Kenyatta oo ay haysato rajoojin sare, iyo caqabado waawayn

Waxaa qoray Rajab Ramah oo Nairobi jooga iyo Bosire Boniface oo Wajeer jooga

Abriil 10, 2013

  • 118 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa rajada kor u qaaday isaga oo balan qaaday in uu xajinayo dastuurka fulinayana dib u qaabaynta dowladda, xoojinayana cunto helida, korna u qaadaya ganacsiga gobalka xiligii la caleema saarayay ee Talaadada (Abriil 9-keeda) isaga oo jooga Xarunta Ciyaaraha Caalamiga ee Moi ee Nairobi.

Uhuru Kenyatta ayaa loo dhaariyay in uu noqdo madaxwaynihii afaraad ee Kenya abriil 9-keedii 2013 iyada oo ay tobanaan kun oo taageerayaashiisa ah u riyaaqayaan, in kasta oo uu wajahayo maxkamad la xidhiidha dambiyo baniiaadamka ka dhan ah. [AFP] Play Video
  • Madaxwaynaha Kenya ee 4-raad Uhur Kenyatta (midig) oo la siinayo seef matalaysa awooda kana qaadanaya madaxwaynaha hada jagada ka tagaya ee Mwai Kibaki (ka labaad bidix) kadib markii xafiiska loo dhaariyay Abriil 9-keedii isaga oo nairobi jooga. [Tony Karumba/AFP]

    Madaxwaynaha Kenya ee 4-raad Uhur Kenyatta (midig) oo la siinayo seef matalaysa awooda kana qaadanaya madaxwaynaha hada jagada ka tagaya ee Mwai Kibaki (ka labaad bidix) kadib markii xafiiska loo dhaariyay Abriil 9-keedii isaga oo nairobi jooga. [Tony Karumba/AFP]

  • Ciyaartooy hidaha iyo dhaqanka ah oo madadaalinaya dadkii ka soo qayb galay xafladii dhaarta ee Madaxwaynaha Kenya ee cusub Uhuru Kenyatta Abriil 9-keedii 2013 iyaga oo jooga garoonka qaranka ee kubada cagta ee Nairobi. [Tony Karumba/AFP]

    Ciyaartooy hidaha iyo dhaqanka ah oo madadaalinaya dadkii ka soo qayb galay xafladii dhaarta ee Madaxwaynaha Kenya ee cusub Uhuru Kenyatta Abriil 9-keedii 2013 iyaga oo jooga garoonka qaranka ee kubada cagta ee Nairobi. [Tony Karumba/AFP]

Kenyatta, oo 51 jir ah ayaa ah madaxwaynihii ugu yaraa ee Kenya ahna wiilkii madaxwaynihii ugu horeeyay ee Kenya ee Jomo Kenyatta.

Hadalkii xaflada caleemasaarka ee uu qaranka u jeediyay, ayaa Kenyatta uu sheegay in uu ka shaqayn doono xuquuqda kenyaanka sharcigana uu fulin doono si dimuuquraadiyadu ay lugaha ugu istaagto Kenya.

"Dowladaydu waxay isla markiiba bilaabi doontaa arinta taageerida kala qaybinta maamulka dowladda waxayna u sahlaysaa madaxada gobalada in ay fuliyaan arinta uu dastuurku u idmay ayna fuliyaan balantii ay ka qaadeen dadka Kenya," ayuu yidhi. "Waxaan rabaa in ay dhamaanteen inoo cadaato---in taageerida kala qaybinta dowladda aysan ahayn khiyaar, sida ay kuwo ku andacoonayaan--laakiinse ay tahay xil. Xil dastuuri ah. Kaas oon ku dhaartay in aan fulinayo."

100-ka maalmood ee ugu horeeya

Xiliga 100-ka maalmood ee ugu horeeya, ayaa madaxwaynuhu wuu balan qaaday in uu joojinayo lacagta laga qaado haweenka dhala, in uu siinayo caafimaad bilaasha ah Kenyaanka oo dhan iyo in uu xajiinayo in caruurta iskuulada dowladda dhigata ee fasalka koowaad galaysa sanadka soo socda oo dhan ay helayaan kumbuyuutarka gacanta lagu qaato.

"100-ka maalmood ee ugu horaysa, waxaan samayn doonaa qorshe oo lagu hagayo 6 bilyan oo shilinka Kenyaanka ah ($71 milayn) oo hada ka hor loogu tala galay ku celinta doorashooyinka in lagu sameeyo Dhaqaale Dhalinyarada iyo Haweenka ah taa soo u furan dhalinyarada iyo haweenka ka imaanaya qayb kasta oo wadanka ah," ayuu yidhi.

Kenyatta ayaa sheegay in maamulkiisu uu taageerayo Gudiga Qaranka ee Dhulka in uu xal u helo arimaha xasaasiga ee dhulka la xidhiidha.

"Dowladaydu waxay ku dadaali doontaa in ay la shaqayso qof walba si ay u xaqiijiso in arimaha dhulka la xidhiidha aysan mar danbe soo noqonin ama aysan noqonin mid khilaaf keenta, laakiinse waxaan rabnaa in dhulku noqdo waxa uu run ahaantii yahay, oo ah meel wax soo saar," ayuu yidhi.

Kenyatta ayaa balan qaaday in uu wax ka qabanayo shaqo la'aanta isaga oo abuuraya shaqooyin, gaar ahaan dhalinyarada.

Wuxuu dul istaagay fursadaha ka jira shirkadaha khaaska ah, ciyaaraha iyo madadaalada, wuxuuna balan qaaday in uu fududaynayo habka ganacsiga lagu bilaabo loogana shaqeeyo.

Wuxuu sheegay in dowladiisu ay balaadhinayso soo saarka korontada iyo "in ay ku sii darayso guulihii maamulkii hore ay gaadheen ee dhinaca kaabayaalka, isaga oo sheegay in ay kordhinayaan isu socdka loona marayo wadooyin iyo tareeno, iyo sidoo kale in la kordhin doono helitaanka internetka".

Wuxuu kale oo uu sheegay in maamulkiisu ay ka go'an tahay furitaanka ganasiga gobalka iyada oo tirtiraysa caqabadaha gacansiga ee Shacabka Bariga Afrika. "hadafkaygu waa in aan arko koror socda oo shacabkaanaga ah oo ah dhinaca is dhax gal dhamaystiran," ayuu yidhi.

Xil wareejin nabad ah

Madaxwaynaha xilka ka dagaya eeMwai Kibaki, 81, jir ah ayaa sheegay in uu tooshka u dhiibayo jiil cusub. "Iyada oo aan ka baxayo madaxtinimada, ayaanan wax shaki ah igu jirin in wadanku uu gacmo fiican ku jiro," ayuu yidhi.

Wuxuu amaanay "fikrad wanaaga, awooda, dhiiranaanta iyo shaqo badnida" uu muujiyay Kenyatta xiligii ololaha, wuxuuna sheegay in tayooyinkaas ay ka muuqan doonaan hawlaha dowladda.

"Hogaaminta Madaxwayne Uhuru Kenyatta iyo Ku Xigenkiisa William Ruto, ayaa ay haysataa lamaane hawlkareen ah," Kibaki ayaa sidaas yidhi. "Kenyaanka iyo shacabka caalamka ayay muhiim tahay in ay fursad siiyaan taageeraana si ay shaqadooda madaxtinimo u fuliyaan."

Kibaki ayaa sidoo kale kalsoonida siiyay madaxada kale ee loo doortay qaranka iyo kuwa ku eg gobolada. "Kuligeen waxaan nahay hal wadan, oo Kenya ah, kaas oo leh hal dowlo oo qaran iyo 47 gobolo dagmeedyo," ayuu yidhi. waxaa idinku waajib ah in aad kashaqeysaan hab uwanaagsan qarankeena."

Madax gobaleedyada iyo diblomaasiyiin ajnabi ah ayaa daawaday taageerayaasha Kenyata oo buux dhaafiyay garoonkii iyaga oo ciyaaraya heesaha la qaadaya dhoolatus milatarina samaynaya.

Madaxda wadamada yimid xafladii caleema saarka waxay ahaayeen Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxwaynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit, Madaxwaynaha Tansaaniya Kikwete iyo Madaxwaynaha Uganda Yoweri Museveni.

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Raila Odinga, oo maxkamadii ku guuldaraystay in uu laalo guushii Kenyata, ayaan imaanin, in kasta oo Kenyatta ku guubaabiyay "akhyaarta ka soo horjeeda" in ay ka qayb qaataan iyagoo siaasiyiin macaarad ah.

Kenyatta ayaa kaga guulaystay doorashadii Maarso 800,000 oo cod Odinga, oo ahaa tartamihii ugu soo dhawaa.

Caqabado horyaala

"Kadib doorasho nabad ah iyo xilwareejin, ayaa Kenya ay galaysaa xili adag oo ah dhisitaan guusha ay gaadheen," xubinta baarlamaanka ee laga soo doorto Eldas ee Aadan Keynan ayaa sidaas yidhi. "Shaqada ugu horaysa ee madaxwaynaha waa in uu wadanka mideeyo kadib olole dadka kala qaybiyay doorashada horteed."

Madaxwaynaha ayay waajib tahay inuu hubiyo sinaan, cadaalad iyo inuu dhinaca walba dhagaysto marka uu shaqadiisa qabsanayo, ayuu u sheegay Sabahi. Wuxuu sheegay in amaanka dalka ay muhiim tahay in la xoojiyo lana fiiriyo khatarta ka imaanaysa kooxdan al-Qaedaisbaheysiga la ah ee al-Shabaab.

Kenyatta iyo Ruto, ayaa si kastaba ha ahaatee ay caqabado horyaalaan, ma aha oo kaliya xukun dad qabiil ku kala qaybsan iyo khatarta al-Shabaab, laakiinse dacwada la sugayo ee Maxkamada Dambiyada Aduunka.

Labada nin ayay haysataa dacwo sanadkan dhamaadkiisa taas oo ka dhacaysa The Hague loona haysto dambiyo baniiaadamka ka dhan ah. taas oo la xidhiidha qalalaasihii ka danbeeyay doorashadii shan sano ka hor, taa soo qiyaastii 1,200 oo qof lagu dilay ilaa 300,000 oo qofna la barakiciyay, sida ay sheegayso Qaramada Midoobay.

Kenyatta iyo Ruto ayaa labaduba beeniyaya eedaymahaas iyaga ku lidka ah sheegayana in ay si buuxda ula shaqaynayaan maxkamada.

Kenyatta ayaa si gooni ah u soo qaadin dacwada ICC xiligii khudbadii caleema saarka, laakiinse ku celceliyay in uu ka shaqaynayo in uu fuliyo "masuuliyada caamlaminimo, iyada oo arintaas ay saldhig u tahay tiirar si fiican loo qeexay iyo is ixtiraam labada dhinacba ka yimaada".

Dowladda cusub ayay muhiim tahay in ay shaqo abuurto, Kenyaankana midayso

Omondi Owino, oo 26 jir ah, oo dhakhtarnimada ka barta Jaamacadda Nairobi, ayaa sheegay in dhalinyaro badan oo Kenyaan ah oo tayo leh ay shaqo la'aan yihiin, kana codsaday dowladda cusub in ay abuurto jawi shaqo abuur ah.

"Hadda oo aan haysano madaxwayne cusub, waa in aan xambaarsanaanaa siyaasad cusub bilawnaana shaqo muhiim ah," Owino ayaa u sheegay Sabahi. "Waxaan rajaynayaa in madaxwaynuhu uu siyaasada xisbi iska dayn doono uuna u khidmayn doono Kenyaanka oo dhan isaga oo waxay ka sugayeen samaynaya, iyada oo aan la fiirinaynin xidhiidhkoodii hore ee siyaasadeed.

Maina Mwangi, oo 30 jir ah, oo dharka ku iibiya Nairobi, ayaa ka codsaday dowladda cusub in ay dhalinyarada ku kaalmayso in la siiyo dayn dulsaar yar leh si ay ganacsi u bilaabaan.

"Dowladu waa in ay si aad ah u shaqaysaa iyaga oo bixinaysa dayn siinaysana dhalinyarada si ay lacagtaas ugu adeegsadaan una noqdaan kuwo shaqo abuura intii dhalinyaradu ay ahaan lahaayeen kuwo suga shaqo," ayuu u sheegay Sabahi.

Lilian Aoko, oo 29 jir ah oo ah macalin dugsi hoose oo Nairobi dhiga, ayaa sheegay in ololaha iyo doorashooyinkiiba ay wadankii kaga tageen kala qaybsanan dhinaca jinsiyada, qaar qabaa'iada ka tirsana ay dareemayaan in aan lagu darin jagooyinka muhiimka ah ee dawlada.

"[Madaxwaynuhu] waa in uu hada madaxwaynanimadiisa isticmaalaa si uu noo mideeyo anaga. Tani waxaa lagu gaadhi karaa in lagu daro Kenyaan kasta meelaha muhiimka ah ee go'aanada lagu gaadhayo shaqada dowladuna ay ka socoto," ayay u sheegtay Sabahi.

Michael Gitau, 40 jir ah ahna iibiye wargaysyo ayaa sheegay in ay madaxwaynuhu ay tahay in uu ka shaqeeyo sidii uu dhaqaalaha ku soo noolayn lahaa.

"Waxaan kale oon ka codsanaynaa in uu taageero beeraha iyo in uu ku kaalmeeyo beeralayda [abuurida alaab diyaarsan], si ay lacag uga helaan beerahooda," ayuu yidhi.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • abdull
    June 14, 2013 @ 02:32:52AM

    Dad badan ayaa meesha soo maray, imikana waa markaagii. Bal eeg ballanqaadyada aad noo balan qaaday, waayo dad badan aa halkaa ku fashilmay kadibna dadwaynaha u arkay inay yihiin dad xun, inkastoo cidda ballanqaadyadaa samaysay ay adiga tahay. Laakiin madaxwayne Kenyatta waxaan ku leeyahay wax waad qaban kartaa, ee feejignow.

  • abdull
    June 14, 2013 @ 02:23:46AM

    Waxaan leeyahay aynu noqono dad siman oo yaynaan noqonin siday dadka hogaanka hayaa moodayaan.

  • Juma kenga
    May 25, 2013 @ 05:16:15PM

    Waxaa ku waajib ah inuu fuliyo balanqaadyadiisii.

  • wanyama erony alfred
    May 25, 2013 @ 12:43:29PM

    adigaa waligaa ahaan doona madaxwaynahayga, waxa kaliya ee aad sii wadaana waa dadka reer Kenya oo aad si cadaalad ah ugu adeegto sidaad hadaba ugu adeegayso.

  • changawa
    May 24, 2013 @ 01:33:16PM

    mudane madaxwayne fadlan ha ilaawin dadka badan ee bilaa camalka ah iyo dadka wadooyinka ku nool ee sii badanaya.

  • DAVID WANGAI
    May 22, 2013 @ 05:12:12AM

    Mudane madaxwayne fadlan ha ilaawin dhalinyarada.

  • Cyrus
    May 21, 2013 @ 10:23:13AM

    Waxaan idinku hambalyaynayaa rajada aad dhalinyarada siiseen. Wax soo saarka beeruhu waa laf dhabarta dhaqaaleheena. Markaa waa in la dadaalaa si loo hobiyo in qiimaha kafeega iyo caanuhu ay noqdaan mid munaasib ah oo tartan gali kara, si ganacsiga beeralaydu uu usii socdo.

  • moses kamau
    May 21, 2013 @ 06:47:15AM

    Waxaan jecelahay inaan madaxwaynaha uga mahad celiyo, hawsha wacan ee uu qabtay ilaa markii uu xukuumada la wareegay, isaga iyo ku xigeenkiisu. Waxaan jecelahay inaan ku guubaabiyo inay shaqooyin dheeraad ah abuuraan, si ay dhalinyaradu xukuumadan uga faa’ido oo aynu u gaadhno himilada sannadka 2030 ee la sheego.

  • charles okanga
    May 21, 2013 @ 03:36:29AM

    Si wacan ayaa loo soo baaray

  • Solomon mwareri
    May 17, 2013 @ 10:06:58AM

    Waxaan anigu jecelahay sida ay idiinka go’an tahay inaad noqotaan saxaafad run-sheeg ah oo hufan, iyo sida aydaan u eexanin ee aad dhamaan dadka nabada jecel aad u wacyi galisaan.

  • rozie maorwe
    May 17, 2013 @ 08:58:37AM

    Mudane madaxwayne ha ilaawin siyaasiyiinta ruug cadaaga ah, waayo horaa loo yidhi timir lafbaa ku jirta, (taa macneheedu waxa weeyaan dadka muhiimka ahi afkaar muhiim ah ayay maskaxda ku hayaan).

  • catherine wa muriithi
    May 16, 2013 @ 07:18:58AM

    Waxaan ilaahay aad iyo aad ugu mahadinaynaa inuu na siiyay madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen cusub. Markaa waxaa loo baahanyahay in ilaahay la isu dhul-dhigo, dadka reer kenyana waa inay jilbaha dhulka dhigaan inkastoo ay meeqaam cusub yeesheen. Ilaahay ha idin barakeeyo oo ha barakeeyo Kenya..dhamantiina aamiin dhaha.

  • LILLIAN
    May 16, 2013 @ 06:11:00AM

    Mudane madaxwayne waxaan ilaahay ka baryayaa inuu ku barakeeyo intaad dadka reer Kenya u shaqaynaysid

  • MBURU ALLAN
    May 16, 2013 @ 01:23:05AM

    Dustuurku waa inuu sidiisa ahaadaa oo waa inaan la kharibin habayaraatee.

  • JOHN MUGI
    May 15, 2013 @ 12:58:04PM

    Run ahaantii waxaan taageersanahay hadalkii uu yidhi madaxwaynihii hore, kaasoo ahaa inuu dalka gacmo aamin ah kaga tagay. Laakiinse waxaan rajaynayaa in labada hogaamiye ee ugu sareeyaa ay wixii dadaal ah ee ay awoodaan sameeyaan. Waxaanan ilaahay ku mahadinayaa barakadan.

  • Mohn Musyoki
    May 15, 2013 @ 07:25:02AM

    Run ahaantii Kenya cusub ayaa dhalatay. Dadkani waa dad niyadsan oo diyaar u ah in khilaafaadka la iska ilaawo oo si maskaxaysan loo shaqeeyo, si ay u wanaajiyaan heerka nolosha ee dadkooda. Reer Kenya waxaan leeyahay waxaynu nahay dad isku mid ah.

  • Berenge Juma
    May 14, 2013 @ 12:52:27PM

    Waxaan ilaahay ka baryayaa in dadka laga badiyay ay aqbalaan in laga guulaystay oo ay meesha u baneeyaan ragan da’da yar ee kartida leh si ay dalka Kenya u hogaamiyaan.

  • PATRICK KUGUN
    May 14, 2013 @ 05:57:30AM

    Waxaa hubaal ah in qorshahani uu yahay mid u wacan dadka reer Kenya. Waa madaxwayne aad u wacan.

  • Justus Mosomi
    May 12, 2013 @ 02:12:57PM

    Mudane madaxwayne waxaan kaa codsanayaa in la baadi goobo dadyowga maskaxda leh, oo dadkaas si dhab ah loo taageero, si dhalinyaradeena loo daryeelo.

  • george Kai
    May 12, 2013 @ 01:35:27AM

    mudane madaxwayne, fadlan shaqooyin abuur! Waa in Raila la shaqaalaysiiyaa mudane! Fiiri, ninkani maaha nin xun, waanuu garanayaa sida loo shaqeeyo. Kenya ma ogola in cid la faqooqo! **** Raila:- sidaa weeye

  • Adams Matei
    May 11, 2013 @ 10:57:18AM

    maqaalkani wuxuu ka mid yahay maqaalada ugu wacan

  • Pinto Nzai
    May 11, 2013 @ 06:57:45AM

    Dhalinyaradu waxay maanta haystaan rajo ah 100% inay fursado shaqo ay helaan, waayo dalkeena Kenya wuxuu dhab ahaantii helay madaxwayne da’yar, ku xigeenkiisuna waa nin isaguna da’yar oo kartileh oo caafimaad qaba, dhamaantoodna waa kuwo aragti balaadhan ay uga qorshaysan tahay dalkeena dhaqaalihiisa. Hadaba waxaan asxaabtayda (waa dhalinyarada ee) aan leeyahay debeda usoo baxa oo taageera madaxwayne Uhuru iyo kuxigeenkiisa Ruto si aynu guul intan ka wayn u gaadhno.

  • johnny
    May 11, 2013 @ 01:03:36AM

    Waxaan dhihi lahaa nimanka aan wakhti siino, markaasay hawsha kasoo bixi doonaane.

  • Stephen Willy Mwangi
    May 10, 2013 @ 08:03:10AM

    Ilaahay Kenya ha barakeeyo.

  • john kinyanjui
    May 10, 2013 @ 05:47:25AM

    Ilaahay masuuliyiinta ha barakeeyo si ay si wacan Kenya u maamulaan.

  • mercychebet
    May 9, 2013 @ 05:22:07AM

    Uhuru aad ayaad u wacan tahay, markaa iska ilaw waxay dadka kale kaa sheegayaan

  • mr omanyala
    May 8, 2013 @ 07:18:50AM

    Mudane madaxwayne waxaan rabnaa awooda in la qaybsado

  • Erick Momanyi
    May 8, 2013 @ 06:18:29AM

    waxaan ammaan u jeedinayaa faalada uu qoray mwananchi. Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisana waxaan leeyahay waxaan idinku boorinaynaa in hal-ku dhegiinu ahaado “Qawl iyo Ficil”, si Kenya u wanaagsanaato. Mudane madaxwayne wanaaji jaamacadeheena.

  • ololo
    May 8, 2013 @ 06:15:25AM

    Waxaa sawir kuwada kulmay Jomo, Moi, Kibaki, iyo Uhuru, dhamaantoodna gacmaha ayay is haysteen, sidaa aynu u kala xusnay ayay nimankani afarta ahi madaxtinimada dalkan isaga dambeeyeen. Markaa Uhuru kabacdi, sawir kale ma jiri doonaa? Maxayse yihiin qorshayaasha uu Mudane Kenyatta Junior hayaa?

  • moses walya
    May 8, 2013 @ 01:20:24AM

    waxaan u baahanahay in gunooyin wacan oo ganacsi la na siiyo. Anigu waxaan ahayn beer wale, laakiin taageero buuxda ma helno. Muuse

  • samuel kariro
    May 7, 2013 @ 09:02:00AM

    Fadlan mudane madaxwayne ha ka bixin balanqaadyadii aad noo balanqaaday hadaanu nahay dhalinyarada. Fadlan ma oofin balanqaadkaagii?

  • Daniel
    May 7, 2013 @ 07:54:19AM

    waxaan jeclaan lahaa inuu dalka ku maamulo koox ka kooban dad nidaamsan oo ay hadafkooda cadeeyaan si la mid ah siday yeeleen intii ay ku gudo jireen ololehoodii.

  • ALEX
    May 7, 2013 @ 03:21:34AM

    Aniga waxay ila tahay daruuraha ceegaagan waxay ifafaalo u yihiin roob soo socda, waxaanay ila tahay madaxwayne Kenyatta waxa uu damacsanyahay waa inuu Kenya ka dhigo meel sidii hore ka wacan. Laakiinse arrinku wuu ka duwan yahay balanqaadyadii hore ee uu madaxwaynaha Tansaaniya balanqaaday kuwaasoo ahaa in uu “muwaadin kasta oo reer Tansaaniya u dhashay uu nolol wacan heli doono”, laakiin balanqaadyadii noocaas ahaa waligood cidina maysan fulinin laga soo bilaabo maalintii koowaad ilaa maanta.

  • collins ochieng
    May 4, 2013 @ 11:12:07PM

    Waxaan rajaynayaa inaad dalkeena u maamushid sidii aad u maamushay ololahaagii.

  • evansokoto
    May 4, 2013 @ 03:43:38AM

    Madaxwaynahayaga aanu jecelnahay waan hambalyaynaynaa, waxaanan leenahay waa inaad xasuusnaataa balanqaadkii aad u balanqaaday dhalinyarad, kaasoo ahaa in aanu heli doono amaaho, si aanu u balaadhino geerashyadayada, oo aanu u awoodno inaanu fursado shaqo u abuurno walaalahayaga dhalinyarada ah, kuwaasoo shaqo la’aani hayso, si dalkeena aynu dhamaanteen u dhisno.

  • Robert
    May 3, 2013 @ 09:41:02AM

    Waxaan ilaahay ku mahadinayaa inuu Kenya u fududeeyay qaban-qaabinta doorashooyinka iyadoo aysan dhicin wax isku dhac ah oo ka dhexeeya qabaa’ilka, sidii horeba u dhacday sannadihii 1992-kii iyo 1997-kii iyo 2007-dii. Waxay u eegtahay in ay jireen laba qabiil oo colaadahaas ku lug lahaa, laakiin imika waxay garteen in dhib ku filani ay soo kala gaadhay oo aysan faa’ido u lahayn. Markaa imika inamadii iyaga ka dhashay waa kuwa madaxtooyada ku baashaalaya, dalkana xaalkiisu hore ayuu u socdaa. ……Dagaalku waligii maaha shay munaasib ah…..

  • vitalis sirere
    May 3, 2013 @ 02:46:39AM

    waa inuu hoos u eegaa shaqaalaha bulaacadaha ee la ilaaway

  • Mpoy Bukasa
    May 2, 2013 @ 05:57:56AM

    Nabadeey mudane madaxwayne. Waxaan kugu hambalyaynayaa doorashada aad ku guulaysatay, waxaana ku hortaala hawl culus sida ku cad barnaamijkaaga doorashada. Balanqaadyadaadu waa kuwo la fulin karo, waxaanan anigu kuusoo bandhigi karaa talooyinkayga, si aad balanqaadyadaas laba sanadood gudohood ku fuliso oo aad xaqiijiso horumar.

  • kelvin kimemia
    May 1, 2013 @ 11:52:04PM

    Mudane madaxwayne waxaan rajaynayaa in ay dhalanyaradu noqoto cidda faa’idada ugu badan ka hesha hogaankaaga.

  • Deno deki
    May 1, 2013 @ 02:08:27AM

    Anigu waan jecelahay xukuumada mudane Uhuro iyo mudane Ruto, balanqaadyada ay dhalinyarada u balanqaadeen awgeed.

  • peter.mburu.@yahoo.com
    April 30, 2013 @ 05:03:40AM

    Waa inuu fursado shaqo u abuuraa dhalinyarada

  • Meshack Mutinda.
    April 30, 2013 @ 01:32:24AM

    Boqortooyo kala qaybsami waligeed ma waarto. Waxaan hambalyaynayaa madaxwaynaha waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu siiyo xigmad uu Kenya ku gaadhsiiyo barwaaqo isla markaana in uu ka hawl galo sidii uu u xaqiijin lahaa balanqaadyadii uu isbahaysiga jubilee xiligii doorashooyinka balanqaaday. Wixii tagay tiigsimaad ma laha, imikana waa inaynu mustaqbalka wax ka qabanaa.

  • lameckajwala
    April 29, 2013 @ 07:01:27AM

    waxaan rajaynaynaa in aad dhamaan dadka reer Kenya ka fekerto, adigoo aan eegin qabaa’ilkooda, waan ku salaamayaa mudane, wawxaanan ku dhihi lahaa sii wad adeega aad noo adeegaysid. Ilaahay ha ku barakeeyo.

  • Lucy Gitari
    April 29, 2013 @ 06:44:20AM

    Waxaan madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa u rajaynayaa inay guul ka gaadhaan hirgalinta qorshaha uu dalkan la rabo. Ilaahay Kenya ha barakeeyo.

  • Kisii mkenya
    April 27, 2013 @ 03:20:13AM

    Khayr ayaan u rajaynayaa madaxwaynahayga, wax shaki ahna kama qabo in isbedel uu soo socdo.

  • Suba alex
    April 26, 2013 @ 08:29:28PM

    Mudane Uhuru waanu ku eegaynaa, marka hadal macaan uun yuusan noqonin waxaagu. Waxaanu rabnaa ficil sababtoo ah waxaanu ognahay inay siyaasiyiintu been sheegaan markay codadka rabaan.

  • seveni alex from mombasa
    April 26, 2013 @ 05:57:03AM

    Waxaan madaxwayne Uhuru ku hambalyaynayaa nidaamka cusub ee uu wasiirada ku magacaabay, laakiin waxaan leeyahay wali dhalinyaradii way ku sugayaan.

  • seveni alex from mombasa
    April 26, 2013 @ 05:43:47AM

    Golaha wasiirada Kenya wax dhib ahi kama jirto, balse waxaan ka warwarsanahay inaan dhalinyaradii waxba la siinin, waayo cidina ma matasho habayaraatee.

  • wakamau
    April 26, 2013 @ 05:37:12AM

    Doorashadan madaxtinimo waxay ahayd mid si qurux badan loogu tartamay oo loogu kala badshay, waxaanan taa uga jeeda guul wayn ayay ahayd. Waxaan madaxwaynaha u rajaynaynaa khayr, si aan u xaqiijino himilada is bahaysiga jubilee.

  • BEATRICE KIBUTHA
    April 26, 2013 @ 04:44:32AM

    Jesus (Nabi ciise) ayay amaani u sugnaati guusha dalkani gaadhay aawadeed, waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu fadligiisa siiyo mudane madaxwayne Uhuru Kenyatta iyo ku-xigeenkiisa mudane William Ruto. Waxaan sidoo kale ilaahay ka baryayaa inuu cilmi iyo xigmad labadaba siiyo si ay dalkan alle ka cabsi ugu hogaamiyaan. Ilaahay ha barakeeyo labadoodaba.

  • Rotich Ronald Kiprono
    April 25, 2013 @ 10:39:38AM

    waa arrin wacan oo amaan mudan, isla wixii ay dadka reer Kenya filayeen ayaynu hadda dareemaynaa. Waad mahadsantihiin ilaahayna Kenya ha barakeeyo.

  • joel amenya
    April 24, 2013 @ 10:57:16AM

    Iska ilaawa wixii tagayookashaqeeyasidii loo abuurilahaa qaran midaysan.Mudane Kenyatta waxaan kud hihilahaasoo afjar qabyaalada iyo nacaybka dhexyaala shacabkaaga.Waxaad tahay dookhayga, wixii aad rabtayna waad heshay.

  • goggy amolo
    April 24, 2013 @ 10:04:46AM

    mudane madaxwayne wax yaabo badan ayaa kaasugaynaa, marka fadla nsafka hore gal si aad u hubiso in arrimahaa saad u fuliso.

  • steve mutuku
    April 24, 2013 @ 09:21:43AM

    Mudane madaxwayne khayr ayaan kuu rajaynayaa intaad jagadan hayso, waxaanan si xiiso leh uga warsugaynaa inaan ku aragno adigoo fuliyay dhamaan balanqaadyadaadii. Hambalyo!

  • munene
    April 24, 2013 @ 08:16:57AM

    Dalkeena waxaa hadda hogaankiisa haya jiil da’ yar oo aan aqoon cunsuriyad iyo qabyaalad iyo raga iyo dumarka oo la kala takooro, markaa hambalyo. Waxaan Uhuru iyo ku xigeenkiisa leenahay hore u socda, waayo waad buuxiseen shuruudii laga rabay cid qaran hogaamin karta.

  • Davenielly
    April 24, 2013 @ 07:22:57AM

    Anigu waxaan ka mid ahay dadka shakiga ka qaba awooda maamulka soo socda. Si kasta ha ahaatee, arrinku waa sheeko dhamaatay, markaa waa in aan fursad siinaa si ay inoo tusaan inaan qaldanahay.

  • Rono
    April 24, 2013 @ 07:08:50AM

    Jiilka da’da yar fursad iyo wakhti ha la siiyo si ay wax uga badalaan sawirka Kenya. Hambalyo mudane madaxwayne iyo mudane madaxwayne ku xigeen, noolaada ragyohow

  • Mercy Buogi
    April 24, 2013 @ 06:57:13AM

    Wax kasta oobilawlihidhamaadayuuleeyahay. Hadiixisbi gaagu uusankuguulaysan doorashadii madaxwaynaha, deewaa in noloshu ayhalkeediikasiisocotaa.Waa in aynu midownaa oo aynu la shaqaynaa madaxwayneUhuru Kenyatta.

  • 0711737288
    April 24, 2013 @ 04:35:52AM

    Madaxwaynaha iyo kooxdiisa waanu ku kalsoonahay inay dalka Kenya ka fogayn karaan saddexda cadaw ee kala ah: saboolnimada iyo cudurka iyo jaahilnimada, oo ay taa ku gaadhi karaan shaqooyin dheeraad ah oo la abuuro.

  • Muhudin Ahmed Dayib
    April 24, 2013 @ 03:32:46AM

    Runtii mudane Kenyatta qadarin ayaan u haynaa, waayo wuxuu mideeyay dadkii, waxaanuu xoojiyay nabadii iyo isafgaradkii qaranka dhexdiisa ka jiray, markaa waxaan rajaynayaa inuu si qoto dheer u indha-indheeyo sida ay dadka reer Kenya doorkooda u ciyaareen, waxaanan ku guubaabinayaa inuu fuliyo balanqaadyadii uu qaranka u balanqaaday, si uu u cadeeyo inuu wixii masuuliyad ah ee saarnaa ee laga rabay uu kasoo baxay.

  • ALFRED KIPKOECH LANGAT
    April 24, 2013 @ 03:19:27AM

    Anigu waxaan qabaa Kenya hadda waa dal mudakar ah marka aynu ka hadlayno xaga hirgalinta siyaasadaha iyo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo dhamaan mashaakilka kaleeto. Markaa waxaan ilaahay ku mahadinaynaa waxyaabaha cusub ee aan dalkeena ku arkayno. Dadka reer Kenya iyaguna way mahadsanyihiin.

  • OBENGI LIECH.
    April 23, 2013 @ 03:35:08PM

    Mudane madaxwayne waanu kugu kalsoonahay inaad xaqiijin doontid balanqaadyadaadii!

  • REGINA NYABOKE
    April 23, 2013 @ 02:46:44PM

    Waanu kugu kalsoonahay waanan kuu ducaynaynaa mudane madaxwayne, hore u soco! Guul

  • teddy odhiambo
    April 23, 2013 @ 10:26:42AM

    Mudane madaxwayne waxaan ilaahay ka baryayaa in uu maadaama guul ku gaadhsiiyay uu waligaa habeen iyo maalinba ku garab taagnaado, hadii kitaabka injiilka ee aad sidataa uu muhiimad kuu leeyahay, waa inaad ilaalisaa daacadnimada, waana inaanad dooranin asxaabtaada si ay wax kuula maamulaan, waayo markasta dadka way hoosaasiyaan, waxaanan ku leeyahay sidii kuwii kaa horeeyayba ay u guulaysteen ayaad u guulaysan doontaa. Ilaahay cimri dherer ha ku siiyo, si aad dadka taagtadaran ee dhalinyarada iyo dumarka ah aad awood u siiso. Nabadeey.

  • PHILIP OCHIENG
    April 23, 2013 @ 02:37:30AM

    Mudane madaxwayne waad ku mahadsantahay guusha, balse waa inaad isku daydaa inaad dadka isu keento oo aad qaranka dhamaantii u adeegtid.

  • [email protected]
    April 23, 2013 @ 01:06:03AM

    Madaxwaynuhu wuu saxsan yahay, laakiin waa inuu hubiyaa inuusan baarlamaanku dustuurka ku xadgudbin, waana inaan cidna dambi ay gashay aan lagala xisabtamin, waana in khayraadka dalka la qaybiyaa, hadii intaa la helo anigu si buuxda ayaan u taageerayaa.

  • Moses Boit
    April 22, 2013 @ 12:36:53PM

    Doorashooyinkii dalka way kala qaybiyeen, markaa si uu madaxwaynuhu uu dalka u daaweeyo, waa inuu soo dhisaa xukuumad ka kooban oo ay dhex muuqdaan dhamaan dadka iyagu xisbigiisa ka codeeyay.

  • Elvis muhari
    April 22, 2013 @ 10:36:33AM

    Raila debeda ha loo tuuro. Maalintii Salaasadu cajiib ayay ahayd. Waa in cidi u tagtaa “daily post”. Wuu masayrsanyahay.

  • Dr Eliafie Swai
    April 21, 2013 @ 01:43:18AM

    Waxaan dhamaan dadka reer Kenya ku hambalyaynaynaa siday noogu muujiyeen anaga iyo mandaqadaba habka lagu gaadhi karo mudakarnimo siyaasadeed. Dustuurkiinu waa mid heer sare ah, markaa waa in hadda arrimuhu kala dagaan, inkastoo ay tahay inaad wixii tagay ilawdaan, hadana waa inaad casharo ka korodhsataan oo aad dalkiinana hore u socodsiisaan si uu hormood uga noqdo dalaka bariga afrika xaga barwaaqada dhaqaale. Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu idin barakeeyo oo uu idin ilaaliyo.

  • renson gwaro
    April 20, 2013 @ 11:31:29AM

    Uhuru waa inuu dustuurka ku dhaqmaa oo uu qalbiga ku hayaa, waana inuu u shaqeeyaa dhamaan dadka reer Kenya ee sida culus ugu codeeyay.

  • mulau june
    April 20, 2013 @ 06:44:08AM

    Mudane madaxwayne, waan ogahay inaad sidaa yeeli kartid, waanay I cajabiyeen aniga kalmadaha aad tidhi ee aad dadka Kenya rabtid inaad ku midayso, waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu adiga iyo Ruto awood idiin siiyo inaad dalka Kenya isbedel wacan u keentaan.

  • Silva
    April 20, 2013 @ 12:35:39AM

    Waan hambalyaynayaa Kenyatta, waxaanan leeyahay dadka reer Kenya kalsooni gali maadaama ay ku doorteen.

  • nagea hamisi
    April 19, 2013 @ 07:42:51AM

    Xukuumada cusub ee Kenya khayr ayaan u rajaynayaa

  • ADOYO GEORGE
    April 19, 2013 @ 06:27:17AM

    Dhamaanteen aan khayr u rajayno madaxwaynaha iyo dadka la shaqaynaya.

  • alice muthoni
    April 19, 2013 @ 05:31:03AM

    Ninkani waa madaxwaynaha ugu wacan, waayo markii madaxtinimada loo doortay, wuxuu dadka dareensiiyay oo uu maskaxdooda galiyay inay si maskaxaysan arrimohooda u maareeyaan, wuxuuna sidaa ku gaadhay isagoo adeegsanaya kalmadihiisa xasaasiga ah ee afkiisa kasoo baxayay

  • mtemacheche
    April 19, 2013 @ 04:37:07AM

    Rajadu waa shay muhiimad wayn u leh sidii aynu horusocod u gaadhi lahayn

  • WANGA
    April 18, 2013 @ 07:28:49AM

    Waxaan ilaahay ku mahadinaynaa hogaanka cusub, mana filayno in balanqaadyo been ah lanoo sheego, sida hore caadiga u ahayd. Waxaan hada sugaynaa balanqaadyo dhab ah.

  • richard osumo
    April 17, 2013 @ 11:31:43PM

    Madaxwayne Kenyatta iyo xukuumadiisu waa inay lacagtaas loo qoondeeyay soo iibinta kombiyuutarada loogu talagalay ardayda fasalada koowaad ku wareejiyaan wax ka qabashada arrimaha kale ee xasaasiga ah, sida kor u qaadista mushaharooyinka shaqaalaha dawlada. Si kasta ha ahaatee, dhamaan dadka waan hambalyaynayaa, laakiin arrinkan ha laga fekero.

  • jamesam
    April 17, 2013 @ 08:59:35AM

    Xukuumadu waa inay wax ka qabataa dabargoynta saboolnimada dadka Kenya.

  • jwakirema
    April 17, 2013 @ 06:19:16AM

    Waxaa indhaha lagu wada hayaa madaxwaynaha, waxaanan leenahay madaxwayne na midee, diyaarna waanu u nahay inaanu aragno Kenya oo isbedeshay intay xukuumadaadu talada hayso…….dadaal inta karaankaaga ah.

  • vkey chepz
    April 17, 2013 @ 04:57:10AM

    Mudane Kenyatta waa inuu si daacadnimo ah ugu shaqeeyaa dhamaan dadka reer Kenya, waana inuu hubiyaa in dhamaan dadka reer Kenya ay khayraadka si siman uga faa’idaystaan…

  • Charles mulandi
    April 17, 2013 @ 01:39:30AM

    Magacaygu waa Charles waxaanan ku noolahay magaalada Taveta. Mudane madaxwayne, Taveta mudo dheer ayay faqooqnayd, wax wadooyin ahna malaha. Markaa nasoo booqo oo indhahaaga kusoo arag. Anagu xitaa ma ogin inaanu dalka Kenya ka mid nahay, ee wax qabo. Anagu waanu ku jecelnahay, waxaanan rumaysanahay inaad sidaa yeeli kartid.

  • 0727803035
    April 17, 2013 @ 12:00:52AM

    Waxay reer Kenya rajaynayaan in xukuumada cusubi ay isbedel keeni doonto waxna wanaajin doonto

  • David cheruiyot
    April 16, 2013 @ 08:08:27PM

    Waxaan madaxwaynaha u rajaynayaa guul inta uu dalkan hogaankiisa hayo.

  • GENESIO MUTWIRI
    April 16, 2013 @ 02:04:36PM

    Mahadsanid mudane madaxwayne

  • kiptoo kegei.
    April 16, 2013 @ 01:19:26PM

    Dadka reer Kenya waxaan leeyahay aynu Samir yeelano, waxaana hadda la joogaa wakhtigii aynu waxqabad samayn lahayn, ee wali waa degdeg in la dhaleeceeyaa.

  • darius musyoki
    April 16, 2013 @ 01:10:10PM

    Wali way cusub yihiin, markaa hal sano kaliya aynu siino, markaasaynu arki doonaa siday usoo shaac bixi doonaan

  • Zakaria Makari
    April 16, 2013 @ 08:36:03AM

    Anagu ma rabno balanqaado been ah oo madhan, balse waxa weeyaan in talaabooyin la qaado.

  • daniel serem
    April 15, 2013 @ 07:23:25PM

    Ninku dhaar ayuu maray, markaa aynu sugno.

  • Abdiaziz
    April 15, 2013 @ 05:06:05PM

    Waxaan jecelahay inuu madaxwaynuhu si buuxda u dhaqan galiyo dustuurka ay dadka qarankeenu u codeeyeen.

  • aliche
    April 15, 2013 @ 04:13:26PM

    Waxaan ilaahay ku mahadinayaa in labadan hogaamiye la doortay, waxaanan rumaysanahay in ay Kenya u horseedi doonaan nabad oo ay dhaqaaleheenana dib usoo celin doonaan.

  • Nandwa Daniel
    April 15, 2013 @ 03:02:32PM

    Madaxwaynuhu wuu guulaysan doonaa inta uu eeb la jiro.

  • dullo
    April 15, 2013 @ 01:11:25PM

    Waxaan leeyahay aynu sugno oo aragno waxa dhaca

  • Ambrose M Wambaa
    April 15, 2013 @ 10:03:45AM

    Haa, cid kastaa xukuumada cusub rajo wayn ayay ku qabtaa. Laakiin inagu haddaynu nahay muwaadiniinta reer Kenya door muhiim ah ayaynu ciyaari karnaa. Madaxwaynuhu wuxuu ka dhiganyahay adhijire, inaguna waxaynu ka dhiganahay adhi, markaa isaga hawshiisu waa inuu abuuro jawi munaasib ah oo uu adhigu ku tarmi karo, waxaanan rajaynayaa inaan kaaliyihiisa noqdo.

  • WILLIAM WINCCESLAU BAIS
    April 15, 2013 @ 07:46:35AM

    Waxaan ogahay in dadka reer Kenya ay intay fadhiisteen ka fekereen cidda awooda u leh inay dalkan hogaamiso, waxaanan qabaa madaxwayne Kenyatta wuu awoodaa inuu dalka hogaamiyo.

  • JJared Obuogi
    April 15, 2013 @ 01:52:15AM

    Mudane madaxwayne waxaan ku leeyahay fadlan dadaal inta karaankaaga ah

  • silas musungu
    April 14, 2013 @ 11:31:13PM

    Anigu waan ogahay in labada mudane ee Uhuru iyo Ruto ay hawgali doonaan

  • Mkala Ramah
    April 14, 2013 @ 08:17:36AM

    Aynu sugno oo aynu bal eegno, waayo waxaa dhici karta inuu arrinku iska yahay hadal, balse fulintuna ay sheeko kale tahay, waxaan qabaa ballanqaadyada noocaas ah hore ayaynu u maqalnay, waligoodna lama fulin.

  • Elijah wambua
    April 14, 2013 @ 06:17:42AM

    Waxaan balanqaadayaa in aan si cadaalad ah u qaybiyo khayraadka dalka shaqooyinkana u abuuro.

  • John Maru
    April 14, 2013 @ 12:27:39AM

    Anigu waxaan ku kalsoonahay xukuumada Jubilee, waayo dadka reer Kenya dan ayaa ka haysa, waxaanan hubaa inay dadka reer Kenya wax u qaban doonaan iyagoo aan ka fekerin cidii ay doorashooyinka taageerayeen.

  • G maiyo
    April 13, 2013 @ 01:31:55PM

    Waxa la qaatay boqor talada qaadanaya

  • lel robert
    April 13, 2013 @ 01:24:48PM

    Ilaahay xigmad ha siiyo si uu wax uga badalo arrimaha kala duwan ee ku saabsan tacliinta jaamacadaha Kenya.

  • ibrahim diriye
    April 13, 2013 @ 12:46:55PM

    Waxaan aad ugu rajo waynahay in madaxwayneheenu uu dadaali doono, waayo wuxuu awoodaa inuu hubiyo in qof kasta oo reer Kenya ahi uu helo xaqiisa, taasina waxay khusaysaa dhamaan qabaa’ilka kala duwan.

  • Anatholy Kiduli
    April 13, 2013 @ 12:02:58PM

    Dhamaan dadka reer Kenya waxaa laga rabaa inay meel iska dhigaan xisbiyada ay ka tirsanyihiin oo ay madaxwaynohooda la shaqeeyaan si ay isagana ugu suurto gasho inuu fuliyo balanqaadyadii uu sheegay inuu qaban doono 100-ka cisho ee ugu horeeya ee uu shaqada qabto.

  • me
    April 13, 2013 @ 10:07:53AM

    Go’aanka uu madaxwaynuhu go’aansaday isaga iyo ku xigeenkiisu inay la kulmaan hogaamiyaha isbahaysiga CORD iyo ku xigeenkiisu waa go’aan sii xoojiyay kalsoonidii aanu ku qabnay xukuumada madaxwayne Kenyatta.

  • toshack kibala
    April 13, 2013 @ 10:05:48AM

    Anagu waanu ku taageersanahay mudane madaxwayne, waananu kugu kalsoonahay. Ilaahay ha kula jiro.

  • mw. yusuf Ali Aremons
    April 13, 2013 @ 09:57:51AM

    Madaxwayne Kenyatta waa inuu si dhab ah dib u eegis ugu sameeyaa gunnooyinka macalimiinta, si looga hortago inay dhibaato dhacdo, waayo gunnooyinkaas waxba lagama qaban.

  • Namasaka FM
    April 13, 2013 @ 08:51:55AM

    Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisu inay wax qaban karaan. Markaa waa inaynu taageernaa oo aynaan dhaleecaynin sida ay wax u wadaan iyo siday xukuumada u maamulayaan, waayo waxaa iska jira dad sugaya inay wax dhaleeceeyaan.

  • Mr mubweka
    April 13, 2013 @ 04:22:40AM

    Waxaan madaxwayneheena iyo ku xigeenkiisa u rajaynayaa khayr maadaama ay hadda gudagalayaan hawlohooda. Waxaanan leeyahay aynu dalkeena u ducayno oo aynu dhexdeena haddaynu nahay muwaadiniinta ka abuurno isjeclaansho iyo nabad iyo midnimo. Wadajir. Ilaahay ha barakeeyo Kenya.

  • obudi om
    April 13, 2013 @ 02:58:45AM

    Waxaan ilaahay ku mahadinaynaa sida nabada ah ee isbedelku u dhacay, imikana waxaa loo baahanyahay in ballanqaadyada la fuliyo.

  • kennedy mogaka
    April 12, 2013 @ 02:46:36PM

    Waxaan madaxwayneheena ka sugayaa inuu si dheeli tiran u qaybiyo jagooyinka sarsare ee qaranka, oo uu ugu qaybsho gobolada kala duwan, si aysan dadka kale u dareemin in la dayacay.

  • Thoya
    April 12, 2013 @ 08:19:01AM

    Fadlan mudane madaxwayne waxaan kugu boorinayaa inaad ballanqaadyadaadii oofiso.

  • Geoffrey Mbugua kariuki
    April 12, 2013 @ 07:28:00AM

    Waxaan rajaynayaa in madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenku ay dhalinyarada shaqooyin u abuuraan, annaguna arrinkaa waanu qadarin doonaa.

  • YOUR NAME is required mark too Tranz mara
    April 12, 2013 @ 07:20:12AM

    Anigu aad ayaan ugu kalsoonahay madaxwaynaha

  • KEVIN TSIMUNGU SHIVACHI
    April 12, 2013 @ 03:42:15AM

    Anigu waxaan aad ugu kalsoonahay in uu madaxwayneheena iyo ku xigeenkiisu ay fulin doonaan balanqaadyada ay dadka reer Kenya u balan qaadeen, oo ay Kenya-na xaalkeeda wanaajin doonaan.

  • JOHN M.WAWERU
    April 11, 2013 @ 09:54:01AM

    Anigu aad ayaan u taageerayaa faalooyinkiina (Sabahi) taladanina waa talo aad u cad oo madaxwayneheena cusub ku socota. Markaa wa inaynu inaguna kasoo horjeesanaa qabyaalada iyo daneheena oo kaliya oo aynu ka fekerno, si qaranku uu u caafimaado.

  • ongwae
    April 11, 2013 @ 08:58:15AM

    Waxaan filayaa in lasoo dhiso xukuumad daacad ah oo firfircoon oo musuqmaasuqa ka dheer oo shaqaynaysa oo dadka kamida.

  • leah opande
    April 11, 2013 @ 08:25:35AM

    Kenya run ahaantii waxay u baahantahay dimuqraadiyad iyo in dhalinyarada la shaqo galiyo, arrimahaasina waxay suurtoobi doonaan hadii Kenya ay midawdo oo ay noqoto dal diyaar u ah inuu si wadajir ah oo walaaltinimo leh u shaqeeyo. Sidoo kale waa inaynu ku kalsoonaanaa madaxwayneheena.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Illaa iyo heerkee bay dawladda Soomaaliya baylah ugu tahay basaasiinta al-Shabaab marka la eego weerarkii dhawaan lagu qaaday Villa Soomaaliya?

Fiirso natiijada