Al-Shabaab oo isku dayaysa in ay wiiqdo qorshooyinka Keenya ee Soomaaliya iyaga oo adeegsanaya cabsi galin

Waxaa qoray Sargajan bin Kadii oo Nairobi jooga

Agoosto 28, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Al-Shabaab iyo kuwooda la jaalka ah ee Keenya ayaa adeegsanaya hanjabaad qarsoon iyo xoog maquunis badheedh ah si ay bulshada uga cabsi galiso ayna uga hor jeestaan dadaalka ay dawladda Keenya waddo si ay u jabiso kooxdan. madaxda iyo falaqeeyayaasha ayaa sidaas leh.

Iyada oo daacadnimada ciidamadoodu ay sii shiiqayso sababo la xidhiidha jabab waawayn oo ciidamada Soomaalida iyo kuwa huwantu ay u gaysteen ayaa a-Shabaab isku dayaysaa in ay hesho taageerada Soomaalida iyada oo ku cabsi galinaysa Keenyaanka ka aargoosasho, Gaashaanle Dhaxe David Kiprono Ruto oo ka mid ahaa Ciidamada Difaaca ee Keenya ayaa Sabahi sidaas u sheegay

"Waxay isku dayayaan in ay abuuraan cabsi shacabka dhaxdooda ah, si ay dadwaynuha ay uga codsadaan dawladda in ay ciidamada kala soo baxdo Soomaaliya oo dagaal wiiqay," ayuu yidhi.

Qarxinta kaniisadaha iyo meelaha kale ee ay shacabku ka buuxaan waxay qayb ka tahay xeeladahaas. Ruto ayaa sidaas sheegay. "Xeeeladan ayaa xaqiijinaysa in shacabku uu xaalad cabsi ah ku jiro ilaa xad aysan dareemin in ay meelna amaan ku yihiin," Ayuu yidhi. "In mudo ah ka dib [ayaa al-Shabaab waxay filaysaa] in dadku ay bilaabi doonaan in ay ka fikiraan in a aysan muhiim ahayn in ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya."

Keenya ayaa ku biirtay Ergada Midawga Afrika ee Soomaaliya bishii Octoobar 2011 sababta oo ah dagaalyahaniinta al-Shabaab ayaa ka qafaalanayay dalxiisayaalka ajaanibta ah xeebaha Keenya ilaa iyo markaas Keenya ayaa waxaa ku dhacay dhawr bam gacmeedyo , weeraro iyo qaraxyo bamb.

Martin Ewi, oo ah cilimi baadhe ruug cadaa ah kana shaqeeya Macahadka Daraasaadka Amaanka ee koonfur Afrika ayaa qaba in khibrada waraabinta bulsho ee al-Shabaab aan laga sugaynin in guulo milatari ay dhaliso, laakiinse hadafkeedu yahay in cabsi galinta ay u isticmaasho in ay ku cadaadiso Keenyaanka

"Waxaan u malaynayaa in ay tani tahay xeelad argaggisxio oo xeel dheer oo ay al-Shaaab isticmaalayaan," Ewi ayaa Sabahi u sheegay. " Argaggixisada ayaa in badan war-baahinta isticmaalay si ay ololahooda dacaayad ugu sameeyaan bulshooyinkana u cabsi galiyaan."

Imana Laibuta, oo ah Agaasimaha Guud ee Laisec East Africa, oo ah shirkad xagga ammaanka ah xafiisyana ku leh Keenya iyo Koonfurta Suudaan ayaa sheegay in "Dhalinyada sabool ah shaqo la'aanta ah oo aan waxba ka dhumaynin ayaa u arki doona dagaalyahaniinta dagaalkooda hadalka ah in ay tahay mid dhiirigalin oo aan la iska indho tiri karin."

Ilaa iyo hadda al-Shaaab waxay bilaabeen in ay soo saaraan joornaal internetka ku soo baxa luuqada Sawaaxiligana ku soo baxa iyaga oo ku jees jeesaya hawlgalka Ciidamda Difaaca Keenya oo ay u bixiyeen Operation Linda Nchi, kaas oo macnaheedu yahay "Waddanka Difaac", ay abuurtay hal ku dhig iyaga khhaas u ah Operation Linda Uislamu, oo macnaheedu yahay "Islaamka Difaac".

Waxay kale oo al-Shaaab la jaal noqotay Xarunta Dhalinyarada Islaamka , taas oo qabta in Kenya ay maamulaan dad aan muslimiin ahayn, kana codsatay shacabka Muslimiinta in ay ka soo horjeestaan dawlada.

Ciidamada Difaaca Keenya oo hawlgalkoodii sii wadaya

Apollos Machira, oo ah agaasimaha guud ee Xarunta Kenya ee Xalinta Khilaafaadka ayaa leh in sida ugu fiican ee lagula dhaqmi karo argaggixisadu ay tahay in xoog loo isticmaalo- waa luuqadda kaliya ee ay fahmayaan.

"Ilaa iyo hadda, kala go' la'aanta dhaqdhaqaaqa Ciidamada Xooga Keenya ee koonfurta Soomaaliya ayaa si wayn u curyaamiyay al-Shabaab taas oo maciinsatay in ay soo dayso tahdiid qarsoon iyada oo isticmaalaysa warbaahinta bulshada waxayna calaamad u tahay sida ay u niyad jabsan yihiin xaaladooda xun meesha ay marayso.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca Keenya Gaashaanle Emmanuel Chirchir ayaa Sabahi u sheegay horaantii sanadkan milatariga Keenya uu isaguna isticmaalayo warbaahinta bulshada si ay uga hortagaan been abuurka kooxdan aragaggixisada ah.

"Inta badan Ciidamada Difaaca ee Keenya waxa ay soo daabacaan waxyaalaha la xiriira guulahooda dagaalka, taas oo muujinaysa in al-Shabaab ay yihiin ciidamo daciif ah oo aan khibrad milatari lahayn," ayuu yidhi. " Waxaan adeegsanay xeelada al-Shabaab oo kale si aan u wiiqno ajeedooyinkooda. Ka muuqashadaanada iyo awoodaanada dagaalka internetka iyo adeegsiga warbaahinta ayaa ah mid muhiim ah markii lala dagaalamyo cadawga."

Laakiinse Ewi ayaa qaba intii laga jawaabi lahaa been abuurka al-Shabaab, dawladdu waa in ay ammaanka wadanka xoojisaa. " Waa in dadaal la sameeyaa in dadwaynaha loo balan qaado in dadaalo badan la wado sidii looga hortagi lahaa wax weerar ah, si ay nolol maalmeedkooda u qabsan lahaayeen cabsi la'aan," ayuu yidhi.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 16)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad