Febraayo 15, 2013
Iyada oo doorashooyinka Kenya loo muddeeyay 4-ta March, ayuu Gudiga Madaxa-bannaan ee Doroashooyinka iyo Soohdimaha Kenya waxa uu ansixyay siddeed murashax in ay ku tartamaan xilka ugu sarreeya ee dalka. Hoos ka akhriso taariikhda kooban ee murashax walba iyaga oo u soo kala horumari doona hanaanka abjadiyada:
Mohammed Abduba Dida waxa uu ku dhashay Degmada Wajeer ee Kenya 1975-tii. Dida, oo ahaan jiray macallin, ayaa u ugu tartamaya madaxweynenimada Isbahaysiga Isbaddalka Dhabta ah. Rafiiqiisa la galaya tartanka waa Oshua Odongo Onono, oo sidoo kale ahaan jiray macallin.
Dida, oo ku cusub masraxa siyaasadda, waxa uu ku dhaartay in uu noqon doono madaxweyne diiradda saara saboolka. Waxa uu ku doodaa in waxbarashada Kenya laga dhigo lacag la'aan, ee ayan noqon mid la kabo. Dida waxa uu kalsooni ka muujiyay in uu doorashada kaalin wanaagsan ka gali doono, isaga oo sheegay in xisbigiisu uu taageero aad u ballaaran ka haysto dhallinyarada.
Waxa uu shaahaadada koowaad ee jaamacadda ku haysaa waxbarashada isaga oo ka qaatay Jaamacadda Kenyata, haatanna waxa uu shahaadada labaad ee Masterka ka sameeyaa daraasaadka diinta waxana uu ka qaataa Jaamacadda Nairobi.
Dida waxa uu wax ka soo dhigay dugsiyo kala duwan, sida isaga oo luqadda Ingiriiska iyo diinta ka dhigi jiray Dugsiga Sare ee Dhadhaab ee ku yaal xeryaha qaxootiga kadibna waxa u ka dhigi jiray Dugsiga Lenana.
Waa uu macallinimada isaga tagay 2009-kii si uu u furo xafiis dadka shaqooyinka geeya, haseyeeshee waxa uu sheegay in ganacsigaasi u shaqeeyn waayay sababtoo ah musuqmaasuqa xukuumadda.
Martha Karua, oo ah haweeneeyda kaliya ee ku jirta murashaxiinta tartamaya, waxa ay September 1957-kii ku dhalatay Kirinyaga, oo ka tirsan Gobolka Bartamaha . Kaura, oo ah xildhibaanad laga soo doorto Gichugu, ayaa ku tartamaysa magaca Isbahaysiga Qaranka ee Rainbow iyada oo uu la socdo Augustine Lotodo oo ahaan jiray sharci-dajiye ka tirsanaa Golaha Barlamaanka ee Bariga Afrika.
Karua waxa ay ku dhaaratay in ay matali doonto Kenya mid ah iyada oo sameeyn doonta dib-u-habeeyn isugu jirta dhinacaydad dhaqaalaha iyo bulshada, sida daryeel caafimaad oo uu qof waliba helo Kenyana ka dhigi doonto xarun goboleed dhaqaale. Waxa ay sheegtay in 10% miisaaniyadda Kenya ay u khaasyeeli doonto hagaajinta wax-soo-saarka beeraha, iyada oo badiin doonta ilaha laga helo tamarta nadiifka ah isla markaana ka shaqayn doonto in interneetku gaaro 50% guryaha Kenya muddo shan sano gudeheed ah.
Intii ay socotay dooddii madaxweynenimo, waxa ay sheegtay in ay wax ka qaban doonto heerka sarreeya ee dhimashada hooyada dhalaysa taasna ay ku gaari doonto in ay hirgaliso daryeel caafimaad oo lacag la'aan ah qof walbana u furan.
Karua waxa ay shahaadada sharciga ka haystaa Jaamacadda Nairobi iyada oo shahaadada Masterka-na ka heeysata Jaamacadda Caalamiga ah ee Maraykanka ee ku taal Nairobi.
Laga soo bilaabo 1981-ii illaa 1987-kii, Karua waxa ay ka soo shaqeeysay garsoorka, iyada oo isaga dallacday garsoore heer degmo illaa ay gaartay garsoore sare dambiyada fudud. Intaa wixii ka dambeeyayna waxa ay lahayd xafiis ay si gaar ah ugu shaqeeysato illaa iyo 2002dii.
Sannadkii 1992-kii, Karua waxa ay xubinnimada barlamaanka ka soo gashay Gichugu, kursigaa oo ay illaa iyo haatan haysato.
Intii u dhexeeysay 1997-kii iyo 1998-kii, waxa ay la shaqeeysay Kooxo Barlamaaneedyada Xisbiyada Isugu Dhafan si ay uga uloleeyaan horumarinta hannaanka xisbiyada badan ee Kenya. Sannadkii 2008-dii, Karua waxa loo magacaabay wasiirka garsoorka, wadajirka qaranka iyo arrimaha dastuurka kadib markii ay ku soo shaqeeysay wasiirka maareeynta biyaha iyo horumarinta.
Sannadkii 2009-kii, ayay Karua iska casishay xilkeedii wasiirnimo ee xukuumaddii wadaagga ahayd iyada oo taa ku sababeeysay caro ay kala kulantayay gudashada waajibkeeda.
Peter Kenneth waxa uu November 1965-kii ku dhashay Bahati, Nairobi. Waa xildhibaan ku takhasusay arrimaha bangiyada. Waxa uu tartanka madaxweynenimada ku galayaa magaca Xisbiga Golaha Qaranka Kenya, rafiiqiisa tartankuna waa Ronald Osumba, oo ka mid ahaan jiray madaxda sare ee Safaricom.
Ka murashax ahaan, Kenneth waxa uu diiradda saaray baxnaaninta shaqo la'aanta iyo cunno yarida. Waxa uu sidoo kale wacad ku maray in uu si ka fiican sida hadda xaal yahay u qalabayn doono bilayska askartan uu siin doono mushaar fiican si uu ugu dhiirri-galiyo in ay qaybtaan shaqo wanaagsan, waxana uu rumeeysan yahay in horumarin iyo waxbarasho laga hirgaliyo goobaha ay ku badan yihiin dambiyadu ay yareeyn doonto dhaqamada sharciga hareer marsan. Waxa uu qorsheeynayaa in barnaamijyadiisa uu ka maal-galiyo isaga oo soo jaraya kharashaadka dheriga ah ee ay xukuumaddu sameeyso.
Kenneth waxa uu shahaadada koowaad ee jaamacadda iyo tan labaad ee masterkaba ka heeystaa Jaamacadda Nairobi, isaga oo darajo kale oo heer sare ahna ka qaatay Barnaamijka Maareeynta ee Mahcadka Caalamiga ah ee Maareeynta Horumarinta ee Lausanne, oo ku taal Switzerland.
Kenneth waxa uu shaqada bangiyada ka soo bilaabay Shirkadda Natioin Wide Finance sannadkii 1985-kii, kadibna waxa uu intii u dhexeeysay 1986-kii iyo 1997-kii u shaqeeyay Prudential Finance iyo Bank, halkaa oo uu ka noqday agaasime. Laga bilaabo 1997-kii illaa 2002-dii, Waxa uu u soo shaqeeya Shirkadda caymiska Kenya ee Kenya Reinsuring, isaga oo isku mar hayay xilalka kala ah Shirkadda Caymiska Afrika iyo Baanka Horumarinta Warshadaha. Laga soo bilaabo 1998-kii illaa 2009-kii, waxa uu ahaa guddoomiyaha Shirkadda Caysmiska ee Zep.
Nolashiisa siyaasadeed, Kenneth waxa markii ugu horreeysay 2002-dii xildhibaan ahaan looga soo doortay Gatanga, kursigaa oo uu illaa hadda ku fadhiyo.
Laga soo bilaabo 2003-dii illaa 2005-tii, waxa uu soo ahaa kaaliyaha wasiirka Wasaaradda Horumarinta Iskaashatooyinka iyo Suuq-geeynta, kadibna waxa uu kaaliye wasiir ka soo noqday Wasaaradda Maaliyadda illaa iyo 2007-di. Tan iyo 2008-dii, waxa uu kaaliye wasiir ka ahaa Wasaaradda Qorsheeynta, Horumarinta Qaranka iyo Himilada 2030-ka.
Uhuru Muigai Kenyatta waxa uu dhashay October 1961-kii. Aabihii waa madaxweynihii ugu horreeyay ee Kenya Jomo Kenyatta, oo xilka hayay intii u dhexeeysay 1964-kii illaa 1978-kii. Waxa uu u sharraxan yahay Isbahaysiga Jubilee, kaas oo ah xisbi isbahaysi ah oo ay sameeyeen Isbahaysiga Qaranka ee Kenyatta iyo Xisbiga Jamhuuriga Midoobay ee Ruto.
Marka la eego qorshaha isbahaysigiisa, Kenyatta waxa uu sheegaa in uu u taagan yahay Kenya mid ah "iyada oo loo marayo isla riyadii ahayd dhisidda Kenya tii hore ka wanaagsan". Waxa uu sheegay in uu diiradda saari doono qaddiyadaha lahaanshaha dhulka, waxana uu ku haminayaa in uu Kenya u badalo xarun dhaqaale, isaga oo abuuri doona dhaqaale ku dhisan wax dhoofinta.
Kenyatta waxa uu shahaadada koowaad ee Jaamacadda ku haystaa siyaasadda iyo dhaqaalaha waxana uu ka qaatay Kulliyadda Amherst ee Maraykanka.
Kadib muddo gaaban oo uu ka shaqeeyay ganacsi lagu wareejiyo wax-soo-saarka beeraha, ayuu Kenyatta waa uu u tartamay kursiga barlamaanka ee Koonfurta Gatundu sannadkii 1997-kii, haseyeeshee waa uu ku guul-daraystay. Laba sano kadib, Madaxweyne Daniel arap Moi ayaa u magacaabay in guddoomiyaha Golaha Dalxiiska Kenya, sannadkii 2001-diina waxa uu u magacaabay xildhibaan.
Kenyatta waxa uu sannadkii 2002-dii u tartamay madaxweynenimo kumase guulaysan, laalkiin waxa uu isla sannadkaas ku guulaystay in uu xildhibaanimada ka soo galo Koonfurta Gatundu.
Mar kale ayuu madaxweynenimo u tartamay sannadkii 2007-dii isaga oo taageeradiisa ku biiriyay Madaxweyne Mwai Kibaki oo u taagnaa doorasho kal labaad ah. Kibaki waxa uu Kenyatta u magacaabay wasiirka dawladaha hoose bishii January 2008-dii ka hor inta uunan noqon ra'iisul-wasaare ku-xigeen iyo wasiirka ganacsiga bishii April 2008-dii taasoo qayb ka ahayd xukuumad wadaag ah oo lagu soo afjaray rabshadihii daba socday doroashooyinkii 2007-dii.
Intaa ka dib waxa uu u gudbay Wasaaradda Maaliyadda oo uu hayay intii u dhexeeysay 2009-kii illa iyo 2012-kii, isaga oo wali sii ahaa ra'iisul-wasaare ku-xigeen. Waxa uu iska casilay wasaaradda maaliyadda bishii January 20012-kii kadib markii Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ay ku eedeeysay in uu galay dambiyo ka dhan ah aadaminimada taasoo uu ku muteeystay kaalintii uu ku lahaa rabshadihii colaadaha watay ee 2007-dii iyo 2008-dii.
Kenyatta iyo Ruto labadaba waxa intii lagu jiray marxaladda doorashada ay la kulmeen dhalleecayn la xiriirta dacwaddooda taal ICC, iyada oo Kenyatta uu kaga jawaabay arrimahaas intii ay socoday dooddii madaxweynenimada.
James ole Kiyiapi waxa uu May 1961-kii ku dhashay Osupuko, oo ka tirsan Gobolka Rift Valley. Ninka oo wasaarado badan ka soo noqday xoghahaya joogtada ah, ayaa is casilay 2012-kii si uu ugu tartamo madaxwynenimada isaga oo rafiiqsanaya haweeneeyda ganacsatada ah Winnie Kaburu kuna tartamaya magaca Xisbiga Soo-celinta iyo Dhisidda Kenya.
Kiyiapi waxa uu ololehiisa sal uga dhigay diidmada siyaasadda ku dhisan qabyaaladda. Waxa uu sheegay in mudnaantiisa koowaad uu diiradad ku saari doono shaqo la'aanta dhalinyarada, taasoo uu ugu yeeray masiibo qaran. Waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay la iman doonto hindise shaqo oo lagu xallinayo murannada ka jira dhulka iyada oo loo marayo taxaddarka iyo daalacnaanta ugu sarreeysa, isla markaana uu horumarin doono wax-soo-saarka beeraha dalka.
Kiyiapi waxa uu shahaasada mastarka ka heeystaa Jamacadda Moi, halka shahaadada sare ee cilmigana uu ka heeysto Jaamacadda Toronto ee Canada, labada shahaadaba waxa uu ku haystaa cilmiga kaymaha.
Laga soo bilaabo sannadkii 1988-kii illaa 1994-kii, waxa uu cilmi-baare sare ka ahaa kulliyadda daraasaadka degaanka ee Jaamacadda York ee Canada. Kadibna waxa uu bare iyo proffessor ku-xigeen ka ahaa Jaamacadda Moi intii u dhexeeysay 1994-kii iyo 2006-dii.
Muddadaas, waxa uu sidoo kale Mu'asasadda Duurjoogta Afrika ugu soo shaqeeyay agaasimaha barnaamijyada ee heer dal.
Kiyiapi waxa loo magacaabay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Degaanka iyo Kheyraadka Dabeeciga ah sannadkii 2006-dii, haddana Wasaaradda Adeegyada Caafimaadka sanandkii 2008-dii, haddana Wasaaradda Waxbarashada sannadkii 2010-kii.
Ra'iisul-wasaare Ku-xigeen Wycliffe Musalia Mudavadi waxa uu September 1960-kii ku dhashay Sabatia, oo ku taal Gobolka Galbeedka. Waxa uu tartanka madaxweynenimada ku galayaa magaca Xisbiga Madasha Midowga Dimuqraadiyadda ee isbahaysiga Amani, waxana tartanka ku weheliya Jeremiah Kioni, oo ahaan jiray xildhibaan laga soo doorto Ndaragwa.
Mudavadi waxa uu ku dhaartay in uu Kenya u xasilin doono koboc dhaqaale oo rasmiya isaga oo diiradda saari doonna maamul-wanaaga iyo yareeynta saboolnimada. Waxa uu sheegay in uu musuqmaasuqa ka jira dalka wax uga qaban doono dib-u-qaabayn uu ku sameeyo waaxda garsoorka, iyo in uu qori doono askar dheeraad ah si uu u wanaajiyo ammaanka.
Mudavadi waxa uu shahaadada koowaad ee jaamacadda ku haystaa dhaqaalaha dhulka oo uu ka qaatay Jaamacadda Nairobi, waxa uu ka soo shaqeeyay Hay'adda Guriyeeynta Qaranka ka hor intii uunan arrimaha iibka dhulalka iyo guryaha kala shaqeeyn shirkadda Tyson Limited.
Mudavadi ayaa noqday xubin xildhibaan sannadkii 1989-kii, markii loo doortay iyada oo aan cidina la tartamin kursiga Sabaria oo ku dhintay aabihii, Moses Mudavadi.
Kadib doorashooyinkii 1992-kii, Mudavadi waxa loo magacaabay wasiirka maaliyadda oo uu shan sano ahaa. Sannadkii 1998-kii, waxa loo magacaabay wasiirka beeraha, kadibna waxa 1999-kii loo magacaabay wasiirka warfaafinta, gaadiidka iyo isgaarsiinta, kadibna 2001-dii ayaa loo magacaabay wasiirka gaadiidka iyo isgaarsiinta. Muddadaas oo dhan waxa uu haystay kursiga xildhibaannimo ee Sabatia.
Sannadkii 2002-dii, Mudavadi waxa uu lumiyay kurisigisii barlamaanka, haseyeeshee waxa madaxweyne ku-xigeen u magacaabay Daniel arap Moi waxana uu xilkaa hayay laba bilood. Xiligaa kadib waxa uu u tartamay in uu madaxweyne ku-xigeen u noqdo Uhuru Kenyatta sannadkii 2002-dii taasoo uu ku guul-darraystay.
Intaa kadib, Mudavadi waxa uu gacan ka geeystay asaasidda Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyadda ee Orange waxana uu u tartamay in uu noqdo ninka xisbiga u sharaxayo tartanka madaxweynenimada 2007-da, haseyeeshee waxa doorashadii horudhaca ahayd ee xisbiga uga guulaystay Raila Odinga.
Illaa iyo markaa, waxa uu xubin ka ahaa golaha guddoomiyayaasha Baanka Adduunka iyo xubin ka tirsan guddi uu qabtay barlamaanka ee Guddiga Dib-u-eegidda Dastuurka.
Sannadkii 2012-kii, Mudavadi waxa uu isaga baxay Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyadda ee Orange isaga oo ku biiray Jabhadda Midiwga Dimuqraadiyadda. Waxa uu muddo kooban ku biiray Isbahaysiga Jubilee ee Uhuru Kenyatta, laakiin bishii December ayuu go'aan ku gaaray in uu isaga baxo kadib markii ay isbahaysiga isku khilaafeen qofkii calanka u qaadi lahaa.
Paul Kibugi Muite waxa uu dhashay April 1945-kii. Waa xildhibaan hore oo ka soo gali jiray Kabete waxana uu kamid yahay asaasayaashii xisbiga Safina oo uu hoggaamiyo. Rafiiqiisa tartanka waa Shem Ochuodho, wasiirkii hore ee wasaaradda tamarta iyo xildhibaan laga soo doorto Rangwe.
Muite waxa uu sheegay in haddii uu noqdo madaxweyne uu wax ka qaban doono shaqo la'aanta isla markaana wanaajin doono duruufaha shaqaalaha, taasoo uu qayb ahaan ku gaari doono kor u qaadidda mushaaraadka iyo dhaqan-galinta shuruucda shaqaalaha ee saacadaha maalinkii la shaqeeyo ku koobaya siddeed saacadood. Waxa uu sidoo kale wacad ku maray in uu joojin doono musuqmaasuqa ka dhex jira xukuumadda, taasoo uu ku sheegay "in ay malaayiin Keyan ah baddan in ay ku abaadaan saboolnimo iyo xanuun".
Waxa uu sheegay in uu rumaysan yahay midnimada dadka Kenya, marka dhan la iska dhigo qowmiyadaha, uuna ka shaqeeyn doono horumarinta bulsho iyo dhaqaale ee dhammaan dadka. Muite waxa uu sheegay in Kenya uu sidoo kale dhaawac ka soo gaaray magac xumida ka gaartay caalamka ee musuqmaasuqa iyo sucmaddeeda liidata ee xuquuqda aadanaha, taasoo uu sheegay in uu ku xallinayo iyada oo loo marayo waxbarashada iyo suuq-geeynta.
Muite, oo ah qareen xuquuqul insaanka ah, ayaa kaalin muuqata ka soo cayaaray soo afjariddii hannaankii talinta xisiba kaliya ee 1990-meeyadii, taasoo uu 1982-kii bilaabay Midowga Qaranimada Afrika ee Kenya.
Waxa uu saddex kal oo min shan sano ah soo ahaa xildhibaanka laga soo doorto Keabete sannadihii 1992-kii, 1997-kii iyo 2002-dii.
Ra'iisul-wasaare Raila Amollo Odinga waxa uu 7-dii January ee 1945-kii ku dhashay Maseno, ee Gobolka Nyanza, waana wiilka Madaxweyne-ku-xigeen Jaramogi Oginga Odinga. Waxa uu ku tartamayaa magaca Dhaq-dhaqaaqa Dimuqraadiyadda ee Orange iyada oo uu la socdo Madaxweyne Ku-xigeen Kalozo Musyoka.
Odinga waxa uu ololihiisa diiradda ku saaray dhallinyarada, isaga oo u ballan-qaaday in uu gacan ka siin doono shaqooyinka iyo waxbarashada. Waxa uu sheegay in uu bilaabi doono in deeq lacageed la siiyo saboolka iyo dadka waaweeyn, uuna abuuri doono barnaamij ay dhallinyarada sugaysa in ay galaan jaamacadaha ama shaqo helaan ay wax uga dhigaan dugsiyada hoose.
Dhinaca dhaqaalaha, waxa uu sheegay in uu diyaarin doono barnaamijyo lagu dhoofinayo badeecada lagu sameeyo tuulooyinka Kenya, isla markaana uu taageeri doono sidii loo kobicin lahaa ganacsiga birta. Waxa uu sheegay in uu horumarin doono kaabayaasha oo uu ballaarin doono maal-gashiga lagu sameeyo sugnaanta cunnada taasoo loo marayo horumarinta beeraha, kabidda beerallayda iyo cilmi-baarista.
Odinga waxa uu shahaadada masterka ku heeystaa injineernimada farsamada oo uu ka qaatay Kulliyadda Magdeburg ee Tiknoolajiyadda Casriga ah ee Germany. Waxa sidoo kale shahaado sharafta darajada sare ee cilmiga laga siiyay Jaamacadda Nairobi iyo Jaamacadda Florida ee Beeraha iyo Farsamada ee Tallahassee ee Maraykanka.
Sannadkii 1970-kii, waxa uu shaqo macallinimo ka bilaabay qaybta handasada farsamada ee Jaamacadda Nairobi. Sannadkii 1974-kii, ayuu ka tagay markii loo magacaabay agaasimaha koox jaangooyada sameeysa oo uu ka noqday Xafiiskii markaa la asaasay ee Xafiiska Jaan-gooyada Kenya, halkaa oo uu 1978-kii ka noqday maamule ku-xigeen.
Sannadkii 1982-kii, ayaa Oginga Odinga waxa maal-galiye ahaan ugu lug-yeeshay af-gambi la isku dayay in lagu rido xukuumaddii Madaxweyne Daniel arab Moi, oo hor istaagay isku daygii uu Oginga Odinga ku doonayay in uu ku diiwaan-gashado xisbi mucaarad ah. Raila Odinga ayaa waxa lagu soo eedeeyay khayaano qaran waxana la xiray lix sano iyada oo aan wax maxkamad ah la soo taagin.
Odinga waxa la sii daayay 1988-kii, iyada oo haddana isla sannadkaa la xiray isaga oo ku milmay Dhaq-dhaqaaqii Kacdoonka Kenya, kuwaa oo ahaa koox wadday cadaadis ah in Kenya loo sameeyo hannaanka xisbiyada badan.
Odinga ayaa haddana mar kale la xiray 1990-kii markii la sii daayay 1991-kiina waxa uu magan-galyo siyaasadeed u doontay Norway, isaga oo xukuumadda ku tuhmay in ay dilayso.
Markii uu dhammaaday hannaankii xisbiga kaliya ahaa, ayuu Odinga soo noqday 1992-kii waxana uu ku biiray Madashii Dimuqraadiyada (FORD), kaasoo ahaa xisbi siyaasadeed uu hoggaamin jiray aabihii, waxana uu ku guulaysay kursiga xildhibaannimada ee Langata.
Sannadkii 1997-kii, Odinga waxa uu ku guul-daraystay isku day tartan madaxweynenimo.
Odinga waxa uu soo qabtay wasiirka tamarta intii u dhexeeysay 2001-dii illaa iyo 2002-dii kadibna wasiirka waddooyinka, howlaha guud iyo guriyaynta intii u dhexeeysay 2003-dii iyo 2005-tii.
Sannadkii 2005-tii, ayuu Odinga waxa uu asaasay Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyadda ee Orange, kaasoo uu ku galay tartankii madaxweynenimo ee uu ku fashilay sannadkii 2007-dii. Kadib markii ay dhacday colaaddii, Odinga waxa uu ra'iisul-wasaare ka noqday xukuumad lagu dhisay heshiis awood-qaybsi ah.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Mudane Agwambo waxaan ku hambalyaynayaa aadista uu aaday maxkamada, sababtoo ah waxaa jira dad reer Kenya ah uu u hadla sidii oo ay dadka kale ka sareeyaan. Dadku waa inay ogaadaan in aan maanta la joogin oo laga soo gudbay xiligii ay caadiga ahayd inuu qof reer Kenya ahi uu qof kale boobo oo uu hadana dariiqyada laafyoodo.
Qof kastaa awood ayuu u leeyahay inuu doorkaa ciyaaro. Waxaana loo baahanyahay oo kaliya in dadku fursad u helaan inay wax hogaamiyaan. Waa inaynu marka hore is waydiinaa muxuu yahay sawirka ka dhalan kara dadkoo hogaamiye hogaamiyayaasha ka mid ah doorta, iyo waliba waxa dhici kara mustaqbalka. Cadaalada ha lagu dhaqmo
Kenya waxaa soo food saari doona caqabado siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxaana taa u sabab ah amarka soo qabashada ee ay soo saartay maxkamada dambiyada aduunku. Sidoo kale wax taageero ah kama heli doonto deeq bixiyayaasha, gaar ahaan kuwa reer galbeedka ah, waxaana taa u sabab ah eedaymaha loo haysto madaxwaynaha ee la xidhiidha rabshadihii dhacay sannadkii 2008-kii
Kenyatta waxaan leeyahay dhismaha xukuumad salbalaadh ahi waa arrin adiga kuu taala, waayo waxay midayn doontaa dadka reer Kenya.
Maqaalkani waa mid wcan. Dadka reer Kenya mar horeba ikhtiyaarkoodii way gaadheen, oo waxay doorteen xukuumada isbahaysiga Jubilee. Ilaahay ha barakeeyo hogaamiyayaasheena oo ha siiyo xigmad ay inagu maamulaan.
Rao waa in loo ogolaadaa inuu cadaalad dalbado, maadaama uu si nabadgelyo leh wax u wado. Waxaanan idin xasuusinayaa in neef lo’ ahi uusan neefkale qaylo kaga horjoogsan karin inuu biyaha cabo, markaa Rao waxaan leeyahay xaqaaga soo dhacso.
Maqaalkani waa maqaal aad u wacan
Uhuru wuxuu ku kacay dambiyo ka dhan ah bini’aadamnimada, guusha uu ku guulaystay madaxtinimada dalka Kenya waxay saamayn ku yeelan doontaa siyaasada dalka ee arrimaha debeda, waxaanay burbur ku keeni doontaa dhaqaalaha Kenya, kaasoo maanta heer aad u wacan ku kobcaya.
Waxaan Uhuru Kenyatta ku hambalyaynayaa guusha,sikasta uu tiro yar codad ah ku guulaystay.
Maxaa keenay in shaacinta natiijooyinku ay wakhti aad u badan qaadatay? Teeda kale meeyeen hadaladii laga sugayay Raila Odinga iyo Uhuru Kenyatta? Miyaysan hadlayn ama wax faalo ah aysan soo jeedinayn?
Dadkan ka hadlay Raila dhamaantood ma wada qaldanaan karaan. Hadii uusan markan guulaysan, maalin ayuumbuu ilaahay madaxwayne ka dhigi doonaa. 8 sanadood ayuu idinka awgiin jeel u galay, idinkuna wax qadarin ah uma haysaan. Hada waxan aynu u dabaal dagaynaa waa nidaamka axsaabta badan ee uu dhidibada u aasay, waxaanay ila tahay waa in dhamaan murashaxiinta madaxtinimadu ay tanaasulaan oo ay u codeeyaan Raila. Waa inaad aragtaan sida ay cid kastaa hadda ugu ducaynayso Raila.
Injineeradu waa dad wacan oo wax hagaajiya oo sancad leh. Tusaale ahaan madaxwaynaha xilka hada ka dagay ee shiinaha iyo madaxwaynihii hore ee hindiya iyo ruushka iyo dhaq dhaqaaqa kacdoonka falastiin dhamaantood waxa ay ku fiican yihiin xisaabaadka dhammaana dhibaatooyinkii oo dhan guulahii oo dhan waxaaa loo turjumay tirro oo ay lahaayeen.sidaa darteed dooro Odinga.
Waxaan si joogto ah ilaahay uga baryayaa in aad kaga dhabaysaan hadaladiina aad ka jeedisaan ololayaasha doorashooyinka, ee ku saabsan dabargoynta qabyaalada.
Waa maqaal wacan oo dadka reer Kenya dhamaantood fahansiiyay sifooyinka murashaxiintooda, si ay u awoodaan inay doortaan hogaamiyaha ay rabaan.
Anigu aad ayaan u faraxsanahay waayo waxaan ogahay inaynu goor horeba madaxwayne yeelanay, kaasoo dalka Kenya daryeeli doona. Madaxwaynahaasi waa mudane Uhuru Muigai Kenyatta. (Hamani na hiduishwe Milele)
Dadka reer kenyoow mudanayaal iyo marwooyin, Waxaa la joogaa xiligii nabada. Ma jiraan carruur ay dhaleen musharaxiintii doorashada galay sanadkii 2007 ama cid qaraabadooda ah oo barakacay ama waxbarashadii seegay ama wax kale ku dhaceen, laakiin dadkeena caadiga ah walaaleheen la laayay ama la barakiciyay, markaa yuusan midkoodna doorkan ina khiyaamaynin. Hadii ay rabaan in la mudahraado, carruurtooda ha adeegsadaan oo yaysan inaga inoo imanin dadkeena shaqooyinka raadsanaya oo yaysan 200 oo shilinka Kenya ah intay ina siiyaan ina dhihin noo dagaalama. Markay doorkan idiin yimaadaan, u caqli celiya. Doorkan habayaraatee dhexdeena dagaalami mayno Carol
waa maqaal macluumaad badan ka bixinaya murashaxiinta madaxtinimada, waxaanuu sawir cad ka bixinayaa mustaqbalka dalku siduu noqon doono hadii mid ka mid ahi uu kursiga ku guulaysto.
Raila ayaa ugu sareeya.
Khayr ayaan dhamaantiin idiin rajaynayaa doorashada ka dib.
Anigu shakhsiyan waxaan Raila Odinga u rajaynayaa inuu wareega koowaad ku guulaysto, waayo sanadkii 2007 ayaa la dulmiyay, waxaanan rajaynayaa in ilaahay doorkan nasiibkiisa wanaajiyo oo ay dadka reer Kenya doortaan. Hambalyo Raila, hadaanu nahay reer Tanzania waanu kuu ducaynaynaa. Arrinka ku saabsan dhulku wuxuu muujiyay in Uhuru uu yahay nin dantiisa ka fekera oo markaa aan u qalmin inuu xukumo dalkiina qurxoon. Ilaahay ha ku barakeeyo.
Hogaamiyayaasha la doortaa waa inay balanqaadyadooda fuliyaan doorashada ka dib.
Ilaahay doorashadan ha barakeeyo si ay nabadgalyo ugu qabsoonto, oo aakhirkana dabaaldag wayn loogu sameeyo murashaxa guulaysta.
Fadlan sidoo kale waa inaad soo bandhigtaan dhamaan murashaxiinta madaxtinimadu hanti intee la eg ayay haystaan.
Dadka reer Kenya waa inay ka codeeyaan hogaamiyayaasha qabaa’ilka. Waa inaynu ka fekernaa nabadeena iyo maalgashiga aynu samaynay si dalku u kobco. Markaa hadii loo codeeyo Raila, waxyaabahaas aan kor kusoo xusay oo dhami way hagaagi doonaan. Maxaa keenay in loo ogolaado inay tartamaan hogaamiyayaal raba inay dadka reer Kenya ka dhigtaan xayndaab ay isaga dhigaan dambiyada loo haysto, kuwaasoo aynu dhamaanteen ognahay cidda ku kacday, inagoo aan xitaa maxkamada dambiyada ee aduunka waxba waydiin, waayo dadka reer Kenya wixii dhacay way ka war hayaan. Sababta dhabta ah ee keentay colaadu waa mid inoo cad, mudane Sang ayaana hadalka dhameeyay, markaa maxaa kalee aynu u baahanahay inaynu maqalno? Haloo codeeyo Raila waayo codka Raila la siiyaa waa cod Kenya la siiyay.
Walaalayaasha reer Kenya waxaad xusuusataan in nololi idiinka dambayso doorashooyinkan ka dib. Markaa nabada ilaaliya oo aqbala natiijada cid kastaa ha guulaysatee. Kenya waligeed nabad iyo isjeclaansho ha ku jirto.
Rao waxaan leeyahay halkaa kaga hay, waxaanan kuu rajaynayaa inaad kursiga ku guulaysato oo aad Kenya wax ka badasho, si xamaasad lehna waanu kuu sugaynaa! U codeeya Rao, ee ha u codaynina nin dambiyo loo haysto!
Markayno eegno duruufahan iyo sharaxaadan, waxaa cad in Raila uu yahay cidda xaqa u leh inay noqoto madaxwaynaha.
Codkaygu waa sir
Uhuru waa ninka la rabo. Raila isaguna si xushmad leh hawsha ha uga fadhiisto!
Agwambo ayaa ku filan, waayo waa nin casri kasta la jaanqaadi kara
Raila runtii hawada ayuu marayaa, waxaanan leeyahay aniga isku kay hale, isbahaysiga Cord-na wuu duulay.
Maan moodayn in Muite iyo Raila ay isku da yihiin!
Kenneth waa ninka ugu wacan, laakiin hada waxaynu u baahanahay hogaamiye geesi ah sida Raila.
Waxaad u codaysaan hogaamiye cusub oo diyaar u ah inuu is bedel keeno. Goormuu Uhuru is bedel dhab ah bilaabay inuu u doodo? Tinga fadlan na gee dhulkuu laynoogu balanqaaday oo xornimo saddexaad ina gaadhsii. Uhuru fadlan horta adigu isa soo hagaaji.
Dadka badidoodu waxay taageersan yihiin isbahaysiga Jubilee
Raila cid aan ahayni kuma munaasib ah madaxtinimada dalka Kenya, sababtoo ah hawlkarnimo ayuu muujiyay si uu dalka uga hirgaliyo dibu habayn iyo nidaamka axsaabta badan iyo dastuur cusub iyo saxaafad xor ah iyo Icarian. Hadaba hala doorto Raila si Kenya ay u noqoto meel qurxoon, markaa waa inuusan doorashada ku guul darraysan ee waa inuu soo hooyaa guul waarta.
Waxba! Laakiin waxaa iga yaabiyay Raila iyo Kalonzo oo doorkan isku tiim ah. Waa la yaab arrinkaasi.
Waad ku mahadsantihiin wararka macluumaadka badan xambaarsan
Raila waa ninka Kenya badbaadin doona.
Aniga codkayga waxaa si toos ah isaga helay Raila Amolo Odinga, anigoo aan qabyaalad ahaan ugu codaynayn. Waxaan qabaa isagaa dadka reer Kenya waxay rabaan u qaban doonaa. Is badalkuna waa waa wax wacan. Markaa is badal ha dhaco!!!!
Waxaan idiinka mahadcelinayaa sida wanaagsan ee aad uga warbixiseen taariikhda tartamayaasha Madaxtinimada Kenya. Waxaan ka mid ahay dad tiro badan oo ka faaiideystay qoraalkan oo bartay nolosha musharixiin caan oo aan weligey maqli jiray balse aanan aqoon maantase aan bartay. Thankas once again
Agwambo waa ninka ay tahay in la doorto, waxaana uu noqon doonaa madaxwaynaha afraad ee dalka Kenya
Ha loo ololeeyo macalin Dida, waayo runtii waa hogaamiyaha bulshada ee mustaqbalka.
Uhuru iyo taageerayaashiisu waa munaasib, waayo waa hogaamiyaal da’yar oo go’aan ku gaadhay inay dadka reer Kenya si kal iyo laab ah u hogaamiyaan.
Raila ha la taageero bisha afarteeda.
Anigu waxaan ahay qof Tanzania u dhashay, waxaanan xiiseeyaa arrimaha siyaasada ee Kenya. Waxaanan reer Kenya leeyahay waxaad u eegtihiin inaad qaangaar noqoteen, waxaanan anigu jeclaan lahaa inaan arko Raila oo ah madaxwaynaha soo socda.
Raila wuxuu buuxiyay shuruudihii, markaa aynu u codayno isaga.
Uhuru waanu ku jecelnahay, laakiin masugi karno inaad sumcadaada ceebta ka maydhaa oo aad tagtaa maxkamada dambiyada ee aduunka, kadibna dalka kusoo laabo oo isbedel ka same. Wakhtigii wuu cararayaa, anaguna waxaanu rabnaa in dalkan is bedel ka dhaco, markaa waa inaynu dooranaa mudane Odinga.
Waxay ahayd in tafaasiil dheeraad ah la keeno, tusaale ahaan waxaa meesha ka maqan nolosha qoys ahaaneed ee murashaxiinta. Waa in si cad loo soo bandhigaa meesha ay murashaxiintu wax ku barteen dugsi hoose iyo mid sareba. Sidoo kale waa in si dheeraad ah loo bayaamiyo mid kasta wixii tuhun iyo eedayn ah ee loo soo jeediyay.
Uhuru Kenyatta waa inuu guulaystaa, waa inankeenii.
RAO ayaa ku filan
Anigu waxaan u codaynayaa RAO, waayo isagaa dalkan isbedel gaadhsiin kara, ganacsigana wax dhib ahi soo gaadhi mayso
Waxaad u diyaar garawdaan inaad la shaqaysaan ciddii kastaa ee guulaysata, waana in dhamaanteen aynu noqono muwaadiiniin reer Kenya ah oo dhab ah, waana inaynu si xadaari ah oo mudakar ah u dhaqanaa. Waa inaynu baranaa sidaynu xaalad kasta ula qabsan lahayn waayo murashaxiinta mid kasta oo ka mid ahi wuu guulaysan karaa. Anigu waxaan taageersanahay Uhuru si uu is bedel u keeno.
Hogaamiye ilaahay ka cabsanaya ayaa dhab ahaantii xukumi doona dalkan wacan ee Kenya.
waligiin nabada faafiya
Waan ka xumahay saaxiibayaal. Markii uu Riala xukunka badhkiisii helay, wuxuu magacaabay dadkii qaraabadiisa ahaa oo safiiro iyo mansabyo kale ayuu u dhiibay. Hadiise uu imika xukunka wada helo, waxaan hubaa in caruurtiisa mid ka mid ahi uu ka masuul noqon doono ciidamada difaaca Kenya, dhamaanteena waxaynu noqon doonaa dad iyaga u adeega, dadkii ay cadaawadu ka dhaxaysayna wuu ka aargoosan doonaa. Markaa Uhuru ha loo codeeyo waayo isagu cidna ma rabo inuu ka aargoosto.
Waa Raila iyo caadadiisii.
waxaan rajaynayaa in dadka ay Kenya horumar gaadhsiin doonaan, markaa aynu u ducayno
Waa maqaal wacan oo xambaarsan macluumaad ku saabsan murshaxiinta.
Mudane Raila wuxuu awoodaa inuu dalkan maamulo, waxaanan u rajaynaynaa guul inuu ka gaadho doorashada soo socota.
Waa in cidii laga guulaystaa si sharafleh u aqbashaa inay guuldarraysatay, waana inay cidii guulaysata jaanis u siisaa inay qarankan heer sare gaadhsiiso. Anigu waxaan codkayga siinayaa hogaamiyayaasha da’da yar ee firfircoonida leh! Xisbiga Jubilee xagiisa ina geeya!
RAO adiga ayaa codkayga iska leh waanan kuu ducaynayaa
Waxaan dadka reer Kenya ugu ducaynayaa inay dareeraan oo ay si nabad leh u codeeyaan.
Maqaalkani waa maqaal wacan, waxaanuu muujinaya sida dalkeenu uu isbedel dhab ah uga guda jiro, is bedelkaas oo aan u suurto gali lahayn muwaadiniinta caadiga ah ee aniga iyo adiga oo kale ah, laakiin waxaa suurto galiyay is bedelkaas waa dimuqraadiyada aynu halkan ku haysano. Anigu waxaan ku niyadsamahay in Kenya khayr badani uu sugayo hadii dustuurkan cusub si buuxda loo dhaqangaliyo. Ilaahay ha barakeeyo Kenya.
Nabada aynu ilaalino iyo isjeclaanshaha iyo is waafaqsanaanta doorashadu intay socoto iyo markay dhamaato ka dib, waana in la aqbalaa cidii la doorto, qabiilka ay doonto cidaasi ha ka soo jeedee.
Raila waa ninka kaliya ee Kenya wakhtigan xaadirka ah ku munaasibka ah, codkaygana isagaa iska leh
Raila pap.
Anigu waxaan u codayn doonaa Raila
Anigu Raila Odinga qadarin ayaan u hayaa
Agwambo ayaa ku filan!
Cidii aad rabtaan u codeeya, laakiin waxaad xusuusnaataan inaad nabada ilaalisaan. Ma garateen?
Xisbiga jubilee ayaa ku munaasib ah inuu hogaanka qabto
Murashaxani waa murashaxa kaliya ee niyada u haya in Kenya uu ka dhaco isbedel siyaasadeed iyo mid bulsheed iyo mid dhaqaale iyo mid xaga tiknoolajiyada ah, kuwa kale iyaga waxaa wada caadifad iyo dano gaar ah
Macluumaadkani waa macluumaad wacan
Uhuru wuu kormaray, oo aa ayuu u sareeyaa. Ilaahay ha ku barakeeyo, waayo waxaad tahay qof anaga naga mid ah. Codkaygana adigaa iska leh.
Raila ayaa ku filan, isagaana keeni doona is bedelka loo baahanyahay
Arrinkaasi waa mid aniga iyo ilaahay noo dhexeeya, markaa fadlan dadku nabada ha ilaaliyaan.
Anigu waxaan u codaynayaa Raila waayo waxaan u baahanahay is bedel
Anigu waxaan qabaa Uhuru wuxuu muujiyay inuu yahay nin caqabadaha jira u babac dhigi kara, markaa waa ninka ay Kenya u baahantahay.
Qabyaalada, eexda iyo kala qaybinta hantida qaranku waa waxyaabaha ay Kenya la dagaalamayso, waxaana jira waxyaabo kale oo badan, markaa waa ayo cida u gogol xaadhi karta sidii dhibaatooyinkaas aynu uga badbaadi lahayn?? Cidaasi ma musharaxiintaa?? Waa in ay marlabaad fekeraan Odinga iyo Karua iyo Mudavadi iyo Muite, waayo waxaa raadinaysa maxkamada dambiyada ee aduunka
Maalinta Isniinta ee afarta Maarso, Raila Amolo Odinga wuxuu noqon doonaa madaxwaynaha afraad ee loo doorto dalka Kenya kadib marka isbahaysiga Cord uu doorashada ku guulaysto.
Hadii dhab ahaantii waxa Kenya dhibayaa uu yahay hogaanka xun, oo hadii dustuurku uu u baahanyahay hogaamiye dhaqan galiya, markaa hogaamiyaasi waa Raila Odinga. Waxaynu ka warhaynaa sida wacan ee uu u hawl galay iyadoo uusan awood hogaamineed oo buuxda haysanin, markaa waxa laga sugaa waa wanaag hadii uu helo jawi awood dheeraad ah oo hogaamineed siinaya. Idinkaase ikhtiyaarka leh
Waxaan la yaabanahay tolow ma waxa inagu waajib ah inaynu hal xidhaaleyaasha iyo maahmaahaha ka saarno manhajka waxbarashada ee iskuulada maadaama ay dadkii qiimihii ka dileen hal xidhaaleyaashii iyo maahmaahihii, inkastoo uu nabi ciise adeegsan jiray, dadkuna ilaa waligood ay adeegsan jireen. Waalidan ha la joojiyo, waxaanan rajaynayaa inaanan mar dambe maqlin dad dhaleecaynaya adeegsiga xidhaaleyaasha iyo maahmaahaha oo aan rabin inay caruurtooda u sheegaan markay gaboobaan. Waxaan rajaynayaa in isbahaysiga CORD uu guulaysto.
Wuxuu waxoogaa wax u iftiiminayaa maqaalkani dadka aan siyaasada si wacan u ogayn. Raila cadaab ayuu dalkan usoo maray, waana nin dagaalyahan ah oo dalkiisa daacad u ah, ............. markaa wanaag ayuu mudan yahay, khayr ayaanan u rajaynayaa
Mudane injineere, inijneer garee dadka reer Kenya, waa hawl wacan
Raila waa ninka la dhawrayo, markaa bal aynu sugno sida uu Kenya uu uga dhigi doono barwaaqo. Musharixiinta kalena waxay taariikhdu ku xusi doontaa inay ka mid ahaayeen tartamayaashii ugu horeeyay ee dustuurka cusub ka bacdi doorashada u tartama. Ilaahay ka barakeeyo Raila iyo Kenya!!!
Rao wuxuu mudan yahay inuu qasriga madaxtooyada galo.
Uhuru Kenyatta waa ninka loo baahanyahay, waayo waa nin codkar ah oo indheergarad ah.
Waa in aynu u codaynaa dadka da’da yare e dalkan hagaajin doona, UHURUTO ayaa nagu filan
Ilaahay ayaa og cida dadka reer Kenya nabada u ilaalin doonta, waxaanan rajaynayaa inuu yimaado hogaamiye wacani.
Khayr ayaan idiin rajaynayaa doorashada bisha maarso 4-teeda, waxaanan leeyahya nabad ha la ilaaliyo, waayo waynu jecelnahay dalkeena Kenya?
uhuru wuu u qalmaa doorkan, waayo wax fadeexad ah oo intuu dalkan joogay ku dhacday ma jirto, waxaanan leeyahay anigu waan kugu kalsoonahay waanan ku garab taaganay waanan kuu codayn doonaa
Rao ayaa nagu filan waayo qabiil ayuu leeyahay.
Raila waa madaxwaynaha ugu wacan ee midayn kara 42-ka qabiil
Dida waa nin wacan, laakiin hadii ay dadku ugu codeeyaan sababtoo ah waa ni muslim ah halka musharaxiinta kalena ay yihiin gaalo, markaa waa ayo cida uu madaxda u noqonayaa?
Raila odinga ha loo fasaxo inuu madaxwayne noqdo si aan u eegno wuxuu dadka reer Kenya ku samayn doono
Anigu waxaan ahay qof Tanzania u dhashay, waanan daawaday dhamaan doodaha musharaxiinta madaxwaynaha. Waan ka warhayaa in dadka reer Kenya ay horyaalaan dhibaatooyin badani, taana waxay kala mid yihiin dadka reer Tanzania, laakiin anagu is badal wayn ayaanu ka gaadhnay xaga siyaasada. Dadka reer Tanzania madaxdooda kuma doortaan isku qabiil ayaanu nahay iyo isku diin ayaanu nahay iyo isku misaajid ayaanu wax ku caabudnaa, balse waxaanu dooranaa kolba kii awood iyo kalsooni u leh inuu falanqeeyo dhibaatooyinka iyo dareemada jira. Markaan eego doodaha, cida ugu wacani waa Dida
Agwambo ayaa nagu filan.
Peter Keneth, cajiib!
hogaamiyanimadu waa hawsha ugu culus, malaha odinga ayaa awood u leh.
Dadka reer Kenya waa inay siyaasiyiinta u midoobaan, waayo waxay siyaasiyiintu u dagaalamayaan inay hantidooda iyo ta qoysaskooda badiyaan, halka ay shacabkuna dhexdooda is laynayaan. Bal ka feker maxaad ka heli doontaa dilka jaarkaaga. Siyaasiga aad u dagaalamaysaa xitaa kuma yaqaano
Waxaan rajaynayaa in dhamaan dadka reer Kenya ay si xigmad leh u codeeyaan oo ay nabadana ilaalshaan.
Cord ayaa inagu filan.
Raila waa ninka kaliya ee khibradiisii hore wax ku wada. Haloo codeeyo roa, ha lo codeeyo in is bedel dhaco.
Hogaamiyaha wacan ilaahay ayaa keena, markaa waxa la gaadhay wakhtigii uu ilaahay kenya siin lahaa madaxwayne. Markaa nabada ha la ilaasho, ilaahayna waxaan ka baryaynaa inuu dhamaanteen ina hogaamiyo. Ilaahay ha barakeeyo kenya.
Codkayga adigaan ku siin doonaa Mudavadi
Raila waa ninka kaliya ee taariikh iyo khibrad hore soo yeeshay. Rao u codeeya, oo isbedelka u codeeya
Uhuru waa dookhayga ugu wacan
Odinga waa madaxwaynaha mustaqbalka ee dalka Kenya, waayo wuxuu buuxiyay dhamaan shuruudihii looga baahnaa si uu dalkan u hogaamiyo! Khayr baan kuu rajaynayaa mudane madaxwayne
Codkayga cidaan siinayaa waa sir ii gaar ah
Ilaahya Raila ha u naxariisto
Injineer Raila Odinga wuxuu buuxiyay dhamaan shuruudihii looga baahnaa qof madaxwayne ah
Uhuru pap!
Aniga codkayga waxaa iska leh mudane Kenyatta oo kaliya, kuwo kale waa inay is mashquuliyaan
Waxaan ku boorinayaa dhamaan dadka reer Kenya inay si nabad ah u codeeyaan 4-ta bisha maarso. Fadlan aan u codeyno Dida
hal qaran ayaynu nahay, musharaxiintuna dhamaantood waa walaaleheen. Dadka reer Kenya waxay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan cidii guulaysata, laakiin aniga dookhaygu waa Agwambo, dookhayga 2-aadna waa Kenyatta
Raila waa ninka munaasibka ah, cidii neceb ee ku sheegaysa inuu duqoobay waxaan leeyahay fadlan dhagaysta waxaad ku hadlaysaan, hadalkaasi se faa’ido ma idiin leeyahay. Hadii aydaan haynin wax wanaagsan oo aad ku hadashaan, iska aamusa
Codkayga waxaan siin doonaa Rao.
Uhuru waa ninka kaliya ee dhamaantood kawada guulaysan doona
Halkaa kasii wada, runtii waa maqaal macluumaad badan leh!
Raila waa ninka la dhawrayo 4-ta bisha maarso ee sanadka 2013, aniguna isagaan madaxwayne u dooranayaa.
Wareega afraad ee madaxtinimada Kenya waxaa iska leh ina Adonija, kaas oo ku magac dheer Mudane Amollo Odinga. Markaa doorkan waa in faraha laga qaada oo biyaha la dhex muquuraa, waana inaynu la dabaalanaa kaluunka Omena iyo noocyadiisa kala duwan ee biyaha ku dhex jira, kaasoo ah miday biyuhu buuraha kaga duwan yihiin.
Waa inaan dooranaa hogaamiyayaala qaangaadh ah, kuwaasoo dalkan khibrad u leh
Raila Odinga musharaxiinta kale wuu ka horeeyaa, waana nin duruufo iyo caqabado badan kasoo gudbay oo isagaa Kenya dimuqraadiyada ka hirgaliyay, halka kuwa kale ay heesayeen. Raila waa aabaha dimuqraadiyada Kenya.
Anigu Raila uguma codaynayo inaanu isku hayb nahay, maya taasi ma jirto. Laakiin waxaan ugu codaynayaa wuxuu buuxiyay shuruudii. Isbahaysiga CORD wuxuu leeyahay awood hogaamineed, iyo mid maamul, iyo xidhiidh caalami ah, iyo khibrad siyaasadeed, hadday tahay khibrad muxaafidnimo iyo mid mucaaradnimo labadaba (kalonzo iyo raila). Markaa waxaan leeyahay dadka reer Kenya gacmaha is qabsada oo xisbiga CORD fursad siiya si ay Kenya uga dhigaan meel dadkeeda u wanaagsan. Ilaahay ha barakeeyo.
Uhuru waa nin wax midayn kara oo ay Kenya u baahantahay, hadii kale waynu halaagsami doonaa. Aketch
Anigu waxaan u codayn doonaa raila
anigu waxaan u codayn doonaa mudane Amolo, waayo waa nin wax hagaajiyay
Raila wuu buuxiyay dhamaan shuruudihii, markaa Raila waxaan leeyahay hore u soco oo Kenya ka yeel sidii la rabay inay noqoto
Maxaan loogu codaynayn mudane Raila, sababtoo ah isagaa dhab ahaantii u dagaalamay dimuqraadiyada aynu hadda ku raaxaysanayno, taasoo qofkii dhashay casrigan ay Kenya u gudubtay nidaamka axsaabta badan mooyee uusan qof kaleeto fahmaynin.
Raila waa ninka dalkan gaadhsiin kara heer sare, markaa aynu u codayno raila
Gobolkee ayuu Paul Muite wax ka bartay. Arrinkaa lama tilmaamin
Raila waa ninka kaliya ee meesha jira, waxa kale waa iska yeel yeel
Anigu waxaan u codayn doonaa Raila, waayo waa ninka dalkan is bedel u keeni kara. Ilaahay ha barakeeyo Kenya.
Waa nin maskax badan oo yididiilo leh, oo laga heli karo macluumaad muhiim ah. Ilaahay ha barakeeyo raila. waa anigoo ah Kidero!
Markaan la eego taariikhda kor ku qoran, waxaa cad in Raila Odinga uu yahay musharaxa kaliya ee ku munaasibka ah inuu maamulo qarankan. Raila Tosha
Isagaa furaha u haya wax kasta oo ay rabaan dadka reer Kenya iyo wax kasta oo ay u riyaaqayaan. Waa nin talaabo kasta oo uu qaadaa ay sax tahay, waana hogaamiyaha dhabta ah ee loo riyaaqayo lana rabo. Waxaan ka hadlayaa mudane Raila Amollo Odinga, ee cidkale maaha. Markaa dadka reer Kenya waxaan leeyahay isaga u codeeya, waligiina is qoomamayn maysaan.
Aniga codkayga waxaa iska leh mudane Amollo Odinga. Hadalkasta oo uu dhaho hadal fudud ayaa laga soo qaadaa, laakiin aakhirka waxaa cadaata in hadalkiisu uu qiimo badan ku fadhiyo oo uu dhab yahay. Markaa waa hogaamiyaha ay Kenya u ooyayso, waxaanan leeyahay isaga haloo codeeyo, waxaanad arki doontaan oo aad dareemi doontaan is bedel dhab ah.
Ilaahay ha barakeeyo Rao, anigu isagaan garab taaganahay, waxaanan rajaynayaa in 4-ta bisha maarso hore loo gaadho.
Aniga dookhaygu waa Raila Ammolo Odinga
Anigu waxaan ku faraxsanahay inaan u gudbi doono casri cusub oo Digital ah, kaas oo uu ina hogaamin doono hogaamiyaha da’da yare e Uhuru. Uhuru isaga ayuu qalbigaygu doortay, waanan u ducaynayaa isaga iyo Kenya labadaba, waxaanan ku baaqayaa in la aqbalo natiijada hadii la inaga badiyo, oo aynu doorka soo socda markale isku dayno
dida waa codka shacabka
Mohamed dida waa kacaanka aynu u baahanahay, markaa codkayga isagaan siinayaa.
Xisbiga Jubilee hadaanu nahay wareega koowaadba waanu guulaysan doonaa, markaa looma baahna in dadka reer Kenya ay muddo dheer maskaxdoodu doorashooyinka ku mashquulsanaato. Ilaahay ha barakeeyo Kenya, iyo xisbiga Jubilee, Uhuru isagana waxaan leeyahay halkaa kasii wad hawsha.
Marka la eego taariikh nololeedkooda, waxaa hadda ay fursad u haystaan inay doortaan cida ay u arkaan inay ugu wacan tahay. Sidoo kale, dadka reer Kenya way garanayaan cida ugu wacan ee Kenya hogaamin karta, isla markaana gaadhsiin karta heer sare. Dadka Kenya waxaan leeyahay si miyir leh u codeeya oo maskaxdiinu ha shaqayso.
Ilaahay ha barakeeyo Raila, anigu adigaan kuu codeyn doonaa.
Dhamaan walaaleheena reer Kenya waxaan u rajaynayaa khayr. Dhamaan murashaxiintu waa kuwo u qalma mansabka hogaaminta Kenya, laakiin ilaahay ayaa og cida ugu mudnaanta badan dhexdooda ee ku munaasibka ah inay hogaamiso Kenya mudada soo socota. Waxaa sidoo kale wacan in natiijada doorashooyinka la aqbalo, si ay Kenya u noqoto meel ammaan ah oo nabad waarta ku jirta.
Raila waa nin da’ wayn oo aan dalkan xukumi karin
musalia mudavadi waa nin si dhab ah wax u hagaajin kara…isagaanan codkayga siinayaa
waa in murashaxiintu ay aqbalaan in laga badiyay si aysan colaadi u dhicin, waayo qof kaliya ayaa madaxwayne noqon kara
Raila waa munaasib
Dadka reer Kenya waa inay u codeeyaan isbahaysiga kacaanka ee CORD si aragtida sanadka 2030-ka ku aadan loo fuliyo.
Raila ayaa badbaadin doona kuwa dhibaatoonaya
Mudane Odinga waxaad tahay nin si dhab ah wax u hagaajiyay oo loo riyaaqo. Markaa halkaa kasii wad
Asc. Codkeyga waxaan siinayaa Maclim Dida 4/3/2013 haddii aad Eebe ka raali noqdo. Waa halka nin oo ka imaaday waqooyi bari ee iisu soo sharxo jagada madaxtinimo ee Kenya tan iyo waqtigii kenya xornimada qaadatay. Waa tilaaba horumar leh waana wixii aan dooneynay. Waxaan kacodsanayaa dadweynaha kunool waqoyi bari in aay la saftaan Maclin Dida oo aay tageera buuxda siiyaan. Hoos ha u digina walaalkiina Muslimka ah oo ha aadina gaalada. Guul ayaan u rajeynaa maalim Dida. Wsc. Waad mahadsantahiin.
Waxaa muhiim ah in doorashooyinkani ay si dimuqraadi ah u dhacaan. Waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu barakeeyo doorashooyinka, si aysan u dhicin dhibaatooyinkii dhacay sanadkii 2007. Ilaahay ka barakeeyo dalka Kenya.
Aniga waxay ila tahay dadka reer Kenya waa inay sadex hogaamiye kala doortaan, kuwaasoo ah dida iyo keneth iyo karua, waayo iyagaa is bedel keeni kara.