Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland

Waxaa qoray Cabdi Macallin oo Muqdisho jooga

Maajo 16, 2013

  • 2 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Hogaamiyaha malleeyshiyada Raas Kambooni Sheekh Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay maxadwaynahamaamul-gobaleedka Jubbaland ee lagu dhawaaqay Arbacadii (15-kii Maajo), laakiinse wax yar xilligaa kadib ayaa odayaal kale oo dhaqan waxa ay sidoo kale ku dhawaaqeen in Wasiirkii hore ee Difaaca Soomaaliya Barre Aadan Shire Hiiraale uu yahay madaxweyne.

  • Hogaamiyaha malleeyshiyada Raas Kambooni Axmed Maxamed Madoobe oo ka hadllaya kulan dhacay Kismaayo 28-kii February 2013-kii intii uu lagu jiray dhismaha Maamul-gobleedka Jubbaland. [Mohamed Abdiwahab/AFP]

    Hogaamiyaha malleeyshiyada Raas Kambooni Axmed Maxamed Madoobe oo ka hadllaya kulan dhacay Kismaayo 28-kii February 2013-kii intii uu lagu jiray dhismaha Maamul-gobleedka Jubbaland. [Mohamed Abdiwahab/AFP]

Kismaayo oo ah meesha labada hogaamiye "lagu doortay", ayay xaaladdu deggan tahay laakiinse waxa jira kacsanaan, iyada oo dadka degaanka ay AFP u sheegeen in maleeshiyaadka qabaa'ilku ay adkayanayaan dhufaysayadooda ay ku leeyihiin daafaha magaalada.

Guddoomiyaha gudiga diyaarinta shirka dhismaha Jubbaland Macalin Maxamed ayaa sheegay in ergooyinkii 500 ee soo xaadiray, ay 485 u codeeyeen Madoobe, 10 ay ka horjeesteen, shanna ay ka aamustay. Madoobe iyo hoggaamiyayaasha maxaliga ee Hilowle Adam Maxamed iyo Maxamed Nuur ayaa dhammaantood u taagnaa madaxwaynanimada, laakiinse Maxamed iyo Nuur ayaa tanaasul sameeyay ka hor inta ayan codeeyntu bilaaban, ayuu sheegay guddoomiyaha.

Maamulka soo socda ee Jubbaland ayaa xukumi doona goballada Jubada Hoose, Jubada Dhaxe iyo Gedo.

Madaxwaynaha maamul-gobaleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa soo dhaweeyay doorashada Madoobe, oo ka soo jeeda qabiilka Ogaadeen, kana codsaday xukuumadda faderaalka ah, IGAD iyo beesha caalamkaba in ay taageeraan. Puntland ayaa si cad u taageertay shirka Jubbaland uga socda Jaamacada Kismaayo.

Saacado kadib guushii Madoobe, ayaa si kastaba ha ahaatee, Wasiirkii hore ee Difaaca Hiiraale, oo ka soo jeeda qabiilka Mareexaan, waxa uu ku dhawaaqay in uu madaxweynenimada ku guuleeystay doorasho taa da duwan oo ay qabteen 600 oo taagerayaashiisa ah.

"Waxaa duqayda Jubbaland ay ii magacaabeen madaxweyne... waxaan dadka ka codsanayaa in ay taageeraan madaxweynanimadayda si aan nabad u keeno," ayuu yiri Hiiraale sida ay warisay AFP.

"Shirka aniga la igu magacaabay waxaa soo abaabulay iskana leh dadka... hlaka shirka kalana ay soo abaabushay dabadana ay ka waddo Kenya," ayuu yidhi, isaga oo dadkana ka codsaday "in ay hubka iska dhigaan gobalka dhistaankiisana ay ka qayb-qaataan".

Xildhibaanka Soomaaliga ah Sooyaan Cabdi Warsame, oo ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka, ayaa welwel ka muujiyay hadalka Hiiraale. Xukuumadda faderaalka ah ayaa tallaabo ka qaadi doonta qofkii isku daya in uu xasillooni darro ka abuuro Jubbaland taasoo qaby ka ah dadaal ku aaddan in laga fogaado colaad ka dhex dhacda qabaa'ilka maxalliga ah, ayuu u sheegay Shabakadda Wararka Shabeelle ee Soomaaliya.

Xukuumadda Faderaalka oo arinta miisaameeysa

Xukuumadda faderaalka Soomaaliya ayaa si joogta ah uga soo horjeedday shirka dhismaha Jubbaland ee ka socday Kismayo, iyada oo diiday in ay ergo u dirto.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in xaaladda hadda tagaan ee laba hoggaan oo iska soo horjeeda ay labaduba sheegaynayaan madaxweyne ay ahayd wixii xukuumadda faderaalka ah ay afartii bilood ee la soo dhaafay ka digaysay, Jawharta Soomaaliya ayaa sidaas warisay.

"Arin aad looga xumaado ayaa ka dhacday Kismaayo taas oo keeni karta qalalaase iyo xasilooni la'aan," ayuu Guuleed ku yiri wariyayaasha. "Doorashada maamul-gobaleedyadu waxay ahayd in uu dastuurku hago kuna yimaadaan wadahadal."

Wuxuu sheegay in marka hore laga sal-gaaro dhex-dhaxaadinta shacabka inta aan loo gudbin doorashooyinka madaxda gobalka ee cusub.

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo sheegay in kaliya ay xukuumadda federaalka samayn karto maamulka gobaleedka Jubbaland, ayaa magacabaay gudi ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno si ay u garwadeenno uga noqdaan heshiis la dhex dhigo madaxweynahayaasha tartamaya.

Guddigan oo 16 xubnood ka kooban, oo uu madax u yahay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Jaamac Axmed Maxamed, ayaa la filayaa in uu dhawaan u safro Kismaayo.

Cusmaan Ibraahim Shabgani, oo ah duq ka soo jeeda gobalka, ayaa taxaddar ka muujiyay labada madaxwayne ee la doodtay ee laga yaabo in ay gobolka hoggaamiyaan.

"Labada nin ee is magacabay midna danta shacabka Jubbooyinka maskaxda kuma hayo. Xukuumadda faderaalka ah ayay waajib ku tahay in ay arrimaha Jubooyinka soo faragaliso," ayuu u sheegay Sabahi. "Xubno dhawr qabiil ka tirsan oo aaday Kismaayo si ay uga qayb galaan arrimaha siyaasada ayaa loo diiday in ay magaalada galaan. Sidaas darteed, shirka Jubooyinku wuxuu ka soo horjeedaa xukuumadda sidaas darteedna uunan taageeri doonin wax walba oo la sameeyo oo xukuumadda looga soo horjeedo.

Xiisadda ayaa isa soo taraysa Kismaayo, iyada oo dadku ka cabsanayaan in uu dagaal ka dhax qarxi karo taageerayaasha labada nin. Xidhiidhka telefoonnada ayaa la soo sheegay in ay hawada ka maqnaayeen Arbacadii, iyada oo shacbku uusan dibada la hadli karin, laakiise xidhiidhkii ayaa dib u soo noqday Khamiistii.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • burhaan dhalosiriq
    May 19, 2013 @ 09:12:59AM

    waxay .aniga ila tahay .arinta kataagan jubada islaantii wiilkeeda ilaahay kaga baryeysay in uu uka hadalsiiyo wiilka markii uuhadlayna yiri hooyo anku waso oo ay jahadu iskaka darmatay gacmahana madaxa saaratay ayadoo indhaha ilmo kaquba nayso ok dhibta waxaa wada dad dano kale leh ciyaal koodiina joogaan meel nabada oo raba dadkale ciyaalkood in ay isku jabiyaan shacabkuna mafahan sana dawladuna madhex galikarto

  • CiilQabe
    May 17, 2013 @ 01:32:05PM

    Asc. Wlhi waa layaab. waqtigey somaali heshiin doontaa? Waa arin murug leh inay somaali dhibkay wadanka kawadaan ragii somaali dhibka horaan u horseeday waana wax lagaxumaado xaqiiqdi. Somaaliyeey iisu imaada oo katashada dhibaatada in haaysato. Waad mahadsantahiin. W s w w.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Illaa iyo heerkee bay dawladda Soomaaliya baylah ugu tahay basaasiinta al-Shabaab marka la eego weerarkii dhawaan lagu qaaday Villa Soomaaliya?

Fiirso natiijada