Agoosto 22, 2012
Al-Shabaab ayaa bilawday in ay kor u qaaddo iibinta hilibka dhurwaaga ee magaalada dekada ah ee koonfurta Soomaaliya Kismaayo si ay lacag ugu hesho dhaqdhaqaaqeeda milatary inta aan la gaadhin dagaalka la sugayo ee ay la galayso ciidamada Soomaaliya iyo kuwa huwanta ,Falanqeeyayaasha ayaa sidaas leh
Culimada Soomaaliya ayaa waligood u arkayay in cunida hilibka dhuwaagu ay tahay mid xaaran ku ah Islaamka sababta oo ah in xayawankan uu cuno hilibka bakhtiyay ee dadka iyo xayawaankaba
Arintan cusub ayaa ah mid ka mid ah calaamadaha cadaynaya xaalada dhaqaale ee aadka u adag ee kooxadan la bahawday al-Qaacidda soo foodsaartay iyada oo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa huwantu ay bilaabeen in ay la wareegaan saldhigyada al-Shabaab ee waddanka oo dhan.
Si loogu qanciyo shacabka in cunida hilibka kaas oo inta badan dhintay sababata oo ah xayawankan maydka cuna, gabacsatada al-Shabaab ayaa isticmaalayay khuraafaadka qadiimka ah ee sixirka madow si ay kuwa aan wax badan ogayn ay u ugaadhsadaan. Sulaymaan Cabdi Guuleed oo ah cunto kariye Hoteelka AlKhaleej ehelkiisuna ay Kismaayo joogaan ayaa sidaas yidhi.
Sida ay qabaan dadka isticmaala sixirka madow hilibka dhurwaaga ayaa waxa uu fiican yahay in uu sixirka celiyo, cudurkana ka difaaco , ishana ka celiyo.
"Arintan waa arin murugadeeda leh sababta oo ah waa arin ka baxsan dhaqanka [Soomaalida] in dhurwaaga la cuno, gaar ahaan iyada oo la heli karo xayawaan kale oo la cuni karo," ayuu yidhi. Al-Shabaab waa koox aan faa'iido lahayn kuwaas oo isku dayaya in ay u isticmaalaan dhurwaaga iyo khuraafaadka sirxirka madow dhaqdhaqaaqooda milatari.
Khaliif Maxamuud, oo ah ganacsade reer Kismaayo ah, ayaa sheegay in al-Shabaab ay lacag ka sameeyan ka ganacsiga iyo xakamaynta qawraca dhurwaaga
Al-Shabaab ayaa gacanta ku haysa meesha magaalada ugu wayn ee xoolaha lagu qawraco, waa in aan lacag bixino si aan u qawracno haragana uga saarno xayawaanka markii la soo ogaadhsado," ayuu Sabahi u sheegay.
Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif oo ah sheekh Soomalaiyeed ayaa sheegay in dadka laga xaaraantimeeyay ugaadhsiga iyo cuntida dhurwaaga markii la fiiriyo qaanuunka shareecada
"Dhurwaaga ayaa ka mid ah xayawaanada kuwa ugu khaa'insan uguna cirka wayn, iyaga oo adhiga ugaadhsada dadka hilibkiisana cuna,". ayuu yidhi. " Waxay kale oo faqaan xabaalaha kana soo bixiyaan maydka cunaana, waxaa intaas dheer in ay cunaan ragada xoolaha, cayayanka iyo hadhaaga xawaanka kale.
Mursal Isaaq oo ah u dhaqdhaqaaqe bulshada madaniga ah ee Muqdisho ayaa sheegay in xaalada dhaqaale ee aadka u hoosaysa ee al-Shabaab ay kooxdan u horseeday in ay maciinsadaan ka ganacsiga dhuxusha iyo hilibka dhurwaaga si ay u maalgaliyaan dhaqdhaqaaqooda milatari.
"Dhurwaagu waa xayawaan wasakh ah oo cuna raqda dhimatay, waana sidaas sababta aan uga codsanayo walaalaaha Kismaayo jooga in ay iska ilaaliyaan cunida hilibkiisa," ayuu Sabahi u sheegay. " Ilaahay wuxuu nagu galadaystay xayawaan dhuleed iyo mid badeed, waxaan aaminsanahy in ay fiican tahay in laga fogaado xaywaankan."
Isaaq ayaa sheegay in al-Shabaab ay isku dayayso in ay xoojiso xaaladeeda kala daadsan ee dhaqaale, sababata oo ah waxay ka cabsanayaan in xoog ahaan ay u jabiyaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ee jooga Soomaaliya (Amisom).
Sagal Xasan Cali, oo ka shaqeeysa mukhaayad yar oo ku taala Wadada Afmadow oo ah meel ka yara baxsan Kismaayo ayaa sheetay in aysan waligeed cunaynin hilibka dhurwaaga aysanna isku dayaynin in ay ogaadhsato xayawaankan sharka badan.
Waxay Sabahi u sheegaty in ay ka xanaaqsan tahay in suuqa maxaliga uu noqdo goob looga ganacsado hilibkiisa
Muna Macalin Eenow, oo ah qof ku takhsusay Cilimiga Bulshada ayaa sheegaty in iibinta hilibka dhurwaaga ee suuqa Kismaayo ay u shaqaynayso maslaxadda kooxdan oo hubka u qaaday ka soo horjeedsashada dawladda Soomaaliya iyo cidamada AMISOM.
Sidaas oo ay tahay, waxay Sabahi u sheegaty in guul darada, naf lacaarnimada iyo jabka madaxda al-Shabaab soo gaadhay ay u tahay guul ciidamada is bahaystay.
Muno ayaa sheegaty in ciidamad Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ay ka saari doonaan al-Qaacidda iyo kuwa raacsan ee Soomaalida ah meelaha ay ku dhuumaalaysanaayan ee Kismaayo Marka, Bu'aale , Baardheere iyo Jawhar.
"Ilaa iyo hadda, ciidamada qalabka sida waxay ka aargoosanayeen la dagaalankooda ka dhanka ah al-Qaacidda," ayay tiri. "Guulooyinkaas ayaa waxay na siinayaan rajo ah in ciidamada Soomaaliya ay wali wax fiican samaynayaan, qabiilna u kala qaybsanayn , awoodooduna aysan yarayn."
Lixdii bilood ee la soo dhaafay, al-Shabaab waxaa laga qabsaday xarumo iyo fadhiisimo muhiim ah oo Muqdisho ah iyo degmooyin kale oo ah Afgooye , Balcad iyo Afmadow Ciidamada huwanta ayaa qasaare wayn ku gaadhsiiyay al-Shabaab Gedo Shabeelada Hoose iyo Jubada dhaxe
Khasaarihii dhawaan ku dhacay darteed, ayaa al-Shabaab waxay bilawday xeelo cusub sida olole been abuursasho ah iyo weerar argaggixiso oo Kenya gudaheeda ah, iyo shirqoolo dilmo ah oo suxufiyiinta loogu gaystay Muqdisho.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Waa wax murugo leh, waxaan leeyahay aan dadkaas u ducayno, si ay uga baxaan waxyaabaha khuraafaadka ah ee ay aaminsanyihiin, isla markaana aysan u taageerin kooxda alshabaab, waayo hadii ay hilibkaas iibsadaan, kooxda alshabaab ayaa lacag dheeraad ah heli doonta, waxaanay sii wadi doonaan dadka ay laynayaan.
Waraabuhu waa xayawaan leh sun aad u khatar ah! hilibka waraabuhuna sida cudurka kansarka ayuu si tartiib tartiib ah jidhkiina u burburin doonaa
Arrinkan shaki kuma jiro inuu yahay dacaayadii ugu waynayd ee abid ina soo marta!!!! Dadka moodaya in arrinkani uu diinta ku saabsan ayahy, waxaan leeyahay fadlan maqaalka marlabaad akhiraya, waxaanad u fiirsataan aragtida wadaada, markaa intaa kadib go’aan ka gaadha arrinka
Waa wax murugo leh hadii ay dadka soomaaliyeed maantaba waraabayaasha cunayaan, arrimahaasina waa kuwo caalami ah.
Hilib waraabe ayaa la cunayaayaa? Cunista hilibka waraabuhu wuxuu qofka ka dhigi karaa bahal aan bini’aadam ahayn, waxaanuu qofku noqon karaa dad cun bilaa kalgacayl iyo bilaa naxariis ah, kaasoo qalbigiisa wax dareen ahi ku jirin. Tolow maxaa kaloo ay dadka noocaas ahi cunaan, ee ka dhigay qaar dadka walaalohood ah ee bini’aadamka gawraca, hadana isku dal kula nool? Waxaan leeyahay ciidamada difaaca Kenya, kuwa Amisom iyo kuwa Soomaaliya, hore u socda ilaahay ayaa idinla jiree.
Mmhhh waa markii iigu horaysay ee aan diin noocan oo kale ah aan maqlo, malaha waxaynu u baahanahay inaynu raadraac samayno inagoo cadayn dhaba hayna
Waxaan walaalahayga muslimka ah usoo jeedinayaa inay joojiyaan sixirka ay ku dhaqmayaan, waayo habdhaqankiina wakhtigan xaadirka ahi waa mid xagjirnimo badani ka muuqato, waayoo waxaad gaadheeen heer aad waraabayaasha cuntaan, taa macneheeduna waxa weeyaan in aad dad bini’aadam ah aad cunaysaan, sababtoo ah waraabayaashu maydka ama raqda dadka dhintay ee aad disheen ayay quutaan. Waxaad u dhaqmaysaan sidii oo aad ilaahay u mahadnaqaysaan, laakiin anagu waxaanu ilaahay idiinka baryaynaa in uu idin barakeeyo, si dunidoo dhami ay nabad u hesho.
Kooxda alshabaab ma ciidan ay dadka soomaaliyeed aasaaseen baa, oo ma iyagaa go’aan ku gaadhay inay kooxdan abuuraan, mise dadyow kaleeto oo dalal kale kasoo jeeda ayaa kooxdan abuuray? Waxaan su’aashan miiska usoo dhigay sababtoo ah cida waxyeelada ugu badani ay kasoo gaadho dagaalada ay kooxdani wadaa waa dadka soomaaliyeed. Hadaba caqliga saliimka ahi wuxuu inoo sheegayaa in hadii ay kooxdan ujeedadeedu tahay inay soomaaliya u dagaalaan ay tahay in hawlgaladoodu aysan waxyeelaynin dadka soomaaliyeed, laakiin waxa meesha inooga muuqdaa waa muwaadiniinta soomaaliyeed ee aan waxba galabsan oo waxyeelada ugu wayni ay kasoo gaadhayso hawlgalada kooxda alshabaab hormoodka ka tahay. kooxda alshabaab waa inay ka fekertaa arrinkan, si ay bulshada soomaaliyeed ugu muuqdaan dad wanaagsan.
Aniga runtii way I xiisagalisay sheekadan waraabaha ku saabsan ee ay kooxd alshabaab la yimaadeen, taasoo ay leeyihiin in cunista waraabuhu uu sharka dadka ka xijaabo. Runtii waa wax la yaab leh inaynu dadka noocaas ah isku wakhti ku noolnahay
Dhamaan dadka afrikaanka ah waxaan leeyahay aynu midawno si aynu isaga caabino in diinteena iyo madhabteena loo adeegsado wax kasoo horjeeda ilaahay wixii uu ina amray eek u saabsan in aynu nabad iyo barwaaqo bulshadeena ku dhiiri galino. Maxaa keenay in kooxaha diimeed ay faraha la galaan dagaalo, oo ay isu qarxiyaan, isla markaana ay naftooda u khasaariyaan oo ay caruurta yar yar ee aan waxba garanayn u adeegsadaan uguna amraan inay is qarxiyaan? Maxay kooxahaas madaxdooda iyo hogaamiyayaashodu ay naftooda u huri waayeen oo ay isu qarxin waayeen hadii ay dhab ahaantii rabaan inay galaan janada ay intaa dadka uga sheekeeyaan? Waxaan odhan lahaa aan nabada dhiiri galino oo aynu qurbaan dhab bixino…oo aynu sidoo kale maskaxdeena ilaahay ina siiyay adeegsano. Dadku carab iyo cadaan ma kala soocna, arrinkaasina maaha mid dhibaato ku jirto, waayo inaga lafteenu hadaynu nahay dadka reer afrika ilaahay ayaa inala xisaabtami doona.