Oktoobar 12, 2012
Sideed iyo toban wariye ayaa ilaa iyo hada lagu dilay sanadkan bambooyin iyo hub, taas ayaa cadaynaysa sababta ay kooxaha u dooda xuquuqda saxaafada sida Wariyayaasha aan Xuduudka Lahayn (RSF) ay ugu yeedhay sanadka 2012 "sanadkii ugu dilka badnaa" ee diiwaan gashan dhinaca wariyayaasha Somaaliya, taas oo ka badatay sanadkii 2009 wakhtigaas oo sagaal ay dhimatay.
RSF ayaa wadanka sidaas u aqoonsatay kadib markii labo isqarxin ah ay ku dishay ugu yaraan 14 qof , kuwas oo ay ku jireen sadex wariye, dhaawacdayna 20 kale qaraxaas oo ka dhacay mukhaayad ku taala Muqdisho bishii Sebtember 20-keedii. Hal usbuuc ka dib, ayaa laba wariye oo kale lagu dilay magaalada caasimada ah.
Hay'ada Xuquuqda Aaadamaha Ilaalisa (HRW) ayaa ka codsatay dawlada cusub ee Soomaaliya in ay aramrto baadhitaan lagu sameeyo dilitaanka wariyayaasha .
"Wariyayaasha Soomaaliyeed ayaa markii horaba liiska dadka la yool beegsanayo meesha hore kaga jiray, kuwaas oo dhinacayada is haya oo dhan ay qayb ka ahaayeen xiligii dagaalka sokeeye uu wadanka ka socday," Leslie Lefkow, oo kuxigeenka madaxa HRW ee qaybta Afrika ayaa sidaas sheegtay Sebtember 24-teedii. "Dawlada cusub ee Soomaaliya ayaa samayn karta in ay joojiso qaabkan aadka u naxdinta leh iyada oo si deg deg ah ku amraysa in si aad ah loo baadho dilalkaas."
Tani ma aha markii ugu horaysay ee RSF ay ku dhawaaqday in aad looga taxadaro dhibaatooyinka ka dhanka ah wariyayaasha ee Soomaaliya. Sanadkii 2011 ayay ka dhigtay Soomaaliya wadanka ugu dilka badan Afrika ee dhinaca wariyayaaysha, iyada oo intaas ku dartay in 25 wariye lagu dilay Soomaaliya sanadihii u dhaxeeyay 2007-2011.
Janaayo 28-deedii: Qof hubaysan oon la garanaynin ayaa toogtay dilayna Xasan Cusmaan Cabdi oo loo yaqaanay Xasan Fantastic , meel u dhaw gurigiisa oo ku taala degmada Wadajir, oo ah koonfurta Muqdisho. Wuxuu ahaa madaxa hay'ada maxada banaan ee Shabelle Media Network. Madaxwaynihii hore ee Sharif Sheekh Axmed ayaa sheegay in al-Shabaab in ay mas'uul ka tahay dilka Cabdi.
Feebaraayo 28-deedii: Qof hubaysan oon la garanaynin ayaa toogtay dilayna Abuubakar Xasan Kadaf, oo ahaa madaxii hore ee Idaacada Soomaaliwayn , meel duleedka gurigiisa ah ee Muqdisho.
Maarso 4-teedii: Wariye Cali Axmed Cabdi ayaa lagu toogtay laguna dilay aaga Gaalkacyo waqooyogeeda isaga oo gurigiisa u socda kana yimid Raadiyo Gaalkacyo oo uu u shaqanayay.
Abriil 5-teedii: Dad hubaysan oo aan la garanaynin ayaa dilay Mahad Salaad Aadan kuna dilay Baladwayne , isaga oo ahaa tafatiraha Codka Hiiraan oo ah radiyo maxali ah ahaana wariye u shaqeeya Raadiyo Shabeele oo muqdisho ku yaala. Wuxuu ka soo warami jiray dagaalada dhax mara al-Shabaab iyo kooxda Ahlu Sunna wal Jamaa oo dawlada la jaalka ah.
Maajo 3-deedii: Dad madaxa dooban oo hubaysan ayaa toogtay dilayna Farxaan Jeemis Cabdulle, oo ahaa wariye ka shaqeeya Raadiyo Daljir ee Gaalkacyo , isaga oo gurigiisa u socda.
Maajo 24-teedii: Dad hubaysan oo la garanaynin ayaa toogtay Axmed Cadow Canshuur oo ka tirsanaa Shabelle Media Network meel u dhaw gurigiisa oo ku yaala xaafada Dharkeenlay ee Muqdisho.
Jululaay 7-deedii: Cabdiqaadir Cumar Cabdulle, oo ahaa wariye ka shaqeeya Universal TV ee sida gaarka ah loo leeyahay , ayaa afar jeer xabbad ku dhufteen dad aan la aqoonin oo hubaysan meel u dhaw gurigiisa oo ku yaala xaafada Madiina ee Muqdisho, laakiinse wuu ka samatabaxay.
Juulaay 31-deedii: Wariyaha Soomaaliyeed ahaana maadayste Cabdi Malaaq Jaylaani, loona yaqaano Maarshaale , ayaa si halis ah toogu toogtay gurigiisa hortiisa ee degmada Waabari ee Muqdisho. Jaylaani ayaa u shaqaynayay dhawr xarumo idaacadood iyo talefishin, isaga oo ka qayb qaatay wax ka sheegida al-Shabaab.
Agoosto 12-keedii: Wariyaha ruug cadaaga ah, ahaana maamulaha xidhiidhka warbaahinta ee Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaadhsiinta Yuusuf Cali Cusmaan ayaa dilay nin aan la garanaynin kuna dilay xaafada Dharkaynlay .
Wariyaha Codka Dimuuquraadiyada Maxamuud Beneyste , oo 22 jir ahaa ayaa la dilay galabtii isaga oo sawirro ka qaadaya meel u dhaw Garoonka Muqdisho.
Sebtember 16-keedii: Dad aan la garanaynin ayaa dilay Sakariye Maxamed Maxamuud Macalin oo ahaa qof madax banaan oo wax duuba , muqdisho ayaana lagu dilay .
Sebtember 20-keedii: Labo is qarxin ayaa dishay ugu yaraan 14 qof, dhaawacdayna 20 kale iyaga oo jooga mukhaayad ku taala Muqdisho. Sadex wariye ayaa lagu dilay weerarkaas : Liibaan Cali Nuur, oo ahaa madaxa qaybta wararka ee Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed; Cabdisatar Daahir Sabriye, madaxa barnaamijta ee Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed; iyo Cabdiraxmaan Yaasiin, madaxa Codka Dimuuquraadiyada oo ah xarun idaacadeed oo madax banaan.
Wariye afraad oo ah Xasan Yuusuf Absuge oo ka shaqeeya xarunta idaacada maxada banaan ee Raadiyo Maanta, ayaa kadib la dilay markii uu war ku saabsan ismiidaamaynta soo diray.
Sebtember 27-deedii: Jidh madaxa laga joogay oo ahaa Wariayaha ciyaaraha ee Cabdiraxmaan Maxamed Cali ayaa laga helay degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Cali ayaa waxaa qafaashay rag hubaysan meel u dhaw Suuqa Hilibka horaantii maalintaas. Wuxuu u shaqaynayay websitka wararka ciyaaraha ee Ciyaaraha Maanta.
Sebtember 28-deedii: Dad aan la garanaynin ayaa toogtay dilayna Axmed Fabdullahi Faarax , oo 32 jir ahaa kana shaqaynayay Hay'ada Wararka ee Yamen, waxaa lagu dilay xaafada Dharkaynlay.
Oktoobar 21-keedii: Laba nin oo hubaysan oon la garanayn ayaa xabadka ka toogtay wariyaha Shabakadda Warbaahinta Shabeelle Maxamed Maxamuud Tuuryare xilli uu ka soo baxay masaajid ku yaalla Muqdisho salaaddii Maqrib kaddib. Tuuryare wuxuu dhaawacyada soo gaaray ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla Muqdisho Oktoobar 28-keedii.
Oktoobar 23-keedii: Rag hubaysan ayaa toogasho ku dilay Axmed Faarax Ilyaas oo magaalada waqooyi ee Laascaanood uga shaqaynayay taleefishanka madaxa bannaan ee saldhiggiisu yahay London ee Universal TV.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Inkastoo ay yihiin indhihii bulshada, hase yeeshee musuqmaasuq ayay wadaan, waana in la laayaa dadka aan isbedelka rabin. Waxaan aniga laftaydu ka cabsanayaa in taasoo kale igu dhacdo. Alka Nairobi kenya
Anigu aad ayaan u cambaaraynayaa dadyowgan dilalka gaystay, waayo waxay ceeb usoo jiideen qaaradeenii, waxaana hubaal ah inay aad uga sii xun yihiin gumaystayaashii, waligoodna wanaag arki maayaan aduun iyo aakhiro midna.
waan ka xumahay inladilo saxafiyiinta soomaaliyeed
waxaan leeyahay waa xaalufin loogu talagalay dadka indhaha u ah warbaahinta iyo bulshadaba , marka tani waxay muujinaysaa in dadka kuwoodii ugu wanaagsana sheeda laga arkooday naf u hurayaasha tusaya markasta dadka qaldan oo si xun wax raadinaya , ayna arkeen calooshooda ushaqaysta yaashu in ay khilaafsantahay dantooda .
wlhy wuxuu ila yahay mucjisadii ugu waynayd oosoo marta dalka somaliya hadaan nahay nahay shacabka somali waxay nagu tahay dhacdo layaab leh waxaana ku boorinaynaa dadka dilaya wariyaasha inay iska dhaafaan dad masaakiinaa oon waxba galabsan
Aad ayaan uga xumahay dilka weriyayaasha soomaaliyeed loogeysanayo.allah ayaan kabaryayaa in ay yaraadan oo ay joogsadaan dilkaasi. dadweynahana waxaan kacodsanayaa inay dhammaantood ilaaliyaan nabadgelyada qofkastoo soomaaliya.
aaaad ayaaan ua xumahay waxa ka dhacaya somaliya
anigu waxaan layaabanahay dadkan laynaaya qofmiskiina oo iska shaqaysanaaya oo aan qorisidan cid dulaan ku ahayn waxaan kale oo aan aad ulayaabay waxa aykahelaayaan qofislaam ah oo ILAAHAY dhiigiisa inaga xaraantinimeeyey waxaan leeyahay waxaa laynayaa waa niman qandaraaskusooqatay oo ay yuhuudi lacagsiiso
Anigu kama murugaysni geeridaada, waayo waxaan ogahay inaysan ahayn wax laga baxsan karo, sababtoo ah wax kastaa ilaahya xagiisa ayuu u laaban doonaa. Laakiin dadka iyagu daminaya iftiinka ama nuurka, ilaahay ayaa nacdali doona oo dunidan ku abaal marin doona. Kuwiina dhintay waxaad ahaydeen dagaalyahano u dirira soo dhicinta xuquuqda dadka itaalka daran, waxaanad u hadli jirteen dadka aan awood u haysanin inay dantooda ka hadlaan
clqaadr jaamac waxaan umalaynayaa waa masililbo ku habsatay umada soomaleed waan dhib aan xal lahay
waxan alle uga baryaa wariyaasha sida xaqdarada ah logu dilay gudaha dalka soomaaliya janatul fardoowso inuu allee ka waraabiyo cidii ka dambeysayna cadaabta alle ugu bishaareeyo wayo waxa lagu dilay si waxuushnimo ah wiiriye hadusan jirin warba lama heleen wariyaha waa indhaha iyo dhagaha qofka maqan waana u adeegaha danta guud ee bulshada
waa waxa laga xumado in la dilo qof dadka iyo dalka u adegaya marxaladan adag waan ka xunahay aniga iyo asxaabtayda dhamaan waxa loo gaysato saxfiyinta soomaliya waa in la dhowra saxafiga waayo waa indhaha bulashadan nolada miilkasta aad joogtan way dhamaan hawshan wana lal xisabtamaya cidwalba oo khalad ka gashay saxafi somaliyaad in sha allah
walahi waxan aad uga anadxay weriyayasha lagu diilay dalkoodi waxba aanay gaysan oo aay dalkoodi wixi jirka wax kasoo qorayan walhi waa arin laga naxo qof kasto muslim ahiba waa ka naxya marka waxan leeyahay qof aan waxba ku gay san haku cadab mudan waana walal marka waxan leyahay illow ka dul qad dhibka haysat suxufiyintayada
waxaa waxlagaxumaada ah dilka loogaystay wariyaasha soomaaliyed ee halkan kuxusan waana xanuun aad udaran oo ku yaala bahda saxaafada soomaliyed iyo dhamaan dhalinyarada soomaliyed laakin waa ilahay mahadii hadii lasoo afjaray cadawgii dilay dadbadan oo aad qaali ugu ah umada somaliyed
haa waa sax wana ka xuma hay runtii
Maasha Allaah ALE Ha U Naxariiso Teda Kale Wariyaasha Waxaa Lo Dilaa Xogta Rasmiga Bey U Soo Gudbiyaan Shacabka Arintaas Bey U Dilaan Kuwa Cadeestay Dilka Iyo Dhaawaca Wariyaasha Somaliyeed Waxaana U Maleenaa Waa Kuwo An Waxbo Ka Aqaanin Xaquuqda Suxuufiyiinta Ee Alloow U Keen Dowlad Xaqooda U Soo Dhiciso Xaqa Ay Ka Galaayaan Suxuufiga Amin Ya Rabi
Asc Wr Wb Maasha Allaah ALe Ha U Naxariiso Inta Ay Maalayacni Ku Dileen Iyo Waliba Wariyaasha U Shaqeenaayay Shacab Somaliyeed Hadaan Ka Dhiibto Fikirkeega Wariyaasha Waxeey U Dilaan Xogta Rasmiga Ah Ayeey U Soo Gudbiyaa Shacabka Somaliyeed Marka Kuwa Dilka Ku Haayo Wariyaasha Waa Kuwo Rabin In Shacabka Wax Ladareensiinin Oo Doonaayo In Ay Gumeestaan Shacabka Dhiigoodana Daadiyaan Ee Alloow U Naxariiso Oo Janada Fardowsa Kawaraabi Alloow U Keen Wariyaasha Dowlad Xaqooda U Soo Dhiciyo ama U Doodo Amiin Ya Rabi
waa wax laga xumaado in la dilo wariyaasha soomaaliyeed mana udul qaadan doono taas hadaan nahanay shacabka soomaaliyeed ee wadaniyiintaaaaaaaaaaaaaaaaa
Ala hau naxariisto suxufiyiinta soomaaliyeed
horta sanadka2012 wuxuu ahaa mid loo tashaday wariyayasha soomaliyeed waxan odhan lahaa mar hadii dawlad cusub ilaahay u walaalahayga soomaliyeed u dhaliyey,inay dawlada hada la doortay iyo shacabkuba ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan.oy dabagalaan waxa waxan wada.ilaahay hamadhiyee.eelen waxan waxa sameeynaa waa wax gudaha dalka jooga,waxan ku soo koobayaa dawlad iyo shacaba.kolay ilaahay kaga hadhimaaye,,,LKN QACMO WADA JIRBAY WAX KU GOOYAAN.
aniga waxey ilatahay in suxifiga la xaq dhore mel kastuujo wayo waa isku xiraha bulshada intii dhimatay allahau naxariisto
waxan halkan karaba fafahin guud
waa arin nax din leh wlh hadii an ka dhib to fagar geyka arin taan waa arin aad iyo ad u xun waxan leyahay umada somaliyed mel kastoo ey ku nool yihiin gac maha is qab sata si aad hor mar ugar tiin
runta ayaa ladaboolayaa somalia waa geed baxaya imika waxa aan leeyahay waaq dimuqraadiyada aynu lajaan qaadno markale ayaan leeyahay hambalya hadaan nahay reer somaliland
Sida ummada aduunka ey u garanaayan suxuufiyiintu waa indaha iyo degaha bulshada sida darateed ma haboono in dhib iyo dil loo geesto suxufiyiintu. doowlada soomalia kadiib marki ey xukunkeeda ay la wareegto dhamaan wadaanka gabiigi waxaan rajeeynaya iin ay maxkamad ka soo hordhigaan dadka lagu tuhunsanyahay in eey dililkaan ka geeysten suxufiiyiinta soomaaliyed.
gacan ka xaqdaran ayaa dishay ilaahay haw naxariisto dhamaan wariyayaashaa
waa in la ilaaliyaa amanka saxafiyiinta madaama ay yihin da dalka ushaqeeyq
ninka suxufigiisa dilaa waa nin dhehgihiisi iyo indhihiisiba riday rabigiina kayaaba reer somaliya
waxaa waaye dhibaatooyen badan
suxufiyint oo ladila waxay ka dhigantahay runta oo la dida dadka hubka uqatay dabargoynta saxafada haddi addunka lawayo waxa jirta maalin an cid la waayayn haku xisabtaman taas suxufiyina soomaliyeed way badanaysa insaallah kii dhinta mid ayaa dhalanaya waxa wewel ku nool waxmagaratada laynaysa suxufiyina soomaa liyeed .
Dadkii suxufiyiinta laayay ilaahay ayaa la xisaabtami doona maalinta qiyaamaha.
Dadka soomaaliyeedoow maxaad walaalihiin u gawracaysaan, waxaad xusuusataa inaad is cafidaan oo wixii idin soo kala maray aad iska ilawdaan, dibna aad isu dhistaan oo aad hore u socotaan. Ilaahay ha idin barakeeyo.
arrinku kuma saabsana suxufiyiinta, ee dadka soomaaliyeed ayaa nolol xun ku noolaa sanadihii lasoo dhaafay, markaa lagama filayo inay cidna qalbi jilayc u muujiyaan. Nolosha qofku soo maro ayay si wayn ugu xidhantahay kolba sida uu ugu xidhanyahay jawiga cusub ee ku xeersan…markaa waa in si wayn dadkan looga taxadiraa
waxan wariye ow lagu diley somali ayagow shaqadow gudanayan una adegaya shacabkowda iney usow gudbiyab warar xaqiqade emanta mareyso marxalada siyasadeted ee somalia
Waxay ila tahay in saxafiyiinta la qadariyo.
Sanadka 2012 wuxuu ahaa sanad madaw oo soo maray suxufiyiinta soomaaliyeed