Febraayo 19, 2013
Hoggaamiyayaasha iyo muwaaddiniinta Soomaalida ayaa muujiyay murugo iyo dhaleeceyn kadib markii nin dhalinyaro ah uu gudaha masaajidka Badar ku toogtay Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax Jimcihii (15-kii February) intii lagu jiray salaadda Casar.
Faarax ayaa gadaal laga toogtay isagoo u rukuucsanaya salaadda.
Saacado kadib, ayaa Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole waxa uu si cad dilka sheekha caanka ah ugu eedeeyay al-Shabaab, isagoo shaaca ka qaaday qabashada Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac Bile oo lala xiriirinayo dilka.
Sabtigiina, bilayska Somaliland ayaa Laas Caanood ku qabtay laba tuhmane oo kale oo la aaminsanyahay in ay ku lug lahaayeen dilka.
"Mid kamid ah ragga aan xabsiga ku hayno ayaa la rumaysanyahay in uu si toos ah ugu lug leeyahay dilkii todobaadkii hore loo gaystay Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax, halka ninka lala qabtayna uu u fududeeyay in uu soo baxsado," ayuu Cabdulaahi Saciid Guuleed oo ah kuxigeenka taliyaha bilayska gobolka Sool u sheegay wargayska Dawan.
Waxa uu sheegay in nimanka la qabtay iyagoo gaari kudhex wata magaalada, oo 150 kiiloomitir dhanka galbeed kaga beegan Garoowe. Labada nin ayaa loo wareejiyay Hargaysa, baaritaan ayaana ku socda, ayuu yiri Guuleed.
Hoggaamiyayaasha diinta ee guud ahaan Soomaaliya ayaa cambaareeyay dilka, iyagoo muwaaddiniinta ku boorriyay in ay xal u helaan xag-jirnimada.
"Waannu cambaareynaynaa dilka," ayuu yiri Sheekh Mubaarak Xaaji Nuur, oo jooga magaalada Burco ee Somaliland. "Waxa ay kasoo horjeeddaa mabaad'ida Islaamka iyo dhaqanka [Soomaalida]."
Nuur ayaa sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyayaasha diinta Soomaaliya iyo Muslimiinta in ay wadajir uga soo hor jeestaan kuwa daadinaya dhiigga dadka aan waxba galabsan.
Sheekh Axmed Cabdisamad, oo ah Sheekh Puntland jooga, ahna madaxa gudiga fulinta ee Golaha al-Ictisaam, oo ah koox diimeed wacad ku martay in ay la dagaalamayso fiditaanka fikradda al-Shabaab, ayaa ku dhawaaqay Talaadadii (19-kii February) in isaga iyo hoggaamiyayaal kale oo xagga diinta ah ay maalmaha soo socda abaabulayaan shir ballaaran si si fiican loogu fahmo sababaha Soomaaliya keenay xag-jirnimada, loona soo gudbiyo xal ku saleeysan kaasoo lala wadaagi doono shacabka.
Faroole iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Soomaaliya Maxamed maxamuud Guuleed ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan, taageero buuxdana siinayaan shirka culimada.
Cabdisamad ayaa sidoo kale maamulka Somaliland ku ammaanay qabashada degdegga ah ee tuhmanayaasha. Waxa uu ku boorriyay maamul-goboleedyada ka jira daafaha Soomaaliya in ay muwaadiniinta ku dhiirri-galiyaan in si sidii hore ka dhiifoon uga digtoonaadaan al-Shabaab.
In si muuqata loola dagaallamo xag-jirnimada loona helo xal buuxa, bulshada Soomaaliyeed waa in ay wadajir u shaqeeyaan si loo fahmo dhammaan waxyaabaha sababta u ah, ayuu yiri. Marka khilaafaadka iyo dhibaatooyinku gaaran meel kharaar, dadka waa in ay maciinsadaan hoggaamiyayaasha siyaasadeed iyo kuwo aqooneed ee jira.
"Waa in isla ujeeddadaas isugu yimaadaan qabaa'ilkeena, culimadeenna, gobolladeena, dadka ganacsiga, askarta iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee shacabka," ayuu u sheegay Sabahi.
Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed, oo jooga Laas-Caanood ayaa sidoo kale al-Shabaab ku eedeeyay dilka. "Sheekha waxaa dilay wuxuush ka tirsan al-Shabaab, gaar ahaan qeybta Amniyaadka ee leh astaamaha khawaarijnimada ee Muslinka uun laynaya."
Faarax ayaa Sabtidii lagu aasay qabuuro ku yaala waqooyiga Garoowe, iyadoo ay kasoo qeyb galeen culimo ka kala timid daafaha Soomaaliya, muwaaddiniin, iyo xubno ka socday xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka Puntland.
Inta uusan geeriyoon, Faarax waxa uu si adag ugasoo horjeeday al-Shabaab, waxa uuna xubin ka ahaa Golaha al-Ictisaam.
"Waxay isu Bixiyeen Shababul Mujaahid, jihaadkaas waxuu ku wajahanyahay Muslimiinta," ayuu Faarax ka sheegay Muxaadaro uu ku qabtay Masjidka al-Rowda 5-tii January. "Muslimiinta wey layeen wey dhameyeen, qaraxyada boqolaal Muslimiin ayaa wax ku noqonaya waad la socotaan. Intee ku dhimatay Bosaso, Garoowe iyo Gaalkacyo iyagoo Masjidka galaya ama ka soo baxaya? ... Waakaa waxa ay jihaadka u yaqaannaan."
Faarax ayaa sidoo kale ka hadlay aaskii Sheekh Axmed Cabdiraxmaan, oo Boosaaso lagu dilay Desember 2011-kii isagoo kasoo baxaya Masaajidka al-Rowda kadib salaaddii subax. Faarax waxa uu dilka Cabdiraxmaan ku eedeeyay al-Shabaab.
Majmaca Culimada Muslimiinta Caalamka ayaa Axaddi baroor-diiqay u sameeyay Farax waxa ayna cambaareeyeen dilkii loo geestay.
"Majmaca waxa uu ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed in ay u midoobaan sidii ay uga soo hor-jeesan lahaayeen xag-jiriinta si loo ilaaliyo nolasha dadka Soomaaliyeed sidoo kalena loo xifdiyo nolosha culimada iyo aqoonyahannada dalka," ayuu ururku ku sheegay war-saxaafadeed ay ku saxiixanyahiin Guddoomiyaha Yuusuf al-Qaardaawi iyo Xog-hayaha Guud Cali al-Qardaghi.
Daahir Xasan, oo ah 25 jir daraasadda Islaamka kadhigta Jaamacadda Bariga Afrika ee Boosaso, ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeeysay ee uu maqlo qof ladilay isagoo tukanaya. "Waxaan la yaabi jirnay mar kaan maqalno qof ayaa la dilay kadib markii uu masjidka kabaxay," ayuu u sheegay Sabahi.
Xasan waxa uu sheegay in uu Youtube-ka ka daawaday soo qabashadii Bile, waxa uuna ugu yeeray "nin dhalinyar oo lamarin-habaabiyay".
"Dadka ladilayo waa culumadeenii waa isheennii aqoonta," ayuu yiri Xasan, isagoo intaas ku siidaray in Puntland maamulkeedu ay tahay in uu qorsheeyo ciidamo ilaaliya culimada. "[Alshabaab] waxay doonaysaa in dalkaan waxtarkiisa iyo aqoonyahankiisaba la dilo oo mustaqbalka la waayo horseedkii taclinta dalkeenna."
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
ma haboon in ay mamul gobleedado ay barbar yacaan dawlada taasina waxay wax u dhimaysa dawladnimada
aad baan u rabaa in alshabaab ladun gooyo wasalaamu alaaikum
tacsi inaalilaahi wainalilaahi raajicuun ale hawnaxariisto inaga waxainoo taal inaynu illhay naxariistiisa uwaydiino in sha alaah janad rasuulka csws halarafiiqo
maxaan buuxiyaa hadaan ku cusubahay alle ha unaxariisto sheekha
Alle ha unaxariisto sheikha kuwa dilayne alle ha cadaabo
Wlhi daniga/malada maficna wana naloogadigay marka waxba yala isxumayn walalo ayey wadayihiin wixi muslim shegataa dhaha(inaa lillahi wa inaa ilayhi rajicuun)oo kaliya
ilaahay hauna xariisto aaaamiiiin
somali gabi ahaan waa dad ay wareerisay Qabyaalad ma kala saarin mana odhan somaaliya amase somaliland
,,,,,al ictisam mirihi ay beren ayay guranaya horta,,,, al shabaab walunsanyihiin lkn waxa wax lala yaba ah culimada al ictisam al ictisam markoodi hore wa kuwi al shabaab dhagaha ogu shubay waxa ay hada ka digayan al itaxaad al ictisam ba kamasuul ah waxa ay al shabaab sameynayan ee adeer shalay adin ka wiilashas yar yar walay waxan leyahay al ictisam wali la idin magarin wali waxad beerten bad guranaysaan,,, illahay xuman qofki damac san buu kuceliya
wll waxan aad ka hadlaysaan maaha mid jira lakaalay wax jira ok by
waxa aah wax aad iyo aad loo ga ar ga gaxa ah daddka islaamka shee ga naya oo lay naa ya daaddka mus li miin ta ah lay na ya balse waxa me sha ku ji riin in la sheegto diin islaamed hadan la laayo dadka cu lu mada is laamka bal se waxa la ga xu maado ah in ay ku fa nann
ilaahay ha unaxariisto sh/ cabdulqaadir kii dilayna allaha cadaabo رحم الله للشيه عبد القادر الداعية الكبير
Maalin kasta dil ayaa socda, mana jirto cid dilalkaas dhaleecaysa ilaa inta sheekh la dilayo.
Aruntii qoraalkani iyo kuwa la midka ahiba waa waxa uu dareemayo qof kasta oo in uun uu ku jirto iimaan dhab ahi, ama hadii aan si kale u dhigno waa wax laga yaq-yaqsoodo waxan maanta dhacaya ayna samaynayaan dad la marin habaabiyay, waxase iswaydiin leh maxaa uu berito ku jawaabi doonaa qofka waxan samaynayaa marka uu illahy hor istaago.
waxay raban alshabab inay dadka wax garadkaa layan isku haray wax magaratada iyo dadka an wax aqon waxayna isla shaqayan mareykan waxayna kugu talagalen inay diintena macan dadka karorsiyan marnamijkan waxa lodhisan alqacido wadan walba oomuslinaa in lagugalo wayna u ahagtay '
Faaladaasi waxa weeyaan faalo wacan oo mudakar ah, anaguna waxaanu taageeraynaa dadka imaamku kasoo jeeday. Dhab ahaantii diinta islaamku waa diin nabadeed, kuna dhisan in qofku si buuxda ilaahay isugu dhiibo, waana dambi inuu qofku qof kale oo muslim ah dilo. Waxaanan si xoog leh u cambaaraynaynaa dilkaas. Ilaahay cidii gaysatayna ha ciqaabo
alle ha unaxariisto sheekha iyagana haka abaalmariyo
Anigu waxaan ka murugaysanahay geerida Fatah Sheridan, waana in cadaalad lagu dhaqmaa.
aad iyo ad ayan uga xumahay dilkii naxariisdarada ahaa ee ku yimid shekha waxaana allaah uga baryeeynaa naxariista janada
anigoo ah muzzamil cabdi mohamed abasheikh runtii waxaan la dhacay wapsite kan waana xiiseeyaa waana ku cusbahay waxan rawa in laigu soo daweeyo mahad sanidiin
waxaan rabaa inaan arko wadaada soomaliyeed oo dhan iyo wara kooda
Inkastoo Soomaaliya ay tahay dhul barakaysan oo muslimiinta deegaan u ah, hadana shareecadii islaamka waa la dayacay, waxaanay u muuqataa inaan waligeed la ictiraafi doonin, sidaa awgeed, waxaa dhici karta in ilaahay uu ciqaabo kala duwan inagu rido. Markaa xalku wuxuu ku jiraa in quraanku uu noqdo dastuurkeena.
Somali, Somalia, Somalia! Boqilkiiba 99.99 Somalia dadkeedu waa muslimiin, markaa maxaa sababay inaynu dhiigeena daadino, oo qabyaalad ku dhaqano, iyadoo aynu haysano nidaamkeena inoo gaarka ah ee saafiga ah ee dhamaystiran ee shareecada islaamka ah? Anigu markasta waxaan ku rajo waynahay in dhamaan kooxaha soomaaliyeed ay ku midoobi doonaan calanka tawxiidka oo ay isla markaana dhaqan galin doonaan shareecada islaamka, hadii ilaahay idmo. Waan ogahay inay gaalada iyo munaafiqiintu aysan waligood arrinkaa jeclaan doonin, laakiin ilaahay ayaa hore u balan qaaday, waxaanuu ilaahay dhahay {waxay rabaan inay afkooda ku damiyaan iftiinka ilaahay, laakiin ilaahay wuu kaamil yeeli doonaa iftiinkiisa xitaa hadii ay gaaladu arrinkaa karaahiyaystaan}
aad ayan uga xumahay in la dilo indhihii somalia oo ah wadaad dalak waxaana dawlada puntiland ka codsanayaa inay sooqabtaan dadka ka danbeeyay arintaan sidookale waxaan shacabka soomaliyed u sheegaya inaysan ku filnayna iskuna howli kari dhibaatoyinka dhacaya oo naxdinta leh hadaysan dowlada gacan buuxda siini
faladaydu waa alshabab diinta iyo dadka iyo dal kaba halagaqabto
Meel ha looga soo jeesto dadka culimada dilaya
ilaahow ka qabo dadkaaga wixii diinta islaamka dhaleecaynaya sida alshabaab oo kale
maye daagaaal wax faaa iido ah malahan arinta alshabana ma ahan wax sahlan waayo waa arin aan la aqoon waxa sida saxda ah u hogaaminaayo marka laga soo tago in ta horjooga ah u ah lakiiin shabab waaa soomaali laga badalay maskaxda walilbo time anagana hadaanahy dadka soomaalia waaa in aan usheegnaa wixii losheeg inaysan sax aheeyn o ay qalad ahey
waxaan cambaaraynaynaa dilka loo gaystay sheekha, haddaynu nahay dadka muslimiinta ahna waa inaynu fahanaa macnaha dhabta ah ee walaaltinimada islaamka iyo awooda diinteena.
halala dagaalamo wixii dadka aan waxba galabsan laynaaya iyo dad ka biri ma gaydada ah
inaa lillaah wa inaa illeyhi raajicuun waan ka xumahay dilka foosha xun oo loo geystay sheekha kuwa dilay allahayow aduun iyo aaqiro cadaab ku marsii allaha kuu naxariisto sheeq cabduqaadir nuur faarax.
waxaan taageero way siinaa kooxda cadaalada iyo xaqa u dagaalanta ee ahlu suna
Waxaan ku dhaaranayaa in dadka wadaadada laynayaa aysan ahayn muslimiin iyo mujaahidiin midna, balse ay yihiin cadawga ilaahay iyo cadawga diintiisa. Hadalada kasoo yeedhay faroole iyagana masoo dhawaynayno, waayo isaga laftiisu wuxuu ka mid yahay cadawga diinta. Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu u naxariisto Sheikh Cabdulqaadir oo uu janada galiyo.
inaa lillaah wa inaa illeyhi raajicuun waan ka xumahay dilka foosha xun oo loo geystay sheeqa kuwa dilay allahayow aduun iyo aaqiro cadaab ku marsii allaha kuu naxariisto sheeq cabduqaadir nuur faarax.
waar culimo goorma ayay noqdeen tima wayn waar soomaaleey ilaahay halaga baqo wax walbaa koobi ayay yeesheen dawadii koobi ayay yeelatay bagaashkii koobi ayuu yeesahay culimadii koobi ayay yeelatay
Laa xawla walaa quwata ilaa bilaah. Ilaahayoow u dambi dhaaf oo u naxariiso.
walaal walaaahay waan ka xumahay djacacdada ka dhacadat magaalada garoowe ilaahay walaal ayaan lleenahay waayo waxaa jirtra khakadaaao fara badan ay galeen waxaana leenahay ilaahay haka jaro waayi way la abadheedheen shaabaab waa dad ilaahay naga shartiray waxaanu leenaha iaahayooy ka jar waadad mu walaal waxaanu leenahayilaahay haka abaa
kuwan ugarsanaya shuukhdeenii iyo wax garadkeena waa kuwa aan islaanimada meelna aan ka soo gelin oo takfiir ah waxaana wax ;ooga qaban karaa anagoo meel uga soo wada jesana. ilaaahow ku waan nagaqabo
waan ka xumahay dilkaa foosha xun ee loo gaystay sheekh c/qaadir nuur faarax alle hau nuuro qabriga `
Diinta Islaamku ma ogola dilka qof Muslim ah, Xitaa Gaalka aan kula xarbiyeyn dilkiisu ma banaana, Waqtiyo la xurmeeyey iyo goobo la xurmeeyey oo aan wax lagu dili karin ayaa jira Sida goobaha Allah SWC lagu caabudo. Dilka culimadu maantey ma bilaaban, Qaraxyadu maantey ma bilaaban waxayse qaraxyada iyo dilalka bartilmaameedkoodu uu u cusub yahay ugaarsiga Ictisaamka. Culimadan way dhaliilan yihiin eedo badan ayay dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo Diinta Islaam kaba ka galeen, Dhalinyarada wax laynaysa macalimiintoodii waa nimanka ICTISAAM la yiraahdo, iyagaa jihaadka u baneeyey, iyagaa Gaal iyo Gaalo raac noo adeegsaday, iyagaa Xaraam ku sheegay wax walba oo aan iyagu faraha kula jirin. Ictisaam nimanka la yiraahdo waa nimankii Itixaadka ahaa ee jihaadka Boosaaso ku weeraray 1992 waa nimankii uu la dagaalamay AUN Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Abdullahi Yusuf , Waa nimankii Maxkamadaha ahaa Shabaabkuna Maxkamadaha ayay ku jiraan waxayna Ictisaamka niman la yiraahdo ay raali ka ahaayeen jariimooyinkii ay Shabaabku gaysanayeen ka hor 2009-kii. Wadaadatan ma maanta ayay khaldan yihiin mise shalay ayay khaldanaayeen. Nimankan waa niman diinta siday jecel yihiin u adeegsada markay ku fashilmaana magac cusub ayay samaystaan dalka, diinta iyo dadkaba dhibaato idinkaa ku ah ee khaladkiina qirrta, waydiista umadda Soomaaliyeed cafis, ilaahayna u noqda oo danbi dhaaf waydiista. Shiikh Dhintey allaha u naxariisto isagu waligiis wu diidana dilka muslimiinta xitaa yuusan raacsanaan.
inaa lilaah wa inaa ileyhi raajicuun alaha u naxariisto sheeqa ma ahan wax lala yaabo in qawaarijta al-shabaab ay dilaan dadka wax tarka u ah bulshada soomaaliyeed laakiin waxaa qof kasta oo soomaali ah laga doonayaa inuu ka qeyb qaato cirib tirka mujrimiinta al-shabaab hadey ahaan laheyd dhan kasta oo uu awoodo
Alloow shabaab iyo al intixaan naga dhamee. Aamiin
waxaan udirayaa warkani hogamiyayaasha nimanka lamagacbaxay al-shabaab .waxan lee hay idinkaa iyaa kamusuula shekhii ladiloba, idinkaa xalashaday dhigii ilahay xaranka dhigay inlagu dadiyo xaqdaro ,oo umada kalaynaya culimadii iyo cidii waxa ushegaysay. war kajosada waxad kujirtiin maha diine ,oo kunoqda barshada islaamka
anigoo ah cumar waxaan kafaaloonaa dib udhiska magaalada muqdisho aniga waxaan jiraa 23 sano wali marak doolad caadil sida tanoo kale
aad iyo aad ayaan uga xumahey dilka sheekh;-=000
Waxaad xusuusnaataan in dhamaanteen uu nabi aadam in dhalay, markaa meesha ma taalo sabab aynu isu dilnaa, waayo dhamaanteen waxaynu nahay walaalo, waxaynu ku kala duwanahay waa midabkeena iyo dhadig ama labood midkaynu nahay iyo qabaa’ilkeena iyo dheererkeena iyo luuqadeheena iwm. Waxyaabahaas waxaa loogu talagalay inaynu isku garano.waxaad xusuusntaataan in ilaahay ka war hayo wax kasta oo dunidan ka dhacaya.
aad iyo aad ayaan ugu xunahaya dilka lo geystay sheik waana cabaareyen ilaahey qabriigiisa wasac allaha ha ugu dhigo waxaan ka codsan lahaa hadii aan somalia nanahay waa in aan gacmaha is qabnaa aan khwariijdka aan ka so wada horjeysanaa culamadii aqoonyahankii waraayaahsi shacbigi wax eey u kale rebteyna ma laan waxuu ilaahey kitaabkiisa ku sheegay ayaa maanta somalia heysto qolo waxaa dhahaayo waan jihadeyn oo dadka muslimiinta laynaayo oo dadka intee masjidyada ugu lagana markas leyhin gaal iyo gaal raac baan dilnay ilaahey ha u naxasriisto shiqeyna weyna sheik cabdiqaadir nuur farax al shaab halaka so horjesda aduun iyo aqiro ilaahey naarta haku fogeyo iyo intii racsan
iaahay hanaga baabiiyo al shabaaaaaaaaaaaaaab
Qoranka halkalmad o run ah laguma arko wayo farole aya kadambeyay dalka shiikh wayo waxa uu donaya in uu shabab nacsiyo shacabka pundland maxa cadaynayo mesha hada an kusuganahay waxa kadhacday in shabcabka kunol siloo nacsiyo shabab mamulki gacanta kuhayay gobolka waxa aysamanayen inta cidankodu wajiyada dubtan ayay waxay leyahin shabab aya dilay tasina wayay kentay in shabab lagu kaco dagal badana uu ka dhaco goboka dhigbadana uu ku dato hadi ad rabtan falo wad isowaydin kartan bahda wabtedka
inaalilaahi wa inaa ilayhi rajicuun waa shihiid shekhu laakiin waxa dilay kuwii laynayey amiirul muminiinadii sida cuthmaan binu cafaan aliyi binu abii dhaalib iyo a imadii kadanbaysay ilaa salafu saalixiintii imaamu maalik binu anas imaamu daarulhijra maalik binu anas waxa iswaydiinleh maxay ku kala duwan yihiin khawaarijtii a imadaa laysay iyo kuwani aniga fikirkayga gaaban markaan ku saleeyey waxan xaqiiqsaday inay isku mid yihiin kuwasi waxay layn jireen islamka dadka ehelka u ah kuwana waa sidii oo kale uun waxay ku salaysan yihiin xadiiskii rasuulka s.c.w oo aha yuqaataluuna ahlal islam wayufaruuna ahlul awthaan yacnii galada way ka cararan muslimiintana way ladagalaman
al shabab waxay usoo dhigatay shuyuukhdii waxay ila tahay inay cadeeyeen inayna wax awwood ah ku hadhin. waxay markii horeba ku ahayd masiibo guud ahaan caalamka gaar ahaana wadamada muslimiinta ah haday sheeganayaan inay ladagaalamayaan gaalo waa ayo gaaladu ?
Waan ka xumahay in la ugaarsodo Culimada ,Abwaanada iyo Waxgaradka Somaliyed. Laakin haddi Shacabka Somaliye u midoobaan la dagaalanka kuwa mayalka adag waa laga gudbayaa Arimahaan foosha xun oo kale.
waxay u baahantahay soomaliya guud ahaanba in laga xoreeyo basaasiinta xabashida yuhuuda iyo maraykanka iyo waliba kuwa kiiniya ilaa sidaasi la yeelana waxba ka hagaagi maayaan amuuraha dalkeenas hooyo by faysal ismaaciil barre c/o hargaysa somaliay
Waxaan jecelahay in bini’aadamku ay kuwada noolaadaan jacayl iyo nabad, oo ay ka fogaadaan colaadaha iyo inay iskala takooraan, oo qofna la dhaho waxbuu awoodaa qofna la dhaho waxba ma awoodo, ama qofna la dhaho waxbuu bartay qofna la dhaho waxba muusan baran. Runtii taasi nolol maaha, waayo qof kasta oo bini’aadam ahi xuquuq ayuu leeyahay.
Waxanan wali fahmin dadka dila indhaha shacabka somaliyeed, ma shishiye mase sokeye?! Maxeysetahay ujeedada ka danbeysa?!!!.
Mujahidinta ma dilan culimada e waxey dilan in alala inta galo garab ka dhigata sh.hadu ka so horjedo ma badida mujahidinta wa la dila kutabka qora hadaba ogada cidi isku dayda in ey mujahidinta hor istagta wa laga horlexina culima isku sheka ictisam waxan leyahay shirka jojiya ama wacadaro ayad ka la kulmeysan
Asc. Shuyuukhda meelkasta oo aay joogaan Somaliya gudaheeda in taas horey looga baahnaay in aay wax kaqabtaan balse aan kufaraxsanahay in aay garteen xilkooda hadda. Dadaal dheeri ah gala oo ladigaalama xagjirayaasha adinka oo isticmaalaaya cilmiga diinta iyo wixii aay kaqabto fikradaha khaladka ah eey aaminsanyahiin xagjirayaasha. Kubaraarujia shacabka soomaliyeed in aay kadigtoonaadaan xagjirayaasha oo marna aay ogolaan in lagusoo dhax dabaalo. Dadka hadii aay kuyaraato aqoonta diinta waa dhibaato aad u weyn waxayna halis u yihiin in laga dhaadhiciyo waxyaaba khaldan oo looga sheego in aay tahay diin. Kahortaga xagjirnimada oo daraasaad kabixiya masjidyada, madarsooyinka, dugsiyada, Jaamacadaha iyo dhamaan goobaha kale ee bulshada. Hadii aad sidaas sameysaan waxaan hubaa in fariintiina aay dadka badi gaari doonto oo dhibaantooyinka xagjirnimo laga badbaadi doono. Dadka loo adeegsanaayo culimada waa caruurtiina iyo walaalahiin balse maaha dad cirka ka imaanay. Waxaan alle ka baryayaa in aad gacanta soo geliyo dadka dhibka wada oo caruurta beenta u sheegaaya oo culimada laaynaaya.