Maarso 04, 2013
Ardayda da'da yar ee Soomaaliyeed ee wax ka baratay jaamacadaha ayaa bilaabay in ay shaqooyin ka dalbadaan hay'adaha dowladda, iyaga oo ka madax banaan cabsi muddo soo jirtay kadib markii canaasirta al-Shabaab xoog looga saaray magaalada Muqdisho Agoosto 2011-kii.
Maxamed Aadan Maxamed, oo ah 30 jir kana soo qalin jabiyay Jaamacadda Muqdisho, kuliyadeeda Maamulka Ganacsiga, ayaa seddex bilood ka hor bilaabay in ay ka shaqeeyo waaxda xiriirka gobolada ee Wasaaradda Howlaha Guud. Ilaa iyo hadda, waxa uu sheegayaa in uusan la kulmin halistii uu filayay.
"Waxaan aaminsanaa in ammaankayga uu halis ku jiro haddii aan bilaabo in aan dowladda u shaqeeyo, maxaa yeelay waxaan maqli jiray shaqaalaha dowladda oo la dilayo," ayuu u sheegay Sabahi, isaga oo intaa ku daray in uu ka baqayay in uu booqdo xafiisyada dowladda.
Iyada oo ay jireen fursado yar oo shaqo ah oo uu heli karay, Axmed waa uu dalbaday iyada oo halista ay jirto. In muddo ah, waxa uu sheegay in aanu ku kalsoonayn in la shaqaaleysiin doono, iyada oo shaqooyin badan oo la soo bandhigay lagu saleeyay eex qabiil. Balse hadda arimahaas dhan way is badaleen.
Shaqooyin badan oo ka banaanaa hay'adaha dowladda ayaa lagu xayaysiiyay mareegta ay dowladdu maamusho ee Radiyoo Muqdisho.
"Waan faraxsanahay, maxaa yeelay qof walba oo danaynaya shaqada dowladda waa in uu ku baasaa imtixaanka. Waxaan dareemayaa in ay keenayso aqoon iyo hanaanka sharciga," ayuu yiri.
Deeqa Cabdi Cumar, oo ah 27 jir horayna uga shaqeyn jirtay Wasaaraddii Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee Dowladdii Federaalka ee Kumeel-gaarka aheyd, ayaa hadda waxa ay madax ka tahay qeybta haweenka saxaafadda ee Wasaaradda Howlaha Guud.
Waxa ay sheegtay in nolosheeda ka shaqaale dowlad ahaan ay horumar xagga ammaanka ah sameysay sanadkii tagay.
"Waxaan hore u helay fariimo badan oo hanjabaado dil ah oo ka imanayay al-Shabaab, oo taleefanka la iigu soo dirayay ilaa aan badalay lambarkayga," ayay u sheegtay Sabahi. "Balse hadda, Ilaah ayaa mahad iska leh, waxaan tagayaa degmo walba oo Muqdisho ka tirsan aniga oo shaqaale dowladeed ah, xitaa Suuqa Xoolaha," ayay tiri, iyadoo ula jeedda meel ay hore al-Shabaab ugu xoogganaan jireen.
Khadar Cali, oo ah 35 jir cilmiga kombuyuutarka ka soo bartay Jaamacadda Nairobi, ayaa sheegay in uu ku riyooday in uu cabsi la'aan mar uun ku soo laabto Soomaaliya.
"Maanta waan faraxsanahay in aan dal nabad ah ku soo laabtay, aniga oo wata aqoon aan ugu faa'idayn karo dadkayga," ayuu u sheegay Sabahi.
"Waxaan codsiyo badan u dirsaday wasaaradaha dowladda federaalka Soomaaliya." ayuu yiri. "Waxaan ku rajo waynahay in aniga iyo saaxiibaday aan shaqo si dhaqso ah uga bilaabi doonno Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta maxaa yeelay waanu ku baasnay imtixaankii."
"Markii aan dalka ka maqnaa, waxaan rumaysnaa in jagooyinka shaqaaleysiinta lagu saleyn jiray qabiil, balse waa wax loo dabaal dago haddii dadka lagu qiimaynayo aqoontooda," ayuu yiri, isaga oo ku booriyay Soomaalida kale ee dibadda ku nool in ay dalka kusoo laabtaan, ayna aqoontooda iyo xirfadahooda ay ugu deeqaan in dalka lagu dhiso.
Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Aweys Sheekh Xaddaad ayaa sheegay in dowladda federaalka ay si adag uga shaqaynayso in ay dib u dhisto hay'adaha iyada oo ku salaynaysa fursad loo simanyahay, iyada oo shaqaaleysiintana lagu saleyn doono u xaq lahaasho.
Dowladda ayaa sida oo kale ka shaqaynaysa qorshayaal lagu xoojinayo shaqo kororka iyada oo la kaashnaysa hay'adaha gaarka loo leeyahay, taa oo ah dadaal lagu doonayo in dhalinyarada Soomaaliyeed ay bedel wanaagsan ugu helaan xag jirnimada iyo burcad badeednimada, ayuu u sheegay Sabahi.
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
Dab qabsaday suuqa weyn ee Gaarisa ayaa burburiyay in ka badan 100 buqcadood habeeynimadii Isniin...
Xoghayaha Dawladda ee Midnimada Qaranka Jabuuti Zahra Yuusuf Kayad ayaa Isniintii (17-kii June) w...
Guddiga barlamaanka ee miisaaniyadda ayaa diiday qorshe xafiis cusub loogu iibinayo madaxweynihii...
Gubato ka kacday magaalada Balbala ee Jabuuti Axaddii (16-kii June), ayaa burburisay 11 guri iyad...
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
waxaan rabaa shaqo wanaagsan
waa ifafaalayaal wacan! Si kasta ha ahaatee, saaxiibadaydoow fadlan maskaxdiinu hasoo jeedo oo marnaba ha is dhiganina, waayo wali alshabaab iyo qabyaalada midkoodna lagama adkaan. Dario