Dhoofinta dhuxusha sharci-darada ah oo ay al-Shabaab ay ka hesho dhaqaale fara badan

Waxaa qoray Maxamuud Maxamed oo Muqdisho jooga

Agoosto 16, 2012

  • 5 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ganacsiga sharci darada dhuxusha ee ka jira koonfurta Soomaaliya waa uu sii kordhayaa, waxa uuna dhaqaale badan u abuuraa al-Shabaab, sida ay leeyihiin falanqeeyayaasha iyo indha-indheeyayaasha.

Al-Shabaab waxa ay si wayn dhaqaalo ahaan ugu tiirsantahay dhoofinta dhuxusha si ay u maal-galiso howlaheeda argaggixisanimada ah, ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe, oo ah hoggaamiyaha dhaq-dhaqaaqa Raaskambooni, oo ka qeyb-qaadanaya ololaha militari ee ciidamda huwanta ee looga horjeedo al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka.

"Dhoofinta sharci-darada ee dhuxusha waxaa xiligan loo tix-galiyaa isha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha al-Shabaab," ayuu Madoobe ku yifi Sabahi. "Al-Shabaab waa kooxda kaliya ee ogolaatay ganacsi musuqmaasuq ah si dhuxusha looga dhoofiyo dekedaha ay gacanta ku hayso."

Madoobe ayaa sheegay in aysan jirin qiyaas sax ah oo laga hayo dhaqaalaha ay al-Shabaab ka hesho dhoofinta dhuxusha, balse waxa uu sheegay in dakhligu gaari karo dhowr milyan oo doolar.

Warqad kasoo baxday kooxda la socodka Soomaaliya iyo Eretaria bishii Juun ayaa lagu sheegay in dhuxusha ay tahay "Isha kaliya ee ugu muhiimsan dakhliga soo gala al-Shabaab".

Al-Shabaab ayaa gacanta ku haysa seddex dekadood oo muhiim ah, Kismaayo, Marko iyo Baraawe, kuwaa oo dhuxusha laga dhoofiyo.

Dagaalyahanada al-Shabaab ayaa bilaabay in ay cararaan iyadoo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay kusii siqayaan magaalada Marka, iyadoo Hoggaamiyayaal Soomali iyo Keenyaan ah ay sheegeen in ay bishan qabsanayaan Kismaayo.

Al-Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay laga saaray meelo badan oo ay ku xoogganaayeen, sida Beledweyne , Baydhaba, Xuddur, Afgooye iyo Balcad. Taasi waxaa ka dhalatay in al-Shabaab "ay lumiyaan qeyb wayn oo kamid ah ilahooda dhaqaale, oo ay ka heli jireen canshuur xoog leh oo laga ururin jiray suuqyada, shirkadaha ganacsiga iyo beeralayda," ayuu yiri Maxamed Xassan, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo la socda arimaha al-Shabaab.

"Al-Shabaab ayaa xiliyadii dambe xoogga saarayay ganacsiga dhuxusha si ay u maal-galiyaan dagaalkooda, maadaama ilahooda kale ee dhaqaale lasoo ooday tan iyo markii uu biloowday ololaha militari ee ay wadaan ciidamada huwanta," ayuu Xasan ku yiri Sabahi.

"Markii al-Shabaab wajahday dhibaatooyinka dhaqaale, waxa ay bilowday in ay xoogga saarto dhiifinta dhuxusha," ayuu yiri. "In ka badan 95 boqolkiiba dhuxusha [laga dhoofiyo Soomaaliya] waxaa laga raraa dekedaha ay al-Shabaab maamusho."

Dadaalo lagu doonayo in lagu joojiyo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya

Bishii February, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel-mariyay qaraar mamnuucaya dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, iyagoo sheegay in ganacsigaas uu dhibaato ku hayo nabadda, ammaanka iyo dagganaashiyaha Soomaaliya.

Bishii April, Dowladda Federaalka Kumeel-gaarka ah ayaa soo saartay, isla markaana dhaqan galisay sharci mamnuucaya in dhuxusha la dhoofiyo, iyadoo la mamnuucay in lasoo marsiiyo dekedda Muqdisho.

Iyadoo ay jirto qaraarka Qaramada Midoobay, dhuxusha Soomaaliya waxaa wali la geeyaa suuqyada wadamada Khaliijka, sida lagu sheegay warqad ay bishii June soo saareen kooxda Qaramada Midoobay ee la socodka Soomaaliya iyo Eretrea.

"Dalalka ugu badan ee soo dhoofista dhuxusha Soomaaliya -- gaar ahaan Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga -- waa ay ka gaabiyeen in ay dhaqan-galiyaan mamnuucidda, xilligan June 2012-ka, dhuxul aad u tiro badan ayaa wali laga dhoofiyaa dekedaha ay al-Shabaab maamusho ee Kismaayo, Marka iyo Baraawe, waxaana la geeya dalalka Iskaashiga Khaliijka," ayay tiri warqaddu. "Laakiin howl-galka militari ee ay wadaan AMISOM, Itoobiya iyo Kenya ayaa mamnuucay al-Shabaa gacan-ku-haynta xarumo ay canshuur ka qaadan jireen, sida suuqyada iyo kastamada xudduudaha, taasoo qallajisay ilihii dakhliga."

Xildhibaan Maxamed Cumar Geedi ayaa qaba in ay adkaan doonto in la dhaqan-galiyo mamnuucidda dhoofinta ilaa al-Shabaab laga saaro dekedaha ay ka dhoofiso dhuxusha. dalalka Khaliiijka waa in ay sidoo kale dhaqan-galiyaan mamnuucidda dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, ayuu yiri.

"Haddii ay dalalkaan ogolaadaan in ay joojiyaan dhoofsashada dhuxusha Soomaaliya, kuwa wax dshoofiya ma heli doonaan suuq, taasoo horseedi doonta in la curyaamiyo dhaqaalaha al-Shabaab," ayuu yiri Geeddi.

Dhaawaca deegaan ee ay dhuxusha gaysato oo halis ku ah beeraha

Sida ay sheegayaan dhaq-dhaqaaqayaan deegaanka ah, ganacsigaan sharci-darada ah, waxa uu si xun u saameeyay deegaanka, waxa uuna keeni karaa xaalado abaaro iyo macluul.

"Nabaad-guurka, oo ka dhasha gubidda dhuxusha, waxa ay sababtaa dhibaato wayn oo deegaanka ah, taasi oo ka qeyb qaadatay dhibaatooyinka sii kordhaya ee bani'aadamnimada Soomaaliya, ayuu yiri Farxaan Cali, oo ah agaasime ku-xigeenka Shabakadda Isbahaysiga Difaaca Deegaanka Soomaaliya, oo ah urur aan dowli aheyn oo fadhigiisu yahay Muqdisho.

"Nabaad-guurka baaxadda wayn ee ka jira meelo kamid ah Soomaaliya ayaa sababay xaalad lama-degaanimo, waxa uuna yareeyay dhul-beereedka iyo dhulka xoola dhaqashada ku wanaagsan," ayuu Cali ku yiri Sabahi. "Tani waxa ay qaar kamid ah ganacsatada maxalliga ku khasabtay, gaar ahaan xoola-dhaqatada in ay ka tagaan dhulkooda, markii uu noqday mid aan ku wanaagsaneyn daaqa kadib markii dhammaan geedihi laga jaray."

Khubaro ayaa aaminsan in nabaad-guurku ka yimid gubidda dhuxusha in ay ka qeyb-qaadatay abaartii iyo macluushii ku dhufatay Soomaaliya sannadkii hore.

"Dhuxusha laga so saaro Soomaaliya, kaliya ma baabi'iso deegaanka iyo sugnaanta cunnada, balse waxa ay sidoo kale maal-galisaa canaasirta iyo ururada ka dambeeya colaadda Soomaaliya," ayay UNDP tiri bishii May. "Gubidda dhuxusha waxa ay sii kordhisaa lama-degaanka, waxa ayna hoos-u-dhigtaa tirada dhulka loo isticmaali karo beeraha, ama xitaa daaqsinka, taasoo dadka maxaliga ku khasabta in ay cararaan kadib markii kuwa dhuxusha soo saara ay baabi'iyaan dhammaan geedaha."

Cali ayaa sheegay in al-Shabaab ay ka hor tageen isku day walba ee ay dadka deegaanka iyo ururada difaaca deegaanka ay ku doonayeen in ay dib ugu beeraan geedaha.

"Haddii dadka deegaanka ama ururada difaaca deegaanka ee aan dowliga aheyn ay isku dayaan in ay dhaqan-galiyaan mashruucyo dib loogu beerayo meelaha dhirta laga baab'iyay, si loo difaaco deegaanka, maleeshiyaadka waxa ay ku fikirayaan in ururo ajaanib ah loo shaqeynayo, kadibna waa ay diidan dadaalada caynkaas ah," ayuu yiri.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 10)

Dislike_icon(3)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Mohamed Sheikh Hussein Mohamed
    August 17, 2012 @ 05:48:57PM

    Marka hore waxaan mahad naq usoo jeedinayaa shaqaalaha shabakada sabaahionline, kuwaasoo had iyo goor ka warama waxyaabaha ka dambeeya mashaakilkeena, mawduucanina waa mid aad iyo aad muhiimad ugu leh dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool koonfurta Soomaaliya, ee iyagu wada goynta dhirta. Anigu shaqsiyan waxaan jeclaan lahaa soona jeedin lahaa in xayiraad guud la saaro dhuxusha.

  • dev
    August 17, 2012 @ 01:51:01PM

    Waa inay joojiyaan argagixisada

  • Ali maow
    August 17, 2012 @ 08:19:57AM

    Kooxda alshabaab waxay laysay dad badan oo aan waxba galabsan, waxaana kaliya ee ay dadkaas ku dishaa afkaar maskaxdooda kusoo dhacday oo ay ugu yeedhaan inay yihiin fatwooyin diimeed, inkasta oo fatwooyinkaa ay sheegayaan aysan waaafaqsanayn diinta. Waxyaabaha ay kooxdan sumcada darani ku kacday waxaa ka mid ah laynta ay laysay tiro badan oo arday caafimaad ah oo cusub, kuwaasoo joogay xafladii qalinjabintooda, iyadoo kooxdu ay ku andacoonaysay in xafladahaasi ay xaaraan yihiin. Wuxuu arrinkaasi dhaliyay khasaare badan oo xaga tacliinta ah, ka sokow khasaraha dadka soo gaadhay, sababtoo ah waxaa meesha ka baxay caawimadii ay dhakhaatiirtaas cusubi u fidin lahaayeen. Sidoo kale, waxay alshabaab laysay arday dugsiga dhexe ka qalin jabisay oo ka mid ahaa ardayda maskaxda wacan, kuwaasoo fursad waxbarasho ka helay dalka turkiga, waxaanay ardaydaasi ku dhinteen gaadhi la qarxiyay. Waxaa kaloo jira falal qofka tintiisa cirro ka dhigi kara oo kooxdu gaysatay. Ilaahay ha nacdalo ciddii rabta inay dadka xumaan iyo shark u dhex abuurto. Waxaan ilaahay waydiisanaynaa in uu ka aar gooyo dadka wax laayay iyo gacan ku dhiiglayaasha, oo uu aduun ito aakhiraba ciqaab dag dag ah kusoo rogo.

  • abdifitah
    August 17, 2012 @ 05:42:37AM

    Kooxahani waxy sababeen in dalka soomaaliya joogsato noloshiisu, waayo waxay dadka ku dhex abuuraan argagax iyo cabsi. Markaa xalka kaliya ee ay soomaaliya ku hagaagi kartaa waa iyagoo laga takhaluso, sidaas ayaanan rajaynaynaa, waayo argagixisadu waa halka ya ka soo bilaabmaan burburka iyo dhibka iyo dhiig daadintu.

  • jama
    August 17, 2012 @ 03:25:07AM

    Hadii aysan dalalka gacanku xayiraad saarin dhuxul dhagaxda ay ka iibsadaan kooxda alshabaab, waxaa sii jiri doona ilaha dhaqaale ee ay kooxdu lacagta ka hesho, lagamana saari karo fadhiisimada u hadhay, sida kismaayo. Markaa waa in ciidamada difaaca Kenya iyo kuwa soomaaliyeed ay qabsadaan magaalo xeebeeda kismaayo, si xididada loogu siibo kooxdan argagixisada ah.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada