Agoosto 27, 2012
Hoggaamiyaha Islaamiga ee Keenyaanka ah, Aboud Rogo Maxamed, oo ku jiray liiska xanibaada caalamiga ah ee taageeraha kooxda al-Qaacidda la olagga ah ee al-Shabaab, ayaa la toogtay oo lagu dilay Mombasa Isniinti (Agoosto 27-deeda), markii rasaas looga soo furay gaari.
Goob jooge ayaa sheegay in gaariga ay ku firirtay rasaastu. Sawir ay sii daayeen taageerayaashiisa ayaa muujinayay meydkiisa oo dhiigaya oo ku hogan isteerinka gaariga.
"Wuxuu geeriyooday intii aan u wadnay isbitaalka," ayay tiri xaaskii uu ka geeriyooday Haaniya Saciid, sida ay sheegtay AFP-da, kahor inta iyada iyo caruurteeda aan loo qaadin isbitaalka.
Geerida Maxamed ayaa dhalisay in kumanaan mudaaharaadayoo carreysani ay isugu soo ururaan masjidkii uu muxaadarada ka jeedin jiray, iyagoo gubayay gawaarida, iskulana jaan qaadayay shacaa'ir ay isaga ku taageerayaan, AFP ayaa warisay.
"Imaam masjidka ku sugnaa ayaa isagoo cod baahiye adeegsanaya ku dhawaaqay "dhiig waa in dhiig loo daadiyaa", durbadiiba dhalinyarada ayaa bilaabay inay dhagaxeeyaan gawaarida," ayuu yiri goob jooge Dennis Odhiambo, oo gaarigiisa la wax yeeleeyay, dantuna ku qasabtay inuu u cararo saldhig bilays si uu u badbaado.
Taliyaha bilayska gobolka Aggrey Adoli ayaa yiri, "Hal qof ayaa dhintay, oo baangad ayaa lagu dilay intii uu mudaaharaadku socday."
"Buuq ayaa hadda ka taagan magaalada, saraakiishayaduna aagga ayay joogaan waxa ayna kala cayrinayaan rabshad wadayaasha si ay nabadda usoo dabaalaan," Adoli ayaa yiri.
"Magaalada dhan way gubanaysaa, kuwo wax boobaya ayaa waddooyinka taagan, gawaari ayaa la awax yeeleeyay, qaar kalena waa la gubay," ayuu yiri Francis Auma, oo ka tirsan uruka maxalliga ah ee Muslims for Human Rights.
Maxamed ayaa lagu daray bishii Juulaay liiska Mareykanka ee la xanibay isagoo lagu eedeeyay "inuu ku howlanyahay talaabooyin si toos ah iyo si aan toos aheynba u qalqal galinaya nabadda, ammaanka iyo daganaashiyaha Soomaaliya", gaar ahaan qoridda dagaalyahano iyo maal galinta al-Shabaab.
Maxamed "ayaa ku tirtirsiiyay taageerayaashiisa in ay u safraan Soomaaliya si ay ugu biiraan dagaalka ay al-Shabaab kala hor jeeddo dowladda Kenya" Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa sidaa tiri.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka manuucay safarka Maxamed bishii Juulaay, hantidiisana xayiray, iyagoo sheegay inuu ugu deeqay "al-Shabaab taageero dhaqaale, mid maaddi ah, mid lojistik ah, iyo mid farsamo".
Waxa uu ahaa "hoggaamiyaha fikradeed" ee kooxda Keenyaanka ah ee al-Hijra, oo sidoo kale loo yaqaano Muslim Youth Centre (MYC), Qaramada Midoobay ayaa tiri. Kooxda ayaa loo aqoonsanyahay in ay tahay isbahaysi muhiim Kenya uga ah al-Shabaab.
Maxamed "ayaa u isticmaali jiray kooxda xag jirka ah waddo macanggageyn ah iyo qorid dagaalyahano Afrikaana oo ku hadla luuqadda sawaaxiliga si ay uga qeyb galaan dagaalka ay maleeshiyaadku ka wadaan Soomaaliya", sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Iyagoo isticmaalaya bartooda Twiterka, MYC ayaa soo saaray digniintooda ugu dambaysay oo dhahaysa "kufaartu [kuwa aan iimaanka laheyn] way magi doonaan geerida Maxamed. Iyagoo soo saaray sawir gaari qarxay oo wadada ku gubanaya, MYC ayaa tiri, "Tani ma tahay bilowga waxa iman doona mise ma aha?"
"MYC waxa ay fariin ku aadan geerida Sheekh Rogo u direen Mujaahiddiinta Tansaaniya, "kooxda ayaa tiri, taas oo tilmaan u ah in aar gudashada ay ku faafin doonaan meelo ka baxsan Kenya.
Hoggaamiyaha MYC Sheekh Axmed Iimaan Cali ayaa fariin uu barta Twiterka ku soo dhigay ku sheegay, "Waxaannu haynaa wadada saxda ah marka ay hoggaamiyayaasheena ay shahiidayaan."
"Waxa uu ku sugnaan doonaa quluubteena waligeen," MYC ayaa tiri.
Bilayska Kenya ayaa Maxamed xiray bishii Janaayo, iyagoo qabtay hub, rasaas, iyo qalabka qaraxa kiciya. Waxa uu Agoosto 14-keedii hor tagay maxkamad ku taala Mombasa isagoo lagu eedeeyay in uu qorshaynayay weeraro lagula kaco meelaha bulshadu isugu timaado.
Maxamed ayaa lagusoo oogay lix dacwadood oo la xiriira haysasho hub sharci darro ah, isagana uu ku dooday in uusan dambi laheyn, waxaana markii dambe lagu sii daayay damaanad shan milyan oo shilin ah, oo u dhiganta 60,000 oo doolar. Kiiska ayaa dib loo dhigay iyadoo mar kale la balamay 15-ka Oktoobar.
Dhinaca kale, Gudiga Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku soo rogtay cuna qabateyn safar iyo hanti xayirid Abuubakar Shariif Axmed, oo ah hoggaamiye MYC, Maxamedna la ahaa "saaxiib dhow."
"Axmed waxa uu hogaaminayay askareynta da' yarta Muslimiinta Keenya si ay uga qeyb noqdaan dagaalka ay maleeshiyaadku ka wadaan Soomaaliya," gudiga ayaa ku yiri warbixin uu soo saaray 23-kii Agoosto.
"Waxa uu taageero maaddi ah siinayay xag jiriinta Kenya (iyo meelo kale oo Bariga Afrika ah)," ayaa warbixintu tiri. "Safarkiisa joogtada ah ee uu ku tagayay meelaha ay al-Shabaab ku xoogganyihiin, sida Kismaayo, ayaa u suurto galisay in uu xiriir adag la sameysto xubnaha al-Shabaab."
"Axmed ayaa ka sheegay masaajid ku yaala Mombasa inay haboon tahay in dhalinyaradu u safraan Soomaaliya, ayna gaystaan talaabooyin xag jirnimo ah, ay la dagaal galaan al-Qaacidda, ayna dilaan muwaadiniinta Mareykanka," sida warbixinta lagu sheegay.
Axmed ayaa 2010-kii al-Shabaab uga ahaa abaabule iyo askareeye aagga Majengo oo ku taal Mombasa, sida warbixinta lagu sheegay.
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
Dab qabsaday suuqa weyn ee Gaarisa ayaa burburiyay in ka badan 100 buqcadood habeeynimadii Isniin...
Xoghayaha Dawladda ee Midnimada Qaranka Jabuuti Zahra Yuusuf Kayad ayaa Isniintii (17-kii June) w...
Guddiga barlamaanka ee miisaaniyadda ayaa diiday qorshe xafiis cusub loogu iibinayo madaxweynihii...
Gubato ka kacday magaalada Balbala ee Jabuuti Axaddii (16-kii June), ayaa burburisay 11 guri iyad...
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
waxa aan ubaahanahay maahan nabad ee waadoowlad islaami ah iyo sharciga in dadka lagu dhaqo ilaa taas lagahelo madhamaanayo dagaalka in shaa alaah waxaan leeyahay dadka aaminsan nabad kakaca hurdada ilaa mareekan laga baabi iyo iyo xulufadiisa malanasanaayo sharcina mahirgalaayo waana babi in doonaa inshaa alaah
Sidaynu ognahay cidkastaa waxay rabto ayay samaysaa. Marka hada waa in aan arrinkaa u feejignaanaa, waana in aan isku daynaa in aan taxadir yeelano marka aan go’aan gaadhayno. Marka aynu rabno in aynu wax go’aamino, waa inayno dib ugu noqonaa quraanka kariimka ah, waayo waxaynu ka heli doonaa dhexdiisa sida aynu go’aan ku gaadhi karno. Ra’yigaguna waa sidaa.
Khalad khalad laguma saxo, dad aan waxba galabsan oo dhiigooda la daadiyaana mushkilada xalin maayo, markaa doorashooyinkii hore iska horimaadyadii dhacay cashar ha inoo noqdaan
Waa isku dayo badan, laakiin waxa kaliya ee aan u baahanahay waa nabad
Waa wax qofka ka cadhaysiinaya, marka uu qofku arko dad masaakiin ah oo bilaa sabab u dhimanaaya. Laakiin xaalku wuu cadyahay oo xukuumadu waa cidda ka dambaysa dilka loo gaysanayo wadaadada, waxaana arrinkaas xukuumada kala shaqaynaya qaar ka mida hogaamiyayaasha muslimiinta ah ee munaafiqiinta ah.
Waxay ila tahay in nimanka gubay kaniisadaha ee daadiyay dhiiga dad aan waxba galabsani ay ka shallayn doonaan waxay gaysteen, waayo ilaahay maaha in lagu xadgudbo. Arrinku waa mid fudud, waana inaad noqotaan dad hawlkar ah inamadiinan caajisku dishooday, ee ku andacoonaya inay yihiin dad eebe ku dhow. Waxaad hadaba ogaataan in sheekh rogo uu dhintay sheekaduna ay soo dhamaatay, waxaanan leeyahay waad ceeboowdeen, ee caruurnimada joojiya, oo si qoto dheer u fekera, runtii anigu kuma faraxsani waxaad wadaan.
Maah in loo aargudo dilka loo gaystay dad aan waxba galabsan iyo dambiyada lagula kacay kaniisadaha. Waayo arrinkaasi kaliya wuxuu sii kordhin karaa in diintiina mid xun loo arko! Ka waran hadii ay dadka kiristaanka ahi ka aargoostaan cidii weerarada iyo dilalka gaysatay? Jawaabtu waxa weeyaan waxaad idinka laftiinu noqonaysaan inaad tihiin argagixiso! waligiina waxaad ahaan doontaan dad dibu socod ah, kuwaasoo ku xadgudba meelaha ilaahay lagu caabudo, isla markaana laaya oo jidhdil u gaysta dad rayid ah oo aan waxba galabsan!
Waa inay dhamaan dadka reer Kenya ay wakhtigan sidii dad iyo qaran mudakar ah u wada fadhiistaan. Wixii dhacay ee ay ka mid tahay dilka sheekh Maxamed maaha wax habayaraatee wacan, laakiin waxay dhacdadaasi dunida u muujisay inay muslimiintu yihiin dad dagaal badan, inkastoo aysan diintoodu sidaa dhigyan. Falalka noocaas ah markay ku kacaan waxay u ekaanayaan kooxda Boko Haram iyo kooxda alshabaab. markaa waxaan leeyahay dadka reer Kenya nabad ha kuwada joogaan, oo marlabaad horusocod ha yeeshaan dadka reer Kenya, si ay Kenya u noqoto qaran midaysan oo calmaaniyad ku dhaqma.
Waa si wacan in ninkaa laga takhalusay…Cabuud Rogo wuxuu ahaa nin budhcad ah oo khatar ah, manuusan u kala aaba yeeli jirin dhaqamada reer galbeedka iyo diinta kiristaanka. Wuxuu ahaa nin diinta kiristaanka iyo dhaqamada reer galbeedku ay isugu mid yihiin, waxaana qalbigiisa dhaamiyay nacayb uu u hayay kaniisadaha iyo dadka kiristaanka ah. sidoo kale wuxuu wakiil u ahaa kooxaha alshabaab iyo alqaacida, waxaanuu aaminsanaa in sida ugu wacan ee ay dadku u noolaan karaan ay tahay inay raacaan diinta islaamka iyo dhaqamada carbeed, arrinkaana waxaa u daliil ah waxay dadka taabacsanaa ay ku kici jireen, ee ay ka mid yihiin gubitaanka kaniisadaha iyo weerarista dadka kiristaanka ah, kuwaasoo iyagu aan ka warhaynin inay cid kale cadaw u haysato.
Nimanyohow ha dagaalamina ayaan idin leeyahay, waayo dagaalku dhaqaalihiina ayuu saamayn doonaa. fadlan aan nabada ilaashano, waayo dhamaanteen isku mid ayaynu nahay.
Waxaan u jawaabaya mimi, waxaanan leehyahay qofku waa inuu mararka qaarkood intuusan wax soo qorin uu ka fekeraa. Markaad hadaba leedahay dhiig la daadshaa dhiig la daadshuu leeyahay, waa ayo cida aad ku fekeraysid inaad dhiigeeda daadisaa? Hadii aad ka cadhaysantahay dilka la dilay sheekh Rogo, waxaad ogaataa in cidda aad rabto inaad dhiigeeda daadisaana ay sidaada oo kale u cadhoon doonto. Waxaan ilaahya ka baryayaa in cidii dishay sheekh rogo ee dhiigiisa daadisay ay cadho alle ku dhacdo!!!
Afkiina caano lagu qabay Moss iyo Kiambaa, dadkii kaniisadaha gubayna godob ayay galeen, godobtaana ilaahay ayaa kaga aargoosan doona. dadka muslimiinta ahi dhamaantood maaha kuwo kaniisadaha guba, laakiin cida kaniisadaha gubtaa waa dadka tiro yar oo dambiilayaal ah, dambigoodaana ku nabad galimaayaan, waligood intay dhulka joogaan.
Ilaahay oo kaliya ayaa awood u leh inuu dilo cidii uu rabo, markaa walaaleheena muslimiinta ah waxaan leeyahay maxay idiin gaysteen kaniisaduhu ee aad u gubaysaan? Ilaahay ayaa ciqaabi doona dadka xume wadayaasha ah.
Waxaan walaalahayga muslimiinta ah ku boorinayaa inay si nabad ah u mudahraadaan, waa hadii mudahraad loo baahdee, waana inay iska jiraan gacan ka hadalka. Xukuumadu horay u balanqaaday inay talaabo qaadi doonto, markaa aan sugno!!!
Qalad qalad laguma saxo, markaa waa in la wax laga qabtaa dadka dambiilayaasha ah, dhanka kalena waa in falalka noocaas ah ee bahalnimada ah la joojiyaa, waana in sharcigu shaqeeyaa
Anigu waxaan ahay qof muslim ah, waxaanan noloshayda oo dhan ku noolaa dalka Kenya, qaar badan oo ka mida asxaabtayduna waa kiristaan, xaqiiqada dhabta ah ee laakiin qofka niyadjabka ku ridaysaa waxaa weeyaan in inkastoo dadka muslimiinta ahi aysan dhamaantood ahayn argagixiso, laakiin argagixisadu dhamaantood waa muslimiin. Markaa aniga waxay ila tahay in aynu hadaynu nahay muslimiin aynu afkaarteena dib ugu laabano, oo aynu ka fekerno in aynu aqbalno oo aynu ixtiraamno dadka kale diimaha ay aaminsanyihiin. Waxaan cudurdaar u dirayaa walaalahayga reer Kenya ee naf iyo maalba ku waayay falalkan ceebta ah ee fulaynimadu ku dheehantahay, ee ay ku kaceen walaalahayga isku sheegaya inay yihiin “muqadas”…
Waxaasi waa maalayacni, waana hordhicii, ee filinka intiisii kale way soo socotaa
Walaalahayga muslimiinta ahoow, waxaan idiin sheegayaa inay aad u xuntahay in qofku gacantiisa kaga aargoosto dad kiristaan ah oo aan waxba galabsan, intii uu qofkaasi ka fikiri lahaa inuu helo siyaabo kale wacan oo uu ku xalin karo mashaakilka. Hadaba waxaad xusuusnaataan in dadka aan waxba galabsan ee aad dambi aysan galin ku haysataan aysan waligood idiin dambi dhaafi doonin, xitaa ilaaha aad isk dhigaysaan inaad caabudaysaana waligii ducadiina aqbali maayo, waayo waxaad tihiin dad bilaa faa’ido ah.
Ninkani wuxuu ku jiray liiska caalamiga ah ee dadka argagixisada ah! yaa og in cida toogatay aysan ahayn dadka argagixisada ah ee isaga taabacsan? In kaniisadaha la gubo, dadka kiristaanka ah ee aan waxba galabsana la laayo, isla markaana lagu kaco falal bahalnimo ah dhamaan arrimahaasi waa argagixiso! hadaba waa in ciidamada bilayska ee Kenya ay gabigoodaba joojiyaan…
Falkaasi waa fal murugo leh oo dhamaanteen ceeb inagu ah, markaa xukuumadu waa inay dhakhso uga jawaabtaa oo ay falalka noocaas ah joojisaa.
Qalad qalad laguma saxo saaxiibadayda muslimka ahoow, waayo marka aad kaniisadaha gubtaan, waxaa muslimiinta iyo kiristaanka ka dhex abuurmaysa cadaawad tii hore ka badan, markaa maxaa inoo diiday inaynu xukuumada u dayno inay iyado la timaado xalka mashaakilka jira, intii aynu inagu qaanuunka gacanteena ku fulin lahayn. Hadaba fadlan joojiya gubista aad gubaysaan meelaha ilaahay loogu cibaadaysto.
Waxaan u jawaabayaa Moss, waxaanan leeyahay hore ayaad u sheegtay! Ilaahay ayaa dagaalkan inoogu jira, ilaahayna cidii u toobad keenta si waafi ay ayuu ugu dambi dhaafaa.
Waxay taariikhdu muujisay in aargoosigu uusan mashaakilka dunida xalinin. Xaqiiqadu waxa weeyaan dadka argagixisada ah dagaalkoodu wuxuu la mid yahay dagaalada aargoosigaah, markaa argagixisada woxoodu waa doqoniimo, waxaana waajib ah in si aan dadka kale diinta loola tiigsanin loola tiigsado argagixisada, oo waxay diintu ku xukunto lagu fuliyo. Hadaba dadka reer Kenya haday kiristaan iyo muslim yihiin, iyo haday asnaamta caabudaan iyo hadaysan diina aaminsanayn, dhamaantood waa inay xagjirnimada ka fogaadaan, si danta guud looga taliyo.
Ilaahaygi Sharafta lahaayoow, awoodaada nagu ilaali. Dagaalkani maaha mid aanu taag u hayno, markaa ilaahii Israa’iiloow noo dagaalan. Aamiin.
Caqiidadu waa shay qofka bini’aadamka ah ku qasbi kara inuu ku kaco waxyaabo aanuu markuu caadiga yahay ku kici karin. waxaan idiin sheegayaa inaysan iyagu cadawgiina ahayn, balse ay naftiinu tahay cadawgiina koowaad. Waa inaan dhamaanteen baranaa oo aynu isla qaadanaa oo aynu isla ogolaanaa inaynu kala duwanaan karno, laakiin inagiibaa noloheenii ka dhigayna mid adag. Qofku falka uu doono ayuu ku kici karaa, laakiin falalkaas natiijooyinkooda qofku gacanta kuma hayo, markaa intaydaan falin ka fiirsada.
Waa wax ceeb ah in aynu aragno dadkii afrikaanka ahaa oo iyagu dhexdooda isku dilaaya caqiidooyin diimeed oo laga keenay dalalka carabta iyo reer galbeedka. Ilaahay ha nacdalo cidii qaarada afrika keenta diina islaamka iyo diinta kiristaanka.
Sheekh Roogo iyo dadka taabacsani waxay ahayd inay ogaadaan in “cidii soodh wax ku disha iyadana soodh lagu dili doono”, waxan ay leeyihiin ee ah “dhiig la daadshaa dhiig la daadshuu leeyahay” waa wax aan wanaagsanayn. Run ahaantii diinta kiristaanka ayaa ka wacan diinta islaamka, waayo markii dadka kiristaanka ah lagu laayay kaniisadaha Kenya dhexdooda ee ay muslimiintu laayeen, dadka kiristaanka ahi maysan aargudanin. Markaa muslimiintu waa inay ogaadaan in aysan iyagu ahayn cida kaliya ee dunidan muhiimada ku leh.
Waad ku mahadsantahay walaal maqaalka kor ku qoran, waxaanan ilaahya ka baryayaa inuu xigmad iyo fahmo dheeraad ah kugu manaysto. Teeda kale, waa waxa laga murugoodo in dadka muslimiinta ahi ay kaniisadaha gubaan iyagoo raba inay sidaa ku aargutaan!! Anagu dadka muslimiinta ah waanu jecelnahay waananu la jirnaa, maxay markaa ugu soo jeedsanayaan kaniisado aan waxba u gaysanin.
Waxaan qabaa in rogo iyo dadka la midka ahi ay yihiin cadawga muslimiinta, waayo sinaba rogo looguma sheegi karo inuu muslim yahay, mar hadii uu si cad ugu baaqay in la laayo dadka aan waxba galabsan. diinta islaamka noloshu qiime wayn ayay la leedahay, in qof aan waxba galabsan la dilaana waxay ka dhigan tay iyadoo dadkii oo dhan la laayay!! Hadaba waa in wadaadadan mayalka adag xabsi daa’in lagu xukuma, waayo maxaa wanaag ah ee ninkan rogo lagu sheegaya uu dadka muslimiinta ah u qabtay? Dadka muslimiin isku sheega ah ee raba inay dhimashadiisa u aar gudaan, waxaan u sheegayaa in rogo uu wuxuu mutaystay helay, teeda kale miyaan markii la qabtay la helin hub aad u badan oo khatar ah oo uu haystay? Hadii se uu ku guulaysan lahaa inuu laayo dad kale oo reer Kenya ah oo aan waxba galabsan miyay wadaadadani arrinkaa ku farxi lahaayeen? Hadaba waxaan leeyahay aynu wax walba halkiisa ugu tagno oo aynu siduu yahay u sheegno runtana aynu ka sheegno, rogo na wuxuu ahaa nin dadka nacayb iyo calool xumo ugu baaqa, dadka noocaas ahna meeli ugama banana diinta islaamka, waxaan ilaahya ka baryayaa in uu Cabuud Roogo naarta ku kar celiyo waligii iyo abidkii, aamiin oo hadana aamiin!!
Masaajidadu waa meel lagu cibaadaysto, waxaanay la siman yihiin kaniisadha, markaa maxaa idinka qaaday ixtiriimkii aad u hayseen kaniisadaha ee aad falal argagixiso ah ula beegsanaysaan dadka meelaha lagu cibaadaysto ku jira, mise waxaad rabtaan inaanu badalno magaca kaniisadaha, oo aanu ugu yeedhno xeryo ciidan?
“Dhiig dhiig u daadi” maaha wax xal u noqon kara mushkiladaha jira. Sidoo kale, kaniisadohoo la gubaa xal maaha, markaa bal isku noqda oo fekera. Dhalinyaradan iyagu ka qaybqaadanaya gubista kaniisaduhu macno darro ayay ku dhimanayaan, markaa maxaa u diiday inay dadka nabad ugu baaqaan? Maxaa kaniisadaha arrinkan loosoo dhex galinayaa? Dadka muslimiinta ahoow mudanayaal iyo marwooyin waxaan idin leeyahay bal isku noqda oo waxaad falaysaan ka fiirsada? Miyaad waligiin maqaasheen dad kiristaan ah oo masaajidada gubaaya?
Dilka dadka reer Kenya muslim iyo kiristaan iyo cidaan labadaa midna ahaynba way dhaleecaynayaan, umana baahnin in dalkeena ay dagaalo sokeeye hadheeyaan. Dhamaanteen ilaah kaliya ayaynu leenahay, kaasoo aynu magacyo badan u naqaano, sida Allah,Ngai,God,Mwiyai,Jile,Jah………..markaa fadlan tolow colka jooja.
Wax murugo leh. Dad masaakiin ah ayaa xaqdaro ku dhimanaya.
Dhiig la daadiyaa dhiig la daadiyuu leeyahay, hadii kale xukuumadu ma awoodaa inay hadasho oo ay noo sheegto sababta ay u dileen ninkan.
Muslimiinta qaaliga ah ee reer Keenyoow maxaad u gubaysaan kiniisadaha? Miyaad waligiin aragteen kaniisad hub intay qadato dadka ku dhibaataysa? Dadkayagii kiniisadohoodii iyagoo ku jira ayaa la qarxiyay, laakiin anagu waligayo maanu gubin masaajido, markaa dhiiga dadkaas ee daatay miyuusan dhiig dad ahayn? maxaa cadhada loogula dhacayaa kaniisad aan wax dhib ah cidna ku haynin? Kaniisadu way taqaanay ninka Rogo lagu magacaabo, waanay u ducaynaysaa, kumana faraxsana kaniisadu dilkiisa. Maxaa idinku kalifay inaad kiniisadaha aadaan oo aad meelaha qurbaanka lagu sameeyo u gubtaan? Maxaa idiin diiday inaad doonataan dablaydi oo aad dishaan. Anagu hadaba waanu idin saamaxnay, dadkii ka dambeeyay gubitaanka kaniisadana waxaan leeyahay ilaahay u toobad keena, waayo xadkii ayaad ka gudubteen, anaguna idinla dagaalami mayno, balse ilaahay ayaa idinla dagaalami, ilaahayna wuu awood badan yahay, umana baahna in qof bini’aadam ahi uu u dagaalamo. WAXAADSE OGAATAAN ILAAHAY AAD AYUU IDIIN JECELYAHAY.