Maarso 04, 2013
Cod-bixiyeyaasha Kenya ayaa si nabadgelyo ah ku galay safaf dhaa-dheer goobaha lagu codeeyo ee waddanka Isniintii (4-ta Maarso) doorashadii ugu horraysay ee la qabto ka dib doorashadii rabshaduhu daba socdeen ee dhacday shan sano ka hor.
Dadku waxay billaabeen inay goobaha codeeynta saf ka galaan 4:00-tii aroornimo si ay codadkooda u dhiibtaan, laba saacadood ka hor intaan codeeynta si rasmi ah loo furin.
Keenyaanka ayaa lix jago u codeeyn doona sannadkan: madaxweyne, guddoomiyeyaal gobol, guurti, xubno baarlamaan, haweenka matalaya heerka gobollada iyo xubnaha heerka laameed. Haddii uusan midka ka mid ah siddeeda musharrax ee madaxweynanimada helin codadka intooda badan, doorasho ku-celis ah ayaa la qaban doonaa 11-ka Abriil.
Magaalada dhacda dacalka harada galbeed ee Kisumu, oo ahayd halka ay ka billowdeen rabshadihii daba socday doorashooyinkii 2007-2008, ayay safafka cod-bixiyeyaashu buuxiyeen jidadka iyo barxadaha ciyaaraha ee boorka leh iyadoo ay dadku si samir ku jiro u sugayeen in la soo gaaro.
In badanoo ka mid ah ayaa soo ururay saacadiha dambe wax badan ka hor intuusan waagu baryin iyagoo yeerinaya turumbooyinka vuvuzelaha isla markaana heesaya si ay ugu guubaabiyaan dadka kale inay u soo baxaan codeeynta.
"Waxaan halkan joogay saddex saacadood waxaanan filayaa inaan dhowr saacadood oo kale sugi doono," ayuu yidhi Shadrack Owuor, 39 jir, macallin ah, isagoo har ka raadsanaya geedo ubax ah hoostood.
"Waxaan rabnaa inaan xaqiijino in codadkeena la maqlo markaan, waxaan xataa sugi karnaa illaa habeen-badhkii," ayuu u sheegay AFP.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda xeebta ayaa kacsaneeyd, ka dib markii lix askari oo bilays ah lagu dilay laba weerar oo kala duwan oo ka dhacay Mombasa, sida weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen 200 oo dhalinyaro ah oo wata qoryo, falaaro iyo qaansooyin, saacado ka hor intaan la furin goobaha codeeynta.
"Lix askari oo bilays ah iyo lix weeraryahan ayaa ku dhintay iska hor-imaadka," ayuu taliyaha bilayska Kenya David Kimaiyo u sheegay saxafiyiinta, isagoo raaciyay in 400 oo askari loo diray aagga si loo xoojiyo ammaanka.
Kimaiyo wuxuu sheegay in weeraryahannada looga shakisan yahay inay xubno ka yihiin kooxda gooni-goosatada ah ee Golaha Jammhuuriga ee Mombasa (MRC). Bilayska ayaa ku eedeeyay MRC weerarro taxane ah oo dhacay sanadkii hore, iyadoo ay kooxdu ku hanjabeen inay qaadacayaan doorashada.
Inkasta oo uu weerarkaa jiray, haddana cod-bixiyeyaasha ayaa buuxiyay jidadka magaalada.
"Ma walwalsanin, waan codeeynaynaa," ayuu yidhi nakhshadeeye Saciid Saciid, goor uu sugayay inuu codkiisa ka dhiibto dugsi hoose.
Bamka meesha fog laga hago ayaa sidoo kale lagu qarxiyay magaalada waqooyi-bari ee Mandheera -- oo ah magaalo ku taala xuduudka Soomaaliya iyo Kenya oo ah halka ay cidamada Kenya kula dagaallamayaan xagjiriinta al-Qaacida la xidhan ee al-Shabaab -- laakiin qofna kuma dhiman, siday bilaysku sheegeen.
In ka badan 99,000 bilays ah iyo 23,000 oo kormeerayaal ah, oo ay ka mid yihiin 2,600 oo kormeerayaal caalami ah, ayaa loo kala diray goobaha si loo xaqiijiyo in doorashadu ay u dhacdo si ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Kenya (IEBC) ayaa dib u dhigay codeeynta shan laamood sababo la xidhidha waraaqaha codeeynta oo khaldamay.
Isku-dhex yaac ka yimid magacyada musharraxiinta, sawiradooda iyo calaamadaha xisbiyada ayaa lagu arkay waraaqaha doorashada ee laamaha Galbeedka Nyabasi iyo Goke Huraka ee deegaanka Bariga Kuria, laanta Koonfurta Bunyala ee deegaanka Budalangi, laanta Waqooyiga Gwassi ee deegaanka Gwassi, iyo laanta Waqooyiga Samburu.
U codeeynta golaha gobolka ee laamaha dhibaatadu ka dhacday ayaa dib loo dhigayaa illaa 11-ka Maarso, sida uu sheegay Guddoomiyaha IEBC Axmed Isaaq Xasan. Doorashada shanta jago oo kale ayaa sidii loogu talo galay u dhici doonta.
Xasan ayaa sidoo kale sheegay inay dhibaato ka timid nidaamka codeeynta waddanka qeybihiisa kale, kuwaasoo ay ka mid yihiin xilliyada la furay goobaha codeeynta, dhibaatooyin ka yimid qalabka diiwaan-galinta cod-bixiyeyaasha iyo qaladaad ka yimid agabyada codeeynta.
Wuxuu u ballan-qaaday cod-bixiyeyaasha in goobihii codeeynta ee xilliga dambe la furay wakhti loogu dari doono maalinta galinkeeda dambe. Goobaha codeeynta ayaa u qorsheeysan in la xiro 5:00-ta galabnimo, laakiin ciddii xilligaas joogta xarumaha codeeynta waa loo fasaxayaa inay codeeyaan.
Xasan wuxuu sheegay inuu "ogyahay dhibaatooyinka ay wajaheen qaybaha kala duwan ee waddanka" uuna wax ka qabanayo, isagoo waydiistay cod-bixiyeyaasha inay "dul-qaataan".
IEBC waxay sheegeen in hadafkoodu uu yahay inay natiijada ku soo saaraan 48 saacadood ka dib marka goobaha codeeynta la xiro Isniinta habeennimadii, inkastoo uu sharcigu u oggolyahay inay toddobo maalmood ku soo saaraan natiijada.
Ka dib olole aad la isugu hardiyay oo xamaasad kiciyay, ayay joornaalada waddanku ka midaysan yihiin farriinta ku qoran baalashooda hore oo leh "dib dambe dhicimayso" iyagoo u jeeda rabshadihii 2007-2008-dii.
Musharraxiinta madaxweynenimada isaga soo horjeeda Ra'iisul Wasaare Raila Odinga iyo Ra'iisul Wasaare Ku-xigeen Uhuru Kenyatta ayaa wacad ku maray inaan loo noqon doonin dagaalladii dhacay oo ay ku dhinteen 1,200 oo qof ayna ku barakaceen 300,000, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
"Markaan waxaan u malayneeynaa inaysan sidii oo kale noqonayn sababta oo ah waxay hoggaamiyeyaashu sheegeen inay aqbalayaan natiijada ama ay maxkamad tagayaan," ayuu yidhi Job Ochieng, oo ah dhaqdhaqaaqe maxalli ah oo ka tirsan bulshada rayidka.
"Waxaase cad inay wali wax yar oo cabsi ah jirto," ayuu yidhi. "Waan rajo qabnaa laakiin waxaa noo dheer walaac."
Isku raranka Nairobi ee Kibera, oo ka mid ahayd goobihii ugu darnaa ee ay ka dhaceen rabshadihii doorashadii hore -- ahna haka uu Odinga ka codeeyay isagoo ay hareereeyeen koox wariyeyaal ah -- ayay kumanaan ku sugayeen inay codkooda dhiibtaan, iyadoo billowga codeeynta uu ku yimd dib u dhac saacad ah.
Kenyatta, oo ka codeeyay magaalada uu ka soo jeedo ee Gatundu, oo 90 kiiloomitir waqooyiga kaga beegan Nairobi, ayaa sheegay inuu "diyaar u yahay wax walba" oo ay Keenyaanku doortaan.
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
Dab qabsaday suuqa weyn ee Gaarisa ayaa burburiyay in ka badan 100 buqcadood habeeynimadii Isniin...
Xoghayaha Dawladda ee Midnimada Qaranka Jabuuti Zahra Yuusuf Kayad ayaa Isniintii (17-kii June) w...
Guddiga barlamaanka ee miisaaniyadda ayaa diiday qorshe xafiis cusub loogu iibinayo madaxweynihii...
Gubato ka kacday magaalada Balbala ee Jabuuti Axaddii (16-kii June), ayaa burburisay 11 guri iyad...
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Waxaan jecelahay inaan gudida doorashooyinka ee Tanzania ka codsado inay codbixiyayaasha wacyi galiyaan.