Caruurta oo Ciidul Fitriga ugu dabaal dagaya Muqdisho al-Shabaab la'aantood

Waxaa qoray Cadnaan Xuseen oo Muqdisho jooga

Agoosto 19, 2012

  • 2 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Caruurta Muqdisho ayaa markii ugu horeysay farxad heer sare ah ugu dabaal dagaya Ciidul Fitriga kadib markii ay al-Shabaab magaalada ka bexeen Agoosto 2011-kii.

  • Caruur eegeysa alaabaha lagu cayaaro oo iib ah suuqyada magaalada Muqdisho kahor Ciidul Fitriga [Cadnaan Xuseen/Sabahi]

    Caruur eegeysa alaabaha lagu cayaaro oo iib ah suuqyada magaalada Muqdisho kahor Ciidul Fitriga [Cadnaan Xuseen/Sabahi]

  • Ganacsatada maxalliga ah oo iibinaya calanka Soomaaliya Ciidul Fitriga aawadeed, taasi oo la jaan qaadaysa doorashada soo socota ee madaxtinimada. [Cadnaan Xuseen/Sabahi]

    Ganacsatada maxalliga ah oo iibinaya calanka Soomaaliya Ciidul Fitriga aawadeed, taasi oo la jaan qaadaysa doorashada soo socota ee madaxtinimada. [Cadnaan Xuseen/Sabahi]

  • Gabar yar oo Soomaali ah oo lagu cabirayo kabo cusub Ciidul Fitriga ka hor. [Cadnaan Xuseen/Sabahi]

    Gabar yar oo Soomaali ah oo lagu cabirayo kabo cusub Ciidul Fitriga ka hor. [Cadnaan Xuseen/Sabahi]

"Kadib markii aan sugaynay muddo lix sano ah, hadda waxaan arki karnaa in wajiyadu ay ifayaan, dadkuna ay ku dhoola caddeynayaan caruurteena oo u dabaal dagaysa Ciidul Fitriga colaad la'aan iyo dhiig ku daata caasimadda," ayuu yiri Cabdiqani Yuusuf, oo ah qof daggan Muqdisho. "Caruurta Soomaalida waxa ay la taahayaan dhaawacyada ay u gaysteen masiibooyinka dagaalyahanada argaggixisada shisheeye iyo Soomaalida daacadda u ah al-Qaacidda, ee toogashada iyo dhiig daadinta."

Yuusuf ayaa Sabahi u sheegay in caruurta ay dhoola caddaynayaan mar kale, iyagoo sagootinaya waxuushnimadi al-Shabaab.

"Argaggixisadau waa cadowga dadkayaga iyo dalkayaga, mana xadidna cadowtooyadooda iyo jariimooyinkooda," Yuusuf ayaa yiri.

Taysiir Jaamac Cabduqaadir, oo ah aabaha afar caruur ah, ayaa Sabahi u sheegay in sanad kahor caruurtu aanay booqan karin xeebaha, goobaha madadaalada iyo shaleemooyinka, maxaa yeelay waxa ay ka carari jireen halista ay kala kulmayaan qaraxyada baabuurta iyo qalabka qaraxyada.

Dadka daggan Muqdisho ma awoodin in ay booqdaan eheladooda iyo saaxiibadooda ku sugan Balcad, Afgooye, Beledeweyne, Baydhaba, Xuddur iyo Garbaharrey, maxaa yeelay al-Shabaab ayaa weerari lahaa ama dili lahaa. Balse xiligan, magaalooyinkaa waxaa xoreeyay ciidamada huwanta.

"Xiligii hore, Muqdisho waxa ay aheyd goob xanuun badan oo qiiqu ka dhasha weerarada argaggixisada uu buuxinayay cirka," Cabduqaadir ayaa yiri. "Balse hadda, rajo ayaa ka muuqata wajiyada dadka deegaanka, o isku dayaya in ay iloobaan warwarkii, xanuunkii, caddaalad daradii, balaayadii, taahii, iyo mixnaddii kala dhantaalaysay."

Hooda Daahir, oo 13 jir ah, ayaa sheegtay in ay ku naaloonaysay in ay ciidda xirato dhar cusub.

"Ma sugi karo in aan dibadda u baxo si aan fasaxa ula soo qaato ayeeyadeey oo ku nool magaalo xeebeedka Marko," Sabahi ayay u sheegtay. "Dabcan, ma iloobi doono in maalinkaa aan lacag ka qaato dhamaan qaraabadayda."

Bashiir Xareed, oo 12 jir ah, ayaa Sabahi u sheegay in uu doonayo in uu la cayaaro saaxiibadii, uuna booqdo qaraabada iyo saaxiibada qoyska si uu usoo urursado hadiyadaha ciidda ee lacagta iyo macmacaanka.

Marka la bar bar dhigo xiligi hore, waddooyinka Muqdisho, Balcad iyo Afgooye waxa ay ahaayeen masraxyo dagaalo khiyaali ah oo ay ku cayaarayeen caruurta oo adeegsanaya hub caag ah. Caruurta ayaa isugu soo ururaysay waddooyinka waaweyn iyo kuwa yar yar, iyagoo dabaal dag u ridaya buulalayr.

Ciidda kahor, suuqyada waaweyn ee Muqdisho sida Bakaaraha, Xamar-Weyne iyo Suuq-Bacaad, waxaa buux dhaafiyay dad dukaamaysanaya oo isu diyaarinaya Ciidda, iyagoo iibsanaya dhar cusub, kabo iyo macmacaan.

Muuddeey Ibraahim Dheere, oo ah ganacsade dharka ku iibiya suuqa Xamar-Weyne, ayaa Sabahi u sheegay in dharka ugu badan ee la dalbanayo ay yihiin kuwa caruurta ay da'doodu u dhaxayso 3 ilaa 15 sano jir, sida shaatiyada, jeenisyada, saraawiisha iyo canbuurada. "Qiimaha qaar ka mid ah alaabta la iibiiyo ee lasoo dhoofiyo kor ayay u kaceen," ayuu yiri.

Subaxa Ciidul Fitriga, dadka dabaal dagaya waa ay is gacan qaadayeen, iyagoo Allaah waydiisanayay cafis iyo barako. Dadka ayaa aada salaadda ciidda, oo bilaabata marka ay qoraxdu soo baxdo. .

Iimaan Xasan Fiidoow, oo daaci ka ah masjid ku yaala Degmada Wardhiiglay, ayaa Sabahi u sheegay in is gacan qaadka uu yahay caado dhaqameed ay Soomaalida is hambalyaynaysa isku waydaarsadaan salaamaha ayna farxad isugu qaabilaan inta lagu jiro Ciidda.

Waxaa sidoo kale dhaqan ah inta lagu jiro Ciidda in la xusuusto kuwa dan yarta ah, sida agoomaha, barakacayaasha, iyo dadka wali la taahaya saameynta ammaan darada iyo gaajada.

Raaliyo Sheekh Cabdiaziiz, oo ah dhaq dhaqaaqdo la howl gasha Ururka Bulshada Rayidka Muqdisho, ayaa Sabahi u sheegay in qaar kamida caruurta ay ururiyaan lacago si ay usiiyaan caruurta fuqarada ah ee barakacayaasha Muqdisho, oo aan haysan wax aan ka aheyn dharkii duug ah, si ay u dareemaan xamaasadda ciidda iyo farxad.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 65)

Dislike_icon(8)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Nur abdulahi
    August 21, 2012 @ 09:18:07PM

    Waxaa waajib ah in carrabka lagu adkeeyo in loo baahanyahay in dhalinyarada xayndaab looga sameeyo afkaarta argagixisada ah, iyo afkaarta aan la xakamayn karin, ee gayaysiinaysa dhalinyarada inay argagixiso iyo xagjirnimo ka shaqeeyaan. Sidoo kale, waa in la bayaamiyaa mabaadiida diinta islaamka iyo waxay dadka farayso, kuwaasoo ku salaysan qunyar socodnimo iyo in dadka qunyar loola macaamilo, diimaha kalena si wacan noola noolaado, arrimahaasina waa qaar taariikhda dalalka islaamka ah soo jiray. Waxaa jira dhibaatooyin badan iyo cadaadis ay la kulmaan dadka muslimiinta ahi, kaasoo ka dhasha sawirka qaldan ee ay dadka kale ka haystaan islaamka, sawirkaa qaldana waxa u sabab ah hab dhaqanka aan masuulka ahayn. Markaa waxaan halkan ka cadaynaynaa muhiimada uu leeyahay doorka wadaadadu ay ka ciyaari karaan inay bulshada qaybeheeda kala duwan faraan is kalgacayl iyo isu dulqaadasho iyo qunyarsocod. Sidoo kale, waxaa waajib ah in carrabka lagu adkeeyo muhiimada uu leeyahay doorka wadaadadu ay ka ciyaari karaan faafinta dhaqan ku salaysan wada tashi iyo isu dulqaadasho iyo bayaaminta mawqifka islaamka ee saxda ah, iyadoo arrimahaas oo dhan loo marayo wada hadal lala galayo dadka kale, lana raacayo tubtii nabigeenii suubanaa iyo khulafadii ka dambaysay isaga, iyo siday dadka aan islaamka ahayn wada hadalka ula gali jireen. Muhiimada uu leeyahay doorka wadaadadu ay ka ciyaari karaan bulshadeedu waa mid wayn,waayo wadaadadu waxay yihiin dhakhaatiirta quluubta iyo maanka bulshada.

  • Alfred Simiyu
    August 19, 2012 @ 07:15:58PM

    Anigu waxaan ku faraxsanahay inaan arko isbedelka dhabta ah ee ka jira magaalada muqdisho iyo goobaha kale ee la xoreeyay

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Sidee baa loo dhisi karaa dawlad-goboleedyada federaalka Soomaaliya iyadoo maanka lagu hayo khilaafka ka taagan Jubbaland?

Fiirso natiijada