Ujeedada Muslim Youth Centre waa in ay fitno diineed ka abuuraan Kenya siday leeyihiin falanqeeyayaasha

Waxaa qoray Bosire Boniface oo Gaarisa jooga

Agoosto 22, 2012

  • 51 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Kooxda al-Shabaab la jaalka ah ee Muslim Youth Centre (MYC) waxa ay doonayaan in ay dagaal kooxeed ka abuuraan Kenya, saraakiisha ammaanka iyo falanqeeyayaasha ayaa sidaa leh.

MYC, oo magacooda kale uu yahay Pumwani Muslim Youth, ayaa sheegay in Kenya ay ka taliyaan dad aan iimaan lahayn, waxa ayna bulshada Muslimiinta ah ugu baaqeen in ay sameeyaan kacdoon ka dhan ah dalka.

War lagu soo dhigay mareegtooda internetka bishii Janaayo 14-keedii, kooxda ayaa wacad ku martay in ay qaadayaan "weeraro kadhan ah Kufaarta [gaalada] Kenya, taasi oo aan ugu aar gudayno walaalaheena al-Shabaab ilaa dalka uu ciidamadiisa ka soo saaro Soomaaliya".

2011-kii, kooxda Qaramada Midoobay ee la socodka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sheegtay in MYC ay Kenya al-Shabaab uga olaleeyaan, maal galiyaan, tababaraan, taageeraana dhaq dhaqqaaqyada jihaadiyiinta.

MYC waxaa dhidibada loo aasay 2008-dii, waxaana hoggaamiya Axmad Imaan Cali, oo sidoo kale loo yaqaano Abdul Fataax Kismaayo, kaasi oo Soomaaliya ka howl galayay ilaa 2009-kii, sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay.

Tan iyo markii la aasaasay, MYC si xoog leh ayay xubnaheeda iyo taageerayaasheeda shabakadda u horumareen, Calina waxa uu Soomaaliya ku hoggaamiyaa 500 dagaalyahanno Keenyaan ah, oo intooda badani ay yihiin caruur.

"Guusha Cali ee qoridda dagaalyahanada iyo howl galinta dhaqaalaha ayaa u muuqata in ay u kasabtay koritaan deg deg ah gudaha al-Shabaab," warbixita Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay. "Kooxda ayaa dooneysa inay weeraro xoog leh ka fuliso Kenya, iyo weeraro ay macquul tahay in ay ka fuliso meelo kale oo ku yaal Bariga Afrika."

Kadib dafirid ay markii hore dafireen, kooxda waxa ay xaqiijisay xiriirka ay la leedahay al-Shabaab.

"Noqoshada Cali hoggaamiyaha ugu sareeya ee al-Shabaabta Kenya waa garwaaqsi aan ka helnay walaalaheena Soomaaliya ee la dagaalamaya gaalada oo gartay muhiimadda ay Mujaahidiinta Kenya ka leeyihiin Soomaaliya," kooxda ayaa ku sheegtay bogeeda Twitterka.

Tan iyo warbixintii Qaramada Midoobay ee sanadkii hore, MYC aad bay u firfircoonayd, waxa ayna isku dayayeen in ay taageero u raadiyaan al-Shabaab, iyagoo isticmaalaya istiraatijiyad laba afle ah, iyagoo soo daabacaya fariimo hanjabaado ah si ay cabsi uga dhex abuuraan bulshada, ayna Kenya uga huriyaan fitno diimeed.

30-kii July, war lagu soo dhigay Twitterka, kooxda waxa ay ku tiri "Gaaladu way ordayaan iyagoo xuurtoonaya, awooddana way kasii dhamaanaysaa, waxaan dhamaantiin idinku soo booqan doonnaa rabshad."

Agoosto 3-deedii, war kale oo lagu soo dhigay Twiterka, MYC waxa ay sababeeyeen baaqooda colaadda, iyagoo soo daabacay "Su'aalo iyo Jawaabo asaasi ah oo Jihaadka ku saabsan".

Su'aal ayaa waxa ay ahayd, "Maxaan filan karaa marka aan Jihaadka ku biiro?" MYC ayaa ku jawaabtay, "walaalaha sharafta leh ee kusoo biira Jihaadka, waxaa la siinayaa tababar iyo wax walba oo ku saabsan micnaha dhabta ah ee Islaamka, iyagoo lana bari doono isticmaalka qoryhaha RPG, AK47, iyo hub kale."

Su'aal kale ayaa waxa ay aheyd, "Miyaan la dagaalamayaa Muslimiin kale?", xaruntoo isku dayaysa in ay weerarada shacabka kadhanka ah ka dhigto mid diimeed ayaa ku jawaabtay: "Muslim walba oo Kufaarta ka raaca walaalihiisa Muslimiinta ah iskuma tilmaami karo Muslim."

Jawaabta su'aal aheyd "Halkeen aadaa si aan Jihaadka ugu biiro?," MYC waxa ay taageerayaasheeda ugu baaqday, "Haddii aad Kenya ku sugantahay u hijroo Soomaaliya."

Isla maalinkaa galinkii dambe, MYC ayaa ku soo daabacay Twiterka lifaaq hoggaamiyihii al-Qaacidda ee Jasiiradda Carabta Marxuum Anwar al-Cawlaqi, oo tilmaamaya 44 hab oo taageerayaasha ay ku taageeri karaan Jihaadka.

MYC waxay doonaysaa in ay fitno diimeed abuurto

Guddoomiyaha Degmada Gaarisa Macalim Maxamuud ayaa sheegay in dadka diimaha kala duwan haysta ay mudan tahay in ay iska ilaaliyaan dadka doonaya inay abuuraan fitno diimeed.

"Waa taatiko u eg inay xaruntu kaga dayanayso Boko Haraamta Nayjeeriya oo dagaal diimeed ka dhex abuuray Muslimiinta iyo Masiixiyiinta," ayuu Maxamed Sabahi u sheegay. "Balse shacabka waa laga wacyi galiyay taatikadaa, waxaana loogu baaqay in ayan ku dhicin dabinka."

Kooxda waxa ay wax ku saamaynaysaa cawaadif diini ah, ayuu yiri Maxamuud, isagoo ka hadlayay war ay MYC Twiterka ku soo dhigeen 30-kii July oo ay ku dhaheen, "Diyaaradaha aan duuliyaha wadini waxa ay dilaan Muslimiin aan waxba galabsan, halka Mujaahidiintuna ay gowracayaan Kufaarta".

Maleeshiyadu waxay ogyihiin in ujeedooyinkooda ay ku gaadhi karaan xaalad fowdo oo kaliya, markii ay ku guul dareysteen inay shacabka Muslimka ah ka dhaadhiciyaan in dagaalka kadhanka ah al-Shabaab uu yahay mid diimeed, waxay u beddesheen taatiko soo jireen ah oo ku salaysan dadkoo la kala qaybiyo la'is kuna diro si loo hoggaansado, ayuu yiri.

David Ochami, oo ah wariye fadhigiisu yahay Mombasa, oo daba gala maleeshiyaadka Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, una shaqeeya jariirada Kenya, The Standard, ayaa sheegay in kooxdu ay isku dayayso inay dulmi abuur cad ku kasbato quluubta iyo maskaxda bulshada Muslimiinta.

Iyagoo isku dayaya in ay adeegsadaan tiknoolijiyada cusub iyo warbaahinta bulshada si ay u faafiyaan aragtidooda, MYC waxa ay muraaqabeeyeen dadka ku tixan Twiterkooda ee su'aalo ka waydiiyay ama kasoo hor jeestay taktikadooda.

Tusaale ahaan, mar uu qof kasoo hor jeestay Tweet-ka MYC ee ahaa in diyaaradaha aan duuliyaha wadin ay dilaan Muslimiin aan waxba galabsan, kooxdu waxay ku jawaabeen hanjabaad ah: "Waxaad tahay khaa'in, waanuna ku soo heli doonnaa".

Dhamaan saraakiisha kala duwan ee ammaanka ayaa ku booriyay Bulshada Muslimiinta Kenya inay iska dhaga tiraan baaqa MYC ee dagaal kooxeedka, kaasi oo wax u dhimi doona nabadda iyo daganaashaha ay Kenya ka dhex samaysay bulshooyinkeeda kala duwan.

Dagaalka al-Shabaab lagula jiro waa dagaal kadhan ah xag-jirnimada, ma ahan diin

Wasiirka ku meel gaadhka ah ee Amniga Gudaha Yuusuf Xaaji ayaa Sabahi u sheegay in si kastoo ay isugu dayaan MYC, ay iska caddahay in dagaalka al-Shabaab lagula jiro uusan sal ku laheyn diin, balse uu yahay dagaal ka dhan ah argaggixisanimada iyo fikradaha xag-jirnimada.

"Howlaha MYC waxa ay xitaa halis ku tahay bulshada Muslimiinta ah maxaa yeelay waxay doonayaan in ay kiciyaan dagaal kooxeed," Xaaji ayaa yiri. "Sidee bay ku sheegan karaan in dowladda Kenya ay ka taliyaan Masiixiyiin inagoo og in tiro aan xadidneyn ay hayaan jagooyin sar sare oon anigu ku jiro?"

Xaaji ayaa sheegay in uu samaynayo wax walba oo macquul ah si argaggixisada uu uga tirtiro Kenya.

Waxa uu sheegay in Bulshada Muslimiinta aanay ku sirmin qaaditaanka mas'uuliyadda jariimooyin ay gaysteen shakhsiyaadka qaarkood. "Qofna yaanuu filin inuu magac diineed dambi ku galo oon lala xissaabtamin," ayuu yiri.

Wasiirka ayaa bilaabay kulan wadareedyo xiriir ah si shacabka loola shaqeeyo, lana waydiisto ka qeyb qaadashada dadaalada ammaanka. Waxa uu kulamo ku qabtay Gaarisa iyo Ijaara, waxa uuna qorshaynayaa kuwo kaloo badan todobaadyada soo socda.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 122)

Dislike_icon(38)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Ibrahim
    September 30, 2012 @ 12:27:01PM

    Siduu saaxiibkay Khalid ku sheegay faaladiisa kor ku xusan, iyo siduu Walter Joseph yidhi, suuragal maaha inay Kenya faraha la gasho dagaal diini ah….hadalkaasina waa qashin. Qof kasta oo isku daya inuu dadka Kenya kala qaybiyo, oo uu dadka muslimiinta ah iyo dadka reer Kenya iyagana kala dhex galo, oo uu xurguf ka dhex abuuro qabaa’ilka dalka Kenya, qof kaasi waxaa hubaal ah inuu fashilmi doono. qaar badan oo asxaabtayda ka mid ah ayaa diinta kiristaanka haysta, waxaanay tagaan kaniisada, aniguna misaajidka ayaan aadaa… markaa joojiya waxan aad wadaan. waxaa dhici karta in aad dadka in muda ah maskaxda ka xadaan, laakiin ku guulaysan maysaan inaad maskaxda ka xadaan waligood.

  • koko
    September 2, 2012 @ 02:50:55PM

    Anigu waxaan dhihi lahaa hadal dhib yar, dhamaanteen haddayno nahay dadka reer Kenya waa inaynu nabada u ilaalinaa sidaynu horeba u ilaalin jirnay. waxaa inoo taala hawl ah horumarinta qaran dhan, markaa waa inaynu arrinkaa xooga saarnaa.

  • walter joseph
    September 2, 2012 @ 09:55:58AM

    Asxaabtayda badhkood waa muslim, waana dad masuul ah, markaa dadka argagixisada ahi maaha muslimiin.

  • Joseph Marende
    September 2, 2012 @ 09:00:59AM

    Waxaan hadalkayga ku bilaabi lahaa oo aan dhihi lahaa xukuumadeenu way ina hodday haddaynu nahay dadka reer Kenya, markaa taasaa keentay in aynu xaalada noocan oo kale ah waajahno. Dalkeena waxaa ka jira ciidamo kuwa sirdoonka ah oo inagu filan, waxaanan xasuusanahay 15 sanadood ka hor in Kenya ay ahayd dalka ugu wacan xaga sirdoonka iyo amaanka, laakiin maanta waxaan iswaydiinayaa xageebay tageen ciidamadii sirdoonku, mise markay xafiisyada yimaadaan ayay seexdaan. Hadaba waxaa hadda loo baahanyahay inaynu xaqiiqada waajahno, arrinkana waxaa u sabab ah damaacinimada, waxaasina waa wax khasaare intan kasii badan inagu keeni kara, waayo dad ajnabi ah ayaa kaadhadhkii dhalashada intaa qaadanaya, inaguna dadkaas ayaynu guryo ka iibinaa, arrinkaana waxaa tusaale u ah wixii ka dhacay xaafada Luthuli Mboya, waxaana la filayaa in dhawaan ay dadka dalka u dhashay ka bixi doonaan magaalada Nayroobi, taasoo la mida wixii ka dhacay dalka Suudaan, markii ay ogolaadeen in tijaarta iyo ganacsadayaashu ay maamulaan, sidaad xasuusantihiina si xun ayay hogaamiyayaasha muslimka ahi ula dhaqmeen.

  • LEONARD
    September 2, 2012 @ 07:59:36AM

    Aad ayay u caddahay in kooxdani ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay inay dadka diimaha kala duwan ay kala qaybiso, arrinkaasina waa wax soo ifbaxaya oo khatar ah, dadkuna waa inaysan dhag u jalaqsiinin. Dhamaanteen muslim iyo kiristaan ba waa inaynu gacmaha is qabsanaa, si aan uga soo horjeedsano kooxdan. Waxaa qof kasta ku waajib ah inuusan faraha la galin arrimo sharci darro ah, kadibna uusan diinta ku tilmaamin. Waxaan qadarinaynaa sida ay hogaamiyayaasha muslimiinta ahi ay arrinka uga hadleen ee ay u dhaleeceeyeen falalkan, isla markaana ay si kalsooni leh dadka ugu cadeeyeen inuusan arrinkani ahayn dagaal diineed. Markaa waxan leeyahay aan dhamaanteen taageerno, xukuumadeenuna waa inay taageertaa hogaamiyayaasha, waayo si wayn ayay ugu baahanyihiin in la taageero, si ay ugu suurtowdo inay kooxdan la dagaalamaan oo ay ka takhalusaan. Ugu dambayntii, yaynaan ku dayanin waxa Nigeria ka socda. Allaahu akbar, ilaahay ayaa wayn, ee dadka reer Kenyow aynu nabad kuwada noolaano. Ilaahay ha barakeeyo Kenya.

  • KACHONJO
    September 2, 2012 @ 06:45:05AM

    Waa in hadda ay dhamaan arrimuhu cadaadaan. Anagu aamus kuma jiri karno, mana eegan karno kaniisadahayaga la gubayo. Dagaalkani ma dagaala kooxda alshabaab ka dhan ah baa, mise waa dagaal muslimiinta iyo kiristaanka ka dhexeeyaa? Hadaba ha ogaadeen dadkani in hadii ay arkaan libaax roob helay aysan bisad moodin. Xukuumaduna waa inay dhab ahaantii dhakhso u hawlgashaa oo aysan arrimuhu wakhtigooda dhaafin, hadii kale wax is badalayaa ma jiri doono. anagu hadaanu nahay dadka kiristaanka ah waanu daalnay, waxaanan leeyahay HA LA FEEJIGNAADO.

  • eviousjim
    September 2, 2012 @ 06:20:33AM

    Dhamaan dadka reer Kenya ee nabada jecel, diintay doonaan ha haystaanee, waa inay hurdada ka toosaan, oo ay la dagaalamaan dadkan sharka wada ee lagu magacaabo kooxda alshabaab iyo cidii taageertaba. Run ahaantii ururka MRC wuxuu si cad ula bahoobay kooxdan, waana in gabi ahaamba arrinkaas laga soo horjeestaa.

  • joseph
    September 1, 2012 @ 05:31:45AM

    Nabad walaalayaal, nabada aan ilaalino.

  • Owino Tedline
    August 31, 2012 @ 08:34:37AM

    Runtii waa wax xanuun qofka ku haya marka aynu aragno dad tiro yar oo dalkeenii nabada ahaa raba inay ka dhigaan qaran qas iyo qalalaase hadheeyay, iyagoo ku andacoonaya kuna qiil dayanaya diinta. Waxaan is waydiin lahaa maxay tahay diinta dadka ku boorinaysa inay ku kacaan dil iyo dagaal. Waxaan ilaahya ka baryayaa inuu dalkeena dhawro, oo uu inaga safeeyo inagana maydho afkaarta aan wanaagsanayn.

  • Muricho Sirucha
    August 31, 2012 @ 08:07:58AM

    Arrinkaasi waa nasiib darro, waayo haatan dalalkii saboolka ahaa ayaa ku dhex dhacay dagaalo ay dalalka awooda lihi usoo wakiisheen. Soo ifbaxa ay xagjirnimada iyo asal raacu kasoo ifbaxeen qaarada afrika wuxuu jawaab celin u yahay dadka iyagu u haysta inay dalalkeena iyo xukuumadeheenu u adeegaan dalalka reer galbeedka ee NATO. Dhanka kale, hogaamiyayaasheena iyagu hadalka macaan kula hadla kooxaha asal raaca ah, iyagoo ku andacoonaya inay rabaan inay helaan codka dadwaynaha, waa in hogaamiyayaasha noocaas ah si taxadir leh arrinkooda loo baadhaa. Dambiilayaasha iyo dhagarqabayaashana waa in loo sheegaa inay hadalk joojiyaan oo aysan ku balan qaadin wadahadal ay ka galaan arrimo aan qiil loo haynin. Walaalahayga muslimiinta ahna waxaan leeyahay, yaan laydin khiyaamayn, waayo Kenya oo nabad ku naaloota ayaa ka wacan iyadoo dagaalo ka oogsadaan.

  • Mkenya Mzalendo
    August 31, 2012 @ 07:34:51AM

    Ilaa goormay dadka kiristaanka ahi u dul qaadan doonaan oo ay ku jiri doonaan gardarooyinkaas foosha xun? Intaanu dul qaadan karaynay ee aanu dhabanada dhigan karaynay dhiganay!

  • taddy
    August 31, 2012 @ 06:39:10AM

    Wakhtigan fursad ayaynu u haysanaa inaynu ogaano ilaaheena dhabta ah. dagaalka ilaahay ayaa gacanta ku haya, isagaana dadka kiristaanka ah difaaci doona oo u dagaalami doona. walaaleheena muslimka ah ee sharafta mudani waa inay ku cibro qaataan qaska iyo qalalaasaha ka aloosan bariga dhexe, halkaasoo dalka israa’iil oo ah dal aad u yar aan waligiin laga adkaanin, inkastoo ay ku xeersanyihiin dalal waawayn oo muslim ah, markaa tolow maxaa arrinkaa u sabab ah? sababtu waxa weeyaan ilaahay ayaa dadka reer israa’iil difaacaya oo u dagaalamaya. Markaa waxaan dadka kiristaanka ah leeyahay is dajiya, waxaanad arki doontaan ilaahay oo awoodiisu muuqatay. Kenya nabi ciise ayay ku abtirsataa, waxaana hogaanka noo haya ruuxul qudus. Markaa waa inaad arrimahaas dhabta ah aad ogaataan, oo aad dariiqa saxda ah raacdaan, si aad u noqotaan sidii dad marlabaad dhashay.

  • Fredrick
    August 31, 2012 @ 06:37:22AM

    Ururka dhalinyarada muslimka ahi waa inay maskaxda galiyaan in xalka mashaakilkoodu uusan ku jirin inay jihaad ku qaadaan walaalohooga ay isku dalka yihiin (waa dadka kiristaanka ahee). Laga soo bilaabo gobanimadeenii wixii ka dambeeyay, waxaynu kuwada noolayn wanaag, dadka muslimka ah iyo kuwa kiristaanka ahina isku mid ayay ahaayeen. Xukuumaduna waa inay talaabooyin adag ka qaadaa ururadan dhalinyarada ah ee loo abuuray inay dhalinyarada baraan caqiidooyin diimeed. Teeda kale, jihaadku wuxuu ahaa wax wakhti hore uu nabi maxamad (csw) adeegsan jiray si uu u faafiyo diinta islaamka.

  • Francis
    August 30, 2012 @ 11:39:32AM

    Maxay dadka qaarkood ugu malaynayaan in cidda dishay “ninkaas” ay tahay xukuumada Kenya? Dhalinyarada maskaxdoodu waa inay intaa ka roonaataa. Run ahaantii waa in labadeena dhinacba aan baadi goobnaa gacan ku dhiiglayaasha, waayo waxaynu ka heli doonaa macluumaad badan oo kooxda alshabaab ku saabsan. Francis

  • shams
    August 30, 2012 @ 08:58:28AM

    Aniga waxay warbixintaasi iila muuqataa mid dhinac u xaglinaysa

  • Nyongesa Simiyu
    August 30, 2012 @ 07:26:21AM

    Dadka reer Kenya dhamaantood waa inay nabad helaan, muslin iyo kiristaan kay doonaan ha ahaadeene. Walaalayaal yaynaan maqlin dad yar oo marinhabaabay oo halawsan, kuwaasoo sida shaydaanka raba inay dadka kala qaybsanaan iyo xasiloonidarro ka dhex abuuraan. Anigu waan jeclahay walaalahayga muslimiinta ah, waligayna ogolaan maayo in shadaadiinta kooxda alshabaab ay fidmo nagu dhex abuuraan.

  • njeribeau
    August 30, 2012 @ 05:40:16AM

    Waxaa la gaadhay xiligii ay walaaleheena muslimka ahi ay indhaha furi lahaayeen, oo ay arki lahaayeen in ay kooxda alshabaab marin habaabisay, iyadoo adeegsanaysa magaca diinta. Anigu diinta islaamka waan ixtiraamaa, iyaguna waa inay sidoo kale u ixtiraamaan diinta kiristaanka. Dhamaanteen ilaah kaliya ayaan u tukanaa, laakiin waxa kaliya ee aynu ku kala duwanahay waa caqiidada aynu rumaysanahay. Sidaa awgeed, waa in hadii aynu nahay dadka diimahaas kala haysta aynu baranaa sidii uu midkeenba ka kale diintiisa u ixtiraami lahaa iyadoo aynu wax kasta oo eex ku salaysan aynu ka madhannahay. NAMASTE…caqiidadayda ixtiraam aniguna caqiidadaada waan ixtiraami doonaa, dhamaanteena aynu barano sidii aynu nabad kuwada noolaan lahayn. Ma rabno in aan Kenya ka dhigno dal dagaaladu ragaadiyeen, waayo anagu waanu jecelnahay dalkayaga Kenya. Waxaan ilaahya ka baryayaa inay dhamaan dadku nabad helaan, diintay doonaan ama sifaday doonaan ha sheegteene.

  • Mwangi
    August 30, 2012 @ 03:30:31AM

    Dadka muslimiinta isku sheegaa waxa kaliya ee ay ku wanaagsanyihiin ma dadka bini’aadamka ah ee kale oo la gawracaa? Maxaa u diiday inay la yimaadaan mashruuc ay ku caawiyaan dadka la leeyahay waa la dulmiyayaa, mashruucaas oo dadkaas u fidiya waxbarasho iyo dhaqaale abuuris iyo caafimaad, isla markaana waxsoosaar xaga beeraha ah ka hirgaliya dhulka la dayacay ee ku yaala gobolada waqooyi bari ee Kenya ee ay soomaalidu dagaan, kuwaasoo ay saboolnimadu si ba’an u ragaadisay. Hadii ay sidaa yeelaan, si fudud ayay kor ugu qaadi karaan heerka noloha ee walaalohood, isla markaana waxay si fudud ixtiraam kaga heli karaan cid kasta. Diinta islaamku waa diin nabad ku dhisan, waana inay markasta sidaa ahaataa, waana in la joojiyaa xumaanta lagu hayo magaca diinta islaamka ee suuban. Dhamaanteen bini’aadam ayaynu nahay.

  • david kingori
    August 30, 2012 @ 01:06:07AM

    Ilaahay ayaa jira, dagaalkii Jericho ayaana haatan bilaabmay iyadoo aysan cidina taabanin

  • George
    August 29, 2012 @ 01:10:20PM

    Muslimiintu waa inay masaajidada dadka ugaga baaqaan nabada, waana inay dadka taabacsan u cadeeyaan in loobaahan yahay in dadku wada noolaadaan, iyadoo aan la tixgalinayn diimohooda. Cidkastaa ilaahay way u siman tahay, waana wax laga xumaado in ay dadka walaalaha ahi is laayaan, iyagoo dagaalkoodu salka ku hayo diin iyo isir. Dadka muslimiinta ahi waa inay dadka horkacaan oo ay nabada hormood uga noqdaan, waana inay dadka kaleeto tusaan inay kasoo horjeedaan falalkaas bahalnimada ah!!

  • Jimmy
    August 29, 2012 @ 11:14:20AM

    Waxaad tihiin dad hadal badan

  • ANTHONY
    August 29, 2012 @ 10:06:42AM

    …Dad muslimiinta ah waa inaan dhamaantood la isku wada qaadin, waayo cida fidmada wadaa waa dadka doqmaha ah iyo wax matarayaasha iyo kuwa aan fikirin ee iyaga ku dhex jira, kuwaasoo ku andacoonaya inay bulshada rabaan inay ka badbaadiyaan dadka gaalada ah. Pray, waa ayo dadka gaalada ahi? Siday dadku wada ogyihiin, eraygaasi waa eray la dhoobdhoobay…cid kastaana waxay xaq u leedahay inay aaminto waxay rabto…waa hadii waxaa la aaminayaa uu yahay wax nabad ku salaysan, dadkaasina ay dadka kale kula noolaan karaan si wacan.

  • elijah
    August 29, 2012 @ 09:44:00AM

    Dhamaanteen waxayno nahay walaalo rag iyo dumarba, ilaahayna adoomo ayaynu uwada nahaya rag iyo dumarba. Sidaa awgeed, macne wayn kuma fadhiyo habka uu qofku ilaahay u caabudaa, laakiin aakhirka dhamaanteen waxaynu nahay qaar caabudaya ilaah kaliya, siday ila tahayna ma jiraan kutub muqadas ah oo dadka u banaynaya inay ku kacaan dhiigdaadin iyo gacan ka hadal midna, hadaba walaalayaal aan nabada qaadano. Waxaan jecelahay inaan dhalinyarada diin kasta ha haystaanee aan ku booriyo inay isku mashquuliyaan waxyaabo wax ku ool ah oo faa’ido leh, sidaasaanuu dalkeenu ku noqon karaa meel wacan oo ay dadka soo jiidata. Waxay masuuliyadi inaga saarantahay inaynu nabada dhidibada u taagno, oo aynu dhexdeena is jeclaano, waana inaynu ogaanaa in mustaqbal wacani inaga horeeyo.

  • Mathew
    August 29, 2012 @ 09:29:27AM

    Waxaan la hadlayaa dadka kiristaanka ah ee dhabta ah, dadka muslimka ah ee dhabta ah, dadka hinduuga ah ee dhabta ah, dadka buudhiisamka ah ee dhabta ah, dadka yuhuuda ah ee dhabta ah iyo dadyowga kale ee diimaha kale haysta ee dhabta ah, waxaanan u sheegayaa inaysan ku qasbanayn inay dhagaystaan ama akhristan wararka iyo waxyaabaha ku saabsan dadka argagixisada ah iyo aragtiyohooga sharka ku salaysan. Dhamaan diimaha aynu kor kusoo xusnay midkoodna ma dhigayso in ay xaq tahay in la dilo rag iyo dumar iyo caruur aan iyagu waxba galabsan. hadaba dhalinyarada waa in la baraa mabda’yo iyo wax qiima leh, ee maaha in wax shar ku dhisan la baro. Anagu hadaanu nahay dad kiristaan ah waxaanu garab istaagi doonaa dadka muslimka ah ee wanaagsan ee dhaqanka wanaagsan, waxaananu dadka u sheegi doonaa oonu bari doonaa nabad.

  • AUGUSTINE J.NYAKATOMA
    August 29, 2012 @ 08:28:34AM

    Maxay yihiin dadkan MYC lagu magacaabo ee gaadhsiiyay heer ay xitaa xukuumada u hanjabaan?! Miyay ka xoog roon yihiin xukuumada? hadaba waa in si dhakhso ah wax looga qabtaa ka hor intaysan waxyeelo wayn gaysanin, oo aysan awoodooda ka hirgalinin Kenya. Kenya maaha inay la kaftanto dadkaas khatarta ah. hadaba aniga siday ila tahay, waxan ay wadaan waa istaraatiijiyado iyo xeelado ay dadka argagixisada ahi wadaan, oo ay ku rabaan inay dhul-balaadhsi iyo awood-balaadhsi ay ku helaan, inkastoo ay kala dhar duwanyihiin, hadana argagixisada ujeedooyinkoodu waa isku mid meel kasta oo ay joogaan. Hadaba kooxaha argagixisada ah ee kala dharka duwani waa kooxda alshabaab (soomaaliya) iyo kooxda Boko Haram (Nigeria) iyo kooxda Uamusho (Zanzibar) iyo Golaha Mombasa ee Jumhuuriga ah (Kenya) iwm. kooxahaasi waxay kooxahaasi dhamaantood isku sheegaan inay yihiin kooxo diimeed, laakiin falalka ay ku kacaan waa kuwo burinaaya caqiidada diintooda, markaa aniga waxay ila yihiin kooxo khatar ah. maadaama aysan jirin diin kaliya oo dadka ugu baaqaysa inay wax laayaan oo ay qas iyo qalalaase ku kacaan, arrinkaasi waa mid kooxahaas ka xayuubinaya sheegashada ay sheeganayaan inay yihiin kooxo diimeed, kuwaasoo ilaahay amarkiisa gudanaya. Ilaahay wuxuu dadka la rabaa nabad, ee ilaahay dadka iyo qalalaase lama rabo.

  • ares
    August 29, 2012 @ 07:34:26AM

    Xag jirnimada diimeed waligeed guulaysan mayso oo ka taaba galimayso dalka kan ee Kenya, markaa walaalahayga muslimiinta ah waxaan usoo jeedinayaa inay wax kale la imaadaan.

  • reid
    August 29, 2012 @ 03:24:49AM

    Run ahaantii waa wax dhab ah arrinkaasi, waxaanuu ku tusinayaa in kooxda alshabaab ay Soomaaliya gacantoodii kasii baxayso, taa fadligeedana waxaa iska leh ciidamada difaaca Kenya , sidaa awgeed, waxay rabaan inay intay dadkooda laayaan kadibna ay xukuumada ku eedeeyaan, si ay dadka uga dhex dhaliyaan loolan iyo colaad diimeed. Markaa waxaan dadka reer Kenya ugu baaqayaa inaysan u dhag jalaqsiinin oo aysan ku khatalmin khidadaha ay maleegayaan dadkaasi.

  • BARAKA
    August 28, 2012 @ 05:35:04PM

    Sidaa awgeed waa in dalalka bariga afrika ay hubiyaan in dhulkeena laga helo nabad iyo wada noolaansho. Sidoo kale, waa in madaxda iyo hogaamiyayaashu ay noqdaan kuwo lala xisaabtamo oo masuuliyaadkooda guta. Hadaba anigu waxaan leeyahay madaxwaynayaasha, noqda madax iyo hogaamiyayaal awood leh. dadka muslimiinta ahna waxaan leeyahay joojiya weerarada aad hada ku haysaan dadka kiristaanka ah. maxaa sababay weeraradaas? Fadlan nabad kula noolaada walaalihiina kiristaanka ah.

  • Mbae K.
    August 28, 2012 @ 03:19:40PM

    Waxaad ku mahadsantihiin macluumaadkan qiimaha leh. Laga soo bilaabo wixii loogu magac daray Dhawaaqii Abuuja, waligeedba way iska cadayd in ay dadka qaarkood ay maleegayaan qorshe ay ku rabaan inay islaamka asal raaca ah ay keenaan bariga afrika, gaar ahaan dalka Kenya. Taasaana igu kaliftay inaan ka yaabo dhawaaqa uu mudane Odinga dhawaan ku dhawaaqay in luuqada MRC gu ay tahay luuqadiisa, isla markaana uu Raisul wasaare Raila Odinga ku taageeray go'aankii Maxkamada Sare ay mamnuucidii kaga qaaday kooxda MRC. Hadaba kahor intaysan madaxdeenu hadalada noocaas ah ku tiraabin, waa inay marka hore baadhitaan soo sameeyaan, oo ay soo ogaadaan xaqiiqada dhabta ah ee ku saabsan qaar ka mid ah kooxaha diimeed iyo ururada aan dawliga ahayn ee laga shakisan yahay, ee ka hawlgala dalka Kenya.

  • Hameed
    August 28, 2012 @ 10:38:37AM

    Anigu waxaan u maleyn in walaaleheena muslimiinta ahi ay dawakhsanyihiin, oo ay bilaabeen inay kooxda alshabaab aaminaan. Markaa waxaan fadlan ka codsanaynaa inay isku noqdaan oo ay ka fekeraan dhibaatada dadka Soomaaliyeed haysata…dad ayaa dhimanaaya…cunta la’aan ayaa jirta….dagaalaa jira….hub ayaa meel walba yaala….waxaasoo dhamina waa dhibaato balaadhan.

  • Mwangi
    August 28, 2012 @ 09:53:57AM

    Waxaan qabaa ragu maanta ayay ka wacyi badan yihiin sanidiihii hore, waana inaysan faraha la galin oo aysan abuurin mashaakil aan jirin. Dhalinyarada iyagana waxaan leeyahay waxaad isku mashquulisaan afkaar faa’ido kusoo biirin kara dadka jiilkan jooga, waxaanad iska jirtaan in wakhigiina aad dayacdaan.

  • clay
    August 28, 2012 @ 08:36:57AM

    Runtii waxay muslimiintu Kenya iyo dunidaba ka samaynayaan waa wax wajigabax ah. qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu raaco diinta uu rabo ee uu dareensanyahay in qalbigiisu ku xasilayo. Su’aasha hadaba jawaabta uga baahan dadka reer Kenya waxa weeyaan, wadaadka muslimka ah ma kaniisad ayaa lagu dhex dilay? Mise waxaa dilay baadari ama wadaad kiristaan ah? hadaba walaalayaal rag iyo dumarba waxaan idiin sheegayaa in falalkiina sharku ku dheehanyahay aysan midha dhal noqon doonin.

  • angel rios
    August 28, 2012 @ 07:34:32AM

    Anagu waxaanu caabudnaa ilaaha dhabta ah, ee ah ilaaha nabi Ilyaas, ilaahayna ma jirto cid waligii ka adkaatay, waxaana aanu ognahay in dagaalkan laftiisa uu ilaahay ku guulaysan doono, waayo ilaahay wuu ka awood badan yahay Kenya wax kasta iyo cid kasta oo dunidan joogta.

  • John T.
    August 28, 2012 @ 06:39:51AM

    Waa ayaan daro sida aynu inagu u rabno inaynu horu socod yeelano, halka ay dadyowga kaleeto wali wixii laga soo tagay ay ku dhagsanyihiin, iyagoo qiil ka dhiganaya kala duwanaanshaha diimeed ee dadka ka dhex jira. Suuragal maaha in aynu waxa soo socda garano hadii aynaan waxa maanta jooga arkin, hadaan si kale u dhigo, maaha in aan walaaleheena ka indha qarsano, waana inaynu isbadal la nimaadnaa, inkastoo mararka qaar uu isbadalku xanuun badan yahay, waa hadii aan rabno in aan mustaqbal wacan inaga iyo asxaabteenuba helno.

  • kingsley
    August 28, 2012 @ 05:51:57AM

    Ciidamada difaaca Kenya shaqo wacan ayay hayaan, mana jirto koox argagixiso ah oo na cabsi galin kartaa.

  • Shujaa
    August 27, 2012 @ 12:39:27PM

    Maalayacni

  • tubman william
    August 26, 2012 @ 02:49:40PM

    Arrinkaasi waa mid aad u xun, maxay u rabaan inay Kenya sidaa ka dhex sameeyaan, anagu meesha uma joogno inaan dhexdeena dagaalano, balse dadka kiristaanka ahi waxay ku baaqayaan in dalka nabadi ka dhalato, xitaa madaxwaynaha dalka iyo raysal wasaaraha iyo xildhibaanadu intuba waxay ku baaqayaan in dalka nabadi ka dhalato.

  • shaq
    August 26, 2012 @ 02:10:41PM

    Waxaasoo dhami waa hadal layska yidhi

  • Ekambi
    August 26, 2012 @ 10:15:39AM

    Si buuxda ayaan u waafaqsanahay hadalka uu yidhi Khalid, nabadu waa shayga ay tahay inaynu doono. aniga diinta kiristaanka la iguma dhalin, ee anigaa iskay u doortay inaan kiristaan noqdo, markaa maaha in aan anigu cid kasta ku qasbo diinta kiristaanka, inkastoo aan jeclaan lahaa in dhamaanteen aynu kiristaan noqono.

  • Malik
    August 26, 2012 @ 10:11:41AM

    Dalalka bariga afrika waa inay ka feejignaadaan kooxda alshabaab iyo dadka taageera ee mandaqada jooga. Nabadu waxay saldhig u tahay horumarka, hadii dadka diimaha kala duwan haystaa ay isu dul qaadan waayaana nabadaas mandaqada waa laga waayi doonaa. kooxda alshabaab waxay la mid yihiin dad waalan, waayo waxay moodayaan inay diintooda islaamka ku qasbi karaan dadyowga aaminsan ama haysta diimaha kale.

  • abdy
    August 26, 2012 @ 09:41:27AM

    waxaan rajaynayaa in dadkan jihaadiyiinta ahi ay maankooda ka shaqaysiiyaan…waa ayaan darro inay isku sheegaan inay muslimiin yihiin. dadkani waa qaar dagaal loo kiraystay, isla markaana waa calooshood u shaqaystayaal arxan daran. "Dhakafaar ayaan madaxa la ruxayaa"

  • Ali
    August 26, 2012 @ 04:53:53AM

    Waxaan dadka muslimiinta xalaasha ah ee reer Kenya u sheegaya iney si wada jir ah isaga qabtaan kuwa wiilashooda khaldaya ee ku soo gabada malcaamadaha Qur,anka,machadya islamiga ah sida MYC- gan oo kale waxaana inta badan laga faa,iideystaa dadka dhowaan soo islaama iyo dadka aan cilmi maadi iyo macnawi midna aqoon ee jaahilka ah, Soomaaliya weydiiya Alshabab iney muslin tahay iyo in muslinka loo soo direy, wax ala wax ay gaala yeelaan ma jirto waayo Yuhuudbaa soo dirtey

  • moffat
    August 26, 2012 @ 04:43:46AM

    Waxaan soo jeedinayaa in aynu wax walba siduu yahay u sheegno, oo aynaan tusaale ahaan majarafada ku sheegin inay tahay qaado wayn

  • CABDISAABIR YUUSUF
    August 25, 2012 @ 08:22:35AM

    Dadka muslimiinta ah wuxuu ilaahay ka reebay inay xagjirnimo ku dhaqmaan, sidaasina quraanka ayay ku taalaa. Falalka ay kooxda alshabaab jihaadka ku sheegtaana maaha siday u malaynayaan, waayo kooxda alshabaab waa koox argagixiso ah. hadaba inkastoo dadka intooda badani ay muslimiinta argagixiso u arkaan, laakiin hadana sidii hore loo yidhi {shantaada farood isku wada mid maaha}, taasaana u sabba ah in aynu dunidan cajaa’ib ku aragno, markaa mudaneyaal aynu joojino canaanta aynu sabab la’aanta u canaananayno dadka kale……..dadka muslimiinta ahi maaha argagixiso

  • wycliffe odongo ogao
    August 24, 2012 @ 05:28:43PM

    Anigu arrinkaa ma rumaysni, sababtoo ah sidaan u arko inay wax u socdaan dadku arrinkaa ma rumaysan doonaan

  • Joseph
    August 24, 2012 @ 07:49:47AM

    Dadka reer Kenya waa inay si nabad ah u wada noolaadaan iyagoo aan u aaba yeelayn diimaha ay kala haystaan. Dhamaanteen walaalo ayaynu nahay, dhiigeena hadaynu eegnana waa isku midab oo waa casaan, sheekadu intaasay ku dhantahay. Dhamaan dadka bini’aadamka ahi waa kuwo muhiim ah. waa maxay diinta uu aaminsanyahay ilmaha yare e caloosha hooyadii ku jiraa?

  • daniel
    August 24, 2012 @ 07:04:36AM

    Waxa la gaadhay wakhtigii ay xaqa iyo baadilku kala soocmayeen. Dagaalku cidna faa’ido uma laha marka mustaqbalka fog laga hadlayo.

  • simon lendita
    August 23, 2012 @ 02:32:18PM

    Arrinkani waa ifafaale xun oo mindaqada kusoo fool leh, hadii arrinkani taaba galo, dhamaan dalalka geeska afrika oo dhan ayay dhibaato soo food saari doontaa. Waxaan qaybaha bulshada ee kala duwan ku boorinayaa anigoo u aaba yeelayn diimaha kala haystaan inay fikradan iska fogeeyaan oo ay ka hor imaadaan. Sidoo kale waa in wadaadadu ay si adag uga soo horjeestaan mashruucan.

  • toky
    August 23, 2012 @ 11:10:34AM

    Waa hadal la iska yidhi, ee meel ay u socdaan ma jirto

  • wilbert
    August 23, 2012 @ 08:08:03AM

    Arrinkani al-shabaab cadaalad uma aha

  • خالد
    August 22, 2012 @ 08:43:40PM

    Laa xawla walaa quwata ilaa bilaahh. Waxa waajib ah in muslimiinta iyo kiristaanku ay si nabad ah ugu wada noolaadaan dalka Kenya, waayo Kenya waa dal dadka oo dhan ka dhexeeya. Xalka qaarada afrika ay guud ahaan u baahantahay waa in qaarada lagu faafiyo mabaadiida ku salaysan nabada iyo isjeclaanshaha, iyo in la faafiyo fikrada ah in dadku ay dadka kale ay aqbalaan oo aysan diidin. Waxaa hubaal ah in arrinkaasi yahay hawl u taala dadka wax bartay, mana aha hawl u taala dadka maan gaabka ah. hadaba hadii ay dadka mufakiriinta ahi weedhooda adeegsadaan oo ay hub ka dhigtaan si ay u faafiyaan isu dulqaad darrada lagula kaco dadka kale, dhamaanteen waxa ina sugaya fashilmid, taasoo uu sabab u yahay habkaas aan laga fikirin ee aan laga baaraan dagin ee argagixisada ah, kaasoo aan waxba ka badali doonin dadka maskaxdoodu adagtahay, balse ad adayg ayuu usii siyaadin doonaa. hadaba hadii la cidhib tiro kooxahaas, waxaa suuragal noqon doonta in dalka xasilooni lagu soo celiyo, waxaana uu arrinkaasi saamixi doonaa in ganacsigu uu kordho, amaanka meelaha shidaalka laga qodaana uu sugmo. Markaa cidhib tirista akooxahra argagixisada ahi waxaa ku xidhan nabada iyo amaanka caalamka.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada