Tansaaniya oo samaynaysa guddi diimaha ka kooban oo dib u fiirinaya sharciyada gawraca

Waxaa qoray Deodatus Balile oo Dar es Salaam jooga

Febraayo 19, 2013

  • 359 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Masiixiyiinta Tansaaniya ayaa si ku meel gaadh ah looga mamnuucay gawraca xoolaha la isticmaalayo ilaa iyo inta guddiga diimaha ee dawladdu ay samaysay uu xal uga helayo xaaladan qalafsan ee u dhaxaysa Muslimiinta iyo Masiixiyiinta.

  • Kawaanle soo bandhigay hilib xalaal ah oo laga keenay meelaha wax lagu qalo ee xaafada Mtoni Mtongani ee magaalada Dar es Salaam. [Deodatus Balile/Sabahi]

    Kawaanle soo bandhigay hilib xalaal ah oo laga keenay meelaha wax lagu qalo ee xaafada Mtoni Mtongani ee magaalada Dar es Salaam. [Deodatus Balile/Sabahi]

Go'aankan ayaa la soo saaray ka dib markii saddex bilood ka badan oo khilaaf iyo isku dhac ah uu ka socday gobalada Geita iyo Mwanza arrimo ku saabsan gawraca xoolaha awgood.

"Sida caadiga ah Muslimiinta ayaa ahaa [kuwa xoolaha gawraca] waddankan, laakiin hadda dhibaatadan ayaa jirta, waxaanan samaynay guddi madaxda diinta ah oo xal waara u hela arrintan," Raiisul Wasaare Mizengo Pinda ayaa wariyayaasha u sheegay Sabtidii (Febraayo 16-keedii) ka dib markii uu la kulmay madaxda Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ee gobalka Mwanza. "Sidaas darteed, [iyadoo] ay guddigan aad uga shaqaynayaan in ay arrintan xal waara u helaan, ayay Muslimiintu sii wadi doonaan in ay shaqadan noo sii qabtaan anaga oo dhan."

Khilaafkan ayaa cirka isku shareeyay magaalada Buseresere Febraayo 11-keedii markii dhalinyaro Muslimiin ah ay isku dhaceen koox Masiixiyiin ah oo gawracay sac iyo laba riyood si suuqa maxalliga ah loogu iibiyo. Isku dhacaas ayaa keenay in madaxa laga gooyo wadaadka Masiixiga ee Mathayo Machila, iyo dhaawaca dhawr kale iyo khasaare wayn oo guryaha soo gaadhay.

Ku simaha Madaxa Booliiska ee gobalka Geita, Paul Kasabago ayaa sheegay in saddex qof oo xidhiidh la leh arrintaas la xidhay, oo uu ku jiro Wadaadka diinta Masiixiga ee Isaya Rutta, kaas oo xoolaha ku gawracay bannaanka kaniisada. Labada qof ee kale ee la qabtay iyaguna waxay qayb ka yihiin kaniisada Rutta. Kasabago ayaa sheegay in lagu soo oogi doono jabinta sharciyada caafimaadka, kicinta dadwaynaha iyo sababida dhimasha Machila.

Booliiksa ayaan wali u qabanin qof laga shakisan yahay oo ka dambeeyay rabshadihii dhimashada Machila.

"Qaanuunka ayaa dhigaya in xoolo kasta oo la gawracayo ay sharciyeeyaan dhakhaatiirta xoolaha oo shahaado haysta [si loo xaqiijiyo] in ay dadku cuni karaan," Kasabago ayaa u sheegay Sabahi. "Waxa intaas ka sokeeya, waxaad khatar galinaysaa caafimaadka dadwaynaha."

Madaxwaynaha Jakaya Kikwete ayaa dhaleeceeyay rabshadaha, isaga oo sheegay in dagaal diimeed aysan ku jirin maslaxada Tansaaniya. "Waxaan noolayn in ka badan 50 sano iyada oo aysan jirin khilaaf la xidhiidha waxa aan rumaysan nahay ee Muslim iyo Masiixi ahaanba," ayuu ka sheegay Dodoma.

"Waa arrin wuxuushnimo ah in la isku dagaalo xuquuqa qawraca," ayuu yidhi.

Kikwete ayaa Buseresere u diray Wasiirka Arrimaha Gudaha Emmanuel Nchimbi si uu u dhex-dhexaadiyo shacabka isku haya xuquuqda gawraca xoolaha.

Nchimbi wuxuu u sheegay Sabahi in xaaladdu ay hadda dagan tahay, wada hadalkuna uu "waddadii saxda ahayd hayo". Wuxuu ballan qaaday in kuwa rabshadaha ka masuulka ah sharciga lala tiigsan doono.

Shaqaalaysiinta meelaha xoolaha lagu qalo oo keenay su'aalo diimeed.

Tansaaniya, ayaa meelaha wax lagu qalo waxaa iska leh guddiga magaalada. Muddo 50 sano ah, waxaa caado ahayd in meelaha xoolaha lagu qalo ay ka shaqaynayeen Muslimiin, iyaga oo raacayay sharciga Islaamka. Markaas hilibka waxaa laga iibinayay kawaanlayda si ay u sii iibiyaan.

Juvenary Mwaikambo, oo doofaarka ku iibiya Banana Bar oo Dar es Salaam ku taala, ayaa sheegay in uu garanayo laba meelood oo khaas ah oo doofaarka lagu gawraco, kuwaas oo Muslimiintu aysan gawracin, laakiin dad yar ayaa isticmaala.

"Waan ogahay in ay sharci daro tahay in doofaarka guriga lagu qawraco, laakiin waa qaali in lagu gawraco meelaha xoolaha lagu gawraco," Mwaikambo ayaa u sheegay Sabahi. "Waxay kugu dalacayaan 5,000 oo shilin ($3.10) gawraca waana in uu dhakhtar xoolo shaabad ku dhuftaa wixii la qalay. Haddii uu [dhakhtarka xoolaha] dhaho kuma haboona in dadku cuno, waa in la aasaa ... dhibaato badan ayaa ka jirta meelaha xoolaha lagu qalo."

Aran Mashimba, 48, dagana Buseresere, ayaa sheegay in xalka kaliya ee dhibaatadan ay tahay in la helo laba meelood oo xoolaha lagu kala qalo oo u adeegta labada diimoodba.

"Ma aha kaliya in la raali galinayo caqiidada Muslimiinta, arrintu intaas way ka wayn tahay," Mashimba ayaa u sheegtay Sabahi. "Gawracu waa ganacsi wayn oo shaqana keena. In lagu koobo Muslimiinta waxay ka dhigan tahay in anaga [Masiixiyiinta] na loo diido fursadaha shaqo."

Sheekh Suleiman Mtindi oo ka soo jeeda Mwanza, kana qayb galay shirkii wada jirka ahaa ee uu qabtay Pinda, ayaa sidoo kale soo jeediyay kala saarida meelaha xoolaha lagu qalo. Pinda ayaa fikradaas diiday, si kastaba ha ahaatee, wuxuuna sheegay in kala qaybsanaan baaxad leh ay keeni karto.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Godfray
    January 19, 2014 @ 12:15:05AM

    Aniga waxay ila tahay cid kastaa xaq ayay u leedahay in ay wax gawracdo hadii ay raacayso hababka caafimaad ahaan saxda ah. xayawaanka dhamaanteen ayaa la in oo abuuray, markaa anigu ma hayo sabab ay meesha colaadi u timaado.

  • Hashim Salim
    November 30, 2013 @ 05:20:33AM

    Gawraca xooluhu muusan wax dhibaato ah ku ahayn dadka Kiristaanka ah ee reer Tanaaniya baryihii hore, laakiin wuxuu horseeday khilaafaad kadib markii ay hogaamiyayaal tirayar oo Kiristaan ahi ay damceen inay meesha soo galiyaan tartan iyo inay dadka kiciyaan. Waxaa ilaa waligeed la ogaa in siday diinta Islaamku dhigayso aan qofka Muslimka ah loo ogolayn inuu cuno hilib uu gawracay qof aan Muslim ahayn. Laakiin waligood hogaamiyayaashaas dadka kicinayaa noomay sheegin inaan loo ogolayn dadka Kiristaanka ah inay cunaan hilib ay gawraceen dad aan Kiristaan ahayn sida uu dhigayo kitaabka Injiilku. Arrinka ku saabsan shaqaduna wax kale maahee waa iska wax lagu qiil dayanayo. Markaa waa inaan cambaaraynaa hogaamiyayaasha iyagu dadka kicinaya. Waxaad aniga iga rumaysataan in marka ay dadka aan Muslimiinta ahayni bilaabaan inay wax gawracaan, qof Muslim ah oo waxaa ay gawraceen cuni doonaa ma jiro. Bal isku daya oo eega khasaaraha baaxada leh ee dhalan doona, ee uu kamidka yahay hilib qudhma iyo mid wadooyinka lagu qubo.

  • Said Mbonde.
    August 16, 2013 @ 12:00:11PM

    Marka ay diin kasta dadka aaminsani ay xoolohooda gawracdaan oo ay hilibkooda cunaan, markaas ayuumbay cid kastaa si hagaagsan u dhaqmi doontaa. Dad badan oo hilibka cuna ayaa Muslimiin ah.

  • geofrey
    July 14, 2013 @ 05:56:06AM

    Aniga ilama aha in uu sharcigu dhigayo ama uu qeexay cidda ay tahay inay xoolaha gawracdo, balse arrinku wax kale muusan ahayn ee wuxuu ahaa maamuus, maamuuskaas oo ay kiristaanku muslimiinta siiyeen, markaa taasaa ah sababtaay ay kiristaanku xoolohooda muslimiinta ugu gayn jireen si ay ugu gawracaan. Laakiin dadkii la ixtiraamay ayaa is-ilaaway oo waxay arrinkii ka dhigeen sidii oo uu yahay wax ay xaq u leeyihiin oo ganacsi ayay u badaleen. Waxaad xusuusnaataan in ay Tanzania tahay dalka kaliya ee ay colaadaha noocan oo kale ahi ay ka jiraan. Maxaa dhici doona marka ay tagaan dalalka reer galbeedka? Halkaana ma waxa lagu maamuusay inay xoolaha gawracaan?

  • Mzena patience
    July 9, 2013 @ 11:53:23AM

    Anigu waxaan taageersanahay inay muslimiintu iyagu qaliinka xoolaha halkaa kasii wadaan si nabadu ay u waarto

  • face boy
    June 23, 2013 @ 04:39:59AM

    Anigu waan idin jecelahay hadaad tihiin reer Tanzania. Faaladaydu waxa weeyaan: wixii dawladu leedahay dawlada ha loo daayo. Hadaynu nahay reer Tanzania waa inaan joojinaa dagaalka. Waa inaan isu jeclaanaa sidii ay aabayaasheen baryihii hore isu jeclaayeen.

  • HANZURUN RAJABU
    June 11, 2013 @ 02:19:34AM

    Muslimiintu xaq ayay u leeyihiin inay xoolaha gawracaan.

  • Abdi
    June 8, 2013 @ 04:36:58AM

    Aniga waxay ila tahay silsilad Muslimiinta Caalamka lagula dagaalamayo oo gaalada buunbuuninayaan, Gaal iyo Islaam in adduunkan ku wada noolaadaan ILAAH ayaa ugu tala galay, balse qarnigan Gaalada Dagaalkooda ay Islaamka ku hayaan xad dhaaf ayuu noqday

  • emanuel
    June 3, 2013 @ 09:37:03PM

    Dadkan waxaa eryaya waa calooshooda. Dhibta meesha taalaa waa taas, waayo wuxuu aaminsan yahay in hadii ay cid kale wax gawracdo, inuusan waxba cuni doonin. Xitaa dadka kiristaanka ah waxaa ku dhex jira dhalinyaro aan shaqooyin haysanin, markaa iyaga laftoodu waxay u baahanyihiin inay masaariif ka helaan gawraca xoolaha. Maxaad isugu dhejinaysaan qaliinka xoolaha, sababtu waxa weeyaan waxaa qaliinka xoolaha laga helaa faa’idooyin ay ka mid yihiin in qofka wax gawracayaa uu qaato oo uu gurigiisa la aado baalka iyo kurta digaaga iyo waliba hilibo kaleeto. Waxaynu ka hadlaynaa meesha waxaa loo kala qaybsan yahay dabaqado, waxaana dabaqadahaas ka mid ah sinaan la’aanta, iyo tacliin la’aanta iyo fahan la’aanta aan la fahansanayn dustuurka qaranka, dhibaatooyinka meesha yaalaana waa kuwaas. Cid kastaa xaq ayay u leedahay inay waxay rabto caabudo, markaa maxaad ugu adkaysanaysaan inaad idinku wax gawracdaan?

  • amina
    June 1, 2013 @ 11:05:05AM

    Aynu wax gawracno. Waa inaad waxbarataa!

  • ELIS MOLLEL
    June 1, 2013 @ 06:27:07AM

    Waa in xukuumadu ay doontaa mashiin laydhtiriig ah oo xoolaha lagu qalo, si ay cid kastaa sidaa ku degto.

  • frank chigollo
    May 31, 2013 @ 06:48:29PM

    Wax kasta ha la yidhaahdee anigu waxaan sidoo kale taageersanahay inay kiristaanku yeeshaan goobo iyaga u gaar ah oo xoolaha lagu gawraco iyo goobo hilibka lagu gado. Muslimiintu waxay u cibaadaystaan si diintooda waafaqsan, anaguna hadaanu kiristaanka nahay waxaanu leenahay diin iyo siyaabo aanu u cibaadaysano oo noo gaar ah, markaa maaha in lana qasbo, waayo hadii la na qasbo si ay koox gaar ahi u faa’ido waxay noqonaysaa cadaalad darro. Anigu taa ma aqbalsani. Anigu waxaan rumaysanahay in nabi ciise uu yahay dariiqa dhabta ah ee loo mari karo nolol lagu waaro, waxaan kaloo rumaysanahay saddexanka muqadaska ah, kuwaasoo kala ah aabaha iyo inanka iyo ruuxda muqaddaska ah. Wax intaa aan soo xusay ka badan diinta kiristaanka kuma jiro. Sidoo kale waa in la xusuusnaadaa in gawraca xooluhu uu yahay xirfad laga shaqaysto. Markaa maxaa lanoogu qasbayaa in ay fursadaas shaqo u xidhnaato koox gaar ah, maadaama uu qarankani dadka dhamaantood ka dhexeeyo? Waxaan codsanayaa in dadka kiristaanka ah iyo dadka muslimiinta ahba loo kala sameeyo goobo ay xoolaha ku gawracdaan, qolo kastaana waa inay yeelataa hiliblayaal iyada u gaar ah. Aamiin.

  • Tengeneza JM
    May 31, 2013 @ 12:04:34PM

    Arrinka aasaasiga ah ee meesha yaalaa waxa weeyaan haddaynu nahay reer Tanzania taariikhda waynu ilawnaa. Arrimahan waxay ahayd in hore looga hadlo markii qaranka dhidibada loo aasayay. Markii uu Macalimu Nereeri lahaa qarankani diin ma laha, waxaa munaasib ahayd in la waydiiyo: “Macalimoow yaa markaa wax gawracaya?” laakiin dadku sidaa may yeelinee way aamuseen, kiristaankuna iyagaa xoolohooda gawracan jiray, muslimiintuna sidoo kale, kadibna fawdo buuxda ayuu arrinkii noqday. Waxa ugu xun waxa weeyaan waxaa jira goobaha qaarkood oo aan heli doonin cid wax u gawracda, waxaana qasab ku noqon doonta inay wakhti dheer sugaan. Qof kasta waxaa laga rabaa inuu ku dhaqmo mabda’yada diintiisa, sidaasaanuu ku jiraa habka ugu wacan ee xoolaha loo gawrici doonaa.

  • A.H.Mulagizi
    May 30, 2013 @ 11:26:04PM

    Anigu waxaan qabaa arrinkani wuxuu u baahanyahay xigmad dheeraad ah. Waa inaan is waydiinaa, ma imika ayuumbay soo bexeen dad kiristaan ah oo wacani mise waa koox doqmo ah, waayo xitaa doqmuhu diin ayay leeyihiin. Saaxiibayaashayda qaaliga ahoow, waxaan leeyahay waa in xigmadu shaqaysaa, waana inaynu doqmahan tirade yar iska dhaafnaa.

  • Mahuma
    May 30, 2013 @ 09:58:49AM

    Diinta kiristanku may xaaraantinimaynin cunitaanka hilibka la gawracay, balse waxa la xaaraantinimeeyay oo kaliya hilibka xoolaha dhintay ama hilibka xoolaha shaydaanka loo gawracay. Intaa wixii ka sokeeya, ma jirto sabab inagu kalifaysa colaadan xitaa ay bini’aadamku ku nafwaayayaan. Waa in labada dhinacba ay ilaahay waydiistaan inuu xigmad rabaani ah ku manaysto oo ay mushkiladan kaga gaashaantaan.

  • Elizabeth M. Mbotto
    May 30, 2013 @ 05:27:59AM

    Saaxiibadayda Kiristaanka ahoow, Waxaan idinka codsanayaa inaad aamintaan awooda dhiiga Nabi Ciise. Neefka xoolaha ahi wuxuu yimaadaa isagoo qofkii hore u dhaqan jiray uu wax kusoo akhriyay, markaa xitaa hadii uu qofka gawracayaana uu isna wax ku akhriyo, waa inaan talasaaranaa dhiiga Nabi Ciise, waayo taasaa ku filan inay hilibka ka safayso wax kasta oo wasakh ah ama wax kasta oo lagu akhriyay. Waxaad aamintaan dhiiga nabi ciise, waayo waxaa ku jirta awood cajiib ah. “Waxaad rabtaan codsada waad heli doontaane, waxaad rabtaana raadsada waad arki doontaane. Albaabadana garaaca way idiin furmi doonaane. Math. 7:7”. Amiin.

  • meryceline
    May 30, 2013 @ 02:41:05AM

    Haddaynu nahay reer Tanzania waa inaynu dhamaan maadooyinka ku baranaa afka Ingiriisiga, waayo taasi waxay inaga caawin doontaa horumarinta tacliinteena. Teeda kale golaha imtixaanaadka waxaa laga rabaa inay soo diyaariyaan imtixaano fudud si ay dalkeena ugu soo baxaan mutacalimiin badani oo aysan ardayda tacliinta ugu adkaynin.

  • nyaonge massinde
    May 30, 2013 @ 02:40:52AM

    Waa munaasib.

  • Linyala Msusi
    May 29, 2013 @ 01:33:56PM

    Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu siduu rabo uu u cibaadaysto. Sidaa awgeed, maadaama uu qaliinka xooluhu yahay arrin cibaadooyinka ka mid ah, markaa waa in cid kasta loo fasaxaa inay siday rabto wax u gawracato oo u cibaadaysato. Sidoo kale, maadaama uu qaliinka xooluhu yahay qurbaan, cid kastaa waxay xaq u leedahay inay wax gawracdo si ay hor ilaahay qurbaan u bixiso. Maaha suuragal in qofku uu ka qayb noqdo arrimo ilaahay lagu caabudayo ama qurbaan la bixinayo oo uusan aaminsanayn amaba uusan fahansanayn. Hadiise ay uun caado inoo ahayd in dadka qaarkoodna wax gawracaan qaarka kalena ay cunaan, waa inaan ogaanaa in wax kastaa bilaw iyo dhamaad leeyahay.

  • clement nobezi
    May 29, 2013 @ 11:48:28AM

    Diimeheena maxaynu ugu dagaalamaynaa? Nabada ha la ilaaliyo. Waxaan anigu wax ka bartaa kuliyada qorshaynta.

  • jumanne selemani
    May 29, 2013 @ 10:36:39AM

    Waxaan jecelahay inaan codsado in maxkamada Kadhi dustuurka lagu daro.

  • george kimbokas
    May 29, 2013 @ 07:12:26AM

    Waxaan akhriyay faalooyin badan, manaan arag meel ay dadku ku xusayaan wuxuu dastuurku ka leeyahay arrinka qaliinka xoolaha. Xitaa madaxwaynaha khudbadihiisu maaha kuwo waafaqsan dustuurka qaranka. Qof kastaa wuxuu iska ilaalinayaa inuu dustuurka is barbar taago, waayo dustuurku wuxuu xusayaa inay cid kastaa xaq u leedahay inay siday rabto u cibaadaysato iyadoo aan ku xadgudbin xeerarka ama aan dhibaataynin dadka kale. Qaliinka xooluhuna waa arrin cibaadooyinka ka mid ah markaynu muslimiinta ka hadlayno, waxaana muslimiinta u sharci ah inaysan cunin hilib aan la gawricin. Markaa waa inaynu halkaa isugu nimaadnaa: kiristaanka iyo muslimiintuba waa inay xoolaha gawracaan. Xukuumada waxaa la gudboon inay noqoto mid sharciga u taagan oo aysan noqonin mid go’aamo soo saarta. Qofka muslimka ahi maaha mid wax xeer ah jabinaya hadii uu wax gawraco, kiristaankuna waa sidaasoo kale, waxaana sidaa dhigaya quraanka iyo injiilka labadaba. Sidaa wageed, waa inay xukuumadu difaacdaa dustuurka, dadkuna waa inay diimohooda ugu dhaqmaan una cibaadaystaan hab waafaqsan dustuurka iyo waxyaabaha kusoo arooray kututa samaawiga ah. Marka xukuumadu waa cidda u baahan in laga jaahil saaro arrinka qaliinka iyo waxa labada diimoodba ka leeyihiin. Waxaa jira dad inaga mid ah oo aragtidoodu tahay inay kahadlaan waxyaabahaas.

  • MARAWITY NYANGE
    May 28, 2013 @ 03:54:08PM

    Si dhibaatadan loo soo afjaro, waa in kormeerayaasha caafimaad ay xoolaha gawracaan oo aysan kaliya ku koobnaanin hawshooda koormeerka. Maxaa la isu qasbayaa? Waa in baarlamaanku soo saaraa xeer u gaar ah gawaraca xoolaha waana inaan diin kaliya loo ogolaanin inay dadkeedu kaligood hawsha qabtaan.

  • bertha gabriel kisaka
    May 28, 2013 @ 09:29:43AM

    Tanzania waa dal nabad ah waana meel qof kastaa uu awood u leeyahay inuu doorto wuxuu rabo.

  • TANGANYIKA EBOL
    May 28, 2013 @ 02:59:53AM

    Maxaa keenay in marka aan anigu wax qalo uu qofka muslimka ahi waxaa aan qalay cuno ee anigana ii diidaya inaan cuno wuxuu qofkaasi qalay? Labadayada keebaa ilaahay hortiisa wacan? Hadii aan anigu wax gawraco oo uu qofkaasi cuno waxaa aan gawracay, miyuusan janada gali doonin maadaama uu cunay hilib uu gawracay qof kiristaan ahi? Aniga waxay ila tahay waxaa wacan in arrinka laga fekero, mana aha inay cidina cidda kale arrinkan ku takoorto. Ilaahay wuxuu Petro ku yidhi: kac oo wax gawrac. Waxa ilaahay xalaaleeyay maaha in adigoo qof bini’aadam ah aad ku sheegto wax aan xalaal ahayn. Xooluha dhamaantood ilaahay ayaa iska leh, ilaahayna wuxuu si gaar ah xoolahaas ugu xalaaleeyay. Markaa waa in cid kasta oo iimaan lihi ay wax gawrici kartaa.

  • wensislaus joseph chimba
    May 28, 2013 @ 02:29:56AM

    Anigu kuma farxo inaan arko dad diin gaar ah aaminsan oo iyagoo cibaadaysanaya la dilayo, gaar ahaan dadka kiristaanka ah. Waxaan jecelahay inaan dadka talada haya waydiiyo: xageebaanu kusoo cibaadaysanaa hadii lana gubayo marka aanu aadno kaniisadaha?

  • Madalo wa Madalo
    May 28, 2013 @ 02:01:35AM

    Qaliinku waa qaliin. Markaa waa in cid kastaa ay xoolaha u gawracdaa hab waafaqsan caqiidadeeda. Looma baahna in arrinkan lagu dagaalamo.

  • kindi
    May 27, 2013 @ 07:51:53AM

    Waa in la helaa xal lagu xaliyo khilaafka ka dhex jira dalalka kala duwan ee Tanzania ku xeersan, waayo iskaashi ma jiro

  • moteswa msita wa dodoma
    May 27, 2013 @ 06:18:04AM

    Anigu waxaan qabaa waa inay dadka reer Tanzania labada dhinacba ha ahaadaanee ay joojiyaan nacasnimadan oo ay si nabad ah u wada noolaadaan.........??????!!!!!

  • Sospeter Oloo
    May 27, 2013 @ 06:16:05AM

    Hadii uu arrinkani horseedi karo in dhiig daato, markaa waxaa waajib ah in habkii hore wax loo wadi jiray wax loo wado, halkaasoo ay muslimiintu ahaayeen cidda wax qali jirtay, waayo kiristaanku iyagu way ducaystaan kahor intaysan wax cunin. Maaha inaynu tiirarka gurigeena ku dagaalano maadaama aynu guriga wada leenahay.

  • MSILWA STEVEN
    May 27, 2013 @ 02:10:28AM

    Qaliinka xooluhu maaha hawl dawladeed, balse waa arrin la xidhiidha dadka dhaqankooda iyo noloshooda. Maxaad u rabtaan inaad arrinka qaliinka xoolaha wax wayn uga dhigtaan? Anigu waxaan xukuumada kula talinayaa inay ogaato in inkastoo aynu ku guulaysanay la dagaalanka cudurada iyo saboolnimada, laakiin wali jaahilnimo ayaa dadka maskaxdooda ku jirta. Waxaa iga digniin ah xukuumadu waxay fasaxday inay dadku si xor ah wax u caabudaan, laakiin maaha in xorriyadaas loo adeegsado in lagu kharibo nabadgalyada Tanzania ka jirta, cuntada iyo cabitaanka iyo xidhashada dharkuna maaha wax macquul noqon kara.

  • AHMED NKINDWA
    May 26, 2013 @ 12:56:01PM

    Maqaalkani waa mid wacan oo si hufan wax u sheegaya.

  • Muboro Mubiru
    May 26, 2013 @ 05:08:29AM

    Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu siduu doono wax u caabudo oo uu wuxuu doono aamino, hadii uu ku dhasho iyo hadii uu diintiisa badalo labadaba, sidii uu Maxamad Caliba u badalay diintiisa. Xoolaha waxaa la qali jiray diinta kiristaanka iyo diinta islaamka hortood! Taa kasokow, diinta islaamku 500 oo sanadood ayay ka dambaysay diinta kiristaanka. Markaa anigu waxaan qabaa qof kastaa xaq ayuu u leeyahay inuu wax gawraco, aniguna shakhsiyan waxaan waafaqsanahay ra’yiga Lusekelo.

  • Henry
    May 26, 2013 @ 04:11:24AM

    Haddaynu nahay reer Tanzania waa inaynaan u dhaqmin sidii qaran aysan dadkiisu fekerayn. Waa inaysan wax kastaa sidoodii ahaanin, waana in cadaalad lagu dhaqmaa. Waa ayo cidda xoolaha gawracda meelaha aysan muslimiintu joogin? Maxaa u sabab ah inay muslimiintu si nabad ah ugu noolaadaan meelaha aysan kiristaank degenayn? Dabcan markaynu taa kahadlayno arrinku waa mid qaliinka xoolaha ka wayn. Anigu shakhsiyan sidaan ogahay waxaa dhakhaatiirta ku waajib ah inay hubiyaan in marka xoolaha la gawracayo la raaco habka caafimaad ahaan saxda ah, ka hor intaan hilibka la gaynin suuqa, halkaasoo ay dad badani tagaan si ay cuntadooda uga soo iibsadaan. Waa maxay dhab ahaantii shayga qof muslim ah ama kiristaan ah la dhihi karo qofkaasi waa qof wax gawrici kara? Saaxibaday reer Tanzania waxaan leeyahay waa inaynu dalkeena horumarkiisa u dagaalanaa, si aynu u horumarino dhaqaaleheena , mana aha inay ina gilgilaan ama ina kala qaybiyaan arrimo diimeed. Bal eega astaanteena qaran (xoriyad iyo midnimo). Qof kastaa waa inuu xor u ahaadaa inuu wuxuu doono sameeyo, maadaama sharciga dalka u yaala iyo xuquuqda bini’aadamka uusan midna ku xadgudbayn. Hadii taa la helo, waynu midoobi doonaa. Ilaahay ha barakeeyo Tanzania, hana ka badbaadiyo shirqoolada nabadeena ka dhanka ah.

  • jesse john
    May 26, 2013 @ 03:00:48AM

    Dadkii iyagu hore wax u qali jiray waa in la wacyi galiyaa loona sheegaa in dunidu ay is badalayso, xitaa hadii uusan kitaabkooda muqaddaska ahi ahayn mid is badala, anagu uma dul qaadan karno rabshadooda. Gudida la abuuray ama la abuuri doonaa waa inay ogaataa in dunidu ay intaa isbadalayso, mana aha wax suurtagal ah in qofka kiristaanka ahi uu tusaale ahaan sugo inta qofka kiristaanka ahi uu soo galmoonayo tusaale ahaan, si uu kadibna qofkaa muslimka ahi uu ka kiristaanka ah xoolaha ugu gawraco. Waxaasi waa nacasnimo.

  • Wyclif King Ssc
    May 26, 2013 @ 02:19:19AM

    Xal waara oo loo helo arrintan ku saabsan shaqaaqada diimeed ee ka taagan qalitaanka xooluhu wuxuu ku jiraa in la kala saaro goobaha xoolaha lagu qalo iyo hiliblayaasha, waana in si cad loogu qoraa “hilible kiristaan ah”. Hadii arrinka si qoto dheer loo eego diin ahaan, waxaad arki kartaa in dadka labada diimood kala haysta ay ku adagtahay layaabna ku tahay inay cunaan hilibka xoolaha ay qaleen dadka aan diintooda haysanin, waxaanuu uga dhigan yahay dadka ku adkaysanaya inay wax gawracaan wax gaalnimo ah, waxaana intaa dheer danaha gaarka ah ee qarsoon!

  • Mzalendo
    May 24, 2013 @ 05:02:33AM

    Qof kastaa waa inuu awoodaa inuu siduu doono xoolo u dhaqdo ama u uu iibsado ama uu u gawracdo. Qof kasta oo raba inuu xoolo gawracdaana waa inuu sidaa awoodaa, hadii uu yahay xoolo dhaqato amaba qof hilib iibsanaya. Hadii aan anigu xoolaha lacagtayda kusoo gatay amaba aan ku dhaqday, maxaa keenay in ay cid kale ii gawracdo? Taasi waa caajisnimo, ee xoolahaaga dhaqo oo iibso oo gawraco adigu!

  • SALMON
    May 24, 2013 @ 02:57:19AM

    Qof kastaa waa inuu hab diintiisa waafaqsan xoolaha u gawracaa, sida uu qof kastaa uu hab diintiisa waafaqsan uu ugu cibaadaysto! Mana aha sax in kooxna lagu dirqiyo waxaysan rabin, waana in la ogaadaa sababta ay dadka qolaba wax la saxsan yihiin! Waligaa cidna wax ha ka sheegin adigoon dareemin duruufta ay cidaasi ku jirto!

  • REHANI
    May 23, 2013 @ 01:31:45AM

    Maaha in goobaha xoolaha lagu gawraco lakala saaro. Waa inay Muslimiintu sii wadaan gawraca xoolaha sidii ay horeba wax u gawrici jireen.

  • Oliver Limwagu
    May 22, 2013 @ 03:32:20PM

    Dalkeenii wuxuu hoos usii galayaa waxyaabo aan loo baahnayn oo maalayacni ah. Anigu ma xusuusni in aynu 50-kii sanadood ee aynu xornimada haysanay aynu wax dood ah ka yeelanay cidda xoolaha gawrici karta. Goobaha ay joogaan dadka diinta kiristaanka u adeega kiristaanku xoolaha way gawracaan oo xitaa dadyowga kale ee diimaha kale haystaa hilibka xoolahaas way cunaan, xitaa dumarka baadariyaasha ahi si farxadi ku jirto oo nabad ah ayay hawshoodaa u gutaan, waxaanay ka hawlgalaan gobolada Lindi iyo Mtwara, iyo meelaha ay ka midka yihiin Narunyu, Nyangao, Ndanda, and Luagala, iyo waliba tuulooyinka dadka Muslimiinta ahi ay ku nool yihiin. Si kasta ha ahaatee, aniga waxa iigu muhiimsani waxa weeyaan in hilibka la gadayaa uu ahaado mid dadka caafimaadkooda aan khatar ku ahayn. Waxaa jira dad badan oo iyagu gawraca xoolaha ay ku eryayso shaqala’aantu, waayo waxaan arkaa in dadka waxoogaa lacag ah la siiyo si ay shaqadaas u qabtaan. Markaa anigu waxaan qabaa waxani waa nooc minal damaacinimo, xukuumada iyo dadkuna waa inay sidaa wax u fahmaan, mana aha inaynu ka xishoono inaynu runta isu sheegno. Waxaan anigu hubaa inay jiraan xoolo ku dhinta Pungu markay ka imanayaan meelaha fog-fog, waxaana xoolaha la gawracaa goor ay horeba u dhinteen, hadana dhamaanteen xoolahaa hilibkooda waynu iska cunaa. Markaa waa in dadku ay joojiyaan damaacinimada. Yaa yidhi waa inay muslimiintu wax gawracaan galigood, anigu waxaan qabaa qofkaasi maaha qof si wacan u fekeraya. Maxayse tahay inay qalaan? Waxaan anigu leeyahay goob lagu qalo hilibka doofaarka, sida caadiga ahna aniga iyo xaaskayga ayaa doofaarada wada qalna. Markaa muslimiintu diyaar ma u yihiin inay yimaadaan halkan oo ay doofaarada ii gawracaan? Haa, diyaar ayaan u ahay inaan lacag siiyo. Qofku hadii uu farmasi furto, maaha inuu kala doorto dadka bukaanka ah. Anigu waxaan qabaa in dadka kiristaanka ahi meel kasta oo ay dunida joogaan ay yihiin dad furfuran. Markaa way dhici kartaa inay arrinkan ogolaadaan iyagoo kibir la’aan ay ka tahay, laakiin cidda loo igmado inay xoolaha gawracdaa waa inay sidoo kale noo gawracdaa daayeerada iyo dawacooyinka iyo doofaarada iyo wixii la mida.

  • Mwisawa, Mwangwa
    May 22, 2013 @ 08:27:09AM

    Waxaynu ku noolan dhaqan uu gundhig u ahaa xidhiidh wanaagsan oo muslimiinta iyo kiristaanka u dhexeeyay. Markaa waxay u dhawdahay in burburkii ku yimi xidhiidhkii hore ee wacnaa uu sabab u yahay waxa maanta ina haysta. Markaa waa in talaabooyin laga baaraan dagay la qaadaa, si dib loogu soo celiyo xidhiidhkaas. In mawqifyo diimeed la kala istaagaa waxba inoo tari mayso, markaa cid kastaa waxay xaq u leedahay inay waxay rabto si diinteeda waafaqsan u caabudo iyadoo aysan cidina dirqiyin.

  • bi dodo hurumzi
    May 22, 2013 @ 07:47:10AM

    Anigu waxaan ra’yigayga ku biirinayaa saaxiibaday, waxaanan leeyahay cid kastaa diinteeda gaarka u ah ayay leedahay, markaa waa in cid kasta loo fasaxaa inay siday rabto wax u gawracdo, taasina maaha mid u baahan dood dheer. Xitaa hadii aynu sugno, ma jirto cid xal kaa ka wacan keeni doontaa. Waa mahadsantihiin dhamaantiin.

  • MWASHAMBWA LUSESHELO
    May 20, 2013 @ 11:53:38AM

    Waa maqaal wacan laakiin dhibaatooyinkiisa iska leh. Arrinka qaliinka xooluhu wuxuu horseeday inay soo baxaan arrimo badan iyo ra’yiyo badan. Hadaba hadii uu qaliinka xooluhu yahay arrin muslimiintu ay ku cibaadaystaan, markaa maaha inay dadka kale ku qasbaan waxyaabaha ay ku cibaadaystaan. Sidoo kale, hadii muslimiintu aysan raali ka ahayn cunitaanka hilibka ay kiristaanku gawraceen, maxaa kiristaanka ku kalifaya inay muslimiinta aaminaan? Haddaynaan is aaminin, waa dhibaato. Anigu waxaan isku dayayaa inaan wax fahmo, hadii uusan gawraca xooluhu wax faa’ido ah u lahayn muslimiinta, maxay diyaar ugu yihiin inay dhiig daadiyaan? Muslimiinta hadaad tihiin oo aad jeceshihiin inaad wax gawracdaan, waa inaad xoolihiina dhaqataan oo aad gawracataan, ee maaha inay dadka kale xoolaha idiin dhaqaan kadibna aad ku qasabtaan inay idiin qalaan xoolaah. Intaa kadib, waa inaad ku dhawaaqdaan inaydun sidoo kale doofaarada gawrici doontaan.

  • karim mputa
    May 20, 2013 @ 06:49:33AM

    Maaha inaynu ogolaano inay diintu noqoto shay aynu isku dilno, sida ka jirta dalka Nigeria. Saddex gobol oo Nigeria ka mid ah waxaa ka socota masiibo iyo baroor, markaa ma taasaynu rabnaa inaguna?

  • edward kagaruki
    May 19, 2013 @ 05:25:32PM

    Waxaan jecelahay inaan dhiibtu fikirkayga ku aadan arrinka qaliinka xoolaha, waxaanan dhihi lahaa arrinku kiristaan iyo muslimiin kaliya kuma saabsanee wuxuu ku saabsanyahay niyad samaantii awoowyaasheen, kuwaasoo arrinkaa wax iskaga waafaqay kalgacaylka ay isu hayeen awgiis.

  • Adam.
    May 19, 2013 @ 04:21:06PM

    Waxaan jecelahay in iyagoo si sax ah loo turjumay la noo soo gudbiyo ducooyinka ay walaaleheen akhriyaan marka ay wax gawracayaan…waxaaba laga yaabaa in dhibtu ay tahay kaliya luqada carabiga uun… angu sidaan ogahay, markay ducooyinkaas akhriyayaan, waxay magaacaabaan oo ay amaanaan ilaaha neefkaas la gawracayo abuuray. Sidaad ogtihiin, kaniisadaha ka jira magaalada Qudus (falastiin) – ee ay ka mid tahay kaniisada Nativity oo ah goobtii nabi ciise ku dhashay – iyo waliba kuwa ku yaala magaalada Bethlehem iyo kuwa kaleba waxay ku tukadaan af carabi. Carabta kiristaanka ahina ilaahay waxay u yaqaanaan Allah iyo Al-ab oo ah ilaaha aabaha ah! Bal waxaad fiirsataan mareegta ARABICBIBLE.COM

  • patric sijaona
    May 19, 2013 @ 06:05:48AM

    Waa inuusan wax kastaa caadigiisii ahaanin, waayo wakhti cusub ayaa la joogaa hadda. Markaa waa in arrimaha noocaas ah aynu ka yeelanaa shuruuc dhamaystiran, waayo waa in jiilasha barito iman doonaa ay arkaan hab nidaamsan, mana aha in wax kastaa caadigiisii ahaado, waa siday hogaamiyayaasheenu yidhaahdaanee. Golaha kiristaanku wuxuu hore u sheegay in ay tahay in aanu yeelano goobo xoolaha lagu gawraco oo anaga noo gaar ah. Anagu hadaanu nahay dadka kiristaanka ah, ma cuni karno hilib diin kale magaceeda lagu gawracay. Markaa waa in aanu yeelano goobo xoolaha lagu gawraco oo anaga noo gaar ah, kuwaasoo doofaaradana lagu qali doono. Dhibaato dambena dhici mayso. Siday ku dhacday in doofaarada meelo aan rasmi ahayn lagu gawraco oo hadana ay dadku hilibkooda cunaan?

  • Ngoshawambiyu
    May 16, 2013 @ 04:53:20PM

    Meeshaynu u socono waynu gaadhi doonaa, wakhtigu wali diyaar maaha!!! Ilaa uu dabku isqabsado.

  • Abdallah burhan
    May 15, 2013 @ 01:21:34PM

    Aad ayaan ugu mahad celinayaa xukuumada sababtoo ah waxay awooday inay masiibadan ka hortagto, waayo dalkeenu wuxuu ku jiray marxalad xun oo dagaal sokeeye ah, dagaalkaas oo ahaa mid diimeed, kaasoo dalkan gun iyo baar gilgilay. Sidoo kale, haba yaraatee xalku kuma jiro in muslimiinta iyo kiristaanka loo kala saaro goobaha xoolaha lagu gawraco, waayo wuxuu arrinkaasi abuuri doonaa in labada dhinac ay kala jabaan, waxaanuu horseedi doonaa saboolnimo, sababtoo ah waxa meesha ka bixi doonta isku duubnaantii la rabay in horumar lagu gaadho. Maxaa diidaya in arrinka qaliinka xooluhu uu sidiisii ahaado? Maxaase inagu kalifaya inaynu qarna u saarano inaynu is dilno oo aynu arrin basiid ah u burburino kaabayaasha waddankeena? Waa run inaysan xukuumadeenu lahayn diin rasmiya, balse waxaa jira waxyaabo aysan banaanayn inuu qofku sameeyo diin ahaan, waxyaabaha qaarkoodna qofka way u banaan yihiin. Markaa waa inaynu ogaanaa dadka xoolaha ay gawracaan hilibkoodu uusan xaaraan ka ahayn dadka kale, iyo dadka ama kooxda xoolaha ay gawracaan hilibkoodu uu xaaraan ka yahay dadka kale. Intaa ka dib, waa in fursada la siiyaa dadka xoolaha ay gawracaan hilibkoodu uusan xaaraan ka ahayn dadka kale ee cid waliba cuni karto. Maaha in aynu dalkeena ka hirgalino nidaam dabaqado kala duwan dadka ka dhigaya. Waa inaynu nabada iyo kalgacaylka jeclaanaa. Arrinku intaasuu ku dhan yahay @bdallah.

  • Mehran Bahram Chaaker
    May 15, 2013 @ 12:40:01PM

    Dalkeenu waa dal nabadeed, daarasalaam macneheeduna waa dhulkii nabada. Hadii markaa aynu dagaal bilawno, waxay markaa noqonaysaa inaynu magaca dalkeena baddalno, waayo haddaynaan sidaa yeelin waxay noqonaysaa nacasnimo. Intaas oo sanadood waxaynu ku noolayn bilaa muran, markaa maxaa inagu kalifaya inaynu imika muran ka bilawno arrinka qaliinka xoolaha? Dadka reer Tanzania dhamaantood way ogol yihiin inay wax ka gataan goobaha muslimiintu hilibka ku qalaan, dhamaantoodna hilibka xalaasha ah way cuni karaan, hadiise ay kiristaanku xoolo qalaan, waxa kaliya ee loo baahanyahay waa in bayaamiyo in cidda hilibkaa gawracday ay tahay kiristaan. Arrimahaasi waa kuwo basiid ah, mana aha in colaad laga abuuro.

  • elias letema
    May 15, 2013 @ 05:09:21AM

    Aniga waxay ila tahay shayga ugu muhiimsan ee ay xukuumadu arrinkan qa qaban kartaa waa iyadoo goobaha qaliinka u kala saarta muslimiinta iyo kiristaanka sida dalka koonfur afrikaba ka jirta, halkaas oo ay muslimiintu leeyihiin dukaamo lagu gado cunto xalaal ah. Kadibna cid kastaa iyadaa go’aansan doonta oo kala dooran doonta inay hiliblayaasha kiristaanka ama kuwa muslimiinta wax ka doonato. Arrinkaasi waa mid aad u fudud oo la mid ah hal hal u gee waa imisa. Markaa waa inaynaan warwareegin oo aynaan jawaabta doon-doonin.

  • Salila
    May 14, 2013 @ 01:06:47PM

    Wax kastaa wakhti ayuu leeyahay! Taasaa keentay in ay reer yurub laftoodu ay ina xukumaan markii hore, laakiin waxaa yimi wakhti ay Afrikaanku bilaabeen inay dalbadaan madaxbannaanidooda! Hadaba maanta wakhtigaynu joogno xalka lagama maarmaanka ahi waa in diin kasta dadkeedu ay xoolohooda gawracdaan, xukuumaduna iyadaa ah cidda go’aamin doonta in nabadi jirto iyo in kale! Si dhibaatooyinka looga hortago, waa in ay kiristaanku yeeshaan goobo iyaga u gaar ah oo xoolaha lagu gawraco, laakiin taasi maaha mid qofka kiristaanka ah ka mamnuucaysa inuu hilib ka iibsado walaaleheena muslimiinta ah hadii uu sidaa ku niyadsan yahay, sidoo kale hadii uu qof muslim ahi uu jeclaado inuu iibsado hilib uu gawracay qof kiristaan ahi, waa iska caadi! Maaha arrinkaasi mid muran u baahan! Tusaale ahaan waxaa meel kasta ku yaala baarar, kuwaasoo cuntada lafteeda gada, laakiin hadii qof muslim ah ama qof kiristaan ah oo aan khamriga cabin uu meeshaa u cunto tago, cidina kuma qasbayso inuu khamri iibsado inkastoo uu jawiga meeshaasi yahay mid loogu talagalay dadka khamriga iibiya!! Markaa maaha inaan ku dadaalno inaan xagjirnimo diimeed aragno, waayo xaqiiqadii nolosha gabigeeduba way isku dhex milan tahay!!!

  • mdoe
    May 14, 2013 @ 09:16:40AM

    Aniga waxay ila tahay waxaa wacan inay xukuumadu soo faragaliso oo ay kala saarto goobaha qaliinka xoolaha si cid kasta si cadaalad ah loola dhaqmo, waayo dadka kiristaanka ah iyaga laftoodu arrinka waxay u arkaan inuu yahay arrin diimeed. Ma wacna inaan aragno in labada dhinac uu dhinac kali ahi ka faa’idayo shaqooyinka…wax macno ahina kuma jiro hadii muslimiintu ay 50-kii sanadood ee u dambeeyay ay wax qalayeen, waayo waxaa la gaadhay wakhti ay dadku xuquuqdooda gartaan. Dalkeenu waa dal kaliya, arrinkana waa in si dhab ah looga hawl galaa.

  • peter chuwa
    May 13, 2013 @ 04:41:13PM

    Tanzania waa inay heegan ku jirtaa si ay ula dagaalanto xagjirnimada diimeed.

  • Ndega
    May 13, 2013 @ 11:50:51AM

    Diinta islaamka ka hor yaa xoolaha gawrici jiray? Waxaan sidaa u leeyahay diinta kiristaanku 500 oo sanadood ayay ka horaysay markii uu kadib islaamku yimid. Imikase xageebaynu u soconaa? Cid kastaa waa inay xoolaha gawracdaa, cidiise aan taa raali ka ahayn, waa inaysan hilibka cunin. Waxa loo baahanyahay isu dulqaadasho.

  • Adam.
    May 11, 2013 @ 08:26:17AM

    Waxaan jecelahay in iyagoo si sax ah loo turjumay la noo soo gudbiyo ducooyinka ay walaaleheen akhriyaan marka ay wax gawracayaan…waxaaba laga yaabaa in dhibtu ay tahay kaliya luqada carabiga uun… anigu sidaan ogahay, markay ducooyinkaas akhriyayaan, waxay magaacaabaan oo ay amaanaan ilaaha neefkaas la gawracayo abuuray. Sidaad ogtihiin, kaniisadaha ka jira magaalada Qudus (falastiin) – ee ay ka mid tahay kaniisada Nativity oo ah goobtii Nabi Ciise ku dhashay – iyo waliba kuwa ku yaala magaalada Bethlehem iyo kuwa kaleba waxay ku tukadaan af Carabi.

  • KHAMIS
    May 11, 2013 @ 05:42:54AM

    Halkeebay hore wax ugu qali jireen? Mise waxa kaliya ka cadhaysiiyay dadyow maangaabka ah, kuwaasoo raba in ay dagaal ka huriyaan dalkeena?

  • Manka
    May 10, 2013 @ 03:13:20PM

    Waxaa la gaadhay xiligii ay xukuumadeenu joojin lahayd inay go’aamadeedu noqdaan kuwo ku salaysan sidii ay arrimuhu caadi ahaan ay ahaayeen. Waxaa xukuumada la gudboon inay qaadato go’aamo ku salaysan sharciga dalka. Maaha caqligal in hogaamiye cilmi u saaxiib ahi uu diido inuu ruqsad siiyo diin kasta dadkeedu inay yeeshaan goobo iyaga u gaar ah oo ay xoolaha ku gawracaan, inkastoo ay jiraan goobo u gaar ah in lagu gawraco doofaarada, kuwaaso aysan wax dhibaato ahi ka dhicin. Xukuumadu inay arrimuhu caadigoodii u socdaan waxay u taqaanaa in dadka dhinac sabab la’aan lagu cadaadiyo. Dadka muslimiinta ah ee walaalahayaga ahi waxay qaliinka xoolaha u arkaan arrin diimeed, laakiin ma waxa la rabaa in anigoo kiristaan ah wax aanan garanayn la I dhex galiyo. Maya, taasi maaha suurtagal. Marka ay muslimiintu xoolaha gawracaan, waxay gawraca xoolaha ka helaan dakhli, dakhligaasina wuxuu ku baxaa arrimohooda diimeed, laakiin kiristaanku iyagu taa ma hayaan. Sidoo kale, dadka wax gawraca ee xero-dhiigta ka shaqeeyaa waa muslimiin, kiristaankuna wax shaqo ah goobahaas kama helaan. Hadaba markay xukuumada kasoo yeedhayaan jawaabaha daciifka ah ee noocaas ahi, maaha in ay anaga hadaanu nahay dadka kiristaanka ah ay na moodo inaanu jaahiliin nahay. Ma nihin jaahiliin ee waxaanu awood u leenahay inaanu fekerno, xalkuna wuxuu ku jiraa in cid kasta waxay u baahantahay la siiyo. Hadii aad taa diidaan, aad ayaydun uga shallayn doontaan.

  • [email protected]
    May 10, 2013 @ 02:25:26PM

    Shabani Shega, xageebuu ka yimi xeerka gawraca xooluhu? Muddo 50 sanadood ka badan ayay muslimiintu xoolaha gawracayeen, markaa maxay maanta la sara kaceen (kiristaanku)? Aniga waxay ila tahay waa inaan guddida u fasaxnaa inay hawsheeda gudato, hadii kiristaanka ah hawshaas loo dhiibo, taa macneheedu waxa weeyaan dagaalkii Tanzania wuu ka bilaabmay.

  • Loveness Baraka
    May 10, 2013 @ 06:46:44AM

    Anigu waxaan qabaa waa in la kala saaro goobaha wax lagu gawraco iyo dukaamada labadaba. Sida caadiga ah, cuntada muslimiinta waxaa dusha lagaga qoraa kalmada “xalaal”, cuntooyinkaasina waxay yaalaan dukaamada, dadka kiristaanka ah ee aqoonta lihina ma iibsadaan cuntooyinkaas, mana jirto cid ku qasbi karta inay sidaa yeelaan. Muslimiinta iyo kiristaanka labadoodaba waa ka mamnuuc inay cunaan hilibka xoolaha aan la gawricin, iyo waliba hilibka aan caafimaad ahaan munaasibka ahayn. Hasa yeeshee dhibaatadu waxay ka taagantahay gawraca xoolaha, waayo muslimiintu markay wax gawracayaan bisinka ayay u qabtaan, sidaasaanuu hilibka neefku xalaal muslimiinta ugu noqdaa, halka uu kiristaankana ka xaaraantinimoobo. Kiristaanka waxaa ku waajib ah inay xoolaha gawracaan, si loo hubiyo inaysan cunin hilibka xoolaha jidh-dilka loo gaystay amaba hilibka dhiiga leh. Laakiin bisinka ay muslimiintu u qabanayaan markay neefka garacayaan ayaa hilibka neefkaas ka xaaraantinimeeya, dhanka kalena muslimiinta waa ka xaaraan inay cunaan hilibka xoolaha aan bisinka loo qaban marka la gawaracayo. Arrimahaasi waa arrimo xasaasi ah oo ay waajib tahay inay dadku ka fekeraan si ay caqiidadooda u ilaashadaan. Hasayeeshee sannadahaas oo dhan ee ay muslimiintu wax gawracayeen kiristaanku waxay hilibka iyo waxyaabaha kaleba ku daahirsan jireen maga nabi ciise oo ay ku dhawaaqaan, waa waxay aaminsanyihiin inuu ciise yahay ka dadka bogsiiya ee nabaradoodana dhaya, isla markaana uu yahay cidda dunidan badbaadin karta, dadkana uu dunuubtooda dhaafo. Hasa yeeshee, muslimiinta ilaahoodu wuxuu fasaxayaa in dadka la laayo, markaa hadii qof bini’aadam ah loo dilo waxaad rabtaa inaad hilibkaaga daahiriso, waxay taasi caddaynaysaa inaysan muslimiintu diyaar u ahayn inay la noolaadaan dad aysan isku diin ahayn. Laakiin kiristaanku iyagu waxay la noolaayeen dad si ula kac ah hilibkooda uga wasakhaynaya oo dil u gaysanaya, isla markaana ku kacaya arrimo ay ka mid yihiin guryaha kiristaanka oo ay gubaan iwm, arrimahaasina waxay socdeen intaas oo sanadodo, laakiinse kiristaanku maysan aargoosi doonan. Hadaba xukuumada waxaa ku waajib ah inay arrinkan ka taxadirto. Yaa arkay diin diiwaan-gashan oo fasaxaysa dadkoo la laayo iyo in rabshado lagu kaco? Kiristaanku waxay sii wadi doonaan inay hilibkooda iyo waxyaabaha kaleba ku daahiriyaan magaca Nabi Ciise.

  • Jua Mwambapa
    May 10, 2013 @ 04:06:05AM

    Waa inaan iska fogaynaa afkarta noocaas ah, waayo cidina ma oga xaqiiqada ka jirta goobaha wax lagu gawraco. Qaliinka xooluhu maaha shay muran ka taagan yahay, balse waxay dadku cuni doonaan ayaa ah shay muhiim u ah caafimaadkeena.

  • SUDI
    May 9, 2013 @ 02:46:45AM

    Hadii uu qofku xoolihiisa gawracdo oo uu hilibkoodana cuno, maxay tahay dhibta arrinkaa ku jirtaa? Waxaa wacan inay dadku arrinkan ka taxadiraan. Qofkuna ilaahay ugu dhawaan maayo xoolaha oo uu qalo ama uusan qalin, shayga uu qofku ilaahay kaga ag dhawaan karaana waa isagoo ilaahay rumeeya oo dambi dhaafna waydiista dunuubtii uu galay, markaa ilaahay dambi dhaaf waydiista oo joojiya dambiyada aad wadaan.

  • christopher Muleju
    May 8, 2013 @ 09:56:30AM

    Hadii arrinku diin ku saabsan yahay, waa in cid kastaa ay xoolaha gawracdaa.

  • Afro Canadian
    May 7, 2013 @ 09:53:15PM

    Casrigan dunidu marayso, waxa dalkayga ka jira dood ku saabsan ma sharcibaa in Kiristaanka loo fasaxo inay xoolaha gawracaan? Maxay tolow Muslimiintu cunaan markay dalka debediisa u baxaan? Mise hilibkoo dhanba way iska daayaan? Waxaan idiin sheegayaa waxaan anigu la kulmay hiliblayaal aan Islaam iyo Kiristaan midna ahayn.

  • Sultan
    May 7, 2013 @ 08:18:42AM

    Anigu sidaan qabo, waa inaan ka fekernaa sababta dadka kiristaanka ah ku kaliftay inay ku doodaan inay xaq u leeyihiin inay xoolaha gawracaan? Waxaan hadaba jecelahay inaan waydiiyo inay ii sheegaan sabab la taaban karo oo ku qasbaysa inay hab diintooda waafaqsan xoolaha u gawracaan. Anoo ka hadlaya waayo aragnimadayda, waa inaan ka fekernaa waxyaabaha aasaasiga u ah horumarka dalkeena, inkastoo ay akhirstayaal badani arrinka uga hadleen siday iyagu wax u fahansanyihiin, laakiin dadka kama joojin karno inay ra’yigooda soo bandhigaan. Hadaba maaha inaan aqbalno inay dadyowgan reer Yurub inaga faa’idaystaan, waayo waxay inoogu imanayaan inay ina kala qaybiyaan, si ay ugu fududaato inay khayraadkeena inaga boobaan. Markaa waa inaan dadaalnaa ooo aan isku taxalujinaa inaan maskaxdeena adeegsano. Wakhtigan xaadirka ah, quwadaha ajnabiga ahi waa cidda meelaha la leeyahay colaado ayaa ka jira colaadaha ku abuurtay, waxaanay wataan danohooga gaarka ah. Markaa waa inaan hurdada ka kacnaa (waxa socda kala qaybi oo xukun). Imika habka la inagu maamulaa waa maskaxda la inaga gumaystay, markaa hadii aynaan maskaxdeena adeegsan karayn, si dhibyar ayaa gacanta la inoogu qaban karaa, waayo iyaga laftoodu waxay isu diyaariyeen inay maskaxdooda aad u adeegsadaan.

  • safari mallya
    May 7, 2013 @ 02:44:10AM

    Waxay aniga ila tahay waa inaynu faraha ka qaadnay isku darka aynu isku darayno diinta iyo arrimaha hilibka, sababtoo ah dhamaanteen waxaynu nahay bini’aadam, arrimaha ka dhexeeya diinta islaamka iyo kiristaankuna waa inaysan soo dhaafin oo ay ku koobnaadaan caqiidooyinkeena iyo waxyaabaha aynu aaminsanahay. Sidoo kale waa inaan joojinaa khatarta aynu ku hayno ammaanka dalkeena, khatartaas oo ka dhalata arrimo laga hortagi karo.

  • rajabujumanne
    May 6, 2013 @ 03:05:12PM

    Maxaa inoo diiday inaynu qalliinka xoolaha kasii wadno halkiisii oo aynu cuno hilibka xalaasha ah, maadaama dadka intooda badani ay hilibka noocaas ah cunaan? Waa in aqlabiyadda xaqooda lasiiyaa. Dadka wali sii wada cabashooyinkani waxay abuuri doonaan dagaal diimeed, waxaanay horseedi doonaan inay ajaanibku dalka ka yaacaan, gaar ahaan hudheelada.

  • felix kahazzy
    May 6, 2013 @ 11:30:58AM

    Waa dhab inay dadka kiristaanka ahi ay xaq u leeyihiin in ay xoolaha gawracaan, sidaasina waa si diinta kiristaanka waafaqsan.

  • francis lindi
    May 6, 2013 @ 09:31:12AM

    Hadii ay kiristaanka xaaraan ka tahay inay xoolaha gawracaan, waa in markaa ay Muslimiintu yeeshaan goobo iyaga u gaar ah oo xoolaha lagu gawraco.

  • aziz ally
    May 6, 2013 @ 12:36:34AM

    Waa inaynu ka fekernaa arrimo faa’ido leh oo aynu dalkeena ku horumarin karno. Arrimahaasi waa kuwo bilaa faa’ido ah.

  • adolph marimbo
    May 5, 2013 @ 05:41:40PM

    Arrinkani culays badan ayuu igu hayaan. Haddii aan arrinkan wax laga qabanin, wuu ina kala qaybin doonaa. Anigu sidaan qabo, waa in muslimiinta loo ogolaadaa inay sii wadaan qalitaanka xoolaha dadwaynuhu cunaan.

  • akyoo
    May 4, 2013 @ 04:55:41PM

    Dhab ahaantii, hadii aad igu tidhaahdo quraanka ayaa sidaa dhigaya oo Bible-ka ama injiilkuna kamuusan hadlin arrinkaas, hadalkaagaasi maaha mid murtiyi ku jirto, waayo anigu maba garanayo Quraanku wuxuu yahay. Anigu waxaan ka dhashay qabaa’il xoola dhaqato ah, markaa goorwalba waxbaanu qali jirnay, balse ma arko wax dhiba oo arrinkaa ku jirta. Sidoo kale, hadii la dhaho quraanka ha loo adeegsado wax lagu kala baxo, waxay taasi ka dhigan tahay iyadoo la dhaho dustuurka Kenya haloo adeegsado in Tanzania lagu maamulo. Sidaa hadii la yeelo qalad wayn ayaa lagu dhacayaa.

  • pastor grolias k mugisha jacob
    May 4, 2013 @ 01:07:37PM

    Waxaad moodaa in dadkeena kiristaanka ahi aynaan wax xuquuq ah lahayn. Haddii aynu xuquuq lahaan lahyn, waxay ahayd inay xukuumaddu inoo fasaxdo inaan xoolaha gawracno, si aan u yaqiinsano in diintayadu tahay diin sharci ah. Haddii kale, waa inay noo sheegaan inaysan diintayadu ahayn diin sharci ah.

  • Frida Makawia
    May 4, 2013 @ 05:55:00AM

    Muranadaasi waa kuwo aan faa’ido lahayn, qof kastaana wuxuu isku dayayaa inuu mawqifkiisa daafaco. Markaa xaqiiqadii xagay ku jirtaa? Maxaa Kiristaan iyo Muslimiin inaga kala dhigay? Ma waxaad u malaynaysaan in goobaha wax lagu gawraco oo la kala saaraa ay xal tahay? Yaase arrinkaa go’aaminaya? Sidoo kale waa inaan ogaanaa inay kiristaanku yihiin aqlabiyada bulshada, markaa maxaa dhacaya hadii aan kala saarno goobaha wax lagu gawraco? Hadii ay muslimiintu aaminsanyihiin in hilibka kiristaanku ay qaleen uusan ahayn mid la cuni karo, maxaa keenay inay kiristaanku aaminaan inaysan ku waxyeeloobaynin cunitaanka hilibka xoolaha Muslimiintu gawraceen? Arrinka kiristaanka warwarka ku hayaa waxa weeyaan: maxaa keenay in marka qof kiristaan ahi uu neef qalo uu neef kaas hilibkiisu xaaraan u noqonayaa, xageebaysay xalaal ahaanta hilibku ka timaadaa? Arrinkaasi wuxuu kiristaanka ku hayaa warwar badan, waxaanay dareemayaan in dhibaatooyinka qaarkood ay ku salaysan yihiin cunitaanka hilibka, waayo markay muslimiintu wax gawracaan, waxay gudanayaan cibaado, waana in la xusuusnaadaa in muslimiinta iyo kiristaanku aysan arrimaha cibaadooyinka wadaagin. Badanaa dadka kiristaanka ahi waxay aaminsan yihiin waxyaabo aan la arki karayn, markaa iyaga wax dhibaato ah kuma hayso si kasta oo xoolaha loo gawraco. Laakiin dhibtu waxay ka taagan tahay afcaasha diimeed ee marka wax la qalayo la fuliyo. Markaa hadii ay muslimiintu kaliya ay wax gawracayaan oo ay arrimaha diimeed meel iska dhigaan, waxay ila tahay wax dhibaato ahi ma jirayso. Anigu waxaan qabaa: in aynaan kala saaroon gooobaha wax lagu qalo, dadkaasina waa inay cibaadooyinkooda sii wataan, kiristaankana waxaan leeyahay maadaama aad arrinka fahanteen, waa inaad hilibka nadiifisaan markaad iibsataan kadib. Kiristaanku waa dad nabada jecel, markaa waxaan leeyahay halkaa kasii wada ilaalinta nabada, hana ogolaanina inay burburto. “Dadka dhamaantood nabad kula noolaada, lana imaada alle ka cabsi, waayo cidina ilaahay arki mayso hadii aysan taa haysanin”. Hadii aan ka hadlo xaga shaqooyinka, waxaan dhihi lahaa dadkani waa dad Tanzania u dhashay, markaa xaq ayay u leeyihiin inay dalkooda shaqooyin ka helaan. Maxaad uga cabanwaydeen dadka ajnabiga ah? Dadka kiristaanka ah waxaan leeyahay waxaad leedihiin xigmad, waana in aad xigmadaa sii haysataan.

  • kwiligwa John
    May 3, 2013 @ 10:34:27AM

    Maqaalkani waa mid aad ugu wacan qof kasta oo Tansaaniya u dhashay oo jecel horumarka dalkiisa, waayo wuxuu si waafi ah uga waramayaa xalinta colaadaha hadda taagan iyo soo celinta sinaanta iyo cadaalada dadka reer Tansaaniya ka dhex jirta, iyadoo aan la eegin diimohooda, isirkooda, midabkooda iyo hantidooda. Sidaa awgeed waxaan aad idiinku hambalyaynayaa maqaalkiinan wacan.

  • nicolus
    May 3, 2013 @ 07:59:57AM

    Aniga iima muuqato sabab inagu kalifaysa inaynu arrinkan ku dagaalano. Waa maxay dhibta jirtaa? Xoolaha ay kiristaanku cunaan waa isla kuwa ay muslimiintu cunaan, markaa waxay ila tahay waxaa wacan in arrinku uu sidiisii hore ahaado. Maxaad u malaynaysaan?

  • Askofu Amos Muhagachi
    May 3, 2013 @ 05:54:16AM

    Tansaaniya waxaa lagu amaanay inay tahay dal haysta nabad, midnimo iyo isku duubnaan, arrinkaasina waa abaal marin heer sare ah. Cid kastaa diinteeda u gaarka ah ayay haysataa, waana dambi wayn in ay cidi cidda kale u sheegto habka ay tahay inay u cibaadaysato ama diinta ay tahay inay raacdo. Diin kastaa waxay leedahay habab iyo xeerar iyo shuruuc u gaar ah oo dadka haga marka laga hadlayo masalada qaliinka. Markaa waa qalad in ay diin gaar ahi ku dodo inay xaq u leedahay inay diimaha kale iyada kusoo daba faylaan. Hadaba waxa loo baahanyahay waxa weeyaan in la helo cilmi diimeed. Muslimiinta iyo kiristaanku waa dad walaalo ah rag iyo dumarba, dhamaanteena waxaynu nahay tafiirtii nabi Ibraahim, waxyaabaha isku keen xidhaana way ka badan yihiin waxyaabaha ina kala saaraya.

  • Flavius Rwelamira
    May 3, 2013 @ 03:11:05AM

    Joojiya afkaarta noocan ah, xukuumadduna waa inay ciidamada CID-da meel kasta dhigtaa si loosoo qabto dadka arrinkan meel kasta kaga hadlaya! Sidoo kale waa in wadaadada iyo baadariyadu ay joojiyaan hadalka ay kaga hadlayaan arrimahan masaajidada iyo kaniisadaha!

  • Chris
    May 2, 2013 @ 02:28:12PM

    Maxaa loo leeyahay qaliinka kiristaanka ee xooluhu waa xaaraan ee iskuulada kiristaanku aysan xaaraan u ahayn, iyadoo muslimiinta iyo gaaladu ay haddana meel wax kuwada dhiganayaan? Hadii ay noqoto in la ina kala saaro, waa in wax kasta lagu kala baxaa! Laakiin anigu si buuxda ayaan u waafaqsanahay ra’yiga Abdalah Cisa ee hoos ku xusan, waana nin xigmad badan! Sidoo kale Xassan Abdalah Xasan aragtiyo wanaagsan ayuu leeyahay!! Aragtiyahaasina waa kuwo aad inoogu faa’ido badan dhamaanteen!!

  • dulababa
    May 2, 2013 @ 10:32:17AM

    Anigu sidaan qabo, kontonkii sanadood ee ugu dambeeyay, dadkayaga muslimiinta ahi waanu dhibaataysnayn, wax kastaana diintayada way ku dheceen. Xiligii isticmaarka ka hor iyo ka dib, waxaa lagu kala noolaa nidaam dabaqado ah, markaa waxaanu ku jirnay horumar dhaqaale iyo mid xagga akhlaaqda ah iyo horumar waxbarasho iyo mid diimeed. Imika wax kastaa way dhamaadeen, markaa waxa loo baahanyahay in la sameeyo imika waxa weeyaan in aynu kala qaybsano oo ay cid kastaa asalkeedii ku noqoto. Muslimiintu waa inay marlabaad noloshooda dib usoo bilaabaan, waayo dad aan xalaasha iyo xaaraanta aan kala ogayn la noolaanshohoodu wuxuu ina gayaysiinayaa gaalnimo, jiilashii soo kacayayna hadda xaaladoodu way sii xumaanaysaa. Markaa naarta ayaynu gali doonaa, hadii kale waa in la bilaabaa halgan xornimadoon oo cusub, waayo kii hore wuu lumay.

  • Abdulrazak an
    May 2, 2013 @ 09:06:34AM

    Waxaa cajiib ah inaysan dhibaatadani hore u jirin, maxaa imika ay kiristaanku arrinkan dhibaato uga dhigayaan? Sidoo kale waa in aynu ogaanaa in gawraca xooluhu uu yahay arrin ay dadka muslimiinta ahi u arkaan wax lagu cibaadaysto, kiristaanku laakiin sidaa ma qabaan.

  • Manka Charyte
    May 2, 2013 @ 02:55:12AM

    Way caddahay inuusan dalkeenu diin lahayn rasmiya, balse dadkeenu ay yihiin cidda diimaha haysata. Qaliinku waa arrin ganacsi, waxaanay marka ila tahay aniga in la gaadhay xiligii ay xukuumaddeenu wanaajin lahayd goobaha qaliinka xoolaha, si ay u adeegsadaan korantada, oo isla markaana ay usoo afjarmaan xiisadahani. Waxaan sidoo kale aad uga codsanayaa walaalahayga rere Tansaaniya inaysan ku dagaalamin arrinka qaliinka xoolaha. Diintu waa arrin qofka u gaar ah, waxaana jira dadyow gaalo ah iyo kuwo kale oo haysta diimo aan islaam iyo kiristaan midna ahayn, markaa dadkaa iyagana xagee baa lagu tirinayaa?

  • joel joseph kagulumwaya
    May 1, 2013 @ 07:27:22AM

    Aniga waxay ila tahay waa inaan is ixtiraamnaa waana inaan halkaa kasii wadnaa hideheenii. Maxaa dhacaya hadii aynu muslimiinta u dayno inay sii wadaan qaliinka xoolaha? Waxaynu kuwada noolayn walaaltinimo, markaa maxaa hadda inagu kalifay inaynu dagaalano dhexdeena? Waa inaan si mug leh u fekernaa intaynaan nabadeena sabab la’aan ku waayin.

  • jackson laizer
    May 1, 2013 @ 02:15:33AM

    Anigu waxaan ka yaabanahay siday kiristaanku ugu dagaalamayaan inay xoolaha gawracaan. Runtii arrinkaasi waa ceeb, mana arko anigu arrin aasaasi ah oo meesha yaala. Markaa waa in dadkii hore ee aynu ugu nimi arrinkani ay sii wadaan, laakiin hadii aad rabtaan inaad xoolaha guryihiina ku gawracataan, digaagiina waad gawracan kartaan. Anigu sidaasaan qabaa.

  • hawa
    April 30, 2013 @ 03:58:15PM

    Qof kastaa waxbuu aaminsanyahay, laakiin su’aasha meesha taalaa kuma saabsana xaqa uu qofku u leeyahay inuu wax gawraco. Dhibtu wax aka jirtaa waxyaabaha is biirsaday, markaa maadaama uu arrinku sidaa yahay, waa in dadka aaminsan diimaha kala duwan oo dhami ay xuquuq isku mida helaan. Maxay hilibka barigii hore u cunijireen?

  • DOSEDOSEE PORTAL
    April 28, 2013 @ 05:27:37PM

    Waa in cid kasta loo fasaxaa inay xooleheeda gawracdo, laakiin waa in aan wax kasta sidiisii ku daynaa, si aan u baajino in dalka la kala qaybiyo. Si kasta ha ahaatee, hadii aad aragto saaxiibkaa oo xoolaha gawracaya, ha la dagaalamin, waayo anigu ma qabo in diimeheenu ay ina farayaan inaan dagaalanno.

  • tozo
    April 28, 2013 @ 10:05:32AM

    Waxaa wacan in la is fahmo oo sidii hore la isu fahmo, si nabada loosoo celiyo.

  • tiberio
    April 28, 2013 @ 05:48:11AM

    Aniga waxay ila tahay waxaynu ku jirnaa jawi qofka u saamaxaya inuu dadka kale diintooda isagoon ogayn uu faragaliyo. Hadii ay dadkani arrinkan u haystaan mid muhiimad wayn u leh, oo ay xitaa qof u dili karaan qaliinka xoolaha awgii, waxaa markaa hubaal ah in arrinkaasi uu muhiimad wayn u leeyahay. Hadaba ama aynu jeclaano ama yaynaan jeclaanin, laakiin arrimahan caqiidada la xidhiidhaa waa kuwo dadka saamayn ku leh oo ku qasbaya inay feejignaadaan. Markaa waxaa wacan inaynu meelaha xoolaha lagu gawraco iyo kawaanada ayno kala saarno.

  • RICHARD KILONZO
    April 28, 2013 @ 01:55:53AM

    Waa in meel kasta laga furaa goobo elektroonig ah oo xoolaha lagu gawraco sida magaalada caruushaba looga furay. Waxaan sidaa u leeyahay ganacsigani (qaliinka xooluhu) wuxuu noqday mid ay dadku isku xaasidaan, taana waxaa sabab u ah shaqala’aanta ba’an ee jirta.

  • MEDDY MCHOPA.
    April 27, 2013 @ 03:25:33PM

    Waxay aniga ila tahay qaliinku waa xaq dadka muslimiinta ah u gaar ah, sababtoo ah marka uu qofka kiristaanka ahi neef qalo, neefkaas hilibkiisu muslimiinta wuxuu uga dhigan yahay sida hilibka bakhtiga ah.

  • MHUNGAJI.STEPHANO.IDDI.NJEJA.
    April 26, 2013 @ 01:58:31PM

    Hadda laga bilaabo, wax dood ahi kama furna arrinka qaliinka xoolaha oo anaga nagu saabsan hadaanu nahay dadka kiristaanka ah, sababtoo ah xaq ayaanu u leenahay inaanu wax qalno. Markaa ma jirto sabab dadka kiristaanka ah ka horjoogsanaysa inay wax gawracaan, waayo diinta kiristaanku waa diinta ugu wacan dunida dhamaanteed. Hadii aanaan muddo dheer waxba gawricin, taa macneheedu maaha maanaan garanayn sida wax loo qalo. Maya, balse wax kastaa wakhtigiisa ayuu leeyahay.

  • Jeremia
    April 26, 2013 @ 01:11:51PM

    Cidina xaq uma laha inay go’aamiso xeerarka ay tahay inay raacaan dadka diimaha kale haystaa. Diin kasta waxaa loogu talagalay, inay dadka jaahil saarto, si ay uga badbaadaan dhaqamada aan xadaariga ahayn, diin kastaana waxay leedahay dhaqamadeeda iyada u gaarka ah ee waafaqsan falsafadeeda. Markaa aniga iima muuqato sabab ay dadka rumaysan diin kaliyi ay arrimahan u horkacayaan. Hadii aad arrinka si qoto dheer u eegto, diin kastaa waxay leedahay xeerarkeeda u gaarka ah qaliinka xoolaha. Markaa waa inaysan habayaraatee dadka qaarkood isu arkin inay cadaalada ka sareeyaan, halka ay dadka kalena ay ka hooseeyaan. Maxaan u maqli waayay cid ka qaylinaysa qaliinka kaluunka? Waxa hadaba meesha ka cad inaan arrinku diin ku saabsanayn, balse diin kaliya ayaa iyadu dank u qabta arrinka qaliinka xoolaha. Hadii uu qaliinka xooluhu yahay arrin qaran, waxaa waajib ah in ay dadku wax kasta u sinaadaan.

  • Mkisi Waukisi
    April 26, 2013 @ 11:22:16AM

    Marka hore, waxaan jecelahay inaan amaano sheikh Saleebaan Mtindi oo aan ku amaano aragtidiisa iyo xigmadiisa, waxaanan ka yaabanahay pinda iyo diidmada uu diiday fikrada ah in la kala saaro goobaha xoolaha lagu qalo. Anigu sidaan u arko, dadka kiristaanka ahi way ka daaleen inay cunaan hilib aan xalaal ahayn, maxaa keenay in qof gaal ahi uu xoolaha gawraco? Hadii aysan aaminsanayn in ciise ilaah yahay oo uu yahay cida dadka badbaadinaysa, taa macneheedu waxa weeyaan maalinta qiyaamaha cadaabta ayay gali doonaan. Hadii kale oo ilaah kale oo been ahi uu jiro, ilaahaasi waa been abuur, waayo ilaahay wuxuu yidhi ilaahyada kale ha caabudina, cidaan isaga ahayna ha caabudina. Maaha inaynu danta bini’aadamka ka fekerno oo aynu ilawno amaba aynu qaloocino sharciga ilaahay, sidaasina waa sida uu pinda rabo. Anigu waan ogahay inuu xaqiiqada ogyahay, laakiin raysal wasaaraha ayaa ku kalifaya inuu si cadaalad leh u dhaqmo oo uusan kala saarin goobaha xoolaha lagu gawraco. Maadaama ay muslimiintu codsadeen in caruurtooda loo fasaxo inay xijaab iskuulada ku xidhaan, maxaa diidaya in ay kiristaankuna helaan meelo iyaga u gaar ah oo ay wax ku gawracaan? Anigu ma jecli colaada, balse waa inaysan xukuumadu dadka ku kalifin inay abuuraan xisbi lagu magacaabo xisbiga dimuqraadiga ah ee kiristaanka CDA, sababtoo ah muslimiintu waxay kiristaanka cadaadinayeen muddo aad u dheer, laga soo bilaabo xiliyadii dagaaladii saliibiyiinta. Ilaahay ha barakeeyo Tanzania iyo dhamaan dadkeeda si ay u noqdaan kuwo aragti iyo xigmad leh.

  • Shakira Ahmad
    April 26, 2013 @ 10:20:43AM

    Anigu dhinacayga waxaan qabaa waxaa wacan in la kala saaro meelaha xoolaha lagu gawraco si aysan dhibaato u dhicin, waayo waxaynu u baahannahay inaynu nabad helno nolol maalmeedkeena.

  • MADIA
    April 26, 2013 @ 04:53:56AM

    Xasan Cabdallah Xasan, waxaan ku leeyahay fadlan dadka uga waran waatee aayada u fasaxaysa iyaga inay xoolaha gawracaan. Ta labaad, aan kuu saxee yuhuudu maaha kiristaan, balse yuhuud ayay ku kooban yihiin, waxaanan ku dhihi lahaa si mug leh u akhri kitaabka tawraada. Dadka iyagu leh qaliinka xooluhu waa arrin lagu cibaadaysto, waxaan dhihi lahaa waxbaa meesha qarsoon, waayo sideebay ku dhici kartaa in cunista hilibku ay noqoto shay lagu cibaadaysto? Hadii aad gawraca xoolaha u haysataan wax lagu cibaadaysto, amaba cid gaar ah oo aan ilaahay ahayn xoolahaas aad u gawracdaan ama aad u niyaysaan, waxaad ogaataan in arrinkaasi uu yahay SHIRKI, muslimiintana arrinkaa waa laga reebay, sababtoo ah waa DAMBI wayn. Dadkan ina burburinayaa waa dad dano gaar ah wata, markaa dadka xigmada leh iyo dadka maskaxda badan oo kaliya ayaa ogaan kara waxa meesha ka socda. Inteena badani mugdi ayaynu ku jirnaa, waana inaynu maskaxdeena furnaa, hadii kale colaad ayaa dilaaci doonta. Walaalahayga kiristaanka ah waxaan iyagana leeyahay waa inaad ogaataan inaysan cibaadooyinka iyo waxyaabaha lagu cibaadaystaa aysan isku wada mid ahayn. Cibaadadu waa shayga ilaahay loogu cibaadaysto, ilaaha ina abuuray, isagaana ilaahay sidaa ina faray, markaa qaliinka xooluhu maaha mid cibaadooyinka ka mid ah. Hadaba waxaad ilaahay ka baridaan inuu idin fahansiiyo waxa meesha ka socda. Xitaa nabi ciise waxaa la yidhi waxaa loo dilay si uu u qaado dunuubta bini’aadamka, oo ilaahay ayaa sidaa qorsheeyay. Laakiin xageebay diinta iyo kutubka muqadaska ah kaga soo aroortay in ilaahay fasaxay in qof bini’aadam ah la dilo si uu u qaado dunuubta bini’aadamka kale? Waxaas oo dhan waa wax bini’aadamku ay iyagu sameeyeen iyagoo kaashanaya shaydaanka, si uu shaydaanku ugaadho ujeedooyinkiisa, shaydaankuna wuxuu adeegsadaa tabo iyo xeelado heerkoodu sareeyo. Markaa ha la taxadiro oo si waafiya haloo akhriyo kutubta diiniga ah, isla markaana arrimaha aad haloo fiiriyo. Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu idin barakeeyo si aad xaqa u garataan. Waad ogaataan in dadka loo yaqaano FREE MASONS-ku ama “Maasooniyiinta Xorta ah” ay meel kasta joogaan, xitaa meesha aad seexataan. Sidaa awgeed waa inaad ogaataan inaan abuurin inaynu islayno.

  • BASLID KIMARIO
    April 25, 2013 @ 03:41:08PM

    Waxa qofka jidhkiisa kasoo baxa weeyaan shayga aan daahirka ahyn, markaa cid kastaa wax way gawrici kartaa! Laakiin waa in doofaarada ay kiristaanka oo kali ahi gawracaan.

  • light
    April 24, 2013 @ 07:59:01AM

    Aniga iimamuuqato baahidaqofku uqabo in uuxoolo gawraco, iyo ujeedadadhabta ah eelagaleeyahay.Sidoo kale, waxaa loo baahanyahay in la sharaxo macnaha kalmada “Kibudu”wuxuuyahay?Sidaananigu ogahahay, waxaakalmadaas lagu tilmaamaa hilibka xoolaha bakhtiyay, laakiinwakhtiganxaadirka ah waxaahadda “Kibudu” lagusheegaa hilibkaxoolaha ay gawraceendadka kiristaankaahi, inkastoo qofka kiristaanka ah eexoolaha qalaauuraaco islahabka ay muslimiintu wax u gawracaan – marka lagareebo bisinka loo qabtoneefka la qalayo – markaaanigu ma fahansani arrinkan. Waxaajira arrimobadan oo ay tahay inaynu qabano, marka amaaha inaynushaydaankafursad siino siiuuinooburburiyo.Dhanka kale, kitaabka bible-kaama injiilkaee muqaddaskaahiwuxuui naleeyah ay xitaahadiiaad sun cabtaan ku dhimanmay saan, wuxuukalooinoosheegayaa inaysannijaastuahayn waxaqofka jidhkiisa gala, balse ay tahay waxakasoobaxa. Taasaana ah sababtaaanu wax kasta u cuno anagooaankafekerin cidagawracday, xitaahadii ay cidaasi gaalotahay.

  • daniel
    April 23, 2013 @ 02:20:20AM

    Cidd kastaa xaq ayay u leedahay inay cunto waxay rabto ee kolba jeebkeedu uu u saamaxayo. Maxaa qasab ka dhigay in ay dadku wax wada cunaan? Waxyaabahaasi waa waxyaabo wakhtigoodii laga soo gudbay. Waa in cid kastaa ay hawleheeda gudataa, maadaama aysan kasoo horjeedsanaynin sharciga dalka. In ay dadku wax wada cunaan waa arrin laga soo gudbay. Waxa aynu hada dagaal ugu jirnaa inaynu helno nolol wacan iyo tacliin wacan iyo caafimaad wacan iyo biyo nadiif ah iyo koronto iwm. Laakiin hadana baahiyihii aasaasiga ahaa meel ayaynu iska dhignay, oo waxa kaliya ee aynu ka hadlaynaa waa hilib. Saaxiibadeen waxay ka fekerayaan inay xidigaha u guuraan, inaguna cunto ayaynu ka dhamaan laana’ay. Dhibta meesha taalaa waxa weeyaan Tanzania hogaan ma haysato. Markaa hadda fursadi uma banaana in cunto laga hadlo. Waxaan salaamayaa mudane Mzee Ruksa, waayo waad ina jihaysay.

  • amina idd
    April 22, 2013 @ 11:59:24PM

    Anigu waxaan qabaa waa in cidii waligeed xoolaha gawrici jirtay ay sii wadaa qaliinka xoolaha, kadibna waa in lagu heshiiyaa in la wada shaqeeyo.

  • Kizua
    April 22, 2013 @ 07:45:34PM

    Aniga waxay ila tahay arrimahaasi waa kuwo waadax ah, arrinkuna wuxuu ku saabsanyahay in midkeemba midka kale u dulqaato. Arrimahani dhawaan may bilaabmin, ee muddo dheer ayay socdeen, inaguna si wacan ayaynu wax u wadnay. Markaa maxaa hadda dhacay ee arrinkii ka dhigay mid u eeg Jimce iyo Axad in la isku haysto? Muslimiintu hore ayay u ogolaadeen inay maalinta Axadda fasax ahaadaan, inkastoo fasaxoodu yahay maalinta Jimcaha.

  • HAWA KWEKA
    April 22, 2013 @ 09:47:44AM

    Kiristaanku iyagaa bilaabay daandaansiga. Dhamaantiin dadkiina waxaa wadaa waxaad tihiin dad bilaa camal ah, taasaana ah sababta ay waxyaabahaas u samaynayaan. Xageebay joogeen mudada intaa leeg ee ay ugu dagaalami waayeen xaqa ay u leeyihiin gawraca xoolaha? Laga soo bilaabo barigii uu dalka xukumayay madaxwayne Nyerere, cida wax gawrici jirtay waxay ahayd muslimiinta. Markaa maxay maanta dadku ula shir imanayaan cabashooyinkaas aan salka iyo raadka toona lahayn? Anaga mawqifkayagu waxa weeyaan waligayo cunimayno xoolo dhintay.

  • vcent
    April 22, 2013 @ 06:06:57AM

    Dadka kiristaanka ahi xaq ayay u leeyihiin inay qalaan xoolaha dhamaantood, marka laga reebo kuwa lagu xaaraantinimeeyay kitaabka injiilka ee ay tahay inaysan cunin. Ma jirto meel ay kaga taalo kitaabka injiilka in qofka kiristaanka ah ay ku waajib tahay in hilibkiisa cidi u gawracdo. Sidaa awgeed, kiristaanku xaq ayay u leeyihiin inay wax qalaan.

  • ANONIMOUS
    April 22, 2013 @ 04:43:23AM

    Meesha aan anigu ku noolahay qof muslim ahi kuma noola 10 mayl ee ku wareegsan, markaa dadka ha majarahabaabin. Waa in muslimiintu ay gawracaan kaliya xoolaha logu talagalay in suuqyada lagu gado, laakiin gurigayga shaqo kuma laha.

  • emmanuel kipukula
    April 21, 2013 @ 10:16:53AM

    Qaliinka xooluhu wax lakala qaado maaha, cidii doonto wax ha qashee, maadaama uu si sharciga waafaqsan u dhaco.

  • LUDO
    April 20, 2013 @ 01:22:30PM

    Waxay ila tahay waa inaynu daafacnaa degenaansheheena aynu hadda haysano, waayo hadii aynu fashilano oo ay arrimuhu faraha ka baxaan iyadoo ay taa u sabab tahay xeerarka bilaa faa’idada ah ee jiraa, waxaynu ku dambayn doonaa xagjirnimo diimeed oo horseedi doonta inay muwaadiniintu kala qaybsamaan. Saaxiibayaal, waa inaynu la dagaalanaa wax kasta oo xagjirnimo inoo horseedi kara.

  • Aurelian mhagama wa dsm
    April 20, 2013 @ 12:57:43PM

    Qaliinka xooluhu waa inuu noqdaa arrin xor ah. Maxaa ku jaban hadii aan anigu xoolahayga gawracdo oo aan cuno? Waa in muslimiintu xoolohooda gawracdaan anagu hadaanu kiristaanka nahayna aan xoolahayaga gawracanaa. Hadii aysan rabin inay cunaan, yaysan cunin, balse maaha inay anaga na qasbaan. Dalkeena kama jirto siyaasad muslimiinta oo kaliya u fasaxayasa inay xoolaha gawracaan.

  • Hassan Abdallah Hassan
    April 20, 2013 @ 09:21:23AM

    Aniga waxay ila tahay dadka ku dhagan arrinka qaliinka xooluhu waa dad dano gaar ah leh. Maxay kutubta samaawiga ahi arrinkan ka leedahay? Bal aynu dib u eegno kitaabka bible-ku wuxuu dhigayo. Wuxuu leeyahay bible-ku cidda loo ogol yahay inay xoolaha gawracdaa waa saddex qolo: 1) yuhuuda, kuwaasoo ah kiristaanka maanta jooga 2) muslimiinta 3) iyo giriigii waayihii hore. Markaa xageebay fawdadani ka timid? Tusaale ahaan hadii uu jiro qof kiristaan ah oo qofkaas ay u timaado marti ay isku diin yihiin, kadibna uu damco inuu digaagad u gawraco, ma waajibaa in uu qof muslim ahi uu yimaado oo uu digaagada u gawraco? Teeda kale maxaa dhacaya hadii uu qof muslim ahi cuno hilib uu qof kiristaan ahi garacay, miyuu qofkaasi waxyeeloobayaa? Waa in xukuumadu arrinkan aysan dhayalsan.

  • ZAKHA MWACHISE
    April 19, 2013 @ 01:12:31PM

    Waxaan dadka kiristaanka ah ka codsanaynaa inay na tusaan kitaabka u fasaxaya inay xoolaha gawracaan. Anagu waanu haysanaa kitaabkayaga, isagaana noo daliil, markaa idinkuna na tusa daliilkiina sidoo kale.

  • matho manase
    April 19, 2013 @ 01:10:15PM

    Meesha aynu hadda maraynaa waa meel wacan, sababtoo ah bulshada kiristaanka ahi waxay ogaatay inay xaq u leedahay inay xoolaha gawracdo. Anagaa u ogolaanay inay xoolaha gawracaan, laakiin arrinkaasi wuxuu noqday mid ay u adeegsadaan inay nagu aflagaadeeyaan oo ay nagu sheegaan in aanu nahay dad aan nadiif ahayn.

  • Hansy mnazaleth
    April 19, 2013 @ 06:05:23AM

    Anigu waxaan taageersanahay ra’yiga leh waa in muslimiinta loo daayaa qaliinka xoolaha si aysan bulshadu u kala jabin.

  • Anna Daudi
    April 18, 2013 @ 11:03:21AM

    Dhamaan bini’aadamku waxay xaq u leeyihiin inay xoolaha gawracaan, shardiga kaliya ee meesha yaalaana waa in neefka ay baadhaan shaqaalaha caafimaadka ee xukuumadda fasaxa ka haysta.

  • Dijitali
    April 18, 2013 @ 10:46:24AM

    Maxaa Tanzania ka dhacaya? Waa in cid kastaa ay xooleheeda gawracdaa, dadkii baadariga dilayna waa in la soo xidhaa. Maanta laga bilaabana waa in hiliblayaasha hilibkooda lagu kala calaamadiyaa calaamado kala ah “waa xalaal” iyo “maaha xalaal”, sida Maraykanka iyo dalalka kaleba ay yeelaan. Waana in la joojiya is qab-qabsigan bilaa micnaha ah xili uu dalku saboolnimo daran ku jiro. Waxaa sidoo kale jira musuqmaasuq iyo tacliin xumo, khayraadka dalkana waxaa booba dad tiro yar, hadana waxaynu isku dilaynaa qaliinka xoolaha.

  • Mkenda Rogasian
    April 18, 2013 @ 09:16:43AM

    Waa in xitaa kiristaanka loo fasaxaa inay xoolaha gawracaan…miyay dustuurka ku yaalaan faqrado dadka kiristaanka ah ka mamnuucaya inay xoolaha gawracaan??????

  • Vicku
    April 18, 2013 @ 09:03:30AM

    Diin kasta dadkeedu xuquuq ayay leeyihiin, qof kasta oo Tanzania ku noolina waa sidaa si leeg. Sidaa awgeed, cid kastaa xaq ayay u leedahay inay xoolaha gawracdo hadii aysan wax sharci darro ah cidaasi ku kicin oo aysan diin ka mid ah diimaha waafajin. Markaa muslimiinta iyo kiristaanka labadaba waa loo ogolyahay.

  • ikayamba Karunda
    April 18, 2013 @ 07:27:40AM

    Arrinkani wuxuu ahaa mushkilad qaran, markaa waa in meesha laga saaraa in cid gaar ahi ay xoolaha gawracdo, waana kaliya in loo daayaa dhakhaatiirta xoolaha, oo waa inay iyagu noqdaan cida kaliya ee baadhitaanka ku samaysa hilibka.

  • khamis
    April 18, 2013 @ 04:58:27AM

    Sida lawada ogsoonyahay, muslimiintu iyagaa xoolaha gawrici jiray ilaa bilawgii, iyagana arrinka qalliinka xooluhu waa arrin muhiimad diimeed u leh. Sidaa awgeed, waxaynu faragalinaynaa diintooda.

  • Hipolyte
    April 18, 2013 @ 04:31:30AM

    Mzee Mwinyi wuxuu in badan ku celceliyay oo uu yidhi: “cid kastaa xaq ayay u leedahay inay waxay rabto cunto iyo inay siday rabto xooleheeda u gawracato. Cidii kaluunka jecel, waa si wacan! Cidii jecel inay raha cuntaana waa si wacan. Hadii qof hilible ah oo muslim ahi uu damco inuu helo macmiil, waa inuu habka islaamiga ah ee qaliinka uu raaca, isla markaana waa inuu ku qoraa hilibka ogaysiis ah “Xalaal”. Hadiise uu been sheego, waxaa hubaal ah in la kashifi doono!! Xukuumadani waa mid dagaal kula jirta wadkeeda, dhibtuna arrinkan oo kaliya kuma koobnee arrimo kale oo badan ayaa jira!!

  • Hipo
    April 18, 2013 @ 03:46:03AM

    Dadka inoo taliyaa arrinkan ma fahansana. Ma jiraan wax xeerar ah oo dadka kiristaanka ah ka hor istaagaya inay xoolaha gawracaan, laakiinse kiristaanka iyo muslimiinta ayaa isfahmay, waayo waa dad jaar ah oo is ixtiraama. Sidaa awgeed, marka qof kiristaan ahi uu damco inuu neef xoolo ah gawraco, wuxuu ogyahay inay u imaan karaan marti muslim ah, sidaa awgeed wuxuu soo kaxaystaa qof muslim ah oo neefka u gawraca. Hasayeeshee hogaamiyahaashu way ku fashilmeen inay ka digaan xagjirnimada diimeed ee horseeday inay dadka kiristaanka ahi nacayb bilaabaan oo ay iyaguna jawaab-celin sameeyaan. Mzee Mwinyi wuxuu yidhi cid kastaa waa inay gawracataa waxay rabto, oo waa inay cuntaa waxay rabto. Markaa hadii qofka muslimka ahi uu tago hiliblaha kadibna uu arko inaan hilibka lagu shaabadayn inuu xalaal yahay, waxaa ku waajib ah inuu isaga tago oo uu meel kale doonto!

  • Warda
    April 18, 2013 @ 01:51:58AM

    Caqabaduhu way badanyihiin. Dadka intooda badani waxay aaminsanyihiin in xal dagdag ah oo cadaalad ku dhisan lagu gaadhi karo in goobaha qaliinka xoolaha dadka loo kala saaro. Laakiin dadka garaadka iyo xigmada u saaxiibka ah ee ay ka midka yihiin Mzee Pinda iyo dadka kale ee lamidka ahi waxay ka cabsanayaan in bulshadu kala jabo, waayo arrinku ku ekaan maayo goobaha xoolaha lagu gawraco, sababtoo ah maxaa laga yeelayaa hudheelada, aroosyada, dadka suuqyada cuntada ku gada, guryaha ardayda ee jaamacadaha ku dhex yaala, meelaha cuntada degdega ah iyo martida guryaha timaada?

  • [email protected]
    April 18, 2013 @ 12:59:52AM

    Magacaygu waa iimaan, waxaanan leeyahay hada Tanzania kalsoonidii lagu qabay meesha way ka baxday, waayo ilaa markii ay dunidani bilaabantay cidda xoolaha gawrici jirtay waxay ahayd muslimiinta, inaguna waxaynu dhalaynay iyadoo arrinku sida yahay. Markaa bal imikana eega xiisada iyo colaada diimeed ee kacsan, taasoo aakhirkii diintii ka tagtay oo shaqooyinkii iyo guryihii aafaysay.

  • Dr Bonaventure Juma Mtei
    April 17, 2013 @ 01:46:15PM

    Tanzania maaha jasiirad, waxaana inagu waajib ah inaynu ku xisaabtano shuruucda iyo qaababka iyo xeerarka dunida uga yaala qaliinka xoolaha iyo warshadaynta iyo ka ganacsiga hilibka xoolaha ee loogu talogalay inay dadku cunaan.

  • Amadi khamisi
    April 17, 2013 @ 10:44:57AM

    Magacaygu waa Axmad Khamiisi. Waxay ila tahay waa in hogaamiyayaasha labada dhinacba ay wada fadhiistaan oo ay arrinka wada gorfeeyaan.

  • Elly Ketoka, Mzumbe
    April 17, 2013 @ 10:11:21AM

    Waxaan dadka reer Tanzania dhamaantood ku guubaabinayaa inay ayaamahan dambe taxadir sameeyaan. Markii horay waxay sheekadu maraysay gaasta, iyo quraanka oo lagu kaajay, iyo qaliinka xoolaha oo lagu dagaalamay, iyo baarlamaanka oo la isku aflagaadeeyay, iyo musuqmaasuq, iyo dadka oo la laayo lana jidh-dilo, iyo ardaydii dugsiyada sare oo dhacay imtixaankii, iyo dhismayaal dumay, iyo bambaanooyin, iyo fatahaado…markaa xagaynu ku soconaa? Walina waxaynu damacsanahay inaynu dagaal xaga xuduuda ah la galno Malawi. Si kasta ha ahaatee, waa inaynu taxadir yeelanaa si aysan saadaashaasi u rumoobin.

  • ikungeta mwakamele
    April 17, 2013 @ 09:29:05AM

    Anigu waxaan qabaa sax maaha in colaada noocan ahi ay qarnigan sii jirto, waayo dalal badan ayaa isbedel xaga tiknoolojiyada ah gaadhay, waxaana la bilaabay in goobaha xoolaha lagu gawraco laga adeegsado mashiino, markaa waxaa wacan in aynu inaguna isbedel ku talaabsano intii aynu dhibaatooyin abuuri lahayn. Hadii ay muslimiintu leeyihiin arrinka qaliinka xooluhu waa mid iyaga diin ahaan qiimo u leh, dee taasi waa mid dhibaato keenaysa, waayo waxaa dhacaysa in dadka aan diintooda aaminsanayn lagu qasbo inay ilaah aan ilaahooda ahayn caabudaan, arrinkaasina waa mid khatar ah. Markaa waxaan dadka kiristaanka ah kula dardaarmayaa: kitaabka injiilka ahi wuxuu dadka kiristaanka ah ku tilmaamay inay yihiin dad boqortooyo ah oo cilmi leh, hadii aad akhridaan qaybtiisaa ah ISSAC 60:7, waxaad ka dheehan kartaan in dadka kiristaanka ahi ay yihiin dad iyaga loo adeego. Markaa maxaa idinkoo boqoro ah aad ugu dagaalamaysaan shaqooyinka noocaas ah ee adoomuhu qabtaan? Waxan hadaba leeyahay daaya ha inoo adeegaanee, waayo inaga hawsha la inoo igmaday waa inaynu dadkaas daahirino oo aynu ku daahirino dhiigii nabi ciise. Hilibkana iska cuna, waayo sun xitaa hadaad cabtaan waligiin dhiman maysaan.

  • jane
    April 17, 2013 @ 09:12:53AM

    Arrinkani waa mid sal iyo raad midna lahayn, mana garanayo anigu siday ku dhacday in ra’iisal wasaaruhu uu intuu arrimihii muhiimka ahaa ee qaranka meel iska dhigay uu bilaabay inuu ka hadlo arrinka qaliinka xoolaha. Siyaasadu waa ciyaar xun, markaa haddaynu nahay dadka reer Tanzania waa inaynu iswaydiinaa sideebay barigii hore arrimuhu ahaayeen? Anigu waxaan qabaa cidii rabta inay xoolaha gawracdo waa in loo fasaxaa sidaa, laakiin hadii qaliinka xooluhu noqdo mihnad ama xirfad, markaa dhibaato iyo isafgaranwaa ayaa imanaya, taasina waa mid u baahan xigmad. Sidoo kale, waa in xukuumadu inay shaqaalaysiisaa khubaro ka socda kuliyada culuumta xoolaha ee jaamacada SUA, waana in khubaradaas laga shaqaalaysiiyaa goobaha qaliinka xoolaha, iyadoo aan diimohooda lagu xisaabtamin, markaa ismariwaagani wuu soo afjarmi doonaa. Teeda kale, waa ayo cidda qasha hilibka daasadaha ku moorgaraysan? Maxaana sababay inay dadku cunaan hilibkaas iyagoo wax su’aalo ah aan ka keenin? Mise waxaynu ka daalnay nabadaynu haysanay oo waxaynu rabnaa inaynu meesha laad kaga saarno nabadaas? Waxan leeyahay doqoniimada aynu iska dayno, waayo sidani waa doqoniimo tii ugu waynayd! Khilaafka qaliinka xoolaha waxaa ku xigi doona xafiisyada iyo dukaamada oo la xidho, waayo dadka waxay bilaabi doona inay isdooxaan, waxay isku laynayaana wax kale maahee waa arrinka qaliinka xoolaha! Reer Tanzania waxan leeyahay dadku way inagu qosli doonaan!

  • Henry lema
    April 17, 2013 @ 08:45:58AM

    Waxaa wacan inaynu is afgarad ka gaadhno arrinka qaliinka xoolaha si aynu usii wadno isku duubnaanta aynu dhaqanka u lahayn.

  • HUMPHREY MWANTWANGO
    April 17, 2013 @ 05:23:19AM

    Waa xaqiiq in hadii muslimiinta oo kaliya loo ogolaado inay xoolaha qalaan dadka la kala takoorayo. Maxaa ku jaban hadii ay kiristaanku xoolaha qalaan? Joojiya takoorka noocan ah. (CIDII RABTA INAY WAX CUNTAA WAA INAY CUNTADEEDA IYADU DIYAARSATAA, WAANA IN DIIMAHA IYO DHAQAMADA AYNU MEEL UGA TAGNAA).

  • SHARIF
    April 17, 2013 @ 04:09:12AM

    Diinta islaamku waxay dhigaysaa inaan muslimiinta loo ogolayn inay cunaan hilibka xoolaha dhintay. Hadii ay kiristaanku xoolaha gawaracaan, waa inay iyagu hilibkooda cunaan, ee maaha inay muslimiintu cunaan.

  • Max lukas
    April 16, 2013 @ 01:58:59PM

    Xukuumaddu waa inay arrinkan go’aan ka gaadhaa, sideebaysan u awoodi karin? Go’aanka xukuumaddu wuxuu noqon doonaa kama dambays, markaa ha joojiso aamusnaanta.

  • Hon isaac izy mussa
    April 16, 2013 @ 01:20:45PM

    Sidaasi faa’do ma laha. cid kastaa way ogsoontahay inay muslimiintu waligood xoolaha qali jireen, laakiin kiristaanka faa’ido uguma jirto.

  • Dach
    April 16, 2013 @ 10:36:03AM

    Xukuumadu waa inay kiristaanka ka horjoogsataa qaliinka xoolaha, hadii ay xoolaha noqoto inay gawracaan, waa inay samaystaan goob gaar ah oo ay hilibkooda ku gadaan si cadaalad loo sameeyo.

  • ayubu uswege
    April 16, 2013 @ 07:49:37AM

    Arrinkani waa arrin diimeed oo qoto dheer, markaa waa in xukuumada Tanzania dadaashaa si ay u kulmiso hogaamiyayaasha diimeed oo ay heshiis uga gaadhaan amuuraha ku saabsan diimohooda. Hadii ay xukuumadu si buuxda arrinka ugu milanto, nabad la heli maayo.

  • ayk
    April 16, 2013 @ 06:50:51AM

    Sidan arrinku yahay waxaad moodaa iska daa dagaal aad gawraca xoolaha ku dagaalantaanee aad idinku is gawrici doontaan. Meesha dheel-dheel looma baahana.

  • matilda
    April 16, 2013 @ 04:30:08AM

    Hadii aynu sii wadno buunbuuninta xagjirnimada diimeed ee Tanzania ka jirta, nabad heli mayno. Markaa waxaa wacan in diin waliba dadkeedu si diintaas waafaqsan xoolaha u gawracaan.

  • mapunda
    April 16, 2013 @ 04:09:19AM

    Dadka muslimiinta ahi waxay qaliinka xoolaha aaminsan yihiin inuu yahay shay lagu cibaadaysto, markaa hadaynu nahay dadka lagu sheegayo gaalada, waa inaynu yeelanaa meelo xoolaha lagu gawraco oo inoo gaar ah, waayo waan ka daalnay aflagaadooyinka muslimiinta. Hadii aanad dadkan fahansanayn, waxaad aadaa Buguruni ama Manzese ama meelaha kale ee ay carabtu bari joogi jireen, markaasaad garan doontaa waxay yihiin. Sidoo kale, xisbiga CCM wuxuu ugu balanqaaday inuu u abuuri doono maxkamad islaami ah. Bal waxaad eegtaan barnaamijka xisbiga CCM uu soo gudbiyay sannadkii 2005, barnaamijkaas oo uu madaxwayne J. Kikwete ku faafiyay dalka dhamaantii.

  • mtoto wa yesu
    April 16, 2013 @ 03:15:49AM

    Hadii ay rabaan inay xoolaha qalaan, waa inay sidoo kale doofaaradana gawracaan. Hadii kale, waa inaysan waxba gawricin. Anagu waanu daalnay, waana inay ogaadaan hadii aysan ogayn in anagu aanaan cunin hilibka ay ilaahyadooda awogood u gawraceen, waayo anagu ilaahyadaas ma aaminsanin. Markaa xukuumadu waa inay joojisaa meer meerka ay arrinka ka meermeerayso. Muxuu dustuurku dhigayaa, muxuuse meesha u yaalaa dusutuurku? Waxan leeyahay yaan la doqomoobin. Hadii aad ku guul darraysateen inaad dustuurka hir galisaan, meesha u banneeya dad iyagu hirgalin kara.

  • neema
    April 16, 2013 @ 02:50:21AM

    Sidaasi waa xigmad darro.

  • Thomas Chambo
    April 15, 2013 @ 05:35:48AM

    Marka hore, dalka Tanzania kama jiro xeer u gaar ah qaliinka xoolaha. Markaa waa inaynaan dadka arrinka ku marin habaabinin. Wadaadadu arrinkan horay warmurtiyeed uga soo saareen, waxaanan wali sugaynaa dhaqan galinta war murtiyeedkaas. Dadka kiristaanka ahi waxay aad ula socdaan oo ay intaa ka warhelaan kolba wixii wadaadadoodu ay soo saaraan, cid kalena kama war helaan.

  • davidi nkya
    April 15, 2013 @ 03:49:52AM

    Waa in la sameeyaa goobo xoolaha lagu qalo oo u kala gaar ah muslimiinta iyo kiristaanka. Sidaasaa wacan.

  • Kisendis
    April 14, 2013 @ 02:56:25PM

    Saaxiibayaal, waxaa inagu waajib ah inaynu taxadir badan muujino, waayo ma jiro habayaraatee wax inagu kalifaya inaynu arrinka qalliinka xoolaha ku dagaalano. Waa ta koowaade diimahan waxaa inoo soo waariday dadyow kaleeto, markaa hadii aad rabtaan inay diimahani yihiin kuwo soo galayti inagu ah, waxaad eegtaan sida cid waliba ay caqiido iyada u gaar ah u haysato, oo ay qaarna leeyihiin anagu muslimiin ayaanu nahay kuwa kalena leeyihiin anagu kiristaan ayaanu nahay. Waa idin side, yaad rabtaan inaad been u sheegtaan oo aad dhahdaan awoowyaashayo muslim ama kiristaan ayay ahaayeen? Joojiya waxan. Waxa weeyaan in hogaamiyayaasha diimeed iyo xitaa hogaamiyayaasha xukuumadu inay kalmad kaliya ku dhawaaqaan, taasoo ah inuusan qarankeeno u gaar ahayn diin kaliya iyo qabiil kaliya midna, dustuurkuna sidaas ayuu dhigayaa. Waxaan mar labaad ku celinayaa, WAA IN AY XUKUUMADU DHAHDAA INAYSAN DIIN GAAR AH AMA QABIIL GAAR AH LAHAYN.

  • kisendis
    April 14, 2013 @ 02:36:13PM

    Aniga waxay ila tahay hogaanku ma wanaagsana, waayo arrinkani wuxuu u baahanyahay in shay kaliya la ogaado, shaygaasina waxa weeyaan qarankeenu ma laha diin rasmi ah, qabiil kaliyana uma gaar aha. Waxaase iga yaabiyay sida qaldan ee gudidu ay wax u fahantay. Hadii arrinkani uusan tuugo ahayn, muxuu yahay hadaa? Sababtu waxa weeyaan gudidu waxay rabtaa in lacag lagu siiyo sidii ay dabagal ugu samayn lahayd su’aal ay cid waliba jawaabteeda ogsoontahay, su’aashaasina waxa weeyaan qarankeenu ma mid diin ama qabiil kaliya u gaar ahbaa mise maaha. Teeda kale xagee ayay ka yimaadeen labada diimood ee islaamka iyo kiristaanku? Miyuuse dhimanayaa qofka muslimka ahi hadii uu cuno hilibka xoolaha ay gawracaan dadka kiristaanka ahi? Markaa mudane waxaan kaa codsanayaa inaad tidhaahdo kalmad kaliya, taasoo ah inuusan dalku gaar u ahayn diin ama qabiil kaliya, intaas kaliya dheh. Xageebay taalaa dhibta la rabo in guddi loo sameeyo.

  • SaSio
    April 14, 2013 @ 09:36:49AM

    Markaa ma qof muslim ah ayaa gurigayga iman doona oo digaagadayda ii gawrici doona? Fadlan aan joojino waxyaabahan, waayo waxay Tanzania ka abuuri karaan musiibo.

  • Innon Wences
    April 13, 2013 @ 07:11:20AM

    Hadii Nyerere ama Benny uu maanta midkood joogi lahaa, nacasnimadani may noqoteen mid sii socota, waayo waxaan ogahay in awoowgeen (Nyerere) uu arrinkan u arki lahaa maalayacni oo uu amar ku bixin lahaa in cid kastaa ay siday rabto wax u gawracato, kadibna cidii rabtaana ay hilibkaa cunto cidii aan rabina aysan cunin. Dalkan cid kastaa xuquuq ayay leedahay, waanad ogtihiin dhamaantiin inuusan Nyerere cidna waligii u eexanin. Laakiin wakhtigan xaadirka ah dadka reer Tanzania aad ayay u caruuroobeen, xukuumaduna waxbayahay ayay inoo haysataa, dadka xuna hadal debecsan ayay kula hadashaa. Markaa haddaynu nahay reer Tanzania waa inaynu gaadhnaa marxalad aynu kala shakino, xukuumaduna waa inay ogsoonaataa inaysan dadka kiristaanka ahi cunin hilibka habka loo gawracay uu yahay mid ku qeexan dhaqamo ama diimo kale, waayo waxay aaminsan yihiin in arrimahaasi ay ilaahay kasoo horjeedaan. Markaa waxaan ku talinayaa maadaama ay xukuumadu iska leedahay goobaha xoolaha lagu qalo oo aysan xukuumaduna lahayn diin rasmi ah oo u gaar ah, waa in ay shaqada ka joojisaa dhamaan dadka wakhtigan xaadirka ah xoolaha qala, waana inay ku dhawaaqdaa shuruudo cusub oo lagu xidhi doono dadka usoo shaqo tagi doona qalitaanka xoolaha, waana in la mamnuucaa in xoolaha loo gawraco hab waafaqsan diin ka mida diimaha, miday doonto ha ahaatee. Ujeedada arrinkaasi waxa weeyaan in laga takhaluso maalayacniga xad dhaafka ah ee waji gabaxa inagu riday haddaynu nahay dadka reer Tanzania.

  • QUEENFAITH DIDAS MAMIRO
    April 13, 2013 @ 06:39:59AM

    Waa in si waafi ah looga fekeraa, waayo hadii arrinka la dhayalsado, dhibaato ayuu inagu keeni doonaa.

  • Manoni Katela
    April 13, 2013 @ 04:34:46AM

    Ma jiro qof bini’aadam ah oo xaq u leh inuu kaantaroolo dadku waxay caabudayaan. Anaga waxa lanaga mamnuucay inaanu si caadi ah hawlahayaga u wadano; yaa iyaga u xilsaaray inay xoolaha qalaan? Iyagu kitaab u gaar ah ayay leeyihiin anaguna kitaab noo gaar ah ayaanu leenaay, markaa maxay noogu qasbayaan inaanu raacno xeerar aanaan garanayn waxay yihiin? Cid kastaa waa inay raacdaa waxay diinteedu dhigayso. Hadii aad arrinka si dhab ah ugu fiirsataan, waxaad arki doontaan inuu iska yahay munaafaqad. Maxaa keenay inay qaarkood doofaarka cunaan? Waase ayo cida kuwaas wax u gawracdaa? Intay wax wanaagsan samayn lahaayeen, waxay kaliya ka fekerayaan qaliinka xoolaha oo ay u haystaan inay ku jano tagi doonaan. Markaa waxan leeyahay joojiya waxan oo lacag doonta, hadii wax aad camal ka dhigataan haysan lahaydeen, maydaan ka fekerteen waxyaabo nacasnimo ah.

  • PAULO
    April 13, 2013 @ 04:32:08AM

    Waxaa hada la gaadhay wakhtigii ay cid waliba ahayd inay waxay wanaag u aragto samayso, hadii arrinku qaliinka xoolaha taaganyahayna cid kastaa way taqaanaa sida xoolaha loo qalo, mana jirto meel quraanka ama injiilka ay kaga quran tahay muslimiinta ama kiristaanka oo kaliya ayaa xoolaha qali kara. Sidaa awgeed, cidii jeclaata inay xoolaha gawracdo waa in loo fasaxaa oo ay xor u noqotaa! Anigu intaasaan dhihi lahaa.

  • MUSSA AMOUR
    April 13, 2013 @ 01:45:28AM

    Waa arrin adag.

  • Ngwasuma
    April 12, 2013 @ 03:36:16PM

    Muslimiintu waxay jecel yihiin qalitaanka xoolaha, markaa waa inay doofaaradana gawracaan waayo qaarkood ayaa cuna hilibka doofaarka, sidoo kalena waxay si buuxda u fulin doonaan hawsha qaliinka xoolaaha.

  • ugimbi wa zua
    April 12, 2013 @ 05:39:03AM

    Anigu waxaan Mzee Mwyinyi ku taageersanahay xigmada uu leeyahay. Wuxuuna sharrax waafiya ka bixiyay arrinka qaliinka xoolaha. Anigu ma waafaqsani soo jeedimaha uu soo bandhigay Mengi, wayo shaki ayaa ku jira aqoonta uu u leeyahay arrinka qaliinka xoolaha.

  • robert makungu kasili
    April 12, 2013 @ 05:35:53AM

    Hadii ay dhibaatooyin dalkan ka jiraan, oo uu arrinka qalliinka xooluhu uu dhibtaas u sabab yahay, waa in dadka haysta diin kasta loo fasaxaa inay xoolohooda gawracdaan oo ay dadkooda ka iibiyaan. Muslimiintu waa inay masaajidada ka gataan hilibka, kiristaankuna waa inay kaniisadaha ka gataan.

  • Bashari
    April 11, 2013 @ 04:09:24PM

    Waxaan dhihi lahaa waxaa la gaadhay wakhtigii aynu runta isu sheegi lahayn. Runtuna waxa weeyaan cid kastaa xaq ayay u leedahay diinteeda, cid kastana diinteeda ayaa u sax ah. Sidaa awgeed, waa in dadka kiristaanka ahi ay xoolohooda u gawracdaan oo hilibkoodana u cunaan kolba sidii waafaqsan diintooda, balse waa inay ogaadaan inay sidaa ku jarayaan walaaltinimadii naga dhaxaysay iyaga iyo dadkayaga muslimiinta ah, waayo hada kadib waxba la cuni kari mayno, waayo waa naga xaaraan inaanu cuno hilib ay kiristaanku qaleen, waana inay arrinkaa ogaadaan. Waxaan jecelahay inaan carrabka ku adkeeyo in walaalahayaga kiristaanka ah ee cusubi aysan ahayn kuwo diintooda wax ka barta, waxaanay kusoo daraan oo ay la yimaadaan waxyaabo cusub, iyagoo ku andacoonaya inay awoowyaashood qaldanaayeen inay ogolaadaan in muslimiintu kaligood xoolaha gawracaan. Laakiin xaqiiqadii dadkaa hore waxay ahaayeen kuwo cilmi iyo xigmad badan leh oo dadka hadda ka mudakarsan, waxaanay ogsoonaayeen inuusan iyaga xaaraan ka ahayn cunitaanka hilibka ay muslimiintu qalaan oo markaa iyagu hadday kiristaanka yihiin aysan ahayn inay bulshada guud ahaan xoolaha u gawracaan! Digniintii u dambaysay…cid kasta oo diin haysataa xoolaha ha gawracdo oo hilibkeeda ay iyadu gawracatay ha cunto, markaa bal waynu eegi doonaa inay nabadu sidaa ku badbaadi doonto iyo inkale! Waxaad xusuusnaataan in xitaa caruurta isku aabaha ahi hadii ay wada fadhiisan waayaan oo ay wax wada cuni waayaan ay kala yool iyo himilo noqdaan oo ay walaaltinimadoodu halkaa kusoo dhamaato. Waxaan leeyahay ilaahay aynu ka barino inuu musiibadan inaga badbaadsho.

  • kepha musigwa
    April 11, 2013 @ 03:09:50PM

    Dhibta ugu wayni waxay ka taagantahay in arrinka qalliinka xoolaha loo gacan galiyo dad haysta diin gaar ah, oo dadkaana looga dhigo waxay ka shaqaystaan. Arrinkaasi waa mid dadka kala takooraya, hadii aan dib loo eegina wuxuu kala qaybin doonaa dadka reer Tanzania. Markaa waxaan anigu soo jeedinayaa in ay xukuumadu hadii ay si dhab ah u xaqiijisay in qaliinka xooluhu uu ka mid yahay xirfadaha ay dadku ka shaqaysan karaan, in ay fursadaas shaqo u fidiso dadka dhamaantood iyadoo aan ka fekerin caqiidooyinka diimeed. Waa in la aasaasaa kulliyad lagu barto culuumta qalliinka xoolaha, si ay dadka xoolaha qalaa ay xirfadooda uga faa’idaystaan. Sidoo kale maadaama ay dadkaasi lacag ka bixin doonaan waxbarashada ay qaataan, xukuumadu lacag badan ayay sidaa ku heli kartaa. Hadii kale, waa in la kala saaraa goobaha xoolaha lagu qalo, oo waa in qolo kasta loo sameeyaa meel u gaar ah, in kastoo aan ogsoonahay inay dhibaatooyin badani dhici doonaan.

  • clavery mazigwa
    April 11, 2013 @ 08:41:35AM

    Gawraca xooluhu waa arrin wayn oo u baahan saddex indhood, sababtoo ah marka xoolaha la gawracayo ducooyin gaar ah ayuu qofka wax gawracayaa akhriyaa. Markaa sideebuu arrinku noqon lahaa hadii dadka kiristaanka ahi ay xoolaha gawracaan oo ay ducooyinkooda akhriyaan, taa miyay muslimiintu aqbali doonaan.

  • Daniel Awet
    April 11, 2013 @ 07:14:55AM

    Maadaama uu qaliinka xooluhu uu yahay mid u muuqda arrin diimeed, waxaa wacan inay xukuumadu dustuurka daafacdo si arrinkan loo xaliyo. Ma aha in cidna lagu qasbo inay cunto hilib ay ciddaasi aaminsantahay inuu diinteeda kasoo horjeedo. Hadii aynu maanta tan isku qasabno, waxay dadku su’aalo hadana mar labaad ka keeni doonaan mustaqbalka. Markaa xalku wuxuu ku jiraa in cid kasta loo fasaxo inay xoolaha gawracdo.

  • chris mauna
    April 11, 2013 @ 05:12:34AM

    Aniga iima muuqato wax sabab ah oo inagu kalifaysa inaynu dagaalano. Dhamaanteen haddaynu nahay reer Tanzania waxaynu nahay dad walaalo ah, markaa maxaa dhacay? Waxad moodaa in labada dhinac uu dhinac cadaadis wado oo uu danihiisa rabo inuu fushado. Markaa waa inayn joojinaa arrinkaa oo aynu horumar ka fekernaa.

  • ROLAND BATHROMEO
    April 11, 2013 @ 04:26:49AM

    Looma baahna in xukuumadu soo saarto warmurtiyeed noocan oo kaleeto ah, balse waxa loo baahanyahay waxa weeyaan in labada dhinacba ay xor u ahaadaan inay xoolaha gawracaan oo ay hilibka meeshay doonaan kasoo gataan.

  • Niduha S Gwassa
    April 11, 2013 @ 02:56:53AM

    Gawraca xooluhu waa shay qof kastaa uu xaq u leeyahay diintuu doono ha haystee, markaa in la dhaho muslimiinta ayaa kaligood gawraca xoolaha loo daynayaa waa arrin aan macno samaynayn, waayo qaliinka xooluhu waa shaqo la mida shaqooyinka kale. Markaa dadku waa inay xaq u yeeshaan inay dhamaantood xoolaha qalaan diintay doonaan ha haystaane.

  • DEOCRAY MTAYOMBA
    April 11, 2013 @ 01:56:26AM

    Anigu waxaan qabaa ra’yiga dhahaya xukuumadu waligeed ogolaan mayso in dadka caadifadooda diimeed ay iyada saamayn ku yeelato. Hadaba waxaa loo baahanyahay in dhamaan hogaamiyayaasha diimeed ee diimaha kala duwani ay wada fadhiistaan oo ay heshiis gaadhaan, si aynu nabadeena iyo isjeclaanshaha ka dhex jira dadka reer Tanzania u ilaalino.

  • basilio china
    April 11, 2013 @ 01:28:35AM

    Aniga waxay ila tahay waa in hogaamiyeheenu uu ogaaday inay muslimiintu yihiin dad qab wayn, taasina waa siday wax u dheceen. Waa inaynu ogaanaa inaynu 50 sanadood aynu adoonsi ku jirnay oo aynu ku dhaqmaynay dustuurka qaranka, balse haatan waa inay xukuumadeenu joojisaa khiyaamooyinkeeda ay waddo. Anagu haddaanu nahay dadka kiristaanka ah waanu daalnay. Ma waxa la leeyahay muslimiintu waa dad aad u taqyo iyo alla ka cabsi badan oo ay anagana markaa nagu waajib tahay inaanu raacno wax kasta oo ay sameeyaan. Anagu waanu daalnay, waxaanu markaa u baahanahay in dustuurka si mug leh wax looga badalo oo uu noqdo mid difaaci kara xuquuqda dadka kiristaanka ah.

  • MACK STEPHANO
    April 10, 2013 @ 06:15:38PM

    Shayga meesha muhiimka ahi waa in la eego muxuu dustuurkeenu dhigayaa. Dalkeenu maaha dal diin rasmi ah leh, markaa maxay xukuumadu uga cagajiidaysaa inay arrinkan xaliso? Aniga waxay ila tahay xukuumadu iyadaa si toos ah uga masuula arrinkan.

  • ally
    April 10, 2013 @ 03:21:22PM

    Gawraca xooluhu waa arrin diimeed, markaa xikmadu kuma jirto in diin kaliya la dhaho dadkeeda ayaa kaligood xaq u leh inay xoolaha gawracdo, inkastoo ay diin kastaa caqiidadeeda leedahay.

  • baba sofia
    April 10, 2013 @ 02:20:16PM

    Hadii aysan meesha jirin fidmo diimeed oo dadyowga kale ka dhan ah, arrimahani waligood maysan dheceen. Waxay arrimahani ka bilaabmeen khudbado fagaarayaasha laga jeediyay oo ku dhawaaqayay in diimaha qaarkood aysan ahayn diimo dhab ah, taasaana keentay in aan dadka diimahaas haysta loo ogolaanin inay xoolaha gawracaan, haseyeeshee dambiilaha ugu wayn ee arrinkank ka masuulka ahi waa xukuumada, waayo dadkaa way maqlaysay balse way ka indhaqarsatay, haddana dabkii wuxuu bilaabay inuu sii holco.

  • Novart Peter
    April 10, 2013 @ 11:54:32AM

    Walaalahayga reer Tanzania waxaan leeyahay miyaynaan arkayn sida midkeemba midka kale uu uga horjoogo inuu si xor u noolaado. Maxaa keenay inaynu meesha isku xujaynu xeerar qallinka xoolaha ku saabsan, inkastoo dadka xoolaha dhaqaa aysan xeerarka noocaas ahi qabanin? Waynu ogsoonahay in dadka reer Tanzania ay dhamaantood xuquuq isku mida leeyihiin, markaa maxaa dadka qaarkood xuquuqdooda loo duudsiyayaa? Xageebuu arrinkaasi ka yimid? Xeerkee ama dhaqankee ayaa arrinkaa dhigaya, diinteebaase dhigaysa, waase kee qabiilka xeerkaa ku dhaqmaa? Waxaan hadaba leeyahay waa inaynu is waydiinaa su’aasha ah “ADIGU YAAD TAHAY ANIGUNA YAAN AHAY?”

  • Dia
    April 10, 2013 @ 09:54:02AM

    Hadaan ka hadlo arrinka qalliinka xoolaha, waxaan dhihi lahaa waa muhiim cidda xoolaha qalaysaa, laakiin waa masalo fudud. Hadii uu qof muslim ah ama qof kiristaan ahi hilibka qalo, dhadhanka hilibkaasi isku mid ayuu ahaanayaa. Markaa waxaan walaalahayga reer Tanzania kula talinayaa inaysan nabadeena u luminin arrimo fudud awgood. Waxan aynu wadnaa waa wax aynu ilaahay qalad kaga galayno, nafteeniina shaki ayaynu galinay sababtoo ah nabadeenii ayaynu khalkhalinaynaa. Markaa aynu isbedel samayno.

  • ZENGO JOSEPH
    April 10, 2013 @ 09:39:57AM

    Anigu waxaan codsan lahaa in la sameeyo laba nooc oo goobaha xoolaha lagu qalo ah, markaa ciddii rabta hilibka ay kiristaanka ama muslimiintu qaleen labadaa goobood ayay ka kala iibsan kartaa.

  • Isaack Lusega
    April 10, 2013 @ 09:21:37AM

    Waxaa hubaal ah in xaalku uu xunyahay, waxaanay ila tahay mudane Pinda waa inuu arrinka uu aad uga fekeraa. Anagu waanu ka daalnay inaanu maqalno dilal waxshinimo ah, dilalkaas oo uu sabab u yahay arrinka qalliinka xooluhu. Markaa waa in isaga iyo xukuumadiisu ay soo saaraan warbixin xambaarsan farrin is-afgarad, si xurguftani ay usoo afjaranto. Dhanka kale, diidmada la diidanyahay in la kala saaro goobaha xoolaha lagu qalo iyo aamuska la aamusanyahay iyadoo aan wax xal ah la keenin runtii wuxuu ka dhiganyahay taageero cad oo la taageerayo in fawdadu sii socoto. Hadaba saaxiibayaal waxay ila tahay waxaa la joogaa wakhtigii la bilaabi lahaa in lala xisaabtamo dadyowga xagjirka ah iyo xubnaha xukuumada ee aan rabin inay keenaan xal.

  • priscus julius
    April 10, 2013 @ 08:59:19AM

    Waxaan jecelahay inay hogaamiyayaashu arrinka soo faragaliyaan, oo dadka waxaa wadana si adag loo ciqaabo. Ilaahay ha barakeeyo Kenya iyo Afrika iyo dunida intaba.

  • Ernest
    April 10, 2013 @ 08:38:35AM

    Miyaynaan adeegsan karin mashiinada xoolaha lagu qalo si aynu arrimahaas uga fogaano? Maxay dalalka kale ee la mida Kenya iyo Uganda iyo Rwanda ay ka yeeleen arrinka qaliinka xoolaha? Maxaa inoo diiday inaynu fiirino oo barano hab cusub oo dhamaanteen niyadda inoo dajin kara? Ma dhab baa in qarankeenu uusan awoodin inuu soo gato qalabka xoolaha lagu gawraco?

  • Mussa Habibu Kilua
    April 10, 2013 @ 07:09:41AM

    Aniga waxay ila tahay ma jirto sabab aynu ku murano masalada qaliinka xoolaha, cidii rabta inay hilib cunto ha cunto maadaama ay ciddaasi hubto in habka neefka loo gawracay uu yahay mid munaasib ah. Teeda kaleeto, hadii aad dhanka kale ka fiiriso, dadka xoolaha gawracaa waa muslimiin, dadka hilibka gadaana waa kiristaan, dhamaantoodna waa dad asxaab ah oo kasoo jeeda deegaanka Dodoma. Markaa anigu ma garanayo sababta keentay loolankan. Waa inaynu saaxiibayaal ka feejignaanaa siyaasiyiintan, waayo hadii kale dalkeena ayaynu ka carari doonaa, mana garanayo anigu meesha aynu aadi doono.

  • TDO
    April 10, 2013 @ 05:08:15AM

    Mary waan kugu raacsanahay ra’yigaaga, marka uu qofku cuntada bisinka u qabto, miyuusan meesha ka baxayn wax kasta oo dhib ah oo cuntadaas ku jiraa? Qofka waxaa qof aan daahir ahayn kadhiga waxa jidhkiisa kasoo baxa, ee maaha waxa jidhkiisa gala. Markaa waxaan dhihi lahaa aynu nabada ilaalino oo aynu fahano wuxuu ilaahay inaga rabo iyo in shayga ugu muhiimsan ee la ina faray uu yahay is jeclaanshaha, bal markaa saaxiibayaal waxan socdaa ma isjeclaanshaa?

  • Isaya Praygod
    April 10, 2013 @ 12:32:43AM

    Dhab ahaantii dhamaan diimuhu waxay leeyihiin xuquuq siman, markaa waxaan xukuumada ka codsanaynaa inay arrinkan xaliso, waayo dalkeena ma yaalo dustuur dhigaya in muslimiintu ay tahay cidda xoolaha gawracda.

  • MZIBA JOSEPH
    April 9, 2013 @ 02:54:52PM

    Dustuurka soo socdaa waa inuu yeeshaa siyaasad qaran, waxaana wacan in dib loo eego awoodaha madaxwaynaha, golaha wasiiradana waa inaan laga soo dooran baarlamaanka, ama doorasho ha ku yimaadeen xildhibaanadu ama ha la magacaabee. Sidoo kale, waa in dustuurka cusubi uu yeeshaa xeer lagu maareeyo waaxaha waxbarashada, macdanta, tamarta, dhulka, dalxiiska iyo kheyraadka biyaha.

  • nizar
    April 9, 2013 @ 12:37:11PM

    Aniga waxay ilatahay waa in cid kastaa ay gawracato xoolaha ay dhaqatay, muslimiintuna waa inay gawracaan waxay dhaqdeen, mana aha inay u ooyaan inay gawracaan xoolaha iyagoo aan garanayn sida xoolaha loo dhaqo, waxaad doonaysaan inaad gawracdaan xoolo ay dhiqistoodu kharash u baahantahay. Ma ogtihiin mise ma ogidin!

  • oscar
    April 9, 2013 @ 10:53:30AM

    Dadka kiristaanka ahi waxay raali ku ahaayeen inay muslimiintu xoolaha qalaan, waxaanay sidaa u yeeleen xigmadooda iyo ixtiraamka ka dhexeeyay labada dhinac. Laakiin markay muslimiintu bilaabeen inay meesha keenaan cabashooyin farabadan ayay kiristaankuna bilaabeen inay xoolaha gawracaan. Arrinkaasina wuxuu kasii daray markay muslimiintu sheegeen in arrinka qalliinka xooluhu uu uga dhigan ya hay shay lagu cibaadaysto, taasina waxay keentay inay kiristaankuna waxay dareemeen in lagu qasbayo inay ka qayb qaataan cibaadooyin aan diinta ay aaminsanyihiin ahayn. Hadaba maadaama qarankeenu uusan ahayn mid diin gaar ah ku suntan, waxaa wacan in la sameeyo guddi madax bannaan oo ka arrimisa masalada qalliinka xoolaha. Maxaa keenay in saaxiibadeena reer yurub aysan dhibaatada noocaas ahi haysanin, jawaabtu waxa weeyaan xoolaha waxaa gawraca shirkado, dadkuna dhamaantood hilibka way cunaan iyagoo aan ka fekerin diimohooda. Markaa waxaan leeyahay aynu isbedel la nimaano, waayo maaha qasab inaynu raacno dhaqamada, waayo waxaa la joogaa wakhti kale.

  • muta
    April 9, 2013 @ 10:18:41AM

    Anigu qorshaha ra’iisal wasaaruhu uu ku rabo inuu soo faragaliyo arrinka waan taageersanahay, laakiin waa in arrinka si dhab ah loo maareeyaa. Ilaahay ha barakeeyo Tanzania.

  • ahmedi athumani s/msingwa
    April 9, 2013 @ 09:47:28AM

    Guud ahaan, arrinka qaliinka xooluhu maaha shay nabada qarankeenu ku lumayso, hogaamiyayaashana waxaa laga rabaa inay si dhab ah u maareeyaan xurgufaha noocan oo kale ah, sababtoo ah iyagaa ah cidda ka dambaysay dhawr dhacdooyin oo ka dhacay dalka Tanzania, dalkaasoo ah mid nabad iyo degenaansho haysta.

  • mujukuu
    April 9, 2013 @ 06:52:38AM

    Walaalayaal waxaan dhihi lahaa anigu waan ka murugooday war murtiyeedkii uu shalay soo saaray mudane Mengi ee ku aadanaa arrinka qaliinka xoolaha. Anigu shaki ma galinayo ninkan cilmigiisa iyo xogogaalnimada uu u leeyahay arrinkan, mana shaki galinayo niyadiisa, siiba haddaynu ku xisaabtano in war murtiyeedkaas ay ku soo aroortay in “danaha qaranka muhiimada koowaad la siiyo”. Hasayeeshee waxaan awoodaa inaan mudane Mengi waxoogaa uga iftiimiyo arrinkan. Waxaa injiilka kusoo arooray: “Cilmiga diiniga waa laga qariyay hogaamiyayaasha dunida iyo dadka xigmada leh, laakiin dadka shicibka ah ayaa loo daahfuray, waayo iyagu hadalka ilaahay waxay u haystaan wax aan macne lahayn”. Sidoo kale, waxaa arrimaha nabada qaranka kusoo arooray: “Hadii uusan ilaahay daaficin magaalada, dadka aan habeenkii seexanin ayaa arrinkaa fulin doona.” “Nabada aan bixiyaa maaha mid la mida nabada dunida.” Markaa Mengi waxaan leeyahay dunida amaankeeda ha isku dayin inaad daafacdo, dadkana ha ugu hanjabin. Teeda kale muxuu yahay dhaqanka ay awoowyaasheen inooga tageen ee aad ka sheekaynaysaa? Dhulkan aynu dagno awoowyaasheen xoolaha markay gawracayaan geesaha ayuumbay baarka ka goyn jireen, manaysan jirin wakhtigaa diinta islaamku. Markaa maxaad uga jeedaa waxan aad leedahay awoowyaasheen ayaa inooga tagay? Maxaad uga hadlaysaa waxyaabo aan inagu shuqul lahayn? Yaase kugu yidhi XAQ UMA LIHIN in aanu isbedel ku talaabsano. Runtuse waxa weeyaan meesha wax is badalay ma jiraan, balse waxaa imika soo ifbaxay waxyaabihii qarsoonaa – waxan socdaana waa kacaan diimeed. Waxaa jira maahmaahyo dunida laga isticmaalo, oo ay ka midtahay maahmaahda ah “dhaqanku waa xeer”, laakiin wakhtigan hadda la joogo arrimuhu sidoodii hore maaha, mana ku hoos noolin xeerar XAYIRAAD inagu haya, balse kolba waaqica jira ayaan la jaanqaadaynaa. Dadkan aad adigu difaacaysa si cad ayay ugu dhawaaqeen in gawraca xooluhu uu iyaga u yahay shay lagu cibaadaysto, waa hadii aad garanayso macnaha cibaadadu wuxuu yahay, macnahaas oo aan ka shakisanahay in baadari Lusekelo uu fahansanyahay isaga laftiisu, inkastoo aanan jeclayn inaan baadariga wax badan ka sheego, waayo waxaan ka cabsanayaa inaan ku gafo Ruuxul Qudus-ka. Laakiin adiga Mengiyoow waxaan kugula talinayaa inaad aad u cibaadaysato, waayo waxaa la gaadhay wakhtigii madaxa kor loo qaadi lahaa. Isaac: 60:1-5. Aamiin ilaahayoow.

  • Salim Shaban Ramadhani
    April 9, 2013 @ 04:09:22AM

    Anigu ma qabo in fawdadan loogu qiil dayo muslimiinta ama kiristaanka ayaa wax gawracaya. Markaa waxay aniga ila tahay waa in cid kastaa ay u noolaataa hab waafaqsan diinteeda ay aaminsantahay, islamarkaana waa inaysan wax faragalin ah ku samaynin dadka kaleeto diimohooda. Diintu waa shay saamayn ku leh qofku wuxuu aaminsanyahay, qof kasta oo reer Tanzania ahina wuxuu leeyahay diin u gaar ah. Markaa arrinkani maaha mid ay hogaamiyayaashu wax ka qaban karaan, waayo hadii ay arrimuhu qadhaadhaadaan, hogaamiyayaashaasi meel ay mareen la arki maayo, cidda dhibaatadu ku dhici doontaana waa dadkeena isku sheegaya inaynu nahay mu’miniinta. Markaa reer Tanzania waxaan leeyahay joojiya xagjirnimada. Nabadu waa shay qaali ah, hadii nabada la waayana toosh ayaa lagu daydayi doonaa.

  • kiaka
    April 9, 2013 @ 02:23:17AM

    Reer Tanzania waxaan leeyahay joojiya maalayacnigan aad wadaan ee aad diimaha ugu dagaalamaysaan. Waxaad u dagaalantaan danaha qaranka, waxaanad eegtaan sida maalimba maalinta kasii dambaysa uu shay kasta qiimihiisu usii kordhayo.

  • ISRAELI YESU
    April 8, 2013 @ 04:00:31PM

    Waxaan dhihi lahaa arrinkan qaliinka xoolaha sir wayn ayaa ku jirta. Iyadoo dunidu markeedii horeba fawdo ku jirtay, ayay haddana dadka qaarkood wax lagu cibaadaysto ka dhigayaan dhiiga xoolaha iyo gawracooda. Waxaa jira dad iska dhig-dhigaya inay yihiin kuwo alle ka cabsi leh, laakiin in dakdaas isu haysta inay daahir yihiin ay xoolaha gawracaan waxaa dhaami lahayd in qof mushrik ahi uu xoolaha gawraco, waxaana wacnaan lahayd inay arrinkaa goor hore ogaadaan oo ay faraha ka qaadaan waxyaabaha marinhabowga u horseedaya. Qaliinka xooluhu maaha wax faa’ido qofka u leh, cidina ilaahay kaga ag dhawaan mayso xoolaha qalliinkooda, naftaada ayuumbaanad khiyaamaynaysaa.

  • mpapay
    April 8, 2013 @ 10:50:48AM

    Wixii ka dambeeyay madaxbannaanideena sideebaynu qaliinka xooleheena u maamuli jirnay? Anigu waligay maan maqal kkkt ama RC oo arrinkaa dood ka keenay. Markaa anigu waxaan qabaa haddaynu nahay reer Tanzania waxaa ina horyaala arrimo badan oo ay tahay inaynu wax ka qabano, si aynu u suurtogalino in bulshada reer Tanzania ay barwaaqowdo. Hadaba murankani ma wax runtii faa’ido inoo leh baa? Waxaan anigu dhihi lahaa aynu ka fekerno arrimaha horumarka inoo ah, oo aynu ka fekerno dadka reer Tanzania ah ee dakhliga hoose ku nool, kaasoo aan ku filayn inay nolol maalmeedkooda ku daboolaan, intaynu ku murmayno yaa xaq u leh iyo yaan xaq u lahayn qaliinka xoolaha.

  • NG`ALA JOHEL
    April 8, 2013 @ 09:56:49AM

    Waa in dadka reer Tanzania ay xuquuq isku mida helaan. Dadku dhamaantood xaq ayay u leeyihiin inay xoolaha gawracaan oo ay hilibkooda cunaan iyagoo aan dadyowga diimaha kaleeto haysta dhibaataynin. Tusaale ahaan, dadka haysta madhabta “Sabtiyiinta” ma cunaan hilibka doofaarka, laakiin haddana wax dhibaato ah kuma hayaan dadka iyagu cuna hilibka doofaarka. Markaa diinta qofku waa shay ay tahay in la ixtiraamo, qofkastaana waa inuu qofka kale diintiisa ixtiraamaa. Hadii taasi adkaado, markaa waa in cid kastaa ay xooleheeda iyadu u gawracataa hab waafaqsan diinteeda. Tolowse halkeebay Tanzania ku socotaa?

  • beatrice
    April 8, 2013 @ 07:41:32AM

    Walaalayaal hadii ay muslimiintu digaageena inoo qali jireen, wuxuu arrinkaasi inaga ahaa kalgacayl aynu u muujinaynay muslimiinta, maadaama ay xaaraan ka tahay inay cunaan hilibka xoolaha aan loo xalaalayn cunitaankooda. Markaa walaalahayga kiristaanka ah waxaan waydiinayaa ma waxaynu go’aansanay inaynu kalgacaylkaas meesha ka saarno? Maxaa inoo diidaya inaynu sii wadno kalgacaylkaas dhexdeena yaala oo aynu ka doodno arrimo horumar inoo ah oo ku saabsan sideebaynu uga bixi karnaa fakhrigan iyo saboolnimadan ina haysta! Maaha in arrinka qaliinka xooluhu uu wakhtigeena inaga lumiyo, waayo dalalkii inala jaarka ahaa waxaabay bilaabeen inay inagu qoslaan. Miyaynaan xishoonayn?

  • Rutajama Nathan Libent
    April 8, 2013 @ 06:33:50AM

    Waxay ila tahay waa in goobaha xoolaha lagu qalo loo kala saaraa muslimiinta iyo kiristaanka, si ay dadku meeshay rabaan wax uga gataan.

  • c.ss.m
    April 8, 2013 @ 05:40:02AM

    Anigu maan jeclaysanin maqaalkan, waayo wuxuu sii hurinayaa isku dirka dadka. Waxaa wacan in laga hadlo arrimaha barwaaqada bulshada, ee maaha in laga hadlo fidmo iyo isku dir.

  • Bartolome
    April 8, 2013 @ 02:11:20AM

    Hawsha qaliinka xoolaha waa loo ogolaan karaa inay muslimiintu sii hayaan, laakiin waa inay ixtiraamaan dadka kiristaanka ah oo ay faraha kala baxaan fidmooyinka ka dhanka ah diinta kiristaanka ah ee ay wadaan. Hadii aad ixtiraam u muujiso qof bini’aadam ah oo uu qofkaasi arrinkaa iska indhatiro, waxaa hubaal ah in aad adiguna aakhirka ka daali doontid oo aad geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doontid inaad qofkaas dareensiiso in ay kaa dhantahay.

  • Furaha
    April 7, 2013 @ 06:30:51PM

    Haddii ay jiraan xeerar sannado badan jiray oo la aqoonsanaa, kuwaasoo ku saabsan arrinka qaliinka xoolaha, waxaan markaa anigu soo jeedinayaa in xeerarkaas lagu dhaqmo. Cidii diida inay xeerarkaa ku dhaqantana waa in ciqaabta ay mudan tahay la mariyaa.

  • Lucas Maenga
    April 7, 2013 @ 12:57:22PM

    Ogolaada ama ha ogolaanina, balse waa in Pinda uu ogaadaa in xalka wanaagsani uu ku jiro iyadoo muslimiinta iyo kiristaanka iyo diimo dhaqameedyada loo kala saaro goobaha xoolaha lagu gawraco. Wixii xal ah ee aan sidaa ahayn waa mid muddo gaaban shaqayn doona, ama waxa xalkaas ogolaan doona goobo kooban. Waxaa laga ogolaan doonnaa Burseresere, laakiin wuxuu noqon doonaa mid ka duwan

  • JOYCE
    April 7, 2013 @ 10:51:22AM

    Cid kastaa xaq ayay u leedahay inay xoolaha gawracdo. Maxay ilaahay ugu kala duwan yihiin muslimiinta iyo kiristaanku? Dadku dhamaantood way simanyihiin, ee inaga ayaa iskala takoorayna. Qofku haduu xoolaha gawraco iyo haduusan gawricin ma wax uu ku janno tagayaa? Joojiya maalayacnigan.

  • kasimbi samweli
    April 7, 2013 @ 10:38:36AM

    Aniga waxay ila tahay kala saarista goobaha xoolaha lagu qalaa waa fikrad wacan, laakiin waa in dhamaan dadyowga diimaha kala duwan haystaa ay cadaalad ku shaqeeyaan.

  • kibondei
    April 7, 2013 @ 10:02:54AM

    Waa in hogaamiyayaashu ay arrinkan si balaadhan u eegaan, waayo waa arrin saamayn wayn leh. Hadii la dhaho dadka kiristaanka ahi xaq ayay u leeyihiin inay xoolaha gawracaan balse dadka madhabta kaatoliga haystaa shaqooyin uma baahna, arrinkaasi wax xal ah ma keeni karo. Waxaa jira hudheelo iyo goobo laga cunteeyo iyo xitaa dadyow wadooyinka ku gada cuntada, dadkaasina dhamaantood waa kiristaan. Markaa hadii qof shaqaale ah oo muslim ahi uu rabo inuu wax ka cuno qof kiristaan ah oo cuntada gada, xitaa hadii uu qofkaasi hilibka kasoo gato hilible muslim ah, haddana wali qofka shaqaalaha ah ee muslimka ahi wali shaki ayuu dareensanaan doonaa, waayo qofka cuntada gadayaa maaha qof ay isku diin yihiin. Markaa arrinkani wuxuu xitaa saamayn ku yeelan doonaa dadka gada hilibka shiilan. Markaa hadda su’aasha meesha taalaa waxa weeyaan qof kastaa ma wuxuu aadi doonaa hudheel ama meel laga cunteeyo oo diintiisa waafaqsan? Sidoo kale waa in aynu xusuusnaanaa in dalkan ay joogaan kiristaan kala madhab ah, markaa hadii ay iyaguna bilaabaan inay dalbadaan inay hilibkooda iyagu gawracdaan sababtay rabaan ha keenaanee, miyaynu arrinkaa u fulin doonaa? Tusaale ahaan hadii dadkeena haysta madhabta Anglican-ku aynu dhahno dadka haysta madhabta Kaatoliga ama kuwa aaminsan inay marlabaad dibu dhasheen khalad ayay sameeyaan markay wax gawracayaan, dadkale oo badan ayaa iyaguna sidaa si lamida yeeli doona. masameeyndoonaa arrinkaa?

  • Gabriel Mtoi
    April 7, 2013 @ 07:48:04AM

    Qaliinka xooluhu waa arrin xidhiidh la leh caqiidada, labada dhinacna waxay aaminsanyihiin in uu yahay shay cibaado ah. Markaa maadaama uu arrinku sidaa yahay, aad ayay u adagtahay in arrinkan xal loo helo ilaa inta labada dhinacba ay is ixtiraamayaan oo qolo kasta rabitaankeeda la ixtiraamayo, rabitaankaas oo ah in ay cid kastaa xaq u leedahay inay xoolaha u gawracdo habka ay dhigayso diinteedu ee ay kutubteeda diiniga ahi dhigayaan. Markaa hadii aan arrinkaa la isla garanin, dhibaatadani way sii balaadhan kartaa maalinba maalinta ka dambaysa. Markii uu qabsoomay kulankii golaha kiristaanku, waxay soo saareen baaq ku saabsan qaliinka xoolaha, waxaanay xukuumada ka codsadeen inay dadka kiristaanka ah u samayso goobo iyaga u gaar ah oo xoolaha ay ku qalaan, si ay iyaguna u awoodaan inay diintooda ugu dhaqmaan. Markaa hadii ay xukuumadu arrinkan si dhab ah u maarayn waydo, waxaa cad in ay kiristaanku u arki doonaan xukuumada mid ka eexanaysa, waayo xukuumadu waxay u muuqan doontaa mid aan ixtiraam u haynin dadka kiristaanka ah iyo waxay caabudayaan, iyadoo aysan cidina ra’yigaas ku qancinin kiristaanka. Dustuurku wuxuu xaq inoo siiyay inaynu waxaynu rabno caabudno, markaa waa inaysan xukuumadu jabinin dustuurka oo aysan ku kicin arrimo aan dustuuri ahayn. Waligeena nabad ku gaadhi mayno kuna heli mayno dustuurka oo aynu ku xad gudubno. Nabada waxaa dhab ahaantii la heli karaa marka la daafaco dustuurka iyo mabda’yada cadaalada iyo sinaanta. Shayga ugu muhiimsani waxa weeyaan inay wadaadu, gaar ahaan kuwa muslimiinta ahi, ay dadkooda iyaga taabacsan u sheegaan inay iyaga laftoodu xaq u leeyihiin inay xolooha qalaan oo hilibka xoolahaas iyaga iyo cidii aan dan ka lahayn cida xoolahaas qashay ay cuni karaa. Sidoo kale, waa inay dadkooda wadaadadu u sheegaan inay waajib ku tahay inay ixtiraamaan dadyowga kale ee uu arrinka qaliinka xooluhu uu khuseeyo, waayo hadii kale waxay ku xadgudbayaan dustuurka qaranka. Hadaba waxaan ka codsanaynaa muslimiinta weerarada u gaysanaya goobaha ay dadka kiristaanka ahi xoolohooda ku qalaan inay joojiyaan waxay wadaan gabi ahaamba, waayo wuxuu horseedi karaa masiibo wayn.

  • Titus Msigwa
    April 7, 2013 @ 03:38:59AM

    Maxaynu xaqiiqada uga meermeeraynaa? Ma cidba muslimiinta ku qasbi karta inay kaniisad galaan mise cidbaa kiristaanka ku qasbi karta inay misaajid galaan ama? Hadaba waxan imika socdaa waa noocaas, waayo hadii aad muslimiinta qaliinka xoolaha wax ka waydiiso, waxay kuugu jawaabayaan qaliinka xooluhu waa arrin diini ah, oo ay waajib tahay in qofka neefka qalayaa uu qiblada qaabilo. Hadaba maxaa xukuumada ka horjooga inay dadka faraha ka qaado oo ay u dayso inay waxay rabaan caabudaan maadaama uu dustuurku arrinkaa fasaxayo? Siday hadda xukuumadu u dhaqmayso waxay faragalin toos ah ku haysaa dadkeeda iyo diimaha ay aaminsan yihiin. Markaa waa inaynu labada dhinacba ka caawinaa in ay samaystaan goobo xoolaha ay ku qalaan sidaynu uga caawino inay dhistaan kaniisadaha iyo masaajidadaba.

  • Ally Runde
    April 7, 2013 @ 01:26:20AM

    Diimuhu dhamaantood waxay rabaan inay xoolaha qalaan, balse aynu dib u eegno taariikhda diimeheena iyo cidda xaqa u leh inay xoolaha gawracdo. Dabcan ciddaasi waa muslimiinta, muslimiinta dalkan ku noolina sannado badan ayay iyagu ahaayeen cidda xoolaha gawracda. Laakiin hadda qalitaankii xooluhu wuxuu yeeshay faa’idooyin, dalkana shaqo la’aan ayaa ka jirta, markaa taasaa keentay in waxan oo dhami ay dhacaan. Hadaba waxaan xukuumada ku boorinayaa inay balaadhiso hawlaha la xidhiidha qaliinka xoolaha, oo xitaa kiristaankana la shaqaalaysiiyo, balse ayasan iyagu xoolaha qalin ee ay noqdaan cidda hilibka diyaar garaysa ka dib marka ay muslimiintu qalaan.

  • Joseph
    April 6, 2013 @ 06:27:25PM

    Cidda ay tahay in arrinka qaliinka xoolaha lagu canaantaa waa xukuumada, waayo waxay ku fashilantahay inay caddayso inuusan dustuurkeena ahayn mid diin ku salaysan. Maxay tahay faa’idada murankan ku jirtaa maadaama ay xukuumadu si dhib yar ugu dhawaaqi karto in hadii qaliinka xooluhu uu yahya masalo diimeed ay waajib tahay in misaajid kasta iyo kaniisad kastaa ay yeeshaan goobo xoolaha lagu qalo oo u gaar ah. Hadaba waxaan leeyahay doodahan hadda socdaa waa kuwo munaafaqad ku salaysan, waayo waxay dadku ka cabsanayaan inay madaxwaynaha ku dhahaan inaysan jirin meel dustuurka ay kaga taalo in qaliinka xooluhu uu yahya xaq ay dad gaar ahi leeyihiin. Doodahan intan leegi maxay dhamaantood ku saabsan yihiin? Arrinkan diintu meel ay kasoo galaysaa ma jirto, ee laakiin xukuumada ayaa munaafaqnimo wadda, mana awoodo inay daafacdo dustuurka. Markaa waxaan leeyahay fulaynimada ha la joojiyo, oo si cad haloo hadlo hana la dhaho inaysan jirin cid uu dustuurku xaq u siinayo.

  • john kasunga
    April 6, 2013 @ 01:25:24PM

    Anigu dhinacayga ma arko sabab qasbaysa in muslimiinta muhiimada la siiyo xoolaha la qalayo, iyadoo ay dadka kiristaanka ahi iyaga laftoodu ay awood u leeyihiin inay xoolaha qalaan oo ay gacmo xoolaha ay ku qalaana leeyihiin.

  • Lameck
    April 6, 2013 @ 11:55:20AM

    Anigu waxaan qabaa fikrada ah in cid kastaa ay xor u noqoto inay xoolaha gawracdo diintay doonto ha haysatee. Arrimahaasi waxay imika u muuqdaan kuwo la rabo in dadka maskaxda lagaga xado.

  • M0HAMED KONDO
    April 6, 2013 @ 10:46:48AM

    Cabdulaahi ciisoow waxaan ku leeyahay munaafaqada iska daa. Intii aad dadka arrimahaas ka heshiisiin lahayd waad isku sii diraysaa. Waxaan walaalahayga reer Tanzania leeyahay waa inaynu Samir yeelanaa oo aynu iska ilaalinaa dagaalka.

  • wandere P.Lwakatare
    April 6, 2013 @ 09:27:51AM

    Waa in faalooyinka aynu bixinaynu ee ku saabsan arrinka qaliinka xoolaha aynu ka feejignaana, waayo waxaa dhici karta in iskadaa xal dhibaatada loo helee inay sii murgiyaan arrinka. Dadka reer Tanzania waa inay ilaaliyaan nabadeena.

  • Azizi Abdul
    April 6, 2013 @ 08:56:29AM

    Anagu hadaanu nahay dadka muslimka ah waxaanu aaminsanahay in qaliinka xooluhu uu yahay arrin ilaahay loogu cibaadaysto. Laakiin waa shay lala yaabo in maanta kiristaanku ay dhahaan waxaan u rabnaa inaanu xoolaha gawracno, inkastoo aysan arrinkaa xaq u lahayn. Ilaahay wuxuu yidhi: “Hilibka aan magacayga lagu gawricin maaha mid loo ogol yahay mu’miniintu inay cunaan. Shay kastana ilaahay awgii u sameeya, cidii la timaada wax aan sharciga ka mid ahayn dib ayaa loogu celin doonaa (oo lama abaal marin doono).

  • mary
    April 6, 2013 @ 08:33:14AM

    Aniga ilama aha in arrinku ku saabsan yahay hilibka oo kaliya. Dadkan murmayaa ma ii sheegi karaan inaynu u baahanahay inaynu hilib isku layno? Ilaahayoow na caawi. Ma waxaynu isku dilaynaa hilibkan ay dhakhaatiirtu inoo sheegayaan inuu jidhkeena burburiyo oo marka uu caloosheena galona isagoo yaab leh kasoo baxa? Ma waxaynu isku dilaynaa hilibkan hadii aan laba cisho talaagad lagu kaydin ay qasab noqoto in dhulka lagu aaso? Xitaa hadii aad leedihiin dad ayaa ka shaqaysta, ma waxaad I leedihiin muslimiintu dhamaantood way ka shaqaystaan hilibka qaliinkiisa? Anigu waxaan ahay qof kiristaan buuxa ah, laakiin anigu waligay wax dhibaato ah maan ka dareemin cida hilibka qalaysa cidday doonto ha ahaatee. Diintaydu waxay I faraysaa inaan cuntada ka hor iyo kadib aan labadaba ilaahay baryo, waayo ilaahay ayaa I badbaadin doona xitaa hadii hilibku uusan nadiif ahayn. Dagaalku maaha shay wacan. Iska daa wax kalee iyadoo nabad la yahay ayaa wax la cuno in la helaa ay adagtahay, markaa eesh qiyaasak hadii nabadaa la waayo?

  • Mapunda.
    April 6, 2013 @ 07:33:38AM

    Walaalahayga reer Tanzania waxaan ugu baaqayaa inaynu joojino faragalinta aynu ku hayno dadka kale afaarohooda. Hadii ay rabaan inay xoolaha qalaan, dee ha qalaan oo waliba doofaaradana ha qalaan.

  • julieth
    April 6, 2013 @ 05:38:19AM

    Inaynu intaynu meel fadhiisano aynu is waydaarsano eedaymu ku saabsan arrimaha qaliinka xooluhu waa iska maalayacni, sababtoo ah arrimahaasi maaha kuwo sal iyo raad toona leh. Ilaaheenu waa ilaah kaliya, shayga ay tahay in lagu xisaabtamaana waa qofka camalkiisa suuban ee uu ilaahay kaga ag dhawaan karo, balse muhiimadu kuma jirto qaliinka xoolaha iyo kiristaan ama islaam midka uu qofku yahay.

  • Jastin Kimambo
    April 6, 2013 @ 05:05:33AM

    Anigu sidaan arrinka qaliinka xoolaha u arko waxa weeyaan kiristaanku waxay go’aan ku gaadheen inay iska aamusaan markay arkeen in muslimiintu ay jecelyihiin inay cunaan hilibka xoolaha dariiqada islaamku jideeyay lagu gawracay. Laakiin markay arkeen kiristaanku inay muslimiintu bilaa dhaqan yihiin oo aysan wax ixtiraam ah iyaga u haynin, waxay go’aansadeen inay wadashaqayntii joojiyaan. Sidoo kale, laynta ay muslimiintu laynayaan hogaamiyayaashada diimeed iyo gubista ay gubayaan kaniisadahayagu waa wax aan nagu dhiiri galin karin inaaynu ixtiraamno muslimiinta oo aanu arrimaha diimeed wada shaqayn kala yeelano. Anagu ixtiraam ayaanu u haynaa maadaama ay yihiin dad diin taayada ka duwan haysta, laakiin waxay nagu samaynayaan waa wax nagu qasbaya in aanaan wax wada shaqayn ah la yeelanin. Markaa waxaa hadda banaan fursad goobaha qaliinka xoolaha loogu kala saaro muslimiinta iyo kiristaanka, si ay cid kastaa meeshay rabto wax uga gadato.

  • ramadhani kherry
    April 6, 2013 @ 04:07:05AM

    Waa inaynu dib u eegnaa waxay kutubteena muqaddaska ahi dhigayaan, markaasaynu xal u heli doonaa khilaafaadka dhexdeena yaala.

  • Mohamed
    April 5, 2013 @ 02:46:02PM

    Dadka kiristaanka ahi kaniisadaha sabtida ayay tagaan, sabtiduna waa maalin nasasho, sidoo kale dadka Sabbaths-ka ahi kaniisadaha axada ayay tagaan, axaduna waa maalin nasasho. Laakiin muslimiintu jimcaha salaad ayay tukadaan, laakiin jimcuhu waa maalin shaqo, markaa run ahaantii dadka muslimiinta ah ee dalkan ku nooli waa dad aad u samir badan. Alaahu akbar.

  • leonida nicephory ngonyani dar. machimbo
    April 5, 2013 @ 02:05:16PM

    Waa maxay muhiimada ku jirta inay cida wax qalaysaa ay noqoto kiristaan ama muslim? Maxay cidda wax qalaysaa hilibka kusoo kordhin kartaa? Aniga waxay ila tahay waa in la kala saaraa hiliblayaasha.

  • romano mpepo
    April 5, 2013 @ 11:47:31AM

    Waa in muslimiintu qalaan xoolaha, kiristaankuna sidoo kale waa inay qalaan, waayo sharciga iyo bii’ada aynu ku noolnahay labaduba way saamaxayaan arrinkaas. Haddii kale, wixii hore u dhacay dhamaan maayaan. Xitaa hadii ay maanta joogsadaan arrimahaas, barri ayay haddana soo shaac bixi doonaan. Markaa waa in la hirgaliyaa nidaam cid kasta u saamaxaya inay xoolaha qasho. Imisa shay ayay waydiisteen muslimiintu oo loo sameeyay?

  • Abdul E, Buretta
    April 5, 2013 @ 06:08:30AM

    Arrinka qaliinka xooluhu waa mid muhiim ah, markaa waa in si wacan loo maareeyaa. Cid kastaa waa inay fursad heshaa oo waa inay xor u ahaataa meesha ay rabto inay xooleheeda ku qalato, waana inay xor u ahaata inay hilibkay rabto cunto iyadoo aan wax faragalin ah ku samaynin diimaha dadyowga kale, isla markaana aan dadka kale ka xanibin inay fursad shaqo helaan.

  • paul florian
    April 5, 2013 @ 04:31:57AM

    Waxaa dhab ah inaynu haddaynu nahay dadka reer Tanzania aynu xitaa qaliinka xoolaha dhibaato kasoo saarnay. Mwalimu Nyerere wuxuu hore u yidhi dadka reer Tanzania diin way leeyihiin, laakiin dawlada Tanzania diin malaha. Markaa intaynaan falin aynu ka fiirsano.

  • honorata
    April 5, 2013 @ 01:27:15AM

    Haa, waa in la sameeyaa goobo xoolaha lagu qalo oo u gaara kiristaanka iyo kuwo u gaara muslimiinta.

  • peru livuma
    April 5, 2013 @ 01:08:39AM

    Waa si wacan in xukuumada loo daayo inay qorshaha ay rabto fuliso, laakiin waxaa taa ka wacnaan lahayd in muslimiinta loo daayo inay sii wadaan qaliinka xoolaha, siduu arrinku markii horeba ahaan jira. Anigu ma jecli inaan arko dalkeena oo qalalaase ka dhacayo.

  • Dem
    April 4, 2013 @ 05:54:42PM

    Anigu sidaan aaminsanahay, masalada qaliinka xooluhu waa mid diini ah, markaa habayaraatee maaha cadaalad in qasab laga dhigo in koox kaliyaati ay xaq u yeelato qalista xoolaha, oo kooxda kalena loo diido. Markaa maaha inaynu dhahno dad gaar ah (waa muslimiintee) ayaa waligood xoolaha qali jiray. Waxaan leeyahay wakhtiyadaas hore iyo maantu way kala duwan yihiin, waayo wax kastaa wuu isbedelay. Markaa waxaan ku talinayaa labada dhincaba guddiyo ka socda la sameeyo (muslimiinta iyo kiristaanka), waana in guddiyadaasi ay heer hoose ilaa heer dawladeed ahaadaan, isla markaana waa inay ka arrimiyaan oo ay maareeyaan arrimaha la xidhiidha adeegyada qalliinka xoolaha iyo hiliblayaasha.

  • samson
    April 4, 2013 @ 01:04:08PM

    Ashkhaasta loo magacaabay xubinimada guddiyada dibu heshiisiintu waa inay noqdaan dad xigmad leh, hadii kale shaqaaqooyinku dhamaan maayaan.

  • prince walter
    April 4, 2013 @ 01:02:27PM

    Cid kastaa xaq ayay u leedahay inay xoolaha qasho, hadii aan sidaa la rabin, waa in diin kasta loo sameeyaa meelo u gaara oo xoolaha lagu gawraco.

  • Abdallah chepe
    April 4, 2013 @ 10:41:13AM

    Aniga dhinacayga waxay ila tahay waa in qaliinka xoolaha muslimiinta loo daayaa. Kiristaankuna waa inay xoolaha qalaan hadii xoolahaas hilibkooda cunistiisu ay xaaraan ka tahay muslimiinta.

  • mtanzania
    April 4, 2013 @ 08:39:04AM

    Hadii arrinku ku saabsanyahay shaqa la’aanta, waa in markaa muslimiintuna xoolaha qalaan walaalohooda kiristaanka ahina ay haraga xoolaha kasiibaan, oo ay kaydiyaan oo ay gaadiidka ku qaadaan oo ay waxyaabaha kaloo dhan qabtaan.

  • Stephen
    April 4, 2013 @ 05:26:19AM

    Cid kastaa waa inay xor u ahaataa inay xoolaheeda u qalato hab waafaqsan diinteeda. Hadii la leeyahay qaliinka xooluhu waa cibaado ilaahay loogu cibaadaysanayo, maxaa markaa dadka kale loogu qasbayaa inay aqbalaan arrinkaa. Hadii aanad rabin inaad cunto hilibka xoolaha ay dadka kale qaleen, maxaad ugu qasbaysaa dadka kale inay cunaan waxaad adigu gawracday? Miyaad ogtihiin anigu markii hore wax dhibaato ah maan arkayn, laakiin hada dhibaato ayaa ii muuqata, dhibaatadaasina waxay ka jirtaa dhanka muslimiinta. Dalkan diintiisu waa diintee? Maxaa keenay in dalkani uu muslimiinta u eexdo? Maxaase iyaga laga yeelayaa hilibka laga soo waarido dalalka reer yurub, kuwaana miyaad joogteen goobihii lagu qalayay? Maxaa hilibkaa lasoo waarido ay fasax u tahay in la cuno? Anigu waxaan hubaa inaanan rabin inaan ka qayb qaato arrimo diin kale loogu cibaadaysanayo, waayo ilaa maalintaan dhashay waxaan aaminsanaa diintayda, diintaydaana ah diinta aan ku badbaadi doono. Ilaahay isagaa arrinkan soo dhex gali doona, waxaanad rumaysataan inuusan ilaahay u baahnayn inay cidi daafacdo.

  • BUBERWA
    April 4, 2013 @ 04:33:23AM

    Xukuumadu arrinka imika ayuumbay ogaatay, laakiin arrimahani waxay bilaabmeen sannadihii sagaashameeyadii. Waxay arrimahani dheceen sannadkii 1998, waxaanan markaa anigu dhiganayay dugsiga hoose ee ku yaala tuulada Bukoba, bishana way dheceen oo xawli sare ayay marayeen. Markaa yaynaan sugin ilaa inta nabarku balaadhanayo oo yaynaan markaa cisbitaalka ku cararin, balse waxaa la qaatay inaynu cisbitaalka tagno isla markaynu aragno calaamadaha xanuunka.

  • ibrahimu ambonisye
    April 4, 2013 @ 03:18:53AM

    Waxaa roon in xigmad lagu dhaqmo marka la xalinayo dhibaatooyinkan, mana aha in la aamuso oo ay masuuliyiintu iska dhigaan sidii oo aysan arkaynin in dhibaatadani tahay mid wayn.

  • PAULO S. MABENA
    April 4, 2013 @ 02:53:12AM

    Waa in cid waliba jaanis u heshaa qaliinka xoolaha, waayo dadkku dhamaantood waa macmiil wax gadanaysa. Hadii uu meesha wax lagu qalayo joogo dhakhtar hilibka jeegareeyn kara, isagaa eegi kara in hilibku uu yahay mid munaasib ah oo la cuni karo. Markaa looma baahna in la dhaho diin kaliya ayaa loo ogolyahay qaliinka xoolaha dadka kalena waa inay cunaan. Yaa markaa gawracaya digaaga aanu guryaha ku qalano? Hilibka doofaarkana isaga iskaba daa. Bisha Ramadan waa ayo cidda wax qashaa? Waxaan leeyahay aynu sideenii hore u noolaano. Meesha waxaa ka baxay nabadii iyo isjeclaanshihii.

  • mwaluko mapembe
    April 4, 2013 @ 01:48:36AM

    Waa in borotokoolka lagu xisaabtamaa. Maxaa keenay in muslimiinta la siiyo liisano ama loo fasaxo inay xoolaha qalaan kiristaankana aan loogu fasixin? Runtii waa wax layaab leh in dadka kiristaanka ah la laayo markay xoolaha qalaan, oo ay waajib noqoto in dagaal dhaco, waayo dadka kale diimohoodii ayay faragaliyeen. Maxaa keenay in aysan muslimiintu qalin doofaarka? Ma qasabaa in hilibka kale ee aan doofaarka hilibkiisa ahayn ee ay dadka kiristaanku cunaan in hilibkaasna sida hilibka doofaarka loola macaamilo? Xukuumadu se ma carqaladayn kartaa arrin la aaminsanaa 50 sano wax ka badan? Way adagtahay in la badalo dadku waxay aaminsanyihiin. Markaa digniin ahaan ayaan leeyahay waa in xukuumadu xigmad muujisaa. Dadka kiristaanka ahi si wanaagsan isumay nidaamin, waxaanay maanta aad uga cadhaysan yihiin in muslimiintu loo qaato inay yihiin dad daahir ah, kuwaasoo hilibka xooleheena inoo xalaalayn kara. Anigu ma jecli inaan dhaho arrimuhu sidaa iyo sidaa ayay noqon doonaan, laakiin waa in laga taxadiraa dadka diimohooda iyo waxay aaminsanyihiin, waayo iyaga laftoodu waxay u taaganyihiin inay daafacaan caqiidadooda.

  • ELIFURAHA
    April 4, 2013 @ 01:13:28AM

    Dadka kiristaanka ah looma ogola inay qalaan xoolaha, sababtoo ah ma cuni karno hilib aan si sharciga ilaahay waafaqsanayn loo qalay.

  • Frank
    April 3, 2013 @ 07:31:10PM

    Dadka reer Tanzania waa inay aadaan dalka Rwanda si ay wax uga bartaan qaabka ay tahay inay dhexdooda is ixtiraamaan. Dalkiina wali wakhti dheer ayaa ka xiga xiliga uu ka dhici doono dagaal lagu dagaalamo qaliinka xoolaha. Anigu waxaan maqli jiray Tanzania waa dal nabadeed, markaa waan jeclaaday dalkaas oo waan joogi jiray. Laakiin waxaa cajiib ah in hada aad is bedesheen, waana runtii arrin la yaab leh, waayo waxaad joogtaan wakhti ay tahay inaad dib isu qaabasaan oo aad dalkiina dhistaan. Hadii aad kala saartaan goobaha qaliinka xoolaha, ma waxaad sidoo kale yeelan doontaan suuqyo kala gaara iyo iskuulo kala gaara iyo fasalo kala gaara oo u kala gaara diimaha kala duwan? Runtii waa ayaan darro in arrinkaa cidda ka fekeraysa ee dabada ka wadaa ay yihiin dadka danyarta ah, isla markaana waa iyaga cidda dhibtu ku dhici doontaa. Hadii ay arrinka qaabkaa ku bilaabeen oo maanta ay masuuliyiin sarsare ka hadlayaan arrinka, cidda ku dhiman doonta ama ku dhaawicmi doontaa waa shicibka, muxuuse arrinkani ku dambayn doonaa? Waxaa hadaba idinku waajib ah inaad is fahansiisaan sababta aan dadka kiristaanka ah loogu ogolayn inay qalaan xoolaha, hadii uu arrinkaasi sababo leeyahay waa inay iyaguna isdejiyaan. Hadiise aysan jirin wax sababo ahi, waa in jaaniskooda la siiyaa iyagana. Hadii idinkoo aan ogaanin halkay sartu ka qudhuntay aad xal raadisaan, maxaad gaadhi doontaan? Runtii waa ceeb wayn!!! Waxaad ahaydeen dad dunida oo dhami ay ka tusaale qaadato, gaar ahaan dadkayaga jaarka idinla ah.

  • Omy
    April 3, 2013 @ 05:07:50PM

    Waa in la sameeyaa hiliblayaal gada hilibka xoolaha ay muslimiintu gawraceen iyo hiliblayaal gada hilibka xoolaha ay kiristaanku gawraceen, waana in bulshadu arrinkaa ictiraaftaa. Yaynaan dagaalamin ee aynu isfahano.

  • carol Gisimoy
    April 3, 2013 @ 04:20:37PM

    Maxaynu nabadeena bilaa macni ugu waayaynaa? Waa inaynu is bedel samaynaa. Aniga dadkani waxay iila muuqdaan kuwo bilaa xiise ah

  • MICHAEL MASSAWE
    April 3, 2013 @ 10:56:25AM

    Looma baahna in la kala saaro meelaha xoolaha lagu qalo, sababtoo ah kala saarista goobahaasi waxay horseedi doontaa in qoloba ay qolada kale takoorto diin ahaan, arrinkaasina waa mid khatar ku ah qarankeena. Markaa waxa ugu muhiimsani waa in shay kasta sida uu sharcigu dhigayo loo qabtaa, iyo sida uu dustuurka qaranku dhigayo, waayo dustuurku isaga ayaa inoo sheegaya siyaabaha kala duwan ee aynu inagoo qaran kaliya ah ugu noolaan karno, manuusan kala saarin siday muslimiinta ama kiristaanku u kala noolaan karaan. Dhamaanteen waxaynu nahay reer Tanzania, waxaana dhamaanteen ina xukuma dustuurka. Sidoo kale, dawladeenu ma aha mid leh diin u gaar ah.

  • Abraham
    April 2, 2013 @ 08:47:10AM

    Waa inuusan qofku soo jeedin ra’yi ka turjumaya jahligiisa. Arrimahan oo dhami waxay kasoo unkameen cabashooyin badan oo la leeyahay dadku way dulman yihiin. Dadka diintan aaminsani iyagoo aan ka wardoonin dhacdooyinka socda ayay iska kacayaan oo ay siday wadaadadoodu u sheegaan ku dhaqaaqaan. Markaa waxaan leeyahay aynu ilaahay ka barino inaynu helno wadaado cilmi leh, waayo wadaadadeenu waa kuwo maskaxdoodu madhan tahay. Waxay ku hadlaan waa jahli, mana ogsoona cawaaqibka ay leeyihiin hadaladoodu. Intay sun ina siiyaan ayaynu inaguna dhexdeena is laynaa. Inkastoo ay diintu tahay manhajka nolosheena, laakiin waa inaynu ka fekernaa oo aynu iswaydiinaa hadii ay waalidkaa kiristaan ama muslim ahaan lahaayeen, maxaad samayn lahayd adigoon iyaga ku dayanin? Diimahan aynu haysano waa kuwo aynu waalidkeen ka dhaxalnay, iyaguna qaarkoodna waxay qaateen diimahan xiligii carabtu adoomaha ka ganacsan jireen qaarka kalena xiligii gumaystayaashii reer yurub. Anigu lama dagaalamo diimahaas, sababtoo ah aniga laftaydu waxaan ahay qof mu’min ah, laakiin waxaan waligay rumaysanahay in diinta dadka faraysa inay wax laayaan aysan ahayn mid xaga ilaahay ka timid, balse kaliya ay magaca eebe adeegsanayso. Hadaba waxaan leeyahay aynu diimeheena wanaajino, inagoo taa u marayna jacayl aynu is jeclaano, waayo taasaa qofka aan mu’minka ahayn tusi karta wanaaga diinta, mana aha inaynu is dilno oo dhiigeena daadino. Waxa ina hormaray oo ina madaxmaray wadaadadeenii, markaa waa inaynu meeshay ku qaldan yihiin u saxnaa, waayo iyaga laftoodu waa bini’aadam, khaladaadkuna way ka dhacaan xitaa hadii ay jecel yihiin in loo arko inay yihiin dad aan dambaabin oo macsuum ah. Imisa jeer ayaad maqasheen baadari lagu qabtay isagoo la jooga qof dumar ah oo xaas ah, ama sheekh faraxumeeyay wiil malcaamad jooga? Markaa aynu arrimahaas eegno oo aynu qirano inaysan ahayn dad cilmigoodu kaamil yahay.

  • AL4NCE PTER
    April 2, 2013 @ 05:03:19AM

    Aniga waxay ila tahay arrinka qaliinka xooluhu waa arrin muhiim ah, sababtoo ah hadii ay rabaan inay dabagal ku sameeyaan, dad badan ayaa dhibaatoon doona, dadkaas intooda badanina waa dad aan waxba galabsan. Sidaa awgeed, waxa kitaabka tawraada lagu xusay in aakhirul samaanka ay qaramadu dagaalami doonaan. Markaa waxaan walaalahayga reer Tanzania ka codsanayaa inay joojiyaan kicinta ay dadyowga kale kicinayaan, waxaanan leeyahay aynu marka hore ilaahay xagiisa u kacno, markaasaa waxa kale ee aad rabtaan la idin siin doonaa. Waa anigoo ah Mwanza.

  • 0zil joseph
    March 31, 2013 @ 09:00:24AM

    Dagaal dhex mara muslimiinta iyo kiristaanku maaha wax wacan. Hadaynu nahay reer Tanzania waa inaynaan iska dhigin kuwo aan ka war haynin saamaynta uu dagaalku leeyahay. Waa inaynu ka fekernaa goorma ayaynu sida dalalka reer yurub u noolaan karnaa, halka idinku hadaad tihiin hogaamiyayaashayada aad tihiin sababta rabshadaha. Dadka reer Tanzania waxaan leeyahay waa inaynu xigmad yeelanaa oo aynaan dagaal bilaa micne ah galin. Hadii aad awoodiina ku hawl gashaan, waxaa laga yaabaa inuu ilaahay idiin siyaadiyo barakooyinkiisa.

  • Barnabas Wandwi
    March 31, 2013 @ 04:34:47AM

    Anigu waxaan ahay muwaadin reer Tanzania ah oo nabada wax kasta ka jecel dunidan. Waxaanan qabaa maqaalkiinu sax weeyaan. Sidoo kale waxaan jecelahay inaan intaa ku daro in ay tahay in dadka xoolaha qala loo ogolaado inay halkaa wax kasii wadaan. Maxaa ku dhaliyay dadka kiristaanka ah inay dalbadaan inay iyagu xoolaha qalaan??? Maxay yihiin gol-jilaycyada meesha uga soo baxay ee ay arkeen???

  • AGANO
    March 31, 2013 @ 03:27:19AM

    Dhibtu kaliya waxay ka dhalatay cidbaa tidhi qaliinka xooluhu waa shay lagu cibaadaysto. Cidaasi waa “wakiilka degmada”, waxaanu moodayay in ay aad u wacan tahay hadii uu diintiisa sare u qaado, arrinkaa ha u jeedo ama yuusan u jeedinee. Markaa shayga muhiimka ahi waa in dadka kiristaanka ah loogu balan qaadaa inaysan ka qayb qaadan doonin arrimo lagu cibaadaysto oo aan iyaga khusaynin.

  • Sayuni
    March 28, 2013 @ 08:41:40AM

    Walaalahayga reer Tanzania waxaan leeyahay maanha inaynu marnaba ku dhiirano inaynu nabada aynu maanta haysano khalkhal galino. Arrimahani waa arrimo cajiib ah oo warwar qofka ku abuuraya. Maxaa arrimahan loo arki waayay sanado hore ka hor? Waa in dadka cilmiga lihi ay fahmaan in lagu jiro aakhir samaan. Hadii aad rabto inaad ogaato qiimaha ay nabadu leedahay, waxaad waraysataa dalalka soomaaliya iyo Nigeria iyo sudan iyo congo iyo kuwo kale oo badan. Dhamaanteen waynu ogsoonahay qiimaha nabada. Markaa waa inaynu dheeldheelka ka baxnaa oo cid kastaana waa inay masuuliyad iska saartaa ilaalinta nabada dalkeena. Sido o kale, waa in wakhtigan uu dalkeenu ilaahay u laabtaa oo uu dambi dhaaf waydiistaa, waayo waxaa jirta xumaan badan oo ka socota dalkeena. Markaa waxaan rajaynayaa in madaxwayne kikwete uu ku dhawaaqo in dalka oo dhan laga soomo salaadna laga tukado, si ilaahay ugu dambi dhaafo dalkan una badbaadiyo. Hadii aynu maskaxdeena oo kaliya kaashano, arrimaha ina horyaalaa aad ayay inoogu adkaan doonaan, markaa waa inaynu ilaahay u laabanaa oo aynu dambi dhaaf waydiisanaa, waxaana laga yaabaa inuu inoo dambi dhaafo oo uu inaga cafiyo dhiigii la daadiyay iyo waxyaabihii badnaa ee xumaanta ahaa ee kale, markaasuu dalkeenuna badbaadi doonaa.

  • JOHN
    March 27, 2013 @ 04:13:37AM

    Walaalayaashayda qaaliga ahoow, waxaa la inagu maydhay biyo xun oo sixir ah. Macdantii waa la xadayaa, tacliintiina hadalkeeda daa, xoolihiina waa la tahriibinayaa, inaguna kaliya waxaynu ku mashquulnay inaynu isku dilno yaa xaq u leh qaliinka xoolaha, kuwaasoo ah kuwo hilibkooda uu cudur ka buuxo. Waxaa la inagu maydhay biyo xun oo sixir ah, inkastoo reer Tanzania haddaynu nahay aynu ahayn dad xigmaawiyiin ah. Meesha waxaa jooga jiil cusub oo been abuur ah, kuwaasoo ina marin habaabin doona, si aynaan ugu dagaalamin xuquuqdeena aasaasiga ah, ee ay ka midka yihiin in dalkeenu uu gaadho horumar aasaasi ah mustaqbalka. Markaa fadlan aynu fiiro gaar ah u yeelano dadka ina halaagaya.

  • maziku ihala
    March 26, 2013 @ 11:25:56AM

    Reer Tanzania waa anigii oo mar labaad soo laabtay. Waxaan idin waydiinayaa, waa maxay fikrada aad ka qabtaan in qofku diin diimaha ka mid ah uu ku abtirsado? Waa maxay fikrada aad ka qabtaan munaafaqada? Waxaan idin waydiinayaa waa ayo cida diin ku dhalatay? Qofka ku doodaya inuu yahay muslim ama kiristaan waa qof maskaxdiisa qashin ka buuxo oo aan indheer garad ahayn. Hadii aad is dishaan oo madax iska goysaan, cidda dhiman doontaa ma noqon doonto kiristaan iyo muslimiin, balse cidda dhibta ugu badani ku dhici doontaa waa caruurta iyo dumarka. Markaa afkaartaas qashinka ah iska daaya, oo waxaad eegtaan sida dadkayaga reer Kenya ay anagaba noo saameeyeen dilalku. Runtii waa nacasnimo in qofku uu ku doodo inuu rabo inuu xaq u helo qaliinka xoolaha intii uu ka fekeri lahaa danta guud iyo dhismaha qaranka. Waxaad tihiin kuwo dhaqaale ahaan iyo tacliin ahaan iyo horumar ahaan intaba dibu dhac ku jira, markaa intii aad arrimahaa wax ka qaban lahaydeen ayaad ku mashquusheen qaliinka xoolaha. Waxaad tihiin dad axmaqiin ah. Anagu maanta marxalad cusub ayaanu higsanaynaa, idinkuna waxaad wali ku dhagsantihiin qaliinka xoolaha. Dhab ahaantiina qofka jaahilka ah waxaa u maskax ah cilmiga. Meesha dimuqraadiyad kuma haysaan, hogaamiyayaashiinuna waa wada dhibaato, hadana idinkii ayaa is kadeedaya midba midka kale. Waxaad u dagaalantaan horumarka, ee ha u dagaalamina qaliinka xoolaha.

  • maziku ihala
    March 26, 2013 @ 11:06:41AM

    Anigu ma fahmi karo sababta keentay in Tanzania oo ah dal 50 sanadood nabad haystay uu maanta dhibaato ka abuuro arrinka qaliinka xoolaha. Hadii ay dad muslimiin ahi ama dad kiristaan ahi xoolaha qalaan, xoolahaas hilibkooda lama cuni karo miyaa? Aabihii qarankeena waxa laga hayaa: halkeebay inagu wadaan hogaamiyayaasheenu? Maanta Tanzania waxaa lasoo darsay dilal waxshinimo ah, taasoo kaliyana maahee waxay maanta Tanzania la mid noqotay soomaaliya iyo Rwanda iyo Burundi. Waa maxay mushkilada jirtaa, miyaysan hogaamiyayaashu awood lahayn? Fadlan ha la ilaaliyo nabada hada aad haysataan oo ku cibro qaata dalalka jaarkiina ah, ceebi idinku dhacdaye. Taariikh ahaan Tanzania waxay ahayd dalka qaarada afrika hormoodka ka ah nabada, laakiin maanta meeqaamkaasi Tanzania wuu kasii lumayaa. Markaa naftiina wax ka badala. Dhamaanteen diimahani waa kuwo inoo yimi, mana jiro qof diin kusoo dhashay, markaa fekera oo talaabooyin qaata.

  • Adam.
    March 26, 2013 @ 08:21:03AM

    Rabshadahan la xidhiidha arrinka qaliinka xoolaha waxaa bilaabay hogaamiyayaal diimeed, kuwaaso watay mashaariic u gaar ah oo ay rabaan inay ku hirgaliyaan goobo xoolaha lagu qalo. Markaa iyagaa bilaabay arrinka, iyagaanay tahay inay soo afjaraan. Sidii arrinkii gaasta ka dhacday ayay siyaasiyiintuna hada bilaabeen inay arrinkan soo dhex galaan. Markaa waa in xigmad lagu dhaqmaa, waayo inteena badani raali kama aha mawqifka ay qaateen wadaadadu. Wadaadadu waa cida ina kala qaybisay, ee maaha Kikwete.

  • habibu uwezo
    March 26, 2013 @ 06:08:07AM

    Waa in arrinkan lagu xaliyaa waxay diintu dhigayso ee maaha in lagu xaliyo waxay dadku rabaan.

  • Nickson mahinja
    March 25, 2013 @ 03:42:48PM

    Waa inay doofaarada sidoo kale inoo qalaan.

  • Kayanda
    March 25, 2013 @ 10:56:04AM

    Dhibtu gawraca kama taagna, balse waxay ka taagantahay gawraca xoolaha ee diiniga ah. Si kasta ha ahaatee, waa in doofaarada iyagana lagu qalaa isla goobaha xoolaha lagu qalo. Sidaasay sinaantu ku jirtaa!

  • Violet Mwita
    March 25, 2013 @ 09:15:23AM

    Waa run in tan iyo markii aynu xornimadeena qaadanay uu aabaha qaranka laftiisu dagaal kula jiray takoorka ku salaysan diinta iyo isirka. Markaa hada reer Tanzania waxan leeyahay halkee ayaynu u soconaa? Waxaan ku baaqayaa aynu ku fara adaygnu dhaxalkii uu ka tagay Mwalimu, hadaladiisuna waxay noqon doonaan kuwo qiime iyo qaayo dheeraad ah u yeesha nabadeena.

  • pete
    March 24, 2013 @ 02:17:34PM

    Shayga lagama maarkaanka ahi waa inay labada xisbi wada fadhiistaan oo ay xaliyaan dhibaatada. Waa inaynaan buburin sawirka laynaga haysto ee ah inaynu nahay dal nabad ah, aniguna waxaan is waydiinayaa maxaa keenay inaysan wax cabasho ah ka bixinin qaliinka doofaarada? Waa in hogaamiyayaashu u hadlaan sidii hogaamiyayaasha, dadkuna waa inay raacaan. Hogaamiyaha awooda lihi waa inuu noqdaa mid go’aan adag oo awood u leh inuu qaato go’aamo adag.

  • kayombo
    March 23, 2013 @ 09:14:02AM

    Walaalayaal reer Tanzania waxaan idiin sheegayaa inaynu inagu dhexdeena is dili doono, dhibaatada ina haysataana waa hogaankeena oo daciif ah. Hogaamiyayaasheenu maaha kuwo si dhab ah u hawlgala, waxaanay u haystaan in dhibaatooyinka jira ay mucjisooyin furdaamin doonaan, arrinkaasina maaha mid suuragal ah. Arrintan hada taagani waxay ka mid tahay arrimo badan oo jira, kuwaasoo muujinaya farqiga wayn ee u dhexeeya labada diimood.waxaa jira waxyaabo badan sida eexda dhanka shaqaaleeynta qaas ahaan hal gobol oo ay kadhacayaan dilal aargoosi bambeeyn kaniisado,lkn dowladu uma muuqatoin ay arintaa kawalaacsantahay walina waa ay ka aamusantahay , haddii aynu fiirin sababta fowdada waa hilibka Kikwete iyo dowladdiisa waa in ay iscasilaan ka hor xiligiisa dhexe, sidaa darteed dalkeenun waxa uu noqonaya mid nabad ah

  • Adam.
    March 22, 2013 @ 01:57:39PM

    Arrinka qaliinka xooluhu waa mid run ahaantii khuseeya dadkeena saboolka ah ee hilibka kasoo gata hiliblayaasha. Dadka iyagu dukaamada waawayn hilibka kasoo gataa gobol kasta ha joogaanee iyaga hilibku waa isugu mid oo waxba ma kala saaraan. Markaa dalkan saboolnimada iyo wacyi la’aantu waa laba shay oo burbur u horseedi kara.

  • Adam
    March 21, 2013 @ 06:42:17PM

    Dadka iyagu waxoogaa lacag ah haysta, hadii ay kiristaank yihiin iyo hadii ay muslimiin yihiin labadaba, waxay hilibkooda kasoo iibsadaan dukaamada waawayn, cidna ma waydiiyaan yaa qalay hilibka. Markaa xiisadan waxaan u arkaa mid ka dhex aloosan dadka dakhliga yar. Saboolnimada ayaana ina dabar goyn doonta…!

  • richard raphael
    March 21, 2013 @ 09:54:39AM

    Diin kasta waa inay yeelataa meel u gaar ah oo xoolaha lagu qalo. Muslimiintuna waa inaysan ahaanin cida kaliya ee qaliinka xoolaha ka masuulka ah.

  • Hassan juma
    March 21, 2013 @ 06:19:23AM

    Magacaygu waa xasan. Waxaan qabaa waxa wacan inay muslimiintu sii wadaan qaliinka xoolaha.

  • Peter Kapagi
    March 21, 2013 @ 06:09:26AM

    Xukuumadeenu waxay ku andacoonaysaa inaysan diin lahayn, laakiin haddaa maxaa keenay in goobaha xoolaha lagu gawraco ee ay dawladu maamushaa diin yeeshaan? Waxaan ku talinayaa in xukuumadu iyadu xoolaha ay qasho, arrinka ku saabsan ducooyinkuna uu noqdo mid u gaar ah qofka hilibka gadanaya.

  • ismael
    March 21, 2013 @ 06:07:23AM

    Xagee ayuu ka soo baxay mawduucan ku saabsan qaliinka xooluhu? Sida caadiga ah, marka uu qof muslim ahi uu xoolo qalo, dhamaanteen hilibkaas waynu cunaa, muslimiin iyo kiristaan labadaba, cida kaliya ee ay u fasaxan tahay inay wax qashaana waa qof muslim ah. Anagu hadaanu nahay kiristaanka arrinkaas dan kama galno cida hilibka qashay, waayo guryahayaga waxaa ku nool dad muslimiin ah iyo kuwo kiristaan ah iyo kuwo aan wax diin ah haysanin. Waxaad arki kartaa qof eedadii muslim tahay adeerkiina kiristaan yahay, markaa ma waxaad leedihiin guri kasta laba ama saddex saxan dadku wax ha ku kala cunaan? Arrinkaasi maaha cadaalad. Waxaanan leeyahay haddaynu nahay qoysaska reer Tanzania aynu wax wada cuno.

  • Ishmael
    March 20, 2013 @ 01:23:20PM

    Waa mawduuc aad u muhiim ah, laakiin anigu waxaan qabaa dadka arrinku khuseeyaa si wada jir ah ayay xal u gaadhi doonaan. Laakiin waa maxay sababta aad idinku u murmaysaan ee aad isu dilaysaan sababo diimeed awgood? Waxaan ku baaqayaa aynu diinteena daacad u noqono si ilaahay inoo barakeeyo oo uu cilmi dheeraad ah inoo siiyo!!

  • Rebeyo Gabikwa
    March 20, 2013 @ 09:13:56AM

    Anigu shakhsiyan waxaan ku talinayaa in muwaadiniinta Tanzania ee labada diimood kala haysta inay xoriyad shakhsi ahaaneed helaan, waxaanan labada diimood uga jeedaa islaamka iyo kiristaanka, si ay fursad ugu helaan inay qalaan xoolohooda ay iyagu gaarka u adeegsanayaan iyo kuwa dadwaynaha loogu talagalay. Hadii ay suurto gal tahayna waa in hilibka xoolahaas baadhitaan lagu sameeyo oo dhakhaatiirtu ay baadho, si loo hubiyo inuusan hilibku ahayn mid khatar ku ah dadka cuni doona. Hadii aan ka hadlo arrinka ah yaa qalaya xoolaha, waxay ila tahay taasi waxay u taala dadka iyagu hilibka cunaya

  • Loi Loiloleo
    March 20, 2013 @ 07:08:31AM

    Waxay ila tahay marka arrin la maaraynayo, waa in la eegaa muxuu dhigayaa sharciga dalku ee maaha in la eego waxay dhigayso diin ka mid ah diimuhu, waayo ma jirto diin fasax u haysata inay iyadu diimaha kale ka kor marto. Markaa waxay ila tahay waa inaynu wax kasta sharciga iyo xeerka dalka u yaala la tiigsanaa. Tusaale ahaan wuxuu sharcigu dhigayaa in ay tahay inuu dhakhtarku baadhitaan ku sameeyo hilibka si uusan hilibkaasi dhibaato ku keenin dadka, maraa waxay ila tahay marka arrin la maaraynayo, waa in la eegaa muxuu dhigayaa sharciga dalku ee maaha in la eego waxay dhigayso diin ka mid ah diimuhu, waayo ma jirto diin fasax u haysata inay iyadu diimaha kale ka kor marto

  • Elisa Muhingo
    March 19, 2013 @ 09:45:33AM

    Waxaan WM kula talinayaa inuusan arrinka ku soo afjarin xaqa ay dadku u leeyihiin inay xoolaha gawracaan. Dhibaatooyinka diimeed waa kuwo wakhti hore bilaabmay, dadka kiristaanka ahina waxay u dhabar adaygeen aflagaadooyin ku dhacay. Markaa imika khaati ayay taagan yihiin. Hadii aan ka hadlo masalada qaliinka xoolaha, hadii ay horjoogayaasha dadka kiristaanka ahi ay akhriyaan kitaabka injiilka, waxay ogaan karaan inay xaaraan tahay inay kiristaanku cunaan xoolaha hilibkooda loo hibeeyay rooxaanta (ama ilaahyada kale). Markaa in xoolaha loo qalo hab waafaqsan cibaadooyinka muslimiinta ka dibna hilibkooda la siiyo dad kiristaan ahi waa arrin xaaraan ah. Hadaba si arrinkan loo furdaamiyo, waa in wax laga qabtaa dadka iyagu aflagaadada u gaysta dadka kiristaanka ah ee kaniisadohooda dabka qabadsiiya, hadii kale dhibaatadani waligeed ma dhamaan doonto. Madaxwaynuhu wuu kaftamayaa marka uu canaananayo dadka iyagu raba inay xoolaha qalaan, waxaanay noqon doontaa wax la xusuusto in arrinkani dhacay wakhti uu isagu madaxwayneheena ahaa. Ilaa markii oo hogaanka dalka qabtay, wuxuu u muuqdaa inuu dhinac ka raran yahay oo uu cid u xaglinayo. Markuu hadlayo wuxuu u hadlaa sidiiyoo ay dhibaatadu la kowsatay qaliinka xoolaha, waxaanuu u muuqdaa inuusan arrinka dan ka lahayn. Laakiin haduu muujin lahaa inuu fahansanyahay inuu hogaamiye yahay, dhibaatadani way soo afjarmi lahayd. Laakiin hadaladiisa hadii laga dab qaato, waa inaynu filanaa in dhibaatadan diimeed ay sii socon doonto. Tanzania way burburaysaa, markaa waa in madaxwaynahani wax inala qabtaa. Ra’yigayga xorta ah ayaa sidaas ah, waana laga doodi karaa.

  • niku
    March 19, 2013 @ 01:30:31AM

    Waa in la sameeyaa goobo xoolaha lagu gawraco oo u kala gaar ah dadyawga diimaha kala duwan haysta.

  • Mujuni BINGILEKI.
    March 18, 2013 @ 02:39:20PM

    Aniga waxay ila tahay hadii aynu bilawno inaynu ku doodno in diin kasta ay yeelato goobo u gaar ah oo xoolaha lagu gawraco, aakhirka wuxuu arrinkaasi saamayn xun ku yeelan doonaa dhaqaalaha (ganacsiga), sababtoo ah waxa dhici doonta inay dadku iswaydiiyaan cida hilibka qashay diinteeda ka hor intaysan iibsan hilibka, iyo waliba inay ogaadaan cida leh dukaanka hilibka laga gato. Hadii masalan gobol gobolada ka mid ah ay dadka badankoodu diin gaar ah haystaan, waxaa dhici doonta in dadka laga tirada badan yahay ee diinta kale haysta ee hilibka ka ganacsada inay ku adkaato inay hilibka ka ganacsadaan, waayo macmiisha badankeedu waxay doonan doonaan hilibka lagu gado dukaamada ay leeyihiin dadkay isku diinta yihiin. Aakhirkana waxaa dhici doonta inay saboolnimo ina gayaysiiyaan doodaha noocaas ahi, kuwaasoo aanan anigu arkaynin faa’ido ku jirta, anigoo ah qof Tanzania u dhashay, xitaa hadii xeer cusub laga soo saaro qaliinka xoolaha. Markaa anigu waxaan soo jeedinayaa in dadka loo fasaxo inay xoolaha qalaan iyagoo aan la eegin diintooda, laakiin waa in xeerarka dawlada la raacaa (oo waa in hilibka ay baadhitaan ku sameeyaan shaqaalaha caafimaadku si ay u ogaadaan inuu yahay hilib caafimaad ahaan bini’aadamku quudan karaan), dadkuna waa inay markaa waxay rabaan gataan. Anigu sidaasaan arki jiray ilaa caruurnimadaydii, oo ay kasoo wareegtay mudo ka badan 27-tan sanadood, halkaasoo markay dadku hiliblayaasha aadaan waxa ugu muhiimsan ee ay eegi jireen wuxuu ahaa in hilibku daray yahay iyo in qiimihiisu munaasib yahay, manaysan jirin cid murankan maanta socda ka hadli jirtay oo is waydiin jirtay cida hilibka qashay. Walaalayaal reer Tanzania waxaan leeyahay intaynaan falin aynu ka fiirsano. Ilaahay ha barakeeyo Tanzania.

  • abdi
    March 18, 2013 @ 02:39:13AM

    Waa maqaal wacan.

  • JONSON PAULO MINJA
    March 17, 2013 @ 05:27:06AM

    Waxaan jecelahay inaan dhaho waa inaysan muslimiintu is moodin inay dadka kale ka cilmi iyo diin badan yihiin. Arrinka muhiimka ahi waa inaynu midaysnaano. Hadii ay dhahaan waxaanu rabnaa inaanu gaar ahaano, ilaahay hortiisana gaar ayaa loo saari doonaa. Arrinka aasaasiga ahi waxa weeyaan in dalkan 50-ka sanadood nabada ahaa uu nabadgalyadiisa kusii jiro. Anigu dalkayga Tanzania waan ku faanayaa, muslimiintuna waa inaysan Tanzania burburin. Waxaanu rabnaa nabad, mana rabno inaanu Somaliya ooo kale noqono, balse waxaanu rabnaa inaanu ahaanu sidaanu ahayn 50-kii sanadood ee xornimadu jirtay. Anigu Tanzania waan jecelahay waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu Tanzania barakeeyo.

  • Matangalu
    March 17, 2013 @ 03:26:49AM

    Xaguu ka yimi arrinkani? Waa kiristaanka u wacan inay aqbalaan in sidan arrimuhu kusii socdaan, oo ay muslimiintu sii wadaan qalliinka xoolaha, waayo muslimiinta laftoodu jimcayaasha ayay shaqeeyaan, inkastoo ay ahayd inay fasax ahaadaan, halka idinkuna aad sabtida iyo axada kaniisadaha aadaan. Waa inaad xusuusnaataan in aynu dhaqan u leenahay isu dulqaadashada iyo wada noolaanshaha. Hadii kale, waa in aynu ogolaanaa in diin kasta dadka aaminsani ay yeeshaan goobo xoolaha lagu qalo oo iyaga u gaar ah, laakiin waa in sidoo kale muslimiintuna fasax ahaadaan maalinta jimcaha, siday kiristaankuba sabtida iyo axada fasax u yihiin. Waxaanse ku talinayaa muslimiintuna qaliinka xoolaha hasii wadaan kiristaankuna sabtida iyo axada ha fasaxnaadaan.

  • EMMANUEL EDSON
    March 17, 2013 @ 12:21:12AM

    Waxaan xusuustaa hadal uu yidhi Mwalimu Nyerere, kaas oo ah in dalkeenu uusan lahayn diin. Sidaa awgeed, waxaa inagu waajib ah inaynu meel iska dhigno xagjirnimada diimeed oo aynu halkaa kasii wadno nabadgalyadeena. Dhamaanteen walaalo ayaynu nahay, ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu barakeeyo Tanzania.

  • Godfrey
    March 16, 2013 @ 12:30:51AM

    Muslimiintu doqoniimo ayay wadaan oo waxay raadsadaan meelaha daciifka ah. Laakiin waxaa iman doonta maalin ay si khalad ah doqoniimadaas ula iman doonaan dhulkayaga Kuryo land, waxaanad arki doontaan sidaanu idiin gawrici doono, gawracaas oo la mid ah gawraca xoolaha ee aad u dagaalamaysaan.

  • nelly
    March 15, 2013 @ 11:45:12AM

    Anigu waxaan qabaa maadaama aysan jirin shuruudo dadka kiristaanka ah ka mamnuucaya cunista hilibka ay dadyowga kale qaleen, isla markaana ay muslimiin tuna yihiin cida shuruudu ku xidhantahay, waxaa wacan inay muslimiintu iyagu sii wadaan qaliinka xoolaha. Laakiin hadaan ka hadlo dooda asaasiga ah ee ku saabsan shaqooyinka, waa in labada dhinacba furssad loo siiyaa inay shaqooyinka noocaas ah qabtaan. Laakiin su’aashu waxay ka taagantahay sideebuu qofku ku kala ogaan karaa hilibka ay kiristaanku qaleen iyo hilibka ay musliminiintu qaleen. Runtii arrinkaa maaha mid fudud.

  • Mwarekwa
    March 15, 2013 @ 07:37:00AM

    Waxaa jira dadka qaar iyagu cuna hilibka neefka xoolaha ah ee sida kediska ah u dhinta ama shil ku dhinta. Sidaa awgeed, gawraca xooluhu maaha qasab, markaa xaq uma laha inay su’aal ka keenaan cida xoolaha qasha.

  • Burton S.Kilembe
    March 14, 2013 @ 08:53:44AM

    Si loo ilaaliyo nabada iyo dimuqraadiyada, iyadoo aan wax sharci ah la jabinayn, isla markaana si ay cid kastaa diinteeda xor ugu ahaato, waa in xukuumadu ay si dhakhso ah ugu dhawaaqdaa inay cid kastaa xor u tahay inay xoolaha u qasho kolba sidii waafaqsan caqiidadeeda, sida dalalka yurub ay iyaguba sameeyaan. Hadii aan sidaa la yeelin, dadka reer Tanzania qaarkood waxay cuni doonaan khudaarta oo kaliya, oo hilibka cunistiisa way iska joojin doonaan, hadii ay muslimiintu qalaan iyo hadii ay kiristaanku qalaanba, waayo diintooda ayaa u diidaysa. Makaa waa in xukuumadu waa inay xaq u yeelataa inay badhitaan ku samayso hilibka. Waan ogahay oo waxaa jiri doona dad kiristaan ah oo hilibka ka iibsan doona muslimiinta, iyo muslimiin ka iibsan doona kiristaanka. Sidoo kale, dadka iyagu isku hawla inay ogaadaan cida hilibka qashay, iyaguna meel ay hilibka ka iibsadaan way heli doonaan. Ilaahay Tanzania ha barakeeyo, si aynaan isugu dilin cida hilibka qali karta. B. Kilembe

  • Samuel Mulumba
    March 13, 2013 @ 10:33:39AM

    Anigu sidaan qabo, isla markaana la tixgaliyo xoriyatul qawlka uu dustuurka qaranku dhigayo, ma arko inay wax dhibaato ahi ku jirto in ay dad diin gaar ah haysta loo ogolaado inay xoolohooda qalaan oo ay ilaahay ku caabudaan, maadaama sharciga lagu dhaqmayo oo hilibka xoolahaasna baadhitaan lagu samaynayo ka or intaan dadka laga iibinin. Tusaale ahaan, hadii ay kiristaanku rabaan inay xoolohooda qalaa, waa inaynu eegnaa waxa uu sharcigu dhigayo, kadibna waa inaan hilibkaas muslimiinta aan laga iibinin, waayo diintoodu waxay dhigaysaa inay xaaraan tahay in ay muslimiintu cunaan hilibka xoolaha ay qalaan dad aan muslim ahaan. Kiristaanka waxa laga yaabaa inay hab iyaga u gaar ah ay raacaan marka xoolaha qalyaan, oo ay waliba leeyihiin goobo xoolaha lagu qalo oo iyaga u gaar ah. Maxay dhibaato waligeed uga dhici wayday hilibka doofaarka? Sababtu waxa weeyaan xukuumadu waxay hirgalisay nidaam hagaagsan oo ka hor tagi kara in wax is maandhaaf ahi uu dhaco. Hadii kale waa in xukuumadu ay shaacisaa in muslimiinta oo kaliya ay yihiin cida kaliya ee xoolaha oo dhan qali karta. Dadkiina meesha joogaa badankiinu waxaad bilawdeen inaad arrinkan siyaasadaysaan, arrinkaasina waa wax aanan fahmin. Maxaa siyaasiyiintoow idinku kalifay inaad iska indha tirtaan xaqa ay dadku u leeyihiin inya waxay rabaan caabudaan oo waxay rabaan ay qalaan? Hadii markii hore arrinku sidii la caadaystay uu u socday, waxaa imika la gaadhay wakhtigii aynu ka bixi lahayn caajiska aynu ka caajisayno inaynu fekerno, oo waa in aynu maskaxdeena ka shaqaysiinaa. Meesha wax caadifad iyo nacayb ah midina ma yaalo, markaa waa inaynu wada fadhiisanaa oo hadii ay suurto gal tahay waa inay dadka talada hayaa ay sameeyaan xeer cusub oo arrinkan ku saabsan, kaasoo dhamaan dhinacyada uu arrinku khuseeyo ay u hogaansamaan. Waa inaynu xusuusnaanaa in diin kasta dadkeedu ay xaq u leeyihiin inay cibaadooyinkooga oogaan iyagoo aan wax faragalin ah lagu samaynin, laakiin waa in arrinkaasi uu noqdaa mid waafaqsan sharciga iyo xeerarka iyo nidaamyada. Dhamaan diimaha oo dhami waa kuwo wacan.

  • Likunja Wamombe
    March 12, 2013 @ 10:23:53AM

    Waxaan qabaa xiisada ka aloosantay magaalada Busesere maysan ahayn wax sax ah, waayo dadka xoolaha qalay waxay cadeeyeen in xoolaha ay qaleen dad kiristaan ah. Markaa waxay ahayd in dadka iibsanaya hilibku ay daydaydaan hiliblayaal iyaga munaasib ku ah. Su’aasha meesha taalaa waxa weeyaan hilibku caafimaad ahaan mayahay mid la cuni karo, ee su’aashu kuma saabsana arrimo diimeed. In dad diin gaar ah haysta lagu koobo qaliinka xooluhu wuxuu muddo dheer inoo horseeday colaad. Markaa waxaa la gaadhay wakhtigii sharaxaad looga bixin lahaa sababta keentay in dadka diimaha kale haysta aan loogu ogolayn inay qalaan xoolaha ee ay dad diin gaar ah haystaa kaligood xoolaha u qalaan. Anigu waxaan qabaa kalatakoorka dadka la kala takoorayaa halkaasuu salka ku hayaa. Ma jiro qof bini’aadam ah oo aan garanayn sida midida loo qaato ee neef xoolo ah loogu qalo, diintuu doono qofkaasi ha haystee, qofkaasina arrinkaa xaq ayuu u leeyahay. Markaa waxaan ku talinayaa in qaliinka xoolaha loo ogolaado cid kasta, maadaama neefka la qalay dhiigiisa la arki karo. Qaliinka xooluhu maaha arrin ku xidhan sida qofka neefka qalayaa uu ilaahiisa u caabudo. Sidoo kale, hadii ay suurto gal tahay waa in la kala saaraa hiliblayaasha iyo meelaha xoolaha lagu qalo, waana in goobahaas amaankooda la adkeeyaa. Xukuumadu waa inaysan iyadu yeelanin goob ka mid ah goobahaas, hadii wax dhibaato ahi dhacdona waa inay si munaasib ah wax uga qabataa, iyadoo aan dadka kala takoorin.

  • Mpigo
    March 12, 2013 @ 03:12:58AM

    Maxaa keenay in uu hadda soo shaac baxo arrin aan hore u kala qaybinin dalkan wanaagsan. Walaalahayga muwaadiniinta ah waxaan leeyahay waa inaynaan arrimaha buun-buuninin....... Haloo daayo walaaleheena muslimiinta ahi inay sii wadaan arrinkaa, waayo si kasta wax ha u jiraanee kiristaanku malaha caadooyin u gaar ah qaliinka xoolaha.

  • Issa zam
    March 12, 2013 @ 12:00:51AM

    Anigu sidaan ogahay, reer Tanzania haddaynu nahay ilaahay ayaa ina nacdalay, taana waxaa u sabab ah dhaarta ay masuuliyiinteenu ku dhaartaan kutubta diiniga ah iyagoo munaafiqiin ah. Hanti badan ayay xadaan waanay sinaystaan waxna way dulmiyaan. Ma fahansana in markay dhaarta marayaan ay ilaahay heshiis la galayaan. Haddase dhibaatooyin badan ayaa ina horyaala, waxaana iman doona wakhti ay kiristaanka iyo muslimiintu meelo gaar ah ku kala noolaan doonaan. Waa inaynu si dhab ah wax u maaraynaa, dagaalkuna wax wacan maaha, mana aha inaynu waxyaabo maalayacni ah ku dagaalano. Qaliinka xoolaha ha lagu dagaalamo!!! Maaha wax qof garaad lihi ku fekeri karo.

  • mimi mtanzania
    March 11, 2013 @ 06:42:29AM

    Run ahaantii, waxaan ka codsan lahaa inay dastuurka eegaan wuxuu ka leeyahay arrinka qaliinka xoolaha. Xukuumadeenu maaha mid diin gaar ah ku magacaaban, markaa sideebuu arrinku noqon doonaa? Waxay ila tahay waa inay wanaajiyaan meelaha xoolaha lagu qalo, waana in mashiino la keenaa. Cidii rabta inay cunto hilibka xoolaha ay mashiinadu qaleen, dhib ma leh. Cidii rabta inay cunto hilibka xoolaha gacanta lagu qalayna dhib malaha sidoo kale. Miyaad ogtihiin cidda qasha xoolaha hilibkooda lagu iibiyo dukaamada supermarket-yada? (aynu ka fogaano xagjirnimada diimeed, waayo waxaa mudnaanta koowaad leh bini’aadamnimada, kadibna diinta).

  • MOHAMED SADIKI
    March 8, 2013 @ 06:14:10AM

    Abdallah Issa ma tihid qof muslim ah ee waxaad tahay munaafaq. Markaa ha ku dagdagin inaad meesha la timaado muran diimeed iyo tusaalayaal siyaasadeed.

  • nade aweda
    March 7, 2013 @ 03:54:44AM

    Anigu waxaan qabaa, hadii cadaalad la rabo, waa in la kala saaraa meelaha xoolaha lagu gawraco. Waa in koox kasta oo diin gaar ah lihi ay xaq u yeelataa inay waxay aaminsantahay ku dhaqanto. Xukuumadu waa inaysan dadka qasbin oo aysan dhihin waa caadi inay muslimiintu xoolaha qalaan. Hadda arrinkaasi caadi maaha, sababtoo ah dadkii way is dilayaan, markaa waa in cadaalad lagu dhaqmaa oo aan dadka kiristaanka ah la cadaadinin, waana intay cadaalada rabaan cadaalad lagula dhaqmaa.

  • Bruno Benedictor Mwakalyobi mwakakonyole
    March 6, 2013 @ 06:03:48AM

    Walaalayaal dadka reer Tanzania, hadii aad maqasheen inay jiraan dad maangaab ah oo aad hadana moodo inay arrimohoodu caadi yihiin, dadkaasi waa inaga. Marka hore anigu waxaan taageersanahay shakhsiga ololaha ugu jira in dadkeena kiristaanka ahi ay shaqooyin ka helaan gawraca xoolaha, laakiin shakhsigaasi waa inuu ogaadaa inay muslimiintu qaliinka xoolaha gacanta ku hayeen sanado badan, isla markaana dadkeena kiristaanka ah aysan wax dhibaato ahi kala kulmin cunista hilibka ay qalaan muslimiintu. Teeda kale, waa dambi wayn oo aad qoyskaaga ka gashay hadii aad u dhimato hilib, waxaanay ka dhigantahay sidii qof lacag dhan 25,000 oo shilin bixiya si uu usoo qaato mushahar dhan 19,566.23 shilin. Anigu waxaan ahay qof haysta diinta kaatoliga, laakiin anigu kuma qanacsani wadaad kiristaan ah oo intuu kitaabka injiilka aayadihiisa ina hogaamiya uu meel iska dhigo kadibna isku hawla inuu dalbado in kiristaanku xaq u yeeshaan qaliinka xoolaha. Iga raali ahaada walaalahayga kiristaanka ahoow, laakiin xusuusnaada in baadariga la dilay uu ka tagay xaad carmal noqotay iyo caruur agoomoobay, sababtuna waxay ahayd doodii uu ku doodayay in loo dhiibo midi uu xoolaha ku qalo. Waa dhab oo qaliinka xooluhu waa shaqo, balse waa inaynu diinteena kiristaanka ah ku qiyaasnaa. Aniga ra’yigagu waxa weeyaan, xitaa hadii aynu xoolaha qalno, sidaa ku jana tagi mayno. Dhanka kale xitaa hadii ay muslimiintu inoo qalaan xoolaha oo ay dambiyo inaga dhacaan, dambiyadaas qaliinka ay muslimiintu xoolaha inoo qalaan inaga maydhi maayo oo naarta ayaynu galidoonaa. Markaa wakhtigan xaadirka ah waxaan rabnaa inaan adeegsano kitaabka quraanka kariimka ah oo aan ku badalano kitaabka injiilka, waayo waxaynu nahay dad hore u halaabay, waana inaad baadhitaan samaysaan si aad u ogaataan. Waxaa jira dad badan oo dharka tola oo kiristaan ah oo waliba kaatoli ah, laakiin muslimiinta ayay dharka u tolaan. Dadka Kyela iyaga laftoodu waa kiristaan, laakiin dadka gawaadhidooda hagaajiyaa waa muslimiin. Markaa arrinku idinka ayuu idiin yaalaa hadaad tihiin reer Tanzania.

  • amina
    March 5, 2013 @ 01:30:37AM

    Magacaygu waxa weeyaan aamina. Wax kasta oo dunida ka dhacayaa waxay ifafaale u yihiin in dunidani gabagabo ku jirto. Waa in aynu is waydiinaa imisa sanadood ayaynu ku noolayn nabad iyo xasilooni inagoo dlakeena joogna oo waxan oo kalena aysan dhicin. Hadaba arrinkan waa inaynu xukuumada u daynaa si ay uga go’aan gaadho, go’aankaasna waa inaynu aqbalnaa oo ku dhaqanaa. Sidaasoo kaliya ayuu xalka nabadda ku jiraa.

  • Hussein Hassan
    March 4, 2013 @ 06:03:32AM

    Aduunka hilibka waxaa loo kala qaybiyaa laba qaybood: (1) mid xalaal ah, iyo (2) mid aan xalaal ahayn. Labadaa noocna mid kastaa wuxuu leeyahay calaamad. Hilibka xalaasha ahi waa mid waafaqsan shareecada islaamka, ka aan xalaasha ahaynina waa mid aan waafaqsanayn shareecada islaamka. Markaa hadaynu nahay reer Tanzania, waa inaynu joojinay waxyaabaha aynu qasabka iskaga dhigayno, waayo xukuumadu waxbay cidna kumay qasbin.

  • eudesi b. mushyt
    March 4, 2013 @ 04:18:07AM

    Halkeebay kaga qorantahay kutubta diiniga ah in muslimiinta oo kaliya ay xoolaha qali karaan? Waa inaad hadaanu nahay dadka kiristaanka ah noo daysaan inaanu arrimahayaga qabsano.

  • Fide mshanga
    March 4, 2013 @ 01:14:59AM

    Xukuumadu waa inay go’aan adag la timaadaa, kaasoo ku saabsan adkaynta nabadgalyada, waayo ma wacna in la dhaho muslimiinta oo kaliya ayaa xoolaha qali kara, sababtoo ah arrinkaasi wuxuu dhalin karaa kala takoor, waxaanay ka fogaan doonaan kiristaanka.

  • Mask
    March 3, 2013 @ 11:32:13PM

    Qolo kastaa waa inay xoolaha u qalataa habkii waafaqsan diintooda.

  • samson mowo
    March 3, 2013 @ 01:42:53PM

    Noloshani maaha nolol. Waxaynu nahay dad kaliya. Diimuhu waxay la mid yihiin axsaab siyaasadeed.

  • CHARLES MPIGO
    March 3, 2013 @ 11:04:21AM

    Sidii aynu ahaan jirnay aynu ahaano. Miyuu jiraa qof wax dhib ahi kasoo gaadhay cunista hilibka ay muslimiintu qaleen? Su’aashaasaan idin waydiinayaa saaxiibadayda kiristaanka ahoow. Arrinka meesha yaalaa waxa weeyan shaqooyinkii ayaa adag in la helo, qof kastaana wuxuu u dagaalamayaa inuu helo fursad uu xoolaha ku qalo.

  • Josia Mbumba
    March 3, 2013 @ 09:48:40AM

    Maqaalkani waa mid wacan, waxaana uu xambaaran yahay warar badan oo wacan oo mudan in ay dadwaynuhu ogaadaan.

  • Abdalah issa
    March 3, 2013 @ 08:38:08AM

    Dadka kiristaanka ah lagama mamnuucin ama lagama xaaraantinimaynin inay xoolaha qalaan, dadkuna waa inay arrinkaa ogaadaan. Ilaa markii diinta kiristaanku bilaabantay, dadku waxay gawrici jireen xoolaha qurbaanka ah, markaa goorma ayuu islaamku bilaabay qaliinka xoolaha? Sanadkee? Hadii qaliinka xooluhu uu yahay caado la mid ah gudniinka caruurta, markaa maxaa loo joojiyay? Walaalahayga islaamka ah waxaan leeyahay waxaa la gaadhay wakhtigii xaqiiqada aad ogaan lahaydeen, markaa waa inaad akhridaan kitaabka injiilka intaad akhrisan lahaydeen axaadiista nabiga! Walaalayaal waa inaad aqbashaan xaqiiqada, mana aha inaynu cadhoono, waayo hadii colaadi bilaabanto, xitaa dadka bilaabay ayaa ka shalayn doona! Waakee dalka kaliya ee islaamka ah ee amaanka ku nooli, yaase maqlay in magaalada Vatican-ka ay waligeed qaraxyo ka dhaceen. Maaha qasab inuu qofku madarasad tago si uu wax u ogaado, waayo waxaa ku filan inuu taariikhda akhristo!

  • Dude Hakeem
    March 3, 2013 @ 07:36:17AM

    Waxay ila tahay waxaynu u baahanahay inaynu is jaahilsaarno, waayo hadii aynaan sidaa yeelin dagaal macna darro ah ayaynu gali doonaa. Waxaa hubaal ah in dadka dagaalada ina galiyaa ay yihiin hogaamiyayaasha dalka iyo wadaadada.

  • meragana alex
    March 2, 2013 @ 06:05:10PM

    Aniga waxay ila tahay waa suurto gal inay xukuumadu arrinkan dhayalsato iyadoo cuskanaysa dustuurka cusub, laakiin xalka kaliya ee meesha yaalaa waa iyadoo laba goobood oo xoolaha lagu qalo la sameeyo, waana in la joojiyaa dooda lagada wada dharagsanyahay ee odhanaysa in muslimiintu ay hido iyo dhaqan u lahaayeen inay xoolaha qalaan. Dalku wuu koray baahidiisiina way korodhay, xitaa dadku waxay aaminsanaayeen way isbedeleen. Markaa taasaa ah sababta uu dalkani ugu baahanyahay dastuur cusub oo labada dhinac baahidooda wax ka qabta. Mera, Tanga.

  • MWAGALA SINDIMOYO
    March 2, 2013 @ 10:53:25AM

    Way wacantahay in la sameeyo laba goobood oo xoolaha lagu qalo, si loo furdaamiyo xiisadan taagan, dadka kiristaanka ahna waa in xuquuqdooda la siiyaa oo waa inay awoodaan inay xoolohooda qalaan. Hadii loo diido taas, waxay ka dhigantahay sidii oo lagu qasbayo inay qaataan diinta islaamka. Arrinkaasina dhab ahaantiiw waa mid aan sax ahayn. In dadka kiristaanka ah lagu qasbo inay raacaan caadooyin ama dhaqamo dad kale wuxuu la mid yahay iyadoo laga duudsiyo xaqooda ay u leeyihiin inay waxay rabaan caabudaan. Waxaynu u baranay in wax kastaa sidii uu hore u ahaan jiray uu u socdo, laakiin arrinkaa waa laga soo gudbay, waayo waxaa lagu jiraa casrigii dhijitaalka. Markaa raysal wasaaruhu waa inuu dadkayaga kiristaanka ah u ogolaadaa in waxaanu rabno aanu samayno anagoo kiristaan ah, muslimiintuna waxay rabaan ha sameeyaan. Maxay tahay dhibta ku jirta in la kala qaybiyo meelaha xoolaha lagu gawraco? Suurta gal maaha in laba diimood laga dhigo kuwo siman. Waana inaynu xusuusnaanaa in xukuumadu aysan labada diimood midna taageerin, laakiin cidda diimaha aaminsani waa shacabka. Markaa waa inay xukuumadu ka caaganaataa inay faragaliso dadka diimohooda, suuragalna maaha in diimuhu ay is waafaqaan, waayo waxa kaliya ee la isku waafiqi karaa waa madhabyada kala duwan, sida kaatoliga iyo Anglican-ka, ama shiicada iyo sunniyiinta, waayo kooxahaas waa kuwo isku diin haysta.

  • Richard Ngeze
    March 2, 2013 @ 07:13:17AM

    Anigu xoolahayga anigaa qalan doona, waxbana igamay galin hadii muslimiinta ama cid kale ay xoolaha ku qalaan xera-dhiigta dowladeenu maleh ilko waa dhagool taas waa sababta aysan darren u siineenin arinta.

  • kalijo
    March 2, 2013 @ 02:46:36AM

    Waa inay doofaaradana qalaan hadii ay ku adkaysanayaan inay xoolaha qalaan.

  • patrick paul
    March 2, 2013 @ 12:20:55AM

    Fadlan yaan laysku halaynin nabada aynu hada haysano, waayo

  • coletha
    March 1, 2013 @ 11:59:58AM

    In dadka lagu qasbo inay cunaan hilib ay qaleen dad ka mid ah koox ahi waa arrin xadgudub ku ah qofka xuquuqdiisa.

  • Lucy Michael
    March 1, 2013 @ 05:44:38AM

    Rome 14:23 laakiin cidii shakisan, hadii uu wax cuno, waxa uu galay dambi, waayo iimaan la’aan ayuu wax ku cunay. Wax kasta oo aan iimaanka ku salaysnaynina waa dambi.

  • kipara juakali
    March 1, 2013 @ 03:49:47AM

    Ilaa xad ayaad hawl iyo shaqo culus galiseen qoritaanka maqaalkan. Waxaa jira dad badan oo reer Tanzania ah oo wax qora, kuwaas oo aan ku xisaabtamin waxay qoraayaan inuu dhab yahay iyo in kale, qaarkoodna xitaa dareenkooda ama rabitaankooda ayay soo bandhigaan markay wax qorayaan. Tusaale ahaan, waxa laga yaabaa inaad maqasheen dhibaatada ku saabsan ninka baadariga ah ee la sheegay inay muslimiintu gawraceen, laakiin arrinkaas wax caddayn ah oo loo hayaa ma jiro. Hambalyo.

  • mabula
    March 1, 2013 @ 12:57:34AM

    Qof kastaa wuu aaminsanyahay waanuu ixtiraamaa waxay diintiisu dhigayso ee ay farayso, laakiin marka aad joogto dhulka Usukumani, arrimuhu way ka duwan yihiin sidaad moodayso, waayo waxaad arki kartaa qof magaciisu uu yahay Xuseen, isla markaasna aan waxba ka garanayn misaajid, ama waxaad arki kartaa qof magaciisu yahay Jumanne laakiin aan albaabka kaniisadiisa garanayn. Sidaa awgeed, arrinka qaliinka xooluhu wax macno ah uma samaynayo qofka aan fahansanayn. Dhanka kale in qofku oo ruux muslim ah u yeedho si uu xoolaha ugu qalaa waa arrin looga dan leeyahay in xidhiidhka dadka lagu wanaajiyo, ee maaha sharci diimeed. Markaa dadka ha ku qasbina inay diintiina soo galaan.

  • nakomolwa martin
    March 1, 2013 @ 12:24:23AM

    Saaxiibayaal dadkeena kiristaanka ahi ma jiro wax aynu caabudnaa, oo xaaraan oo dhan ayaynu faraha kula jirnaa, laakiin asxaabteena muslimiinta ahi waxbay caabudaan. Sidoo kale inagu hadaynu nahay dadka kiristaanka ah ma lihin dariiqo ama hab gaar ah oo xoolaha loo gawraco, laakiin muslimiintu way inaga duwan yihiin. Markaa anigu ma arko in wax dhibaato ahi ay ku jirto in qof kiristaan ahi uu cuno hilib ay muslimiintu qaleen. Run ahaantiina arrinkaasi wax wayn ayuu ka tari doonaa in kalgacayl iyo walaaltinimo ay ka dhex dhashaan kiristaanka iyo muslimiinta dhexdooda, arrimahaasina waa kuwo dhexdeena ka jiray ilaa waligeen. Hadaad tahay qof kiristaan ah, waxaa kuu xigmad roon inaad casuunto jaarkaaga muslimiinta ah si ay kaala qayb galaan xafladahaaga, waana inaad u ogolaataa inay iyagu dhamaantiin xoolaha idiin qalaan, digaagadna alla ha ka yeelee, waayo arrinkaasi wuxuu dhexdiina ka abuuri doonaa kalgacayl iyo walaaltinimo iyo jaar wanaag. Waxaan sidaa u leeyahay haddaynu nahay dadka kiristaanka ah ma jiraan wax inaga mamnuuc ah, oo hilikba uu qofka kiristaanka ahi cunayo maaha muhiim cidii qashay, waayo waa isugu mid. Markaa waxaan dhamaantiin idinka codsanayaa inaad xusuusataan sidii ay aabayaasheen u wada noolaayeen iyo siday arrinka qaliinka xoolaha u maareeyeen. Dadka tirada yar ee iyagu ku nool arrimaha dadkeena kala qaybiya ee nabadana wiiqa waxaan leeyahay waa la idinka adkaan doonaa, hadii haybtooda la ogaadona waa in dalka laga caydhiyaa, waayo halkan qalad ayay ku joogaan. Waxaan u mahad celinayaa dadka reer Tanzania ee wacan.

  • Jephet Mafie
    February 28, 2013 @ 11:26:51PM

    Way wacan tahay in qofku si wacan uu wax uga ogaado cida uu rabo inuu u codeeyo, markaa waa in qofku uu raadiyaa wixii macluumaad ah kahor intuusan codkiisa dhiibanin si uusan ciduun isaga dooranin ee uu hogaamiye wacan u doorto.

  • Von mips
    February 28, 2013 @ 07:20:31AM

    Walaala hayga reer Tanzania waxaan idin leeyahay fadlan aad u feejignaada, waayo waxaad moodaa inay gacanteena ka baxeen waxyaabihii aynu dhaqanka u lahayn, ee ay ka midka ahaayeen isjeclaanshaha iyo is ixtiraamka iyo in qof waliba uu qofka kale ka warwaro. Waa inaynu canaananaa oo dhaleecaynaa dadka tirade yare ee raba inay dhibaato iyo xasarad abuuraan. Hadaan soo koobo, waxaan idinka codsanayaa inaad ilaalisaan dhaqankeena ayno kusoo dhaqmi jirnay, waana in cidii xoolaha qali jirtay loo daayaa inay sii wado qaliinka xoolaha, waayo dhamaan dadka reer Tanzania waa dad isku mid ah, waana in arrinku sidaa ahaadaa. Xukuumadu sidoo kale waa inay ogaataa haybta dadkaas tirada yar, waana inay ku ridaa ciqaabtay mudan yihiin.

  • Turonge
    February 28, 2013 @ 06:38:10AM

    Tansaaniyiinta maangaabka ah ee cawaanimada aaminsan ayaa ku fekera inay dagaal galaan iyadoo aysan jirin sabab dagaalkaas loo galo ama faa’ido laga dheefsankaro. Waa ayo qofka maskaxda leh ee dhihi kara waa in qolo kasta oo diin haysataa ay xero-dhiig u gaar ah yeelataa? Taa macneheedu ma waxa weeyaan dadka magacyada kala duwan leh, sida (Josefu Cumar) ama (Xaliimo John) waxaa ku waajib ah inay eheladooda ka fogaadaan oo aysan wax la cunin, iyadoo ay taa u sababtahay asalraacnimo diimeed oo doqoniimo ah? Ma waxaad leedihiin waa in la sameeyaa hudheelo u gaar ah muslimiinta iyo kuwo u gaar ah kiristaanka? Joojiya nacasnimadan. Dhamaan dadka reer Tanzania waa walaalo, sidaasaynuna kuwada noolayn in ka badan 50 sanadood imika.

  • prosper
    February 28, 2013 @ 12:22:21AM

    Anigu waxaan jecelahay inaan ogaado hadii aysan muslimiin joogin, taa macneheedu ma waxa weeyaan xoolaha lama qali karo? Waa in aynu is waafaqnaa oo aynu kala xorownaa. Maxay tahay dhibta ku jirta hadii qof kiristaan ahi uu xoolaha qalo? Waase kee xeerka dhigaya in ay muslimiinta oo kaliya ay yihiin cida loo ogol yahay inay xoolaha qalaan, halka dadka kalena loo ogol yahay kaliya inay hilibkooda cunaan?

  • Natalia D Ngowi
    February 27, 2013 @ 06:07:54PM

    Anigu ma arko in wax baahi ah loo qabo in la murmo, hadii ay xukuumadu tahay mid ku shaqaynaysa nidaamka calmaaniga ah, waa in markaa muslimiinta iyo kiristaanku ay soo afjaraan mashaakilka dhexdooda yaala. Waa inaynu is waydiinaa maxaa intaas oo sanadood aynu nabad iyo farxad ugu noolayn? Waxaa inala gudboon inaynu mustaqbalka ka fekerno.

  • Ibrahim Ally
    February 27, 2013 @ 03:09:45PM

    Waxaa wacan in aynu kala qaybino goobaha xoolaha lagu qalo, si aynu uga hortagno colaado diimeed oo ka dhex aloosma dadka. Hadii lakala qaybiyo goobahaas, waxa dalka ka hirgali doona nabad iyo xasilooni. Sidoo kale waa inaan dadka caqiidooyinkooda aan la faragalinin.

  • simon maximillian
    February 27, 2013 @ 08:09:26AM

    Arrinkan waxaa shaqo ka heli jiray muslimiinta, taasaana sabab u ah rabitaanka aysan rabin in kiristaanku iyaguna ka shayqeeyaan (qaliinka xoolaha). Hadii in diimaha la kala qaybiyaa aysan xal ahayn, waxaa hubaal ah inay qasab tahay in meelaha xoolaha lagu gawraco loo kala saaro dadka diimohoodu kala duwan yihiin. Waa maxay sababta ay diin ahaan noo cadaadinayaan?

  • bonie
    February 27, 2013 @ 01:24:50AM

    Anigu waxaan jaziirada Zanzibaar ku noolaa in ka badan sideed sanadood, waxaanan ogaaday in boqolkiiba 75 dadka meesha dagan ay yihiin muslimiin, laakiin wali waxaa meesha ku yaala goobo hilibka xoolaha lagu qalo laguna iibiyo oo ay leeyihiin dad kiristaan ah. Markaa waxaan idinka codsanaynaa inaad sii wadaan isla nidaamkaas hada jira, halkaasoo ay iyaguna xoolaha inoo qalaan inaguna aynu cuno hilibkooda xataa

  • Kennedy Magati
    February 27, 2013 @ 01:09:44AM

    Dadka kirstaanka ah waxaan leeyahay dagaalkeena ma ahan hilib. Maxaa faa’ido ah ee ay dadka xoolaha qalaa ay haystaan, intayse leeg tahay hantida iyo gawaadhida ay haystaan? Waxaan leeyahay haloo daayo qaliinka xoolaha dadka jecel inay dhiig arkaan aroorkasta. Hadii aad caadaysato qaliinka xoolaha, waxaa aakhirka kuu dhib yaraan doonta inaad dadkana gawracdo. Inagase la inagu ciqaabi maayo wixii cunto ah lana inagu ciqaabi maayo inaynaan xoolaha qalin.

  • BWIRE MAFORO
    February 27, 2013 @ 12:46:30AM

    Dhibta dadkeena reer Tanzania haysataa waxa weeyaan iyadoo aysan meesha jirin siyaasado ku aadan amuuraha inagu xeersan. Arrinku waa mid fudud, waana in cid kastaa ay cuntaa hilibka loo qalo siday diinteedu dhigayso. Teeda kale muslimiintu maxay doofaaradana u qali waayeen? Hadii sidaa la yeelo wax kastaa caadi ayuu noqon doonaa. Markaa waa in kiristaanku xoolohooda ay qalaan oo ay iib geeyaan, xitaa hadii uu hilib doofaar ku jiro, muslimiintuna waa inay hilibkooda qalaan waana inay sidii caadiga ahayd ugu iibiyaan meelaha hilibka lagu qalo. Maxaaba keenaya loolanka? Dhibtu waxa weeye hadii aynu wax kastaa sidii uu waligii ahaa ku dano, arrimuhu sidaasay ahaan doonaan xitaa hadii ay meesha wax qaldan yihiin.

  • abdul rahim abdul
    February 26, 2013 @ 11:17:40PM

    Muslimiinta hadyanu nahay waynu shaqo waayaynaa, qof kiristaan ah oo xoolaha qali doonaana ma jiro. Hadii ay inagu dhahaan xoolihiina oo kaliya qala, waxaa jira dad badan oo kiristaan ah oo macmiil badan waayi doona, waayo dad badan oo muslimiin ah ayaan xitaa rubuc hilib ah ka iibsan doonin, oo waxaa ku filaan doona kala badh. Sidaa awgeed meesha ganacsigii ayaa ka bixi doona. Markaa waa in dadka kiristaanka ah ee masaakiinta ahi ay noo sheegaan inay shaqooyin rabaan, laakiinse waa inaysan na dhihin joojiya xoolaha aad noo qalaysaan. Anagu mar labaad iidin dili mayno, ee waxaanu rabnaa ganacsi.

  • amani
    February 26, 2013 @ 08:09:49PM

    Xukuumadu waa inay arrinkan go’aan adag ka gaadha oo kasoo saartaa, hadii kale kala jab ayaa dhici doona.

  • samson Masasi
    February 26, 2013 @ 03:17:22PM

    Xukuumadu waa inaysan habayaraatee isku dayin inay kala qaybiso goobaha xoolaha lagu qalo, waayo taasi waxay horseedi kartaa loolan diimeed oo xun oo ka dhex qarxa muslimiinta iyo kiristaanka.

  • robert Ezekiel
    February 26, 2013 @ 01:17:39PM

    Anigu wax dhibaato ah uma arko hadii uu qof kiristaan ahi go’aansado inuu xoolihiisa gawraco, mana jirto wax sabab ah oo ka hor istaagi karta inuu xoolihiisa isagu gawracdo.

  • hamis swed
    February 26, 2013 @ 01:12:19PM

    Muslimiintu way waalanyihiin, cida inagala joogtaana kow iyo labo maaha. Naartaa la inagu gubi doonaa, taana shaydaan ayaa inoogu sabab ah, waayo maskaxdii ayuu inaga galay oo maskaxdii ayuu inaga kharibay, waayo cida aynu la dhaqmaynaa waa shayaadiin. Ilaahayoo adoomahaaga u dambi dhaaf waayo waanu gafnay!

  • khaji mwinyi
    February 26, 2013 @ 12:08:55PM

    Anigu runtii waxaan is waydiinayaa maxaa dadkeena reer Tanzania ku kalifay inay dhex galaan dhibaatooyin kala noocyo duwan? Hogaamiyayaasheenu waa inay wada fadhiistaan oo ay fekeraan, ee maaha inay dhibta u qiil dayaan. Waa kee gobolka Tanzania aysan dhibaato ka dhicin tobankii sano ee ugu dambeeyay?

  • conso
    February 26, 2013 @ 10:51:07AM

    Meesh wakhtiga ayuumbaynu iska luminaynaa dalkeeniina jihadi ayaynu ka leexinaynaa! Tacliintii waxaynu ka dhignay wax bilaa micne ah, mushaharooyinkiina wakhtigoodii lama bixiyo, natiijooyinkuna waa kuwo liita, camal la’aan ayaa iyaduna jirta, siyaasadaha dawladuna waa kuwo xun, iyadoo ay intaa dheertahay hawlaha guud oo ah kuwo liita. Markaa waa inaad naga daysaan hilibkan aad madaxa nagu xanuujiseen. Cidii cunista hilibka dhib u arkaysaa digirta ha cunto, laakiinse yaysan meesha khiyaamo la imanin. Dalkan kama jiro dagaal diimeed, markaa dagaal noocaas ah imika ha nagu bilaabina!

  • feisal
    February 26, 2013 @ 10:27:57AM

    Dadka muslimiinta ahi cadaalad kuma dhaqmayaan, inagaana halkaa is dhignay. Waynu ka war haynaa in diintu ay tahay munaaqnimo wayn,nacaybkeena ayaana inoo diiday inaynu xoolaha qalno, hilibka doofaarkana waynu cunaa. Waxaynu munaafaqiin, waxaanaynu u dhaqanaa sidii faraaciinta. Maxaa inoo diiday inaynu hawshan muslimiinta faraha uga qaadno? Waa la ina ciqaabi doonaa ilaa maalinta qiyaamaha.

  • YASINTA FAUSTINE MTEJETA
    February 26, 2013 @ 06:46:25AM

    Waa in dadku ay ilaahay ka baryaan inuu dalka ka badbaadiyo khilaafaad diimeed, qof kastaana waa inuu nabada dalkiisa ilaaliyaa. Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu ina siiyo cilmi iyo waxyaabaha kale ee wanaagsan ee aan dagaalada horseedin. Waad mahadsantihiin.

  • ZULFA
    February 26, 2013 @ 02:15:37AM

    Waxaa jira dad badan oo arrinkan aan waxba ka ogayn, laakiinse waxay kaliya uga hadlayaan si ay u taageeraan nacaybka ka dhanka ah diinta islaamka. Dadka muslimiinta ah waxa caado u ahayd inay iyagu xoolaha qalaan, dadka kiristaanka ahina waxay ilaa barigii aan dhashay waligood lahaayeen meelo xoolaha hilibkooda lagu iibiyo. Xitaa marka uu qof kiristaan ahi damco inuu neef qalo, wuxuu u yeedhan jiray qof muslim ah si uu neefka ugu qalo. Markaa maxaa maanta dhacay? Dadkeenu waxay ku dhisan yihiin bulsho ka kooban dad kiristaan ah iyo kuwo muslim ah, waxaana aynu dadka muslimiinta ah u fasaxnay inay iyagu masuul ka noqdaan qaliinka xoolaha, waayo waxay diintooda kasoo dheegteen hab xoolaha loo gawraco. Sidoo kale, waxaan taageersanahay mashruuca sharci ee lagu rabo in dadka kale ee aan muslimiinta ahayn iyagana qaliinka xoolaha laga qayb galiyo si ay lacag uga helaan.

  • Ruto
    February 26, 2013 @ 02:04:08AM

    Marka hore waxaan ka dalbanayaa dadka reer Tanzania inay dib u milicsadaan taariikhdii ay soo mareen. Dhamaantood waxay usoo joogeen in arrinka qaliinka xoolaha ay dadka muslimiintu ka masuul ahaayeen, sababtoo ah waa arrin iyaga macne gaar ah u leh. Walaaleheena muslimiintu dhaqan gaar ah oo gawraca xoolaha ku saabsan ayay leeyihiin, laakiin inagu dhaqan noocaas ah ma lihin, markaa waa maxay sababta aynu manta u abuuraynaa xiisad ku saabsan arrinka qaliinka xoolaha? Mise waxaynu rabnaa inaynu nafteena oo kaliya ka fekerno oo waxaynu rabnaa in hadaynu nahay dadka kiristaanka ah aynu xoolaha qalno si aysan dadka muslimiinta ahi hilibka u cunin? Waxaan idinka codsanayaa inaad arrinkan sidii uu ahaan jiray u daysaan oo aad xooga saartaan arrimaha kaleeto ee la xidhiidha horumarka dalka.

  • anu
    February 26, 2013 @ 01:41:29AM

    Dadka wax gawracaa waa muslimiinta oo kaliya.

  • Amulike Ngeliama
    February 25, 2013 @ 09:13:31PM

    Dalalka yurub iyo maraykanka, xoolaha waxaa lagu gawracaa mashiin, waxaanan anigu shakhsiyan arkay dad iyagu haysta meelo u gaar ah oo ay xoolaha ku gawracaan oo lagu qoray “hilib xalaal ah”, sababtoo ah caqiido iyaga u gaar ah ayay aaminsan yihiin. Taa macneheedu waxa weeyaan hilibkaasi waa mid ay dadka muslimiinta ahi cuni karaan. Sidaa awgeed, sideebay muslimiintu ku noqon karaan cida kaliya ee xoolaha qali karta, inkasta oo ay dalka ku nool yihiin dad aad u badan oo aan diin haysan iyo kuwo kiristaan ahba? Waxan leeyahay dadka wax gawracaa ha bataan sic id kastaa ay u qaadato hilibka ku munaasibka ah ee u fasaxan. Sidoo kale macalimiinta iskuuladu waa inaysan ardayda ku qasbin inaysan cunin hilibka aysan dad muslimiin ahi qalin, waayo iyagu waxay aaminsanyihiin in qaliinku uu yahay arrin cibaado ah, markaa maaha inay cibaadooyinkooda dadka kale ku qasbaan. Dhanka kale, xukuumadu waa inaysan amarkan dhaqan galinin, waayo wuxuu abuuri karaa dhibaatooyin, dadka wax gawracana waxaa qasab ku noqon doonta inay faraha ka qaadaan iibka hilibka ama macmiishii wax ka iibsan jirtay ayay waayi dooniin, inaguna sidaasaynu ku hilib waayi oo khudrad kaliya ayaynu ku tiirsanaan doonaa.

  • Valerio Kiputa
    February 25, 2013 @ 09:27:19AM

    Aniga waxay ila tahay arrinka ku saabsan gawraca xooluhu waa dhib wan oo xitaa muslimiinta dhexdooda ka jirta, sababtoo ah gawricii xoolaha waxaaba laga dhigay wax laga shaqaysto. Sidaa awgeed xalku waxa weeyaan in la kala saaro meelaha wax lagu gawraco, mudo kadibna waynu la qabsan doonaa sidii aynu horeba ula qabsanay inay muslimiintu xoolaha gawracaan, laakiin waxaa meesha ka bixi doona diidmada dadka kiristaanka ah loo diiday inay wax qalaan.

  • innocent mushi
    February 25, 2013 @ 09:24:11AM

    Daandaansiga noocan oo kale ahi waa waxa dagaalada horseeda. Hadii neef xoola ah uu qalo qof muslim ah ama qof kiristaan ah, kadibna aad kariso hilibka, miyuusan si wacan u karsamaynin?

  • Goodluck simon
    February 25, 2013 @ 09:10:42AM

    Dhibta jirtaa waa tacliin la'aan, taasaana keentay fikir la'aan.

  • Anatory Mweyo
    February 25, 2013 @ 08:00:35AM

    In koox dadka ka mid ah uu sharcigu u fasaxo inay shaqo gaar ah qabtaan oo kooxda kalena laga horjoogsadaa waa arrin kasoo hor jeeda sharciga iyo dastuurka. Arrinkani waa wax caado laga dhigtay, waxa la caadaystaana maaha sharci ama xeer. Waxaa muhiim ah in cid kasta fursad la siiyo, waa hadii ay jiraan dad iyagu qaba in gawraca xooluhu ay tahay shaqo ay qaban karaan, mana aha in diintooda la eego. Hadii uu arrinku yahay mid muranka intaa leeg dhalin kara oo muhiimad dhaqaalena ku fadhiya, waxaa markaa muhiim ah in si xigmadaysan loo maareeyo. Aniga ilama aha in ay jirto cid cidda wax uga hadhi karta markay xaaladu sidanoo kale tahay. Waxaa muhiim ah inaan dadka kale caqabad lagu noqonin hadii aan loo fasaxin inay cunaan hilibka xoolaha ay qaleen dadka kale oon iyaga ahayn. Xalku gacanteena ayuu ku jiraa. Waxaa inagu waajib ah inaynaan tafaraaruq ku dhicin, waayo waa qalad arrinkaasi, sababtoo wuxuu saamayn wayn ku leeyahay diinta. Dhanka kale anigu ma qabo in diintu ka horjoogsanayso, marka laga reebo xaaladan aynu haatan ku jirno mooyaane, laakiin hadana dadka lagama horjoogsan karo fursadan dhaqaale, waayo sharciga iyo dastuurku midna may horjoogsanin. Waxaan ku talinayaa yaan labada dhinac midna la duudsiyin, waayo si kala duwan ayay wax u caabudaan, markaa meelaha wax lagu gawraco ha loo kala qaybiyo, cidii aaminsan inay u baahan yihiin meelo wax lagu gawraco oo iyaga u gaar ahna waa in loo dhiso. Xukuumadu waa inaysan diin ka mid ah diimaha u xaglinin. Sidaa awgeed, kaabayaasha dalka iyo fursadaha dhaqaale iyo wax kasta oo dawlada ku xidhan waa inay dadku u xor noqdaan oo ay cid kastaa awoodaa inay adeegsato iyadoo sharciga iyo dastuurka dalka ku dhaqmaysa, sababtoo ah hogaamiyayaasha qaranku waxay ku dhaarteen dustuurka iyo sharciga ee kumay dhaaranin kutub diini ah. Meesha waxaa looga baahanyahay xigmad iyo cilmi badan iyo waliba adadayg, waayo dalkani waa dal nooc gaara ah, mana aha in lagu qiyaaso dal kale oo dunidan ku yaala. Anigu waxaan qabaa oo aan waligay aaminsanaan doonaa in dadka diimaha kala haystaa ay is leeg yihiin, markaa maawqifka dawlada ee aan diimaha midna u xaglinini wali waa mid wacan.

  • mwamba
    February 25, 2013 @ 06:18:16AM

    Arrinkani wax macne ah ma laha haba yaraatee, waxaanan dhihi lahaa cidii wax gawracaysaa ha gawracdo ee daaya.

  • berrykiss
    February 25, 2013 @ 06:01:29AM

    Cid kastaa waa inay arrinkan si taxadir leh uga fekertaa, hadii kale wuxuu ina gayn doonaa meel aad u xun

  • berry kiss
    February 25, 2013 @ 05:56:18AM

    Anigu wax ra'yi ah ma hayo, balse waxaan dhihi lahaa aan joojino inaynu diin ahaan isu kala takoorno. Aragtiyo cajaa'ib ah ayaad ku xidhiidhinaysaan gawraca xoolaha, markaa waxaan leeyahay joojiya muranka oo xoolaha cid kastaa siday rabto ha u gawracato, laakiin waxaad ogaataan inaydaan is casuumi kari doonin oo aydaan hudheelo badan gali kari doonin.

  • salome mtenda
    February 25, 2013 @ 05:14:55AM

    Anigu waxaan qabaa inaysan xiisadani dhamaan doonin ilaa ay xukuumaddu warbixin rasmi ah ay ka bixinaysoo labada diimood ee islaamka iyo kiristaanka, waayo haddii ay xukuumadu aamusnaato fidmadu way jiri doontaa.

  • deus
    February 25, 2013 @ 12:53:24AM

    Aniga waxay ila tahay waa inaynu muslimiinta u daynaa gawraca xoolaha siday horeba u gawrici jireen, waana inaynu iska daynaa khilaafka

  • jasson swilla
    February 24, 2013 @ 12:35:58PM

    Aniga waxay ila tahay waxaa wacan in muslimiinta iyo kiristaanka loo kala saaro goobaha xoolaha lagu gawraco, sababtoo ah diimohooda iyo waxay caabudaan ayaa kala duwan. Sababaha ugu waawayn ee aan sidaa u leeyahay waxa weeyaan sida tan. Siday muslimiintu ogyihiin, suurata Suuratulkaafiruun waxaa kusoo arooray aayadahan lixda ah: 1. Nabi maxamadoow dheh dadka gaaloobayoow 2. Anigu ma caabudo waxaad caabudaan 3. Idinkuna ma caabudaan waxaan caabudo 4. Aniguna ma caabudi doono waxaad caabudaan 5. Idinkuna ma caabudi doontaan waxaan caabudaan 6. Idinkuna diintiina haysta aniguna diintaydaan haysanayaa. Kalmadahaasi waa kuwii nabiga (NNKH) ilaahay u sheegay. Sidaa awgeed, maxaa keenay in dadka kiristaanka ah ay muslimiintu xoolaha u qalaan? Sidoo kale, aayada 20-aad ee Suurada Maa'idah, 5. waa xaaraan in la cuno hilia xoolo la gawracay hadii uusan gawricin qof muslim ah ama qof yuhuudi ah ama qof kiristaan ah, waana in xoolaha la gawracaa oo aan la ceejin. Sidoo kale waxaa jira aayado kale oo kuwaas la mid ah oo quraanka kusoo arooray, walaalahayaga muslimiinta ahina si wacan ayay ula socdaan. Markaa maadaama ay arrimahani ilaa heerkaas ay waadax yihiin, maxaa keenay muranka hadii aan loo jeedin in la is daandaansado! Cidii rabta inay hubiso in waxaan kor ku xusay uu sax yahay, dib ha u eegto aayadaha aan quraanka kasoo xigtay. Aniga ra'yigaygu waa sidaas, markaa taas halagu xisaabtamo oo nabada iyo walaaltinimada dalkeena ha la ilaaliyo, waayo labadaa shay dalkeena gabaabsi ayay ku noqdeen. Ilaahay ha barakeeyo Tanzania. Amiin!

  • Muislam Waiman
    February 24, 2013 @ 03:08:48AM

    walaalahayaga kiristaanka ahi waxay caadaysteen inay dalkan wax kasta jujuub ku meelmariyaan, markay arkaan inaysan wax xujo ah haynina kama waabtaan inay dadka ku sheegaan argagixiso. Laakiin iyagu canaanta ma laha ee waxa canaanta leh nidaamka uu dalka ka hir galiyay ninkii ay u yaqaaneen inuu ahaa aabaha qaranka.

  • j.damas
    February 24, 2013 @ 02:43:21AM

    Xaqiiqdii waa in xukuumadu arrinkaas si qoto dheer u eegtaa, si ay u ogaato muxuu yahay xalka laga gaadhi karo waxa sababay, ee maaha in siyaasad meesha la keeno.

  • Gaston Kikuwi
    February 24, 2013 @ 01:47:27AM

    Anigu shakhsiyan wax dhib ah oo sidaa u wayn uma arko in qofku dantiisa uu ka shaqeeyo. Waxa inoo dhaqan ahaa inaynu wada noolaano, oo aynu qaybsano xaalado kala duwan, hadii ay tahay geeri ama guur ama dhalasho iwm. Dadka kiristaanka ahi muslimiinta way ka guursadaan, muslimiintuna waa sidoo kale. Markaa hadii uu sodogaa ama xaaskaaga aabihii uu muslim yahay oo aad ogtahay in dhamaan qoyskiisu ay muslimiin yihiin, ma laga yaabaa inaad caqiidadooda meel kaga dhacdo oo aad adigoo kiristaan ah digaag u gawracdo? Waxay ila tahay waxaa jira dad iyagu iska samaysta diimo kala duwan, inkastoo uu dustuurku taas xaq u siinayo. Laakiin waa in la eegaa siday dadkaasi diimohooda u faafiyaan, waana in la ogaadaa in ay saamayn ku leeyihiin xorriyada diimeed ee dadka kale ama ay diimaha kale meel kaga dhacayaan, cidda hawshaas ay tahay inay qabataana waa ciidamada amaanka ee qaranka. Ciidamada amaanku waxay ku tiirsan yihiin oo ay mushaharkooda ka helaan cashuuraha la naga qaado hadaanu dadwaynaha nahay, markaa sideebay ku dhacday inay dadku islaayaan iyagoo ciidamada amaanku ay gobol kasta joogaan? Miyayse hawshooda si wacan u gutaan? Maxayse tahay faa’idada ciidamada amaanku hadii uusan amaan jirin? Waxaa dhacda in marar badan aroosyada lagu martiqaado ehelka iyo asxaabta si ay uga qayb galaan xaflada, markaa hadii aad adigoo kiristaan ah neef u gawracdo, ma u sheegi kartaa asxaabtaa in hilibkaas uu qalay qof kiristaan ahi, si aysan xaflada uga qayb qaadanin? Aniga waxay ila tahay arrimaha qaarkood wax macno ah ma laha, waayo dhamaanteen reer Tanzania haddaynu nahay waxaynu ku wada noolnahay is jeclaansho. Laakiin dadka waxaa wadaa waa dad ajande iyo qorshe gaar ah wata.

  • Mohamed Issa
    February 23, 2013 @ 04:07:19PM

    Waxaan leeyahay qof kasta oo kiristaan ah oo aaminsan in ay ku waajib tahay inuu xoolihiisa qalaa waa inuu soo bandhigaa kitaabka dhigaya arrinkaas, mana aha inuu raaco waxay naftiisu doonto. Hadii uusan jirin kitaab sidaa dhigayaa, taa macneheedu waxa weeyaan qofkaasi diintiisa waxba kama garanayo. Waxaan xusuusinayaa dadka kiristaanka ee dadyowga horkacayaa ay kolba meel u jahaynayaan inay akhriyaan kitaabka injiilka, qaybta ROMANS 14:1 iyo wixii ka dambeeya. Markaa hadii ay arkaan wax sheegaya inay ku waajib tahay inay iyagu xoolohooda qalaan, waxay sheegayaan waa u fasaxan yahay.

  • fatma
    February 23, 2013 @ 03:17:03PM

    waxaan idin leeyahay hadii ay kiristaanku rabaan inay xoolaha qalaan, haloo fasaxo inay qalaan, laakiin waa in ay yeeshaan meelo iyaga u gaar ah, muslimiintuna waa inay yeeshaan meelo iyaga u gaar ah, dadka kalena waa inay yeeshaan meelo iyaga u gaar ah, waana in la kala calaamadiyaa. Sidoo kale, waa inay is ogaadaan dadka muslimiinta ah ee hilibka gadaa, wanaa inaysan kolba dhibaato inagu soo bixin markasta oo ay arrin cusub meesha keenaan. Waa in loo daayaa hilibka ay iyagu qalaan si ay dhexdooda u kala iibsadaan, muslimiintuna waa inay ka iibsadaan dadka muslimiinta ah. Ilaa markii ay Tanzania madaxbannaanida qaadatay, cida xoolaha qali jirtay waxay ahayd muslimiinta! Markaa hadii ay moodayaan inay ku faa’idayaan, waa in loo fasaxaa inay qalaan hilibkooda si ay iyagu dhexdooda u kala iibsadaan, waana inay meelaha qaliinka xoolaha ee iyaga u gaarka ah ay calaamadiyaan. Si cid kastaa ay u ogaato meesha ku munaasibka ah ee ay tahay inay tagto ayna wax ka iibsato...

  • Anderson ouma
    February 23, 2013 @ 12:46:44PM

    Haddaynu si miyir leh u fekerno, mustaqbalka( hilibka) kaliya ee aynu heli doonaa waa hilibka lo’da iyo hilibka doofaarka, markaa maaha inaynu tamarteena iska lumino, waayo sannado badan ayaynu hilibkan cunaynay, waxaana inala gudboon inaynu xooga saarno arrimaha la xidhiidha waxbarashada iyo dhaqaalaha iyo caafimaadka, iyo arrimaha kale ee la midka ah. Waaanan leeyahay reer Tanzania hurdada ka kaca.

  • nelly shoo
    February 23, 2013 @ 11:28:35AM

    Muslimiintu si cadaalad ah ulama dhaqmayaan kiristaanka, waayo Tanzania waa dal dimuqraadi ah, qof kastaana wuxuu xaq u leeyahay inuu wuxuu rabo sameeyo, iyadoo uusan xeerka jabinin. Markaa waxaan leeyahy hadii arrinkani dhibaato horseedo, dee diyaar baanu u nahay dhibaato, waayo iyagaa bilaabay anaguna waanu u jawaab celin doonaa.

  • sanga
    February 23, 2013 @ 10:45:02AM

    Dawlada Tanzania diin gaar ah ma metesho, markaa waa qalad in qolo diin gaar ah haysataa ay ka masuul noqoto qaliinka xoolaha, iyadoo ay dadka dalka ku nooli ay wada kala diin yihiin. Qolo kastaa waa inay xoolaha qaliinkooda u martaa sida ay diintoodu dhigayso, mana aha in lagu qasbo kiristaanka wax diintooda kasoo horjeeda. Muslimiintu miyay qali karaan dhamaan xoolaha, xitaa kuwa dadkayaga kiristaanka ahi oo kaliyi ay cuni karaan?

  • Aloys yahaya kilongola
    February 23, 2013 @ 09:07:30AM

    Anigu waxaan qabaa looma baahna in la murmo, waayo marka neefka la qalayo hadii la codsado in qof muslim ah ama qof kiristaan ahi uu wax qalo, waa in codsigaas la fuliyaa oo qofkaas la codsaday waa in meelaha xoolaha lagu gawraco laga shaqo galiyaa, sababtoo ah qof kasta oo la shaqo galiyaa wuxuu xoolaha qali doonaa isagoo adeegsanaya codsigaas. Laakiinse arrinku intaa kuma koobna, balse waa in codsiga noocaas ah lagu qoraa qodobo iyo hogatusaalayn ay tahay inuu qofka wax qalayaa raaco oo ku dhaqmo.

  • Mohamed
    February 23, 2013 @ 07:46:35AM

    Waa in muslimiinta iyo kiristaanka qolo kasta loo daayaa inay arrinka ku saabsan qaliinka xoolaha go’aan ka gaadho, waana in qolo kastaa ay yeelataa meel xoolaha lagu gawraco oo iyaga u gaar ah.

  • paulo charles
    February 23, 2013 @ 07:02:45AM

    waa in la baadhaa hab cusub, kaasoo ay qolo kastaa ka faa’idi karto, isla markaana meesha kasaari kara wadaadada labada dhinacba kasoo jeeda

  • Samwel William
    February 23, 2013 @ 05:13:47AM

    Looma baahna in muslimiinta lagu cadaadiyo inay xoolaha qalaan, sababtoo ah hadii aad adigu xoolahaaga awoodo inaad qalato, maxay tahay baahida loo qabo in qof kale uu wax kuu qalo? Hadaba waxaan soo jeedinayaa in mandaqad kasta lagu rakibo mashiin xoolaha lagu qalo, mana aha in waajib laga dhigo in qof muslim ahi uu meeshaas joogo, sababtoo ah ma garanayno ilaaha uu caabudayo qofkaasi wakhtigaas. Maaha in la ila yaabo hadii aan dhaho waxay inagu qasbeen inaynu caabudno ilaahooda, iyadoo uu qof kastaa garanayo ilaahiisa. Tusaale ahaan, waa dambi wayn in qofka kiristaanka ahi uu qof kale dilo, laakiin muslimiinta dilku wuxuu uga dhigan yahay tigidh ay u goostaan janada iyo xagaas. Markaa waa in xukuumadu ay raacdaa talada uu soo jeediyay sheekhu bilawgii, taasoo ah in qolo kastaa ay yeelato meel u gaar ah, waayo sidaasay rabaan.

  • A.Joel
    February 23, 2013 @ 04:43:29AM

    Anigu waxaan qabaa in qaliitaanka ay muslimiintu xoolaha qalaan oo leeyahay muhiimad dhaqaale. Marka uu qof muslim ahi qalo xoolaha, dad badan ayaa iibsan kara hilibka xoolahaas, waayo kiristaanka iyo muslimiintuba way iibsan karaan. Dinta islaamku qofka muslimka ah way ka reebtay inuu cuno hilibka xoolo uu qalay qof kiristaan ahi, sidaa awgeedna hilibka noocaas ah ma iibsan karaan. Markaa hadii uu jiro ganacsade kiristaan ah oo raba inuu macmiisha iska yareeyo, ha qalo xoolaha, laakiinse waa inuu dadka u sheegaa arrinkaas, si cidii diintoodu ka reebtay cunista hilibkaasi aysan u iibsanin. Laakiin arrinkani wuxuu ina tusinayaa in dhamaan diimuhu ay faa’ido u leeyihiin dadka haysta. Markaa xigmad maaha in dadka qaarkood ay ku andacoodaan ama ay iska dhigaan inay dadka kale ee diimaha kale haysta ay ka wacan yihiin. Sidaynu ognahay, ganacsiga waxaa lagama maarmaan u ah in la helo macmiil badan, waxaana wacan in ganacsigaasi uu noqdo mid u furan dhamaan dadka reer Tanzania. Sidaa awgeed, waxaa muhiim ah inaynaan iskala qayb-qaybin, waxanaan markaa kula talinayaa dadka kiristaanka ah inay joojiyaan qaliinka xoolaha. Waxaa u furan inay qalaan xoolaha ay guryohooda ku cunayaan, balse maaha inay qalaan xoolaha loogu talagalay in suuqyada loo iib geeyo. Arrinkani wuxuu xitaa saamayn ku yeelan karaa dalxiiska dalkeena yimaada, waayo dadka dalkeena usoo dalxiisaa diimo kala duwan ayay haystaan.

  • Shangwe Marejesho
    February 23, 2013 @ 03:37:40AM

    runtii waxaa wacan in la sameeyo laba qaybood oo gawraca xoolaha u gaar ah si ay dadku u kala dooortaan meesha ay rabaan inay wax ka iibsadaan

  • eva
    February 23, 2013 @ 12:30:00AM

    waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu masiibadan inaga fogeeyo, waayo waxyaabahaasi dalka hore ugamay jirin

  • yasini omary
    February 22, 2013 @ 03:57:18PM

    in xoolaha la gawracaa waa dambi aad u wayn, ilaahayna bini’aadamka wuxuu u abuuray inay cunaan midhaha iyo caleemaha iyo khudaarta iyo xidida dhirta, arrinkuna sidaasuu ahaa ka hor intaysan bini’aadamku dambiyada galin. Kadib markii ay dambaabeen, waxaa yimid dad cunaya xitaa hilibka dadka. Yaa fasaxay inay dadku wax gawracaan? Kasii daranee markay wax gawracayaan qoorta uguma hor gooyaan, balse waxay ka bilaabaan gacmaha, hadana waxay ku xigsiiyaan adimada, ugu dambayntana qoorta. (ALBINO) Sabab?.....

  • enock msikwa
    February 22, 2013 @ 08:14:29AM

    Dadka reer Tanzania waxay xaq u leeyihiin inay waxay rabaan caabudaan oo meeshay rabaan ku caabudaan, isla markaana ay raacaan diinta ay aaminsanyihiin markay hawlohooda qabsanayaan. Sidaa awgeed, aniga ilama aha inay xigmadi ku jirto in diinta islaamku ka arrimiso arrimo ku saabsan diinta kiristaanka, markaa dadka kiristaanka ahi waxay xaq u leeyihiin inay gawraca xoolohooda u fuliyaan hab waafaqsan waxay diintoodu dhigayso.

  • nyomolelo
    February 22, 2013 @ 08:01:44AM

    Dadka reer Tanzania waxaan leeyahay yaynaan doqomoobin oo yaynaan isku qabsanin arrimo hilib ku saabsan, waayo waxaa jira dhibaatooyin badan oo ina horyaala. Muslimiintu iyagaa xaq u leh inay xoolaha gawracaan, waayo sidaasaa inoo dhaqan iyo caado ah haddaynu nahay reer Tanzania

  • Nassor Muhsin
    February 22, 2013 @ 07:52:34AM

    suuragal maaha inay kiristaanku wax gawracaan

  • Bernard B. Mallya
    February 22, 2013 @ 06:49:51AM

    Xiisada ka aloosantahay gawraca xoolaha iyo cida xaqa u leh inay wax gawracdo waxay dhab ahaantii salka ku haysaa shaqo la’aanta, sababtoo ah qof kasta oo hal neef gawraca waxa la siiyaa lacag kaash ah ama ilaa 2 kiiloo oo hilib ah neefkii uu qaloba. Sidaa awgeed, waa in arrinka dhinacaas laga eegaa. Inkastoo uu arrinku sidaa yahay, kiristaanka laftoodu waxay rabaan inay xoolohooda iyagu qalaan, iyagoo ka fekeraya amaankooda iyo amaanka qoysaskooda maadaama ay haatan qaraxday colaadani oo la gubay kaniisadaha qaarkood. Laakiin hadii aysan xukuumadu ka hawlgalin inay si dhab ah usoo afjarto xolaadan, way adkaan doontaa in la damiyo colaada. Xiisadani waxay aloosantay barigii wareegii labaad, waxaanay ku bilaabantay meelaha doofaarada lagu gawraco oo dab la qabadsiiyay amaba la burburiyay. Hadaba go’aanka uu ra’iisal wasaaruhu qaatay ee ah in arrimuhu sidoodii hore kusii socdaan waa mid muhiim ah, markaa yaysan u qaadanin dadka iyagu gawraca xoolaha fuliyaa in arrinkaasi uu yahay masuuliyad sharci ahaan iyaga saaran.

  • appoh
    February 22, 2013 @ 05:25:49AM

    haloo daayo iyaga qaliinka, xitaa doofaarada ha gawracaan hadday rabaan

  • LUKUMO FELICIAN
    February 22, 2013 @ 05:13:04AM

    Maqaalkani waa mid aad u wacan waana mid wax kasta ka hadlaya, markaa waa in xukuumadu ay joojisaa caajiska, hadii kale waynu is madhin doonaa. Waa in qolo kastaa ay iyadu xooleheeda gawracataa, waayo hadda muslimiinta waxa la siiyaa 10,000 oo shilin markay xoolaha qalayaan, waxaana loo kala qaybsadaa lacagtan sida tan: 3000 oo shilin waxa qaata misaajidada, 2000 oo shilin waxa qaadata dawlada hoose, inta soo hadhayna waxa qaata qofka neefka gawracay. Markaa ma inagiibaa gobolkeenii Geita misaajido ka dhisayna?

  • adeka
    February 22, 2013 @ 02:49:22AM

    xalku wuxuu ku jiraa in kiristaanka iyo muslimiintu qolo waliba ay yeelato meelo iyaga u gaar ah oo xoolaha lagu gawraco. Ma jiro kitaab ay ku qorantahay in ilaahay ina farayo in dadka wax gawracayaa ay muslimiin noqdaan, waxaasina waa iska been.

  • Benjamin Vincent
    February 22, 2013 @ 02:14:57AM

    Xukuumadu waa cida kaliya ee ay masuuliyadi ka saarantahay in ay nidaam la iskula xisaabtamo ka hirgaliso dhamaan waaxaha dawlada, sida caafimaadka iyo waxbarashada iyo diinta iwm. Taasina waxay saamixi kartaa in waaxahaasi ay noqdaan kuwo waxtar u leh muwaadiniinta.

  • FREDRICK AFRED
    February 22, 2013 @ 01:24:05AM

    aniga waxay ila tahay waxaa wacan in dhibaato laga fogaado oo la aqbalo waxay muslimiintu sheegayaan, sababtoo ah muslimiintu marnaba kama cabsi qabaan inay naftooda huraan, hadii ay bilaabaan dagaal diimeedna xitaa muslimiinta mayalka adage ee argagixisada ah ayaa dalkan saldhigyo ka samaysan doona.

  • ally chawa
    February 22, 2013 @ 12:22:15AM

    Aniga arrinkani wuu I khuseeyaa, fikrada mudane Pinda ee ah in lakala baxaana waa mid aad u wacan. Waad mahadsantihiin

  • lazaro Bangilana
    February 21, 2013 @ 07:39:46AM

    Hadii aynu maarayn wayno arrinta ku saabsan qaliinka xoolaha, dadka kalena waxay la imaan doonaa arrimo iyaga u gaar ah, natiijaduna waxay noqon doontaa fawdo.

  • Deus Chinyala
    February 21, 2013 @ 07:09:44AM

    Colaada diimeed ee wakhtigan xaadirka ah socotaa waxay ka dhalatay iska indhatirka daandaansiga diimeed ee loo gaystay dadka, kaasoo laga indha qarsasday, dhacayna sanado badan ka hor, ilaa wakhtigii aan ku jiray fasalka koowaad ee dugsiga sare ee Azania ee ku yaala Daara Salaam. Sanadkii 1978-dii. Waxaa noo imaan jiray kooxo ka socda dalal Eeshiya ku yaala, kuwaasoo u imaan jiray si ay dadka isugu yeedhaan oo ay diimaha kuwooda ka duwan bahdilaad u gaystaan. Waxaa nasoo booqan jiray baadariyo sita kutub “injiil” ama “baybal” ah, waxaanay wax naga waydiin jireen waxyaabo ku yaala kitaabka “injiil” ka, waxyaabahaas oo ay iyagu u arkayeen inay yihiin kuwo aan sax ahayn. Arrinkani wuxuu ku socday xawli iyo xoog aad u badan, waxaanuu gaadhay heer ay gilgilanto magaalada Daara Salaam wakhtigaas. Hasayeeshee xukuumada haatan jirtaa lagama maqal inay wax hadal ah ka tidhi arrimahaas ama ay ka hortagtay inay sii socdaan doodaha noocaas ahi. Ilaa barigaas, waxaa la abuuray kooxo kala duwan, kuwaaasoo loogu tala galay in midkoodba midka kale uu loolan diimeed la galo, waxan aynu arkaynaana waa natiijooyinkii. Aniga siday ila tahay, odhaahda ah “xukuumadeenu diin gaar ah ma taageerto” waxay xoogaysatay oo ay jirtay waqtigii uu talada hayay marxuum Mwalimu Nyerere, ee imika ma jirto. Wakhtigan xaadirka ah xukuumadu diin gaar ah ayay taageertaa, waxaanay ilaalisaa gacan ku dhiiglayaashaas. Suuragal maaha in dalka ay gilgilaan afar ama shan dhacdooyin oo dil ah, isla markaana aysan xukuumadu waxba ka qabanin. Hadii ay ahaan lahayd wakhtigii Mwalimu Nyerere, meeshan waa la qarxin lahaa. Waa anigoo ah Deus Shinyala Ifakara Kilombero

  • nanzige kayola
    February 21, 2013 @ 06:49:19AM

    Waa in dhibaatadaas si xigmad leh loo furdaamiyaa.

  • AHMED KITUMBO
    February 21, 2013 @ 06:47:18AM

    Waa in la racaa xeerarka aynu hirgalinay, waana inaynu joojinaa damaacinimada. Hadii aynaan si xadaari ah u dhaqmi karin, bal aynu ka warkeeno doqoniimada oo aynu eegno khasaareheeda. Tusaale ahaan, waa inaynu dalka Kenya wax ka baranaa, waayo dalkaas dhamaan dukaamadiisa waxaa ku yaala calaamado ay ku qorantahay “Hilib Xalaal ah”, kaas oo loogu talagalay dadka muslimiinta ah, inta kalena waxaa leh dadka kiristaanka ah. Markaa aynu si taxadir leh wax u maarayno, waayo arrinkani wuxuu horseedi karaa kala takoor dadka reer Tanzania la kala takooro. Miyuusan xaaraan ahayn waxa magaalada la soo galiyaa?

  • zainabu
    February 21, 2013 @ 06:22:16AM

    anigu waxaan jeclaystay ra’yiga uu qoray mudane Mizengo, kaas oo ah inaan la kala saarin meelaha xoolaha lagu qalo (xeradhiigta), waayo taasi waxay horseedi kartaa in dalku uu kala qaybsamo. maxaa yeelay ma rabno in colaad diimeed ay ka bilaabanto dalkayaga Tanzania.

  • Flavius Rwelamira
    February 21, 2013 @ 04:59:44AM

    Diin kasta dadka haystaa waxay xaq u leeyihiin inay xoolaha gawracaan, laakiin waa in neefka qoorta laga gooyaa oo aan la ceejin! Waa inaynu arrinkan iska wacyi galinaa oo aynu meesha ka saarnaa nacaybka, waayo wuxuu horseedi karaa colaad.

  • AMOS ANICETY
    February 21, 2013 @ 03:14:14AM

    Waxaa loo baahanyahay in meesha laga saaro loolanka ka taagan gawraca xoolaha. Waa in xukuumadu ay hirgalisaa barnaamij muslimiinta u gaar ah, si ay u helaan meelo iyaga u gaar ah oo xoolaha lagu gawraco, kiristaankuna waa inay helaan meelo iyaga u gaar ah oo xoolaha lagu gawraco, mandaqad kastaana waa inay heshaa meel iyada u gaar ah oo xoolaha lagu gawraco.

  • duke ouko
    February 21, 2013 @ 01:56:10AM

    Sidaa waxa cadaalad darro ku qabay kiristaanka, markaa waa in qolo kastaaba ay xeradhiig u gaar ah ay yeelataa

  • hilda
    February 20, 2013 @ 01:39:54PM

    Run ahaantii meel wacan uma socono. Muslimiintu ma rabaan inay dalkan meel gaadhsiiyaan, madaxwaynuhuna arrinkaas wuu ka aamusan yahay. Markaa taas macneheedu ma waxa weeyaan inaysan arkayn waxa dalka ka dhacaya? Run ahaantii arrinku wuxuu gaadhi doonaa heer ay dadka kiristaanka ahi ka daalaan.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Dhacdooyinkii ammaan ee dhawaan ka kala dhacay Mombasa iyo Nairobi sida ay u badan tahay waxay ka dhasheen:

Fiirso natiijada