Febraayo 22, 2013
Musharixiinta madaxweynanimo ee dalka Kenya waa in ay doodda labaad ee Isniinta (25-ka February) ku hadlaan luuqadda Sawaaxiliga si markaa dhammaan muwaaddiniinta ay u fahmaan, sidaana waxa qaba culimo iyo muwaadiniin.
Professor Clara Momanyi, oo barre ka ah Jaamacadda Katooliga ee Bariga Afrika ayaa sheegay in Chakita, oo ah urur ay madaxd ka tahay kaasoo Kenya uga ololeeya kor u qaadidda Sawaaxiliga, uu warqad u qoray qaban-qaabiyayaasha doodda, laguna weydiitay in ay luuqadda ku beddelaan sawaaxili, taasoo ah luqadda ugu badan ee looga hadlo Kenya.
Labada luuqadood ee Sawaaxiliga iyo Ingiriiska ayaa dastuurka Kenya uga diiwaan-gashan in ay yihiin luqadaha rasmiga, balse kaliya dadka reer Kenya ee soo maray waxbarashada rasmiga ah ayaa bartay kuna hadla Ingiriiska.
"Go'aankii lagu door-biday in luuqadda Ingilishka lagu hadlo dhammaan dooddii [11-kii February] waxa uu ahaa mid eex ah," ayay Momanyi u sheegtay Sabahi. "Waxa ay bannaanka u tuurtay qeyb ballaaran oo ka mida Kenyanka kuwaa oo aan aqoon [Ingiriiska]. Tani waa hab kamid ah faquuqa kana hor-imaanaya dastuurkeena kaa oo qof walba oo Keenyaan ah siinaya xoriyad ah in aan lagula dhaqmin caddaalad-darro ku saleeysan luuqad ama isir."
"Sidaa daraaddeed waxaa dalbanaynaa in doodda soo socota in ay daadihiyayaashu su'aalaha ku waydiiyaan Sawaaxili iyadoo musharixiintana ay ku jawaabayaan isla luuqaddaa," ayay tiri.
Wachira Waruru, oo ah agaasimaha maamulka ee Royal Media Service, ahna guddoomiyaha gudiga doodda madaxweynanimada, ayaa sheegay in dadka aan ku hadlin luuqadda Ingiriiska ay qabaan walaac dhab ah.
"Dad badan oo reer Kenya ah oo doodda ka dhagaysanayay raadiyayaashooda iyo talifishinadooda ayaa laga yaabaa in ay dooddu ku seegtay caqabado xagga luuqadda ah," ayuu u sheegay Sabahi. "waxaan cabashada ka helnay aqoonyahannada, waxaannuna raadinaynaa annaga oo la shaqeeynaynaa inta kale ee ka midka ah kooxda qaban-qaabiyayaasha habab aan doodda u soo dhex-galin karno luqadda Sawaaxilga."
Peter Otieno, oo ah 39-jir taksi ku wada xaafadda Westland ee Nairobi, ayaa Sabahi u sheegay in aanu ku qancin dooddii koowaad.
"Waan dhararayay doodda maxaa yeelay waxaan [filayay] in aan xog badan ka heli doono murashaxiinta madaxweynenimada iyo waxa ay ugu yaallaan Kenya," ayuu yiri Otiena, oo aan waligiis dugsi dhigan. "Balse markii aan daaray raadiyahayga gaariga si aan u dhagaysto doodda, waan niyad-jabsanaa seddexdii saac, mafahmi karin waxa laga wada hadlayay maxaa yeelay mafahmi karo luuqadda Ingiriiska."
Waxa uu sheegay in uu ku khasbanaaday in uu ku tiirsanaado saaxiibadii oo "wax xoggaa ka yaqaan luuqadda" si ay ugu sheegaan waxa looga wadahadlayay doodda.
"Tani waa sababta aan u door-bidaayo in wareegga labaad lagu hadlo Sawaaxili si aan markaa u helo xog aan iyaga toos uga maqlay," ayaa yiri Otieno.
Salome Nduku, oo Google-ka kenya, kula shaqeeya ka sifadiisa khabiir dhinaca luqadda ah, ayaa Sabahi u sheegay in inta badan dadka Kenya ay caro taas la mida ku soo bandhigeen warbaahinta bulshada.
Nduku, oo ah turjumaan farriimaha Sawaaxiliga u baddala afka Ingiriiska ayaa sheegay in Google isha ku heesay farrimihii lagu soo qoray warbaahinta kadib dooddii ugu horeeysay waxa ayna ogaatay in inta badan "Kenyan-ku rabaan in [doodda labaad] lagu qabto Sawaaxili si ay u fahmaan".
Kithakawa Mbiera, oo ah bare Sawaaxili-ga ka dhiga Jaamacadda Nairobi, ayaa sheegay in doodda madaxweynenimadu ay ka dhigantahay fursadda kaliya oo ay dad badan oo Kenyan ahi ku ogaan karaan arrimaha muhiimka ah ee la xirira qaybsiga dhulka iyo khayraadka isla markaana ay ku miisaami karaan murashaxiinta u tartamaya xafiiska.
"Siyaasiyiinta ayaa ku khudbeeya Sawaaxiliga marka ay dadka lahadlayaan [banaanbaxyada ololaha] maxaa yeelay waxa ay qiimeynayaan xaqiiqda ah in Kenyan badani aysan fahmi karin Ingiriiska," ayuu yiri Mbiera, isagoo intaana ku sii daray in ay tahay in isla sidaa la sameeyo inta lagu guda jiro doodda.
Waxa uu sheegay in haddii lagu fashilmo in Sawaaxilga lagu isticmaalo kulamada sidan oo kale u ballaaran in ay taasi keeni doonto luminta aqoonsiga iyo midnimada Kenya.
"Waxa aannu nahay waxannu ku nahay sababtoo ah luqadda aan ku hadlno, waana Sawaaxiliga, taasoo aan sidoo kale u isticmaalno aaladda ay ku wada-xiriiraan dadkayaga u kala qaybsan qowmiyadaha. Sidaa darteed, doodaha caynkan oo kale ah waa in mudnaan loo siiya sida in ay calaamad u yihiin qarannimadeena iyo midnimadeenna.
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
Dab qabsaday suuqa weyn ee Gaarisa ayaa burburiyay in ka badan 100 buqcadood habeeynimadii Isniin...
Xoghayaha Dawladda ee Midnimada Qaranka Jabuuti Zahra Yuusuf Kayad ayaa Isniintii (17-kii June) w...
Guddiga barlamaanka ee miisaaniyadda ayaa diiday qorshe xafiis cusub loogu iibinayo madaxweynihii...
Gubato ka kacday magaalada Balbala ee Jabuuti Axaddii (16-kii June), ayaa burburisay 11 guri iyad...
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Adeegsiga af sawaaxiliga iyo af ingiriisiga labada midna dhib kuma aha dadka reer Kenya
kenya waa wadan musuqmasuq aah waa leyahay inti dorashadi aay dhacin daadka ha xararen waa lagayaba inu sidi 2007 oo dad badan dimani doono
Xaqiiqdi waa muhiim in dooda luuqada siwaaxilka aay kudhacdo. Waan dhararayay doodii hore maxaa yeelay waxaan rabey in aan xog badan ka helo murashaxiinta madaxweynenimada iyo waxa ay ugu yaallaan Kenya. Balse markii aan daaray raadiyahayga gaariga si aan u dhagaysto doodda, waan niyad-jabsanaa seddexdii saac, mafahmi karin waxa laga wada hadlayay maxaa yeelay mafahmi karo luuqadda Ingiriiska sababta oo ah waligey dugsi madhigan. Waxaay igu khasbtay in aa ku tiirsanaado saaxiibaday oo xoggaa ka yaqaan luuqadda si ay iigu sheegaan waxa looga wadahadlayay doodda. Tani waa sababta aan u door-bidaayo in wareegga labaad lagu hadlo Sawaaxili si aan markaa u helo xog aan iyaga toos uga maqlay. Waxaan jeclahay baddi dadka kunool waqooyi bari in aay ayagaana u fiicantahay in dooda siwaaxil lagu qabto sababta oo ah waxaay ubadanyihiin dad aan akhrisan. Waxaan filayaa in abaabulayaasha dooda labbaad ay texgelindoonaan codsigaayna. Waad madsantahiin dhamaan.
waxaa wacnaan lahayd in Bariga Afrika laga qadariyo af sawaaxiliga