Febraayo 28, 2013
Markii Kyambi Kavali, oo ah 52 jir ay shaaca ka qaadday rabitaankeeda u tartamidda kursiga baarlamaanka Waqooyiga Myingi ee Maarso 2012-ka, soo dhoweynta arrintaa ayaa ka hooseysay sidi ay filaysay.
Waxa ay sheegtay in odayaal ka soo jeeda Waqoyiga Myingi ay isku dayeen in ay ka bixiyaan tartanka maadaama ay haweeney tahay.
"Kadib markii aan ku adkaystay go'aankayga, qaar kale oo odeyaal kamid ah ayaa gurigayga yimid waxa ayna ii sheegeen in aan iska daayo u tartamidda kursiga baarlamaanka, taa bedelkeedana aan u baratamo kursiga haweenka," ayay u sheegtay Sabahi. "Iyaga, waxa ay kursiga baarlamaanka la rabaan ragga, go'aankaygana waxa uu u loolamayay kuraafaadka iyo ka careysiinta ragga."
Markii ay ku gacan seertay soo jeedintooda, waxa ay sii wadday istiraatijiyadda ololeheeda, iyada oo meesha laga soo dooranayo ku marti galisay dibad baxyo. Bilo kadib, gaarigeeda ayaa waxaa xaday wax ay u malaynaysay dambiilayaal iska caadi ah, balse markii gaarigeeda labaad la xaday labo todobaad kadib, waxa ay bilowday in ay is weydiiso cidda ka dambaysa.
"Marki hore wixii dhacay waxba ilama ahayn, balse tii dambe waxa ay igu beertay [in iyaga] aanay eheen tuugo caadi ah, balse ay tahay taatiko la iiga cabsiinayo ololohayga siyaasadeed," ayay tiri, iyada oo intaa ku dartay in tuuganimadii ay daba socotay cabsi galin cad iyo af lagaaddo. "Waxaa la ii soo diray fariimo hanjabaado ah. Olooloyaashayda waxa ay la kulmeen kala goyn ayan la kulmin haweenka sidayda oo kale ah. Waxaan war galiyay dhammaan madaxda, balse waxba lagama qaban."
Iyadoo ay jirto dadaaladeeda, waxa ay sheegaysaa in ay waysay magacaabideeda sababo la xiriira wax is daba marin la sameeyay doorashooyinkii horu dhaca ahaa.
Xildhibaanad Margaret Wanjiru ayaa sheegtay in markii ay soo gashay siyaasadda sanaddii 2006-dii si ay ugu tartanto kursiga Starehe. waxa ay wajahday iska caabin adag, sida tusaale ahaan dadka oo dhagaxeeyay mootooyinkii ololaheeda wadday.
Inkastoo ay jireen hormaro badan oo ay gaartay tan iyo markii ugu horeeysay ee ay kursiga utartantay, waxa ay sheegtay in wax yar uun laga qabtay in haweenka siyaasiyiinta ah ay helaan dammaanad qaad xaga ammaanka ah.
"Waxa ay aheeyd in aan u istaago caay, naceeyb iyo xitaa kicin ay abaabulaayeen dadka iga soo horjeeda," ayeey Sabahi usheegtay, iyadoo intaa ku dartay in ay kireeysatay dhalinyaro sugta ammaanka meelaha ay waxkuqabsanayso si loo ilaaliyo dadka ololaha u wada.
Wanjiru waxa au ugu baaqday haweenka hamiga siyaasadeed uu kujiro in ay raadsadaan jaalayaal si au uga guulaystaan caqabadaha soo wajahaya.
"Marka aan ka hadlayno, bay'ada haweenka ee siyaasadda waa colaadin, iyadoo awoodd aan mar marsiiyo lahayn la siinayo ragga," ayay Sabahi u sheegtay Guddoomiyaha Gudiga Jinsiga Qaranka iyo Sinaanta Winnie Lichuma. "Colaadda iyaga kadhanka waxa ay isugu jirtaa maskaxiyan iyo jir ahaanba."
Ficiladaan waxa ay saammeyn xun ku yeelan doonaan dimuqraaddiyadda iyo sinaanta jinsiga haddii ay ku adkaystaan, ayay tiri, iyadoo xisbiyada siyaasaddana ugu baaqday in ay hablaha murashixiinta ah siiyaan tikidhadooda.
"Waxaan wadnaa baaritaano badan oo la xiriira cabashooyinka ka imanaya murashixiinta hablaha ah, iyagoo ka cabanaya nacayb qasaya isu soo baxyadooda, laguna cabsi galinayo in ay ka laabtaan aragtidooda ama la dili doono," ayay tiri. "Hanjabaaddaas ayaa xitaa waxa ay gaartay 'taageerayaasha' haweenka murashixiinta ah."
Sii hayaha afhayeenka bilayska Charles Owino ayaa sheegay madaxda sare ee bilayska ay ku amreen taliyayaasha bilayska maxaliga ah in ay ahmiyad gaara siiyaan ammaanka hablaha murashixiinta ah.
"Ma ahan kaliya wax laga tagay, balse sidoo kale waa dambi in la isticmaalo handadaad, caay ama qulqulato kadhan ah haweenka, isla sidaasna, qul qulatooyinka waxaa loo isticmaalayaa sidii loo cabsi galin lahaa in ay taageeraan ama aysan taageerin murashixiin gaar ah," ayuu u sheegay Sabahi.
Owino ayaa sheegay in ciidamo badan oo ammaanka ah loo daad gureeyay in ay ilaaliyaan haweenka murashixiinta ah, si ay ugu dhiira galiyaan in ay bilayska kusoo wargaliyaan caay ama faduul si ay u daba galaan gardaroolayaasha.
"Waxaan sidoo kale kula talinay murashixiinta hablaha ah in ay xarumaha bilayska u raadsadaan ammaan dheeri ah marka ay meelo tagayaan ka hor inta ayan isu soo baxa qaban. [ujeedadeenu] waxa ay tahay in aan xaqiijono in qof walba uu badbaado dareemo inta ololaha lagu jiro," ayuu yiri.
"[Haweenku] waa in ay xor u ahaadaan in ay ololeeyaan, anaguna waa in aan isha ku haynaa rabsho wadayaasha," ayuu yiri.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Dumarka waa in la ixtiraamaa, waana in amaanka loo dhiibaa, si ay si cadaalad ah dhigooda raga ah ugula tartamaan jagooyinka hogaamineed.
Bulshado waa inay dumarka u fasaxdaa inay wax hogaamiyaan, waayo dumarka laftarkoodu hogaamiyayaal wanaagsan way noqon qaraan siday raguba u noqon karaa. Waa nasiib darro in murashaxiinta dumarka ahi ay dhibaatooyin .badan kala kulmaan walaalohood, dumaashiyadood, inamadooda, aabayaashood iyo bulshada ay ka midka yihiin intaba.
Halka xisbi ee hadii la doorto haqooda siin kara haweenka waa CORD inta kale waa bilaash. Musharaxa madaxweynanimo ee xisbiga CORD sidaan a yuu ku amray Boliska Kenya. Sii hayaha afhayeenka bilayska Charles Owino ayaa sheegay madaxda sare ee bilayska ay ku amreen taliyayaasha bilayska maxaliga ah in ay ahmiyad gaara siiyaan ammaanka hablaha murashixiinta ah. "Ma ahan kaliya wax laga tagay, balse sidoo kale waa dambi in la isticmaalo handadaad, caay ama qulqulato kadhan ah haweenka, isla sidaasna, qul qulatooyinka waxaa loo isticmaalayaa sidii loo cabsi galin lahaa in ay taageeraan ama aysan taageerin murashixiin gaar ah," ayuu u sheegay Sabahi. Owino ayaa sheegay in ciidamo badan oo ammaanka ah loo daad gureeyay in ay ilaaliyaan haweenka murashixiinta ah, si ay ugu dhiira galiyaan in ay bilayska kusoo wargaliyaan caay ama faduul si ay u daba galaan gardaroolayaasha. "Waxaan sidoo kale kula talinay murashixiinta hablaha ah in ay xarumaha bilayska u raadsadaan ammaan dheeri ah marka ay meelo tagayaan ka hor inta ayan isu soo baxa qaban. [ujeedadeenu] waxa ay tahay in aan xaqiijono in qof walba uu badbaado dareemo inta ololaha lagu jiro," ayuu yiri. "[Haweenku] waa in ay xor u ahaadaan in ay ololeeyaan, anaguna waa in aan isha ku haynaa rabsho wadayaasha," ayuu yiri. Waad xaaqiiqsateen warka siduu udhigan yahay ayaan filayaa ee CORD ha ladoorto walaalayaal.
Dhamaanteen waynu simanahay, markaa maha inay cidina ina cabsi galiso. Markaa waa inaynu hore u soconaa si aynu ugaadhno himilooyinkeena.