiyayaasha aan shaqaalaysiino intooda badan ma laha xirfadaha wixii ay soo barteen si ay ugu kaalmayso tartanka ka jira shaqada. Waxay haystaan [shahaadooyin] fiican oo aysan waxba ku qabsan karin."

Mugo ayaa u sheegtay Sabahi in jaamacadaha qaarkood ay hoos u dhigayaan tayada waxbarashada iyaga oo qaadanaya arday iyaga oo aan hagaajinin tayada jaamacahada ay wax ku barayaan, marka ay balaadhinayaan ama badinayaan barnaamijyada waxbarsho waxay kaliya oo ka fikirayaan sidii ay lacag ku heli lahaayeen.

"Waxaan arki jirnay jaamacado leh takhasus gooni ah, tusaale ahaan sida caafimaadka ama waxbarshada, laakiinse hadda jaamacaduhu waxa ay shahaadooyin ka bixiyaan takhasus walba, si ay lacag uga helaan arday badan. Nidaamka caynkaas ah, kuma dammaanad qaadi kartid in aad tababarro tayo leh siisid ardayda," ayay tiri Mugo, iyada oo intaas ku dartay in loo shaqeeyayaashu mar marka qaarkood ku khasbanaadaan in ay lacag ku bixiyaan tababaridda shaqaalaha si ay xirfadaha ka maqan u helaan.

Waxay kale oo khaladka saartay tallaabadii dawlada ee sannadkii hore taas oo u oggalaatay iskuullada xirfadaha ee dugsiga sare ka dib la dhigto in ay jaamacado noqdaan, taas oo dhib ka dhigtay in ardaydii gali lahayd ay kala garan waayaan farqiga u dhaxeeya labada jaamacadood.

Degdegsiiyaha lagu doonayo in lagu helo shahaado jamaacdeed--oo inta badan khuseeysa daraasaadka aadanaha -- ayaa xaddidaysa waxbarashada takahsusyada farsamo ee loo bahaan yahay sida makaanikada, faryaamada iyo dhismayaasha dhagaxa ka samaysan, ayuu yiri John Mugo, oo ah isuduwaha Kenya ee Uwezo, oo ah barnaamij afar sano ah oo la bilaabay sannadkii hore si loo horumariyo waxbarshada caruurta yar yar ee da'doodu u dhaxayso 6 ilaa 16 ee dalalka Kenya, Ugaandha iyo Tnazaaniya.

"Waxaan ka walwalsanahay in haddii qaabkan aan wax laga badalin, gaadhitaankaHimilada 2030ay adkaan doonto," ayuu u sheegay Sabahi. "hadafyada lagu dhigay Himilada 2030-ka waxaa kaliya oo qaban kara [dad leh] xirfadaha heerka dhexe oo ah farsamayaqaanno gacanta ka shaqeeya."

Maamulayaasha iskuullada ayaa waxa kaliya oo ay xil iska saarayaan xaalada hadda taagan, ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Midowga Shaqaalaha Jaamacadaha Muga K'Olale, isaga oo intaas ku daray in bixinta barnamijyo badan oo si fudud loo heli karo wakhti gaabanna soconaya ay gacan ka geeysan karaan in dad badan ay waxbarashada fursad u helaan.

"Dalabka ka jira suuqa ee u dammaanad qaadaya qofka in uu shaqo fiican heli karo kaliya marka uu haysto shahaado jaamacadeed ayaa keenaya in dad badan [oo shaqo-doon ah] u aadaan jaamacadaha. Si dalabkaas wax looga qabto, ayaa jaamacaduhu ay ku khasban yihiin in xarumo dheeraad ah ay furaan si ay ula fal galaan kororka [is-diiwaan galinta]," K'Olale ayaa u sheegay Sabahi.

Tayo yaraanta ardayda soo qalin-jabisa ayuu wuxuu eeddeeda saaray fashilka xukuumadda ee ah in ay ka gaabisay in ay si buuxda u maal-galiso jaamacadaha dawladda si ay u shaqaalaysiiyaan macaliim si wanaagsan ardayda wax u bara. Macalimiinta jaamacadaha dawladda ee Kenya ayaa culays badani saaran yahay sababta oo ah waxay wax ka dhigaan xarumo kala gasidan, taasina waxa ay shaki la'aan saamaynaysaa shaqadooda, ayuu yidhi.

Xukuumadda oo dib u eegaysa tayada barnaamijyada jaamacadaha

Maamulaha Sare ee Komishanka Waxbarshada Jaamacadaha (CUE) David Some ayaa sheegay in hay'addiisu bilawday in ay wax ka qabato dib-u-habeeynta jaan-gooyada kadib markii ay heshay cabashooyin uga yimid loo-shaqeeyayaasha oo sheegaya jaamiciyiintii ay shaqaalaysiiyeen aanan loo soo diyaarin si munaasib ah.

Hay'addan xukuumiga ah ayaa dib u fiirinaysa dhammaan koorsooyinka ay bixiyaan macaahidda jaamacadaha ee sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa dawladdaba si loo hubiyo in ay bixiyaan waxbarsho iyo tababar tayo leh, ayuu u sheegay Sabahi. Hay'adaha aan ka soo bixin jaan-gooyooyinka CUE iyo dalabka suuqa shaqada waa la xidhi doonaa.

In kasta oo uu diiday in ay faallo ka bixiyo go'aanka xukuumaddu ku gaartay in ay macaahidda tabararka xirfadaha loo baddalo jaamacado, haddana waxa uu sheegay in hay'addiisu ay codsatay in lacag badan waxbarshada looga qoondeeyo miisaaniyada sannadka soo socda si wax looga qabto gabaabsiga shaqaalaha iyo kaabayaasha.

George Magoha, oo ah gudoomiye ku-xigeenka Jaamacada Nairobi, ayaa sheegay in waalidku ay tahay in aysan caruurtooda u dirin jaamacadaha laga shakisan yahay koorsooyinka ay bixiyaan.

"Inta badan ardayda aad ka hadlaysaan ee ku fashilma in dalabka suuqa aysan la qabsan karin, kama aysan imaanin jaamacadaha dawladda," ayuu u sheegay Sabahi. "in kasta oo ay dhibaato naga haysato tirada badan ee ardayda, ayaan haddana waxaan xaqiijinnay in aynaan barxi doonin barnaamijyadeenna."

Jaamacadaha khaaska ah ee ay Sabahi kala xiriirtay maqaalkan ayaa diiday in ay ka qayb qaataan ama aan ka soo jawaabin codsi ahaa in ay faallo ka bixiyaan.

Su'aal: Dhawaan jaamacad ma ka soo baxday ama ma shaqaalaysiisay qof dhawaan soo qalin-jabiyay? Ma u aragtay tababarka mid waafi ah? Nagula wadaag khibraddaada qayba faallooyinka ee hoose.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • maxamed abdul qadiir
    May 23, 2013 @ 03:10:41PM

    waxan meshna ku shegii laha anigu eh maxamed abduladiir iiman adan waxan ku shegii laha uruka alshabab in ay is kaga baxan degmoyiin ka iyaga hes tan hadi kale dagalo hogan naf iyo mal ba leh ayan uu gey saney na og so nada kuwii ku jiiran iyo kuwa kala ba dhaman sas ha ogadan aniu waxan ahay sarkal maxamed deeq

  • DICKSON E.MSOLINE
    May 23, 2013 @ 08:47:35AM

    Arrinkaasi waa mid aad u wacan, waayo ardayda jaamacadaha kasoo qalinjabisaa waa kuwo aan si wacan u diyaarsanayn, xaaladuna maah mid wanaagsan, laga soo bilaabo dugsiyada sare ilaa heer jaamacadeed. Ardayda reer Tanzania waxay waxbarashada dugsiyada sare ka bilaabaab Form One waxaanay wadaan ilaa Form Four, si ay Form Five-ka ugu gudbaana waxaa qasab ku ah inay baasaan saddex maado oo kala ah: HKL – oo ka dhigan Taariikh iyo Af-Sawaaxili iyo Af-Ingiriisi, ama ay baasaan PCB – oo ka dhigan Fisigs iyo Kimistari iyo Baayoolaji. Markay dhamaystaan Form Six ee ay baasaan kadib, ardaygu wuxuu u gudbi karaa jaamacada, hadii uu yahay qaybta HKL, wuxuu baran karaa sharciga ama cilmiga bulshada iyo wixii la mid ah, hadiise uu yahay qaybta PCB, wuxuu baran karaa caafimaadka.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Dhacdooyinkii ammaan ee dhawaan ka kala dhacay Mombasa iyo Nairobi sida ay u badan tahay waxay ka dhasheen:

Fiirso natiijada