Martha Wangari Karua: Xukuumadda Kenya waa in loo wada dhan yahay, lana xisaabiyo

Waxaa qoray Bosire Boniface oo jooga Wajeer

Febraayo 28, 2013

  • 3 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Haddii loo doorto haweenaydii ugu horraysay oo madaxweyne ka noqota Kenya, Martha Wangari Karua waxay wacad ku martay inay matasho Kenya midaysan oo loo dhan yahay, laakiin waxay sheegtay inaysan taageersaneyn xukuumad isbahaysi ah.

Qorshaheeda waxaa ku jira dib-u-habayn dhamaystiran oo dhanka dhaqaalaha iyo bulshadaba ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin daryeel caafimaad iyo waxbarasho oo dadkoo dhan la siiyo, Kenya oo gobolkoo dhan u noqota xarun dhaqaale, iyo in la-dagaallanka dambiyada laga bilaabo musuq-maasuqa illaa argaggixisada.

Karua waxay shahaadada sharciga ka haysataa Jaamacadda Nairobi waxayna shahaado master ah ka qaadatay Jaamacadda Caalamiga ah ee Maraykanka ee ku taala Nairobi. Waxay ka soo shaqeeysay garsoorka, baarlamaanka iyo dhowr wasaaradood.

Karua, oo ah musharraxadda Isbahaysiga Qaranka ee Rainbow, waxay Sabahi kala hadashay qorshaheeda iyo rajada ay dalka u qabto.

Sabahi: Muxuu qorshahaagu noqon doonaa shanta sannadood oo ugu horraysa haddii madaxweyne laguu doorto?

Martha Wangari Karua: [Qorshahayga shanta sannadood oo ugu horraysa oo aan madaxweynaha ahay waxaa ka mid ah] in la soo celiyo bulsho isku furan oo ku tiirsan daalacnaan iyo is-xisaabin, in la balaariyo kaabayaasha oo la gaadhsiiyo qeyb weyn oo bulshada ah, in si xasilan loo maareeyo khayraadkeena dabiiciga ah, iyo in dib loo habeeyo waaxda caafimaadka iyo tan waxbarashada. Waxaan sidoo kale socodsiinayaa maal-gashiga waxaanan taageerayaa hal-abuurka ganacsiga si wax looga qabto dhibaatada dadka badan oo shaqo la'aanta ah iyo dhalinyarada niyad-jabsan.

Waxaa noo yaal khiddado fiican oo la doonayo in la dhaqan-galiyo si loo xaqiijiyo in qorsheyaashan la fuliyo.

Sabahi: Sideed damacsan tahay inaad amni la'aanta wax uga qabato?

Karua: Dambiyadu way is baddalayeen in muddo ah illaa ay ku darsoontay argaggixisonimo, oo ah khatarta ugu weyn oo haysata degganaanta caalamka iyo waddan kasta horumarkiisa dhaqaale. Waxaan maal-galinayaa farsamada si aan ugu sahlo ciidamadeena ammaanka inay ilaaliyaan dalka gudahiisa iyo xuduudaheena.

Sidoo kale, waxaan xaqiijinayaa in ciidamada ammaanka la siiyo mushahar ku filan oo u qalanta shaqada muhiimka ah oo ay hayaan si loo sugo qof walba nabad-galyadiisa. Sida ay qiratay maaliyaddeena, waddanku wuxuu saddex meelood meel miisaaniyaddiisa ku lumiyaa musuq-maasuq waxaanan joojinayaa dambigan si aan u hubiyo inay jirto lacag wax looga qabto ammaanka.

Waxaan sidoo kale dhiirri-galinayaa in la helo xil-kasnimo heer bulsho ah.

Sabahi: Sideed u xaqiijinaysaa inay Keenyaanka oo dhan helaan sinnaan iyo caddaalad?

Karua: Wakhtigan, waddanku waa nugul sababta oo ah waxaa jirta aragti ah in qeybinta khayraadka aan loo sinnayn, laakiin waxaan ku faraxsanahay in dastuurka ay ka gorgortameen Keenyaanka oo dhan uu qeexayo sida khayraadka loo qaybin doono.

Dhaqan-galinta dastuurka waxay wax weyn ka qabaneeysa ciilka muddada hoosta ka karayay. Sinnaanta waxaa lagu heli karaa korriino dhaqaale oo lagu helo shaqooyin, daboolidda baahiyaha asaasiga ah iyo yaraynta heerka saboolnimada, taasoo keenta khilaafka. Waxaan xaqiijinayaa in gobol kasta ay helaan ammaan, isku-filnaan, korriino iyo horumar.

Sabahi: Waa maxay caqabadda ugu weyn oo Kenya haysata maxaadse ka qabanaysaa?

Karua: Musuq-maasuqa iyo ciqaab la'aanta ayaa ah khatarta ugu weyn oo waddanka horumarkiisa haysata. Si weyn ayaan wax uga qabanayaa anoo tiigsanaya dastuurkeena, si aan ugu raaxaysano bulsho rayid oo qof walba uu ku bullaalo dhawrsanaanta daacadnimo. La dagaalanka dhaqan-xumadan waxay noqotay mid adag sababta oo ah ma aysan jirin rabitaan siyaasadeed, laakiin sannadka ugu horreeya ee hoggaankayga, wax baan ka qabanayaa.

Sabahi: Waa maxay qorshaha aad u hayso waddanka qaybahiisa waxbarashada iyo caafimaadka?

Karua: Waxaan aad u aaminsanahay inay macquul yihiin caafimaad iyo waxbarasho loo dhanyahay si ay dadku u helaan fursado loo siman yahay iyadoon la eegayn xaaladahooda dhaqaale. Kama hadlayo oo kaliya adeegyo bilaash ah ama qiimahooda la dhimay, balse kuwo tayo leh.

Waxaan sameeynayaa hannaan ay kuwa doonaya waxbarashada laga bilaabo dugsiga hoose illaa heerarka jaamacadeed ay ku raaxaysan karaan saddex shay oo aasaasi ah: hoy, lacagta tacliinta iyo raashin. Adeegyadan waxay simaan caruurta, kuwa saboolka ah iyo kuwa hodanka ahba.

Tani [waxay noqonaysaa] macquul sababta oo ah lacagihii loogu tala-galay in lagu xaqiijiyo adeegyadaas ayaa la lunsadaa. Laakiin markii la sifeeyo musuq-maasuqa, dadku waxay ku raaxaysanayaan mirahooda.

Sabahi: Maxaad ka walwalsan tahay?

Karua: Waxaan ka walwalaa inay shacabka Kenya wax aan u dan ahayn ku doortaan doorashooyinka soo socda. Waxay ka dhigan tahay in rajadii laga qabay mustaqbal wanaagsan ay burburto.

Walwalka kale waa inay dhici karaan rabshado. Hase ahaatee, dadka Kenya inta badan waxay doonayaan nabad waxaanan ku waano qaadanay rabshadihii 2008-dii oo lagu dilay in ka badan 1000 qof laguna barakiciyay kumanaan. Musharraxiinta madaxweynenimada oo dhan waxay ballan-qaadeen inay aqbalayaan haddii looga adkaado codeeynta ayna qofka guulaysta taageerayaan iyagoo danaha Kenya eegaya.

Sabahi: Maxaad ugu aragtaa inay awoodsiinta dumarka ay Afrika muhiim u tahay?

Karua: Way muuqataa in waddamada hormaray ay si buuxda u qireen waxtarka dumarka ayna u fasaxeen inay bulshada wax ka qabsadaan.

Dumarku waxay sidaan culayska dhaqaalaheena. Waxa u dheer inay qoyska daryeelaan, waa inay dumarku joogaan beeraha iyo suuqyada waxayna u baahan yihiin in la taageero iyadoo la tixgalinayo doorka ay kaga jiraan bulshada. Dumarka ayaa ku fiican maareeynta dhaqaalaha guriga. Xoojinta qof dumar ah waxay ka dhigantahay xoojinta bulshoda oo dhan.

Sabahi: Maxaad si xooggan uga hadashaa diidmadaada musharraxiinta lacagta siinaya cod-bixiyayaasha ay rajada ka qabaan?

Karua: In lacag loo qaybiyo cod-bixiyayaasha rajada laga qabo xilliga doorashada waxay ku dhowdahay inay dhaqan ka noqoto Kenya. Taasi waxay la mid tahay laaluush, waana dambi uu sharcigu ciqaabo.

Waan ka soo horjeedaa in lacag la bixiyo waayo musharraxiinta nidaamkan lagu doorto waxay inta badan xilliga ay hoggaanka hayaan u isticmaalaan inay bulshada wax ka xadaan si ay u soo ceshadaan wixii ka baxay iyo inay u diyaar garoobaan doorashooyinka dambe. Muxuu qof is og inuu hoggaanka ugu wanaagsan la iman doono uu laaluush u dhiibayaa haddii uusan musuq-maasuq wadin?

Sabahi: Haddii lagu doorto, ma laga yaabaa inaad ka fakarto inaad xukuumad isbahaysi ah sameeyso ama xukuumad midnimo qaran?

Karua: Ma door-bidayo inaan dhiirri-galiyo xukuumad isbahaysi. Inkastoo la doonayo in xukuumadda loo dhanyahay, haddana xukuumadda isbahaysigu uma wanaagsana is-xisaabinta.

Waa in masuuliyadda meel la saaraa, laakiin wixii aan kala kulanay xukuumaddii Kenya ee isbahaysiga ee la sameeyay rabshadihii 2007-dii ka dib ma ahayn mid fiican. Xukuumadda isbahaysigu waxay ka horjoogsaneeysaa xukuumaddii sharciga ahayd inay fuliso wixii loo doortay iyo inay dhaqan-galiso bayaankeeda sababta oo ah waxaa jira dano is ka hor imanaya.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • MUKABI
    September 2, 2013 @ 03:54:40AM

    Anigu waan ku faraxsanahay Agendaha.

  • MUKABI
    September 2, 2013 @ 03:52:31AM

    Waxaa wacan in madaxwayne loo doorto.

  • victor kihwili
    March 3, 2013 @ 02:12:46PM

    Reer Kenya waxan leeyahay hadii aad ku guulaysataan inaad hagaajisaan dhibaatooyinka qabyaalada oo aad midowdaan, si wayn ayuu arrinkaasi idiin caawin doonaa. Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu idin siiyo madaxwayne iyo hogaamiyayaal raba inay si wacan wax u hogaamiyaan.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Kenya ma la gudboon tahay in ay qabato afti looga hadlayo arrimaha qara ee muhiimka u ah sida kharashka dawladda iyo amniga?

Fiirso natiijada