Agoosto 30, 2012
Bartamihii bishii Oktoobar 2011-kii, ayay Kenya bilowday olole militari oo ka dhan ah maleeshiyaadka al-Shabaab ee Soomaaliya, kuwaasoo soo gudbayay xadka Kenya si ay u afduubtaan dalxiisayaasha shihseeye iyo shaqaalaha gargaarka.
Howl galka Linda Nchi (Dhowr Dalka) ayaa bilowday wax yar kadib markii la afduubay laba shaqaale oo Isbaanish ahaa oo u shaqeynayay hay'adda Dhaqaatiirta aan Xuduudda laheyn oo ku sugnaa xeryaha Dhadhaab ee ku yaala gobolka Waqooyi Bari ee Kenya Bishii Oktoobar 13-keedii.
Tan iyo xiligaa, Ciidamada Difaaca Kenya ayaa kamid noqday Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya (AMISOM), iyagoo la dagaal galayay ciidamo ka socda dalalka Uganda, Sierra Leone, Jabuuti iyo Burundi. Ciidamada Kenya ayaa wacad ku maray in ay Soomaaliya sii joogi doonaan ugu yaraan inta waqtiga AMISOM uu ka dhamaanayo 31-ka Oktober.
Weerarka kadib, al-Shabaab iyo kooxo kale ayaa Kenya ku beegsaday silsilado weeraro bambaanooyin iyo miinooyin ah, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.
Oktoobar 17-keedii -- Doon ay leeyihiin ciidamada badda ee Kenya oo ku sugnayd xeebta Lamu ayaa lagusoo tuuray wax loo malaynayo bambada garabka laga gano, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen saddex sarkaal oo ciidamada badda ah.
Oktoobar 23-keedii -- Bam ayaa lagu tuuray goob lagu caweeyo oo ku taala wadada Mfangano ee Nairobi, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen 14 qof.
Oktoobar 24-keedii -- Bam gacmeed ayaa lagu weeraray goob boosteejo ah oo ku taala bartamaha Nairobi, halkaasi oo uu ku dhintay hal qof, 18 kalena ay ku dhaawacmeen.
Oktoobar 27-keeda -- Koox loo malaynayo in ay yihiin maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerartay gaari waday qalab imtixaan degmada Lafeey ee magaalada Mandheera, halkaasi oo ay ku dhinteen afar qof, oo ay ku jiraan laba sarkaal oo waxbarasho iyo askari bilayska Kenya ah.
Oktobar 28-keedii -- Gaari ka tirsanaa kolonyo gawaari ah oo ay la socdeen xubno katirsan waaxda military ee loo yaqaan paramilitary ee Howlaha Guud oo u socday degmada Libooyo ayaa meel todobo kiiloomitir u jirta Gaarisa lagula beegsaday qarax wadada dhineceeda lagu aasay, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen seddex qof.
Novembar 5-teedii -- Laba bam gacmeed ayaa lagu weeraray kaniisadda East African Pentecostal oo Gaarisa ku taala, halkaasi oo ay ku dhinteen laba qof oo ay ku jirtay gabar sideed jir ah. Shan kalena waa lagu dhaawacay.
Novembar 6-deedii -- Koox loo malaynayo in ay yihiin maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerartay xuduudka ku yaala tuulada Dhamasa ee degmada Lafeey, magaalada Mandheera, halkaasi oo lagu dilay xubin bilays ah.
Novembar 7-deedii -- Dablay hubaysan ayaa weerartay gaari waday Warqadaha Cadeynta Imtixaanka Dugsiga Hoose ee Kenya oo marayay tuulada Damajaale oo u dhow degmada Libooyo, oo ku taala xudduudda ay Kenya la wadaagto Soomaaliya. Majirto cid ay waxyeelo kasoo gaartay.
Novembar 9-keedii -- Maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerartay meel xudduudda laga hago oo miyi ah oo u dhow Ceel-waaq, magaalada Mandheera. Majirto waxyeelo lasoo wariyay.
Novembar 15-keedii -- Bamka korontada gacanta laga hago ayaa lagu qarxiyay xerada Qaxootiga Dhadhaab, halkaasi oo lagu dhaawacay laba saraakiisha ammaanka ah ee madaxa banaan oo dad shaqaalo gargaar guryahooda usii waday.
Novembar 23-keedii -- Maleeshiyada al-Shabaab ayaa wadada u galay kolonyo militari oo marayay wadada Sugoow, meel wax ka yar 10 kiloomitir u jirta Libooyo, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen hal askari.
November 24-keedii -- Laba weeraro oo bam gacmeedyo ayaa lala beegsaday Holiday Inn hotel iyo dukaan ku yaala Gaarisa, halkaasi oo ay ku dhinteen saddex qof, ugu yaraanna 27 qof ay ku dhaawacmeen. Mid kale oo wadada dhinaceeda la dhigay ayaa tuulada Buula Garaay oo u dhow Mandheera ku dilay askari Keenyaan ah, kuna dhaawacay afar kale oo gaaf wareeg ku jiray.
Novembar 26-keedii -- Koox loo malaynayo in ay yihiin maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerartay Carabiya, oo ah xarun ganacsi oo u dhow Mandheera, waxa ay beegsadeen saldhigga bilayska maxaliga ah, iyagoo ka qaatay hubka iyo rasaas, burburiyayna qalabkii isgaarsiinta.
Decembar 5-teedii -- Miino lala beegsaday kolonyo Qaramada Midoobay ah ayaa ku qaraxday Xerada qaxootiga Dhadhaab, halkaasi oo uu ku dhintay hal bilays ah, kuna dhaawacay saddex kale.
Decembar 11-keedii -- Bamka korontada gacanta laga hago ayaa ku qarxay meel u dhow kastanka Mandheeraa, halkaasi oo uu ku dhintay hal bilays ah, kuna dhaawacmeen saddex kale. Miino kale ayaa isla maalinkaa Wajeer lagula beegsaday kolonyo militari ah, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen sagaal akari.
Decembar 12-keedii -- Miino ayaa lala beegsaday gaari ay dowladdu leedahay oo ka tagayay dabaal dagga Jamhiiriya Day ayaa qaraxday, halkaasi oo u ku dhaawacmay madaxa sir doonka Wajeer, darawalkiisa iyo afar haween ah oo ka tirsanaa gudiga nabad galyada maxalliga ah.
Decembar 15-keedii -- Laba bambaano oo lala beegsaday Florida Hotel oo gaarisa ku yaala iyo xabsiga maxalliga ah ayaa dhaawacay afar qof.
Decembar 19-keedii -- Miino lala beegsaday gaari gaaf wareegayay xerada Dhadhaab ayaa dilay askari bilays ah, dhaawacayna laba kale.
Decembar 20-keedii -- Bam ayaa ku qarxay xeryaha Dhadhaab oo lala beegsaday sarkaal bilays ah. Majirto cid wax ku noqotay.
Decembar 25-keedii -- Laba bam gacmeed ayaa lagu qaaday meel lagu caweeyo ay dowladdu leedahay oo ku yaala Wajeer, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen todobo qof, oo uu ku jiro sarkaal militari iyo askari bilays ah.
Decembea 29-keedii -- Hor jooge Qaxooti, oo ahaa guddoomiyaha Kooxda Bulshada nabad galyada iyo Ammaanka xerada xagar Dheere ayaa la dilay.
Janaayo 1-deedii -- Dablay hubaysan ayaa xerada Dhadhaab ku dishay hoggaamiyihii labaad ee bulshada qaxootiga, oo ahaa xubin katirsan Lutheran World Federation peace committee.
Janaayo 3-deedii -- Miino lala beegsaday gaari ay lahaayeen militariga Kenya ayaa dhaawacay saddex askari.
Janaayo 5-teedii -- Bilayska Kenya ayaa xerada Dhadhaab ku qabtay qalabka qaraxyada, waxa ayna xireen sagaal tuhmane.
Janaayo 11-keedii -- Dablay hubaysan oo al-Shabaab ah ayaa lix qof oo uu ku jiro sarkaal bilays ah ku dilay xerada Gerille ee degmada Wajeer. Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale afduubtay laba sarkaal oo dowladda ah.
Febaraayo 19-keedii -- Maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar lagu qaaday saldhigg bilays oo ku yaala tuulada Huluqo ee Gaarisa, halkaasi oo lagu dilay askari bilays ah iyo qof rayid ah, waxaana lagu dhaawacay laba rayid ah.
Febaraayo 22-deedii -- Daraasiin ayaa lagu dhaawacay Mandheeraa kadib markii gaari militari lala beegsaday miino.
Maarso 10-keedii -- Lix qof ayaa la dilay, in ka badan 60 kalena waa la dhaawacay kadib markii afar bam gacmeed lagu tuuray boosteejada basaska Machakos ee Nairobi.
Maarso 31-deedii -- Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay 18 kalena waa la dhaawacay laba weerar oo lala beegsaday kaniisad ku taala Mtwapa iyo maqaayad ku taala Mombasa.
Abril 29-keedii -- Weerar bam gacmeed oo lagu qaaday God's House ee Miracle International Church ee Nairobi ayaa lagu dilay hal qof, laguna dhaawacay ugu yaraan 15 kale.
Maajo 14-keedii -- Afar askari ayaa lagu dhaawacay kadib markii miino ay ku qaraxday gaarigooda oo marayay magaalada Mandheera.
Maajo 15-keedii -- Sarkaal bilays ah ayaa lagu dilay saddex kalena su xun ayaa loo dhaawacay kadib markii gaarigooda uu dul maray miino lagu aasay Xerada Dhadhaab. Waxa ay la socdeen shaqaale gargaar xerada Dhadhaab.
Maajo 15-keedii -- Waardiye ammaan ayaa la dilay shan qof oo kalena waa la dhaawacay kadib markii dablay hubaysani ay rasaas ku fureen maqaayadda Bella Vista ee Mombasa. Markii ilaalada maqaayadda ay kahor tageen raggii hubaysnaa iyo laba la socotay galitaanka maqaayadda ayay bam gacmeedyo ku tuureen wayna carareen.
Maajo 21-keedii -- Afar askari oo Keenyaan ah ayaa la dhaawacay kadib markii gaarigooda oo gaaf wareeg ku jiray lala beegsaday miino magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari.
Maajo 26-keedii -- Shan qof ayaa la dhaawacay kadib markii bam gacmeed lagu tuuray dhismaha dugsi ku yaala Ifo II oo ah qeyb ka tirsan Xerada Dhadhaab. Isla xiligaas, dablay ayaa maqaayad ku taala Wajeer ku tuuray bam gacmeed, iyagoo dhaawacay saddex qof.
Maajo 28-keedii -- Qalabka qarxa ayaa luxay dukaamo ku yaala bartamaha Nairobi, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen 38 qof.
Juunyo 12-keedii -- Bilayska ayaa haweeney ku xiray Nairobi, taasi oo wadatay bam gacmeed iyo saddex bistooladood.
Juunyo 24-keedii -- Saddex qof ayaa la dilay, 30 kalena waa lagu dhaawacay kadib markii bam gacmeed lagu tuuray Jericho Beer Garden ee Mombasa iyadoo taageerayaal banooni ay daawanayeen ciyaar ka tirsaneyd sideed dhamaadka koobka Qaranka Yurub ee 2012-ka.
Luulyo 1-deedii -- Dablay wajiga soo duubatay ayaa bam gacmeed ku tuuray rasaasna ku furay, iyadoo dad cibaadaysanaya ay ku urursanaayeen Kaniisadaha African Inland iyo tan Catholic Central Cathedral ee Garissa, halkaasi oo ay ku dhinteen 17 qof, in ka badan 60 kalena ay ku dhaawacmeen.
Luulyo 5-teedii -- Bilayska ayaa bandhigga Wax soo saarka beeraha Nakuru ku xiray nin sitay laba bam gacmeed wax yar un kahor inta uusan madaxweyne Mwai Kibaki uusan iman si uu hadal uga jeediyo.
Luulyo 18-keedii -- Afar qof ayaa lagu dhaawacay kadib markii laba bam gacmeed ay ku qarxeen tima jare iyo hoteel ku yaala degmada Wajeer.
Luulyo 22-deedii -- Bilayska ayaa xiray laba dhalinyaro ah oo watay afar bam gacmeed iyagoo fuulayay Nairobi u socda. Nin seddexaad ayaa ka baxsaday in la qabto.
Luulyo 25-keedii -- Saddex bilays ah ayaa lagu dhaawacay kadib markii gaarigooda oo gaaf wareeg ku jiray lagu weeraray miino xerada Dhagaxlay ee Dhadhaab .
Agoosto 3-- deedii weerar ka dhacay xaafadda Islii ee Nairobi ayaa dilay afar qof. Bambaanooyinka loo adeegsaday weerarka ayaa laga sameeyay transistor radio iyo gas cylinder.
Agoosto 28-keedii-- Saddex ka tirsan bilayska Kenya ayaa la dilay, 12 kale ku dhowaadna waa la dhaawacay kadib markii bam gacmeed lagu tuuray intii lagu jiray rabshado Mombasa ka dhacay oo daba socday dilkii wadaadkii Islaamiga ahaa ee Aboud Rogo Maxamed.
Sibteembar 15-keedii -- Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay qarax bambaano oo waddada dhinaceeda la dhigay kaas oo ay ku dhaawacmeen labo saarkaal oo ka tirsan Bilayska Maamulka oo u soo gurmaday in ay wax ka qabtaan qarax kasii horreeyay oo Mandera ka dhacay.
Sibteembar 21-keedii -- Laba sarkaal oo bilays ah ayaa dhaawacmay kadib markii uu gaarigoodii uu heleelay qarax loo dhigay xilli ay ku jireen ilaalo ay ka wadeen agagaarka Isbitaalka Guud ee Gaarisa. Qarax labaad oo lagu bar-tilmaameedsaday kooxda gurmadka ayay ku dhaawacmeen afar qof oo rayid ah oo goobta isugu soo ururay.
Sibteembar 30-keedii -- Qarax laga shakiyay inuu ahaa weerar bam gacanta lagu tuuray oo ka dhacay Kaniisadda Angelican Saint Polycarp oo ku taalla Nairobi aya waxa ku dhintay ilmo yar sagaal kalena way ku dhaawacantay. Magaaladana Gaarissana, laba askari ayaa dhabarka laga toogtay oo la dilay xilli ay ilaalo ka hayeen agagaarka waddada Ngamia Road.
October 9-keedii -- Bilayska Kenya ayaa si nabadgalyo ah u qarxiyay bam culayskiisu ahaa 10 kiilo oo ku jiray shandad la tuuray taasoo laga helay bannaanka makhaayad ku taala magaalada Gaarisa.
October 25-keedii -- Maydadka Cabdirashiid Macalim Axmed, oo 50-jir ahaa, Xasan Aadan Uul, oo 43-jir ahaa, iyo Siyaad Maxamed Ismaaciil, oo 48-jir ahaa, ayaa laga helay meel u dhow xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyada oo ay ka muuqdaan dhaawac rasaaseed. Bilayska ayaa ka shakisan in burcad ka howlgasha inta u dhaxaysa Dhadhaab iyo Libooyo ay ka dambeeyeen dhacdada.
October 28-keedii -- Bilayska Kenya ayaa toogasho ku dilay laba looga shakiyay argaggixisanimo kuwaa oo laga cabsi qabay in ay maleegayeen weerarro ay ka fuliyaan gobolka xeebta ee dalka.
October 30-keedii -- Rag hubaysan oo aan la aqoon ayaa dilay askari bilays ah mid kalena ku dhaawacay iyagoo ilaalo ku gaaf wareegaya meel u dhow First Community Bank Limited ee Gaarissa.
November 6-deedii -- Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacantay markii uu bam ku qarxay xaafadda Eastleigh ee Nairobi.
November 7-deedii -- Ugu yaraan afar qof ayaa geeriyootay shan kalena waa ay dhaawacmeen markii rag hubaysani ay weerar kusoo qaadeen laba tuulo oo ku yaalla magaalada xudduudda ah ee Mandheera.
November 11-keedii -- Ugu yaraan 42 ka tirsan bilayska Kenya ayaa la dilay halka 21 kalena ay ku dhaawacmeen iyagoo ku raad-jooga burcad lo' ka dhacday waqooyiga Kenya.
November 14-keedii -- Qarax kadhacay xaafadda ay Soomaalida u badanyihiin ee Eastleigh ayaa dhaawacay ugu yaraan hal qof.
November 16-keedii -- Rag hubaysa oo aan haybtooda lagaran ayaa laba dambi-baare oo bilayska ka tirsan ku dilay magaalada Gaarisa iyagoo lugaynayay suuqa Mugdi.
November 18-keedii -- Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyootay in kabadan 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax gaari bas ah lagula beegsaday xaafada Easatleigh ee Nairobi.
November 19-keedii -- Rag hubaysan ayaa seddex askari ku dilay magaalada Gaarisa xilli ay badalayeen shaag ka naqas beelay.
December 3-deedii -- Askari ka tirsan bilayska Kenya ayaa lagu dhaawacay markii uu bam laga sameeyay batrool uu ku qarxay saldhigga bilayska Kiembeni ee Mombasa.
December 5-teedii -- Bam waddada dhinaceeda la dhigay meel u dhow masjid ku yaala xaafadda Eastleigh ayaa shan qof dilay halka sideed kalena ay ku dhaawacmeen.
December 7-deedii -- Bam gacmeed ayaa lagu tuuray dad cibaadaysanayay oo aad u badnaa oo kasoo baxayay masjidka caanka ah ee Hiddaaya ee xafadda Eastleigh, halkaana ku dilay shan qof.
December 14-keedii -- Haweenay ayaa ku dhaawacantay markii uu bam ku qarxay meel cod-bixiyayaasha lagu diiwaan galinayay oo ku taala xerada qaxootiga Dhadhaab.
December 16-keedii -- Laba qof ayaa si xun ugu dhaawacantay markii ugu yaraan seddex bam gacmeed lagu tuuray baar ku yaala xaafadda Eastleigh ee Nairobi.
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
Saami dhinaca DNA-a ah oo laga qaaday caday ku jiray boorso wayn oo ay rasaasi ku jirtay lagana h...
Todoba iyo toban Kenyan ah ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen nabaddii, rabshado iyo in ay si arxa...
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda in Isniintii (20-kii Maajo) ay madaafiic hoobiyayaal ah k...
Askar ka tirsan guutada Koox-dagaaleedka 9+ ayaa ku noqonaya dhulkoodii kadib 13 bilood oo ay ka ...
Ciidanka Bilayska Kenya ayaa bisha soo socota bilaabi doona xulid buuxda oo lagu kala sameeyo sar...
Isku day dhac oo la fashiliyay oo ka dhacay xafiis ammaan oo uu Wells Fargo ku leeyahay Mombasa a...
Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama ayaa ballan-qaaday taageerada dalkiisa ee ku aaddan xillig...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Baryihii hore, waxaynu ka hadli jirnay qaraxyada Kenya ka dhex dhaca, laakiin bal hadda eega waxa ka dhacaya Tanzania siiba magaalada Arusha. Sidaa awgeed, waa in aynu fahanaa inaynu isku mid nahay, waana inaynu wada shaqayn la yeelanaa xukuumadeheena oo waa inaynu wixii macluumaad ah ee ku saabsan dadka xun soo gudbinaa si loo xidho oo cadaalada loo horkeeno.
Wali maba la isgaarin 50 qarax waa wax aad u yar. Insha allaah mujaahidiintu way guulaysanayaan waayo waa dad ku taagan dariiqi illaahay u baneeyay waxay had iyo jeer wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan gaala madowda. Waxan leeyahay walaalaha islaamka ahow gacmaha is qabsada si aan uga hortagno cadowga islaamka, ogaadana in illaahay uu garabkina taaganyahay, janaduna waxay ku xirantahay imaanka qofka haduu jihaadana ka sii daran
Nimankani waxay dadka u laynayaan si ula kac ah iyagoo diinta kusoo gabanaya, markaa waa in waxay wadaan la joojiyaa ama markay ugu yartahay waa in wadahadal lala bilaabaa si loo ogaado waxay rabaan muxuu yahay.
kenya oo africa dawlada ugu fuleysan ah in ay yahuudu soo adeegsato oo somali ugu raadsato si gaar ah keni meyso xal nabadeed oo kenya gaarta,ee waxay olineysa dab cusub,qarahyada kenya ka dhaca intooda badan waa arin siyaasad ka dambeysa oo kenyanka laftooda fulinaya qarahyadaasi,haday sii wadaana waxa khatar ku tahay xiliga doorashada in uu faraha ka baxo xaalada amni ee dalka.
Dadaal dheeraad ah galiya sidii aad macluumaad dheeraad ah u heli lahaydeen
Wixii ka dambeeyay bishii oktoobar sanadkii 2011, waxaa dhacay in ka badan 50 qarax bambaano oo ka dhacay dhamaan carriga kenya. Markaa waa in aan dhamaanteen inagu qaadnaa masuuliyada amaankeena. Sidoo kale waa in aysan walaaleheena muslimka ahi qarinin dadkan argagixisada ah, mana aha in dadka kenya lagu khiyaameeyo lacag yar oo aan waxba u tari doonin, si ay u qarxiyaan dalkooda iyo dadkooda. Ciidamada bilayskuna waa inaysan dalkooda dhaafsanin laaluush ay qaataan si ay u ogolaadaan in hubkaas khatarta ahi uu dalka soo galo. Waxaan ku talinayaa walaalihiin ilaaliya!
waa in kooxaha noocan oo kale ah la dabar gooyaa si nabad loogu naaloodo
Waxaan dadka reer Kenya ugu baaqayaa inay dhamaantood ka midoobaan wax kasta, iyagoo aan ka fekerayn waxyaabaha ay kala aaminsanyihiin iyo meelahay kasoo jeedaan midna. Amaanku waa wax dhamaanteen muhiim inoo ah, markaa aynu noqono muwaadiniin dhab ah oo aan dheel dheel ahayn.
waxaan mahad badan usoo jeedinayaa ciidamada difaaca Kenya, waayo waxay wadaan hawl aad u wacan. laakiin su’aasha wayni waxay ku socotaa ciidamadeena amaanka taliyayaashooda, waxaanan waydiinayaa sideebay alshabaab dadka ka tirsani uga soo gudbeen xuduuda iyagoo sida hubkan khatarta ah, markaa fadlan taliyayaashoow feejignaada markastaba. Dhanka kale, inagu hadaynu nahay reer Kenya waa inaynu alshabaab dawlada lasoo socodsiinaa intaynu guryeheena ku marti galin lahayn, waxaanan sidoo kale leeyahay ha la taxadiro.
Waa in kooxda alshabaab la cidhib tiraa, mana aha in arrinkaasi uu ku koobnaado alshabaabta joogta Kenya iyo soomaaliya oo kaliya, balse waa in alshabaab laga tirtiraa dhulka oo dhan. Waxaanan dhihi lahaa ha la taxadiro, waayo alshabaab maaha soomaali, ee waa kooxo dambiilayaal ah oo dhibaato ku haya dadka wanaagasan ee nabada jecel
Hadii ay alshabaab geesinimo leeyihiin waa inay kismaayo tagaan oo ay la dagaalamaan ciidamada amisom oo ay bartilmaameedyada yaryar isaga tagaan. Intaa ka sokow, sida kaliya ee lagu aamusiin karaa waa iyadoo tirada ugu badan ee basaasiinta ah la hawl galiyo, waana in dadkaas laga keenaa dalka qaybihiisa kala duwan.
Fadlan aniga ilama aha in dambiilayaashu ay kaligood yihiin, fadlan ha la baadho xitaa ciidamadeena amaanka, waayo waxay ku lug leeyihiin musuqmaasuqa, waxaanay lacag ku qaataan siidaynta bambaanooyinkan, taa waxaan uga jeedaa xuduuda markay joogaan ayay lacag qaataan si ay usoo daayaan alshabaab oo ay ugu ogolaadaan inay Kenya soo dhex galaan. Ciidamadeena amaanka waxaan leeyahay fadlan dadka kale ka fekera oo naftiina uun ha ka fekerina. Waa laga yaabaa inaad taajirtaan, laakiin dad badan ayaa iyaguna naftooda waayi kara. Ilaahayoow na caawi.
Walaalahayga reer Kenya waxaan leeyahay aynu hurdada ka kacno oo aynu isku dayno inaynu cambaarayno dhibta ka dhalata bambaanooyinka usbuuc kasta dhaca. Aniga waxay ila tahay dadka reer Kenya waa inay ilaahay usoo laabtaan oo ay jilbaha dhulka dhigaan oo ay dambi dhaaf waydiistaan.
Ciidamada Kenya waxay ku jiraan waa kaliya tababar, alshabaab meel kasta ayay joogaan, waana dad waligood fulayaal ah, waxaanay beegsadaan dadka aan waxba galabsan oo kaliya. Markaa dhamaan dadka reer Kenya waxay masuuliyadi ka saaran tahay inay soo sheegaan cidii la tuhmo! Hadalku intaasuu ku dhan yahay!
Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu badbaadiyo Kenya.
Marka ay dadku akhriyaan maqaalkaaga, dadku waxay wax ka ogaan doonaan waxay waayo dadka reer Kenya soo mareen ilaa sanadkii hore ilaa manta. Runtii waa wax aad u xun in bini’aadamka qaar ka mid ahi ay walaalohood jidh dil u gaysanayaan. Waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu markasta caawiyo qarankeena, waxaanan mar labaad leeyahay xukuumadu waa inay dadkaas nabada ku ciyaaraya ay wax ka qabataa.
Sare u kaca oo badbaadiya Kenya, waayo meesha aynu ku soconaa waa meel aad u xun. Waa in dhamaan ciidamada iyo muwaadiniintuba ay isu diyaariyaan wax kastaa inay dhacaan xili kasta, waayo alshabaab halkan ayay inala joogaan.
Waxa meesha ka socda iyo siday ay u hirgalinayaan xeeladaha iyo istaraatiijiyadohooda bahalnimada ah, inkastoo ay ciidamadeena amaanku joogaan…..hadana iyadoo ay sidaa tahay, intaasoo bilyan oo lacag ah ayaynu ku kharash garaynaa sirdoonka…
Waa wax la yaab leh inuusan qof kaliya oo magac islaam sitaa uusan meeshan ku qorin wax faalo ah. Markaa waxaan walaalahayga muslimiinta ah ugu baaqayaa inay soo baxaan oo ay dhaleeceeyaan falalkan bahalnimada ah ee xaaraanta ah.
Waxaan salaam u diraynaa dadka reer Kenya ee iyagu hawshan wacan qabtay, waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu barakeeyo.
Sida maqaalkiina ku xusan, waxaynu aragnaa weeraro taxane ah oo bil kasta lala beegsanayo dadka reer Kenya ee aan waxba galabsan, arrinkaasina wuxuu muujinayaa in aynu u baahanahay inaynu markasta diiyaar ahaano, sababtoo ah wax kasta ayaa dhici kara!
Kenya waa inay isu diyaarisaa dagaal ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo daba dheer kadib mar hadii ay kismaayo kacanta ku dhigtay. Bambaanooyinka iyo qaraxyaduna way sii socon doonaan
Ilaahayoow badbaadi walaalahayo, waayo anagu dad nabad jecel ayaanu ahayn, laakiin shaydaanku nabada maaha mid jecel. Maalin kasta waxaanu u ducaynaa in ay dadkaasi maalin uun xaqiiqada ogaan doonaan oo ay ilaahay u toobad keeni doonaan, si uu u hanuuniyo. aamiin
Anigu run ahaantii waxaan u malaynayaa in ay tahay in xukuumadu is dhiibto, sababtoo ah soomaalidu waa dagaalyahan, waana dad ay naftooda iyo nafta dadka kaleba ay la qiimo yartahay.
Adeecida ilaahay muhiimada siiya, kadibna danihiina ka fekera. Dilka qof bini’aadam ahi waa dambi ilaahay agtiisa culus, mana jiro dal horumar gaadhi kara hadii uu jaarkiisa dagaal kula jiro. Caruurtu maalin uumbay waynaan doonaan oo ay xusuusan doonaan dadkii waalidkood laayay ee dhibta u horseeday, waxaana cad inay aargoosan doonaan.
fadliga ilaahay ayaynu cadawgeena kaga guulaysanay….waxaan leeyahay ciidamada Kenya hore u socda, ilaahayna waxaad u baahantihiin wuu idiin fulin doonaa…
Dadka reer Kenya waxaan ugu baaqayaa inay feejignaadaan oo aysan xukuumada hawsha ku halaynin kaligeed. Waxaan leeyahay aynu xukuumada caawino oo aynu wixii macluumaad ah si dhakhso ah usoo gudbino hadii aynu wax ama qof tuhuno. Yaynaan ka cabsanin inaynu macluumaad dawlada usoo gudbino, ilaahayna ha ina ilaaliyo. Afrika waa mid. Anigu Kenya waan jecelahay.
Anigu ma jecli alshabaab
Xukuumadda Kenya waa inay ka shaqaysaa xaalada dhaqaale ee dalka Kenya, waayo dadkan argagixisada ah waxay shaqadoodu tahay inay fuliyaan falal argagixiso ah, waana dad aan ganacsi kaleeto lahayn oo ay kaga kaaftoomaan argagixisada, waayo argagixisadu waa il dhaqaale oo ay dakhli wacan ka helaan.
Waxaan salaamayaa ciidamada difaaca Kenya waayo waxay yihiin ciidamo go’aan adag iyo geesinimo leh, kuwaasoo ay ka go’an tahay inay dabar gooyaan alshabaab. si kasta ha ahaatee, ma iloobi karo in aan u mahadnaqo ilaahay, waayo ilaahay naxariis iyo ilaalin ayuu inagu manaystay, ciidamada difaaca Kenya waan hambalyaynayaa.
Waxay ila tahay xukuumadu waa inay dambiilayaashan dhamaantood dabar goysaa hadii ay wax kastaa dhacayaan, waana inay guri kasta baadhaa xukuumadu, oo waa inaysan ku koobnaanin meelaha la tuhunsan yahay, waana inay tagaan meel kasta oo dalka ah.
Xaalada geeska afrika ay ku jirtaa aad ayay ii murugo galisay
Aniga waxay ila tahay waxaa la gaadhay wakhtigii aynu hadaynu nahay dadka reer Kenya aynu arrinkan ka midoobi lahayn oo la dagaalami lahayn. Sida kaliya ee arrinkaa lagu gaadhi karaana waa inagoo ciidamadeena daacada ah taageerna, waayo waxay farxadoodii iyo noloshoodii u hureen inay dalkeena aynu jecelnahay daafacaan.
waa in aynu feejignaanaa, saaxiibayaal waxaad ogaataan in ay Kenya tahay qaran hoy u ah dad badan oo ajaanibi ah
Baranbarooyinkan waa la tirtir doonaa
Waa inay argaggixisadu ogaadaan in qiyaamohoodii uu soo dhawaaday, wax kastaa dhamaad ayay leeyihiin, oo xitaa janada dhexdeeda cadeedu way dhacdaa. Markaa iyaguna waligood ku raaxaysan maayaan inay dhib inagu hayaan. dadka reer Kenya iyagana waxaan leeyahay aynu dhamaanteen taxadir yeelano oo aynu ilaahay sidii roon ka barino.
Aniga iima muuqato sabab ay tahay in dagaal loo galo, gaar ahaan uu dal kenay o kale ahi dagaal uu u galo. Waxaa jira casharo badan oo ay tahay inay Kenya barato, kuwaasoo ku saabsan dagaalada iyo noocyadooda kala duawn, gaar ahaan wakhtigan aynu ku jirno isuna diyaarinayno doorashooyinka soo socda. markaa waxaan leeyahay aynu wada jirno oo aynu midowno dad awood lehna aynu noqono. Dadka iyagu ay ku dhacayaan masiibooyinka dalkeena la keenaa, ee ay ka midka yihiin qaraxyadu, waxaan leeyahay dadkaas ma jiro qof arrimahaas ku faraxsan, markaa yaynaan dagaalo horseedin, waayo anagu kuma faraxsanin falalkaas dilka ah.
Ixtiraam u yeesha nolosha bini’aadamka, waayo ilaahay wuxuu ina faray inaynaan wax dilin.
Waa hawl si wacan loo qabtay. Horaa loo yidhi hadii aad nabad rabto, dagaal isu diyaari
arrimahan oo dhami waa kuwo inaga yaabiyay xili aynu ku socono marxalad doorashooyin, hadaba waa in hawlo badan la qabtaa, si loo hubiyo in aynu ka amaan helno dadkan ujeedadoodu ay tahay inay wax laayaan, ilaahay siday doonayaan kama dhigee
Sideebay ku dhacday in alshabaab dad ka tirsan iyo bambaanooyin ay Kenya soo galaan, meeyeen ciidamadii ammaanka iyo kuwii ilaalinta dadka soo galaytigu.
Wax kastaa way hagaagi doonaan, dib u laabasho ma jirto, hore u socda ciidamada Kenya ayaan leeyahay
Waa inay ciidamada Kenya abuuraan wax u gaar ah ilaalinta xuduudaha dalka iyo kaniisadaha iyo xaruumaha basaska iyo suuqyada, masaajidadu iyagu uma baahna ilaalin, waayo waligeed lama arag masaajid la qarxiyay. Hadii ay fududaatay in bilayska ay laaluushaan kooxda alshabaab, waa in aan la shaqaalaynin oo bilayska lagu soo darin dadka sita magacyada cabdi iyo maxamed iyo cali iyo rashiid iyo kuwa la midka ah, waayo dadka magacyada noocaas sita intooda badan waxa suurta gal ah inay xulafo la yihiin alshabaab oo ay taageeraan.
Waa fulayaal dadkaasi, maxay u beegsanayaan dad aan waxba galabsan oo malaa’ig ah iyo meelaha lagu cibaadaysto? Miyaysan ilaahay si dhab ah u garanayn. Ilaahay samir ha siiyo ehelada dadka geeriyooday, dhaawacana caafimaad sareeyan ah ha siiyo. Ilaahayoow awood na sii.
Tirakoobyadu waa wax aad u wacan, waayo waxay ina tusaan jihada ay arrimuhu u socdaan, waxaanay inaga caawiyaan inaynu wax mala awaalno. Markaa hawshani waa hawl aad u wacan, waana waxyaabaha anigu aan ka helo
waa inaynaan cidna taageerin, waayo ma rabno in aan waxyeelno taageerayaasha alshabaab ee saaxiibayaasheen ah. waxaan ku baaqayaa in amaanku uu sugnaado 24-kii saacadoodba, si loo dabar gooyo canaasiirta kooxda alshabaab
maxaa keenay in ay waxyaabo yaryar beegsadaan, oo maxaa u diiday inay aadaan magaalada kismaayo
Waa wax laga murugoodo inay dadkani adeegsadaan cabsi iyo argagax, iyagoo u dan leh inay mustaqbalka wax u dhimaan xaqeena aynu u dhalanay ee ah in aynu dunidan ku noolaano, laakiin arrinkaa waxaa kasii daran saxaafada oo iyadu gacan saar la yeelatay, waayo xaqiiqadii ay ka aamustay inay sheegto, markaa waxaan leeyahya dadku ha toosaan ka hor intaysan kooxahaasi guryeheena ingoogu imanin, duniidii way gubanaysaa idinkuna waad iska daawanaysaan!!!
Guusha ay Kenya ka gaadhay magaalada kismaayo waxay hordhac u tahay guul lagu guulaysto in dalku nabadoobo, waxaana guushani ay ka dhalatay ducadeenii oo la ajiibay, markaa sidoo kale waxaan rajaynaynaa in dadkana ay naftoodu nabadgalyo dareento mar hadii ducadoodii la ajiibay. Waxaanan ku baaqayaa inaan sii wadno ducadeena.
ciidamada difaaca Kenya waa inay ku raadjoogaan kooxda alshabaab ilaa dhamaadka
Kadib mark magaalada kismaayo ay Ciidamada difaaca Kenya gacanta ku dhigaan, waa inay soo guryo noqdaan oo ay safeeyaan dhamaanba gobolka waqooyi bari ee Kenya, si looga takhaluso dhamaan canaasiirtaaas. Run ahaantii, hadii dadkaas guri guri looga baadho, waxaa suura gal noqon karta oo lagu guulaysan karaa in loo diido dadkaasi inay isu soo ekayasiiyaan dadka reer Kenya. xukuumadu waa inay sidoo kale ka fakartaa inay xeryaha qaxoontiga ee dhadhaab ay soomaaliya u rarto.
sidii hore maaha. Ayno wax samayno
Ciidamada difaaca Kenya waxaan leeyahay shaqo wacan ayaad qabateen, laakiin waxaad ogaataan inuusan jirin wax bilaash ku yimaadaa. Weeraradan muhmalka ahi waxay ka mid yihiin khasaaraha ay tahay inaynu xamilno, markaa nimanyow waxaan idiin sheegayaa in dadka reer Kenya iyo kuwa dunida oo dhan ee niyada wacani ay idinla jiraan.
Xuquuqdiina ogaada
Kenya waa inaysan reebin una dulqaadanin qofkasta oo lagu tuhmo gacan ka hadal
Waa in tab iyo xeelad kasta loo adeegsadaa sidii loo burburin lahaa baastariintan nafta ka qabtay dad aan waxba galabsan
Arrinkani wuxuu muujinayaa cagajiid xaga xukuumada ah iyo musuqmaasuq baahay oo xaga bilayska ah, waayo waxay ogolaadaan in laaluush la qaato, amaba iyaga ayaa laaluush qaata, hadana waxay iska dhigaan inay baadhitaan ama dambi baadhis ku gudajiraan kadib marka ay dhawr qof dhintaan qaar kalena dhaawacmaan hantiduna ay burburto. ugu dambayntana wax talaabo ah lama qaado, dadkii dambiga gaystayna faraha ayaa laga qaadaa oo qarsoodi ayay iskaga jiraan….markaa fadlan isbadal ha la helo.
Hadii aad u fiirsato taariikhaha ay falalkani dheceen, waxaad ogaan kartaa in kooxdan haatan laga adkaaday oo ay haatan sii jabayaan, markaa imika waxay bilaabeen inay weeraraan dadka soomaaliyeed, laakiin dhawaan ayaa la dabar goyn doonaa. hase yeeshee waa in dadka reer Kenya ay mar kasta taxadiraan oo ay feejignaadaan. Hadii aad wax ka shakidaan, waa inaad isla markaaba siidhiga afuuftaan, waayo sidaasaynu ku badbaadi karnaa, dabcana waa inaynaan ilaawin inaynu ilaahay ka barino inuu dalkeena badbaadsho.
Xukuumadu waxay ku canaanantahay dhamaan amaandarooyinka ka jira dalka, waayo iyadaa dadkan u ogolaatay inay Kenya sii joogaan, sababtoo ah waxaa jira masuuliyiin reer Kenya ah oo iyaga ay lacagtu kala qiimo wayntahay amaanka dalka Kenya. xaafada islii iyadu waxay la mid tahay sidii bambaano saacadi ku xidhantahay oo wakhti dhow qarxi doonta, markaa aniga waxaa iga yaabiyay waxa amaan darooyinka noocan oo kale ah hore loo maqli waayay markii uu dalka u talinayay madaxwayne mooy. Amaanku runtii wuxuu u baahanyahay dayactir.
Waxan oo dhan waxaa horseeday fashilada ay kaniisadaha Kenya ku fashilmeen inay ilaahay u toobad keenaan, oo ay iska joojiyaan dambiga, iyo sinada, iyo beenta, iyo akhlaaq xumada, iyo aaminsanaanta ay aaminsanyihiin in ilaahay dad gaar ah barwaaqeeyo, iyo waxyaabo kale oo badan. nabi Ciise wuu soo socdaa, ilaahay wuxuu kaniisadaha usoo diray fariimahaas aad arkaysaan. Markaa fadlan kitaabka injiilka kusoo laabta iyo wanaaga uu idin farayo. Salaan.
Waxaan ku baaqayaa inaynu si wada jir ah u wada shaqayno oo aynu maalayacnigan joojino. Dadkani waa dad aysan noloshu habayaraatee wax qiima ah la lahayn, xitaa noloshoodu qiime lama laha. Markaa waa in waaxaha dawlada ee arrinka ku shuqul leh loo gudbiyaa dhamaan macluumaadka horseedi kara in gacanta lagu soo dhigo dadkan xaqiiriinta ah. marka gacanta lagu soo dhigo kadib, waa in waligood xabsi lagu hayaa, waayo xaq uma laha inay soo dhex galaan dadka caadiga ah.
Wakhtigan duco ayaa loo baahanyahy
Waa maqaal si wacan looga baaraan dagay, sidaa kusii wada!
Xukuumaddu waa inay la timaadaa xal mustaqbalka, si loo xaliyo mushkiladan horseedaysa dhimashada dad aan waxba galabsan.
Arrinka argagixisadu waa musiibo caalami ah. Waxaan u mahad celinayaa ciidamada Kenya, waxaanan leeyahay geeri iyo nolol miduun halagu soo qabto, waxaanan hambalyaynayaa APS iyo GSU Kenya. Cabuud iyo dadka la midka ahi waa in la laayaa, waxaanan rajaynayaa in argaggixisada dabargo’eeda ay talaabo kaliya ay ka hadhay.
Waxa ka dhexeeya muslimiinta iyo kiristaanka reer Kenya waa inaan loo fahmin inuu yahay arrin siyaasadaysan. Diin kastaa waxay xaq u leedahay sida diimaha kale inay Kenya ka hirgasho, qof kastaana wuxuu xaq u leeyahay inuu siduu rabo ilaahay u caabudo, markaa waa inaynu nabada isku baraarujinaa oo aynu jeclaanaa dhamaan dadka reer Kenya. Dhanka kale, waa inay muslimiintu ogaadaan in diinta kiristaanku waligeed ay Kenya joogi doonto oo ka jiri doonto, oo kitaabka injiilka ee nabi ciisana meel kasta oo Kenya kamida lagu faafin doono, iyadoo uusan jirin wax hor istaagi kara ama aysan cidina khatar galin karin. markaa waxaan leeyahay midkeenba midka kale ha u dul qaato haddaynu nahay dadka reer Kenya. REV. Mike.
Nabadu way wacan tahay, laakiin waxay u baahantahay in la adkeeyo iyadoon dadwaynaha aan dhibaato iyo kadeed midna loo gaysanin
Waxaan ku baaqayaa inaynu walaaleheen ilaalino, oo hadii aynu aragno qof dabeecadiisa iyo dhaqankiisu shaki leeyihiin aynu bilayska ku wargalino.
Dambiilayaashu ma yaqaanaan meelaha laga soo helo bambaanooyinka, waa macquul inay qoryo soo heli karaan, laakiin sinaba uma soo heli karaan bambaanooyinka! Markaa dadkani waa argagixiso iska dhigaya inay yihiin dambiilayaal, qofkasta oo si saxa u fekerayaana arrinkaa wuu garan karaa, markaa waa in sida ugu dhakhsaha badan la inooga dhex saaraa, wixii dhacayaa ha dhacee.
Ama wax ha dilaan ama wax jeelka ha ku xidhaanee, askarta Kenya waa inay meel kasta nabada sugaan.
Aniga waxay ila tahay waa in xukuumada Kenya ay kor u qaada amaanka xuduudeheeda iyo amaanka gudaha labadaba, si ay u awoodo inay dhacdooyinkan oo kale u xakamayso.
Dadka aan waxba galabsan ayaa naftoodii waayay! Ilaahay wuxuu ina faray jacayl ee isdila inamuu dhihin, markaa JOOJIYA DADKA AAD LAYNAYSAAN.
Weeraradani waxay ahaayeen qaar ayaan darro ah, markaa waa in dhamaan cidii lagu helo inay ka masuul yihiin ciqaab culus oo sharciga waafaqsan la mariyaa.
Markaa taa macneheedu waxa weeyaan way fududahay in qofku uu helo bambooyinka. Xukumadu waa inay ficil la timaadaa, waana inay soo xidhxidhaa dadka la tuhunsanyahay oo ay jeelka waligood ku jiraan. Maxay xukuumadu usii daysay Cabuud Rogo inkastoo lagu qabtay 200 oo bambaanooyin ah iyo 200 oo qarxiyeyaal ah iyo 113 xabadood oo rasaas ah, iyo waliba qori AK47 ah.
Waa in dambiilayaashan sutida loo qabtaa, waxkastaa ha ka dhacaanee.