Tansaaniya kama noqonayso in ay fara-geliso DRC

Waxaa qoray Deodatus Balile oo Dar es Salaam jooga

Abriil 23, 2013

  • 366 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Tansaaniya kama noqonayso in ay ciidan ka mid ah guutada fara-gelinta Qaramada Midoobay u dirto Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC), inkasta oo ay labo qoraal oo digniin ah ka heshay Dhaqdhaqaaqa kooxda mucaaradka ah ee 23-ka Maarso (M23), sida ay sheegayaan masuuliyiin Tansaaniyaan ah.

  • Mucaaradka M23 ayaa u cararay buuraha 30-kii Noofeembar, 2012, ka dib markay ka baxeen tuulada Karuba ee ku taala bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC). [Phil Moore/AFP]

    Mucaaradka M23 ayaa u cararay buuraha 30-kii Noofeembar, 2012, ka dib markay ka baxeen tuulada Karuba ee ku taala bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC). [Phil Moore/AFP]

  • Madaxa milatariga ee M23 Sarreeye Guuto Sultani Makenga (dhexda) oo tilmaan u bixinaya qaar ka mid ah saraakiishiisa mar ay joogeen meel u dhow magaalada Sake oo ku taala bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo 30-kii Nofeembar, 2012. [Phil Moore/AFP]

    Madaxa milatariga ee M23 Sarreeye Guuto Sultani Makenga (dhexda) oo tilmaan u bixinaya qaar ka mid ah saraakiishiisa mar ay joogeen meel u dhow magaalada Sake oo ku taala bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo 30-kii Nofeembar, 2012. [Phil Moore/AFP]

Salva Rweyemamu, oo agaasimaha is-gaarsiinta u ah madaxweynaha Tansaaniya, ayaa u sheegay Sabahi in dawladdu ay labo waraaqadood ka heshay M23, oo u dagaallamaya inay ridaan dawladda Kongo.

Waraaqdii hore waxaa loo soo diray Guddoomiyaha Shirweynaha Golaha Caalamiga ah ee Harooyinka Waawayn, Madaxweynaha Ugandha Yoweri Museveni, waxaana nuqullo loo diray dhammaan madaxda waddamada gobolka, oo uu ku jiro Madaxweynaha Tansaaniya Jakaya Kikwete.

Waraaq labaad oo lagu soo hagaajiyay Afhayeenka Baarlamaanka Qaranka Anne Makinda oo uu soo saxiixay Bertrand Bisimwa, oo ah madaxa cusub ee qeybta siyaasadda ee M23, ayaa soo gaadhey baarlamaanka Tansaaniya Sabtidii (20-kii Abriil), sida ay Sabahi u sheegeen ilo warbixin.

Waraaqda dhexdeeda, ayay M23 ku adkeeyeen sharci-dajiyeyaasha Dar es Salaam in ay dawladda kula taliyaan in aysan ciidamo u dirin DRC, waxayna sidoo kale ka digeen in ay dagaalyahaniinta M23 "xasuuq" u geysan doonaan ciidamada Tansaaniya haddii ay Tansaaniya ku adkeeysato in ay soo dirto ciidanka.

Soo celinta nabadda

"U jeedada ciidamada Tansaaniya ma aha in ay dilaan reer Kongo balse waa in ay soo celiyaan nabadda," ayuu Ku-xigeeka Afhayeenka Baarlamaanka Qaranka Job Ndugai u sheegay Sabahi. "M23 waxay kaliyoo tan u arkayaan dhibaato haddii aysan doonayn nabad. Uma direeyno saraakiisheena in ay dad soo dilaan ama in ay M23 dilaan ayaga."

Maarso 28-keedii, Golaha Ammaanka ee QM ayaa si wadajir ah u aqbalay Qaraarka 2098, oo jidka u banneeyay golaha caalamiga ah ciidankoodii ugu horreeyay ee "weerar" dagaal qaadaya. Hawsha loo fasaxay guutada fara-gelinta, oo ka kooban kooxo ciidamada cagta ah oo ka socda Tansaaniya, Koonfurta Afrika, Musaambiik iyo Malawi, waa in ay "ka adkaadaan oo hubka ka dhigaan" M23, mucaaradka Kongo iyo kooxaha ajnabiga ah oo hubaysan oo ku sugan bariga DRC, sida lagu sheegay maqaal war ah oo laga soo saaray Qaramada Midoobay.

Waraaqda uu taariikhdeedu ahaa 11-kii Abriil, ayuu Bisimwa kaga digay in M23 ay ka adkaan doonaan guutada QM ee uu hoggaaminayo janaraal Tansaaniyaan ah.

Abriil 7-deedii, Bisimwa wuxuu soo saarey digniino taas la mid ah oo uu ciidamada Koonfurta Afrika uga soo diray Twitter-kiisa, waxayse Koonfurta Afrika sheegtay in aysan wax ka baddaleeyn qorshihii ahaa inay ku biirto guutada fara-gelinta DRC ee ka socota QM.

Sida laga soo xigtay waraaqda Bisimwa uu u diray Afhayeen Makinda, Qaraarka 2098 "wuxuu u baddalayaa Hawlgalka Nabad-ilaalinta QM ee DRC ciidan seef la bood ah oo fasax u haysta in ay hawlgallo weerar ah ku fuliyaan muwaadiniinta Kongo".

Bisimwa, oo ku eedeeyey Qaramada Midoobay in ay DRC u soo fara-gashanayaan si ay u badbaadiyaan dawladda xukunka haysa, wuxuu wacad ku maray in ay ciidamada M23 ka guulaysan doonaan guutada fara-gelinta.

Wuxuu sheegay inuu aad u ixtiraamo madaxweynihii koowaad ee Tansaaniya, marxuumkii Julius Nyerere, balse M23 ma haysato waddo aan ahayn inay "xasuuqdo ciidamada walaalaha ah ee ka socda Tansaaniya".

Korneeyl Kapambala Mgawe, oo afhayeen u ah Ciidanka Difaaca Dadka Tansaaniya, ayaa ku soo celceliyay in ciidamada Tansaaniya ay bariga DRC u tagayaan in ay ilaaliyaan nabadda gobolka.

"Halkii ay nolosha muwaadiniinta DRC ama tan nabad-ilaaliyeyaasha halis ku galayso, ciidankeenu waxay badbaadinayaan dadka waxayna hubka ka dhigayaan kuwa sababaya khatartaas," ayuu u sheegay Sabahi. "Tani waa aragtida iyo amarka QM."

Hanjabaadihii hore

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah Bernard Membe ayaa u sheegay Sabahi in Tansaaniya ay u baratay in ay hanjabaadaha aan sidaasoo kale raadka lahayn ka hesho kooxaha mucaaradka ah mar walboo ay ciidamadoodu fara-gelin u sameeyaan in ay badbaadiyaan dadka aan waxba galabsan.

Tusaale ahaan wuxuu u soo qaatay fara-gelintii milatari ee ay Midowga Afrika 2008 ka fuliyeen Anjuan, Comoros, taas oo xilka looga qaadey madaxweynihii hore Kornayl Mohamed Bacar. Inkasta oo ay jireen hanjabaadyo kuwan la mid ah oo looga digayey Dar es Salaam in aysan ciidan ku darsan, ciidanka Tansaaniya kama aysan noqono, ayuu yidhi Membe.

"Waxay ila tahay in ay [M23] ku sharfi lahaayeen Mwalimu Nyerere in ay joojiyaan dagaalka sokeeye oo keena kufsi xad-dhaaf ah, dhimashada dumarka iyo caruurta, iyo barakaca dadka," ayuu yidhi.

Membe ayaa yidhi waa in ay M23 joojiyaan kacdoonka iyo dilka dadka aan waxba geysan, si aysan markaas Tansaaniya u helin sabab ay ciidamo ugu dirto DRC.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • kibona marther
    December 6, 2013 @ 04:38:34AM

    Waan ka helay maqaalkan, laakiin su’aashaydu waxa weeyaan, Tanzania miyay ka faa’iday mise way ku khasaartay faragalintaas dalka congo?

  • UFO
    September 9, 2013 @ 09:17:12AM

    Hanjabaadaha noocaas ah ee kooxda M23 waa waxa naga cadhaysiinaya. Waxaan anagu ku talajirnaa in aan jabino, jabintoodana cudur-daar iyo cudud labadaba waanu u haynaa. Waxa laga yaabaa inaysan dadku ogayn in aanu imikuun soo karaar qaadanayno, laakiin marka aanu diyaar garowno, Rwanda labada lugood ayaanu isu leekaysiin doonaa. Markaa waa in saaxiibkeen Kagame aamusaa si ay ragu hawshooda u gutaan.

  • luis hinju
    September 3, 2013 @ 02:46:39AM

    Dibu noqosho ma jirto. Meesha aynu wax ka bilaabaynaa way caddahay, waana in dalka Congo ciidamo loo diraa oo ducana la raaciya. Maaha in aynu hanjabaada ka cabsano.

  • Peter
    September 3, 2013 @ 02:16:01AM

    Kooxda M23 waxay la mid tahay kooxaha kale ee argagixisada ee ay Qaramada Midoobay midoobay baadi goobayso. Waxay daadiyeen dhiiga dad aan waxba galabsan, waxaana meesha ku baahay kufsi, caruurta iyo dumarkana waa la laynayaa oo waxa taageeraysa dawlad daba dhilif ah (Rwanda) si loo dabar gooyo muwaadiniinta aan waxba galabsan. Arrinkaasina maaha mid loo dul qaadan karo. Markaa maaha macquul in ay dadkii jaarkeena ahaana dhibaataysnaadaan inaguna aan nolosheena ku faraxsanaano oo aynu dabaal degno. Noloshooda waxaa adkeeyay wax kale maahee waa kooxda M23 ee argagixisada ah. Waxaan markaa Qaramada Midoobay kula talinaynaa in ay halkaa kasii wado hawlgalkeeda ilaa dhamaadka. Hadii ay suurto galtahayna waa in dadka dambiga galay loo diraa maxkamada aduunka ee dambiyada oo lagala xisaabtamaa waxshinimadii ay gaysteen ee ay kooxda M23 ka caawiyeen inay dhiig daadiyaan.

  • Ben Laseko
    July 19, 2013 @ 02:41:57AM

    Waa inaan ka hor tagnaa waxshinimada ka socota dalka Kongo, inagoo aan eegayn cidda ay tahay awooda gumaysiga ee waxan wada iyo inay tahay Afrikaan ama reer galbeed. Wixii dhacayay ilaa waagii Patrice Lumumba ilaa maanta waa wax dhibaato inoogu filan!!

  • lucas emmanuel
    July 14, 2013 @ 03:22:40AM

    Tanzania si wacan ayay yeeshay waayo waxa ugu wanaagsani waa in nabadgalyada lasoo celiyo ee wax kale maaha, sababtoo ah waxba lama qaban karo nabad la’aan.

  • JOHN S. MASAMAKI
    July 13, 2013 @ 08:40:34AM

    Waa in kooxda M23 loo aqoonsadaa inay tahay koox falaago ah oo ka jira dal leh dawlad dustuurka waafaqsan. Waa in Qaramada Midoobay ay markaa dalka Congo ka caawisaa dagaalka uu dalkaasi kula jiro kooxda M23.

  • Mathias Mabele
    July 13, 2013 @ 04:31:09AM

    Saaxiibka dhabta ahi waa ka markaad u baahato ku caawiya.

  • mika makungu
    July 12, 2013 @ 09:34:33AM

    Tanzania waxan leeyahay arrinkaasi waa mid aad u wacan

  • ebenyo columbus
    July 11, 2013 @ 07:42:04PM

    Anigu si buuxda ayaan u taageerayaa.

  • JUSTUS JULIUS
    July 11, 2013 @ 04:20:34PM

    Waxaa la joogaa wakhtigii laga fekeri lahaa sababta aynu dagaalka u jecelnahay haddaynu nahay dadka Afrikaanka ah? Sababtu wax kale maahee waxa weeyaan awood jacayl iyo damaaci nimo ayaa ina haysa. Haddaynu nahay reer Tanzania waa inaynu nabadgalyada ilaalinaa oo aynu caawinaa saaxiibadeena reer Congo.

  • Ngassa, lazaro
    July 11, 2013 @ 06:51:18AM

    Haddaynu nahay dadka reer Tanzania waa inaynaan iska indha tirin dadaalka ay wadaan ciidamada difaaca dalkeenu ee ay ku rabaan inay faragalin ku sameeyaan colaadaha ay wado kooxda M23, waayo ujeedadu waa in la badbaadiyo muwaadiniinta reer Congo, kuwaasoo ay jidh-dil u gaysanayso kooxda M23, iyo sidoo kale in la ilaaliyo amaanka iyo nabadgalyada dalka Congo.

  • Ngassa, lazaro
    July 11, 2013 @ 06:36:49AM

    Dabka dab ayaa lagu damiyaa. Waxaan markaa anigu taageersanahay in ay ciidamada Tanzania la dagaalamaan kooxda falaagada ah ee M23 ee joogta dalka Congo. Hanjabaadaha ay wadaan maaha kuwo Tanzania ka horjoogsan kara inay daafacdo dadkaas aan waxba galabsan ee dalka Congo ku tabaalaysan. Ogaysiis: ciidamadayada reer Tanzania waxay ku amran yihiin inay markii loo baahdo ay hubka adeegsadaan si loo badbaadiyo muwaadiniinta iyagu

  • paschal david
    July 9, 2013 @ 01:31:08PM

    Ma qasab baa in la is caawiyaa?

  • Peter
    July 8, 2013 @ 10:07:57AM

    Ilaahay ha barakeeyo dalka Congo iyo dalka Tanzania.

  • Kileme Onesmo
    July 8, 2013 @ 06:14:50AM

    Kooxda M23 maaha muwaadiniin u dhashay dalka Congo, balse waa koox dad ah oo bilaa akhlaaq ah (waana dad aysan cidina rabin), waxaana adeegsanaya hogaamiyayaasha dalalka iyagu raba inay xadaan khayraadka iyo macdanta dalka Congo, laakiin taa uma dul qaadan karno. Tanzania waa dal Congo la jaar ah, waxaana saamayn ku haya qaxoontiga ay sanadaha badan qaabilaysay. Markaa Tanzania waxay xaq u leedahay inay ka jawaab celiso daandaansigan. Laakiin sidoo kale hadii dalka congo nabadi ka hirgasho, maxaa diidaya inay Tanzania door hormood ah ka ciyaarto la shaqaynta dalka Congo? Dadka iyagu macdanta raba inay xoog ku qaataan cidina ma rabto. Anagu waxaan rabnaa cidii nabad keenta ee dadka reer Tanzania ula shaqaysa si walaaltinimo iyo saaxiibtinimo leh, oo isla markaana ixtiraamaya xuduudaha iyo sharafta bini’aadamka. Waxaan hambalyo u dirayaa madaxwayne Kikwete iyo wasiir Membe, waxaanan leeyahay halkaa kasii wada, hadaanu nahay dadka reer Congo na waxaanu idinla garab taaganahay wax kasta oo loo baahdo.

  • YONA DAVID CHIDUO
    July 7, 2013 @ 02:31:29PM

    Waa inaan caawinaa dadka reer Congo, waayo iyaga laftoodu waa bini’aadam oo maaha in la laayo.

  • RAFUKI LUFUNGA
    July 7, 2013 @ 05:53:00AM

    Haddaynu nahay reer Tanzania waxaynu in badan ka hadalnaa dirista ciidamada loo dirayo dalka Congo si nabadgalyada dib loogu soo celiyo, laakiin Tanzania iyada lafteeda nabadgalyadii way ka luntay, waxaana arrinkaa ugu wacan diimaha ay dalkan keeneen cadaanku iyo axsaabta aan iyagu rabin inay qaataan go’aamo shacanku raali ka yahay, markaa tolow yaa ina sixray? Arrinkani waa nacasnimo, waana nacasnimo wayn runtii. Qof kasta oo fariintan akhriyayaa wuu inagu qoslayaa, sababtoo ah wuxuu ogsoon yahay inay xaaladu aad u daciif tahay, waxaana tusaale ku filan in dad lagu laayay qaraxii dhacay markii ay socdeen doorashooyinkii dawladaha hoose.

  • Lamwai Conrad
    July 6, 2013 @ 01:09:21PM

    Waxaan rajaynayaa in sababta ay ciidamadeenu u tageen dalka Congo ay tahay inay muwaadiniinta dalkaas ee aan waxba galabsan ay nabad u keenaan.

  • Mzena patience
    July 6, 2013 @ 11:02:35AM

    Tanzania waa inaysan dib usoo guranin, balse waa inay hore u socotaa

  • FREDDY
    July 6, 2013 @ 10:12:41AM

    Waa si wacan, waxay hore u yidhaahdeen dadkii hore: “hadii guriga jaarkaagu uu gubanayo kuuma banaana inaad dabaal dagto”. Maadaama ay kooxda M23 ay adeegsanayaan hub dagaalka ay kula jiraan dalka ciidamada Congo, markaa waa in ciidamada qaramada midoobay ay iyaguna sidaas oo kale sameeyaan iyagoo fulinaya xilka looga igmaday inay Congo ka gutaan. Hanjabaadaha kooxda M23 waxay muujinayaan sida aysan qaangaadh u ahayn iyo fulaynimada ay ka qabaan ciidamada cusub ee qaramada midoobay, waayo waxay u barteen in aysan cidina la hadlin (oo aan dagaal dhab ah lala galin), halkaasoo ay ciidanka Congo isagana ay maamulayeen walaalohooda reer Congo ee asal ahaan kasoo jeeda dalka Rwanda.

  • Saa Muli
    July 4, 2013 @ 03:09:30PM

    Waxaan hubaa in Tanzania ay rabto inay Kenya ku dherersato oo ay kula tartanto inta jeer ee ay faragalin milatari dal kale ku samaysay, waxaanay taa uga dan leedahay inay quwadaha dalalka Bariga Afrika kaalin muhiim ah ku lahaato.

  • hashimhashim
    July 4, 2013 @ 03:00:47AM

    Waxaa wacan in dalalka lamidka ah Tanzania ay la shaqeeyaan hayadaha ka jira qaarada Afrika si loo xaliyo colaadaha la xidhiidha tacadiyada lagula kaco nabadgalyada ee ka dhaca dalalka aynu walaalaha nahay.

  • BURTON JOSHUA
    July 4, 2013 @ 01:17:51AM

    Kahor intaanad caawin jaarkeena, waa inaan marka hore hubinaa in gurigeenu uu aamin yahay, sababtoo ah hadii ciidamo loo diro dalka Congo, waxa dalkeena aynu usoo kordhinaynaa cadaw dheeraad ah.

  • Edwin M Maraba
    July 3, 2013 @ 03:40:57PM

    Hadii garaadku shaqaynayo, arrinku maaha inuu noqdo yaa dagaalka ku wacan, balse waa in amaanka dadka laga fekeraa, markaa nimanyohow maxaad u dagaalamaysaan? Miyaydaan dadkiinan amuurahan oo dhan ka dambeeyaa ahayn kuwo ka fekeraya qiimaha ay leedahay bini’aadamnimadu? Walaalahayga afrikaanka ahoow hurdada ka kaca, waayo aabayaasheen waxay ula dagaalameen isticmaarka rajo ay ka qabeen inaynu noqono dad macquul ah awgeed, balse taasi maysan dhicin…

  • noel kasaya
    July 3, 2013 @ 11:42:43AM

    Dhamaan bini’aadamku way siman yihiin Africa na waa mid. Markaa maxay ku dhacday in walaaleheena reer Congo ay kooxda M23 jidh-dil ugu dhex gaysato dalkooda? Anigu waxaan taageersanahay inay Tanzania Congo tagto si loo xoreeyo walaaleheen.

  • IMMANUEL
    July 3, 2013 @ 11:22:30AM

    Dadka reer Congo waa walaaleheen, markaa maxaa diidaya inaynu caawino? Tanzania ha ogaato inaysan faa’ido ku jirin in dib loo soo laabto.

  • Nsairo Gabriel Nkini
    July 2, 2013 @ 02:13:56PM

    Kooxda M23 waa inay caddaysaa waxay rabto, waana inay waxaa ay rabto xaqiijintiisa u martaa hab la isla ogol yahay.

  • JINA LAKO linahitajika Joeph Asala Mwabange
    July 2, 2013 @ 04:08:11AM

    FAALADA: Waxaan xukuumada Tanzania ka codsanayaa fadlan walaaleheen ha la diro oo kadibna xeer nabadgalyada lagu ilaaliyo ha la sameeyo. Ha tagaan oo ha la dagaalamaan kooxda M23, sababtoo ah waa koox falaago ah! Ilaahayna ma jecla falaagada! Markaa badbaadiya mustatqbalka Congo!

  • Rheyne mallya
    July 2, 2013 @ 04:06:38AM

    Waxa loo baahanyahay waa nabadgalyo ee looma baahna dil.

  • JULIUS YONA
    July 2, 2013 @ 04:04:02AM

    Suurtagal maaha inaan ka cabsano kooxda M23. Dadkii inala jaarka ahaa nabad ma haystaan, oo xitaa inaguna nabad ma haysano. Markaa si ay cid kastaa nabad u hesho, xalku wuxuu ku jiraa in faragalin la sameeyo. Waa inay kooxda M23 ogaataa in hadii ay sii wadaan hanjabaadahooda aan dhamaantayo u dhaqaaqi doono dhinaca goobta dagaalka waayo Tanzania waxa ka jirta midnimo.

  • mangalu shaibu .
    July 1, 2013 @ 02:26:34PM

    Waa in dadka reer Congo la xoreeyaa, markaa waa inay xukuumadu dirtaa ciidamada ugu awooda badan ee ugu wacan si loo badbaadiyo dadkaas.

  • Lumuliko
    July 1, 2013 @ 10:16:57AM

    Kooxda M23 waa inay ogaataa in qofka ama dadka ugu xooga badan bulshooyinka daga mandaqada harooyinka waawayn iyo qaarada afrika ee waliba laayay ciidankii jarmalka askartiisii iyo hogaamiyayaashiisii ay yihiin MKWAMA oo kasoo jeeda magaalada Iringa ee Tanzania, teeda kale ciidanka kaliya ee riday madaxwayne Ciidi Amiin wuxuu ahaa ciidan ka socday dalka Tanzania, markaa Tanzania laguma sheegi karo fulaynimo. Dadku inay talaabooyin sax ah qaadaan waa wax loo dul qaadan karo, laakiin Tanzania uma dul qaadan karto maalayacniga ay waddo kooxda M23, iyo dilka ay u gaysanayso dad aan waxba galabsan, iyo siday dalka Tanzania ugu horseedayso inay qaxoonti ka buuxsamaan, halka ay kooxda M23 iyaguna ku jiraan nolol wacan oo ay xadayaan khayraadka dabiiciga ah ee dalka Congo. Waxaan idin leeyahay waxaad soo toosiseen hamadii MKWAWA, Tanzania na horey ayay u socon doontaa si ay isaga dul qaado culayska ka saaran qaxoontiga, kaasina waa xalka kaliya ee jira, waayo Tanzania muddo dheer ayay dul qaadatay.

  • ezra machogu
    July 1, 2013 @ 06:08:58AM

    Iyadoo uu gurigeena dab ka holcayo ayaynu leenahay waxaan ka xunahay waxa haysta dadka reer Congo. Anigu jawaab wacan mahayo. Congo waa cajiib. Hambalyo kooxda M23.

  • said chowo
    June 30, 2013 @ 06:52:25AM

    Waxaa wacan in la caawiyo dadka reer Congo waayo noloshoodu waa mid murugo leh.

  • hamad
    June 28, 2013 @ 09:05:35AM

    Kooxda M23 waa inay ogaataa in waxa reer Tanzania geeyay dalka Congo uu yahya naxariista ay u hayaan dadka reer Congo, waxaanan jecelnahay inaan maqalno inay dadka reer Congo nabad iyo is-fahan ku nool yihiin. Shayga muhiimka ahi waxa weeyaan inay door mudnaan leh siiyaan jeclaanshaha dalkooda iyo walaalohooda muwaadiniinta ah. Waa inay joojiyaan damaacinimada iyo in loo adeegsado fulinta danaha dadyowga kale.

  • Emil
    June 27, 2013 @ 04:38:38PM

    Hogaamiyaha falaagadu waa inuu ogaadaa in Tanzania aan waligeed dagaal lagaga adkaan. Hadalada oo sheegay waa hadalo ay caruurtu ku hadlaan, waxaanuu u hadlay sidii qof falaago ah oo dhiig u haraadan. Hanjabaadaha aan micnaha lahayn waligood jabin maayaan rabitaanka dadka afrikaanka ah ee ay rabaan inay nabad ka hirgaliyaan qaarada afrika. Ha dhacaan dadka dagaalka gaajada u qabaa!

  • shaban .S. Selungwi{ AGHOWA }..DAR..TANZ
    June 27, 2013 @ 12:30:48AM

    Haddaynu nahay reer Tanzania ma miisaaniyadan ayaan ku dagaal galaynaa? Halkan dagaala kama jiro, xaaladuse aad ayay u xun tahay. Maxaa markaa inagu kalifaya inaan dagaal doonano? Maxay xukuumadu sidaa u yeelaysaa? Waxan leeyahay ha loo naxariisto muwaadiniinta ku nool xuduudaha.

  • allice shadrack
    June 26, 2013 @ 01:49:46AM

    waxaan jecelahay inaan dagaalamo waayo waxaan rabaa inaan askari noqdo

  • Mmari Eugene
    June 26, 2013 @ 12:28:45AM

    Hambalyo Tanzania, hadii jaarkaagu uusan nabad galyo haysan, adiguna nabad galyo ma helaysid. Go’aanka Qaramada Midoobay wuu soo yara daahay.

  • stephano lothy
    June 25, 2013 @ 07:36:00AM

    Tanzania waligeed ka cabsan mayso hanjabaadaha kooxda M23. Dalka Congo nabadiisu waa nabadeena haddaynu nahay reer Tanzania.

  • Abdallah
    June 25, 2013 @ 01:08:39AM

    Waan garaaci doonaa.

  • Gerald Chiwata of Liwale/Dar- Tz
    June 23, 2013 @ 04:42:13AM

    Waxaa baahi dagdag ah loo qabaa nabad in laga gaadho dalka Congo, waayo xaalada halkaa ka taagani waa mid aad u cakiran. Dadka reer Congo dhimashadii waxay u noqotay caadi, laakiin waa khatar in ay Tanzania halkaa ciidamo u dirto, sababtoo ah Tanzania waa dal dalalka kale ku tiirsan markay noqoto arrimaha difaaca, oo dalalkaas ayaynu ku tiirsanahay oo hubkana aynu ka keensanaa. Markaa inaynu faraha la galno dagaal waa wax khatar inagu ah. Marka la eego hanjabaadaha kasoo yeedhaya kooxda M23, ciidamadeenu waa inay aad u taxadiraan. Maaha inaynu dad kale afaarohooda daafacno iyadoo aynu inagana uu dab inagu shidan yahay!

  • HIJJA I MZEE
    June 23, 2013 @ 03:30:11AM

    Hogaamiyayaasha Tanzania waxaa la gudboon inay horta la dagaalamaan saboolnimada ka jirta dalkooda kahor intaysan ciidamo halkaa u dirin. Dadkiinu waxay ku noolyihiin wax ka yar hal doolar maalintii, hadana wali waxaad rabtaan inaad dagaalantaan. Miyaad dhamaantiin maan laadi’iin. Dagaalkii Uganda wuxuu idiin horseeday masalifnimo, hadana waxaad hadda rabtaan inaad halkii ka miistaan. Waxaanse rajaynayaa inay sharwalayaashu cashar idiin dhigaan.

  • jeremiah
    June 22, 2013 @ 10:15:10AM

    Tanzania cabsiyi kama jirto. Waa in nabad laga dhaliyaa magaalada Goma.

  • LUCAS KISHIWAN
    June 21, 2013 @ 01:06:46PM

    Run ahaantii dadkani maaha dad dalkooda u naxariisanaya. Maxaa u diiday inay wada fadhiistaan oo ay arrimohooda ka tashadaan intay laynayaan muwaadiniinta aan waxba galabsan?

  • sweetbert
    June 20, 2013 @ 10:38:45AM

    Tagitaanka la tagay dalka Congo wuxuu u muuqdaa mid aad u murugsan, sababtoo ah dalalka Congo la jaarka ah ee ay ka mid yihiin Rwanda iyo Uganda waxay u muuqdaan inay faa’idaysanayaan oo ay guranayaan khayraadka halkaas ku duugan, markaa ma fududa inay qaramada midoobay ama Tanzania ay dagaalka soo afjarto!! Dabka hadii aan hoosta laga damin ma damayo. Markaa waa in marka hore lasoo qabqabtaa kadibna runta loo sheegaa oo la dhahaa waxaad tihiin meesha sharku kasoo burqanayo.

  • ismaili saidi
    June 20, 2013 @ 04:16:51AM

    Kooxda M23 waxaan u sheegay dhamaadkiinii wuu soo dhowyahay. Wax aan waligii dhamaanina ma jiro. Ciidamadayadu waxay ku dadaali doonaan inay gabi ahaamba idin dabar gooyaan oo aad joojisaan xasaradaynta dadka reer Congo.

  • Mwl Sipto, Dar, TZ
    June 19, 2013 @ 06:26:39AM

    “aniga waxay ila tahay waa in nabad la helaa hadii ay wax kastaa dhacayaan, iyadoo aan loo aaba yeelayn danaha gaarka ah ee kooxi leedahay.” – Sipto, Tanzania.

  • Roger Mtokambali
    June 19, 2013 @ 04:19:43AM

    Hadaan si daacad ah u hadlo, haddaynu nahay reer Tanzania waa wax aynaan liqi karin inaynu aragno dhiiga dadka aan waxba galabsan ee walaaleheen ah oo la daadinayo, markaa waxaan go’aansanay inaan caawino dalkan inala jaarka ah ee Congo. Waxa aan rabnaa wax kale maahee waa inaan kalgacayl u muujino oo aysan inaga khasaarin dadkaasi. Teeda kale, kooxda M23 si dhib yar maaha inay inoogu hanjabto, waayo waxaa naga soo horeeya ilaahay, waxaanan rabnaa inaan badbaadino dad bini’aadam ah oo walaalahayo ah. Ilaahay Tanzania ha barakeeyo, oo dalka Congo isagana ha barakeeyoo.

  • DICKSON LUCAS
    June 19, 2013 @ 03:37:55AM

    Dabcan sidani waa sida kaliya ee lagu joojin karo kooxda M23 si aysan usii wadin khatarta ay ku hayaan dadka aan waxba galabsan noloshooda, dadkaasoo ah walaaleheena reer Congo. Sidoo kale inagana faa’ido ayay inoo leedahay maadaama aynu nahay dal Congo la jaar ah. Markaa khayr baan idiin rajaynayaa!

  • Daniel Saruni
    June 19, 2013 @ 12:32:39AM

    Waxaan Tanzania ku hambalyaynaynaa siday u xusuusatay dalalka jaarkeeda ah ee dhibaatada ku jira. Hanjabaaduhu wax macne ah malaha, markaa ciidamada difaaca Tanzania hore ha u socdeen, waayo hadaanu nahay muwaadiniinta waxaanu la garab taaganahay duco. Magacaygu waa Daniel Saruni, waxaanan joogaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

  • mikidadi mbule
    June 16, 2013 @ 12:29:05PM

    Waa inaan soo noqoshada ciidamada Tanzania dib loo dhigin si ay dalalka kale ciidamadoodu u tagaan.

  • Khaidar toure
    June 15, 2013 @ 08:06:26AM

    M23 waa falaago aan rabin inay nabadi ka dhalato dalalka Afrikaanka ah, taasaana ah sababta aysan u rabin inay Tanzania nabad keento. Sidaa awgeed, waa inay reer Tanzania ka taxadiraan kooxda M23.

  • Seif kocho
    June 15, 2013 @ 01:10:39AM

    Anigu waan taageersanahay.

  • chacha mwita matinde
    June 14, 2013 @ 01:17:35PM

    Waa iska caadi. Markaa hoggaamiye ha la caawiyo, waa iska caadi. Teeda kale ciidamada reer Tanzania wax shaqo oo ay qabtaan uma taalo magaalada, waxay qabtaana waa cawska oo ay googooyaan. Markaa ha la diro askarta si ay u mashquulaan oo ay calooshuna uga go’do, nimankaa jaaska ciyaarayana u sheega in ay baaridooda u diyaaar garobaan.

  • Joseph
    June 13, 2013 @ 08:01:53AM

    Anigu sidaan arko Tanzania ma jecla inay aragto dad tiro yar oo laynaya dad aan waxba galabsan, taasina waa niyad-sami, balse kooxda M23 wax niyad sami ah uma hayso dadka reer Congo. Ilaahay ha barakeeyo Tanzania.

  • ilunag lyamingilo
    June 12, 2013 @ 02:47:11PM

    Goma waxay baahi wayn u qabtaa inay nabad hesho, waayo dadkii ayaa meesha ku dhimanaya, hadday yihiin dumar ama caruur ama waayeel. Waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu gargaaro ciidamada Tanzania si ay bariga Congo nabad uga dhaliyaan.

  • revo
    June 12, 2013 @ 11:11:13AM

    Waxani waa iska dacaayad hanjabaad looga dan leeyahay. Ciidanku waa inuu hore usii socdaa.

  • Cosmas Alfred
    June 12, 2013 @ 10:29:27AM

    Waa in kooxda M23 ay xasuusnaataa in dadka aad mar khiyaamayn karto balse ay adagtahay inaad dadka dhamaantood waligood khiyaamayso. Way ogyihiin xaqiiqada waxay wadaan, dadka kalena way ogyihiin sidoo kale.

  • stephano lothy
    June 12, 2013 @ 04:57:48AM

    Tanzania waa inay ciidamo u dirtaa dalka Congo si nabada loo ilaaliyo. Dalka Congo colaada ka jirtaa waa mid khatar ku ah nabadgalyada Tanzania. Waxyaabaha ay kooxda M23 ku andacoonayso waa in la iska indha tiray, waana in xubnaha ururka AU-du ay iska kaashadaan kooxda M23 si dalka Congo iyo guud ahaamba mandaqada harooyinka waawayn ay nabad u hesho.

  • maulidi mbuyamga
    June 11, 2013 @ 04:41:17PM

    Tanzania si kasta way ugu furantahay inay ciidamo u dirto dalka Congo, hadii ay suurto galtahayna waa in hogaamiyayaasha kooxda M23 lasoo qabtaa kadibna meel fagaare ah lagu dilaa, ee maaha in xabsiga la dhigo.

  • asha
    June 11, 2013 @ 06:04:50AM

    Kooxda M23 maaha mid wanaaga dadka reer Congo iy Qaramada Midoobay ka talinaysa, balse ujeedadeedu waxa weeye inay burburiso nabada qaranka.

  • balole kema
    June 9, 2013 @ 03:50:42PM

    Ma xuma in la caawiyo dalka Congo.

  • Hamix juma
    June 8, 2013 @ 11:25:28AM

    Hadii arrinku ku saabsanyahay nabad ilaalin, ma xuma iin ciidamadeena loo diro dalka Congo.

  • edson
    June 7, 2013 @ 04:53:06PM

    Maaha sax inaynu caruurteena u dirno dalka Congo oo ay halkaa ku dhintaan inagoo aan xuquuqdooda ka fikirayn. Ciidamada difaaca Tanzania fadeexad ayaa haysata, waayo caruurteenii si bilaa naxariis ah ayay u tababareen, laakiin markay hawshu bilaabanto, qaarkood sabab la’aan ayaa dib loo soo celiyaa, Monduli lafteedana waxaa dhexdooda ka jirta kala qaybsanaan. Hadii aad hogaamiyayaasha wanaagsan ee cafimaadka qaba aad Monduli ka eridaan, sideebaad ula dagaalami kartaan kooxda M23?

  • idd juma
    June 7, 2013 @ 03:52:16AM

    Markaad caruurtayada u diraysaan inay Congo ku dhintaan, maxaad uga fikiri waydeen xuquuqdooda? Maalin kasta waxaad ka eridaan degmada Monduli oo waad takoortaan, ma waxaad moodaysaan inaysan rabin inay noolaadaan? Teeda kale miyaydaan khatar qaran u arkayn sida ay kooxda M23 iyo dalka malaawi ay lacagta u siinayaan khubarada hubka ee ka hawlgala degmada Monduli?

  • RAMADHANI H. KANJOE
    June 6, 2013 @ 05:02:17AM

    Hadii ujeedadu tahay in nabadgalyada la ilaaliyo, dhib ma laha, laakiin hadii ujeedadu si kale tahay, ma saxsana markaa in ciidamadeena loo diro dalka Congo.

  • Katunguza
    June 6, 2013 @ 02:58:31AM

    Rwanda maxay u joojin laadahay taageerada ay siinayso kooxda M23? Miyaysan ogsoonayn in taageeradaasi ay dhibaato ku hayso dadka reer Congo. Ma tihiin dad akhlaaq leh. Waad beeniseen inaad arrinka ku lug-leedihiin, laakiin wakhti inteeleeg ayaad umalaynaysaan inaad wax khiyaamayn kartaan? Joojiya cagajuglaynta. Miyaydaan wali ogaanin halkay ku dambeeyeen hogaamiyayaashii cagajuglaynta ku dhaqmay – sida hitler iyo istaaliin iyo ciidi amiin iyo bokaasa iyo sadaam iyo qadaafi iyo qaar kaloo badan. Saaxiibkiin Kagame isagana waxaan leeyaay ha is burburinin. Dalkaaga ka shaqee oo dadka reer Congo faraha ka qaad. Dhaqaalaha dalkaaga wanaaji. Waxaan ku leeyahay taladaas qaado si aanad hadhow isu qoomamaynin.

  • Amiri shauur
    June 6, 2013 @ 02:17:08AM

    Waxaan xukuumadayda ku amaanayaa mawqifkeeda aan isbed-bedelka lahayn, laakiin waxaan ka shaki qabaa ciidankeena, sababtoo ah kooxda M23 waxay haystaan hub culus oo wax burburinkara. Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan arko ciidankeena oo wanaajiyay amaanka xuduudeheena, gaar ahaan xuduudaha galbeed ee dalka.

  • jp
    June 5, 2013 @ 08:19:08AM

    haa waa si wacan, waa inaad hubisaan in dhammaan xuduudaha mandaqadda haraha waawayn ay yihiin kuwo ammaankoodu adag yahay, si loo baajiyo in hub badani kusoo qulqulo kooxaha falaagada.

  • Komba Ezekiel
    June 4, 2013 @ 04:39:36PM

    Wax kastaa asal ayuu leeyahay. Kooxda M23 waa dad asalkooda leh waana dad wax raba. Hadii ayse waxshinimadan ay wadaan ay ku dirqiyayaan dalalka gumaystayaashu, markaa kooxda M23 wax faa’ida ah gaadhi mayso, marka laga reebo nacdasha kaga iman doonta dadka reer Congo ee itaalka daran (dumarka iyo caruurta). Hadii aynu u dul qaadano kooxaha falaagada ah, waxaynu sidaa ku noqonaynaa meelo ay dalalka shisheeye ku tijaabiyaan hubkooda oo ay ku qubaan hubkooda duugoobay. Afrikaanku miskiinsanaa! Waxaa la inaga dhigay sidii xayawaan duur-gal ah, kuwaasoo dad ajinabi ah awgood isu laynaya. Waa in kooxda M23 ay hubkooda dhigaan oo ay ka shaqeeyaan horumarka. Joogitaanka ay ciidamada Tanzania kaligood meesha joogaana maaha wax dhamaystiran. Waxaase loo baahanyahay in si cilmiyaysan oo qoto-dheer loo falanqeeyo dhacdooyin taxane ah oo ay hogaamiyayaasha reer Congo kacdoono sameeyeen. In lala dagaalamo kooxda M23 waa talaabo sax ah, waayo dadka dhimanayaa waa walaaleheen waana dadkeenii afrikaanka ahaa. “Dalka Tanzania nabad heli maayo hadii aysan jaarkeenu nabad haysanin.” Waxaa hadaladaa laga hayaa mudane Macalimu Julyus Nereeri. Waxaa ciidankeena ku waajib ah inay wixii ay barteen ee lagu carbiyay ay la yimaadaan oo ay isla markaana sameeyaan iskaashi lagu rabo in lagu xoreeyo dalka Congo.

  • magoti
    June 3, 2013 @ 10:35:39AM

    Waxaan kooxda M23 waydiinayaa, miyaad run ahaantiin u damqanaysaan dalka Congo mise meesha wax kale ayaa jira? Aniga waxay ila tahay Tanzania waa inay la shaqaysaa dadka reer Congo ee iyagu raba inay helaan nabad, waana inay kala shaqaysaa sidii loo ilaalin lahaa nabadgalyada qaarada afrika, siday horeba u ilaaliyeen awoowyaasheen markii lagu jiray halgankii xornimo-doonka.

  • christopher
    June 3, 2013 @ 09:52:03AM

    Dalka Congo waa dal aad u khatar badan oo ku yaala mandaqada harooyinka waawayn ee afrika, waxaana arrinkaa ugu wacan hogaamiyayaal badan ayaa ku lugleh macdanta dalkaas. Tusaale ahaa, dhamaan goobaha macdanta laga qodo waxaa iska leh kooxo hubaysan. Sidoo kale, madaxwayne Yuweri Museveni iyo madaxwayne Kagame labaduba si wayn ayay colaada lugaha ugula jiraan. Waa in aynu is waydiinaa su’aasha ah waa ayo cidda maalgalisa kooxda M23, waayo siday u dhaqmayaan waa sidii ciidan dhab ah, mana aha dadkani dad u dhashay dalka Congo, balse waa dad ah reer Ruwanda iyo reer Burundi. Markaa waxaan midawga afrika leeyahay fadlan halala hadlo Museveni iyo Kagame, waayo iyagaa ah cidda og sirta ka dambaysa kooxda M23.

  • mussa a
    June 3, 2013 @ 08:07:48AM

    Jiirku ama dooligu bisada ma cabsi galin karo.

  • AMANI
    June 3, 2013 @ 07:25:54AM

    Haddaynu nahay reer Tanzania waxaynu nahay dad markasta nabad raba, sidaa si ka duwana ma nihin. Ciidamada loo dirayo dalka Congo waxaa looga dan leeyahay in dadka reer Congo nabad loo keeno, waayo ma jirto sabab ay dadkaasi ku mutaystaan bahdilaada iyo kufsiga ay ku hayaan falaagada reer Congo. Waan fahansanahay inay falaagadu mareegaha bulshadu ku kulanto ay ku faafinayaan in aysan ciidamada Tanzania aadin dalka Congo, laakiin hadaan nahay reer Tanzania waxaan diyaar u nahay inaan walaaleheena afrikaanka ah nabad u keeno. Hadii ay falaagadu si dhab ah nabad u rabaan, waa inay markaa hubka dhigaan si ay dadku u helaan nabada iyo horumarka ilaahay ugu talagalay.

  • Humphrey Gyunda
    June 3, 2013 @ 07:23:33AM

    Habka ugu wacan ee mushkiladan lagu xalin karaa waa iyadoo ay Qaramada Midoobay xukuumada iyo falaagada ku qasabto inay heshiiyaan, kadibna ay ilaaliso fulinta waxay dhinacyadu dhamaantood isku waafaqeen.

  • rashid maulid
    June 3, 2013 @ 01:08:36AM

    Maaha inaynu Congo oo kaliya ka fekerno, maxaynu u caawin waynay Qadaafi.

  • Naziru wa kagera kamachum.
    June 2, 2013 @ 03:00:20PM

    Reer Tanzania waxaan leeyahay halkaa kasii wada caawinta aad caawinaysaan dadka reer Congo ee iyagoo aan waxba galabsan dhimanaya lana kufsanayo.

  • Komba Lingesa
    June 2, 2013 @ 02:11:07PM

    Dalka Congo si dhab ah nabadi uga dhalan mayso hadii uusan dhiman ninka adag ee Kagame. Kagame waa ninka wax laynaya, waana ninka boobka ku haya khayraadka dalka Congo. Dhaqaalaha daciifka ah ee dalka Rwanda maaha mid iska xejinaya inuu kharash garayeeo arrimaha ay ka midka yihiin koobka Kagame ee ciyaaraha, balse waxaa kharaskhkaa lagu daboolaa lacagta laga helo xoolaha laga soo xaday dalka Congo. Kagame wuxuu mari doonaa wadadii uu maray ninkii dhintay ee Savimbi, kaasoo ahaa nin aaminsan in qori caaradii wax lagu wado, qori caaradii ayaana lagu dilay.

  • Wangwe Mseti
    June 2, 2013 @ 11:46:10AM

    Waa loo digay

  • saidi fundi
    June 1, 2013 @ 10:51:42AM

    Ma fududa in dadka Bongo ay dabinka noocaas ah ku dhacaan. Reer galbeedka iyo kooxda M23 waa isku mid. Qaramada Midoobay waxay usoo noqotay si ay meesha uga baxaan dadka Bongo, laakiin maxay iyagu u tagi laayi’iin?

  • AWADH YAZID RAMADHAN
    May 31, 2013 @ 08:23:32AM

    Waxaan ciidamada Tanzania ka codsanayaa inay dhakhso u hawl galaan si loo badbaadiyo dadka reer Congo noloshooda. Maaha in kooxda M23 loo dul qaato, waayo waa gacan ku dhiiglayaal.

  • Victor Minja
    May 31, 2013 @ 06:26:38AM

    Dadku nabad haku noolaadaan.

  • eliah meena Tanzania
    May 31, 2013 @ 03:15:17AM

    Dadkan waa in si hagaagsan loo xakameeyaa.

  • Alphonce Mangadi
    May 31, 2013 @ 01:11:51AM

    Fulayaashan garaaca oo karbaasha, waayo maalinta aynu gardaroolayaasha iyo gacan ku dhiiglayaasha u fasaxno inay xuurto ku qabsadaan dalalka jaarkeena ah maalintaasi waa maalintaynu dhiman doono. Hadaan ka hadlo dhaqaalaha Tanzania, miyaad kaftamaysaan? Ma waxaad leedihiin budhcadu dalal dhan ha qabsato oo aynu sidaa u fasaxno sababtoo ah haddaynaan u fasixin waxaa inagu dhici doona cawaaqib xumo dhaqaale, mise waxaad leedihiin aan rajayno in aynu taajirno markay nimankaasi awooda dalka gacanta ku qabtaan, sow sidaa maaha?

  • Ismael
    May 30, 2013 @ 11:56:13PM

    Falaagadani waa inaysan inoo hanjabin. Ma Tanzania oo kaliya ayaa askarta soo dirtay?

  • Mohamed Mahanga
    May 30, 2013 @ 05:20:18AM

    Kooxda M23 waxaa ku waajib ah inay ixtiraamto nidaamka iyo sharciga oo ay dadka reer Congo ula dhaqanto si ay cadaaladi ku jirto, waayo dadka reer Congo waxay doorteen in hogaamiyohoogu uu noqdo madaxwayne Kabila. Hadii ay arkaan in baahi loo qabo in is-bedel maamul ka dhaco dalka Congo, waa inay sugaan ilaa wakhtiga doorashooyinka la gaadhayo, ee maaha inay colaad iyo dil u gaystaan muwaadiniinta aan waxba galabsan. Waxay kooxdani ceebaysay qaarada afrika, gaar ahaan mandaqada harooyinka waawayn. Waxaan markaa leeyahay dadka afrikaanka ah waa inaan joojinaa gaajada aynu u gaajoonaynu aawooda iyo gacan ku haynta talada. Ilaahay Afrika iyo dadkeedaba ha barakeeyo.

  • sarsh liwachi
    May 29, 2013 @ 04:41:03PM

    waa inaan nabad ku noolaanaa sida uu madaxwaynuhuba yeelay

  • Fred
    May 29, 2013 @ 04:19:40PM

    Anagu waanu ka daalnay inaanu maqalno dumar iyo caruur ayaa lagu laayay laguna kufsaday dalka Congo. Waa in dadka Afrikaanka ahi ay iskaashadaan si ay u wiiqaan una qabsadaan kooxda M23. Intaasoo snado badan iska daynaynay, laakiin imika waxaa loo baahanyahay inay joojiyaan dilka ay wadaan. Tanzania-na way ku mahadsantahay fahanka ay fahantay baahida arrinkaa loo qabo.

  • Salehe r hassan
    May 29, 2013 @ 03:00:06PM

    Haddaynu nahay reer Tanzania maxaa ina jeclaysiiyay inaynu faragalin ku samayno colaado aan ina khusaynin?

  • Regan sanga
    May 29, 2013 @ 01:26:52PM

    Tanzania waxaan leeyahay hore u soco oo soo xoree walaaleheena bini’aadamka ah ee dalkaa ku nool!!

  • Kelvin k. Ngonyani
    May 28, 2013 @ 05:28:11PM

    Ciidamada Difaaca Tanzania waa inay sii wadaan dagaalka ay kaga jiraan dalka Congo si nabad loo helo.

  • kali wadudi
    May 28, 2013 @ 05:25:36PM

    Anigu maadaama aan dagaalyahan ahay, waa iska caadi. Waa inaan hore u soconaa si aan u badbaadino dadka noloshooda, mana aha inaan dib u socono waligeen.

  • fredrick
    May 28, 2013 @ 09:25:57AM

    kooxda M23 dhibaato ayay ku haysaa dalka Tanzania, waayo hub ayaa kusoo qulqulaya budhcada ama shuftooyinka jooga bariga dalka Tanzania, sababtoo ah ma jirto cid gacanta ku haysa bariga dalka congo, markaa si nabadeena aynu u ilaalino, waa in kooxda m23 hubka laga dhigaa

  • Nahasha sekile mwasonya
    May 27, 2013 @ 03:16:09PM

    Way wacan tahay inaan caawino asxaabteena, laakiin bal aynu inagu dib isu eegno oo aynu is waydiino xaaladeena dhaqaale miyay tahay mid wacan? Waxaynu u baahanahay horumar, markaa maxaa lacagtaas loogu kharash garayn waayay in lagu horumariyo goboloda?

  • njaka
    May 27, 2013 @ 02:22:12PM

    Dadka waxaa laga rabaa inay marka hore wada fadhiistaan wax kasta ka hor. Laakiin hadii taa lagu fashilmo, waa in awood dhex-dhexaad ah la adeegsadaa.

  • mohd issa sudi
    May 27, 2013 @ 10:52:31AM

    Haa nabada waa loo baahanyahay, laakiin reer Tanzania miyay wali ka fekereen saamaynta dalkooda ku iman karta? Waxaa dhici kara wixii reer Kenya ka qabsaday Soomaaliya.

  • Felix Machege.Tanzania
    May 27, 2013 @ 01:59:10AM

    Waa in dadkan si hagaagsan loo xakameeyaa.

  • c semwijah
    May 26, 2013 @ 07:58:00AM

    Noo sheega wariyayaasha joornaalkan u jooga degmada Namtumbo.

  • hamza
    May 26, 2013 @ 06:21:40AM

    Anigu waxaan qabaa dhibaatada gaasta ka taagan waa in dhakhso loo soo afjaraa.

  • Jacob Mkumbo
    May 26, 2013 @ 04:41:24AM

    Dagaalku ma wanaagsana, laakiin hadii aynu cabsano, khatartaasi dalkeena ayay inoogu iman doontaa.

  • Hatungumwami Bideberi
    May 26, 2013 @ 12:53:06AM

    Sideedaba dhiig la daadiyaa dhiig la daadiyo ayuu leehay, markaa ayno wadahadalno

  • kelvin
    May 25, 2013 @ 02:37:54PM

    Ilaahay ha barakeeyo dhamaan ciidamada nabada u dagaalamaya

  • Johnson MaCrobert Nducha
    May 25, 2013 @ 02:20:13PM

    Walaalayaal! Maaha dhab in kooxda M23 ay rabto inay dalkeeda xorayso. Kooxdani wax kale maahee waa koox falaago ah oo gacan ku dhiiglayaal ah, mana jiro wax ay kaga duwan yihiin kalidii taliye Ciidi Amiin. Anigu waxaan qabaa hadaynu nahay reer Tanzania waxaa inagu waajib ah inaynu nafteena gabi ahaamba hurno oo ayno kooxdan baabiino, waayo hadiiba ay xukunka qabtaan, waxaa adkaan doonta in Tanzania iyo xitaa dalalka jaarka ahba la xukumo. Ninkani waa dabaqoodhi, waana in aan soo qabanaa horta hore sidii aynu horeba kaligii taliyihii usoo qabanay. Hadii uu aabihii qarankani maanta joogi lahaa, wuxuu ku garaaci lahaa karbaash! Waxaan hambalyo u diraya hogaamiyaha ciidamada qaranka, waxaanan ku hambalyaynayaa mawqifka uu qaatay, waxaanan sidoo kale hambalyaynayaa wasiirkeena mudane Membe iyo dhamaan ciidamada iyo hogaamiyayaasha. Waxaanan leeyahay edabta ha la baro ninkan, si uusan mar dambe waraaqo inoogu soo dirin inaga iyo baarlamaankeena midna. Ninkani waa bilaa akhlaaq, waxaanuu mudan yahay in shaqo laga qabto!

  • wito mwandunga
    May 25, 2013 @ 10:41:56AM

    Anigu sidaan qabo, waxani waa dibin daabyo ay gumaystayaashu dhigayaan si ay mandaqadeena dagaal uga huriyaan, waayo iyaga weeyaan cidda kaalmaysa kooxda M23 iyo inagaba. Bal ka fekera waxa dhici doona hadii ay kooxda M23 dagaalka ku guulaysato.

  • stanley assey
    May 25, 2013 @ 09:59:17AM

    Waan gartay, maqaalkani waa mid aad u wacan.

  • Billali Hassani
    May 25, 2013 @ 03:57:45AM

    Madaxwayne Kagame wuxuu si wayn u boobayay macdanta dalka Congo, isagoo adeegsanaya falaago reer Rwanda ah. Bal waxaad u fiirsataan wajiyadooda aad sakiinta moodo ee qoran (waxaan ka hadlayaa reer Rwanda dhamaantood), waxaad arki doontaan inaysan u eekayn dadka reer Congo. Run ahaantii falaagadu cid kale maahee waa cutub ka tirsan ciidamada dalka Rwanda. Muxuu Kagame uga cabsanayaa ciidamadan cusub ee qaramada midoobay. Wuxuu la cabsanayaa ciidamadaasi dhaqaale xumo ayay ku keeni karaan waxaanay meesha ka saari karaan barwaaqadii uu ku jiray ee uu ka helayay bariga dalka Congo. Waxaan odhan karnaa maraykanku marlabaad ayuu sidii caadiga u ahayd shaxdii dagay, waanu badalay kaadhadhkii.

  • Masokola Ibrahim
    May 25, 2013 @ 02:09:18AM

    Waa in kooxda M23 laga eryaa dalka Congo

  • Joshua
    May 25, 2013 @ 02:02:05AM

    Tanzania xaalad wanaagasan ayay ku jirtaa waanay ka adkaan doontaa falaagada Congo.

  • emanuel mwasile
    May 24, 2013 @ 06:41:36AM

    Way wacantahay in sidaa la yeelo, laakiin magaalada Mtwara xaalkeedu maaha inuu lamid noqdo dalka Congo ee anyu u tagnay inaynu cawino. Sideebaynu inagu nafteena u daryeeli karnaa?

  • SAM
    May 24, 2013 @ 04:39:30AM

    Tanzania waxaan leeyahay si awood leh hore ugu soco si loo soo afjaro dagaalkan ay dalalka jaarka ahi ku rabaan inay ku boobaan khayraadka dalka Congo.

  • swalehe juma
    May 24, 2013 @ 03:21:30AM

    Tanzaniyadeena waa dal nabadeed, qalbigeenuna dareemi maayo farxad hadii aysan jaarkeeno nabad haysanin. Markaa waa wax aad u saxsan in lala shaqeeyo dalalka jaarkeena ah, si loo hubiyo in dhankasta ay nabadi inaga xigto. Waa inaan dhaqaaleheena ilaalinaa kuna ilaalinaa balaadhinta suuqyada dalka gudihiisa iyo dalka dibadiisa, suuqyadaas oo ay ka mid yihiin suuqyada dalalka jaarka inala ah, arrinkaasina inoo hirgali maayo hadii aysan nabadgalyo haysan dalalka inala jaarka ahi. Hadaba anigu waxaan taageersanahay xukuumadayda, waxaanan ku boorinayaa ciidamadeena inay baacsadaan kooxdan nadaliinta ah ee M23.

  • mungenzi
    May 23, 2013 @ 11:41:25AM

    Khayr ayaan idiin rajaynayaa inta aad baadigoobka ugu jirtaan nabada qaarada Afrika.

  • wito mwandunga
    May 23, 2013 @ 10:50:22AM

    anigu sidaan qabo, looma baahna inay dalalka jaarka ahi ay ciidamo u diraan dalka Congo, waayo waxaan anigu qabaa arrinkani waa shirqool ay wadaan dalalka horumaray, kaasoo ay ku rabaan inay fawdo ka dhaliyaan mindaqada halkay iyaguna khayraadkeena boobayaan.

  • ombeni swai
    May 23, 2013 @ 10:34:28AM

    Anigu waxaan aaminsanahay in qalalaasahan diimeed – waa sidan jecelahay inaan anigu ku magacaabee – aan si daacad ah loola macaamilin isla markaana aan munaafaqnimada laga fogaanin si dhibta loo xaliyo. Qofka kasta oo inaga mid ah oo isku daya inuu hadlaa ma rabo in loo arko inuu cid ku gafayo, arrinkaasina maaha mid xal dhab ah keeni kara. Markaa hogaamiyayaasha muslimiinta iyo kuwa kiristaanka ayay u taalaa inay wax fahmaan oo ay dadkoodana wax u sheegaan, kuna dhahaan hadii aad tahay qof kiristaan ah, taasi waa caqiidadaada oo adiga iyo ilaahaaga ayay idinka dhaxaysaa, markaa habka aad rabto waxaad rabto u aaminsanow adigaana ikhtiyaarka leh. Markaa caqiidada aad dooratay iyo habka aad rabto inaad u cibaadaysataa maaha wax xaq kuu siinaya inaad ku dhawaaqdo inaad adigu saxsan tahay oo aad dadka kale ee aan diintaada raacsanayn aad ka wacan tahay, dadka kalena maaha inay dareen xun dareemaan maadaama aysan caqiidadaada iyo habkaaga raacsanayn. Muslimiintuna waa inay ogsoonaadaan in dadka kiristaanka ahi diintoodu ay iyaga u tahay mid sax ah, sidaasayna labada kooxood ku kala duwan yihiin. Hadii kale wax la dhaho kiristaan iyo wax la dhaho muslimin ma jirayaan, waayo waxaa meeshii ka baxay kala duwanaanshihii xaga caqiidada. Hadba waxaan leeyahay kala duwanaanshaha ha la aqbalo hana la ixtiraamo qof kasta go’aankiisa uu qaatay ee uu jecelyahay inuu ilaahay ku caabudo. Ilaahay ayaa ah cidda dadka kala xukumi doona ee cid inaga mid ahi wax ma kala xukumi doonto!

  • Radonji Vero
    May 23, 2013 @ 07:26:45AM

    Waxaynu haynaa ciidamo inagu filan oo hawlgalkan lagu fulin karo. Ha warwarina, waayo ciddaynu wax u wadnaa ee aynu u dadaalaynaa waa dadka.

  • Mtengeti Omary
    May 23, 2013 @ 04:21:53AM

    Waxaa wacan in nabada la ilaaliyo hadii wax kastaa ay dhacayaan, balse waxaa sidoo kale muhiim ah in la xaliyo dhibaatooyinkan kahor intaan ciidamo meelna loo dirin dunidan, siiba qaarada afrika. Xaqiiqadu waxa weeyaan arrimahan waxaa u sabab ah isticmaarka cusub, markaa waa inaynu la dagaalanaa dadyowga dagaalada hurinaya intaynu la dagaalamayno cadaw aan jirin.

  • PASCAL JOSEPH
    May 23, 2013 @ 03:51:15AM

    Waxaan Ciidamada Difaaca Tanzania ku hambalyaynayaa dadaalkooda, waayo maanta dhibtu Congo ayay haysataa, barrina waa inaga. Hadii aynaan markaa sidaa yeelin, markay barii dhibaato inagu dhacdo cidlaa la inagaga tagi doonaa. Hambalyo!

  • Laina wa Njombe Uwemba
    May 22, 2013 @ 03:52:06PM

    Kooxda M23 waxaan leeyahay joogso. Maxaad dagaalka ku falaysaan. Wadahadal ka fekera oo heshiis gaadha si ay nabadu u waarto.

  • MNUNGWANA
    May 22, 2013 @ 02:25:41PM

    Ciidamadeena waxaan leeyahay waanu idin garab taaganahay, waxaanad yeeshaan sidii aad yeesheen markii lagu jiray halgankii xornimo doonka ee ay ku jireen dalalka Uganda iyo Comorso. Markaa maaha in uu idiin hanjabo shabeelkaas waraaqda ka samaysani. Sirdoonkeena milatari waa mid dhamaystiran, waxaanan anigu qabaa haatan waad ka warhaysaan meesha uu Bisimwa ku noolyahay. Markaa soo qabta oo isagoo nool halkan keena, hana u ogolaanina inuu idinka baxsado sidii uu horeba Ciidi Amiin u baxsaday.

  • MBELWA MOCHIWA M-N-GULU
    May 22, 2013 @ 02:08:59PM

    Macalim Nereeri wuxuu hore u yidhi: 1. Ilaa intaanu dhimanayno waanu u dagaalami doonaa xoraynta afrika. 2. Waxaanu diyaar u nahay inaanu dhimano, ee diyaar uma nihin in lana bahdilo. 3. Waxaa jira dad badan oo reer Tanzania ah oo reer Congo dhiiga la wadaaga. 4. Bisimwa waa inuu fahmaa in tanzaaniya la’aanteed uusan jiri lahayn wax la dhaho Congo. Waxaa hore u jiray dal la dhaho Zaire, waxaanay ciidamadayadu u dhinteen in Zaire la xoreeyo, kadibna waxay ku magacaabeen dalka Congo. 5. Anagu ma ogolaan karno in ay dalka Congo dagaan ay idinka oo kale ah. Ilaahay afrika ha barakeeyo, Tanzania iyo dadkeedana ha barakeeyo. Waxaad wax waydiisaan Uganda iyo koonfur afrika iyo Zimbabwe iyo Angola. Waxaad xitaa wax waydiisaan dalalka latin America, waxaanad ogaan doontaan inuusan dagaalkayaga hadal ahayn, balse aanu awood badan leenahay. Waxaad maraykanka wax ka waydiisaan sidaanu nin shiine ah qaramada midoobay aanu ugu soo celinay. Hadii aan idin arko aydiinan, waxaan jidhkiina u googoyn doonaa qurub-qurub.

  • Malingum Egidius
    May 22, 2013 @ 09:25:08AM

    Miyaysan kooxda M23 arkayn in dunida maantu ay tahay mid dimuqraadiyad ku dhisan. Tanzania waxaan leeyahay soco oo soo caawi Congo, si aan dadyowga kale ugu noqono tusaale wacan oo ku dayasho mudan. Khayr oo dhan ayaan idiin rajaynayaa.

  • josep mwai
    May 22, 2013 @ 09:04:24AM

    Anigu waxaan ahay muwaadin reer Kenya ah, waxaanan Tanzania ku taageersanahay faragalinta ay ku samaysay dalka Congo iyadoo baadigoob ugu jirta nabadgalyada. Sababtu waxa weeyaan haddaynu nahay dadka afrikaanka ah si bilaa naxariis ah ayaynu isu dilaynaa inagoo adeegsanayna hubka quwadaha isticmaarka. Hadaba maadama ay Tanzania dhibkaas si daran u dareentay, maxaa u diiday dalalka ay ka midka yihiin Kenya iyo Uganda iyo dalalka kale ee afrikaanka ahi inay walaaleheen ka tusaale qaataan. Hambalyo ayaan leeyahay Tanzania, oo ilaahay ha ku barakeeyo. Waa anigoo ah Joseph, oo ku nool gobolka Nyanza ee Kenya.

  • Jacob Marandu
    May 22, 2013 @ 05:56:07AM

    Waa wax wacan inaad caawiso jaarkaaga, balse waxaan anigu u malaynayaa in arrinkaasi uu horseedi doono nacayb iyo aargoosi ka yimaada falaagada, waayo taasoo kale ayaa ka socoto imika dalka Kenya kadib markii ay Kenya aaday soomaaliya si ay soomaalida u caawiso, halkaasoo ay bilaabmeen weeraro is daba jog ah oo lagu fuliyo walxaha qarxa. Arrinkaasina wuxuu keenayaa warwar badan.

  • Dany Arusha
    May 22, 2013 @ 05:27:42AM

    M23 waxaan leeyahay hubkiina dhiga oo kusoo biira wadahadalada nabadeed ee lagula jiro xukuumada Congo, waayo muwaadiniint aan waxba galabsan ayay dhibtu ku dhacaysaa.

  • Baltazari mote
    May 22, 2013 @ 04:42:28AM

    Haddaynu nahay reer Tanzania waan caawin doonaa walaaleheena reer Congo, si ay u dabar gooyaan kooxda sharwalayaasha ee M23. Ilaahay Afrika iyo dadkeedaba ha barakeeyo!

  • Meshorori Manase M.
    May 21, 2013 @ 03:45:24PM

    Mudane JK, go’aamadaada ku aadan dalka Congo waxay horseedi doonaan khayr iyo barako iyo guul hadii aad ilaahay la kaashato dhamaan qorshayaashaada. Walaalahayga reer Congo ee qaaliga ahoow, waxaa la gaadhay wakhtigii aad hubkiina dhigi lahaydeen ee aad ka fekeri lahaydeen horumarinta dalka Congo. Dhiiga dadka aan waxba galabsan ee wali la daadinayaa wuxuu noqon doonaa nacdal wayn oo ku habsata jiilasha soo socda.

  • homoud salum
    May 21, 2013 @ 11:51:05AM

    Ilaahay ha garab galo halyayadeena dhamaantood, waxaanan leeyahay ku dadaala inaad idinkoo nabada soo guryo noqotaan.

  • Rodgers b.msafari
    May 21, 2013 @ 11:08:07AM

    Dadka reer Afrika waxaan leeyahay waa in aynu dhibaatooyinkeena ku xalinaa hab diblumaasiyadeed ee maaha inaynu ku xalino qori caaradii iyo walxaha qarxa. Dadka Afrika waa dad xadaariyiin ah, ha noolaato Afrika.

  • JAPHETH
    May 21, 2013 @ 10:02:59AM

    Waxaan ciidamada Tanzania u rajaynayaa khayr oo dhan maadaama ay ka go’an tahay inay dalka Congo nabad ka dhaliyaan. Waxaan leeyahay ilaahay ha idin siiyo awood dheeraad ah iyo xigmad dheeraad ahba.

  • Mashaka
    May 21, 2013 @ 05:53:19AM

    Kooxda M23 maaha in loo ogolaado inay u barato hanjabaadaha ay u hanjabayso dadyowga nabada jecel. Markaa waxaan leeyahay ciidamada difaaca Tanzania, waad awoodaan inaad kooxdan safaysaan, xitaa hogaamiyayaashoodu taa way ogyihiin. Taasaana ah sababta ay u hanjabayaan ee ay u codsanayaan in heshiis lala galo. Soo noqosho ma jirto.

  • issa
    May 21, 2013 @ 04:28:03AM

    Aniga waxay ila tahay wuxuu arrinkani u eeg yahay sidiiyoo ay caksi wax u socdaan. Dalkeena waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin kuwo tacliineed iyo kuwo la xidhiidha xagjirnimada diimeed iyo saboolnimada iwm, hadana waxaynu wali raadinaynaa masiibooyin kale!

  • godhope isaac
    May 20, 2013 @ 06:45:24PM

    Waligiin hore u socda, gadaalna waligiin ha usoo laabanina. Ilaahay ha idinka garab dagaalamo oo ha idin ilaaliyo. Mar hadii aad majarafadiina ciida dartaan, dib usoo noqosho yaysan jirin.

  • Hamisi juma
    May 20, 2013 @ 11:04:16AM

    Waa go’aamo wacan, laakiin sideebaynu isu diyaarinay?

  • zedius
    May 20, 2013 @ 10:25:15AM

    Anigu waxaan ammaan usoo jeedinayaa askarteena, waxaanan leeyahay ka taxadira kooxda M23.

  • watu wetu
    May 20, 2013 @ 09:19:40AM

    Halyayadeena Ciidamada Difaaca Tanzania hore u socda ayaan leeyahay!

  • yakobo
    May 20, 2013 @ 07:53:23AM

    Luqmaan, waxay ila tahay cid baa kusoo dirtay. Jaarkeenii way dhimanayaan adiguna waxaad leedahay waxa wacan inay dhintaan. Adigu ma istaahishid inaad noqoto muwaadin reer Tanzania ah. Hadii aanad jeclayn Tanzania, orodoo meelahaa tag oo ra’yigaaga daciifka ah ka dhiibo. Hambalyo Tanzania, hambalyo ciidamada difaaca Tanzania. Hambalyo nabad, daganaan, biniaadamnimo iyo iskaashi

  • mwanzo kidamba
    May 20, 2013 @ 02:38:15AM

    Ciidamada Difaaca Tanzania waxaan leeyahay ...si adag u hawl gala... waayo kooxda M23 malaha dhiiranaan ay dagaal ku galaan. Wax faa’ido ah oo ay leeyihiin ma jirto, waxa kaliya ee ay wadaana waa qaylo. Hadaba hadaanu nahay jaarkaaga iyo walaalahaaga kaa agdhow, waanu ku kalsoonahay inaad dagaalkan guul kasoo hoyn doonto. Anagu waanu ka daalnay in mandaqadan dagaalo ka dhacaan, bari iyo galbeedba wax kale kama jiraan oo aan ahayn dagaalo maalayacni ah. Nabada muhiimadeedu waxay ka dhigan tahay sida biyaha. - Mwanzo Kidamba - Kenya

  • Zainab W
    May 20, 2013 @ 12:07:40AM

    Waa waali in dadka dagaal faraha loo galiyo, siiba hadii la raacayo amarada kasoo fulaya dadyow aan iyagu waligood wax sharci ah ku dhaqmin, iska daa inay nolosha bini’aadamka u dagaalamaan amaba ixtiraamaanee! Maxay Tanzania faraha ula galaysaa dagaal la baajin karo?

  • mujibu side
    May 19, 2013 @ 11:34:38PM

    M23 waxaan leeyahay fadlan joojiya waxaad wadaan, oo hubkana dhulka dhiga

  • Lomnyack Mollel
    May 19, 2013 @ 02:38:25PM

    Anigu dalkayga aad ayaan u jecelahay. M23 waa iska rahyaal ciyaaya. Tanzania soo laabanmayso ilaa waxay rabto la fahmo.

  • Omari chega
    May 19, 2013 @ 01:58:36PM

    Nimanyow dagaalku maaha ciyaar. Aakhirka waynu soo yaaci doonaa.

  • mzawa
    May 19, 2013 @ 08:59:58AM

    Waa inay marka hore baadhaan waxa colaada sababay, kadibna waxay heli doonaan xal, iyadoo aan dad waxba galabsan dhiigooda la daadinin.

  • frank kubwera
    May 19, 2013 @ 07:09:06AM

    waa in ciidamada difaaca Tanzania ay hore u socdaan, anaguna waanu taageeraynaa kaka

  • cleophas
    May 19, 2013 @ 05:54:26AM

    Tanzania maaha inay ka cabsooto hanjabaado madhan oo kasoo fulaya koox sharciga jabisay oo kooxda M23 oo kale ah, taasoo ujeedadeeda kali ahi ay tahya inay dumarka iyo caruurta kufsato oo ay xasuuqyo ku kacdo. Tanzania waa inay muujisaa inay si adag u daafici doonto xuquuqda bini’aadamka. M23 waa inay ogaataa in Tanzania aysan iyada la dagaalamayn, balse ay Tanzania kasoo horjeedo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda bini’aadamka iyo xasuuqyada ay ku kacayso kooxdan faa’idada daran ee falaagada ahi. Anigu shakhsi ahaan waxaan amaan usoo jeedinayaa go’aanka qaramada midoobay ee lambarkiisu yahay 2098. Kooxda M23 waa inaysan ciqaab la’aan joogin waana in isla imika kooxdaas la xakameeyaa. Hadii aynu rabno nabad, waa inaynu dagaal u diyaar garawnaa! (Cleophas, oo takhasusay xidhiidhka caalamiga ah)

  • Rashid
    May 18, 2013 @ 05:02:52PM

    Tanzania waligeed ha jirto. Dalkuna nabad ha noqdo dibad iyo gude labadaba.

  • Mecky Chande
    May 18, 2013 @ 02:08:03PM

    Waa wax aan macne samaynayn in kooxda M23 ay naxariis u muujiso Ciidamada Difaaca Tanzania intay naxariis u muujin lahayd dadka reer Congo, kuwaasoo ay iyagoo aan waxba galabsan laynayaan. Ciidamada Difaaca Tanzania dacaayada noocaas ahi maaha mid ku cusub, waxaanay maqli jireen ilaa xiligii madaxwayne Ciidi Amiin. Markaa waxaa kooxda M23 ku waajib ah inay isu diyaariyaan inay ka hortagaan rag rag ah, mana aha inay Ciidamada Difaaca Tanzania moodaan inay la mid yihiin muwaadiniinta reer Congo ee hanjabaadaha ka yaacay. Askari loo tababaray inuu dhinto in loo hanjabaa waa wax cajiib ah, markaa waa in kooxda M23 ay hubka iska dhigtaa, hadii kale waa inay naar Tanzania ka filataa.

  • DAVID FRANCIS
    May 18, 2013 @ 10:32:02AM

    Ciidamada difaaca Tanzania waxaan leeyaya fadlan ilaaliya nabada iyo cadaalada, sidaa si aan ahayna ha yeelina, ilaahayna ha idin barakeeyo

  • Amina faridi
    May 18, 2013 @ 10:14:51AM

    Maqaalkani waa mid waadax ah, waananu fahannay.

  • farida shabani
    May 18, 2013 @ 09:55:15AM

    Waa in aynu dhamaanteen fahanaa in dalka Congo uusan nabad ku heli karin ciidamo halkaa loo diro, balse waa in dadka reer Congo laftooda iyaga iyo hogaamiyayaashooda iyo ciidamadooduba ay ogaadaan wuxu dalkoodu u baahanyahay, ama waa in Madaxwayne Kabila uu xilka ka dagaa. Sidoo kale waxaa muhiim ah in la ogaado in dagaalada dhuumaalaysiga ah iyo diidmada ay siyaasiyiintu diidan yihiin inay nabad ka shaqeeyaan ay sabab u tahay khayraadka dabiiciga ah ee labada dhinacba ay u dagaalamayaan.

  • Mussa akida,tanzania.
    May 18, 2013 @ 05:08:16AM

    Tanzania waa dal xor ah, waxaana la gudban inay taageerto dalalka kale, waayo dad badan ayaa dhintay oo walina dhimanaya. Markaa ma jiro wax inaga hor istaagi kara inaynu dalka Congo ciidamadeena u dirno. Markastana cidii masiibo daydaydaa ma istaahisho in loo naxariisto.

  • PAUL GABRIEL MWAMWASI
    May 17, 2013 @ 08:08:54PM

    Anigu arrinkan waxaan u arkaa mid wacan, waayo waxaan ahay qof muwaadinimo leh. Iyadoo ay sidaa tahay, waxaan kamid ahay dhalinyarada dhamaystay heshiiskii aanu la galnay ciidamada Tanzania inkasta oo aan lana shaqaalaynin, hadii ay suurtogal tahayna waxaanu diyaar u nahay inaanu marlabaad waxqabano arrimaha amaanka iyo guud ahaamba nabadgalyada awgood.

  • Lucas kisasa
    May 17, 2013 @ 02:51:16PM

    Kooxda M23 iyo xitaa kooxda M999 ee kitaabka injiilka lagu sheegayba waa in la jabiyaa. M23 waa koox dambiilayaal ka kooban. Sideebaad u dili kartaa qof walaalkaa ah oo reer Congo ah, kadibna aad isaga dhigi kartaa qof nabad raba? Waxaasi macquul maaha. Tanzania waxaa ku waajib ah inay walaaleheena reer Congo caawiso oo ay ku dhufato kooxda M23 dhirbaaxo adag oo aysan kasoo waaqsan iyaga iyo dadka taageersan ee aynu ognahay inay mandaqadan harooyinka joogaan.

  • aloyce
    May 17, 2013 @ 08:32:58AM

    Waa si wacan, arrinkuna wax kale maahee waxa weeyaan kolba sidaad isu nidaamisaan. Taabo si aad xanuunka u dareento. Waan idin hambalyaynayaa nimanyow. Waxaad muujisaan in dalka ugu wacani uu leeyahay hogaamiyayaal awood badan oo wacan.

  • emanuel mariki
    May 17, 2013 @ 05:24:38AM

    Ha is dhiibina. Ilaahay ayaa idinla jira.

  • sakina
    May 17, 2013 @ 05:01:32AM

    Waxaan Tanzania uga mahadcelinayaa go’aanka wacan ee ay qaadatay ee ay ciidamada ugu dirtay dalka Congo, si loo badbaadiyo jaarkeena noloshooda, gaar ahaan dumarka iyo caruurta. Waxaan markaa Tanzania ku hambalyaynayaa go’aankaa wacan.

  • Mtanzania
    May 17, 2013 @ 03:49:36AM

    Waa inaan ogaanaa inaysan Tanzania dadaal ugu jirin inay nabadgalyada mandaqada dejiso, balse waxay rabtaa faa’ido dhaqaale inay hesho, dagaalkana ilaa bilawgii faraha ayay kula jireen, waxaanay hub iyo ciidamoba u diri jireen ninkii dhintay ee Kabila. Markaa waxay hadda rabaan inay xalaaleeyaan joogitaanka ay joogaan dalka Congo, si ay u helaan hab nadiif ah.

  • balole kema
    May 17, 2013 @ 03:23:47AM

    Waa inaynu marka hore wax ka qabanaa mashaakilka diimeed ee jira kahor intaynaan debeda u bixin.

  • magai
    May 17, 2013 @ 03:06:58AM

    Wararka si joogto ah noogu soo tabiya.

  • Rajab chanzi
    May 16, 2013 @ 03:00:42PM

    Dalka Congo nabadiisu waa nabadeena. Waligiin hore u socda, dibna ha usoo laabanina. Haddaynu nahay reer Tanzania inagaa xoraynay Afrika.

  • Dotto
    May 16, 2013 @ 09:29:16AM

    Ciidamada Tanzania hore u socda ayaan leeyahya!! Hanjabaaduhuna waligood dib inoo soo celin maayaan. Waxaynu nahay dad nabadu dhaqankooda ka mid tahay, markaa waa inaan nabada ilaalinaa, hadday tahay ta dalkeena iyo ta jaarkeena labadaba. Waana inaan meesha ka saarnaa kooxda M23. Ilaahay ha barakeeyo Africa iyo Tanzania labadaba.

  • MICHAEL MASOLE
    May 16, 2013 @ 09:16:26AM

    Waa iska caadi, waayo hadii jaarkeenu uusan amaan haysanin, inaguna amaan ma helayno.

  • chiengi j
    May 16, 2013 @ 06:52:18AM

    Anigu ma taageersani in ciidanka Tanzania la geeyo dalka Congo, balse waxaan taageersanahay in dalka Congo laga hirgaliyo geedisocod dimuqraadiyadeed oo cadaalad ku dhisan. Madaxwayne Kabila waa inuu xilka uga dagaa si nabadgalyo leh, oo waa inuu gurigiisa ku laabtaa, siday reer Kenya ay iyaguba yeelaan. Madaxtinimada oo lagu dheeraadaa waa nidaam xisaabeed oo khatar ah, kaasoo keena in la lunsado hantida guud iyo in hogaanku noqdo mid liita.

  • Michael Brian
    May 16, 2013 @ 04:53:15AM

    Cidii dadka qasabta ee noqota qabqable dagaal waxay mudan tahay inay dhimato, xaqbaanaynu u leenahay in dadkaa aynu garaacno, awoodna waynu u leenahay inaan garaacno, waananu rabnaa inaan garaacno. Markaa ciidamada difaaca Tanzania waxaan leeyahay cid aad ka tagtaan yaysan jirin, waxaana soo socda talaabooyin kale oo lagu rabo in lagu dabargooyo falaagada M23.

  • Proche
    May 16, 2013 @ 03:33:39AM

    Waa caadi in la caawiyo, laakiin iyaguna waa inaysan si dhab ah wax u wadaan.

  • kachingwe kaselenge
    May 16, 2013 @ 03:07:18AM

    M23 waxaan leeyahay waa inaad fahantaa in arrinka muhiimka ah ee meesha yaalaa uu yahay “nolol iyo geeri mid uun dooro”, markaa waxaad doorateen ikhtiyaar khaldan, intaad dooran lahaydeen inaad soo fadhiisataan miiska wadahadalka ee aad muwaadiniintiina codkooda ku guulaysan lahaydeen, balse waxaad doorateen inaad qori caaradii adeegsataan. Sidaa awgeed ma tihiin dad mudan in loo naxo, albaabka kaliya ee idiin furanina waa: inaad dadka reer Congo ku qancisaan inay idiin codeeyaan marka la gudagalo loolanka dimuqraadiga ah ee uu Macalim Nereeri usoo dagaalamay.

  • Hamadi mdemu
    May 16, 2013 @ 01:27:02AM

    Ilaahay Tanzania ha barakeeyo si ay waligeed u ahaato dal nabad ah, hana ciqaabo hogaamiyayaasha musuqmaasuqa wada, waayo iyagaa ah cidda arrimahan ka dambaysa! Aamiin.

  • Isaya pauline
    May 15, 2013 @ 04:38:30PM

    Ciidamadeena waxaan leeyahay waa inaad noqotaan kuwo adag, waananu idin taageeraynaa.

  • MODEST JAMES
    May 15, 2013 @ 03:59:54PM

    Ciidankeena wuxuu haystaa mashaariic farabadan, iyo waliba khayraad dabiici ah oo farabadan. Markaa aniga iima muuqato sababta ay tahay inaynu guutada 92-aad u dirno dalka Congo, laakiinse wax shaki ah kama qabo kartida ciidanka, waayo abaanduulaha guud ee ciidanka laftiisa ayaa hogaaminaya. Markaa khayr aynu u rajayno.

  • kinanja lebulu
    May 15, 2013 @ 06:03:32AM

    Waxaa hubaal ah in hadii ay nabad la’aani gobolka ka jirto, nolol xumo ayaa soo food saari doonta dadka reer Congo iyo dhamaan muwaadiniinta gobolka. Dalka Congo jaar ayaan lanahay ganacsina waa inaga dhexeeyaa. Markaa waxaa aniga ii muuqda hadii aysan nabadi dalkaas ka jirin, waxa laga yaabaa in adeerkaa oo maamula warshad sibidhka ah isla markaana intaas oo tan oo sibidh ah dalka Congo geeyaa uu waayo dakhligiisii, taas oo ay sabab u tahay khasaaraha soo gaadhay. Markaa wax kasta ha qaadatee waa inaan dalka Congo nabad kusoo dabaalnaa, waana inaan sidaa yeelnaa inagoo ka duulayna mabda’ bini’aadamnimo iyo mid ganacsi labadaba. Tanzania iyo dalalka kalena waan hambalyaynayaa.

  • MTONYI SWALEHE FROM DARESSALAAM TANZANIA
    May 15, 2013 @ 02:59:22AM

    Hambalyo ayaan leeyahay ciidamada Tanzania, waxaanan anigu qabaa wax kastaa caadigiisii ayuu noqon doonaa dalka Congo, M23-na waxaan leeyahay Ciidamada Difaaca Tanzania ha la ciyaarin, hadii kale sida digaaga ayaan wax u layn doonaa.

  • Abdallah
    May 14, 2013 @ 09:27:02PM

    Waxaad rabtaan inaad dagaal bilawdaan, laakiin marka la idin soo weeraro isdifaaca oo ha cararina idinkoo maleeshiyo daydayaya.

  • Abdul simbambili
    May 14, 2013 @ 04:12:12PM

    Nabadgalyadu waa shay aasaasi u ah qof kasta oo bini’aadam ah, markaa dadka reer Congo nabad inay helaan ayay mudan yihiin, haddaynu nahay dalalka la jaarka ahna waa inaan ka caawinaa dagaalka ay kula jiraan kooxaha falaagada ah, si ay nabadgalyo ugu noolaadaan oo ay u awoodaan inay dhismaha qaarada Afrika uga qayb qaataan.

  • Omary mwakyombe
    May 14, 2013 @ 04:12:11PM

    Maxay kooxahani waligood uga dhamaan la'yihiin dalka Congo? Maxayse kooxda M23 Tanzania oo kaliya u diidan tahay?? Waxay ila tahay waxaa loo baahanyahay inaan is waydiino su’aalo adag intaan ku dagdagyno dirista ciidamada. Dalka Congo waxaa imika jooga nin la mid ah Savimbi, waxa kaliya ee meesha is badalayna waa wajiyadii, markaa waxaan xukuumada ku amaanayaa ad-adayga ay muujisay.

  • Lucky
    May 14, 2013 @ 02:17:17PM

    Maxay Makenga iyo Ntaganda la murmayaan xageebayse ka heleen hubkaa iyo dirayskaa casriga ah? Raasamaalkoodii waxay ka dhigeen baastoolad, qoysaskoodiina waxay ku nool yihiin raaxo. Waxay ila tahay hadii uu dhaco wixii dalka Sierra Leone ka dhacay ee dhiiga loo daadiyay dheeman awgeed, dagaalku wuu joogsan doonaa.

  • jackson
    May 14, 2013 @ 12:59:29PM

    waa iska caadi

  • Rajabu mmbaga
    May 14, 2013 @ 10:34:12AM

    Anigu ciidamada Tanzania aad ayaan u raacsanahay. Nimanka lagu magacaabo M23 run ahaantii wax nasiib ah ma laha. Ilaahaybaan ku dhaartee waxay noqon doonaan midabkasta.

  • Honore Muganda
    May 14, 2013 @ 09:19:45AM

    Kooxda M23 waxay muujinayaan calaamado tusinaya fulaynimo, markaa Tanzania waa inay halkaa kasii wadaa ilaalinta daacadnimadeena. Dad aan waxba galabsan ayaa la jidh-dilayaa, waxaana Tanzania waajib ka saaran yahay inay dadkaa badbaadiso maadaama ay qaramada midoobay u fasaxday. Markaa inamadeenu ha tagaan halkaasaana laga ogaan doonaa arrinkee. M23 waa inay joojisaa hanjabaadaha, hadii kale oo aysan doonayn inay miiska wadahadalka soo fadhiistaan, waa inay meesha ka baxaan. Hambalyo Tanzania!

  • robert george
    May 14, 2013 @ 09:01:04AM

    Anigu dalkayga Tanzania aad ayaan u jecelahay, waxaanan ciidamadeena ugu ducaynayaa inay si nabad leh usoo dhameeyaan.

  • Anzuruni B. Malisawa
    May 14, 2013 @ 08:38:51AM

    Dhamaan cidda arrinku khuseeyo Waxaan u mahadnaqaynaa baarlamaanka Tanzania iyo dhamaamba dadka reer Tanzania guud ahaan, waxaanan uga mahad celinaynaa go’aanka noocan ah ee ay qaateen iyo dirista ay Tanzania soo dirtay ciidamadeeda, kuwaasoo qayb ka ah ciidamada nabad ilaalinta ee dalka Congo. Hanjabaadaha kasoo yeedhaya kooxda M23 waxay ka dhigan yihiin nin daad qaaday xumbo cuskay. Dadka reer Congo dhamaantood, gaar ahaan hadaanu nahay dadka degan bariga Congo, si kal iyo laab ah ayaan usoo dhawaynaynaa. Ma jiro jaar ka wacan jaarkaaga marka aad baahantahay ku daryeela. Dhamaan dadka reer Tanzania waxaan leeyahay waad mahadsantihiin. Waxaanu rumaysanahay inaydaan qoomamayn doonin go’aanka aad ku gaadheen inaad na caawisaan.

  • salum
    May 14, 2013 @ 08:34:03AM

    In faragalin lagu sameeyo arrinka nabad ilaalinta dalka Rwanda wuxuu ahaa mid faa’ido leh maanta ka hor. Markaa in ciidamo la diraa ma xuma, laakiin waa hadii aynu ka fekerayno in xaalka askarteena iyo qoysaskoodu uu wanaagsanyahay, iyo waliba faa’idooyinka aynu dal ahaan ka heli garno dirista ciidamada. In aynu sumcad iyo ixtiraam heer caalami ah aynu kasbanaa maaha shay wax tar u yeelan kara muwaadiniinteena iyagu la tabaalaysan caafimaad darrada iyo biyaha gabaabsiga ah ee nadiifta aan ahayn iyo sixir bararka iyo culayska wayn ee ka haysta daymaha iyo amaahaha lagaga leeyahay baananka. Markaa arrinkani waa mid aan wax aasaas ah lahayn oo bilaa micne ah, oo fekerkiisu liito, waxaanuu khasaare ku hayaa khayraadkeena iyo cududeena xaga bini’aadamka.

  • Emmanuel John
    May 14, 2013 @ 05:15:47AM

    Tanzania waa inay tagtaa oo ay gacan ka gaysataa daciifinta kooxdaas, sidaasina waa sida ay Qaramada Midoobay rabto. Ujeedadu waxa weeyaan in la hirgaliyo is faham oo nabada Afrikana la ilaaliyo, ee wax kale ma jiraan siday dadka kale moodayaan.

  • nuran zubail
    May 14, 2013 @ 04:42:07AM

    Waxaa wacan inay sameeyaan wixii halkaa geeyay. Dhibtu waxay ka taagantahay asluub xumada xeerarkooda ku saabsan shaqooyinka. Maaha inay hawlgalkan marin habaabiyaan oo ay bilaabaan inay dadka qaarna boobaan qaarna kufsadaan, waayo askartu arrimaha noocaas ah way ku wacan yihiin.

  • hamad
    May 14, 2013 @ 04:38:52AM

    Khayr ayaan u rajaynayaa dhamaan walaaleheena jooga dalka Congo, waxaanan leeyahay waajibaadkiina si xilkasnimo badani ku jirto u gutta, ilaahayna wuxuu idinka badbaadin doonaa dhamaan dhibaatooyinka.

  • Garald Norberter
    May 14, 2013 @ 12:59:59AM

    Ilaahay ha ilaaliyo si ay u awoodaan inay Congo nabad ka dhaliyaan, sababtoo ah hadii jaarkaagu uu nabadgalyo haysto, adiguna nabadgalyo ayaad helaysaa.

  • shabana
    May 14, 2013 @ 12:58:14AM

    Anigu waxaan taageersanahay go’aanka ay Tanzania go’aansatay inay tagto dalka Congo, waana inaysan cabsoonin, kaniisaduhuna waa inay bilaabaan inay u duceeyaan.

  • Nasibu mganga
    May 13, 2013 @ 10:57:09PM

    Waxaan aad uga xumahay ammaanka inamadeena, waxaanan leeyahay ilaahay ha idin caawiyo, hana is dhiibina!

  • Graca Maka
    May 13, 2013 @ 02:48:50PM

    Xog lagu kalsoonyahay ayaa sheegaysa in wixii ka dambeeyay markii ay kooxaha falaagadu soo galeen bariga dalka Congo kadib xasuuqii Rwanda ka dhacay sannadkii 1994 (xiligaasoo in ka badan 800,000 oo ah qoomiyada Tutsiga iyo waliba dadyow qunyar socod ah oo ah qoomiyada Hutu-ga la laayay), waxaa dalka Congo lagu dilay in ka badan 8 malyuun oo ruux. Markaa miyay kooxda M23 aragtaa inay saxtahay inay dhimashada dadku ay xawaaraha intaa leeg ku socoto? Lacagta ay Qaramada Midoobay ku bixisay ciidamadaas daawanaya ee aan waxba ka qabanayn kooxahaas wax laynaya waxna kufsanaya waxna boobayaa waa lacag aad u badan, ciidamadaasina wax fasax ah uma haystaan inay arrinka faragaliyaan oo ay badbaadiyaan dadka aan waxba galabsan. Markaa waxaan ciidamada difaaca Tanzania leeyahay hawshaada gudo hana dhagaysanin xubnaha ciidamada Tanzania ka mid ah ee isla markaana ka mid ah kooxda M23, waayo dadkaa qaarkood waxay xitaa galeen madaxtooyada, waxaanay hawshiinii ku keeneen caqabado. Laakiin khibradii aad ka kasbateen kooxaha FRELIMO IYO RENAMO ee dalka Mozambique waa inay idiin noqotaa waxa idin hagi doona ee awooda idiin siin doona inaad hub ka dhigis ku smaaysaan falaagada ka jirta bariga dalka Congo.

  • LAURENT
    May 13, 2013 @ 12:47:05PM

    Awood iyo iraado iyo karti intaba waynu haynaa. Haa waynu awoodnaa, Tanzania.

  • Laurian
    May 13, 2013 @ 10:42:48AM

    Inaga ayay inoo taalaa inaan nafteena ka daafacno cadawga sida bilaa faa’idada ah dalkeena u burburinaya. Ilaahay iimaanka ayuu inagu xoreeyay, cidda ilaahay u cadaw ahina waa cid inagana cadaw inoo ah. Dalalka afrikana waxaa ku waajib ah inay damaacinimada iska daayaan. Waa inaan ka fekernaa xageebaynu ka nimi oo aynu isla markaana is waydiinaa xageebaynu u soconaa, waana inaan dooranaa hogaamiyayaal awood badan oo bini’aadamnimada aaminsan, kuwaasoo nabad iyo cadaalad horseedi kara iyagoo aan eexasho ku kicin. Ilaahay Tanzania iyo Afrika ha barakeeyo.

  • dauson deus
    May 13, 2013 @ 09:49:24AM

    Xukuumadeenu waa mid arxan daran, waayo maalin kasta waxay diraysaa ciidamo. Waxay aniga ila tahay dalkan wali waa la gumaystaa. Magacaygu waa Dauson, waxaan joogaa Banana.

  • mkemia
    May 13, 2013 @ 05:02:31AM

    Dhamaan xubnaha xisbiga CCM waa tuug, wax ay ku wacan yihiina ma jiro.

  • Yonas Laiser
    May 13, 2013 @ 04:35:07AM

    Maaha inay ina cabsi galiyaan hanjabaado aan sal iyo raad toona lahayn, waayo ujeedada Bisimwa waa inuusan arag dalka Congo oo dagan, waanay ku adagtahay ninkaas inuu rumaysto in ciidamada Tanzania ay ku talajiraan inay nabadgalyada soo celiyaan. Markaa aan hore u socono si aan u caawino walaaleheena sidii adoomaha dalkooda ugu nool. Waxaan jeclaan lahaa inaan ahay askari si aan ugu biiro walaalahayga muwaadiniinta ah ee hawshan ku jira, waxaanan dareemi lahaa in aan dunidan wax wayn kusoo kordhiyay, xitaa hadii uu Bisimwa I dili lahaa.

  • faraji salehe ally
    May 13, 2013 @ 02:55:00AM

    Haddaynu nahay reer Tanzania waa inaan hore u soconaa oo aan la inoo hanjabin, waayo awood iyo maskax labadaba waan haynaa, markaa aan dagaalano, midawgana awood ayaa ku jirta. Anigu waan ku kalsoonahay ciidankayga iyo qarankayga. Ilaahay ha barakeeyo dalka Tanzania iyo madaxwayneheena aan jecelnahay ee Jakaya Mrisho Kikwete.

  • Saidi Y.Sheikh
    May 13, 2013 @ 02:29:59AM

    Nabadu waa shay dunida muhiim u ah.

  • ELIUD FELIX
    May 12, 2013 @ 11:24:20AM

    Hadii ay kooxda M23 wax ogaan lahayd, way iska daganaan lahayd si ay dalka Congo ay nabadu ugu soo noqot, waayo suurtagal maaha inay dagaalamaan oo ka guulaystaan ciidamada nabad ilaalinta iyo ciidamada dawliga ah. Markaa waxaan kula talinayaa inay hubka iska dhigaan oo ay colaadana ka joojiyaan dadka reer Congo ee aan waxba galabsan, gaar ahaan dumarka iyo caruurta, oo ay sidoo kalena dagaalyahannadooda ka badbaadshaan geeri, waayo hadii aad rasaas wax ku salaanto waxaa laguugu jawaabi in lagu dilo ama naafo laga dhigo!!

  • Emmanuel mushi
    May 12, 2013 @ 05:39:04AM

    Haddaynu nahay reer Tanzania maaha inaynu ka cabsoono hanjabaadaha kooxda M23, iyadoo fulaynimadu ay bilowday in ay ku dhex korto.

  • Lukman
    May 12, 2013 @ 04:17:45AM

    Ciidamada Difaaca Tanzania waxaan leeyahay fadlan ha is moodina inaad tihiin quwad wayn, khayraadka dalkana ha u adeegsanina inaad ku hurisaan colaad idin dhex marta idinka iyo dalalka jaarka ah, iyadoo ay muwaadiniintiinu ku noolyihiin maalintii inay hal wakhti wax cunaan, cuduro badanna ay ka cabanayaan, iyo la’aanina ay hayso, markaa waa inaad wixii caawimo iyo talo ah ee aad cid u fidinaysaan aad u martaan hab diblumaasiyadeed, sidaasina waa sidaynu waligeen yeeli jirnay, dalka Congo-na maaha jasiirada Anjuan oo kale, balse waa dal ay dawladaha horumaray iyo shirkadaha caalamiga ahi ay dano ka leeyihiin, mana rabaan inay arkaan dalkaas oo ay nabadgalyo ka tisqaaday, si ay u boobaan khayraadka dalka Congo. Laakiin hadii aad isu argtaan inaad dagaalyahanno tihiin, waxaa taa sheegi doonta taariikhda.

  • jackson fredy
    May 12, 2013 @ 04:14:33AM

    waxaan Tanzania u rajaynayaa isjeclaansho iyo nabad

  • Farid Maridadi
    May 12, 2013 @ 04:10:04AM

    Waxaan hambalyaynayaa Ciidamada Difaaca Tanzania, waxaanan ilaahay ka baryayaa inay guul soo hooyaan, laakiin sidoo kale waa inay dadaal la yimaadaan. Xukuumada Tanzania waxaan leeyahay waa inaan ciidamada difaaca Tanzania u fidinaa wax kasta oo taageero ah oo ay u baahanyihiin.

  • Farid Said Abdulla
    May 12, 2013 @ 03:56:51AM

    Waxaan mahadnaq usoo jeedinayaa Ciidamada Difaaca Tanzania, waxaanan leeyahay waanu idinku kalsoonahay, markaa yaanaan idinku hungoobin. Waxaan website-ka Sabahi sidoo kale uga mahadnaqayaa macluumaadka saxda ah ee ay noo soo gudbisay.

  • Jastini Jorned
    May 11, 2013 @ 10:48:00PM

    Kooxdaasi waxba islama hayso

  • magai massau
    May 11, 2013 @ 10:09:35PM

    Ujeedadu waa in Afrika laga dhigo meel nabdoon, laakiin hadii aan argaggixisada laga takhulisin, nabad la heli maayo. Sidaa awgeed, inamadeenu waa inay hore u socdaan oo ay dhaqan galiyaan go’aankoodan ay ku go’aansadeen inay dabar gooyaan kooxda falaagada ah ee M23. Laakiin anigu waxaan ka shaki sanahay in mudane Kagame uu xidhiidh la leeyahay kooxda M23.

  • Godfrey
    May 11, 2013 @ 02:56:09PM

    Tanzania waxaan leeyahay tag oo walaaleheen soo badbaadi, Congo.

  • BEVE TINKALIGAILE
    May 11, 2013 @ 02:01:04PM

    Maaha in wax kasta oo ay ciidamadu qabtaan warbaahinta lagu shaaciyo, waayo dal kastaa maaha qasab inuu jeclaysto inuu arko ciidamadeena oo guulaystay. Nimankan raba in loo arko inay geesiyaal yihiin waxaa laga yaabaa inay maalin maalmaha ka mid ah ina gilgilaan. Waa wax caadi ah in dadku noloshooda waayaan oo lagugu eedeeyo in aad mudayac tahay. Markaa aynu ilaahay ka barino inay si wacan hawshooda usoo gutaan. Aamiin.

  • jumapilimeshaki
    May 11, 2013 @ 01:29:31PM

    Anigu waan ogolahay arrinkan.

  • selemani malinda
    May 11, 2013 @ 09:24:53AM

    Waxaan si wayn idiinku hambalyaynayaa wararka wacan iyo kuwa degdega ahba.

  • Iman M. Mwakyeja
    May 11, 2013 @ 08:50:23AM

    Xitaa Ilaaheenu wuxuu markasta jecelyahay inay dadku nabad kuwada noolaadaan. Anigu shakhsiyan waxaan taageersanahay go’aanka lagu gaadhay in la sameeyo ciidamo ka socda Qaramada Midoobay iyo kuwa Tanzania, oo uu dhamaantood hogaaminayo Generaal Mwakibolwa. Amen.

  • Mugizi Mugolozi
    May 11, 2013 @ 07:26:23AM

    Ma jirto dawlad ka masuul ah kooxda M23, waayo waa koox falaago ah oo mudan in la ciqaabo, waayo waxay laynayaan muwaadiniin aan waxba galabsan, waxaanay kufsanayaan dumarkii. Markaa Tanzania talaabadaas waan ku hambalyaynayaa.

  • Juma Athuman
    May 11, 2013 @ 06:25:22AM

    Waxaan mudane Membe kugu hambalyaynayaa qalbi-wanaaga aad muujisay iyo diritaanka aad ciidamada u dirtay dalka Congo, si loo badbaadiyo dadka aan waxba galabsan.

  • Mweha Hamran
    May 11, 2013 @ 05:30:35AM

    Dadka reer Tanzania qaarkood maahaa inay u hadlaan sidii oo aynu nabadgalyo ku jiri doono waligeen, waayo waxaa jira dalal hore nabad u ahaa oo ay nabadii ka luntay, markaa waa shay aad u muhiim ah in dadka kale la caawiyo, waayo ma ogin goorta uu inagu dhici doono waxa dalka Congo hadda ku dhacay. Markaa Tanzania waxay ku amaanan tahay siday uga diirtay ee ay uga damqatay dhibaatooyinka haysta dadka jaarkeena ah, kuwaasoo sidoo kalena xidhiidh qaraabo oo soke la leh dadka reer Tanzania qaarkood.

  • ben
    May 11, 2013 @ 04:51:13AM

    Ujeedadu waa mid, aluta hore u soco. Ilaahay ayaa inaga horeeya.

  • Kido Dar.
    May 11, 2013 @ 03:22:50AM

    Waa iska caadi. Hadii ay suurto gal tahay, waa in ciidamada Tanzania ay dhamaantood tagaan inta ay Qaramada Midoobay kharashkooda bixinayso.

  • jumanne njuze
    May 11, 2013 @ 01:39:58AM

    Sidaad ogtihiin Tanzania way jeceshahay inay nafteeda u hurto dalalka kaleeto, laakiin amuureheedii gudaha way dayacday, sidaasina waa sida ay argaggixisadu ku bilaabanto.

  • MSHIKANA THEMBELE
    May 10, 2013 @ 03:45:21PM

    Dhakhso ayaan Tanzania leeyahay, waayo reer Congo dagaaladii way ka daaleen, waxaana la gaadhay wakhtigii nabad laga dhalin lahaa dalka Congo. Waxay aniga ila tahay hadii ay ciidamada Tanzania la shaqeeyaan dadka reer Congo, waxay awoodi doonaan inay Congo nabad ka dhaliyaan. Laakiin dalka Congo waa dal barwaaqo ah, marka aad halkaa tagtaana waydun ku dabrami doontaan.

  • joshua moses
    May 10, 2013 @ 12:54:52PM

    Ilaahay ha barakeeyo Ciidamada Difaaca Tanzania waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu awood idin siiyo si aad u caawisaan walaaleheena Bantu-ga ah ee reer Congo. Si kasta ha ahaatee, xuduudaha ay Tanzania la wadaagto Rwanda iyo Uganda waxay u baahanyihin in amaankooda heersare la gaadhsiiyo hadda.

  • Emanuelmadafa
    May 10, 2013 @ 11:36:25AM

    Tanzania waa rajada kaliya ee u haddhay dadka reer Congo. Waanu jabin doonaa gacan ku dhiiglayaashaas awooda u gaajaysan.

  • tumaini sanga
    May 10, 2013 @ 09:21:41AM

    Tanzania waxan leeyahay takarta ku saaran arag inta aanad takarta dalalka jaarkaaga ah saaran arag.

  • David Shayo
    May 10, 2013 @ 08:16:37AM

    Waa iska caadi, laakiin maaha in wax kastaa uu cadigiisii ahaado, sida u sheegayo wasiir Membe, ee uu leeyahay waa iska caadi in hanjabaado ay qoladaasi la yimaadaan. Maaha inaynu la qabsano hanjabaadahaas kasoo yeedhaya kooxaha falaagada (dagaalyahannada), mana aha inaynu wax caadi ah u aragno, sida uu leeyahay wasiir Membe. Taa badalkeedu waxa weeyaan inaynu isdiyaarino oo aynu keensano waxa ugu wacan ee aynu isku daafici karno markasta, sababtoo ah dhacdooyinkan haatan Tanzania ka dhacayaa waa kuwo gabi ahaamba khatar galinaya nabadgalyadeena. Sidaa awgeed, maaha inaynu wax kasta sidii caadiga ahayd inoo ahaadaan, balse waa inaan fahanaa oo aan falanqayn ku samaynaa hadal kasa oo kasoo yeedha cid kasta, ha noqoto ciddaasi falaago (kooxda M23) ama xitaa qof muwaadin ah, sababtoo ah labadooduba waxay saamayn ku yeelan karaan muwaadiniinta dhamaantood. Dhanka kale waa inaan awood u yeelanaa in aan gudaha u galno oo aan ka gun gaadhno wax kasta oo aan aragno ama maqalno, sababtoo cid kasta oo ay hanjabaadi kasoo yeedhaa waa cid ku talo jirta inay fal ku kacdo. Waxaan hadaba dadka ku guubaabinayaa inay joojiyaan doodaha aan sal iyo raad midna lahayn, muhiimada koowaadna waa in la siiyaa sugida amaanka dalka xadka gudihiisa iyo debediisa labadaba, waana in sidoo kale dadka reer Tanzania warbaahinta laga wacyi galiyaa oo loo sheegaa in dalka difaaciisa iyo amaankiisuba ay yihiin wax cid kasta uu waajib ka saaran yahay, waajibkaasna waxaa ka mid ah in uu qofku wixii macluumaad ah ee ku saabsan dhacdooyinka dalka nabadiisa khatarta ku ah uu usoo gudbiyo ciidamada amaanka iyadoo uusan lasoo daahin (24 saacadood gudohood).

  • John P. Kaduy
    May 10, 2013 @ 06:46:16AM

    Tanzania waxaan leeyahay hore u soco oo nabada soo celi, hana dhagna jalaq ha u siinin hanjabaadaha kooxda M23. Waa anigoo ah Song mbele.

  • Ezekiel Madindula
    May 10, 2013 @ 05:47:57AM

    Kooxdani waa koox budhcad ah (kooxda M23), markaa xukuumadu way ku saxsantahay inay Kongo tagto oo ay dadka caawiso.

  • Jonas Mugendi
    May 10, 2013 @ 04:41:55AM

    M23 maaha inay ku dag-dagto inay hanjabaado ku dhawaaqdo, waxaana ku waajib ah inay ogolaato inay miiska wadahadalka lasoo fadhiisato xukuumada Kinshasa si ay usoo afjaraan is-maandhaafka ka dhex jira.

  • petro nyankoi
    May 10, 2013 @ 03:50:03AM

    Waa in dagaalku sidii loogu talagalay uu u socdaa si loo taageero dalka Congo.

  • Odilo
    May 10, 2013 @ 03:18:28AM

    Maqaalkan, aniga waxay ila tahay kooxda M23 waxay af-ahaan ku muujiyeen maqaalkoodan inay fulayaal yihiin, waayo dagaal-yahanka dhabta ahi daboolka kama qaado tabihiisa iyo xeeladihiisa. Dadka reer Tanzania waxay la mid yihiin dibi aamusan, markaa hadii uu ninkani u haysto in hanjabaadihiisu ay wax qiime ah leeyihiin, waa inuu ka wardoonaa wixii ku dhacay burtiqiiska markii ay joogeen dalka Mozambique, hadiise uusan arrinkaa awoodi karayn, ha ka war doono wixii ku dhacay marxuum qadaafi markii uu isku dayay inuu 48 sacaadood u qabto Macalim Nereeri (madaxwaynihii hore ee Tanzania) oo uu ku amro inuu ciidamadiisa kala soo baxo dalka Uganda, si aan loo edbin madaxwayne Ciidi Amiin oo aan looga ciqaab marinin dunuubtii uu galay. Markaa bal isna ha tijaabiyo hadii uu rabo inuu naar indhaha saaro.

  • Baraka
    May 10, 2013 @ 03:07:55AM

    Qaramada midoobay ha is diyaariso

  • JOSEPHAT GOWELE
    May 10, 2013 @ 02:09:08AM

    Waa wax wacan inaad jaarkaaga nabadgalyo u fidiso, si aad adiguna gurigaaga u nabadayso.

  • Taitas Maurus
    May 10, 2013 @ 12:49:55AM

    Kooxda M23 jidh ahaan waxooga ayay dhisan yihiin, markaa waa in ciidamadeenuna ay si wacan isu diyaariyaan, xuduudeenana waa in si wacan loo ilaaliyaa, sababtoo ah wax kastaa way dhici karaan. Marka aad cadaw is haysaan, waxaa kugu waajib ah in aad had iyo goor feejignaato. Kooxda M23 dagaalka muddo dheer ayay ku jireen, waxaa markaa suuro gal ah inay ku biiraan kooxaha kale ee ka jira dalka Congo iyo dalalka jaarka ahba.

  • Dotto
    May 9, 2013 @ 05:23:52PM

    Anigu aad ayaan u cabsoonayaa?

  • moi
    May 9, 2013 @ 01:33:20PM

    Iyadoo ay inagii qaraxyadii ina dhameeyeen, ayaynu haddana iska dhigaynaa kuwo dadyowga kale caawinaya. Ceebi ha ku dhacdo dadyowga cilmiga leh ee haddana wali u fikiraya sidii Mangungo.

  • mandela charles mwambalaswa
    May 9, 2013 @ 11:53:01AM

    Anagu aad ayaan ugu mahadnaqaynaa ciidamadeena Tanzania, kuwaasoo si geesinimo leh u go’aansaday inay taageeraan dalka Congo. Ilaahay ha ilaaliyo oo ha la jiro.

  • Chikombile
    May 9, 2013 @ 11:34:46AM

    Arrinta dalka Congo waxay qaarada Afrika ku noqotay wax laga argagaxo, sababtuna waxa weeyaan waxa dalkaas ku jir khayraad aad u badan marka dunida lagu qiyaaso. Sidaa awgeed, anigu uma malaynayo inuu jiri doono hogaamiye Afrikaan ah oo dalkan xukumi kara. Dalkani waa dal baaxad wayn oo ay si wayn uga jirto saboolnimo ay ku xeeran yihiin khayraad farabadan. Waa inaan xusuusnaanaa in laga yaabo inay Tanzania la mid noqoto dalalka Uganda iyo Zimbabwe iyo Angola iyo dalal kale oo farabadan, kuwaasoo dhiidhida Congo lugaha la galay, waxaana dhacday in reer Uganda iyo reer Rwanda ay ku dagaalamaan dhul dad shisheeye leeyihiin!!!! Waxaa soo dhanna waxaa ugu wacnayd khayraadka dalka Congo!!! Hadaba waa inaan is waydiinaa ka hor intaynaan dhiidhidaas ku boodin, muxuu dagaalka koonfurta dalka Congo uusan waligii la dhamaanayn????

  • baraka batholomayo kitandu
    May 9, 2013 @ 10:58:00AM

    Waajib ayaa inaga saaran inaan taageerno walaaleheena Afrikaanka ah, waxaanan hubaa in ciidamadeena reer Tanzania ay hawsha si hufan uga soo bixi karaan, waayo waxaan ogahay inay heersare yihiin.

  • masomo yetu
    May 9, 2013 @ 09:39:58AM

    Waligiin hore u socda, dibna haso jaleecina. Kooxda M23 waa inay fahantaa wixii ku dhacay saaxiibadoodii ay ka midka ahaayeen Barcar iyo burtuqiiskii iyo nidaamkii midab-takoorka ku salaysnaa ee Koonfur Afrika iyo madaxwayne ciidi amiin iyo doqmihii kale. Ciidamada difaaca Tanzania maaha kuwo loo hanjabi karo, waayo waxay haystaan awood iyo khibrad ku filan. Ha noolaato Tanzania, ha noolaato Afrika!!

  • nimla fransis
    May 9, 2013 @ 09:00:56AM

    Tanzania waxay jabisay rikoodh cusub, lamana filayn habayaraatee in arrinkan oo kale uu ka dhaco magaalada Olasiti oo xaalkuna uu sidan u xumaado. Arrinkani wuxuu dadka reer Tanzania, gaar ahaan dadka ku nool Caruusha iyo dadka kiristaanka ah, ka dhigay kuwo aan ku kalsoonayn in goobaha ay ku cibaadaystaan ay amaan yihiin. Hadaba su’aashu waxa weeyaan: maxay weeraradani u beegsanayaan badanka kaniisadaha kaatoliga, iyadoo hadda ay si is daba joog ah u dhacayaan, siiba haddii dhacdooyinkan lagu xidhiidhiyo kuwii ka dhacay Zanzibar? Waxaan rabaa inaan digniin u jeediyo bilayska Tanzania, waxaanan leeyahay aniga iyo dadka kale ee waxyaabaha dhacaya la socdaa waxaanu ognahay in bilaysku ay dib uga dhacsan yihiin xaalada hadda taagan. Anigu waxaa ka mid ahay dadka aan ku qanacsanayn hawlgallada bilayska, waayo taliyayaasha ciidanka bilaysku waxay ka fekeraan danohooda gaarka ah ee danaha qaranka kama fekeraan. Waxay sidoo kale ku tartamaan inay dhistaan guryo oo ay gawaadhina iibsadaan, intay kasoo bixi lahaayeen waajibaadka ka saran ilaalinta muwaadiniinta iyo hantidooda. Taliyayaasha ciidanka bilayskuiyagaa u fasaxay dadyowga shisheeye inay Tanzania ka dhigaan meel ay usoo baxsadaan oo ay dambiyo ka gaystaan.

  • mwivano
    May 9, 2013 @ 07:20:09AM

    Haddaynu nahay reer Tanzania waa inaan ilaahay waydiisanaa in walaaleheena kooxda M23 ay mawqifkooda badalaan oo ay kusoo biiraan walaalohood oo ay midoobaan.

  • Godlisten ngowo
    May 9, 2013 @ 07:18:50AM

    Waxaa muhiim ah in la taageero dadka aan falaagada ahayn.

  • seiffu am
    May 9, 2013 @ 07:06:35AM

    Waa in Soomaalida lasoo wada fadhiisiyaa kadibna waa in wax la baraa. Si adag haloo shaqeeyo.

  • Dotto Joseph
    May 9, 2013 @ 03:01:13AM

    Waa taa sababta hogaamiyayaasha maamul goboleedyada lasoo casuumay, si loo muujiyo isku duubnida dhexdooda ka jirta iyo hawlaha ay wadaamba guud ahaan.

  • Junior Johns
    May 8, 2013 @ 01:54:46PM

    Ha la garaaco hana la laayo nimankaas kooxda M23 ka tirsan. Ciidamada difaaca Tanzania iyagana waxaan leeyahay halkaa hawsha kasii wada!!!

  • Figen E, Mpongo
    May 8, 2013 @ 12:06:16PM

    Waxaan anigu ka warwarsanahay talaabada ay Tanzania qaaday ee ay ku rabto inay ku faragaliso colaada ka aloosan dalka Congo, siiba iyadoo aynu ognahay inay Tanzania wada shaqayn dhow la leedahay dalka Maraykanka (dalkaasoo si qoto dheer uga fekerayay qaabka uu dhaqaalihiisa ku badbaadin karo iyo sida uu isaga bixin karo daynta lagu leeyahay, kadib markii uu faraha la galay dagaalo uu ka oogay dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan iyo meelo kale oo badan). Maraykanku wax arxan ah uma hayo nabadgalyada (iyo bini’aadamnimada iyo dhaqaalaha) dadka Afrikaanka ah. Markaa waxaan jecelahay inaan Tanzania ka codsado, hadii ay dalka Congo faragliso, inay faragalintaasi noqoto mid uusan kibir ku jirin oo nidaamsan, waana inaysan faragalintaasi burbur ku keenin xidhiidhka wacan ee inaga dhexeeya dadka reer Congo.

  • OMWAMI KABULA
    May 8, 2013 @ 09:35:19AM

    Tansaaniya waa inay fahantaa arrimaha mudnaanta leh. Haddaynu nahay reer Tansaaniya, waxaa ina haysta dhibaatooyin farabadan, dagaalkuna maaha wax hawl yar. Waxaa laga yaabaa in qofku uu is dhaho dagaalka waad ku guulaysan doontaa, laakiin aakhirka qofkaasi wuxuu isku qoomamayn doonaa maxaa dagaalka ku geeyay. Waxaan markaa ku baaqayaa aynu dalka Congo amuurihiisa u dayno dadka reer Congo, waayo hadii kale wuxuu arrinku noqonayaa sidii oo aynu dadka reer Congo madaxwayne ku qasbayno. In ka badan kala badh muwaadiniinta reer Congo ma jecla xukuumada hadda talada haysa, waxaanay taageersan yihiin kooxda M23. Markaa maaha inaynu xiisayno oo jeclaysano inaynu faragalin ku samayno afaaraha dalalka kale. Waxaa tusaale inoogu filan dalka Mali, halkaasoo gumaystihii hore ee dalkaas ay qasab ku noqotay inuu dagaal galo. Markaa maadaama ay dadka reer Congo ka daaleen hogaanka hadda jooga, maxay Tanzania u faragalinaysaa?

  • semsa
    May 8, 2013 @ 07:14:08AM

    Waxaan ku baaqayaa in aan waxyaabahaas faraha kala baxno. Xiligi la dagaalamayay waa lasoo dhaafay, markaa waa in aan dhaqaalaha ka fekernaa.

  • william musabi
    May 8, 2013 @ 05:01:15AM

    Falaagada M23 waxaa guubaabinaya oo hubka siinaya dalal ajnabi ah, markaa waxaasaa edab darrada ugu wacan oo ku kalifaya inay laayaan dad aan waxba galabsan, kadibna ay boobaan khayraadka dalka Kongo. Markaa waa in Kongo loo fidiyaa taageero milatari.

  • festo matongo
    May 8, 2013 @ 01:20:56AM

    Mee ciidankii Afrika?

  • TEOPHIL
    May 7, 2013 @ 05:00:40PM

    Membe waxaan leeyahay hore u soco oo ha ka cabsoon askartaas

  • samwel ng"wamkai
    May 7, 2013 @ 12:59:53PM

    Reer Tansaaniya waxaan leeyahay waa inaynu taxadirnaa.

  • jipe sanga
    May 7, 2013 @ 12:33:58PM

    Anagu ma rabno masiibooyin, waxaana dadka reer Tansaaniya u wacan inay caawiyaan dalalka kale, sida Kongo.

  • Abedi
    May 7, 2013 @ 10:24:29AM

    Dalalkeenu waa inay ka taxadiraan taageerayaasha shisheeye waayo waxa ina dilayaa waa waxaas, sababtoo ah taageerayaashaas ayaa ah meesha hubku uu gudaha dalka usoo marayo si falaagada hubkaas loogu taageero. Xageebay nimankan reer Congo hubka ka helaan? Maxaase loo go’doomin waayay oo dhufaysyo loogu dhigi waayay, loona xanibi waayay hubka dalka soo galaya?

  • kaka mkubwa
    May 7, 2013 @ 09:09:12AM

    Ilaahay ha nacdalo kooxda M23 dhamaanteed. Cidii wax disha iyadana waa la dili doonaa. Markaa ciidamada qaranka waxaan leeyahay dhakhsada oo karbaashka u dheereeya kooxda M23, kadibna soo guryo noqda, anaa markaa idiin sheegi doona waxa la idiinka baahanyahay inaad halkan Tansaaniya ka qabataan, waayo meesha waxaa jira musuqmaasuq aad u xun, iyo saxmad gaadiid oo aan dhaqaaqayn, saboolnimadiina khatarteeda ayay leedahay, wax kastana waxaa laga dhigay hanti gaar loo leeyahay. Ciidamada qaranka waxaan sidoo kale leeyahay si taxadir leh u eega dirayska aad gashan tihiin, si aad u ogaataan inaysan ku oolin calaamada ururada NGO-yada ee reer Koonfur Afrika. Wasiir Membe iyo madaxwayne Jakaya waxaan iyagana leeyahay ha iloobina inaad caawisaan muwaadiniintiina, oo dalalka shisheeye oo kaliya ha caawinina. Waxaad ilawdeen in dalka ay ka jiraan dhibaatooyin badan.

  • HASSAN MUSSA ZANZIBAR
    May 7, 2013 @ 05:20:31AM

    Waakaa mawqifku. Cadawga ha la burburiyo.

  • Mhando Abel
    May 7, 2013 @ 03:54:59AM

    Anagu waanu ka daalnay Kongo iyo Soomaaliya hadalhayntooda, waxaanay ila tahay waxa hadda laga yaabaa in dibu heshiisiin labada dalba laga gaadho, waayo xitaa dadyowga labada dal ku kala nooli waxay ku farxi doonaan dibu heshiisiinta la gaadhay. Ilaahay ha caawiyo oo ha ku guulaystaan.

  • alex
    May 7, 2013 @ 03:53:52AM

    Maxaa dadkeena reer Tansaaniya inaga dhigay dad jecel inay adeegsadaan aabihii qaranka abuuray, si ay dhaxalkiisii u badbaadiyaan? Waase ayo cida faa’idada ku qabta faragalinta dalka Kongo? Yaase bixinaya kharashka askarteena? Maxaase dadka reer Tansaaniya wax loogu sheegi waayay? Miyaa nolosha askarteena lagu qiyaasi karaa saaxiibtinimada aynu la leenahay mudane Kabila? Waxaa tusaale inoogu filan dalka Komors, halkaasoo ay wali kasii socoto colaadii ilaa imika. Markaa waa inaynu joojinaa siyaasad oo dhan, waayo colaadaha sokeeye waxaa xaliya dadka ay colaadaasi ka dhaxayso, ee dal jaar ahi ma xalin karo. Maaha inaynu cadaw cusub daydayano, waayo wali maynaan kala dhamaan dalka Malawi, iyadoo ay taasi jirtana waxaynu ku bilawnay dalka Kongo. Waxaa wacan in markaa wax laga qabto arrimaha shacabka haysta, oo waa in laga fekero baatroolka iyo naaftada iyo gaasta uu qiimohoodii dhamaantood kacay, korantada iyo biyaha iyo saliida cuntada iyo bariisku intubana waa la mid, hilibkana hadalkiisaba daa. Imika dadka kaniisadaha lacag ayaa la waydiiyaa, meherkiina wuxuuba noqday masiibo, lacagtii iskuulkuna waxayba noqotay sidii oo uu qofku iskuul dhan iibsanayo, gaadiidkii la raacayayna wuxuu noqday masiibo kale, bil kastana waxaa lagaa rabaa inaad bixiso lacagtii TV-ga. Markaa mar hadii uu imika dalka Kongo dagaal ka bilaabmay, culayskii oo dhami wuxuu ku dhacayaa Tansaaniya. Markaa ma noloshanaa nolosha wacan ee ay haystaan dadka reer Tansaaniya? Xageebaad nagu wadaan?

  • WILLIAM TARABA
    May 7, 2013 @ 02:56:43AM

    Anigu waxaan ka mahad celinayaa go’aanka uu madaxwayne Jakaya Kikwete iyo xukuumadiisu ay qateen, kaasoo ujeedadiisu tahay badbaadinta dadka iyo soo celinta nabada, waxaanan leeyahay wasiir Membe hambalyo…

  • aliseif
    May 7, 2013 @ 02:00:18AM

    Anigu waan jecelahay Tansaaniya, fiican. Hore u soco

  • Japhary
    May 7, 2013 @ 01:01:32AM

    Aniga iima muuqato sababta ay kooxda M23 u leedahay waxay ixtiraam u haysaa marxuum Julius Nyerere, iyadoo isla markaana ilaahay ka cadhaysiinaysa oo laynaysa ubad iyo dumar iyo dadyow kale oo aan waxba galabsan.

  • JOHN NGOWI
    May 6, 2013 @ 05:54:28PM

    Tansaaniya dhibaatooyin ayaa ka jira haddana ciidamo ayay dhulal shisheeye u diraysaa, dadkeenii muwaadiniinta ahaana kalsoonidii ayaa kasii lumaysa…

  • nassary elirehema
    May 6, 2013 @ 03:46:17PM

    Waxay noqon doontaa ceeb hadii ay Tansaaniya askarteena dib usoo celiso hanjabaadaha M23 awgood. Waxaan ku baaqayaa inaan ku biirno walaaleheena reer Mozambique iyo reer Malawi iyo reer Koonfur Afrika, si dadka reer Kongo nabadoodii loo soo cesho.

  • MW.STEVEN E.CHALLE
    May 6, 2013 @ 02:06:43PM

    Waa in askarta Tansaaniya ay noqdaan kuwo adag, sababtoo ah dadka Kongo lagu laynayaa waa dad qaraabadeen ah, marka ha la tago oo nabadii dib ha loo soo celsho, ilaahayna wuu idinka garab dagaalami doonaa. Hadii ay kooxda M23 Nyereri ixtiraam u hayso, waa inay sidoo kale ixtiraamaan nolosha iyo in kalgacayl iyo walaaltinimo iyo nabadgalyo lagu wada noolaado, arrimahaasina waa kuwii uu Nyerere u noolaa ee uu u dagaalamay. Dhamaan dadka Afrikaanka ahi cadaalad ha helaan.

  • denis bongole
    May 6, 2013 @ 08:43:08AM

    Ha la joojiyo arrimahan, waayo waa inaan marka hore Tansaaniya dhisnaa. Waa ceeb in adigoo ammaankaaga gudaha ku fashilmay aad haddana ku adkaysato inaad aado dalka Kongo. Shalay waxay ka dhacday magaalada Caruusha, hogaamiyayaashii bilihii hore la weerarayna iyaga hadalkoodaba daa. Dhamaan dadkiina isku dubar ridaya qorshaha lagu rabo in lagu tago dalka Kongo waxaad tihiin siyaasiyiin uu hogaamiyo Membe, arrinkaasina waa mid aanan fahmi karin. Waxaad hubtaan in xaasaskiina iyo caruurihiina iyo xitaa qaraabadiinu ay nabadgalyo haystaan, xitaa hadii ay kooxda M23 isku soo rogto Tansaaniya. Waxaad sidoo kale ogtihiin inaad haystaan lacag aad ka hesheen gunooyinka la idin siiyo iyo falalka musuqmaasuqa ah ee aad awoodi waydeen inaad xakamaysaan. Maxaanu yeelaynaa anagu haddaanu nahay dadka aysan baarlamaanka xildhibaano ugu jirin walaalohoodna aysan xukuumadda ka mid ahayn, ee ilaahay uun ku tiirsan ilaahayna ilaalinayo? In 800 boqol oo askari loo adeegaa maaha arrin hawl yar. Maxaad lacagtaas ugu adeegsan waydeen inaad adeegyada biyaha iyo waxbarashada aad ku wanaajisaan, nabadgalyada Tansaaniya-na aad ku xoojisaan? Anigu waa ogahay oo waad isla qab wayn tihiin, markaa arrinkan waydun iska indha tiri doontaan. Laakiin waxaan iinka digayaa: XEERARKA CAALAMKU MA FASAXAYAAN IN DAL JAAR AHI UU FARAGALIN KU SAMEEYO DAL LA JAAR AH OO COLAADI KA JIRTO. MAXAY TANSAANIYA LA DAGDAGAYSAA?

  • justine lukwele
    May 6, 2013 @ 05:56:10AM

    Afrika waxaa iska leh dadka Afrikaanka ah, dhamaan dadka Afrikaanka ahna waajib ayaa ka saran difaacideeda. Waxaan wasiir Membe iyo dadka kale ee doorka ciyaaray ku hambalyaynayaa fiirada ay arrinkan u yeesheen. Anigu waan idin garab taaganahay, waayo waxaan ahay muwaadin reer Tansaaniya ah oo dareensan xanuunka kulul ee haysta walaalkeen Joseph Kabila.

  • Saida
    May 6, 2013 @ 02:51:45AM

    Waxa wacnaan lahayd in Tansaaniya ay is dejiso oo ay arrimeheeda marka hore hagaajiso, kuwaasoo ay kamid yihiin adeegyo caafimaad oo liita, tacliin liidata, shaqo la’aan ba’an, wadooyin liita, iyo musuqmaasuq baahay…markaa maxaa lacagta loogu luminayaa dagaal wakhtigana loo dayacayaa….Cajiib.

  • william joho
    May 6, 2013 @ 02:06:56AM

    Anigu waxaan u dhashay Tansaaniya, waxaanan leeyahay waa inaysan Tansaaniya dib usoo laabanin.

  • titi
    May 5, 2013 @ 11:32:58PM

    Tanzania waxaan leeyahay soco!!!! Soco oo hubi inaad lasoo dagaalanto falaagadaas iyo dadka taageera. Ilaahay ayaa idinla jira!

  • rashid mnenje
    May 5, 2013 @ 12:22:06PM

    M23 waxaan leeyahay hadalkiinu wuxuu la mid yahay sidii qof sii qarqoomaya hadalkiis. Cashar baase la idiin dhigi doonaa oo ciidamada difaaca Tansaaniya waad jeclaan doontaan.

  • EPHRAIM KIKULWE
    May 5, 2013 @ 09:01:40AM

    Hambalyo wasiir Bernard Membe maadaama aad ciidamadeena u fasaxday inay badbaadiyaan dad aan waxba galabsan.

  • sebastian jokimu
    May 5, 2013 @ 04:10:52AM

    Maxaa dalka Kongo ka dhigay dal u muuqda in had iyo gooraale ay falaagooyin soo food saaraan? Waxaa waajib ah inaan ogaano in dalka Kongo uu yahay dal khayraad ay ka buuxaan, colaado badan oo ka dhaca dalalka Afrikaanka ahna waxaa u sabab ah habka khayraadkaas looga faa’idaysto. Markaa dalka Kongo waxaa loo baahanyahay in dadkiisu ay isku waafaqaan siday dib ugu dhisi karaan dalkooda. Kongo waxay u muuqataa dal saaxiibo badan leh, laakiin saaxiibadaasi maaha kuwo raba inay colaada si haboon u xaliyaan.

  • john
    May 5, 2013 @ 02:32:51AM

    Markaa waa maxay faa’idada ku jirtaa markaynu ka hadlayno faa’idooyinka qaran? Waxaa jira dad warwarkoodu inagu badan yahay oo saamayn ku leh Bariga Afrika, sida Soomaaliya iyo Geeska Afrika, halkaasoo ay budhcadbadeedii adkaysay inay doonyohu badaha ka gooshaan, oo ay qaali garoobaan alaabtii lasoo waaridayay. Markaa yaysan Kongo noqonin maslaxad shakhsi oo wayn oo aysan hadana muwaadiniinta caadiga ahi aysan waxba ka ogayn.

  • Danny Richard
    May 4, 2013 @ 10:57:57PM

    M23 waxaan u sheegayaa anigu ciyaarta kuma jiro, waayo aniga laftaydu waxaan Tansaaniya ku ahay ajinabi. Kadib markay tagaan, waxaan idin leeyahay duqeeya, gaar ahaan xubnaha CCM. Anigu arrinka shaqo kuma lihi. Waxaan M23 u sheegayaa in qofka uusan xaqiisu dayacmi doonin, laakiin laga yaabo in uu dib u dhaco.

  • william t laizer
    May 4, 2013 @ 03:51:44PM

    Waa si wacan. Khayr baan kuu rajaynayaa JK.

  • mwanaharakati
    May 4, 2013 @ 03:39:08PM

    Waxaa waajib ah inaan arrinkan aad uga taxadirno. Waxaa suurto gal ah in dalalka Rwanda ay kamidka tahay ay sidoo kale taageerayaan kooxda M23, taa macneheeduna waxa weeyaan waxay heli karaan hub iyo kaalmooyin kale.

  • Bro Alex
    May 4, 2013 @ 03:29:49PM

    Kooxda M23 kaliya waxay rabtaa inay wax cunto, markaa waxaan kula talin lahaa in habka ay wax u wadaan uusan ahayn hab sax ah. Waa inay adeegsadaan habab siyaasadeed, taa waxaan uga jeedaa waa in kooxda M23 ay noqotaa xisbi siyaasadeed, oo aysan noqonin falaago, sida hadaba ay dadku u yaqaanaan.

  • mkali
    May 4, 2013 @ 02:52:57PM

    waxaa wacan in ciidamo loo diro Kongo, sababto ah xaalada halkaa ka jirtaa dhibaato ayay Tansaaniya u horseedi kartaa.

  • njovu
    May 4, 2013 @ 01:42:15PM

    Tansaaniya waxaan leeyahay soco oo caawi dadka reer Congo ee dhimanaya.

  • GodJay
    May 4, 2013 @ 11:52:54AM

    Waxaaso waa ilmadii raha…!!!Xukuumadda waxaan leeyahay ciidamada qaranka ha la diro, si kooxdaas M23 loo baro inay nabad ku noolaadaan.

  • GodJay Maziba
    May 4, 2013 @ 11:29:58AM

    Nin daad qaaday xumbo cuskay. Waxyaabahaasina waa iska kuwo is-daafacaad ah. Markaa waa in xukuumaddu ay taageerto saaxiibadeen. Waxaan hubaa in dalka Kongo siduu u dhanyahay oo waliba xitaa hadii lagu daro kooxda M23 uusan awood u lahayn inuu la dagaalam dalka Tansaaniya, xitaa haddii ay midoobaan. Waxan hadaba Tansaaniya leeyahay bambaanooyinkii in badan ayay meel iska yaaleen oo aan la adeegsan, markaa bahalaha ku adeegso kooxda M23 haddii ay edab-daro muujiyaan, si aysan marlabaad usoo laba kaclayn.

  • Thomas Haule
    May 4, 2013 @ 08:52:25AM

    Macalim Julius Kambarage (Nyerere) wuxuu inagula dardaarmay inaysan xornimada Tansaaniya noqon doonin mid dhamaystiran inta ay wali jiraan dalal Afrikaan ah oo ay dulmi ku hayaan isticmaarka iyo dadka daba-dhilifkoodu. Si ay Tansaaniya u hesho nabad iyo xornimo, waa inay hubisaa in dalka Kongo ay nabadi ka jirto, waayo inagaa arrinkaa balan qaadnay maalintii aynu xornimadeena helnay ee 9-kii bishii Desember 1961-kii, waxaana aynu arrinkaa ku dabaqnay dalalka Mozambique, Angola, Zimbabwe, Namibia, South Africa, Uganda, Seychelles iyo dalka Comoros oo dhawaan ahayd. Markaa waa in kooxda M23 ay sugtaa inta maalmo gudohood lagu kala dirayo.

  • sweetbert
    May 4, 2013 @ 06:12:26AM

    Halkaa kasii wad inaad Tansaaniya la ciyaarto, Betina (M23 xisaabta kuma jirto)

  • Hussein
    May 4, 2013 @ 01:56:17AM

    Aniga iima muuqato wax sabab ah oo Tansaaniya ku kallifaysa inay faragalin milatari ku samayso dalka Kongo, waayo waxaa jira dhibaatooyin badan oo dalkeena horyaala. Markaa waa inaan taxadir yeelanaa si aynaan aakhirka u noqon sida dalka jaarkeena ah ee Kenya.

  • lucas mgaya
    May 4, 2013 @ 01:45:28AM

    Waa inaan caawinaa saaxiibadeena reer Kongo, waayo saaxiibadeen ayay ahaayeen ilaa waagii Patrice Lumumba, kaas oo ahaa raysal wasaarihii hore ee dalkii Zaire. Markaa waxaa inagu waajib ah inaan badbaadino dadyowga qoomiyada KIVU. Madaxwaynayaasha Kagame iyo Museveni hore ayay u dafireen inaysan wax taageero ah siinin kooxda M23, markaa wax colaad ahi ina dhex mari mayso inaga iyo saaxiibadeena madaxda dalalka Bariga Afrika iyo muwaadiniinta dalalka Bariga Afrika.

  • Issaya Rutta
    May 3, 2013 @ 10:24:46PM

    Anigu waan jecelahay

  • juma mohamed tabora
    May 3, 2013 @ 04:50:30PM

    Maqaalkani waa mid aad u wacan, shayga ugu muhiimsanina wa in si habsami ah loo tago.

  • shaaban masoud shaaban
    May 3, 2013 @ 11:40:06AM

    Waa in haddaynu nahay dadka reer Tansaaniya aynu cashar u dhignaa falaagadaas M23, waayo waxay u barteen in la kool-kooliyo.

  • Lugy watson
    May 3, 2013 @ 10:07:53AM

    Xaalkeena Tansaaniya ma wanaagsana, gaar ahaan dhanka dhaqaalah. Sidaa awgeed, faragalinta colaada dalka Kongo waxaa laga yaabaa inuu dalkeena qalalaase u horseedo. Markaa waa inaan caddaynaa in hanjabaadahaasi ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin, hadiiba ay dhacaan oo ay dhaboobaana ilaa gunta ayaan socon doonaa. Waxaa inala gudboon inaan la dagaalanno saboolnimadeena ee maaha inaynu faragalin samayno.

  • mseti junior
    May 3, 2013 @ 06:29:53AM

    Ciidamada Tansaaniya waxay haystaan tababar waafi ah oo ku saabsan dagaalka kaymaha. Dhanka kalena dagaalka saxaaraha iyo dagaalka meelaha saxaaraha lamidka ah lagagama dheereeyo. Markaa hadii ay sidoo kale u tababaran yihin dagaalada dhuumaalaysiga ah, waa inay ambabaxaan.

  • Rashid Kazumba
    May 3, 2013 @ 05:33:05AM

    Marka hore anigu si farxad leh ayaan ku qaabilay warkan ah inay ciidamada difaaca Tansaaniya ay tagi doonaan dalka Kongo, waxaanan anigu xitaa qabaa inaynu soo daahnay. Hadii aad ogaan lahaydeen falalka waxshinimada ah ee ay kalaabtaas M23 caruurta iyo dumarka u gaysanayeen, waxaynu dhihi lahayn waan ciidamadeenu ay hadda dhaqaaqaan oo ay ambabxaan si ay usoo afjaraan dhibaatadan. Ciidamada difaaca Tansaaniya waa ciidamo balaadhan oo xoog badan oo si waan u carbisan, waana ciidamada ugu casrisan ee qaarada Afrika wakhtigan xaadirka ah. Markaa fadlan mudane Membe, inamada dir si ay usoo qabtaan hawsha, wax soo noqosho ahina yaysan jirin. (Yaxaasku wixii hor istaagaba wuu qabtaa, laakiin jeertu way ka leexataa). Markaa haka cabsoonin hanjabaadaha kasoo yeedhaya kalaabtan M23. Anagu waanu ka daalnay xeryaha qaxontiga ee Tansaaniya: Soomaalida, Itoobiyaanka, Ereteriyaanka, Kenyanka, Ruwaandhiiska, Ugaandhiiska, reer Musambiik, iy reer Kongo intuba Tansaaniya ayay ka buuxaan si ay nafohooda u badbaadiyaan, arrinkaasina maaha mid la aqbali karo. Markaa waxaan leeyahay mudane madaxwayne Jakaya Kikwete iyo mudane Membe, fadlan ciidamada difaaca Tansaaniya Kongo u dira, si ay usoo fuliyaan hawsha, duniduna way idin qadarin doontaa. Markaynu Kongo tagnona waxaynu ugasii talaabi doonaa xagaa iyo Malawi, waa hadii ay reer Malawi sii wadaan afkaarta khaldan ee ay inaga haystaan.

  • JUMA KASHINDI
    May 3, 2013 @ 03:31:54AM

    Anigu sidaan qabo, ciidanka Tansaaniya waa inuu shaqaaleeyaa dhalinyaro intan ka badan, si ay u awoodaan inay si wacan u dagaalamaan.

  • patrick leonard mutalemwa
    May 3, 2013 @ 03:27:16AM

    Waxaa dhamaanteen inagu waajib ah inaan is waydiino: maxay kooxda M23 u dagaalamayaan? Markaynu arrinkaa ogaano kadib, waa inaynu ogaana habab noocee ah ayay tahay inaynu adeegsano ka hor intaynaan dagaal galin, waayo dagaalku aad ayuu u kharash badan yahay waxaana lagu waayaa dad aan waxba galabsan. Hogaamiyaha kooxda M23 wuxuu sheegay inuu u dagaalamayo badbaadinta dadkiisa reer Kongo, waxaana jira dadyow reer Kongo ka mid ah oo isaga taageersan oo raba inay xoroobaan. Taasina waa sababta aan anigu ugu taliyay in ay wacan tahay in xigmad la adeegsado si loo badbaadiyo dadka reer Kongo noloshooda. Hadii aan ka hadlo talaabada Tansaaniya ay ciidamadeeda ugu dirayso dalkaas, hadii aad akhrido war-murtiyeedka uu soo saaray Colonel Kapambala Ngawe, waxaad arki kartaa inuusan rabin inuu dagaalamo balse kaliya uu rabo in uu badbaadiyo dadka reer Kongo noloshooda. Sidaa awgeed, waxaan anigu qabaa inay wacan tahay in habkan hab ka duwan la adeegsado oo aan la dagaalamin. Walaaleheena reer Tansaaniya waxaan leeyahay: walaalo, adeerayaal, aabayaal, hooyooyin iyo askar intaba, haddaynu nahay reer Tansaaniya waxaynu nahay dad jecel inay dadka kale caawiyaan marar badan oo ay ciidamo badan ku caawiyaan. Hasa yeeshee, waxaa wax laga yaabo ah in marka hawsh loo baxayo ay wasaarada amaanku inoo sheegto tirada guud ee ciidamada, laakiin marka ay hawshu dhamaato, cidina inooma sheegto tirada ciidamada soo guryo laabtay! Waxaanse wali ku talinayaa, ma jirto cid jecel ciidanka Tansaaniya, laakiin waa inaynaan ciidamadeena ku khasaarinin meel uu wada hadalku suurto gal yahay. Waxaan ku faraxsanahay fariinta uu diray Kornayl Kapambala, ee ahayd: Tansaaniya ma rabto inay layso dadka reer Kongo, balse waxay rabtaa inay badbaadiso. Waad mahadsantihiin dhamaantiin.

  • Kigo
    May 3, 2013 @ 03:18:09AM

    Anagu hadaanu nahay reer Tansaaniya waxaanu wax lagu faano u aragnaa inaanu aragno xukuumada oo daafacaysa arrintan muhiimada wayn leh. Markaa waxaan ciidamada difaaca Tansaaniya ugu baaqayaa inay ula dagaalamaan dadkaas si bilaa naxariis ah, oo ay safeeyaan dhamaan bariga dalka Kongo, si xuduudeenu aamin u noqoto, isla markaana loo suurto galiyo fursado badan oo ganacsi…

  • ismael
    May 3, 2013 @ 03:01:21AM

    Waxay ahayd in ciidamadan lagu daro ciidamada Rwanda iyo kuwa Uganda, waayo iyagaa og waxay dhab ahaantii tahay dhibaatada ka jirta bariga dalka Kongo iyo siday kooxaha falaagadu hubkooda ku heleen. Kongo waa dal aad u wayn, waxaanay xaga baaxad ahaan u dhigantaa dhamaan dalalka galbeedka yurub oo la isku daray. Markaa waa in afar qaybood loo kala qaybiyaa, waana in qayb kastaa ay yeelataa nidaam ismaamul iyo badhasaab u gaar ah, kadibna waa in dalka lagu magacaabaa dalka federaalka ah ee Kongo.

  • lwitiko
    May 2, 2013 @ 07:22:06PM

    Waxaan rabnaa inaan dalka Kongo nabad ku helno, kooxda M23 waa in dhulka lala simo oo ay Qaramada Midoobay meeshay maamusho

  • Momanyi Cosmas
    May 2, 2013 @ 05:30:17PM

    Tansaaniya waxaan leeyahay hore u soco oo soo caawi walaaleheena reer Kongo, si ay xitaa u helaan hal daqiiqo oo nabad ah. Go’aan adaygu waa shayga kaliya ee wax kasta hagaajin kara. Markii ay Kenya Soomaaliya gashay, dad badan ayaa dhaleeceeyay talaabadaas, laakiin imika waad aragtaan wixii talaabadaasi keentay, waayo hadda dadka Soomaaliyeed waxay heleen dal ay ugu yeedhaan dalkoodii hooyo. Marka anigu waxaan taageersanahay hawlgalkan, laakiin waa in sida ugu wacan loo fuliyaa hawlgalkaas, si la isaga ilaaliyo wax kasta oo nusqaan ah oo iman kara, sababtoo ah waxa la sheegay in kooxda M23 ay caawimo ka hesho dal ka mid ah ururka dalalka Bariga Afrika ee loo yaqaano EAC. Markaa haddii ay arrimahaasi run yihiin, waa kuwo khalad ah, waayo cidda dhibaataysani waa dad aan waxba galabsan.

  • CONDRADA ILDEPHONC
    May 2, 2013 @ 01:22:09PM

    Ilaahay ayaa caawin doona, anagu nabada ayaanu jecelnahay, waxaanan qabaa ilaahay anaga ayuu nala jiraa.

  • bidyaugumye
    May 2, 2013 @ 01:09:36PM

    Caawimadu waa shay wacan, laakiin waxaan jecelahay inaan Tansaaniya ka codsado in ay habab dimlumaasiyadeed wax u caawiso, oo aysan adeegsan faragalin milatari, waayo dagaalku khasaarihiisa ayuu leeyahay, waxaana dhici karta inaynu ciidamadeena ku wayno. Dalalka reer galbeedku meelahay colaaduhu ka taaganyihiin ma faragaliyaan ilaa intay hubinayaan danohooda. Markaa maxay yihiin danaha Tansaaniya ugu jira dalka Kongo?

  • THE ANALIST
    May 2, 2013 @ 12:23:51PM

    OPS waxa dhaqaale ahaan caawisay UNO-da. Dalalka saboolka ah hadaynu nahay waxaa la inagu beer laxaawsadaa kaalmooyinka la ina siiyo. Haddii ay runtii dan ka leeyihiin bini’aadamka, waxay ahayd inay shaqaalahooda kasoo kaxaystaan dalalka quwada wayn, inkastoo ay dalalkaasi isku dayi doonaan inay badbaadiyaan dadkooda, laakiin kuwa kale waxay hunguraynayaan macdanta.

  • OBIRI DANIEL
    May 2, 2013 @ 12:23:36PM

    Kooxda M23 badda ha kasoo cabaan. Ma waxay moodeen in reer Kenya ay sidooda fulay yihiin. Anagu guul ayaanu soo hoynay, reer Tanaaniya iyaguna way qabsan doonaan dalkaas.

  • mike fundikira
    May 2, 2013 @ 10:20:17AM

    Tansaaniya waa inaysan ka cabsanin hanjabaadaha ay falaagadu usoo diraan. Anagu nabad ayaanu rabnaa ee ma rabno colaad. Hore u soco mudane Jakaya.

  • yuda joseph mnganya
    May 2, 2013 @ 08:03:23AM

    Way wacnaan leheed in ay Tansaaniya arrinkan ka feejignaato.

  • mwageni
    May 2, 2013 @ 05:45:23AM

    Waxaan rabnaa in reer Kongo ay nabad helaan.

  • hassan ally
    May 2, 2013 @ 01:48:05AM

    Marka hore waxaan jecelahay inaan Bisimwa ku ammaano qadarinta iyo ixtiraamka uu u muujiyay marxuumkii aabihii qaranka aasaasaay, laakiin waxay ahayd inuu sidoo kale ogaado in aabaha qarankan aasaasay uu marar badan caawiyay dalal badan oo Afrikaank ah, si ay uga xoroobaan gumaystayaasha, laakiin taas hab nabadgalyo ah ayuu u maray. Markaa maxaa u diiday kooxda M23 inay mabda’yadaas ku dhaqmaan si dilka iyo kufsiga iyo waxyaabaha kale ee la midka ah ee ka socda bariga dalka Kongo ay u joogsadaan? Anagu sababo badan ayaanu haysanaa oo noo fasaxaya inaan dadka noloshooda ka daafacno wax kasta oo bahdilaad ku ah, arrinkaasina dalkayaga oo kaliya kuma koobna ee wuxuu sidoo kale khuseeyaa walaalahayo sidoo kale. Markaa anigu waxaan taageersanahay Tansaaniya 100% dirista ay ciidamadeeda u dirtay bariga dalka Kongo si ay uga qayb qaataan ciidamada nabad ilaalinta, waayo cidda meesha ku dhibaataysani waa dad bashar ah oo inagoo kale ah.

  • chrisent
    May 1, 2013 @ 10:19:40AM

    Nabaddu waa shay nolosheena muhiimad u leh, markaa ciidamada reer Tansaaniya xaq ayay u leeyihiin inay dadka reer Kongo ka caawiyaan inay la soo noqdaan nabadgalyada dalkooda.

  • mtuhumiwa
    May 1, 2013 @ 08:50:15AM

    Ciidamada Difaaca Dadka Tansaaniya shaqo wacan ayay hayaan intay ku jiraan hawgalka ay wadaan ee lagu rabo in xuduudeena amaankooda lagu sugo, sababtoo ah ciidankeenu waxay fursad u heli doonaan inay isu diyaariyaan sugidda amaanka xuduudeheena. Sidoo kale markay tagaan dalka Kongo, wuxuu arrinkaasi cashar u noqon doonaa dalalka jaarka ah, oo waxay ogaan doonaan inaysan Tansaaniya ahayn dal lala ciyaari karo.

  • IBRAAHIN ROBAT
    May 1, 2013 @ 04:16:06AM

    Waxaan jecelahay inaan dhaho Tanzania ha ka fogaato inay faragalin ku samayso dalka Kongo. Fadlan eega waxa Kenya ku dhacaya kadib markii ay talawday

  • Mariam Mwinyi
    April 30, 2013 @ 04:29:19PM

    Waxaa la gaadhay xiligii ay dadka reer Congo dagi lahaayeen ee ay horumarin lahaayeen dalkooda, waayo waxay haystaan kayd layaab leh oo khayraad ah. Waa inay ogaadaan in ay jiraan dadyow kala qaybiyay oo ay dadyowgaasi xukumayaan, halka iyaguna ay ku mashquulsan yihiin inay kaymaha ku dagaalamaan dhexdooda, oo dumarkana la faraxumeeyo, qoysaska iyo qaraabadana la barakiciyo. Waxaa jira dad hantidooda xatooyo ku haya.

  • Mtyangimbole
    April 30, 2013 @ 09:58:13AM

    Teh Teh Teh..... waxaad moodaa in dalkayga Tansaaniya uu jecelyahay in uu faano, kadib markii hore loogu amaanay inay safka hore kaga jirtay halgankii lagaga soo horjeeday gumaysiga, iyadoo haddana ay Tansaaniya lafteedu burbur ku jirtay, kasoo ay sabab u ahyad saboolnimada iyo gaajada…waxani ciyaar maaha!

  • Mosses Mziray
    April 30, 2013 @ 08:59:36AM

    Su’aasha ku saabsan inay Tanzania ku biirtoo ciidamada reer Koonfur Afrika iyo kuwa reer Mozambique si loo fuliyo go’aanka golaha amaanka Jimciyadda Quruumaha u dhaxaysa ee ku saabsan ciidamada nabad ilaalinta ee jooga bariga dalka Koongo, su’aashasi waa su’aal muhiim ah oo aasaasi ah. Hasa yeeshee, waa in la taxadiraa. Dagaalyahanada M23 waxay taabacsanyihiin madaxwayne Kagame, kaasoo dhinacna xubin ka ah ururka dalalka Bariga Afrika, dhinaca kalena qayb ka ah ciidamada dagaalka ka hurinaya bariga dalka Koongo. Haddaba su’aashaydu waxay tahay: sideebay Tanzania ula dagaalami kartaa ciidamada Kagame (kooxda M23) isagoo haddana Kagame inagu dhex jira oo xubin ka ah ururka dalalka Bariga Afrika? Hadii arrinka si kale loo dhigo, waxaa la dhihi karaa Tanzania waxay dagaal kula jirtaa kooxo falaago ah oo taabacsan saaxiibkeen kagame! Laakiin haddana halkaa su’aal kale ayaa ka soo baxaysa, taasoo ah: miyaynaan haddaynu nahay reer Tanzania arkayn inaynu abuurayno colaad cusub oo inaga iyo saaxiibadeena reer Rwanda u dhaxaysa? Anigu sidaan qabo, waxaa wacnaan lahayd inagoo aan faragalin milatari ku samaynin bariga Koongo, waxaana taa ka wacnaan lahayd inaynu inagu hogaamino wadahadalo nabadeed oo ay isugu yimaadaan madaxwaynaha Rwanda ee Kagame iyo ka Uganda ee Museveni iyo ka Congo ee Joseph Kabila, oo uu wadahadaladaasna gudoomiyo mudane Jakaya Mrisho Kikwete, si loo raadiyo xal waara. Anigu sidaas ayaan qabaa.

  • Maliki Zahabu
    April 30, 2013 @ 07:52:26AM

    Maadaama ay Tansaaniya tahay dal nabadeed oo aduunka oo dhami yaqaano, waxaa inagu waajib ah inaan nacayb u muujino dadka iyagu ku kacaya falalka waxshinimada ah ee laynaya dad aan waxba galabsan. Waxaan haddaba xukuumada ka codsanayaa inaysan faraha kala bixin qadiyadan bini’aadamnimo.

  • stephen shemtoi
    April 30, 2013 @ 07:48:07AM

    Waxa kaliya ee aynu ku taamaynaa waa inaynu dagaalanno, taasaana ah sababta aynu ugu adkaysanayno dagaalka. Iyadoo ay dhibaatooyinkeenu inaga culus yihiin ayaynu haddana waxaynu u ordaynaa si aynu u damino dabka ka holcaya dalalka kale.

  • Agaba Nelson
    April 30, 2013 @ 05:28:38AM

    Fadlan waa inaan siyaasadeena arrimaha debeda haddaynu nahay reer Tansaaniya aynu kadhignaa mid la mid ah ta reer Kenya, waayo waxay reer Kenya Soomaalida ka caawiyeen inay nabad helaan. Markaa inamadu ha tagaan oo kooxda M23 wax ha kaqabtaan.

  • ISAACK MAKOMBE
    April 30, 2013 @ 04:17:23AM

    Shaqo wacan ayaad haysaan xaga macluumaadka aad bixisaan ee halkaa kasii wada!

  • Pasaka Nicholas
    April 30, 2013 @ 03:48:49AM

    Haddaynu nahay dadka Afrika jooga, waa inaan joojinaa jaahilnimada aynu ku dhaqmayno! Madaxdeenii wali been ayay inoo sheegayaan oo wali qaarada gumaysi ayay ku hayaan, haddana waxaa jira dad iyagu jaahilnimadaas taageersan iyagoo aan ogsoonayn waxay taageersanyihiin! Markaa xalka munaasibka ah ee ay heli karaan dalalka xiisaduhu ka abuuran yihiin maaha mid lagu gaadhi karo ciidamo la diro, balse waxaa xalka noocaas ah lagu gaadhi karaa wadahadalada. Waxaan anigu hadaba caddaynayaa diidmada aan diidanahay in dagaal iyo dhagar ay Afrika ka dhacaan! Waxaanan dadka Afrikaanka ah ku boorinayaa inay sara kacaan oo ay diidaan isticmaarka!

  • Kifaru
    April 30, 2013 @ 01:39:11AM

    Socda oo hawsha soo qabta nimanyohow. Hanjabaadaha waan u baranay.

  • elikana
    April 29, 2013 @ 08:10:00PM

    mardambe waxaa ha samaynina

  • tumbu innocent
    April 29, 2013 @ 02:53:53PM

    Faragalinta ay Tansaaniya faragalisay dalka Koongo waa arrin wacan, waayo waxa la rabaa in la badbaadiyo caruurta iyo dadka aan waxba galabsan.

  • PRAYGOD MNZAVA
    April 29, 2013 @ 09:28:18AM

    Xukuumadda Tanzania waa inay xigmad ku dhaqantaa marka ay dalalka kale afaarohooda faragalinayso.Waxay ahayd inay marka hore kooxda M23 ugu yeedho magaalada Daarasalaam si loo wada hadlo, oo ay islamarkaana ugu gudbiso digniintii ugu dambaysay, taasoo dhigaysa in hadii ay ku fashilmaan hirgalinta heshiisyada nabadeed ay Tanzania qasab kunoqon doonto inay soo faragaliso. Si kasta ha ahaatee, M23 waxay siwacan u ogtahay inaysan Tanzania waligeed ku fashilmin meel ay faragalisay, markaa waxaa wacan inay kooxdani goor hore isasoo dhiibto, si aan wakhtiga loo luminin.

  • eugene gallet
    April 29, 2013 @ 08:39:53AM

    Ciidamadeenu maaha inay meeshaa tagaan, sababahan soo socda awgood: 1. Xaaladeena dhaqaale way kaxuntahay ta dalka Koongo. 2.Wa inaynu cashar ka korodhsanaa wixiiinaga gaadhay kaqayb qaadashadii aynu kaqayb qaadanay xorayntii dalka Koonfur Afrika. 3. Waxaa intaa dheer cadowyadeena

  • Saidi
    April 29, 2013 @ 02:01:51AM

    Aduunyada wax fududi ma jiro, masiibadana masiibo kale ayuumbaa masaxda. Markaa waxaan leeyahay ciidamada difaaca ee Tansaaniya hore u socda, gadaal loo soolaabanayaa ma jirto.

  • Mika
    April 29, 2013 @ 12:59:12AM

    Bisimwa waa fulay.Waana uu fashilmay kahor xitaa intuusan dagaalkaba bilaabin.

  • Pazi Mazongera
    April 29, 2013 @ 12:24:59AM

    Soo celinta nabadu waa door muhiim ah oo ay tahay inay Tanzania ciyaarto, balse ilaalinta nabadu waa shay ay tahay in kooxda M23 iyo dadka reer Koongo ay ciyaaraan. Miyaynu taa hubnaa? Miyayse nabad u baahanyihiin? Si kasta ha ahaatee, waa inaynu doorkeena ciyaarnaa, waayo waynu awoodnaa taas.

  • mohamed salah
    April 28, 2013 @ 08:02:39PM

    @Bal waxaad ka fekertaa in qoyskaagu uu ku suganyahay dalka Koongo, oo ay falaagadu weerar kusoo qaadaan qoyskaaga, markaa waxaad dhahdaa maaha inay Tanzania faragaliso dadka kale dhibaatooyinkooda

  • liberatus
    April 28, 2013 @ 03:37:55PM

    Ugu horrayntii, Tansaaniya waxaa ka jirta degenaansho, ee nabadi kama jirto. Waa in markaa xukuumada Tansaaniya ay Tansaaniya nabad ka abuurtaa, ka dibna ay nabadaas ku faafisaa qaarada Afrika.

  • dan
    April 28, 2013 @ 11:14:15AM

    Waxaa wacan in ciidamada Tanzania ay halkaa tagaan iyagoo si wayn u taxadiraya. Kooxda M23 dad ay qaraabo yihiin ayaa ku jira ciidanka Kongo, markaa kooxda M23 waxay dhamaan wixii macluumaad ah kasoo heshaa askarta ciidanka ee aan kalsoonida lagu qabin. Markaa hadda waxa loo baahanyahay in la sameeyaa waa in kooxda M23 loola dagaalamo si bilaa naxariis ah. Maxay rabaan? Maaha inay inoo hanjabaan. Ciidanka Tanzania waa inuu sidoo kale adeegsadaa muwaadiniin caadi ah, si ay usoo uruuriyaan wixii macluumaad ah ee ku saabsan kooxda M23, si la mida sidii laga yeelay kooxdii dhibta badnayd ee reer Zanzibar ee Uamsho lagu magacaabi jiray.

  • Seamen nyoni
    April 28, 2013 @ 10:12:52AM

    Waa in kooxda M23 lala dagaalamaa, sababtoo ah si wacan uma dhaqmayaan. Hadii ay dagaal rabaan, waa inay la dagaalamaan raasamaaliyiinta kala qaybiyay dalka Kongo. Walaalihiin ayaad laynaysaan, halka ay Shiinaha, Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushku ay qori caaradii inagaga faa’idaysanayaan. Waxaan leeyahay aynu isticmaarka cusub u midawno, oo aynu aasaasno qaramo midoobay oo Afrikaan ah, oo aynu dadkana la dagaalano, intaynu inagu dhexdeena dagaalamayno.

  • MACK STEPHANO
    April 28, 2013 @ 09:59:13AM

    Aniga iima muuqato wax sabab ah oo aynu ciidamadeena u dirno, iyadoo ay dadku xuquuqdooda dalbanayaan.

  • jongo
    April 28, 2013 @ 09:04:13AM

    Maqaalkani waa mid wacan.

  • Zacharia kumalija
    April 28, 2013 @ 08:49:24AM

    Waa maqaal wacan, balse bilawgiisa wuxuu qoraagu xusay: “Tanzania dib usoo laaban mayso”, hasa yeeshee hadalkiisa wuxuu ku bilaabay kalmada ah “Daarasalaam waxay tidhi”, halkii uu ciwaanka ka dhihi lahaa Tanzania, taa macneheedu ma waxa weeyaan Daarasalaam iyo Tanzania waa isku mid? Waa inaan af sawaaxiligeena si wacan u adeegsanaa, si caalamku uu inoo aqbalo. Waad mahadsantihiin.

  • mohamed yahaya hussein
    April 28, 2013 @ 06:23:53AM

    Tanzania xaga ciidanka way wanaagsantahay, markaa waxaan qabaa M23 iyada lafteedu way ogtahay arrinkaas, taasaana ah sababta ay u cabsanayaan. Hasa yeeshee waa in hogaamiyayaasheenu ay ogaadaan in ay dadka reer Tanzania ee caadiga ah ay noloshii ku adkaatay, sababtoo ah waxaynu rabnaa inaynu kooxda M23 hub ka dhigis ku samayno, waayo hogaamiyayaasheenu waxay ku wacan yihiin in dadka laga takhaluso.

  • Geofrey
    April 28, 2013 @ 04:59:35AM

    Bal aan is waydiino: maxaynu ka heli karnaa dalka Kongo? Waxaynu ku fashilanay inaynu khilaafaadka inaga iyo Malawi si nabad ah ku dhamayno, imikana waxaynu helnay hab fudud oo aynu dalalka ajnabiga ah ku raali galino.

  • kassim mvuni
    April 28, 2013 @ 04:13:51AM

    Magacaygu waa Qaasim Mvungi oo Caruusha jooga, Tanzania. Dalka kongo waxaan leeyahay ilaa dhamaadka waan idin garab taaganahay.

  • NURDIN LICHINGA
    April 28, 2013 @ 03:35:36AM

    Ciidankeenii waxay u direen dalka Koongo, lakiin miyay ka fekereen arrinkaa saamayntiisa? Waxaad faragalin ku haysaan dad kale afaarohooda, markaa ka warama hadii ay isku kiin soo rogaan, waa ayo cida aad canaanan doontaan? Tanzania xagay u socotaa inagoo arrimeheenii ku fashilannay?

  • Malik Sinare
    April 28, 2013 @ 03:26:35AM

    Tanzania waa inaysan waligeed ka noqonin balan qaadka ay balan qaaday inay shaqo ka qabato kooxda M23 ee u jaajuusa Kigali iyo Uganda. Waxay rabaan inay waxkasta xukumaan, waxaanay dadka kale u haystaan inaysan waxba garanayn oo ay baastariin yihiin. Markaa kooxdan iyo kooxaha kale ee falaagadu dan kama laha danaha dadka iyo danaha dalalka jaarka ah midna.

  • Edward mwakanyika
    April 28, 2013 @ 03:11:21AM

    Macalin Nerere waxaa hadaladiisa ka mid ahaa: suuragal maaha inaad si nabad ah ku seexatid gurigaaga iyadoo uu maqsin guriga ka mid ahi uu sii dumayo. Sidaa awgeed, haddaynu nahay dadka reer Tanzania iyo dadka Afrikaanka ahba guud ahaan, inaan caawino dalka Koongo mooyaanee arrin kale oo inoo furani ma jiro, caawimadaasina waxay noqon kartaa wadahadalo ama ciidamo la diro.

  • Mubaraka madiwa
    April 28, 2013 @ 01:54:52AM

    Kalsoonida aan ku kalsoonahay ciidamada Tanzania waa mid sax ah. Markaa maadaama aynu nahay dal nabadeed, suuragal maaha inaan daawano dad la bahdilayo oo aan arrinkaas ka aamusno. (waligiin hore u socda, hanjabaadoodu dib inoo celin mayso).

  • Maposhoko Semboja
    April 27, 2013 @ 07:19:53PM

    Anigu uma malaynayo in ay meesha yaalaan sababo adag oo cad oo Tanzania ku kalifi kara inay faragalin ku samayso colaada ka aloosan dalka Congo, oo ay isla markaana ciidamo u dirto. Waxaa muhiim ah inay xukuumadu xooga saarto sidii ay xal ugu heli lahayd dhibaatooyinkeena gudaha, sababtoo ah wax aynu ka faa’idi karnaa ma jiro, balse waxaynu khasaari doonaa cududeena ciidan iyo lacagteena iyo wakhtigeena. Dantii guud ayaa baylahsan.

  • hudson
    April 27, 2013 @ 06:17:52PM

    Khayr iyo caafimaad ayaan u rajaynayaa dhamaan ciidamada nabad ilaalinta, waxaanan leeyahay ilaahay ha idin horgalo, ee hore u socda oo kongo soo hagaajiya. Anaguna dalkiina Tanzania ayaanu idinku sugaynaa, Tanzania-na waa jasiirad nabadeed.

  • Kimulika PJ Galikunga
    April 27, 2013 @ 03:17:22PM

    Tanzania way ku saxsantahay inay ciidamadeena u dirto dalka Kongo, si looga horjoogsado falaagada inay awoodaystaan oo ay aakhirkana inagu soo fatahaan qaxoonti dalkeena kusoo qulqulaya amaba ay xitaa falaagada M23 ay dalkeena usoo yaacaan iyagoo kasoo cararaya dagaalka dalkooda ka socda.

  • john kimaro
    April 27, 2013 @ 02:47:55PM

    Arrinkaasi waa mid wacan inay Tanzania muujiso inaynu nahay dad si dhab ah dadka kale u caawiya, laga soo bilaabo macalin Julius nyerere

  • MAGANGA ONGALA
    April 27, 2013 @ 01:57:40PM

    Hadii kooxda M23 ay xurmaynayaan marxuum Macalimo Nerere, waxaa markaa ku waajib ah inay hubka dhigaan kahor intaysan ciidamada Tanzania meesha tagin si ay u badbaadiyaan dadka aan waxba galabsan.

  • huseni
    April 27, 2013 @ 12:21:12PM

    Waa maqaal wacan oo cid kasta u furan si ay u fahanto.

  • jazzy
    April 27, 2013 @ 09:48:17AM

    khayr baan u rajaynayaa…........

  • gwikoze gastor david
    April 27, 2013 @ 09:47:59AM

    Cidina ma saadaalin karto siduu arrinkani ku dhamaan doono. Waynu rajaynaynaa uun.

  • ELIFASI F NGOWO
    April 27, 2013 @ 06:02:53AM

    Waxaa inagu waajib ah inaan dalka Congo faraha ka qaadno oo aan inagu is nadiifino marka hore. Intaynu arrimeheena ka shaqayn lahayn, waxaynu eegaynaa dalka congo nabadiisa. Tanzania iyada maxaa laga yeelayaa? Wakhtigan xaadirka ah dhacdooyin ayaa dhacaya, halkaasoo dadka qaarkood la afduubayo qaar kalena loo hanjabayo, markaa sideebaa lagu dhihi karaa nabad ayaa meesha jirta? Maaha inaynu iska dhigno dad aan waxba arkayn iyadoo ay arrimuhu waadax yihiin. Waxaynu iska dhigaynaa inaynu dhagoole nahay inagoo hadana wax maqlayna. Waxaa inagu waajib ah inaynu wixii canaan ah ee la inoo soo jeediyo aynu aqbalnaa marka aynu khaldano, isla markaana waa inaynu isa saxnaa. Laakiin ma rabno in la ina dhaleeceeyo ama wax la inaga sheego. Markaa sideebaynu isu sixi karnaa hadii aynaan rabin inaynu xaqiiqada aqbalno.

  • Kiyungi Twalib
    April 27, 2013 @ 05:09:37AM

    Waxaa wacan in aynaan dhayal dhayl wax ku wadin marka ay dhibaatooyin ka dhacaan dalalka jaarka ah, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan xukuumada Tanzania ku baraarujiyo inay wacan tahay inaan ka shaqayno dhibaatooyinkeena gudaha intaynu faragalinayno dhibaatooyinka dalalka kale. Waxaanay ila tahay wali waan aragnaa wixii ka dhashay dagaalkii ciidi amiin.

  • Liberat urio
    April 27, 2013 @ 04:52:03AM

    Tanzania goor aan goor ahayn ayay socotaa. Waxay ahayd in arrinkan ay goor hore samayso. Anigu kama shakisani in ciidamada difaaca Tanzania ay awoodaan inay hawshan qaban karaan, waxaanan ku kalsoonahay hawshan qaban karaan. Waxaan sidoo kale ku kalsoonahay waaxda teknikaalka ee ciidamada milatariga Tanzania. Markaa waxaan dadka reer Tanzania leeyahay ha warwarina, waana inaad sugtaan, si inamadiinu ay hawsha u qabtaan. Saaxiibadeena reer Koongo si kasta way u daaleen.

  • leonard
    April 27, 2013 @ 03:53:10AM

    Waxaa muhiim ah in gacan laga gaysto sidii loogu dagaalami lahaa dadka xuquuqdooda, waa hadii qofku fursad arrinkaa u haysto. Reer Tanzania waxaan leeyahay waad saxsan tihiin, markaa hore u fuliya hawlgalkan intay goori goor tahay.

  • Geofrey Mkumbwa
    April 26, 2013 @ 04:17:32PM

    Waa in ay Tanzania xooga saartaa ilaalinta xuduudeheena, waayo dagaalka lagula jiro kooxda M23 wuxuu muwaadiniinta ku qasbayaa inay cabsi ku jiraan, sababtoo ah kooxaha falaagada waxaa lagu yaqaanaa inay meeshii ay arkaan inay munaasib tahay ay dadka kaga aargoostaan.

  • Deograsias Abby Nindi
    April 26, 2013 @ 03:51:10PM

    Waa wax caqli gal ah, laakiin imika wali waa goor hore, oo xukuumada Tanzania maaha inay ciidamadeena u dirto dalka Congo, waayo wali waxaa jira arrimo badan oo ay tahay inaan muwaadiniinteena u qabano kahor ama intii aan jaarkeena caawin lahayn (caafimaadka, tacliinta, biyaha, kaabayaasha dalka iyo wixii la mida).

  • Lukuba Sweya
    April 26, 2013 @ 01:56:19PM

    Anigu waxaan qabaa arrinkani waa arrin khatar ah; markaa waa in Tanzania ay iska ogaataa cadawga raba inay kasoo talaabaan xuduuda oo ay waxyeeleeyaan muwaadiniinta dalka dagan ee aan waxba galabsan; dalalka ay kamid yihiin Congo iyo Malawi waxay khatar wayn ku hayaan dadkeena.

  • ally
    April 26, 2013 @ 11:48:49AM

    Ma dhihi karno nabad ayaan haysanaa iyadoo ay jaarkeenana dhiigu daadanayo. Markaa waa in ciidamada Tanzania ay hawsha qabtaan.

  • abdulaziz
    April 26, 2013 @ 06:37:18AM

    Waa inay xukuumadu ka taxadirtaa dirista ciidamada loo dirayo dalka Kongo, waayo arrinkaasi wuxuu dhibaatooyin badan u gaysan karaa dad aan waxba galabsan.

  • JIRESTH BIDYABANSIGA
    April 26, 2013 @ 04:08:24AM

    Waxaa hubaal ah inay jiraan dad badan oo ku dhibaataysan dagaalka ay wadaan falaagada M23, mana jirto cid ku faraxsan inay aragto shicibka oo ka yaacaya guryohooda oo tagaaya goobo kale oo ay sida adoomaha ugu noolaadaan. Sidoo kale ma wacna in la laayo dad aan waxba galabsan, kuwaasoo aan iyagu wax lug ah ku lahayn colaad siyaasadeed haba yaraatee. Markaa kooxda M23 waxaan leeyahay waa inaad dadka uga naxariisataan dhiiga aad daadinaysaan, sababtoo ah dadka aad rabtaan inaad la dagaalantaan iyagu waxaad wadaan wax saamayn ah kuma laha, balse cidda ku waxyeeloobaysa waxaad wadaan waa dumarka iyo caruurta iyo rag aan waxba galabsan. Maxaa idiin diiday inaad hubka dhigtaan? Maxayse tahay sababta ay idiin duufsanayaan dadyow aan dalkiina xitaa aqoon u lahayn? Teeda kale looma baahnaan lahayn in ay Tanzania ciidamo u dirto dalka Congo hadii heshiish nabadeed la gaadhi lahaa oo aad dhab ahaantii muwaadinimo u haysaan dalkiina, isla markaana aad qadarisaan nabadan baahida badan loo qabo. Bal eega dadka idin kicinaya iyo siday farxada ugu dhex noolyihiin guryohooda, halka idinkuna aad sida xoolaha kaymaha dhexdooda ugu nooshihiin. Maxaa idiin diiday inaad faraha kala baxdaan oo aad dalkiina faa’ido u yeelataan? Anigu aad ayaan uga xanuusanayaa inaan arko walaalahayga afrikaanka ah oo isu dilaya sidii xoolaha oo aan lahayn awood ay si miyir leh ugu fekeraan. Waxaan idinka codsanayaa inaad dalkiina muwaadinimo u muujisaan oo aad joojisaan colaada, isla markaana aad dhidibada u taagtaan dimuqraadiyad dhab ah. Waa anigoo ah Jiresth Bidyabansiga Rugiga Jaamacada Dodoma BA, Xidhiidhka Caalamka

  • Maseke
    April 26, 2013 @ 04:02:48AM

    Hore u socda ciidamada difaaca Tanzania, waayo falaagada M23 wax naxariis ah uma hayaan dadka reer Congo.

  • Yusitini Musoni
    April 25, 2013 @ 12:47:59PM

    Hawlgalkii jasiirada Anjuoan ee dalka Komoros wuxuu ahaa mid dalalka Afrikaanka ah kasoo fulay, balse waxa ka socda dalka Kongo waa wax ay Tanzania ku rabto inay iskaga dhaadhiciso oo ay kaba-qaad ugu noqoto dalka faransiiska, waxaana arrinkaa ka dambeeyaa ninka musuqmaasuqu aafeeyay ee Jakaya Kikwete, kaasoo goorhoreba jeebka gashada laaluushkiisii. Hadaba arrinku shaqo kuma laha wanaag lala rabo dalka Kongo, ee joojiya maalayacniga sawaaxiliyow masayrsan ee caajiska ahi.

  • fredy
    April 25, 2013 @ 10:45:24AM

    Arrinkani waa mid aad u cajiib ah.

  • RWEBANGIRA
    April 25, 2013 @ 10:27:37AM

    La dagaalama falaagadan ilaa inta ay joojinayaan dilka ay ku hayaan muwaadiniinta.

  • heryson sanga
    April 25, 2013 @ 10:03:34AM

    Waa in ciidanku si wacan isu diyaariyaa, waayo dadkii waxaa dhibaato ku haya kooxdan tirada yar ee M23.

  • francis ngomuo
    April 25, 2013 @ 09:21:05AM

    Mahadsanid Sabaaxi! Fadlan waxameeshakasocda nala soosocodsii.

  • juma musa
    April 25, 2013 @ 09:18:03AM

    Xukuumadu waa inaysan gadaal eegin, ciidamada Tanzania iyagana khayr ayaan u rajaynayaa. Waxaa Tanzania la gudboon inay sidoo kale isu diyaariso inay dagaal la gasho dalka Malawi sida ugu dhakhsaha badan. Hadaba si aysan wax karaahiyo ahi u dhicin, waxaa haboon in la galo dagaal faa’ido leh, mana aha in la dayaco juhdiga iyo tamarta dalka. Waxan leeyahay is bedel aan samayno oo aan nabad raadino, iyo wiixii kale ee danta qaran ee Tanzania ay ku jirto.

  • mathias mwita
    April 25, 2013 @ 05:05:19AM

    Waa in ciidamada Tanzania ay taxadiraan intay joogaan dalka Congo, waayo waxaa dalkaa ku yaala kaymo cajiib ah oo waawayn, ciidamaduna ma garanayaan dhulkaa ay joogaan.

  • costantine
    April 25, 2013 @ 04:10:39AM

    Anigu waxaan taageersanahay ciidamada Tanzania ee hawlaha nabad ilaalinta ka wada dalka Kongo barigiisa, sababtoo ah xaaladaha bini’aadamnimo ee halkaa ka jiraa waa kuwo aad u xun, halkaasoo dumarkii la kufsanayo caruurtiina ay dhimanayaan.

  • Leonard nundi
    April 25, 2013 @ 01:26:48AM

    Aniga waxay ila tahay kooxda M23 waxay samaysaa ma jiro, awoodna uma laha inay la dagaalamaan ciidamada Tanzania. Kooxdani ma ogsoona inay laynayaan dad reer koongo ah oo aan waxba galabsan, iyo inuusan ilaahay arrinkaa raali ka ahayn, laakiin dhiiga dadka reer Koongo naclad ayuu ku noqon doonaa.

  • Yusuph Hamis
    April 25, 2013 @ 01:08:17AM

    Hasoo hadal qaadin waxaa duliga ah ee M23! Waa in ciidamada Tanzania ay halkaa kasii wadaan badbaadinta boqolaalka dad ah ee isugu jira hooyooyin in caruur tabaalaysan.

  • nduza boni
    April 24, 2013 @ 06:00:36PM

    Tanzania waa dal lagu kalsoon yahay marka laga hadlayo nabadaynta qaarada Afrika, waxaanay ka qaybqaadatay xoraynta dalal badan. Hadaba anigu waxaan ahay nin wadani ah oo jecel qaarada Afrika, siiba dalka Koongo, waxaanan sidoo kale ahay wadani u dhashay dalkaa Tanzania, markaa waxaan taageersanahay dadaalka uu dalkaygu ugu jiro sidii dalka Congo nabad loogu soo dabaali lahaa, hadii ay suuro gal tahayna waa in la karbaashaa kooxda falaagada ah ee M23 waana in la caydhiyaa.

  • otoyo ondieck
    April 24, 2013 @ 03:39:10PM

    Dagaalka micnihiisu waa hanjabaad.

  • ALFRED NGOMA
    April 24, 2013 @ 10:04:25AM

    Hadii ay dhab ahaantii ixtiraam u hayaan dhaxalkii Macalim Nereeri, arrimohooda miiska wada xaajoodka ayay ku dhamaysan lahaayeen oo dagaal ma galeen, waayo Macalim Nereeri waligii dagaal muusan galin hadii aysan jirin sababo adag oo dagaal ku kalifi kara.

  • salim
    April 24, 2013 @ 09:08:35AM

    Magacayguwaa Saalim Yuusuf, waxaanan kunoolahay magaalada Daarasalaam.Xukuumadu waa in ay sanfaragalin ku samaynindadka, waanainay wax kaqabataa dhibaatooyinkahaysta muwaadiniinteeda, kuwaasoo ay ka mid yihiin saboolnimada xad-dhaafka ah iyo shaqola’aanta iyo maamul xumada (musuqmaasuqa) iyo adeegyada bulsheedee liita…

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Dhacdooyinkii ammaan ee dhawaan ka kala dhacay Mombasa iyo Nairobi sida ay u badan tahay waxay ka dhasheen:

Fiirso natiijada