Ololaha madaxtinimada Soomaaliya oo dhamaad ku dhaw

Waxaa qoray Maxamuud Maxamed oo Mogadishu jooga

Agoosto 17, 2012

  • 5 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Muqdisho ayaa la ciiraysaa dhaqdhaqaayo siyaasadeed iyo mid ganacsiba iyada oo in ka badan 35 musharax madaxwayne ay maalmo uun olollihii uga dhiman yahay inta aan la gaadhin doorashooyinkii lagu mudeeyay Agoosto 20-keeda.

  • Taageerayaasha Xisbiga Nabadda iyo Hor'umarka oo isugu yimid Muqdisho si ay u taageeraan musharaxa madaxwaynanimada ee xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud. [Mahmoud Mohamed/Sabahi]

    Taageerayaasha Xisbiga Nabadda iyo Hor'umarka oo isugu yimid Muqdisho si ay u taageeraan musharaxa madaxwaynanimada ee xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud. [Mahmoud Mohamed/Sabahi]

  • Taageerayaasha Madaxwaynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo boodhadh isaga ah haysta xili uu banaanbax ka dhacayay Muqdisho. [Mahmoud Mohamed/Sabahi]

    Taageerayaasha Madaxwaynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo boodhadh isaga ah haysta xili uu banaanbax ka dhacayay Muqdisho. [Mahmoud Mohamed/Sabahi]

  • Taageerayaasha Ra'iisul-Wasaarihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isugu yimid wadooyinka Muqdisho iyaga oo isugu yimid olole ay ku taageerayaan musharxnimadiisa. [Mahmoud Mohamed/Sabahi]

    Taageerayaasha Ra'iisul-Wasaarihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isugu yimid wadooyinka Muqdisho iyaga oo isugu yimid olole ay ku taageerayaan musharxnimadiisa. [Mahmoud Mohamed/Sabahi]

Musharaxiinta ka qayb galaya tartan madaxtinimada kii ugu horeeyay ee ka dhaca magaalada in ka badan labaatan sano, ayaa ku qabanaya isu-tagyo siyaasadeed hoteelada, meelaha caamka ah, iyo garoomada kubada cagta si ay uga helaan codad xubnaha baarlamaanka

Saddex xubnood oo madaxda dawlada sare ah ayaa ku jira kuwa u tartamaya jagada madaxwaynanimada: Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Afhayeenka Baarlamaanka Sharif Xasan Sheekh Aadan, iyo ra'iisul-Wasaaraha Cabdiwali Maxamed Cali.

Musharixiinta kale waxaa ku jira ruug cadaayo hore oo xaga siyaasada ah sida ra'iisul wasaarihii hore Maxamed cabdulahi Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid Cali Shar'marake, iyo qaar kale oo ku cusub saaxada siyaasada

Kadib markii uu ku soo noqday Muqdisho si u bilaabo ololihiisa madaxwaynanimo, ayaa Farmaajo ka codsaday xubnaha cusub ee baarlamaanka in ay doortaan musharaxa ugu haboon madaxwaynanimada. "Soomaaliya waxay u baahan tahay hogaan cusub waxaana ka codsanaynaa xubnaha baarlamaanka ee dhawaan la magacaabay in ay doortaan madaxwaynaha soo socda iyaga oo ku salaynaya aragtidiisa shakhsiyadeed ee wadanka iyo tayadiisa waxbarsho, iyada oon loo fiirinayn qabiilka uu ka soo jeedo, si qofkaas ay ugu suura gasho in uu kasbado kalsoonida dadka Soomaalida wadankana uu ugu hogaamiyo xili cusub oo nabad iyo barwaaqo ah," ayuu yidhi.

Daa'uud Makran oo ah falanqeeye siyaasadeed macalina ka ah Jaamacada Muqdisho, ayaa qaba in musharaxiinta madaxwaynanimada loo qaybin karo saddex qaybood: kooxda hore waxay kulminaysaa dad hada awooda haya; kuwa labaad, ra'iisul wasaarayaal iyo siyaasiyiin hore oo jagooyin wasiirnimo soo qabtay; iyo kuwa sadexaad oo ah dad saxada siyaasada ku cusub oo ururo siyaasadeed u samaystay doorashooyinkan kaliya, kuwaas oo ay ku jiraan ganacsato, macalimmin jaamacadeed, majaajilaystayaal iyo in-dheer garad.

Makran ayaa sheegay in qaar musharaxiinta ka mid ah aysan xaqiiqadii yoolkoodu ahayn in ay ku guulaystaan tartanka madaxtinimada.

"In badan oo ah dadka cadeeyay musharaxnimadooda waxay rabaan ln ay aqoonsi helaan iyo in la siiyo jago wasiirnimo markii dawlada cusub la dhiso." ayuu Sabahi u sheegay.

Doorashadan ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee qabqable dagaal uusan ku jirin musharaxiinta madaxwaynanimada, taas oo ka duwan doorashooyinkii dawladihii hore ee ku meel gaadhka ahaa.

Hogaamiyayaasha jagooyinka hada haya oo ka furso fiican musharaxiinta kale

Madaxwaynaha, afhayeenka baarlamaanka iyo ra'iisul wasaaraha ayaa ka fursad fiican musharaxiinta kale jagooyinka ay hayaan darteed, laakiin wali waxaa hor yaala caqabado waawayn, sida uu qabo Cabdiraxmaan Maxamed oo ah falanqeeye dhinaca siyaasada ah.

Sadexdan hogaamiye ayaa ah saxiixayaashii Roadmap-ka taas oo u saamaxday in ay samaystaan xidhiidh gobaleed iyo mid caalami ahba.

"Waxay ku tiirsanaan doonaan awoodooda, xidhiidhkooda gudaha iyo dibada iyo xisaabtooda bangiyeed si ay u maamulaaan ololahooda madaxwaynanimo ama ay codad u iibsadaan si ay u kasbadaan xubnaha baarlamaanka cusub." Maxamed ayaa Sabahi u sheegay. "Dhinaca kale, musuqmaasuqa xaga lacagta iyo diidmada gudaha iyo dibada ah ee ah wax-qabadkoodii xiligii la soo dhaafay ayaa laga yaabaa in ay caqabad wayn ku noqoto iyaga."

"Mar hadii doorashooyinkan lagu qabanayo baarlamaanka oo aysan ahayn doorasho toos ah oo dadwaynuhu u codayn karaan qofka iyaga xukumaya, musharaxa awooda in uu kasbado inta ugu badan xubnaha baarlamaanka ayaa noqonaya qofkii ku guulaysta doorashooyinkaas." ayuu yidhi.

Saddex iyo toban musharax oo madax banaan ayaa sameeyay isu tag lagu magacaabay Golaha Wadaniga ee Isbadalka, kaas oo ay ku dhan yihiin macalimiin jaamacadeed, wasiiro hore, ganacsato, iyo siyaasiyiin madax banaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo baarlamanaka ku jira, musharx madaxwayne'na ah, xubina ka ah isu tagan ayaa sheegay in madaxda hada ee Dawlada Fadaraalka ee Ku-Meel Gaadhka ah ay u adeegsanayaan lacagtii dawlada, warbaahintii, isgaadhsiintii iyo awoodii amaanka ololahooda madaxwaynanimo ee khaas ka ah.

"Musuqmaasuq ka wayni ma jiro in hantida guud loo isticmaalo ololaha doorashada iyo dano shakhsiyadeed." ayuu Sabahi u sheegay. "Isticmaalka hantida guud ee doorashooyinka lama aqbali karo, sababta oo ah lacagtaas waa mid guud oo ay tahay in shacabka loogu khidmeeyo oo aysan noqonin mid si shakhsi ah loo isticmaalo."

Warsame ayaa sheegay in ay waajib tahay in doorashadu ay noqoto mid xor ah oo cadaalad ah, isaga oo intaas ku daray in isdabamarin ay ka mid tahay laaluush iyo iibsiga codadaka xubnaha baarlamaanka aysan dhicin. "Hadii beesha caalamku ay dhab ka tahay in ay ku kaalmeeyaan Soomaaliya soo af-jarida marxalada kala guurka, waa in ay xakameeyaan hogaamiyayaasha musuqmaasuqa ee lagu eedeeyay in ay dhunsadeen dawlada hantideedii," ayuu yidhi.

Sida ay sheegayso warbixn Qaramada Midoobay 70% boqolkiiba ee dakhliga Dawlada Federaalka ee Ku-Meel Gaadh ka (DFK) ayaa lagu wayaay musuqmaasuq, xatooyo iyo lunsi. Warbixinta ayaa magacawday dhawr madaxda sare ee Soomaaliya ah oo ay ku jiraan Axmed, Cali iyo Aadan. Iyaguna waxay dafireen eedaymahaas.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 6)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • mahad abdifatah hussien
    September 8, 2012 @ 03:05:41PM

    soomaalida maantu uma qalanto madaxtinimo iyo maamul markaa waxaan dhihi lahaa somalia halkay ka dagi la dahay waa soomaaliland oo ay hortaagan tahay markaa waxaan leeyahay wll yaal tashada

  • buux nuur faarax
    August 18, 2012 @ 10:32:14AM

    soomaaliya waxay ubahanthay hogaamiye cusub oo dacaad u ah dalkiisa iyo dadkiisaba kana wadanka dhibaatada dheer ee kuhafsatay umada soomaaliyeed hana ogaadan qaran nimo eyo qabiil inay meel iskugu imanay .

  • Rashid
    August 18, 2012 @ 07:33:33AM

    Hawl wacan ayaad haysaan mar hadii aad noo soo tabisaan warar soomaaliy iyo dalalka bariga afrika, wararkaasoo luqadayada ku qoran. Waad mahadsantihiin.

  • Sugaal Maxamed Nuur (Isha)
    August 18, 2012 @ 05:28:51AM

    Sheekadan Kamaan hellin: waayo Xubnaha u tartamaya Jagada Madaxtinnimada Somalia, dhammaantood way iska ciyaarayaan oo waxba kama badali karaan xaalada ay ku sugan tahay Soomaaliya, marka laga reebo Madaxweynaha hadda xukunka ku meel-gaadhnimada ah sii haya mooyee. Somalia waxa ay u baahan tahay hogaan dabacsan oo daacad ah oo bisayl badan oo siyaasadeed ka muuqdo, Sinaan ku shaqeeya, Nin jeclaysina iyo Qabyaaladna aan lagu aqoon, ummaddaa tabaalaysanna shallinkooda meel xafidan u dhiga oo si fiican ugu maamulla.

  • Cabdinuur Sheekh Maxamuud (Sinda)
    August 18, 2012 @ 05:16:44AM

    kamaan hellin Warbixintan, waayo dhammaan Xubnahan u tartamaya jagada Madaxtinnimada Somalia way iska ciyaarayaan, waxna kama badali karaan xaalada ay soomaaliya ku jirto, marka laga reebo Madaxweynaha hadda talada ku meel-gaadhnimada sii haya mooyee.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad