Nofeembar 02, 2012
Taniyo burburkii dawladdii dhexe 1991-dii, Soomaaliya waxay soo yeelatay dawlado ku meel gaadh ahaa oo is-daba jooga, iyagoo qaar ka mid ah aysan anfac lahayn ama ay ahaayeen sidii wax aan jirin. Balse dhalashada dawlad cusub oo rasmi ah darteed, Soomaaliya waxay bilowday inay ka tagto xilligii kala guurka ahaa.
Sanadka 2012-da, sharci dajiyeyaasha Soomaaliyeed ayaa ku guulaysatay inay ansixiyaan dastuur cusub, kaddibna madaxweyne ugu doortay Xassan Sheekh Maxamuud doorashadii ugu horaysay ee lagu qabto Soomaaliya muddo ka badan labaatan sanadood.
Janaayo 26, 1991: Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa la riday. Tartan awoodeed dhex maray dagaal oogayaashii qabiillada ayaa dilay ama dhaawacay kumanaan shacab ah.
Juunyo 1991: Shan bilood kaddid markay dhacday dawladdii dhexe ee Soomaaliya, Madaxweynaha Jabuuti Xassan Guuleed Abtidoon wuxuu ku casuumay kooxaha dagaalamaya inay ku wada hadlaan Jabuuti markii ugu horraysay.
Luuliyo 1991: Shir labaad ayaa lagu qabtay Jabuuti kaasoo kooxihii ka qayb galay ay ku heshiiyeen in loo doorto Cali Mahdi Maxamed madaxweynaha Soomaaliya ee ku-meel-gaadhka ah muddo laba sanadood ah.
Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid wuxuu qaadacay doorashada Maxamed ee jagada madaxweynaha ku-meel-gaadhka ah.
Janaayo 1993: Qaramada Midoobay ayaa maal galiyay shir ay isugu yimaadeen kooxaha dagaalamaya oo ka dhacay Addis Ababa, Itoobiya si loo af jaro dagaalka sokeeye ee socda.
Maarso 1993: Kooxaha iska soo horjeeda ayaa saxiixay Heshiiskii Addis Ababa oo ay ku aqbaleen heshiis iyo hub dhigis, balse dagaalkii sokeeye ayaa sii socday, heshiiskiina wuu kala dhacay.
Oktoobar 1996: Madaxweynii hore ee Kenya Daniel Arap Moi wuxuu ku casuumay saddexdii hoggaamiye kooxeed ee ugu waynaa-- Cali Mahdi Maxamed, Xusseen Caydiid iyo Cusmaan Caato -- wada hadal nabadeed oo Nairobi lagu qabanayay.
Nofeembar 1996-Janaayo 1997: Dadaal nabadeedkii Moi waxaa hor joogsaday Itoobiya markay ka casuumeen 26 kooxood shir nabadeed ka dhacay Sodere, Ethiopia. Wada hadalladii Sodere waxay socdeen Nofeembar 1996 illaa Janaayo 1997, iyadoo 41 hoggaamiye qabiil ay matalayeen 26 kooxood.
Nofeembar 1997: Shirkii Sodere waxaa marin habaabiyay shir kale ee dib-u-heshiisiin ah oo Qaahira loogu qabtay kooxaha Soomaaliya oo dagaalku ka dhexeeyo.
Maayo 2000-Agoosto 2000: Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelleh wuxuu marti sooray Shirkii Qaran ee Nabadaynta Soomaaliya ee Carta, kaasoo curiyay Dawladda Qaranka ee Ku-meel Gaadhka ah (TNG). Xildhibaanada Soomaaliyeed waxay madaxweynaha TNG u doorteen Cabdiqasim Salaad Xassan.
Diseembar 2003: Guddigii maamulka DQKM waxay baahiyeen inay masalifeen.
Oktoobar 2002-Oktoobar 2004: Guddi Dawladeedka Horumarka (IGAD) ayaa maal galiyay Shirkii Dib-u-heshiisiinta Qaranka Soomaaliya ee ka dhacay Eldoret, Kenya. Wada hadalladu waxay horseedeen in la aqbalo Qaraarka Ku-meel-gaadhka Federaalka ah iyo doorashadii Cabdillahi Yusuf Axmed madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Ku-meel Gaadhka ah (DFKM), taasoo bedeshay DQKM. DFKM waxaa loo qorsheeyay inay Soomaaliya ka gudbiso xilliga kala-guurka ah markuu wakhtigeedu dhamaado Agoosto 2009.
Juunyo 2006-Diseembar 2006: Midawga Maxaakimta Islaamiga ah (ICU) oo uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka talinayay koonfurta Soomaaliya inteeda badan kaddib markay dagaal-oogayaashii Soomaaliya ka saareen Muqdisho.
Diseembar 2006: Ciidan isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa qabsaday Muqdishu kaddib markii ICU xoog looga saaray magaalada.
Janaayo 2007: Guddiga Midowga Afrika ee Nabadda iyo Ammaanka ayaa sameeyay Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ah ciidan nabad sugid oo markii hore loo qorsheeyay inay lix bilood ku taageeraan dadaallada heshiiska. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ansixiyay howlgalka Febraayo.
Sebteembar 2007: Hoggaamiyeyaasha ICU iyo qaybo mucaarad ah oo ka tirsan DFKM ayaa ku kulmay Asmara, Eriteria kuwaasoo curiyay Ururka Dib-u-xoraynta Soomaaliya (ARS).
Juunyo 2008: Dawladda ayaa Jabuuti kula saxiixatay heshiis saddex bilood ah oo xabad joojin ah ARS, balse hoggaamiyaha ARS Xassan Daahir Aweys wuu diiday heshiiska, kaasoo horseeday inuu ururku dhexda ka kala jajabo.
Maayo 2008-Juunyo 2008: Xildhibaano ka socda DFKM iyo ARS ayaa ku kulmay Jabuuti intii u dhexaysay Maayo 31-deedii iyo Juunyo 9-keedii kuwaasoo saxiixay heshiis nabadeed.
Janaayo 2009: Sharci dajiyeyaasha Soomaaliya waxay ku doorteen Jabuuti Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyagoo 2 sano ku kordhiyay xilligii DFKM oo ahaa shan sano.
Febraayo 2011: Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu u codeeyay in saddex sano oo dheeraad ah loogu sii daro xilligii loo qorsheeyay Hay'adaha Federaalka ee Ku-meel-gaadhka ah iyagoo diidmo kala kulmay daawadayaasha caalimiga ah. Waxay taasi dhalisay xurguf ka dhex dhalatay afhayeenka baarlamaanka iyo madaxweynaha oo mid waliba uu dalbaday in xilligiisa oo kaliya la kordhiyo.
Juunyo 9, 2011: Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Afhayeenka Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa saxiixay Heshiiskii Kampala oo hal sano loogu kordhiyay xilligoodii dhamaan waaxyaha federaalka ku-meel-gaadhka ah. Heshiiska awgiis, DFKM waxaa laga doonayay inay sameeyaan dastuur federaal ah, doortaan madaxweyne kana saaraan Soomaaliya xaaladda ku-meel-gaadhnimo Agoosto 20-keeda, 2012.
Sebteembar 6, 2011: Hoggaamiyeyaal Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah ee joogay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay Qorshaha Nabadda, liis qoraya daraasiin hab oo loogu hoggaaminayo Soomaaliya dawlad rasmi ah. Waxaa ku jiray qorsheyaal looga hortagayo burcad badeednimada, lagu askaraynayo kooxaha maleeshiyada maxalliga ah, u diyaar garowga doorashada, qaabaynta hawlgallo nabad-dhisid iyo ka hortagga musuq-maasuqa.
Diseembar 24, 2011: Hogaamiyeyaal ka kala yimid baaxada Soomaaliya ayaa saxiixay Heshiiskii Garoowe, iyagoo qorshe u sameeyay dawlad rasmi ah una qoondeeyay tiro go'an xildhiibaanimada dumarka ee baarlamaanka.
Febraayo 18, 2012: Hogaamiyeyaal ka kala yimid baaxada Soomaaliya ayaa saxiixay Heshiiskii 2-aad ee Garoowe, iyagoo qaabeeyay samayska nidaam federaal ah, nidaamyo doorasho iyo baarlamaan oo badalaya DFKM Agoosto.
Maarso 26, 2012: Hogaamiyeyaal Soomaaliyeed ee ku sugan Gaalkacyo ayaa aqbalay inay hawlgaliyaan tallaabooyn muhiim ah oo ku jiray Qorshaha Nabadda si loo gabagabeeyo xilliga kala-guurka, iyagoo waasiciyay heshiisyadii hore ee Garoowe kuna sii dheeraaday sharaxa tallaabooyin la'isku raacinayo dawlad goboleedyada Soomaaliya.
Maayo 31-Juunyo 1, 2012: Hoggaamiyeyaal Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah ayaa ku kulmay Istanbul, iyagoo ugu baaqay beesha caalamka inay sii wadaan taageeradooda dhisidda iyo si fiican u qalabeynta ciidamada ammaanka Soomaaliya, oo ay ku jiraan ciidanka bilayska qaranka, badda, ilaalada badda iyo hay'ado sirdoon inta ay socoto dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.
Juunyo 20-21, 2012: Shir rasmiyeed laba maalmood socday ayaa dhex maray DFKM iyo Somaliland oo lagu qabtay London, kaasoo dhaliyay wada-hadalkii koobaad oo toos u dhex mara labada kooxood in ka badan 20 sanadood.
Maayo 21-23, 2012: Kuwii saxiixay Qorshaha Nabadda oo ku kulmay Addis Ababa kuna heshiiyay muddooyin is-daba taxan oo loo qabtay dhisidda hay'ado munaasab ah iyo in loo sameeyo Soomaaliya dastuur cusub.
Agoosto 1, 2012: Shirka Dastuurka Qaranka Soomaaliyeed xildhibaanadiisa ayaa si xooggan ugu codeeyay in dalka loo sameeyo dastuur cusub.
Agoosto 20, 2012: Baarlamaankii cusbaa ee Soomaliya ayaa lagu dhaariyay gegida diyaaradaha Muqdisho, taasoo tilmaan u noqotay dhamaadkii xilligii kala-guurka ee dalka.
Sebteembar 10-keedii, 2012: Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku doortay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud doorashadii u horaysay ee madaxtinimo oo lagu qabto gudaha Soomaaliya in ka badan labaatan sanadood.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Runtii qoraaga maqaalkani waa nin aad u cajiib ah. Muxuu u xusi waayay tafaasiisha ku saabsan kala go’ii ay waqooyiga soomaaliya iyo soomaaliya inteeda kale ay kala go’een? Miyuusan arrinkaasi ahayn dhacdooyinkii labaatankii sano ee ugu dambeeyay dhacay kuwii ugu waawaynaa? Muxuuse yahay macnaha ku jira kulamada isdaba jooga ah ee dhex maraya labada dal ee ay bulshada caalamku goob jooga ka tahay? Maxaad u xusi wayday shirarkii dibu heshiisiinta ee ka dhacay waqooyiga soomaalia sannadihii 1993 iyo 1996 ee aan wax faragalin ah oo ajnabi ahi aysan saamaynin, ee gabi ahaamba ahaa kuwo dadaalkayaga ku salaysan? Runtii indha la’aantu kuma koobna oo kaliya qofka indhihiisa.
Waa mid loo baahan yahay in ay ogaadaan xiliyadii kala duwana ee ay soo martay bulsho weynta soomaaliyeed laakiin tafatirida waa muhiim
msha alah ad iyo ad ayan idin so dhaweyna madama ad somali falaqeyteda ad ka hdleysan
maasha Allaah wlh wan ku farxey walaaliyal qaabka quruxda badan oo ad u soo diyaariseen taariikhda waddankeena wadna ku mahad san tihiin inkastoo an ahay wiil iska da yer oo an waxba ka arag dowladii hore haba u badnatee aabahii soomaaliya m,siyad bare
salamu lahi dhamantiin waxan leeyahay tani waa guu shii ugu horaysay iyo hami arxadeed dowladnimo oo ay gaaran dadka soo maaliyeed mahaduna waa allah iyo madax somaliya oo isku dulqaatay hadana waxaan leedhahay yaan laga daalin niyad dhiska iyo farxad galinta dadka so maliyed taas aya wanxkasta lagu gara halabadiyo hay adaha baraa rujinta shacabka iyo niyad jabinta cadawga iyo waxka qabashada amniga iyo muuqaalka dowladnimo good by all of you
Hadii dawlad adag soomaaliya laga dhiso dadka soomaaliyeed cagohooda ayay isku taagi doonaan
Walaalo aad iyo aad ayan idinkaga mahadcelinayaa inshalah. waxaan filayaa aniga iyo inbadan in eey anfaceyso taarikhda dalkena.
Fikradani waa mid runtii wacan oo aan soo dhawaynayno, anigu shakhsiyan waan la dhacay, waayo maqaalkani wuxuu I xusuusiyay waxyaabo badan oo aanan waligay arag, dabcan sababtuna waxay ahayd maan jirin ama bilaa caqli ayaan ahaa, markaa qoraaga maqaalka waan u mahadcelinayaa. Maqaaladani waa waxa anagu hadaanu dhalinyarada nahay aanu u baahannahay, ugu dambayntiina waxaan u ducaynayaa dalkayga, waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu barakeeyo oo uu nabad ka dhaliyo dalkayga. Mahadsanidiin.
Asc, walalayal, wey ficantahay in qoraal ama warbixin rasmi ah ay lahaato taariqda somalia. Ahsante by,dr.abdrahman
way wacan tahay in dalka loo daacad noqdo wareegan
Xassan ayaa ugu wacan
Soomaaliya waxaan u rajaynayaa inay gasho safar wacan oo nabdoon, sababtoo ah dadka soomaaliyeed muddo dheer oo ilaa 1991-kii ah ayaysan xukuumad haysanin ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 7.12.12 oo ay heleen xukuumad si kasta ha ahaatee cageheeda isku taagtay. Soomaaliya waxaan leenahay kor u kac, waayo dunidaa kuu baahan, adoo xukuumad wacan haysta.
xaalad cusub oo lasoogudboo natay gobolka gedo
Arrinkani waa xaqiiq ku salaysan horumarka ay soomaaliya ku talaabsatay ee ay rabto inay ku gaadho dawlad dhexe oo xasiloon oo ka dhalata dalka soomaaliyeed.
Waxay ila tahay tani waa guntii iyo gunaanadkii labaatan sano oo dagaalo sokeeye ah, sababtoo ah dal kasta oo dunidan ku yaala waxaa soo maray wakhtiyo aad u adag.
Mar hadii ay soomaaliya dagto waxay dhamaan bariga iyo badhtamaha afrikaba galin doontaa dardar cusub, waayo waxaa dalka ku nool dad hawlkar ah oo dhaqaalaha gaadhsiin kara heersare.
Ciidanka milatariga soomaaliya ayaa haya furaha guusha oo isagay guushu ku xidhantahay, waxanan leeyahay ha noolaado ciidanka qaranka soomaaliyeed iyo jeneraal dhagabadane
Waxan,silamafilan aan uhelay webkan ooaan kahelay tariiqo igakala,dadsanaa.
inkastoo farxadi ka dhalatay somaliya, hadan marnaba somali sin ku wada heshiin mayso. waxaa quruxbadan inay somalidu dhamaan midoobaan, Haddii kale waligeed qabyadaas bay ahaanaysaa ilaa. qiyaamuhu u dhacayo.
waxaan aad u gu faraxsanahay iney soomaaliya yeelato dowlad rasmiah waxaan alle katuugeenaa inuu noo siixoojiyo nabada hadey nabad dhlato waxaa hubaa in datka ku nool dibadaha ineey kusoo laaban doonaan dalkooda hooyo alloow nasii nabad alloow hanoo baahin shi sheeye alliiw ee noobaah daan shi sheeyaha
Asc all voi runti aniga waxan is leeyahay wadanka is badal weyn aya ka dhacay mudane xasan shikh mahamad sidan filayo waa jibaad kiisa inuu kudanayo shaqsi ahaan waxan leyahay mudane wax barasho hora marleh
masha allah, aad ayaan ugu riyaaqay qoralkaan aad ayuu u ficanyahay wax lamidb ahne ma arag, ani ahaan wuxuu ixasuusiyay waxyaalo farabadan oon usoo jogay aan indhaheyga ku arkaayay, waxaan isweedinjiray gormee laga baxaa sidaan. balse manta masha allah walaga baxay waxana rajenayaa sidaan si kafiican. anagoo somali kaliya ah oo anaga ismaamuleeno. cidankeena somaliyeed kaliya na mamulaayo ayaan rajenayaa. waxaan u mahad celinayaa ruxii qoray qoralkaan iyo inta ka qeybqadatay.
way ficantahay madama ad naxasusisen tarikhda somalia mahadsanidin